25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Maamulka Jubaland oo soo saaray amar xasaasi ah oo ku saabsan Raas Kambooni

Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada dowlad goboleedka Jubaland ayaa la sheegay in lagu hakiyey duulimaadkii garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxaana digniin loogu diray shirkdaha diyaaradaha.

Jubaland ayaa sheegtay in amarkani si gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, maadaama xaalad colaadeed ay ku jirto magaalada Raas Kambooni.

Sidoo kale, digniinta ayaa lagu sheegay diyaaradii u hogaansami weyda inay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdullahi Dubad Shill ayaa bayaan uu soo saaray lagu yiri “Dowlad Goboleedka Jubaland waxay uga digaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Raas Kambooni. Deegaankaas waxaa ka jira xaalad colaadeed oo halis ah, taasoo keeni karta khatar weyn oo dhinaca amniga ah”.

Wasaaradda ayaa hadalkeedi intaa ku dartay in shirkaddii ka dhaga adaygta digniintan in iyada ay qaadi doonta masuuliyada wixii ka dhasha xaaladaha saan saanta colaadeed ee degaankaasi ka taagan.

Ugu dambeyn warqadaan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka waxaa ay fartay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha inay u hogaansamaan digniintan, kana fogaadaan inay wax duulimaad ah ka sameeyaan aagaas, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida Soomaaliyeed.

Digniintan ayaa timid xili dowladda federaalka ay ciidamo kusii daabulayso magaalada Raas Kambooni.

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey bisha la qabanayo doorashada ugu horreysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shalay ay Guddigga Doorashooyinku u doorteen guddoomiye, Haddaba waa kuma Cabdikariin Axmed Xasan?

Sida ku xusan taariikh nololeedkiisa, Cabdikariin waxa uu khibrad u leeyahay Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka, taasi oo oo ah mid ka badan 12 sano.

Waxaa kale oo uu khibrad u leeyahay sida lagu xusay taariikhdiisa shaqo iyo waxbarasho siyaasadda dowladda, xiriirka bulshada rayidka ah iyo xoojinta dhaqaalaha.

Waxa uu la taliye sare kasoo nqoday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya isagoo ka qeyb qaatay hirgelinta Qorshaha Horrumarinta Qaranka (NDP-9)

Waxa uu kasoo shaqeeyay Guddiga Xallinta iyo Khilaafaadka sanadkii 2016kii kaas oo howshiisu ay ahayd in uu gacan ka geysto arrimaha dhexdhexaadinta iyo in si daahfurnaan ah loo soo bandhigo in ay dooarshadu noqoto mid xaq ah.

Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaa uu ka soo shaqeeyay u dooddida iyo waci gelinta bulshooyinka laga tirada badanyahay si ay uga qeyb qaataan hannaanka dimuquraadiyadda . Waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koobaad , sidoo kale waxaa u Shahaadada labaad ee jaamacadeed ka qaatay St. Mary’s University ee dalka Maraykanka.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Waxa uu sheegay in dhankooda ay labada gelinba shaqayn doonaan si uusan wakhtigu caqabad ugu noqon. Mar uu sharraxey sida ay uga hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah dalka waxa uu sheegay in ay ku shaqeeynayaan shuruuc ay labada aqal ee baarlamaanka meel mariyeen.

“waxa aan diiwaangelin ku samayn doonnaa ururrada xisbiyada xisbiyo noqonaya, gaar ahaan kuwa shuruudaha soo buuxiya, ka dibna aan dalka gaarsiino in golaha deegaanka dooarashooyinkooda aan ku qabano xisbiyo qof iyo cod ah,” ayuu yiri Cabdikariin oo sheegay in ay howshaasi ay dhawaan bilaabi doonaan.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha Deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan , halka bisha November ay qaban doonaa tan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo madaxdooda taas oo ku dhaceysa qof iyo cod .

Waxa jirta dood Siyaasiyiinta qaar kood ee ku aadan in xaaladda dalku ku suganyahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn, laakin Cabdikariin ayaa sheegay in ay jiraan meelo badan oo nabad ah oo dalka ah in doorasho laga qaban karo isagoo sheegay in meelaha kale ee khilaafka siyaasadeed ka jirana ay rajeynayaan in uu xallismo inta ay shaqada wadaan.

“Annagu intaan gaari karno waa gaareeynaa, umaddana waxa aan leenahay xuquuqda dastuuriga ah ee aad leedihiin ee ah in aad madaxdiina doorataan ayaan doonaynaa in aan idin gaarsiino,” ayuu yiri Cabdikariin oo intaas ku daray in siyaasyiinta wax ka tabanaya arrimaha in ay la fariisan doonaan.

Marka la eego waqtiga ay sheegeen Guddigga doorashadu in ay ku dhaqan gelinayaan doorashada ee ah bisha Juun ee soo socota ayaa haddana waxa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weeydiiyaan suurtagalnimada in waqtigaas lagu hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, hasa yeeshee guddoomiyha guddiga Doorashooyiinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in shaqooyin kala duwan ay qaban donaan dadkana ay kulamo la sameeyn doonaan.

“Shaqadeenu waxa noqon doontaa inagoo kaashaneyna khibradeenna in deegaanada Soomaaliyeed badankoodu ay gacanteena gaarto,” ayuu yiri.

Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in Sababaha ay Soomaaliya u dhaqaaqi weysay ay tahay in dadku aanay aqoon cidda matasha, arrimahooda iyo mmashaakiilkoodana cid ay u sheegtaan aanay aqoon. Sidaasi darteed, wax uu aaminsan yahay in doorashada qof iyo codka ah ay xallin karto dareenkaasi ay qabaan dadweynuhu.

DF oo Muqdisho ku xirtay mas’uul qabtay kulan lagu taageeray Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta xabsiga dhigtay maamulaha Hotel Maka Al-mukarama, kadib markii hotelkiisa lagu qabtay shir lagu taageeray doorashadii Axmed Madoobe, isla markaana uu xog marin habaabin ah siiyey dowladda.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, dowladda ayaa heshay xogta shirkaas inta uusan ka dhicin hotelka, markii la weydiiyey maamulaha Hotelka, wuxuu dowladda u sheegay in shirkaasi uu yahay mid nabadeed oo siyaasadda uusan quseyn.

Goor dambe oo galabta ah ayaa la sheegay in dowladu ogaatay in shirkaasi uu yahay mid lagu taageeray Axmed Madoobe oo maalmo ka hor doorasho ay dowladdu diiday Kismaayo ku qabsaday, waxaana la qaaday tallabo deg deg ah.

Waxaa lasoo xiray maamulihii hotel Maka Al-mukarama, waxaana loo heystaa labo eedeymood oo kala ah: 1-in hotelka lagu qabtay kulan lagu taageeray doorasho aysan aqoosaneyn dowladdu oo qiyaano qaran ay u aqoonsatay, 2-iyo in dowladda uu xog qaldan siiyey oo shirkaas uu u sheegay in wax siyaasad ku saabsan aan looga hadleynin.

Xubnaha dhanka ammaanka ah ee noo waramay waxay sheegeen in maamulaha Hotelka uu sheegay in Hotelka uu ka dhici doono shir kale oo looga soo hor jeedo Axmed Madoobe, balse kan lagu xiray wuxuu ku tilmaamay mid aayo ka tashi ah, balse waxaa markii dambe la ogaaday in meesha Axmed Madoobe lagu taageerayo.

Dowladda ayaa warbaahinta ka joojisay inay baahiso codadka odayaashii hadlay ee kulankaas ku taageeray Axmed Madoobe, waxaana jira warar sheegaya in odayaasha qaarna la xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay soo afjareyso Axmed Madoobe, waxaana loo jaray waaran soo qabasho ah, iyadoo taliyaha booliska loo xil-saaray soo qabashadiisa.

Sidoo kale, dowladdu waxay qaaday tallaabo ciidan, waxaana maalin kasta ciidamadii Axmed Madoobe isku difaacayey ku socota diiwaan gelin, waxayna si iskood ah ugu biirayaan ciidanka xoogga.

Dowladda ayaa sal-dhigatay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo lagu diiwaan geliyo ciidamadii Jubbaland ee Axmed Madoobe ka goosanaya, halka Axmed Madoobe iyo xubnihii taabacsanaa ay ku go’doonsan yihiin magaalada Kismaayo.

Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo

0

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay Isniintii shalay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka in dadka Faransiiska ay qatyaan taaganyihiin, islamarkaana uu ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahan yahay in bannaanka loo tuuro.

Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mooshin ka dhan ah xukuumadda. Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron.

Isu geynta xildhibaannada axsaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska. Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa.

Barnier oo xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishi September, ayaa noqon doona ra’iisul wasaarihi u horreeyay ee xakuumaddiisa lagu rido codka kalsoonida baarlamaanka tan iyo sannadki 1962-ki, haddii ay taasi ka dhabeeyaan xubnaha mucaaridka Faransiiska.

Taliye Odawaa oo abaabulaya dagaal lagu xoreynayo Ceelbuur – Xogta qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowa Yuusuf Raage ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Taliska Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaalla Muqdisho.

Jeneraal Odawaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Danab G/Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen, waxaana la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa ugu horayn kormeeray xafiisyada Taliska Guutada 16-aad ee Danab, isagoo mid mid u xogwaraystay saraakiisha ka howlgasha taliska.

Taliye Odawaa ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Taliska Guutada 16-aad ee Danab, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran shaqada ay Qaranka u hayaan, siina dardar geliyaan howlgalladooda difaaca iyo xoreynta dalka.

Xubno xog badan ka haya kulamadii galabta ka dhacay taliska Danab ayaa Caasimada Online u sheegay in Jeneraal Odawaa uu Taliyaha Danab kala hadlay sida ugu fudud ee loo soo afjari karo Shabaab-ka weli ku sugan deegaano ka tirsan Galmudug.

Taliyaha Xoogga ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu siinayo sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceelbuur iyo tuulooyin kale oo muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa taliyaha Danab faray inay dhaqaaqaan oo ka howlgalaan inta u dhaxeysa Galgaduud iyo Sh/Dhexe, iyadoo muhiimadda koowaad la siinayo duqeymaha, si buu yiri khasaaraha iyo khatarta ciidanka soo wajihi karta loo yareeyo.

Dhinaca kale, Taliyaha Xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay diray ciidan iyo saraakiil la howlgelaya ciidamada dadka deegaanka ee ka dagaalamaya aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo dhowr deegaan maanta ka xoreeyey Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa qorsheynaya in dagaalka uu kasii amba-qaado halkii uu kaga tegay, maadaama taliyihii ka dambeeyey uusan wax natiijo ah ka gaarin dagaalka, mudadii uu joogay xafiiska.

Biden oo dembi ‘qiyaano qaran ah’ ka cafiyey wiilkiisa iyo Trump oo ku gacan seyray

Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa si rasmi ah cafis ugu fidiyay wiilkiisa, Hunter Biden, kaas oo lagu waday in bishan maxkamaddu xukunto.

Wiilka Biden ayaa loo heystay dembiyo la xirriira inuu si sharci darro ah u heystay hub iyo canshuur khiyaameyn ah.

Madaxweyne Biden ayaa horay u sheegay, inuusan cafis u fidin doonin wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sanadaha ay maxkamaddu xukunto.

Hunter Biden, ayaa bishii Septeembar qirtay dacwaddan lagu soo oogay, waxaana lagu helay inuu isticmaalayay daroogo sharci darro ah.

Wiilka Biden ayaa noqday canugii ugu horreeyay ee madaxweyne xil haya uu dhalay oo dacwado lagu soo oogo dalka Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa cafiska Biden ku tilmaamay “tacaddi iyo cadaalad dhicisoowday.”

Qaar kamid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa Joe Biden ugu yeeray “beenaale”.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa haatan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo cafis u fidiya wiilkiisa oo loo heysto dembiyo culus.

Kiiskaan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka Mareykanka, dadka intooda badan waxay Biden ku dhaliilayaan go’aanka uu ku cafiyey wiilkiisa oo ay ku tilmaameen “ku takrifal awoodeed” waxaana la eegi doonaa go’aanka uu Trump ka qaato kiiska loo heysto wiilka Biden.

Taliye Asad oo la kulmay wakiilada caalamka xilli la amray inuu soo xiro Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxiibadda beesha caalamka ee daneeya arrimaha booliska.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada amniga gudaha iyo xafiiska amniga qaranka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeyb qadashada dagaalka socda.

S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka.

Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa dhamaantood bogaadiyay qorshaha fiidanka booliska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska istiraatiijiyadda.

Xubnahan ayaa sidoo kale ammaanay howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka booliska.

Kulankaan ayaa imanaya xilli taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ay maxkamadda gobolka Banaadir ay fartay inuu soo qabto Axmed Madoobe, si loo horgeeyo maxkamadda, kadib markii ay dhawaan u jartay waaran soo qabasho.

Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka ayaa khilaafkooda sii xoogeystay kadib markii uu Kismaayo ku qabsaday doorasho uu markale kusoo baxay, taasi oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan oo maanta sameeyay arrin yaab leh oo ku saabsan laba xero ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray u kala bedelay magacyada labada xero ciidan, kuwaas oo kala ah; Damaanyo iyo Gordon.

Xerada General Gordon ayaa loogu magac daray Col. Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howl-galka tababarka Imaaraadka.

“Madaxweynaha JFS markuu tixgeliyay in ay ku habboon tahay in loogu magac daro Shahiid Col. Mohammed Mubarak Al Mansori wuxuu madaxweynaha soo saaray xeerkan, kaasi oo dhigaya in laga bilaabo maanta xeradii hore Ex. Gen. Gordon loogu magac daray Col. Al Mansori,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay xeradaas 10-kii Febraayo 2024, xilligaas oo Imaaraadka uu kasoo gaaray khasaarihii ugu xoogganaa ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu xerada Damaanyo ugu magac daray Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon).

Wareegtada xeerka madaxweyne oo soo baxday isku waqti ayaa goor sii horeysay baraha bulshada waxaa qabsaday mid kamid ah warqada magac ka bedelida xeradii hore General Gordon loogu magac daray.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay in xeradii hore ee General Gordon uu magaca ka beddelo, uuna ugu magac daro sarkaal dal shisheeye, inkasta oo xero kale uu markii dambe ugu magac daray General-ka.

Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha.

Guddigan oo muran badan uu ka taagan yahay doorashada loo igmaday ayaa waxaa horey u ansixiyay laamaha fulinta iyo xeer dejinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnaha guddigaan oo ka kooban 18 xubnood ayaa isla maanta doortay hoggaan cusub, ayadoo guddoomiye loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka ku-xigeen loo doortay Saadaq Abshir Garaad.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono maamulida doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod, taas oo gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Qorshaha doorasho ee Xasan doonayo ayaa waxaa si weyn u diidan madaxdii hore iyo xubnaha mucaaradka oo u arka inuu madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi.

Sidoo kale waxaa hanaankan doorasho iyo wax ka beddelka dastuurka kasoo horjeeda maamullada Puntland iyo Jubbaland, oo ayada haatan uu dagaal culus kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii Axmed Madoobe uu Kismaayo ku qabsaday doorasho uu mar saddexaad kusoo baxay.

Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda hadda taagan ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, waxaana muuqata in Xasan Sheekh uusan ka laabaneyn qorshihiisa ayna ka go’an tahay inuu dagaal la galo ciddii ka hortimaada sida haatan ka taagan Jubbaland.

SOOMAALIYA oo markii ugu horeysay xil muhiim ah ka qabatay EAC

0

Arusha (Caasimada Online) – Shirweynihii 24-aad ee madaxda dowladaha bulshada bariga Afrika (EAC) ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku abaalmariyay doorar hoggaamineed oo muhiim ah.

Soomaaliya ayaa loo doortay warbixin-sameeyaha (Rapporteur) ee EAC ee sanadka 2024/2025, halka Kenya ay noqotay Guddoomiyaha EAC. Doorashadan ayaa muujinaysa muhiimadda labada dal ee hoggaaminta iyo iskaashiga gobolka.

Soomaaliya oo ka qayb-qaadaneysa hoggaaminta EAC

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay qabatay xilka Warbixin-Sameeyaha tan iyo markii ay ku biirtay ururka EAC sanadkii hore. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay tahay fursad weyn oo ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto doorka caalamiga ah ee ay ka ciyaareyso. Soomaaliya waxay ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonto yoolalka EAC ee nabadda, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka siyaasadeed ee gobolka.

Kenya iyo hoggaaminta EAC

Kenya, oo loo doortay Guddoomiyaha EAC ee sanadka 2024/2025, ayaa mas’uuliyadda weyn ee hoggaamineed qaadan doonta. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka hadlay baahida loo qabo iskaashi xooggan oo u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah EAC, isaga oo xusay inay muhiim tahay in la xoojiyo nabadda iyo horumarka gobolka.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay

Shirweynahan 24-aad ee Madaxda Dowladaha Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Arusha, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda dalalka EAC, oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), Soomaaliya, iyo wakiil ka socday Burundi. Shirka ayaa diiradda saaray arrimaha nabadda, isdhexgalka, iyo horumarka gobolka, waxaana kasoo baxay qodobo dhowr ah:

  1. Luqadaha Rasmiga ah ee EAC: Faransiiska iyo Kiswahili ayaa loo aqoonsaday luqadaha rasmiga ah ee EAC, iyada oo lagu daray Ingiriisiga. Tallaabadan ayaa timid kadib markii is-beddel lagu sameeyay Qodobka 137 ee Heshiiska EAC.
  2. Xallinta Dagaalka Bariga DRC: Madaxdu waxay xoogga saareen xallinta dagaalka sii xumaanaya ee Bariga DRC, iyagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda isla markaana la mideeyo dadaallada nabadda si loo helo hannaan wadajir ah oo waxtar leh.
  3. Awoodsiinta Dhallinyarada iyo Haweenka : Shirka ayaa go’aan ku gaaray in mudnaan gaar ah la siiyo dhallinyarada iyo haweenka, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.

Doorashada hoggaanka cusub ee ururka iyo qodobada kasoo baxay shirka ayaa muujinaya himilooyin cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda gobolka Bariga Afrika.

Dawan

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu Marwo Hani Cabdi Gaas u magacaabay in ay la-taliye uga noqoto Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh arrimaha dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Sidoo kale Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh?

Cabdulqaadir Xasan Duuliye “Biil ayaan u qoray maad iska dhahdid?. Intaas ayaa kaaga fudud intaad shacabka beenta u sheegi lahayd”.

Cabdirsaaq Xaashi ayaa isaguna yiri “Waa gabar da’ yar waxaan leenahay allaha xilka hakuugu asturo”.

Daahir Dalabey “Qaab kasta oo dhaqaale lagu cuni karo waaloo raadiyey!! Dalka ayax ayaa ku habsaday!!”.

Hanad Cabdisalaan “Mushaar iska qaado aa la dhahaa alaabtan la-taliye aan la tirsan oo tiro badan muxuu magacabay Xasan Seekh?”.

Axmed Cabdirisaaq “Runtii waa gabar yar oo da’yar xilka laguu idmaday alle hakuugu asturo.”.

Cabdifitaax Cali Diiriye ” Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo kuxegeenkiisu maxay qabanayaan?

 

Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay oo maanta doortay hoggaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha ayaa maanta qaaday tallaabo kale, waxayna iska dhex doorteen guddoon cusub oo ku hogaamin doono shaqooyinka loo igmaday.

Xubnaha guddigan oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa dhawaaan waxaa meel-mariyay labada gole ee baarlamaanka, iyaga oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen cusub.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, waxaan gacan taag ugu codeeyey 17 xubnood, wuxuuna sidaas ku noqday gudoomiyaha guddiga.

Sidoo kale Saadaq Abshir Garaad ayaa isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha

Gudoomiye Cabdikariin Axmed oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha doortay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono in doorashooyinku noqdaan kuwa hufan.

“Gabar iyo Wiil walba oo Soomaaliyeed waxaan gurigooda ugu geynaynaa sanduuqa codeynta waxaan ballan qaadeynaa Soomaaliya inay ka gudubto doorashadii 4.5 iyo middii dadbaneyd oo aan wada ognahay dhibaatada ay leedahay”ayuu yiri Cabdikariin Axmed.

Guddigan oo uu isla maanta Xasan Sheekh kusoo saaray xeer madaxweyne ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan, inkastoo ay taagan tahay dood xoogan oo ay weli qabaan xubnaha mucaaradka.

Soomaaliya ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorashooyin, waxaana qorshe la xiriira qof iyo cod la yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo dhinaca kale ay ka biyo diidan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn culus oo ka dhacday duleedka BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay saq-dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso deegaanka Xawaadley iyo degmada Balcad, halkaas oo uu dhiwaan ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga ay duqeynta ka dhacday, iyada oo uu sii dheer yahay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Illaa iyo hadda na jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xog: Axmed Madoobe oo dagaal abaabulaya, xabsi gurina ka dhigay saraakiil badan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa isku diyaarineysa inay iska difaacdo ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Jubbada Hoose, waxaana socda abaabul xoog leh.

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sareeyey ciidanka Birjeex ee Jubbaland.

Hadda waxaa la sheegay in ciidanka Jubbaland uu hoggaaminayo Abaanduulihii Ciidanka Birjeex, waxaana socda abaabulkii ugu cuslaa.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xabsi guri uu ka dhigay saraakiil badan oo uu uga shakiyey inay xiriir hoose la leeyihiin Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Tallaabooyinka uu Axmed Madoobe qaaday saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka mid ah in kumanaan ciidamo ah uu ka diray magaalooyinka Kismaayo, Janaa-Cabdalla ilaa Buuloxaaji, kuwaas oo ku jawahan magaalo xeebeedka Kudhaa.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in maalamaha soo socda uu dagaal ka dhan ah ciidanka xoogga dalka ka abaabulo deegaanka Kudhaa, waxaana heysata kalsooni darro aad u weyn, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ayaa doonaya in aysan dagaalamin oo dowladda federaalka ay isku dhiibaan, balse Axmed Madoobe wuxuu ku cadaadinayaa inay dagaalamaan.

Maanta oo ugu dambeysay ciidamo watay ilaa afar doomood ayaa iska dhiibay Raaskambooni, kuwaas oo diiday inay dagaalamaan, balse Jubbaland oo war ka soo saartay ayaa sheegtay in ciidankaas aysan markii hore ka tirsaneyn oo ay ahaayeen maleeshiyaad abaabulan.

War cusub oo kasoo kordhay dagaal beeleedka xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya HirShabellee ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaannada dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo indhowaanahan ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.

Xiisaddan oo saameyn ku yeelatay deegaanka ayaa waxaa ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadaallo nabadeed oo dheeraad ah ka bilaabay halkaasi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aya waxaa looga hadla colaadddan iyo halka marayaan dadaallada uu sameeyay maamulka gobolka.

Wehliye ayaa shaaca ka qaaday in nabaddu ay lama huraan tahay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa labada beelood.

“In nabad loo helo waa lama huraan dadka walaalaha ah ee colaadu u dhaxeyso, Nabadu waa wax bir aysan goyn karin biyane meyri karin waa in la helo dhab u heshiisin buuxdo si loo gaaro taasina maamulka Iyo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida waa iney ku bixiyaan dadaal dheeraad ah wax kasto sidii loo heli lahaa Nabad iyo wadajirka dadka Walaalaha ah” ayuu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ka go’an tahay xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelleha dhexe, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa Dadaalada dhab-u-hishiisinta si loo baajiyo Dhiiga Walaalaha soomaaliyeed si aay wadajir ugu midoobaan kooxda khawariijta ah ee isku dirayo beelaha walaalaha loogana baaqsado dagaal Beeleed dambe oo aan laheen natiijo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Hiiraan.

Deegaannada HirShabelle ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada oo la dagay hormarkii labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Biden oo dambi culus ka cafiyay wiilkiisa Hunter

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan.

Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.”

Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump.

Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar.

16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda.
Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay.

Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba.

Isha: VOa

Xasan Sheekh oo xafiiskiisa xil sare uga magacaabay Hani Cabdi Gaas

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.

Dadka ka aragti dhiibtay bogga Villa Somalia oo dikreetadaan lagu baahiyey ayaan eegnay, waxayna dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo yaab leh.

Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan xil aheyn, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas loo xafiiska Madaxweynaha looga qoray ‘biil.’ Madaxweynaha ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan.

AFWERKI oo xog cusub ka bixiyay isbaheysiga saddex geesoodka

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya.

Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale.

Madaxweyne Isaias Afwerki oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” ka baahiyeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika, xilli ay ka taagan yihiin xasarado isbiirsaday.

“Shirweynihii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax Itoobiya lagu dhaawacayey ee waxa uu ahaa wax u adeegayay Geeska Afrika,” ayuu Afwerki ku yiri wareysiga.

Shirka ayuu ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, harooyinka Nile iyo deegaanka badda cas.

Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka.

Shirkan oo dhacay xilli xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala furtay kadib is-afgaradkii Somaliland, ayaa ahaa mid siyaabo kala duwan loo turjumay maadaama saddexdan dal ay Itoobiya isku hayaan si weyn.

Faransiiska oo ballan-qaad culus u sameeyay DF, xoojiyeyna madax-banaanida dalka

0

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya.

Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland.

Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi.

Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyntiina isla soo qaaday baahida loo qabo la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo dowldda Soomaaliya ay uga mahad-celisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho, taasi oo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed.

Xasan Sheekh ma wuxuu markale xalka ka raadinayaa dal shisheeye?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 13 Sano kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalka khilaafka siyaasiga ah ka jiriyay dalka Itoobiya oo xilligaasi uu xiriirkooda wanaagsanaa.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalka xiisadda maamulka Jubbaland ka jirinaya Kenya, oo saaxiib dhow la’ah Axmed Madoobe, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in haatan Nairobi looga xaajoonayo arrintaas, ayna is horfadhiyaan saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

“Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ee la xiriira xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uu ku dambeyn doono “Soomaaliyeey heshiiya oo aan idin wada hadashiino”.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Seddax iyo toban sano ka hor ayaan qayb ka ahaa wadahadalkii dowladdii uu Madaxweyne Xasan hoggaaminayey iyo maamulka Jubaland. Xal dalka gudihiisa lagu gaari karay ayaa xilligaas Itoobiya loo raray.

Maanta Nairobi isla arrinkii ayaa looga xaajoonayaa, saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya oo kaligii ah ayaa is horfadhiya.

Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal.

Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibirtu kula dhacday.

Waxay aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya, saa daraadeed hadalkoodu wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.