25.3 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Xasan Sheekh oo xafiiskiisa xil sare uga magacaabay Hani Cabdi Gaas

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.

Dadka ka aragti dhiibtay bogga Villa Somalia oo dikreetadaan lagu baahiyey ayaan eegnay, waxayna dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo yaab leh.

Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan xil aheyn, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas loo xafiiska Madaxweynaha looga qoray ‘biil.’ Madaxweynaha ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan.

AFWERKI oo xog cusub ka bixiyay isbaheysiga saddex geesoodka

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya.

Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale.

Madaxweyne Isaias Afwerki oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” ka baahiyeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika, xilli ay ka taagan yihiin xasarado isbiirsaday.

“Shirweynihii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax Itoobiya lagu dhaawacayey ee waxa uu ahaa wax u adeegayay Geeska Afrika,” ayuu Afwerki ku yiri wareysiga.

Shirka ayuu ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, harooyinka Nile iyo deegaanka badda cas.

Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka.

Shirkan oo dhacay xilli xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala furtay kadib is-afgaradkii Somaliland, ayaa ahaa mid siyaabo kala duwan loo turjumay maadaama saddexdan dal ay Itoobiya isku hayaan si weyn.

Faransiiska oo ballan-qaad culus u sameeyay DF, xoojiyeyna madax-banaanida dalka

0

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya.

Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland.

Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi.

Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyntiina isla soo qaaday baahida loo qabo la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo dowldda Soomaaliya ay uga mahad-celisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho, taasi oo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed.

Xasan Sheekh ma wuxuu markale xalka ka raadinayaa dal shisheeye?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 13 Sano kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalka khilaafka siyaasiga ah ka jiriyay dalka Itoobiya oo xilligaasi uu xiriirkooda wanaagsanaa.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalka xiisadda maamulka Jubbaland ka jirinaya Kenya, oo saaxiib dhow la’ah Axmed Madoobe, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in haatan Nairobi looga xaajoonayo arrintaas, ayna is horfadhiyaan saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

“Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ee la xiriira xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uu ku dambeyn doono “Soomaaliyeey heshiiya oo aan idin wada hadashiino”.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Seddax iyo toban sano ka hor ayaan qayb ka ahaa wadahadalkii dowladdii uu Madaxweyne Xasan hoggaaminayey iyo maamulka Jubaland. Xal dalka gudihiisa lagu gaari karay ayaa xilligaas Itoobiya loo raray.

Maanta Nairobi isla arrinkii ayaa looga xaajoonayaa, saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya oo kaligii ah ayaa is horfadhiya.

Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal.

Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibirtu kula dhacday.

Waxay aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya, saa daraadeed hadalkoodu wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.

Madaale oo dhaqaajinaya doorasho qof iyo cod – Muxuu sameeyay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caasimada ka wada ololaha doorasho qof iyo cod, kaas oo qorshaheeda wado dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaale ayaa maanta kulan la qaatay hogaanada ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Cumar Cabdiraxmaan Macow.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Yabooh ayaa wuxuu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka doorasho ee la rabo in shacabka reer Muqdisho ay kusoo doortaan hoggaankooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Madaale ayaa dhalinyarada u sheegay inay isku diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee xukuumadda federaalka dooneyso inay dalka ka hirgeliso, si gaar ahaan gobolka Banaadir.

Intii uu kulanka socday waxaa warbixin sanadeed lagaa dhageystay hogaanada ururka dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dar-daarmay hogaanka dhalinyarada gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska.

Madaale ayaa muddooyinkii dambe taageero bulsho u raadinayay qorshaha doorasho ee diidan yihiin mucaaradka, isagoo maalmo kahor magaalada Muqdisho iskugu soo saaray boqolaal kamid ah bulshada caasimada, si loo taageero hanaanka doorasho qof iyo qof oo haatan uu ansixintiisa wado baarlamaanka Soomaaliya.

Jubbaland oo soo jawaabtay kadib ciidamadii maanta isku dhiibay DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka lasoo bandhigay oo watay doonyo aanay kamid ahayn markii hore Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax.

“Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland.

Waxaa kale oo lasii raaciyay in arrintan ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, si ay u sumcad disho ciidanka Daraawiishay maamulka Jubbaland.

“Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen” ayaa mar kale lagu yiri.

Saaka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inay ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay.

“Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.

Xog: DF oo xanibaad kusoo rotay xildhibaanno ka tirsan BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo gudbiyay saraakiisha ku sugan garoonka Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannadaasi ayaa ah kuwa kasoo jeedo dhanka deegaannada Jubbaland, waxaana kamid ah Xasan Yare oo dhowaan buuq ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, isaga oo feeray askari ku sugnaa xarunta.

Saraakiisha gacanta ku haysa garoonka ayaa loo geeyay liiska xildhibaanno uu ku jiro Xasan Yarare oo loo yaqaan Firinbi, iyadoo loo sheegay in aanay ka dhoofi karin garoonka.

Arrinta ayaa salka ku hayso gacan qaadkii todobaadkii hore ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka iyo xiisadda kasii dareysa ee ka taagan Jubbaland,

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa qiray inay jirto xildhibaanno ay dowladda warqad ka dhigtay garoonka Aadan Cadde, si loogu sameeyo xanibaad dhanka socodka ah.

“Warqad ayaa garoonka diyaaradaha laga dhigay Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano kale, Anaga Xildhibaanka waan aragnay waxa uu nagu yiri Muuqaalka dagaalka waa lasoo jarjaray” ayuuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo wayn, isla markaana u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Daawo: Ciidamo horleh oo maanta kasoo goostay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasmada Online) – Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ciidamadan oo watay 4 doomood oo kuwa dheereeya ah ayaa dhanka xeebta ku yimid, waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi.

Taliyaha hoggaaminayay ciidanka kasoo goostay Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin inay kusoo biiraan dowladdooda.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland, isaga oo tilmaamay in muddo dheer ay dhibaato tirsanaayeen, maantana ay garteen inay kasoo baxaan.

“Sababta keentay ciidankan iyo aniga oo xukuma ma ahan in dowladda aan number ka helno ma ah inaan dhaqaale helno, waxaan halkan joognay 20 sano oo aysan jirin cid na caawineyso oo xagga badda naga taagan tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Deegaankan waxaa dhibaateeyay oo cunaqabateeyay waa argagixisada oo cid ka qabatana waayay”.

Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.

DF oo war culus kasoo saartay kulanka Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed

0

Arusha (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka ku saabsan kulanka la qorsheynayo inuu dhex-maro madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu shalay madaxweynaha Kenya uu shaaciyay inay ka shaqeynayaan wada-hadalka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka la qorsheynayo in la’isugu keeno labada hoggaamiye, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso dadaallo ay wadaan madaxa Geeska Afrika.

“Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Danjiruhu.

Ilyaas ayaa sidoo kale ku celiyay in weli aanus isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ku aadan in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

“Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ilyaas.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dhanka Itoobiya ay ka socon la’dahay arrintu, isla markaana aysan daacad ka ahayn wada-hadalka.

“Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya” ayuu sii raaciyay.

Ma cadda xilliga uu qabsoomi doono kulanka labada hoggaamoye ee uu xaqiijiyay madaxweyne Ruto, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo baxay khilaafkooda ku aadan badda.

Qoys Soomaali oo ku dhex dhintay gurigooda, kadib markii…

0

Qaahira (Caasimada Online)  – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo qoys Soomaali ah ku qabsatay gudaha magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, kadib markii iyaga oo wada dhintay loogu dhex tegay gurigooda.

Qoyskan oo ka koobnaa illaa lix qof ayaa dhammaantood geeriyooday, kadib markii ay ku qabatimeen gaas yiilay gurigooda oo ay ka seexdeen isaga oo furan.

Wararka ayaa sheegaya in qoyskan la waayey warkooda maalintii Khamiista ahady, kadibna Sabtidii shalay maydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla caasimada Masar.

Mid kamid ah ehellada marxuumiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo tirada koobnaayeen dadka dhintay oo isugu jiray carruur iyo dad waa weyn.

“Lixda qof waxa ay kala ahaayeen odey, wiil uu dhalay, gabar uu dhalay iyo inantu laba wiil oo ay dhashay iyo ninkii inanta qabay” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta.

Sababta waxa kuu sheegay inay tahay gaaska oo guriga ku furmay, isla-markaana baaritaannada la sameeyay ay ku ogaadeen.

“Geerida waxaa sababtay gaaska oo furan ayay ka seexdeen, dowladda Masar way timid waa la baaray, waxa sababay waxaa la ogaaday inay gaaska tahay oo guriga ku furmay” ayuu mar kale yiri.

Booliska Masar ayaa sidoo kale ku howlan dhacdadaan, wuxuuna sii wadaa baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Puntland oo arrin xasaasi ah ku eedeysay DF Soomaaliya, xilli uu ka sii daray khilaafka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. 

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay. 

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. 

“Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade. 

Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. 

Hase yeeshee, eedeymaha Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ay ka dambeyso siyaasad la isku qabtay oo markii dambe isu bedeshay cadaawad kadib markii Garoowe looga adkaaday dagaalka siyaasadeed.

Puntland ayaa hadda sidoo kale la safan Jubaland oo ay is-hayaan dowladda federaalka, waxaana sidoo kale siyaasiyiinta Garoowe ay riixayaan SSC-Khaatumo si ay ugu soo biirto isbahaysigooda, si khilaafka siyaasadeed loogu rogo mid qabiil.

Fahad: Mucaaradka hal baa seegtay, walise dabaqabashey leeyihiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay “𝑴𝙐𝑪𝘼𝑨𝙍𝑨𝘿𝑲𝘼 𝙃𝑨𝙇 𝘽𝑨𝘼 𝙎𝑬𝙀𝑮𝙏𝑨𝙔, 𝑾𝘼𝑳𝙄𝑺𝙀 𝘿𝑨𝘽𝑨 𝑸𝘼𝑩𝘼𝑺𝙃𝑬𝙀𝒀 𝑳𝙀𝑬𝙔𝑰𝙃𝑰𝙄𝑵” Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon ‘mucaradnimo soo taagan kaliya.’

“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

“Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.

“Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah?” Ayuu su’aalay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabda’ ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan.

“Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan.

Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.

 

ISRAEL oo Gaza ku dishay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Isra’il ayaa Sabtidi shalay duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey’adda hey’adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen.

Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki.

Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa.

Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza.
Baabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza.

World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa, isla markaana sheegtay in aysan waxba kala socon in shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarki 7-badi October.

Hey’addan samafalka ayaa dhanka kale sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana sheegtay in ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza.

Goor danbe oo xalay aheyd, ayay hey’adda caalamiga ah ee dhanka gargaarka ee Save the Children shaacisay, in mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Axmed Feysal Isliim oo 29 jir ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku qaadday Khan Younis shalay.

Sawirro: Somalia oo xil sare ka qabatay ururka EAC iyo Xasan oo balan-qaad sameeyey

0

Arusha (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC), maadaama madashaan loogu dabaal-degayo sanad guuradii 25-aad ee aas-aaskii ururkaan.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda.

Dalka Kenya ayaa loo doortay guddoonka ururka EAC, halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.

Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda  EAC.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Jubaland oo ciidanka DF ku eedeysay inay kufsi, dil iyo dhac ka geysteen Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland oo uu weli khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa eedeyn yaableh u jeediyay ciidamadii dhawaan la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada marka la geeyay Raaskambooni ay isla markiiba dhibaato ka gaysteen deegaanka, ayna kufsadeen illaa 7 haween ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay Jubbaland sheegtay in ciidamadu ay dhaceen xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

“Deegaanka Raaskambooni oo ay dhawaan qabsadeen Maleyshiyaad uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa inay halkaas ka gaysteen gabood falo kala duwan. Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ilaa 7 haween ah ayaa la sheegay in ay kufsi u gaysteen Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyagoo sidoo kale dhac u gaystay qaar kamid ah goobaha ganacsiga deegaanka ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta Jubbaland.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ilaa 10 kamid ah goobaha ganacsiga deegaanka Raaskambooni ayaa la sheegay inay Ciidamada Maleyshiyaadka ah dhac ugu gaysteen iyadoo meelaha qaar ay ka dhaceen lacag cadaan ah iyo agab kala duwan”.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in isla ciidamadu ay xabeedeeyeen gawaari ay la socdeen dad shacab ah, uuna jiro khasaare u badan dhaawacyo ay gaysteen.

“Dhinaca kale saaka Ciidamadan ayaa  Xabadeeyay sadex gaari oo shacab ah waxaana halkaas ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo hada lagu dabiibayo deegaanka Kiyuunga ee dalka Kenya oo ku dhow xuduudka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan eedeynta loo jeediyay ciidamada la geeyay aagga Raaskambooni.

Ciidamadan ayaa waxaa halkaasu loo geeyay inay la dagaalamaaan Jubbaland, si ay meesha uga saaraan Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaanka maamulkaasi.

Mucaaradka Suuriya oo la wareegay magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Xoogagga fallaagada Suuriya ayaa la wareegay “kala bar” magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suuriya ee Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee SOHR ee fadhigeedu yahay UK.

Hay’adaan waxay sheegtay in 277 qof oo ay ku jiraan in ka badan 20 rayid ah la dilay, tan iyo markii weerarku billowday Arbacadii.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu qaado dowladda Suuriya muddo sanado ah, waana markii ugu horreysay oo fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Bashaar Al-asad ay gaaraan Xalab.

Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa xoog uga saaray Xalab maleeshiyaadkan kooxdaas sannadkii 2016-kii, balse ayagana hadda ayaa dib looga qabsaday.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Xalab iyo dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaa u suurtagashay fallaagada in ay qabsadaan ‘kala bar magaalada Xalab’ iyagoo aan la kulmin iska caabin weyn, sida uu sheegay agaasimaha Hay’adda SOHR Rami Abdel Rahman oo wakaaladda wararka ee AFP ay soo xigatay.

“Majiro wax dagaal ah, hal xabadna ma dhicin, markii ay ciidamada talisku ka baxeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay ninkaas.

Inkastoo weerarka lagu qabsaday Xalab uu soo bilowday Arbacadii, hadana ciidamada dowladda Bishaar Al-asad waxay sameeyeen rogaal celin Jumcihii shalay, waxaana la sheegay inay ku sii siqayaan deegaano badan oo dhaca gobollada Xalab iyo Idlib ee dalka Suuriya.

Muxuu SHARIIF ka yiri soo qabashada Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isaga oo taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay Axmed Madoobe.

Shariifka ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabada milatari ee ay qaaday dowladda dhexe, isla-marlaana ciidamada lagu geeyay deegaanada Jubbaland, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay sababi karto in uu dhiig ku daato.

“Maanta waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka lasoo adeegsanaayo waa xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro mana jirin baaho loo qabo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal soo qabashada Axmed Madoobe kadib waaranka ay u jartay dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inuu arko arrin khalad ah, maadaama uu waqtigeeda ku qabtay doorashada maamulka Jubbaland.

“Kii yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaa kii kalena sidaada ku joog haddaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso” ayuu mar kale yiri Sheekha.

Waxaa kale oo uu Sheekh Shariif sii raaciyay “Dowladnimo wa heshiis bulsho, dastuurku waa heshiis bulsho oo ay tahay inaan wada ilaalino”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, kaas oo ku dhow inuu isku rogo gacan ka hadal, kadib markii ay dowladdu ciidamo badan gaysay deegaanka Raaskambooni, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.

DF oo soo saartay digniin culus oo ku socota ganacsatada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maaliyadda, wuxuuna soo hadal qaaday dagaalka dhanka dhaqaalaha ee ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo howlgal culus oo ku aadan dhanka maaliyadda ee  argagixisada si loo cuuryaamiyo, isaga oo sheegay in wax badan ay ka qabteen.

Sidoo kale wasiirka ayaa u digay ganacsatada inay Al-Shabaab la macaamilaan, isla markaana ay lacago siiyaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wajiga saddexaad uu noqonayo la dagaalanka lacagaha laga qaado dadka shacabka ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciddii lagu ogaado ama lagu caddeeyo in ay lacag u dirto Al-Shabaab lasoo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

“Shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa aan uga digeynaa in aan wax maamil ah lala sameyn Argagixisada, wajiga 3-aad waa in maalgelintooda tallaabooyin waa weyn laga qaado, wax badan way ka qabsoomeen” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Al-Shabaab ay lacago ka qaadaan ganacsatada gudaha, iyaga oo lasoo sameeyo xiriir toos ah, ama usoo diro shaqsiyaad iyaga ka tirsan, waxaana digniintan ay caqabad ku noqoneysaa ganacsatada oo hadda dhibane u ah kaamirooyinka ay xirteen.

Warbixin maanta soo baxday oo ay soo saartay Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ganacsatada loo dilay kaamirooyinka ay gaartay 37 qof oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulmaya – Maxaa soo kordhay?

0

Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan foolka fool ah, balse ay ku wehlin doonaan qaar kamid ah madaxda kale ee gobolka.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa xaqiijiyay kulanka labada mas’uul, wuxuuna ka sheegay magaalada Arusha ee Tanzania oo ay hadda wada joogaan isaga iyo Xasan Sheekh.

William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ay qorsheynayaan in ay yeeshaan kulan ay ku yareynayaan xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Aniga iyo Museveni waxaan qorsheynaynaa in shir isugu keeno walaalkayga Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si aan u yareyno xiisadda gobolka Geeska Afrika, maxaa yeelay amniga iyo xasilooni Soomaaliya waxay saameyn wayn ku leeyihiin xasiloonida gobolkeenna, waxayna dhaawacaysaa isdhex-galka ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu yiri Ruto.

Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xal u helida xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala tegay, kadib heshiiskii uu Abiy horraantii sanadkan la galay maamulka Somaliland.

Ma cadda xilliga uu qabsoomayo kulankan oo uu xaqiijiyay madaxweynaha Kenya, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkooda oo saameyn ku yeeshay labada dowladood.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga biyo diiday in uu la kulmo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo shuruud ku xiray in marka hore uu ka laabto heshiiska badda, lamana oga waxa haatan isbeddalay ee soo dadajiyay kulanka labada mas’uul.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu soo dhaweeyo labada dal, kadib dadaallo uu sameeyay Turkiga, laakiin waxba kama soo bixin.

Tirada ganacsatada Muqdisho ee la dilay oo gaartay 37 QOF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday  Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa waxaa looga hadlay beegsiga ay Al-Shabaab ku hayaan ganacsatada Muqdisho, kadib xirashadii kaamirooyinka.

Xarunta ayaa diiwaan-gelisay ugu yaraan illaa 10 weerar oo lagu beegsaday ganacsato, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Warbixinta ACLED ayaa waxaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar illaa dabayaaqadii Noofembar ay dhaceen ugu yaraan 23 weerar oo guud ahaan, kuwaas ayaa lagu qaaday dad rayid ah, taasoo keentay 37 dhimasho ah.

Ku dhawaad 40% dhacdooyinkan ayaa lala xiriiriyay rakibaadda CCTV-ga oo ay dowladda Soomaaliya ku amartay in ganacsatadu ay ku xiraan mehradahooda.

Sidoo kale weerarada ayaa curyaamiyay xaafado muhiim ah, iyadoo goobaha ganacsiga degmooyinka qaarkood laxiray, cabsi laga qabo in loo beegsado kaamirooyinka ay xirteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horay usoo rogtay amarka xirashada kaamirooyinka ee keenay beegsiga ganacsatada, waxaa kadib ay dhibanayaal u noqdeen Al-Shabaab.

Laamaha amniga ayaa dhankooda dadaal muujiyay, waxayna sameeyeen howlgallo lagu soo qabteen shaqsiyaad ku eedeysan ganacsatada illaa iyo hadda la dilay.

Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo weli Al-Shabaab ay sii waddo beegsiga xarumaha lagu xiray kaamirooyinka ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.