25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

DF oo ciidamo iyo saanad milatari ka dajisay Raaskambooni + Sawirro

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarado horleh ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raskambooni, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diyaaradahan ayaa siday saanad iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mar kale laga dajiyay halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka ciidamada maanta la geeyay halkaasi ayaa ah inay xoojiyaan kuwa dowladda ee  wada dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga oo ka baxay aagga Kismaayo, isla markaana saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka Raaskambooni oo hadda ah furinta dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Arrinta ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, waxayna Jubbaland ay dhankeeda waddaa abaabulka dagaal ka dhan ah ciidamada ay dowladda ku daabushay halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga cabsi qabaan inuu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, diyaaradaha maanta tegay Raaskambooni ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Jubbaland ay shirkadaha duulimaadyada uga digtay inay dagaan magaaladaas, maadaama ay ka jirto xaalad adag iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Xisbiga SHARIIF oo si weyn uga horyimid tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay maalmaahan qaadeysay dowladda ee burburinta dhulalka danta-guud.

Xisbiga ayaa soo hadal qaaday howlgallada burburinta ee ka socda Muqdisho oo uu ugu dambeeyay midkii shalay ka dhacay xaafadda Kalluunka oo ku dhow garoonka Aadan Cadde.

Himilo Qaran ayaa sheegtay in dareenka xanuunka leh la qaybsaneyso shacabka la barackiyay, iyada oo dowladda ku eedeysay inay ula dhaqantay si ka baxsan bini’aadannimada.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu dareenka iyo xannuunka la qaybsanayaa dadka rayidka ah ee loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadannimada, waxayna dowladdu ku guul-dareysatay inay dadkaas u sameyso dib u dejin” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay Xisbiga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay muhiim tahay, haddii shacabka laga saarayo dhulalka danta-guud in loogu adeego danahooda, oo aan si gaar ah loo adeegsan.

Ugu dambeyn wuxuu xisbiga ugu baaqay madaxda sare inay ilaaliyaan xuquuqda dadka rayidka ah iyo sidoo kale dhulalka danta-guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ay kamid yihiin Dab-damiska, agagaarka Ex-koontarool Afgooye, dhulkii wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo xaafadda Kalluunka ee Waabari.

Khaatumo oo meesha ka saartay rajo abuurantay kadib guushii CIRRO

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay khadka taleefoonka ah ku wada-hadleen hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye iyo madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

SSC ayaa beenisay wada-hadalkaas oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kadib markii la shaaciyay inay labada dhinac ka wada-hadleen xiisadda dhexdooda ah.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaamiyaha SSC loo dhaariyay axdiga maamulka iyo difaaca dadka iyo dhulka Khaatumo, isla markaana aanu suuragal ahayn inuu galo gorgorton siyaasadeed.

Khaatumo ayaa gebi ahaan meesha ka saartay inuu dhici karo wada-hadal labada dhinac ah, iyada oo Somaliland ku eedeysay inay dambiyo ka gashay dadka SSC.

“Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka.

Hoose akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

FAAFIN DEGDEG AH: BEENIN WAR AAN SAL IYO RAAD LAHAYN

Waxaa qaar kamid ah saxaafadda deegaanku warisay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen Horjoogaha cusub ee Soomaliland oo ay ka wada hadleen arrinta Ceerigaabo.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si buuxda u beeninayaa jiritaanka warkaas aan salka iyo raadka toonna lahayn oo ay faafiyeen xubno cadawga u shaqaynaya. Maamulku wuxuu laamaha Sharciga la wadaagay baadhitaanka iyo caddaalad horkeennidda ku aaddan cidkasta oo ku lug leh faafinta wararka lidka iyo dacaayadda ku ah jiritaanka Maamulka Ssc-Khaatumo.

Ma jiro, mana jiri doono xidhiidh toos ah iyo mid dadban oo dhex mari kara SSC-khaatumo iyo Maamulka dhiigyacabka ah ee Soomaliland oo ah maamul daalim ah oo dadka reer SSC-Khaatumo ka galay danbiyo dagaal.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo.

Maamulku SSC-Khaatumo wuxuu u taaganyahay difaaca taako kasta oo kamida ah dhulweynahiisa taasoo waafaqsan halgankii shacabka deegaanku soo galeen kuna guulaysteen iyo sidoo kale mabaadi’da tiirarka u ah Jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

DHAMMAAD

Shariif, Khayre iyo CC Shakuur oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah qorshaha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Siyaasiyiintan oo hadda mucaarad ah ayaa si weyn uga horyimid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay dowladda federaalka, iyaga oo mar kale ku celiyay go’aankooda diidmada ah.

Shariif, Khayre iyo Warsame ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyay inuu beddalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu sameystay xeerar doorasho oo u gaar ah.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in guddiga doorashada la magacaabay lagu saleeyay rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah.

Sidoo kale waxa ay qaadaceen gebi ahaan xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay ee uu ansixiyay baarlamaanka, iyaga oo go’aankooda la wadaagay beesha caalamka.

“Haddaba waxaan shacabka Soomaaliyeed, saamileyda kale ee siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxaan la socodsiineynaa in aan qaadacnay guddira, xeerarka doorashada iyo kan xisbiyada, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada haatan ay guddoon cusub doorteen xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo dhawaan ay meel-mariyeen labada Gole.

Maxaa ka jira inuu DF isku dhiibayo wasiirka amniga Jubbaland?

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Ugu horreyn Yuusuf Dhuumaal ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku dhiibayo dowladda federaalka, kadib markii ay soo baxday in la hareeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararkaasi oo uu tilmaamay inay faafiyeen dan leh dano gaar ah.

Dhuumaal ayaa arrinta qaboojiyay, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed aan laga xigin, isagana uu yahay mas’uul qaranka u shaqeynaya oo gobolka jooga.

“Dhuumaal waa la hareereeyey Dhuumaal waa isdhiibayaa, dadka Soomaaliyeed dowladnimadooda waa xigsanayaan eyguna waa iska ciyayayaa waa kuwii oo weliba Facebook helay, waayo isku dhiibaayo Qarankii anigaa ah gobolkanna anigaa ka soo jeeda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale uu Dhuumaal ka jeediyay Kismaayo, isla-markaana uu ugu jawaabay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo markaas ka horyimid tallaabooyinka dowladda ee la xiriira Jubbaland.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa haatan isla aaday jidaha dagaalka, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo ku daabushay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

R/W Xamza oo shaaciyey qorshaha ciidamada ay dowladda gaysay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamxa Cabdi Barre ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka. 

Ra’iisul wasaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda. 

“Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in “ciidamadaas Kismaayo looga arkay sidii ciidamo dal shisheeye ku soo duulay” isagaoo ku ammaanay ciidamada Jubaland in ay iska diideen in ay la dagaallamaan kuwa dowladda, sida uu hadalka u dhigay. 

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalku uu yahay dal qura, ciidamada xooggana aanay jirin meel ka mamnuuc ah, iyagana uu waajib ka saaran yahay difaaca dalka. 

“Waxaa waajib ka saaranyahay in ay xuduudaha sugaan dastuuriyanna dastuurka ayaa faraya,“ ayuu yiri Xamza, isagoo intaas ku daray in Qarannimada Soomaaliya ay saldhig u tahay ciidankooda. 

Ra’iisul wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidmadii la tababary oo ku faanayey in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu difaacayo in dad mas’uuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaallamo kuna tilmaamaan in uu caddow yahay, in uu soo galooti yahay iyo in uusan dalka lahayn.

Xamza Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.

Ninka uu xoghayaha difaaca u magacaabay Trump oo ku baaqay xasuuqa Muslimiinta

Washington (Caasimada Online) – Pete Hegseth oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ee xukuumada Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay “Dila muslimiinta oo dhan,”

Hegseth ayaa hadalkan sheegay isagoo aad u khamreysan xili uu ka qeyb galay xaflad loo qabtay koox ka tirsan askartii hore oo dhacday sanadkii 2015. Ninkan ayaa sidoo kale hore loogu eedeyey falal ah galmo iyo anshax xumo shaqsiyadeed oo dhacay sanadkii 2017, sida laga soo xigtay jariirada New Yorker.

Sida warbixinta lagu sheegay, Pete Hegseth waxa uu safar shaqo ugu maqnaa gobolka Ohio May 29, 2015, xiligaasi oo uu la shaqeenayey kooxda la baxday Concerned Veterans for America markii la sheegay in uu ku sakhraamay baarka hoteelka oo uu dhowr jeer ku qeyliyay, “Dila dhammaan Muslimiinta!”.

“Kama hadli doonno sheegashooyinka guracan ee lagu qoray wargeyska New Yorker ee laga soo xigtay saaxiibkiis hore,” ayuu yiri qareenkiisa Tim Parlatore isaga oo ka jawaabaya eedeymahan.

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu wayn ee u dooda Muslimiinta Maraykanka, ayaan eedaymaha ka dhanka ah Hegseth ku sheegay kuwo culus, iyagoo ugu baaqay Kongress-ka inuusan ansixin magacaabistiisa.

Agaasimaha fulinta ee CAIR, Nihad Cawad, ayaa yiri: “Marka loo eego aragtidiisa hadda iyo ficilladiisii hore, waxaa cad in Mr. Hegseth uusan gabi ahaanba ku habboonayn inuu u sharaxan yahay xoghayaha difaaca…..Qof kasta oo — xitaa xaalad sakhraansan — ku baaqa in la xasuuqo dhammaan muslimiinta, wuxuu naftiisa u diiday inuu qabto jago muhiim ah oo lama huraan ah inuu la macaamilo wakiillada dalalka Muslimiinta u badan.”

Marka laga soo tago hadallada Islaam nacaybka ee Hegseth, New Yorker ayaa si faahfaahsan u sheegay in Hegseth sidoo kale lagu eedeeyay anshax-xumo shaqsiyadeed, oo ay ku jirto inuu si qarsoodi ah dhaqaale u siiyay haweeney ku eedeysay inuu kufsaday 2017-kii.

Iyadoo ay jiraan muujintaasi, Trump waxa uu weli ku taagan yahay dookhiisa Xoghayaha Difaaca.

“Madaxweyne Trump waxa uu magacaabayaa musharixiin tayo sare leh oo aad ugu qalma in ay ka mid noqdaan maamulkiisa,” ayuu agaasimaha isgaarsiinta ee Trump Steven Cheung ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo xusay inaan wax danbi ah lagu soo oogin Pete Hegseth oo horey usoo noqday askari iyo waliba wariyaha telefishinka xagjirka ah ee Fox News.

Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Ciidamada Qalabka sida ee Aqalka Senate-ka, ayaa ku tilmaamay warbixintan mid naxdin leh oo aan u qalmin, isagoo sheegay in guddigu uu si taxadar leh u eegi doono magacaabista ninkan.

Al-Shabaab oo dhowr jiho ka weeraray degmada Afgooye dad badana ku laayey

0

Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday tuulooyin hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa ee dhaca waayahaan.

Kooxda ayaa markii hore weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday deegaan lagu magacaabo Haantadheer oo dhaca duleedka Afgooye, iyagoo kadibna weerar kale ku qaaday deegaanka Mukayga, si ciidamada xoogga aysan isugu gurman.

Halkaas waxaa deganaa ururro ka tirsan guutada 12-ka October ee ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada xoogga dalka oo helay gurmadyo dhinacyo kala duwan uga yimid ayaa iska caabiyey weerarkii Al-Shabaab, waxaana kooxda u suurtageli weysay inay gaaraan hadafkooda oo ahaa inay qabsadaan saldhigyada ciidanka xoogga.

Dhinaca kale, qarax ismiidaamin ah oo dad badan oo shacab ah lagu laayey ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Afgooye, kooxda ayaa beegsatay maqaayad ay ku sugnaayeen dad badan.

Xubno ku sugan Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo kooxda Shabaab ay so adeegsatay, wuxuuna galaaftay nolosha in ka badan 5 qof oo shacab ah.

Ciidamada ATMIS oo goobta marayey ayaa sameeyey baaritaan, waxayna dhulka ka soo saareen miino kale oo halis ah oo Shabaab ay horay ugu sii diyaariyeen goobta, taasi oo la sheegay inay qorsheynayeen inay ku laayaan dadka kale ee isugu yimaada goobta uu qaraxii hore ka dhacay.

Saraakiisha ciidankii ka soo goostay Axmed Madoobe oo kashiftay qorshe yaab leh

0

Raaskambooni (Caasimada Online) –Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubbaland ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo xog yaab leh ka bixiyey qorshe culus oo Axmed Madoobe dejiyey in lagu qabsado Raaskambooni, balse ay uga baxeen.

Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo sarkaal kale oo garabkiisa taagnaa lagu amray inay weerarka bilaabaan oo xerada ciidanka xoogga ee Raaskambooni ay qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed Madoobe diyaariyey ciidan kale oo dhinaca kale ka soo weerara ciidan xoogga dalka markii laga saaro xerada Raaskambooni, balse wuxuu sheegay in markii ay soo amba-baxeen ay go’aansadeen in ciidanka xoogga dalka aysan la dagaalamin.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay go’aan ku wadagaareen inay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, maadaama aysan habooneyn inay la dagaalamaan, sidoo kalena aysan ku laaba karin Kismaayo oo Axmed Madoobe aysan ka badbaadeyn.

“Waxaan go’aansanay in ciidanka walaalaheen ah aanaan weerarin, waxaan soo aadnay xagooda, waxaana kasoo dul dhacnay iyagoo aan naga war heyn, kadibna wax qori ah naguma soo taagin, xabadna naguma ridin ee sacab ayey nagu soo dhaweeyeen,” ayuu yiri sarkaalkaan hogagaminayey ciidankii ka goostay Axmed Madoobe.

Wuxuu intaas ku sii daray “waxaan iska dhignay qoryaha si naloo aamino waana isdhiibnay, kadibna waxay na dhaheen qoryihiin qaata, soona dhawaada, waxaad u timaadeen ciidankiinii, runtii aad ayaan u faraxnay, waxaana u riyaaqnay sida ay dowladda Soomaaliya noo soo dhaweysay.”

Saraakiishaan ayaa sheegay in xitaa ciidanka hadda la jooga Axmed Madoobe aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan dowladda, maadaama aysan ku qanacsaneyn hoggaaminta Axmed Madoobe.

Ciidamadii uu dhisayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin kasta si fudud ku baneynaya garabka Axmed Madoobe, waxaana heysata xaalad hubanti la’aan ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku qaaday duulaan xididada loogu siibayo.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo soo rogay xukun militari oo deg deg ah

Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah in dalkaasi uu galay.

Madaxweynaha ayaa go’aankoisa sabab uga dhigay eedeyn uu u jeediyey xisbiga mucaaradka dalkaas ugu weyn oo sida uu sheegay cuuryaamiyay dowladda, ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweynaha Kooriyada Koonfureed oo xukuma maamul laga tiro badan yahay ayaa waxaa culeys ka haystay in miisaaniyadiisa ay ansixiyaan xildhibaanada oo xukuumadiisa aan taageersaneyn.

Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda ayuu madaxweynuhu ku eedeeyay xildhibaanada kalitalisnimo iyo in ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan dimuqraadiyada dalkiisa ui ku hoggaamiyo.

Madaxweyne Yoon, ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay, balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dimuqraadiyadda.

Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud ee dalkaas, taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda dalkaasi uu galay, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka dalka Mareykanka.

Weli madaxweyne Joe Biden kama uisan hadlin xukunka militeri ee uu ku dhawaaqay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol.

 

Wasaaradda gaadiidka duulista hawada DF oo amarro culus ku dhowaaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa maanta ku dhawaaqay amarro cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka Gaadiidka iyo Bed-qabka Waddooyinka Dalka, si gaar ah Mootooyinka Fekon-ta ayuu amarkaan u saameynayaa.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay amaradaan.

Agaasimaha iyo Taliyaha ayaa sheegay in mootada Nooca Labo Lugooleyda ah ee loo yaqaanno FEKON aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood.

Sidoo kale waxaa lagu amray markii ay kaxeynayaan Mootada inay xirtaan Koofida difaaca Madaxa, iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugooleyda ee FEKON-ta ay ku wadi karaan ruqsadda darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay bixiso.

Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo.

“Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay.

Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin shuruucda wado marista.

Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda, iyadoo loo cadeeyey in aan la Aqbali doonin inay isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale, iyadoo lagu wargeliyay ciddii u hogaamsami waysa awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono.

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta.

Xamza oo ka digay qorshe uu damacsan yahay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale maanta ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda culus ee dowladda federaalka kala dhexeyso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xamza ayaa weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee la geeyay maamulkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in maalin kasto ciidamo doonyo uga qaado Kismaayo, balse ay ka digayaan arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta ciidamada Xoogga dalka loo geeyay Raaskambooni, wuxuuna tilmaamay inay la xiriirto inay la wareegaan saldhigyada ay baneeyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya iyo inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa nasiib darro ah in kuwa mas’uuliyiin sheeganayo ay maanta abaabulayaan  wiilal Soomaaliyeed oo xittaa ka wada tirsan ciidamada qaranka inay isku dilaan waxaad ogtihiin habeen iyo maalin in magaalada Kismaayo laga raro ciidamo hubeysan oo loo dirayo inay lasoo dagaalamaan wiilal Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga dalka” ayuu yiri Xamza.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada SNA waxaa la geeyay deegaan kamid ah gayiga Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan deegaannadii ay ka baxeeen ciidamadii ATMIS oo ah waajibaad saaran dowladda”.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi.

“Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac.

Si kastaba, xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Mareykanka oo wafdi culus u diray Somaliland + Qorshaha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana hoggaaminayo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Wafdigan ayaa waxaa qaabilay madaxweynaha xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi oo kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah oo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo xaaladihii ugu dambeeyay.

Madaxweye Biixi ayaa uga mahadceliyay xubnaha uu la kulmay iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee amniga geeska Afrika iyo dhinaca ee Somaliland iyo Maraykanka, waxaa kale oo uu xusay in booqashada wefdigani ay xoojinayso xiriirka labada dhinac.

Dhinacooda xubnaha ka socday Mareykanka ayaa waxay si wadajira ah u soo dhaweeyeen hadalka madaxweynaha, waxaana safiirka Maraykanka uu sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu Muuse Biixi ku bogaadiyay doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xiriirka labada dhinaca ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday Somaliland.

Kulankan waxaa waxa madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) iyo La taliyaha Arrimaha Sharciga ee Madaxweynaha Marwo Amaal Cabdilaahi Cawil.

Dhinaca wefdiga Mareykanka waxaa wehelinaayey safiirka iyo taliyaha mas’uuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka mida dowladda maraykanka iyo ciidamada Militeriga Maraykanka ee qaaradda Afrika kuwaas oo kala ah;-Colonel Carl Benander, Andrew Kelly oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda, Colonel Brian Luti, Matthew Cassidy iyo Sergeant Major Chadwick Forbes.

Xasan iyo Shariif oo qoraal kasoo saaray Senator ku geeriyooday Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay geerida naxtinta leh ee ku timid Allaha u naxariisteen Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, isaga oo tacsi u diray  qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku suntanaa Soomaalinimo iyo midnimo.

Sidoo kale waxa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ku mannaysto, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida Senetorka, isaga oo Alle uga baryay Jannadii Firdowso.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehellada, Gollayaasha dowladda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee, Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ahaa Aqalka Sare” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo  wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi.

Waxaa kale oo uu soo noqday guddoomiyihii KMG ah ee Golaha Aqalka, isaga oo hoggaamiyay golaha, kahor inta aan lasoo dooran guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, maadaama uu ahaa Senatorka ugu da’da weynaa xubnaha Golaha Aqalka Sare

Rag hubeysan oo mas’uul sare ku dhaawacay Muqdisho, kadibna ka qaatay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday mas’uul  sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen weerarka oo lagu beegsaday Guure Maxamed Xirsi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac halis ah, xilli uu ku sugnaa goob Farmashi ah oo ku taalla agagaarka Ex-koontarool Balcad.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in rasaasta la furay uu sidoo kale ku dhintay milkiilaha goobta ganacsiga, waxaana kadib baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka iyo dhaawaca gaysatay ay horay u qaateen baabuur uu lahaa mas’uulka la weeraray iyo qoray uu ka cararay askari la socday.

Sidoo kale laamaha amniga Soomaaliya ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo miino la beegsato mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Muqdisho, inkastoo xaaladda maalmahan ay ahayd mid deggan.

Sawirro: R/W Xamza oo xaqiijiyay hal arrin xilli maanta loo dabaal-degayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka oo sanad walba maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan‐Qaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga naafada, ayna ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada naafada ah iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay.

“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in xukuumadda ay ka go’an tahay xal u helida colaadaha, cirib-tirka Khawaarijta iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeyb-gali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan.

Waxa kale oo uu sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qoyska iyo xaquuqda aadanaha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Xiriirka Jabuuti iyo Somaliland ma soo hagaagayaa – Maxaa cusub?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa dalka Jabuuti gaaray wafdi uu hoggaaminayo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Guddoomiye Cali Xaamud oo sidoo kale kamid ah masuuliyiinta xisbiga tallada Somaliland ku guuleystay ee Waddani ayaa waxaa Jabuuti si weyn ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlay socdaalkooda ayaa sheegay in Jabuuti u tageen xoojinta xiriirka labada dhinac, kaas oo muddooyinkii dambe hoos u dhac ku yimid..

“Safarkeena wuxuu daaran yahay laba dal iyo laba shacab oo walaalo ah oo xiriir taariikhi ah ka dhaxeeyo kaa un baan u nimid, iyo sii xoojinta xiriirka, awalna waan isku imaan jirnay,” ayuu Cali Xaamud ku yiri wareysi uu siiyay BBC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda ay la kulmeen oo ugu sareeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay si gaar ah uga wada-hadleen arrimo la xiriira baarlamaanada iyo wada-shaqayntooda.

“Arrimahani waa kuwo quseeya wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo siyaasadda madaxweynaha cusub,” ayuu yiri guddoomiye Cali Xaamud oo ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiiskii is-afgarad ee Somaliland la gashay Itoobiya iyo haddii uu wax u dhimay xiriirkii Jabuuti.

Safarka wafdiga Somaliland ay ku tageen Jabuuti ayaa ku soo aadaya iyada oo muddooyinkii u danbeeyay uu mad-madow soo galay xiriirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland, kadib is-afgaradkii badda ee Itoobiya.

Si kastaba, Jabuuti oo ayadu weli doorbidayso xiriirka Somaliland, maadaama hoggaan cusub uu la wareegayo tallada maaamulka ayaa qeyb ka ah sababaha soo dadajiyay safarka masuuliyiinta Somaliland ay ku gaareen dalkaasi.

DF oo sheegtay in aysan bur-burinayn Jubbaland, una digtay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan duulaan ku aheyn Jubbaland, islamarkaana ay ciidamada u geysay si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qaadi doonto masuuliyadda isku dhac dhex-mara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, xilli Axmed Madoobe uu diyaarinayo in dagaal looga hortago ciidanka dowladda federaalka geysay halkaasi.

“Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamo gaaraya illaa kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni.

“Ciidamada dowladda marnaba duulaan kuma aheyn Jubbaland, balse wuxuu ujeedkoodu yahay in ay cirib-tiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiirka oo carabka ku adkeeyay in ciidamadan ay yihiin kuwa guulaha waaweyn ka gaaray dagaalladii Buulo Xaaji ee lagu jabiyay Shabaab-ka.

Xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Halkuu marayaa qorshaha wax ka beddelka dastuurka dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shirka wajiga 2-aad ee la-tashiga bulshada ee soo jeedinta wax-ka badelka cutubyada 5aad illaa 9-aad ee dastuurka.

Shirarkan oo ah kuwo joogto ah ayaa taaba-galkooda waxaa si wadajir ah isaga kaashaday hay’adaha kala ah wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka xukuumadda Soomaaliya, guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga la-socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka.

Shirkaan ayey bulshada rayidka ah kusoo bandhigeen aragtidooda iyo tallooyinkooda ku aadan soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka gaar ahaan cutubyada hadda miiska saaran ee 5-aad ilaa 9-aad, iyadoo shirka ay shir guddoominayeen madax ka socotay sadexda hay’adood ee u xil saaran dastuurka oo kala ah;

1. Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Avv Burhaan Aadan Cumar.

2. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Faysal Aadan Xasan iyo

3. Xoghayaha guddiga la-socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Senetor Siciid Cabdi Xasan Cowke.

Intii uu socday shirka ayaa si xeel dheer loo dhegaystay aragtiyada iyo tallooyinka bulshada rayidka ee soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee hadda gacanta lagu hayo.

Guddiga madaxa-banaan ee dastuurka ayaa ugu dambeyntiina ballan-qaaday in tallooyinka bulshada rayidka ee dhaxal-galka ah la waafajin doono wax ka beddelka cutubyada ay ka aragtida dhiibteen ee 5-aad ilaa 9-aad.

Senator Gaagaab oo maanta ku geeriyooday TURKIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf oo loo yaqaanay (Gaagaab), kaas oo kamid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada maamul goboleedka Puntland.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in marxuumka uu maanta ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo uu maalmahan u joogay xaalado caafimaad.

Geerida Senatorka ayaa waxaa xaqiijiyayay xubno kamid ah ehelladiisa iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid.

Marxuumka ayaa horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo sidoo kale wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyihii KMG ah ee Golaha Aqalka, isaga oo hoggaamiyay golaha, kahor inta aan lasoo dooran guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, maadaama uu ahaa Senatorka ugu da’da weynaa xubnaha Golaha Aqalka Sare.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

“Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani,  xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare  waxay Ilaahay SWT u waydiinayaan inuu jannadii fardowso ka waraabiyo marxuumka, qoyska, qaraabada iyo ehelada uu samir iyo iimaan ka siiyo.