25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Soomaaliya oo kursi kale oo muhiim ah ka heshay Urur Goboleedka IGAD

0

Mumbasa (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee Urur Goboleedka IGAD, kadib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan, laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan, kadib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan.

Amer Manyok Deng ayaa noqotay ku xigeenka ururka, maadaama ay ka tanaasushay tartankii ay kula jirta Sacdiya ee kursiga guddoomiyaha, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa Idaacadda BBC la hadashay, iyadoo sharaxday sida ay ugu suurta gashay hanashada kursigaan iyo waxa ay ku muteystay.

“Waxa ay mar waliba u muuqatay fursad ku haboon Soomaaliya iyo in aan mudanahay, sidoo kale is casiladii Amer Manyok Deng waxay na siisay fursad, maadaama guddigu ay ku qanceen qudbad aan jeediyay iyo ajendayaashii aan soo bandhigay, kuwaas oo la’iigu gartay in qofka kursiga u qalma aan ahay,” ayey tiri Sacdiya.

Xoghayaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee urur goboleedka IGAD ee loo soo gaabiyo (IWPSF) ayaa sidoo kale loo doortay Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

“Waxa aan ka faalloonay muhiimada nabadda ay noo leedahay iyo is dhexgalka bulshada ee haweenkeenna Geeska Afrika, sidoo kale waxa aan u ololeynay in Soomaaliya ay tahay dalka markan ku habboon kursigan, taas oo ina caawisay,” ayey sii raacisay.

Wasiirka Qoyska Bashiir Goobe ayaa Sacdiya ku amaanay dadaalka ay muujisay iyo wada shaqaynta u bilaabatay kooxda hoggaanka cusub ee la doortay, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng iyo Xoghaye Hon. Dora Byamukama oo ka hoos shaqeynaya guddoomiye Sacdiya.

“Tababarku wuxuu ku soo idlaaday farxad, iyadoo lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka socota Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka, Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghaye Dora Byamukama oo u dhalatay Uganda, waxayna ballan qaadeen inay si wadajir ah u wada shaqayn doonaan, si loo hormariyo ajendaha IWPSF,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta X ee IGAD.

Sacdiya Maxamed Nuur ayaa sheegtay in ay ka howlgeli doonto sidii ay u horumarin lahayd dumarka gobolka, barnaamijyada nabadda iyo xasilinta, iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada ku nool gobolka Geeska Afrika.

“Kursigan ka sokow in Soomaaliya ay ka tahay guddoomiye waa mid loogu adeegi doono dhammaan dumarka gobolka, si ay u sii hormariyaan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan nabadda, si gaar ahna dumarka Soomaaliyeed, waa mid aan rajeynayo in ay kula yimaadaan is beddel hoggaamineed oo hagaagsan,” ayey wareysigaas ku tiri guddoomiye Sacdiya.

 

Ciidamada badda Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay ammaanka biyaha + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah loo daah-furay xarunta badbaadada iyo samata-bixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.

Xafladda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka amniga gudaha, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda iyo wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa loogu tala-galay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg-degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka amniga ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawl-gallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.

Dhalinyartii ugu badneyd oo maanta laga kala dejiyay Muqdisho iyo Hargeysa + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradan oo intooda badan laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya oo kooxo magefayaal ah ay ku heysteen ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 kamid ah waxa ay gaareen magaalada Hargeysa, halka 87 ay soo gaareen magaalada caasimadda ee Muqdisho, taasi oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Soo celinta dhalintan ayaa waxaa fududeysay wasaaradda arrimaha dibadda oo uu hoggaaminayo Amb. Axmed Macallin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Dhanka kale, Danjire Maryan Yaasiin oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan muhaajiriinta & xaquuqda carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha tahriibka.

Barnaamijkan dib u soo celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson iyo madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Liibiya Danjire Cabdi Aadan ayaa kaalin mug leh ka qaatay isku dubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.

Barnaamijkan ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda qeybna uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta ciidankii kasoo goostay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday inay diiwaan-galiso ciidamadii maalmahii lasoo dhaafay kasoo goostay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Boqolaal askari oo kamid ahaa ciidamada Jubbalan oo ku soo biiray ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayey diiwaan-gelintooda ka socota halkaasi, si ay u helaan xuquuqda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ay haatan dowladda u diiwan-galineyso xaquuqdooda ayaa ahaa kuwa la sheegay in markii hore Jubbaland u soo dirtay inay la dagaalamaan ciidanka dowladda ee la geeyay Raaskambooni.

Ciidankan ayaa go’aankii dagaalka ee loo soo diray u beddelay inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, sida ay warbaahinta qaranka u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha hoggaamineysay ciidankaas.

“Waxaan kamid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubbaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno,” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo kamid ah ciidamada la diiwaan-geliyay.

Waxa uu intaas kusii daray “Afar sano ayaan u shaqaynayey Jubbaland wax xuquuq ah ma lahayn.”

Tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ayaa la filayaa inay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland ku dhiiri-geliso inay diidaan u dagaalamida dano siyaasadeed, xilli Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu dagaal kala hortago ciidanka dowladda Soomaaliya ay geysay Raaskambooni.

Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, taas oo ka biyo diiday dowladda federaalka oo u aragta sharci darro, ayadoo waaran soo qabasho ahna u jartay Madoobe.

Go’aankii DF ka qaadatay Itoobiya oo dhaqan-galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya, kaas oo la xiriiray kasii mid ahaanshaha howlgalka ka socda Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa haatan ciidamada Itoobiya ka saartay howlgalka cusub AUSSOM oo bilaabanaya sanadka soo socda ee 2025-ka, sababo la xiriira xiisadda u dhexeyso labada dal ee ka dhalatay heshiiskii badda.

Tallaabadii ay shalay qaaday dowladda federaalka ayaa muujineyso inay dhaqan-gelisay go’aankeeda, kadib markii Itoobiya laga reebay shir Arbacadii lagu soo xiray magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan guda dalka.

Shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa ka qayb-galay waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya marka laga reebo Itoobiya,  kaas oo socday intii u dhexeysay 30-ka Novermber ilaa 4-ta December ee sanadkan 2024-ka.

Waxaa shirka goobjoob ahaa taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee kala ah Djibouti, Uganda, Burundi iyo Kenya, iyada oo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 December 2024 iyo howl-galka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sida qorshuhu yahay ciidamada ATMIS ayaa baxaya 31-ka bishaan December, waxaana halkaas ku cad in dhammaan askarta Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, maadaama aanay qayb ka ahayn howlgalka AUSSOM ee dalka ka bilaabanaya 2025-ka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xun oo saameeyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu horraantii sanadkan Somaliland la galay heshiis ku saabsan badda, kaas oo ay carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Biixi oo kulamo ka wada Hargeysa iyo kulan maanta ka dhacay madaxtooyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee Somaliland.

Kulankaan oo daaranaa duco iyo sagootin ay madaxweyne Muuse Biixi ugu yimaadeen culimadii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey.

Mudane Biixi ayaa culimada uga mahad-naqay sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, iyaga oo culimaduna dhankooda madaxweynaha uga mahad-celiyay xidhiidhkii hufnaa iyo sidii uu kaalintooda culimonimo ugu qaddariyey intii lagu gudo jirey muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha xilka kasii degaya oo maalmihii dambe kulamo sagootin ah waday, ayaa shalay guddoomiyey shirkii u dambeeyay ee golaha wasiirada Somaliland, kaasi oo looga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee Somaliland.

Golaha ayaa bogaadiyey, soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday maqaamkii Iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd.

Biixi ayaa sidoo kale guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% dusha u ridatay usoo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo looga adkaaday doorashadii 13-kii November ee 2024 ka dhacday Somaliland ayaa hambalyeeyey madaxweynaha dooran ee Cabdiraxmaan Cirro, waxaana la filayaa inuu xilka wareejiyo toddobaadka soo aadan.

Xog: Dowladda oo joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee Nairobi iyo Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland, xilli ay weli kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amarkan ayaa toos loola wadaagay shirkadaha diyaaradaha oo lasiiyay digniin ah in aysan ka dagi karin Kismaayo marka ay ka baxayaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xayiraaddan kuma jirto duulimaadyada gudaha ee isku xirayo magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland ayaa horay iyaduna u qaaday tallaabooyin ay ku maamulineyso hawadeeda, iyada oo amaro dul-dhigtay diyaaradaha tega deegaanadeeda oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan Kenya uu booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza oo Kenya kala soo hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda kala dhexeeyo Jubbaland oo xiriir dhow laleh xukuumadda Nairobi.

Go’aankan lagu joojiyay duulimaadyada Nairobi iyoi Kismaayo ayaa sidoo kale kusoo beegmay, kahor qabashada xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay 25-kii bishii hore, balse waxaa diiday dowladda federaalka, taas oo sii hurisay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Kismaayo.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee maamulka Jubbaland waxa uu ka dhageystay wasaaradda amniga gudaha.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) 2025-2029.

Qorshahan oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, ayaa dhaqan-geli doona sanadka 2025, wuxuuna beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

Shirkan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo kusii daabuleyso deegaanka Raaskambooni, islamarkaana laga cabsi qabo in xiisadda kala dhaxeysa maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ay isku rogto gacan ka hadal toos ah.

Xogta rasmig ah ee xaafadda xoogga looga saaray dadkii deganaa ee ‘Xero Kalluunka’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ayaa siyaabo kala duwan u arka tallaabo dad shacab ah looga rarayo xaafadda Kalluunka oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in dadkaas horey loo siiyay ogeysiis ku saabsan inay halkaas iskaga guuraan.

Dadka qaar ayaa sheegaya in aaney haysan meel ay aadaan dowladduna aanay dhul kale siin oo ay degaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in ay dadkii deganaa ka rarto guryihii deegaanka ahaa ee Wasaaradda Kalluunka ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo qoysas badan ay muddo dheer deganayeen.

Ciidamo ka socda booliska Soomaaliya ayaa tagay xaafadda Kalluunka ee magaalada Muqdisho, xilli saqdhexe ah, waxaana lagu amray dadka in ay halkaas iskaga guuraan, amarka dowladda ayaa deg deg u fulay, balse waxay dadku wajaheen duruuf adag.

Waxaa jirtay warqad horay ugasoo baxday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka oo dadka deegaankaasi deggan loogu sheegay in ay isaga guuraan dhulkaas, maadaama ay dowladdu u soo baahatay.

Dadkii deganaa dhulkaas ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in ay cabasho ka qabaan hanaanka ay dhulkaasi dowladdu uga saareeyso, balse ugu danbeyntii maalintii shalay ee Talaadada ayaa qoysaskii laga saaray halkaas.

Waxa la arkayey qoysas badan oo alaabtooda halkaasi ka guranaya, waxayna sheegeen in aanay garaneynin meel ay u guuraan, laakiin ay sheegeen in hadda lagu qasbay in ay halkaasi ka baxaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilowday inay dib ula wareegto dhulalkii dowladda, waxaana arrintaas cabasho ka ah shacabka, maadaama aysan dowladdu siineyn deegaan kale.

Siyaayiinta mucaardka ku ah dowladda ayaa ku dhaliilay in dhulkii danta guud ee dowladdu lahayd dadkii laga saarayo, dowladduna aanay si sax ah u maamuleynin oo ay ganacsato iyo dad kale ka iibsanayaan xubno uu ugu weyn yahay Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hantida qaar aanay dowladdu iibi karin sida xeryaha Ciidamada, isagoo si cad u sheegay in nidaam sax ah aan loo marin dhul badan oo qoysaskii deganaa laga barakiciyey.

“Qofka muwaadinka ah, sida sharciga ku qoran dowladda waxa uu xaq ugu leeyahay in uu helo hoy, marka laga bixinayo guri ama deegaan, waa in loo diyaariyaa meel kale,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada Boolis Milataaro ee ku sugan deegaanada u dhow caasimada.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka dhacay deegaannada Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Siinka Dheer, illaa Ceelasha Biyaha oo xalay lagu arkay ciidamo dheeraad ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha deegaannadaasi, iyaga oo kadib ka sameeyay baaritaanno lagu xaqiijinayay amniga.

Sidoo kale, ciidamada ayaa hubinayay gaadiidka iyo dadka maraya waddooyinka oo ay ku sameynayeen hubin, iyaga oo sidoo lale waydiinayay su’aallo gaar ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa amni xaqiijin, si loo hubiyo amniga agagaarka Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalladan lagu soo qabtay dad tuhmanayaal ah oo lasoo xiray, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno dheeraad ah.

Ciidamada Boolis Milataaro ayaa ku sugan hareeraha caasimada, waxaana badanaa ay ka sameeyaan howlgallo lagu sugayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada ay soo geliyaan caasimada.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aaday, iyada oo maalin kahor qarax xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad culus u sameeyay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaad culus oo ku aadan dhanka caafimaadka u sameyay dowladda federaalka, kadib kulan maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa uu si gaar ah u dhex-maray wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Ali Haji Adam iyo safiirka Shiinaha Fei Shengchao oo booqasho ku tegay xarunta wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulankan oo ahaa mid xasaasi ah goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka, Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Intaasi kadib Danjire Fei Shengchao oo madasha ka hadlay ayaan ballan qaaday in dowladdiisa ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya wasaaradaha caafimaadka dalalka horumaray, si loo xaqiijiyo yoolka wasaaradda ee ku aadan xaafimaad tayo leh oo dhammeystiran, kaas oo laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka.

Dowladda Faransiiska oo dhacday kaddib markii…

Paris (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ku matala xisbiyada midigta-fog iyo bidixda-fog ayaa Arbacadi shalay ku midoobay diidmada codka kalsoonida ee xukuumadda Faransiiska, taas oo keentay in ay is casilaan Ra’iisul wasaare Michel Barnier iyo golagiisa wasiirrada.

Khilaafkan siyaasadeed oo ah mid sii qoto-dheeraanaya ayaa ku billowday muran dhanka miisaaniyadda ah, kaas oo ugu danbeynti keenay in marki ugu horreysay ay codka kalsoonida weyso xukumadda Faransiiska tan iyo sannadki 1962.

Golaha Sharci-dajinta Faransiiska ayaa mooshinka ka dhanka ahaa xukuumadda ku ansixiyay 331 cod, iyadoo marki hore loo baahnaa 288 cod.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku adkeystay in uu xafiiska sii joogi doono ilaa uu ka dhameysanayo muddo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027-ka, hase yeeshee ku qasbanaan doono inuu soo magacaabo ra’isulwasaare cusub.

Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska caawa fiidkii. Waxaa la filayaa in uu si deg deg ah ugu dhawaaqo ra’iisul wasaare cusub.

Amnesty oo sheegtay in Israel ay xasuusq ka gaysatay Gaza

Hague (Caasimada Online) – Warbixin ay Khamiista maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.

Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London, ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il.

Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah.

Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza.

Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki.

Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty.

Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah.

Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Isha: VOA

Xog: Wafdi culus oo ku wajahan Raaskambooni iyo qorshe culus oo maanta ka bilowday

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa la sheegay inay berri u safrayaan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay sal-dhigteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelin ku bilowday ciidankii Jubbaland ee go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo maalin kasta gaaraya Raaskambooni, iyagoo ka baxsanaya maamulka Axmed Madoobe.

Maanta ciidamo hor leh ayey dowladda Soomaaliya geysay Raaskambooni, kuwaas oo ah ciidankii lagu soo tababaray Eritrea ee Ilaalo Qaran.

Waxaa halkaas berri tegaya wafdi culus oo la sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hoggaaminayo, waxaana socda qorshe culus oo xidida loogu siibayo Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka sheegay in Axmed Madoobe doonayo inuu isku laayo ciidanka, balse wuxuu ciidanka Jubbaland ku amaanay inay diideen in ciidanka qaranka ay la dagaalamaan.

Xamsa ayaa balan-qaadyo culus u sameeyey ciidamada ka soo goostay Axmed Madoobe ee ku soo biiray ciidanka qaranka, waxaana bilowday fulinta balan-qaadkaas.

Dowladda ayaa maanta bilowday diiwaan gelinta ciidankaas, waxaana weli Raaskambooni ku soo qulqulaya ciidamo hor leh oo ka soo baxaya safka Axmed Madoobe.

Howlgalka ATMIS iyo is badelka dhacaya oo laga soo saaray 7 qodob oo culus + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.

Golaha wasiirrada Somaliland oo yeeshay shirkoodii u dambeeyay + Qodobo culus

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay shirkoodii u dambeeyay, kaasi oo looga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee Somaliland iyo diyaargarowga waqtigan kala guurka ah ee la galay.

Shirka kaddib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cali Marreexaan ayaa faah-faahiyey qodobbadii shirku ku saabsanaa iyo waxyaabihii sida gaarka ah diiradda loogu saaray.

Wasiirku waxa uu xusay in goluhu ugu horrayn bulshada u caddeeyey in xukuumaddu dusha u ridatay dhammaanba hawlihii iyo culaysyadii ay lahaayeen doorashooyinkii isa saarnaa ee Madaxtooyada,xis biyada, golayaasha deegaanka iyo wakiillada, si loo dhiso oo loo adkeeyo dhismaha qaranka, dhidibadana loogu taago dawladnimada, iyada oo doorashooyinkaasi bileen korna u qaadeen maqaamkii Somaliland dunida inteeda kale ka taagnayd.

Goluhu waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqay taageerayaashii baaxadda lahaa ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisaba codka siiyey iyo shacabka reer Somaliland ee muddada 14-sanno ah masiinkooda iyo taladoodaba ku aaminay xisbiga guunka ah ee Kulmiye.

Goluhu waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday maqaamkii Iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd.

Wasiir Cali Mareexaan waxa uu caddeeyey in goluhu isla qaatay in sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga Kulmiye isu diyaarinayo xisbi mucaarid ah oo si waayeelnimo, xilkasnimo iyo tudhaale ku jiro wax u mucaarida oo mucaaradaddiisu noqoto mid wax dhista.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira shirka ka jeediyey, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay golihiisa wasiirrada iyo sida hagar la’aanta ah ula soo shaqeeyey.

Waxa uuna guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% (Boqolkiiba Sagaashan) dusha u ridatay usoo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin waayeelnimo ah u diray bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid ba waxana uu labada dhinacba ugu baaqay inay cagta u dhigaan oo ka fiirsadaan jidka ay qaadayaan, maaddaama oo doorashooyinkii laga soo gudbay, waxana isaga oo mucaardka dhawaan talada la wareegaya.

Qolyaha mucaaridka ahaa waxan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale la hadlay taageerayaasha xisbigiiza iyo madaxdoodaba, waxana uu ugu baaqay inay fursad siiyaan dawladda dhawaan xisbiga guulaystay soo dhisi doono oo ay baxnaaniyeen.

“Qolada Kulmiye waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la afartan bixiyaa.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc.”

Xasan oo DIGNIIN culus soo saaray kadib kulan ka dhacay Villada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan deg-deg ah oo muhiim ah, kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Kulanka waxaa ka qayb galay guddiga qaran ee NAMLC, hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaq-dhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

NISA oo shaacisay khasaaraha howl-gal lagu beegsaday Shabaab qorsheynayay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa faah-faahin dheeraad ka bixiyay howl-gal qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa waxay ciidanka NISA la beegsadeen Shabaab waday abaabul xooggan, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

“Howl-galkan ayaa yimid kadib markii sirdoonka qaranka uu helay xogta maleeshiyaadkan ka tirsan Khawaarijta oo waday abaabul lagu carqaladeynayo amniga,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda NISA.

Howl-galkan ay fuliyeen ciidanka hay’adda NISA ayaa waxaa lagu dilay illaa 23 dagaal-yahaano Shabaab ah, iyadoo sidoo kale lagu bur-buriyay taliskii kooxda ee aaggaasi.

NISA ayaa dadka rayidka ah ku wargelisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee bartilmaameedka u ah ciidamada qaranka.

Hay’adda oo door muhiim ah ka qaadata dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sifeyn ka waday duleedka caasimadda, gaar ahaan deegaanada dhaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkasta oo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu hoos u dhacay gobollada qaar, haddana dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo dardar-gelin lahaa howl-galka, ayada oo dhawaan isbeddel ku sameysay hoggaanka ciidanka.

Mas’uul hub iyo gaadiid kala soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, kaas oo kasoo goostay maamulka Hargeysa.

Jaamac Maxamuud ayaa saaka soo gaaray degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, maadaama ay joogaan ciidanka SSC-Khaatumo.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale lasoo goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay, kuwaas oo ay lahayd Somaliland oo weli dagaal kula jirta SSC-Khaatumo

Guddoomiye ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegay in markii horeba uu ahaa nin deegaanka kasoo jeedo, haddana dadkiisii u yimid.

“Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa” ayuu Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo indhawaanahan magaalada Ceerigaabo ay ka taagnayd xiisad culus oo sababtay amaan darri, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaaladaasi.

Dhanka kale waxaa weli halkeedii xiisadda u dhexeyso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, waxaana warkii ugu dambeeyay oo xalay kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood lagu sheegay in aanu wax hadal ah kala dhexeyn maamulka Hargeysa.

“Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Xog: Al-Shabaab oo fariisimo cusub ka sameystay SH/DHEXE

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanata gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo horleh ay ka bilaabeen gobolkaasi oo uu weli ka socdo howlgal xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Al-Shabaab ayaa fariisimo cusub haatan waxa ay ka sameysatay aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Al-Shabaabkii ugu badnaa ayaa isugu tegay deegaanka lagu magacaabo Mukadheere, oo ku dhow jiinka wabiga Shabelle ee maray halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab tegay halkaasi ay ka tageen dhanka deegaanka Yaaqle oo isna Balcad hoostaga, kadib markii lagu duqeeyay maalmihii lasoo dhaafay, kadib howlgallo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.

Aag bedalasha Al-Shabaab ayaa waxa ay timid, kadib culeys uga yimid duqeymaha ay wajahayaan oo la kordhiyay, gaar ahaan aagga deegaanka Xawaaleyd ee gobolka Shabeelaha Dehxe.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Balcad oo ah meesha uu ka socda howlgalka culus.

Shabeelaha Dhexe oo kamid ah meelaha uu ka bilowday gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo la’isugu furayo deegaanada gobolkaasi.