25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Jubaland oo hub culus ku garaacday diyaarad kusii jeeday Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus.

“Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay.

“Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”.

Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.

Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.

SODMA Academy oo abaal-marin goboleed ku guuleysatay

Nairobi (Caasimada Online) – SODMA (Somali Digital Media Academy) oo ah xarun Soomaaliyeed oo ku takhasustay horumarinta xirfadaha dijitaalka ah, ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Silver Award ee Digitally Fit Awards – East Africa Edition 2024.

Xafladda oo lagu qabtay Nayroobi waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 500 shirkadood oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, sida Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo, iyo Burundi, si loo xuso hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyada dijitaalka ah.

Abaalmarinta waxaa goobta ka guddoomay Farxaan Xuseen Cabdi oo ka tirsan maamulka SODMA, kaas oo sheegay in guushan ay tahay mid ay ku faani karaan dhammaan Soomaalida, isagoo tilmaamay in ay abaalmarintani tahay caddeyn u ah dadaalka SODMA ee ku wajahan horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadaha dijitaalka ah.

Senator Okiya Andrew Omtatah oo ka socda Kenya ayaa bogaadiyay SODMA kadib markii uu wax badan ka bartay shaqadeeda. Wuxuu yiri: “Waxa ay SODMA qabato waa wax aan dhammaanteen ku faani karno. Doorkeeda ku aaddan tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo barashada xirfadaha dijitaalka ah waa tusaale ifaya oo isbeddel wanaagsan ah. Saameynteeda waxay ka baxday Soomaaliya oo waxay gaartay gobolkan oo dhan.”

Wuxuu intaas ku daray: “Mashaariicdan waa maalgelin mustaqbalkeena wadajirka ah, mana aha oo kaliya horumar shaqsi. Dadaalka SODMA wuxuu muujinayaa sida hay’adaha goboleedku uga qayb qaadan karaan horumar waara.”

Guushan waxay u tahay Soomaaliya tallaabo weyn oo lagu muujinayo kartida iyo hal-abuurka dadkeeda. Gobol ahaan, waxay astaan u tahay muhiimadda iskaashiga iyo waxbarashada si loo abuuro fursado cusub oo lagu gaaro horumar waara.

Daawo: Xasan oo wacad ku maray in A/Madoobe uusan sii joogi doonin Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka ayaa cadeeyey sida ay uga go’antahay in Axmed Madoobe la dhaafiyo Jubbaland, “Ninkaas wuxuu diiday inuu ku shaqeeyo sharcigii uu saxiixay, suurtagalna maaha in rabitaankiisa dadka loo duleeyo oo Soomaali ku kala tagto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu diiday in dalka uu wax ka xoreeyo, “Ninkaas wax yaabihii uu sida weyn uga soo hor jeestay waxaa kamid ahaa aas-aaskii ciidanka Macawiisley, markii uu hadlo wuxuu leeyahay inay Shabaab la dagaalo ayaan u noolahay, si cad ayaan u dhihi jirnay Axmed Shabaab uma socotide, faanka iyo beenta jooji,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Axmed Madoobe uu Jubbaland heystay 13 sano, hadana uu doonayo in 5 sano oo kale uu sii joogo, “Suurtagal miyaa in Axmed Madoobe oo dadkii wada dhashay isku heyn waayey, oo Shabaab hal tuulo ka xorey waayey in 18 sano uu Jubbaland sii joogo?” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Raaskambooni ay dowladda Soomaaliya ka sameysatay  saldhig militeri, maadaama ay muhiim tahay in ciidanka Qaranka ay ATMIS kala wareegay amniga dalka inta aysan dhamaan bishaan.

“Raaskambooni garoon kama jirin, dhulka inta la maro Kismaayo lama tego karo, badda in la marana waa safar dheer, garoonka Raaskambooni dhowaan ayaa la dhisay dowladda Kenya ayaa dhismihiisa ka kaalmeysay Soomaaliya, hadafka dowladda Soomaaliya ay ciidamada u geysay halkaas maaha duulaan ka dhan ah shacabka Jubbaland, laakiin Axmed Madoobe manta Shabaab iyo dowladda waxaa u daran dowladda, waxa uu dagaal abaabulayo wax aqliga geli kara kaama, laakiin ciidanka Soomaaliyeed uma dagaalami doonaan, waad aragteen dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan ciidankii uu 13 sano heystay ee Raaskambooni tegay maalmahaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe 13 sano oo Kismaayo uu fadhiyey uu aruursanayey hub iyo lacag uu doonayo in maanta u uku dagaalamo, “dadkii dhamaa waa ku kala tegay Jubbaland 4 nin oo danahooda ka dhex aragtay ayaa Kismaayo la joogta,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Hadii Axmed Madoobe 18 sano Kismaayo kaliya xukumayo, maxaan xukunka u wareejiyey anigoo dalka dhan amarkeyga laga qaadanayo, maxay Farmaayo iyo Shariif u wareejiyeen, maxaan hadda ugu diyaarsanahay inaan wareejiyo xukunka, maxaan 30 sano isku dileynay?” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Assad oo baxsad ku dhow, kadib markii laga qabsaday…

0

Dimishiq (Caasimada Online) –  Gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Ghani oo ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay “Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”

Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”

Waaxda Hawlgallada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iyada oo la raacayo warka ay ku baahiyeen barta Telegram “xoreynta Gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee Suuriya.”

Bashaar Al-Asad ayaa sidoo kale lagula taliyay inuu ka cararo Suuriya kadib markii xoogaga Suniyiinta ay soo gaareen meel 20KM u jirta Dimishiq, Caasimada dalkaas.

Dhinaca kale Ciidamada Suuriya ayaa sheegay in ay dib ugu noqonayaan koonfurta si ay u sameeyaan xayndaab ammaan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay lumiyeen gacan ku haynta inta badan gobolka Darca – oo ah halkii ay ka bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne Asad.

Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan magaalada Darca una sii gudbeen dhanka Xumus

Gobolka deriska la ah ee Sweida, ayaa wararku sheegayaan in guddoomiyaha iyo taliyaha booliiska iyo taliyaha asluubta ay ka baxeen xafiisyadooda iyadoo dagaalyahannada jabhadda ay la wareegeen dhowr baro koontorool.

Hadalka ciidamada dowladda ayaa ku soo beegmay saacado uun ka dib markii jabhadda ku sugan bartamaha Suuriya ay sheegeen inay ku sugan yihiin duleedka Xumus, isla markaana ay ciidammada Madaxweyne Bashaar Al-Asad u qabteen amarkii ugu dambeeyay ee ay ku goosan lahaayeen. (Falaagada islaamiga ahi waxay qabsadeen Xalab iyo Xama tan iyo markii ay bilaabeen duullaankooda xooggan wax ka yar laba toddobaad ka hor.)

30 qof oo Shabellaha Dhexe, lagu dilay kadib markii..

0

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka oo ay weli ka jiraan colaad beeleedyo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed oo raali-gelin bixiyay

Seoul (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib.

Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo.

Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo.

Hadal jeedintiisi saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan.

Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshanka xilka looga qaadayo madaxweynaha maanta.

Daawo: Ciidamada cirka iyo kuwa badda ee DF oo maanta gudaha u galay Jubbaland

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose dejisay ciidamada cirka, kuwa badda iyo kuwa dhulka, sida uu cadeeyey Korneyl Xasan Ciraaqi Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor oo degan Raaskambooni.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidmaada joogay ay maanta ku soo biireen ciidamada cirka oo wata diyaaradaha dagaalka, halka shalay ay Raaskambooni tageen ciidamada badda ee dowladda Soomaaliya oo Muqdisho laga diray.

“Maanta waxaa nagu soo biiray ciidanka cirka ee dowladda Soomaaliya, waad adagtaan gaadiidka ciidamada cirka, sidoo kale waxaa maanta naloo keenay saanad ciidan iyo gaadiid aan aad ugu baahneyn oo noo fududeyn doona gudashada waajibaadkeena qaran,” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi.

Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidamada qaranka aysan Jubbaland duulaan ku aheyn, balse ay doonayaan inay sugaan amniga dalka, gaar ahaan deegaanadii ay ka baxeen iyo kuwa ay bishaan ka baxayaan ciidamada ATMIS.

“Shalay waxaa nasoo gaaray ciidamada badda oo la wareegay amniga badda, dhamaan ciidamada qaranka ayaa ku sugan halkaan, waxayna gudanayaan waajibaad qaran, ciidamadaan qeyb walba waxay qabsa doontaa shaqada ay u xil saran yihiin,” ayuu yiri Taliyahaan ugu sareeya ciidamada ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ayaa maanta saldhig ka sameystay Raaskambooni, sidoo kale diyaarado kale oo rakaab ah oo dowladda Soomaaliya ay saartay hub, ciidan, saad iyo gaadiid ciidan, ayaa maanta ka degay Raaskambooni.

“Garoonka Raaskambooni shaqada aan u heyno maaha mid aan dib uga laaba doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray G/Dhexe Xasan Ciraaqi.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo si cajiib ah u sharaxay qodobada ay Axmed Madoobe isku hayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda  deegaannada Jubbaland iyo go’aanka Dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas ayaa ka sheekeeyey taariikh ka soo bilaabatay markii la aas-aasay Jubbaland.

Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in markii la dhisay Jubbaland uu dalka isagu Madaxweyne ka ahaa, isagoo sheegay in markii la dhisay maamulkaas Axmed Madoobe loo dhiibay si uu doorasho u gaarsiiyo, balse kadib uu ka degi diiday xukunka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii dambe ee Axmed Madoobe qabtay aysan sax aheyn, “Axmed weligiis ma qaban doorssho xor ah, isagaa isku jimeynaayey,” ayuu yiri isagoo ka sheekeeyey waxyaabaha lagu kala tegay markii ugu dambeysay.

“Axmed Madoobe 13 sano ayuu Jubbaland joogaa, dastuurka waxaa Jubbaland ugu qoran labo jeer ka badan in uusan hal qof tartamin, xaq uma laha inuu sii joogo, 10 shir ayaan ka yeelanay anaga iyo dowlad goboleedyada oo dowlad-dhiska oo kaliya looga hadlayey,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in khudbadaan uu kaga hadlayo Jubbaland oo kaliya, isagoo balan qaaday in maalin kale uu ka hadli doono Puntland iyo siyaasadaha kale ee is diidan.

“Maalintii ugu dambeysay ee shirka la isugu yimid Axmed Madoobe wuxuu yiri waqtigii ayaa naga dhamaaday ee doorasho dadban aan aadno, waa laga cod batay oo waxaan isku raacnay in doorasho qof iyo cod ah la aado, waa naga tegay maalintaas waa xanuunsanahay ayuu yiri, maalintii kale ayuu nagu soo noqday isagoo wata ajende kale, wuxuu yiri guddiga doorashada hala kala qaado,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu gaar ula shiray oo uu qanci waayey, “Mar kale aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gooni ula shirnay waa qanci weynay, madaxweynayaasha gobollada ayaan u dirnay, waa anci waayeen, maalintii dambena shirka oo socda ayuu iska baxay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe in uu baxayo markii ay ka war heleen ay ka codsadeen in 3 saacadood uu joogo, si shirka loo xiro, qodobada uu dhibsanayana dib loogu dhigo, balse wuxuu sheegay inuu diiday.

Hoos ka daawo

QM oo si rasmi ah u aqoonsatay xeer ay qarniyaal ku dhaqmayeen bulsho Soomaali ah

0

New York (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira.

Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.

In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.

UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.

UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka.

Muxuu yahay, yaase sameeyay xeerkan?

Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa’ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah.

Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo ‘Ganda’ ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go’do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha.

Sidoo kale Xeerka Ciise waxyaabaha uu xeerarka kale ee beelaha Soomaalida kaga duwan yahay waxaa ka mid ah habka loo doorto ugaaska kaas oo sida beelaha kale aan dhaxal aheyn.

Ibraahim Axmed Cali waa cilmibaare ka tirsan hay’adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, waxa uu noo sheegay in xeerka la yiraahdo Daryeel iyo Dabar balse ay dadka kale u yaqaannaan Xeer Ciise.

“Wuxuu daryeelayaa ninka tabarta daran iyo wax kasta oo jilicsan halka dabarna uu u taagan yahay in uu dabro ninka gardran iyo ninka kibra,” ayuu yiri.

Ragga xeerka dhigay Qarnigii 16-aad dabayaaqadiisa magacaas ayey u bixiyeen halka guddigii fariistay loo bixiyay aayo Reeb.

“Boqol sano oo ka sii horeysay ayey kolba meel fariisanayeen odayaasha markaas ayey xeerka qodobada uu ka kooban yahay ee Aayo reeb dajiyeen”.

Ibraahim oo si fiican u darsaday taariikhda Ciisaha ayaa noo sheegay in odayaasha ay kulanka la joogtay haweenay la weydiin jiray wixii la xiriira arrimaha qoyska, carruurta, aqalka iyo dumarka.

“Haweeneydaas waxaa la oran jiray Faadumo Siti, buurtii la fadhiyay ayaa magaceeda loo bixiyay, halkaas ayeyna ku aasan tahay, gobolka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Siti la yiraahdo, magaca islaantaa ayuu ka soo jeedaa”.

Sidee loo doortaa ugaaska?

Waxyaabhaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah marka ay arin dhacdo beelaha Soomaaliyeed inta ay isku yimaadan ayey go’aan gaaraan halka Ciisaha ay raacaan qodobo hore u qornaa.

Habka dhaqanka ee uu ku yimaado ugaaska beesha Ciisaha ma ahan mid ku yimaada dhaxal sida ugaasyada beelaha Soomaaliyeed ee kale.

Ugaaska hadda ay beesha leedahay ma ahan wiilasha ugaaskii hore. Ugaaska marka uu dhinto ma dhaxlikaraan ubadkiisa sida ugaasyada kale. Waayo xeerka ugaaska ma ahan mid ku saleysan dhaxal. Guddiyo dhan baa u fadhiisata. Guddi gaaraya 100-ka nin ayaa fariisanaya waxaana la eegaa ugaaska meesha uu ka soo jeedo, reerka hooyadii, reerka aabbihii, dabeecadahooda sida ay ahaayeen wax badan baa laga fiirsadaa.

Sababta keentay in ugaaska doorasho ku yimaado ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso khilaaf hore iyo dagaallo beesha dhexmaray sidaasna lagu gaaray heshiis lagu wada noolaado.

Odayaasha ayaa go’aamiyay in ugaaska uu ka soo dhaxbaxo hal reer oo kaliya balse qofka uu noqonayo la doorto.

“Ugaaska hal reer haloo daayo, dhaxalna yuusan noqon, Alle hala baryo oo astaamo halagu eego, ugaaska waa la casilaa ama wuu dhintaa, markaas ayaa qabiilka la dhexdoortaa”. Ayuu yiri Ibraahim.

Meel kasta oo dunida uu ka joogo qofka ka soo jeeda beesha Ciisa waxa uu xeerka ugu dhaqmaa si isku mid ah.

Isha: BBC

Dowladda Xasan oo si weyn loogu dhalleeceeyay wixii maanta ka dhacay Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay go’aankii ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii gobollada dalka.

Go’aankan oo yimid kadib markii ay shirkadaha diyaaraduhu diideen in ciidamo geeyaan deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland ayey dowladda amartay in gebi ahaanba laga hakiyo duulimaadyada local-ka ee gudaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka sida adag uga horyimid arrintaan, oo maanta jahwareer horleh ka abuurtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareyay go’aankan oo ku tilmaamay mid gurracan, islamarkaana uu kw xun yahay in kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka lagu xayiro garoonka caasimadda.

“Waxaan si kulul u cambaareynayaa go’aanka gurracan ee Dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka.”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in socdaalka uu yahay xuquuq lama taabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, ayna ayaan darro tahay in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan.

“Waxaan madaxda dowladda federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha iyo shacabka ku xanniban garoonka caasimadda.”

Dhinac kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna cambaareeyay xayiraada aargoosiga ah ee ay dowlada federaalka ah ku soo rogtay diyaaradaha iyo duulimaadka gudaha, iyagoo ugu marmarsiyoonaya in ay diideen ciidan loo daabulayo Raaskambooni, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa diyaaraha rayadka ah ka reebban in ay ciidan daabulaan, waxaase ka sii daran in lagu qasbo. Waa xadgudub sharci iyo tacadi in kumanaan shacab ah laga xayiro safarradoodii, iyadoo colaad laga hurinayo degaanno kale,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Villa Somalia in ay joojiyaan ciqaabta jamaaciga, kana waantoobaan ciidanka ay daabulayaan iyo colaadda ay hurinayaan. Waa xikmad yari ku celcelinta xeelado hore loogu soo jabay.”

DF oo digniin culus kasoo saartay arrin Itoobiya ay ka wado gobolka Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaqa ay Itoobiya ka wado gobolka Gedo, kaas oo ay ku tilmaamtay “fara-gelin qaawan iyo mid la iskaga horkeenayo beelaha degan gobolkaas”.

Dowladda ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyinka guracan ee dowladda Itoobiya ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, taas oo ay sheegtay inay qeyb ka tahay fara-gelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

“Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo ciidamada qalabka sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa uu caadeystey taas bedelkeed oo ah inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, uuna wado tallaabooyin ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madax-banaanida iyo qaranimadeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalka gurracan ee Itoobiya, kuwaas oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

Bayaanka dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xilli laga cabsi qabo in ciidamada Itoobiya ay ku milmaan xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan loolanka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya Axmed Madoobe, iyadoo suurta-gal tahay inay la saftaan oo dowlada ka difaacaan Axmed Madoobe.

DF oo hakisay duulimaadyadii gudaha dalka iyo jahwareer xooggan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya inay hakisay dhamaan duulimaadyadii rakaabka de tegi jiray gobolada dalka.

Go’aankan oo la xiriirinayo diidmada shirkadaha diyaaradaha ee inay ciidamo ka dejiyaan deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland ayaa maanta jahwareer horleh ka abuuray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama ay halkaasi ku xayiran yihiin rakaab badan.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa ka cabsi qaba in diyaaradahooda la soo rido, taas oo keentay inay diidaan qaadista ciidamada la geynayo Jubbaland. Dowladda federaalka oo arrintaas ka carootay ayaa go’aan ku gaartay in ay hakiso dhamaan duulimaadyada ay ku tagi jireen gobolada dalka.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan u digay shirkadaha diyaaradaha haddii ay ciidamo kusoo daabulaan maamulkooda, iyadoo amar ku bixisay in aysan wax duulimaad ah ka soo degi karin garoonka Raaskambooni.

Ma jirto illaa hadda wax diyaarad rakaabka ah oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeeda gobolada dalka, waxaana saacado badan halkaasi ku xayiran rakaab rabay inay u safraan gudaha dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn isku hayaan maamulka Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh ku daabuleyso deegaanada maamulka, iyadoo ku andacooneysa in ciidankan uu qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale ka fur-furid ku wada ciidamada maamulka Jubbaland, taas oo keentay in qaarkood ay kasoo goostaan Axmed Madoobe, kuwaasi oo si rasmi ah ciidanka xoogga dalka loogu diiwaan-geliyay.

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guulaysatay kursiga IGAD ee loo tartamay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ee loosoo gaabiyo (IWPSF).

Doorashada ayaa dhacday maalinnimadii arbacada ee ay bishu ku beegneyd 4-ta Diseembar, kadib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan ka dib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan.

Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn noqotay kuxigeenka ururka ka dib is casilaaddeedii.

Sacdiya Maxamed Nuur oo BBC-da la hadashay ayaa sharraxday sida ay ugu suura gashay hanashada kursigan iyo waxa ay ku muteystay iyada oo tilmaantay dadaalkii ay usoo galeen ka Soomaali ahaan.

“Waxa ay mar waliba u muuqatay fursad ku habboon Soomaaliya iyo in aan mudan-nahay, sidoo kale is casiladdii Amer Manyok Deng waxay na siisay fursad, maadaama guddigu ay ku qanceen qudbad aan jeediyay iyo ajendayaashii aan soo bandhigay kuwaas oo la’iigu gartay in qofka kursiga u qalma aan ahay”, ayey tiri Sacdiya.

“Waxa aan ka faalloonay muhiimadda nabadda ay noo leedahay iyo is dhexgalka bulshada ee haweenkeenna geeska Afrika, sidoo kale waxa aan u ololeynay in Soomaaliya ay tahay dalka markan ku habboon kursigan taas oo ina caawisay”, ayey sii raacisay.

Xoghayaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ee loosoo gaabiyo (IWPSF) ayaa sidoo kale loo doortay Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

Wasaaradda Qoyska ayaa ammaantay dadaalka wada shaqayneed ee kooxda hoggaanka cusub ee la doortay, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng iyo Xoghaye Hon. Dora Byamukama.

“Tababarku wuxuu ku soo idlaaday farxad, iyadoo lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka socota Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka, Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghaye Dora Byamukama oo u dhalatay Uganda, waxayna ballan qaadeen inay si wadajir ah u wada shaqayn doonaan, si loo hormariyo ajendaha IWPSF,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta IGAD ee X.

Qorshaha Sacdiya ee ururkan

Sacdiya Maxamed Nuur waxa ay sheegtay in ay ka howl geli doonto sidii ay u horumarin lahayd dumarka gobolka, barnaamijyada nabadda iyo xasilinta, iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada.

“Kursigan ka sokow in Soomaaliya ay ka tahay guddoomiye waa mid loogu adeegi doono dhammaan dumarka gobolka si ay usii hormariyaan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan nabadda, si gaar ahna dumarka Soomaaliyeed waa mid aan rajeynayo in ay kula yimaadaan is beddel hoggaamineed oo hagaagsan”, ayey tiri Sacdiya.

Waxa ay sii raacisay in ay diyaar u tahay wada shaqeyn guud oo ay la yeelato qaybaha kala duwan ee haweenka IGAD iyo dardar gelinta qorshe howleed cusub oo ay sheegtay in ay ajendayaasheeda ka mid ahaayeen, waxaana ay xustay in ay qayb weyn ka qaadan doonta horumarinta iyo is dhex galka bulshada.

Kooxdan cusub ee ururka hoggaamin doonta ayaa xilka haynana muddo saddex sano ah iyada oo kadib kursiga markale uu aadi doono doorasho ciddii kusoo baxda ay hoggaanka la wareegi doonto.

Ururka waxaa la asaasay 2013-kii kadib shirweynihii haweenka iyo nabadda IGAD ee 2011. Golaha madasha waxaa ka mid ah wakiilada fulinta, sharci dejinta iyo bulshada rayidka ah, iyadoo IGAD ay tahay xoghayn.

Isha: BBC

Meydka Senator Gaagaab oo la keenay Muqdisho kadibna loo sii gudbiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay maydka Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, iyadoo loo sii gudbinayo isla maanta magaalada Garoowe.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka qeyb-galay tukashada salaatul janaasa marxuumka, ayaga oo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatu-fardowsa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatu-janaasada kadib ayaa Senator-ka ku sifeeyay qof qiimo leh oo wanaag badan lagu yaqaanay intii uu noola.

”Senator Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadal kooban jeediyay ayaa waxa uu yiri “Senator Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.

Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo Janatul-fardowsa, iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu ahaa xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland.

Qatar oo mar kale bedeshay mowqifkeedii dagaalka Gaza kuna dhowaaqday in ay…

Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israel iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee AFP Khamiistii.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Qatar, oo bishii hore hakisay dhex-dhexaadintii xabad joojinta Gaza, ay hadda “ku soo laabatay dhex-dhexaadinta”, isaga aan wax faahfaahin ah ka bixin shirarkii ugu dambeeyay ee ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Qatar ayaa hakisay dhex-dhexaadinta horraantii November, ayada oo sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta dadaallada.

Waxay xilligaas sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Israel.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa socday tan iyo markii kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ay qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Israel 7-dii Oktoobar, 2023-kii.

Weerarka lagu qaaday koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada 1,208 qof oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoobka rasmiga ah ee Israel.

Ololaha aargoosiga ah ee Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay 44,580 qof, kuwaas oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamaas ay maamusho oo Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

Mareykanka oo diiday warbixin xasaasi ah oo Amnesty ay kasoo saartay…

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saareen hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International.

Warbixintan ayaa daaha ka rogtay in ay jiraan caddeeymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuqa Israa’iil ay ka geysatay Gaza, oo ay kula kacday Falastiiniyiinta.

“Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintaan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha la xiriira xasuuqa inay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo warbaahinta la hadlay.

Afhayeenka ayaa waxa uu qiray doorka muhiimka ah ee NGO-yada iyo ururada xuquuqul insaanka sida Amnesty International, laakiin wuxuu ku tilmaamay natiijooyinka ay ka heleen ee dhinaca xasuuqa Gaza inay yihiin fikrad.

Amnesty oo fadhigeedu yahay London ayaa Khamiistii sheegtay in ay heshay caddeymo ku filan oo lagu soo gaba-gabeynayo in Israa’iil ay geysatay oo ay sii waddo xasuuqa ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza.

Bishii la soo dhaafay, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii ​​hore ee difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda kadib markii loo soo gudbiyay falal xasuuq ah oo loo geystay dadka Gaza.

Xog: Itoobiya oo ciidamo kale soo gelisay Somalia iyo DF oo cadeysay qorshaheeda

0

Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo hor leh shalay soo gelisay gudaha Soomaaliya, tobanaan gaadiidka dagaalka ah oo kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ay wataan ayaa maanta Soomaaliya ka soo galay dhanka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidankaan cusub ayaa Soomaaliya soo galay, xili maalmo ka hor uu dhulka Soomaali Galbeed ka dhacay kulan xasaasi ah oo saraakiil Itoobiyaan ah ay la yeesheen xubno ka socday maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Ciidamada Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inay ku milmaan xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan loolanka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeya Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah inay la saftaan oo dowlada ka difaacaan Axmed Madoobe.

Ma jiro axdi ay dhowreyso Itoobiya, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka saartay howlgalka cusub ee bisha soo socota ka bilaabanaya Soomaaliya, kaasi oo bedeli doona ATMIS, waxaana Itoobiya laga doonayaa in maalmo gudahood ay ciidamada ugala baxdo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqan-gelisay go’aankii ay ka qaadatay Itoobiya, waxaana ciidamada Itoobiya si rasmi ah looga saaray howlgalka cusub AUSSOM oo bilaabanaya horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in sababo la xiriira xiisadda u dhexeysa labada dal ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi looga reebay howlgalka cusub ciidamada Itoobiya, waxaana guul dareystay galaangal kasta oo Itoobiya ay sameysay, si howlgalkaas aysan uga harin.

Tallaabadii ay shalay qaaday dowladda federaalka ayaa muujineyso inay dhaqan-gelisay go’aankeeda, kadib markii Itoobiya laga reebay shir Arbacadii lagu soo xiray magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub.

Ciidanka cusub ee Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya ayaa waxay abuurayaan walaac cusub, horay ciidamo badan ayaa uga joogay Soomaaliya, kuwaas oo qaar ay ka tirsanaayeen ATMIS, qaarna ay sharci la’aan ku joogeen dalkeena.

Xog: Ciidamada Kenya oo billaabay in ay ka baxaan deegaanka Raaskambooni

Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa billaabay in ay ka baxaan deegaanka Raaskambooni, oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ayaa ku ururaya degmooyinka Raaskambooni iyo Ceel-waaq, kadib markii Axmed Madoobe uu markii saddexaad ku guuleystay doorasho uu qabsaday, taasi oo dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay. 

Dowladd Federaalka waxay ciidamo u dirtay Raaskambooni iyo Ceel-waaq, taasi oo Axmed Madoobe uu rumeysan yahay in isaga lagu beegsanayo. Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa ku dooday in ciidamada ay buuxinayaan meelaha ay ka baxayaan ciidamada ATMIS. 

Ciidamada Kenya oo si dhow ula shaqeynayey maamulka Jubaland ayaa la sheegay in ay ka baxeen aagga, oo ay qaateen mowqif dhex-dhexaad ah, si ay uga fogaadaan in ay abuuraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhax gala Muqdisho iyo Nairobi. 

Bixitaanka ciidamada Kenya ayaa yimid ka dib markii Axmed Madoobe uu 15 maalmood u qabtay ciidamada federaalka inay isaga baxaan deegaanka, si looga fogaado iska horimaadyo dhici kara.

Axmed Madoobe ayaa dowladda ku eedeeyey in ciidamada qaranka ay u adeegsanayso dagaalka ka dhanka ah dowlad goboleedyada dalka ka jira, halkii loo isticmaali lahaa Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay ciidamada dowladda federaalka ay gaysay Raaskambooni. 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna caddeeyay in haddii awood ciidan loo adeegsado in lagu wiiqo Jubaland ay keeni karto dagaal dhiig badan ku daato, haddii aysan ciidamada qaranka Soomaaliya si deg-deg ah uga bixin Raaskambooni.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamxa Cabdi Barre ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka. 

Ra’iisul wasaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda. 

“Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax iska horimaad cusub ah. 

Aadan Madoobe oo soo saaray farriin ku socota xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii 5-aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Ugu horeyn waxaan bogaadinayaa, una mahadcelinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ee sida sharafta iyo qiimaha leh u gutay waajibaadkooda dasturiga ah, muddadii aan ku guda jiray kalfadhiigii 5-aad ee Golaha Shacabka.”

Wuxuu intaas ku sii daray “Anigoo gudanaya waajibaadkeyga dasturiga ah waxaan Dhammaan Xildhibannada Madasha 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ku wargelinaynaa in laga bilaabo 6-da Bisha December 2024 uu noo xirmay Kalfadhigi 5-aad, Si waafgsan Qodobka 66(2) ee Dastuurka iyo Qodobka 14(2) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.”

Aadan Madoobe ayaa yiri “Waxaan dhammaan Xildhibaannada ku wargelinaynaa in kalfadhigi 5-aad inoo xirmay laga bilaabo 6-da Bishan December 2024, wuxuuna inoo furmi doonaa haddii Allaah idmo 6-da bisha Febraayo 2025, waxaan idiin rajaynayaa inaad nabadgelyo iyo caafimaad kusoo dhameysataan fasaxiina.”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa dabayaaqadii bishii hore sidaan oo kale qoraal uu soo saaray ugu fasaxay kalfadhigii golaha, kadib muddo bil ah oo fasaxii xildhibaanada laga soo jaray oo ay shaqeynayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bil ka hor baarlamaanka hor tegay iyagoo fasax geli raba, wuxuuna ka codsaday in bil ay ka shaqeeyaan ansixita sharciyada doorashooyinka dalka, waana ka aqbaleen.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa ansixin lagu bilaabay sharciyadii muranka badan dhaliyey ee loo diyaariyey dooorashooyinka soo socda ee dalka.

Kulamadii ugu dambeeyey ee golaha shacabka ayaa la isla gaaray gacan ka hadal, balse ugu dambeyntii si buuxda ayuu u guuleystay qorshihii madaxweynaha ee ahaa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo caqabad weyn lagala kulmay Axmed Madoobe oo u bareeray inuu diido qorshaha dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo kursi kale oo muhiim ah ka heshay Urur Goboleedka IGAD

0

Mumbasa (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee Urur Goboleedka IGAD, kadib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan, laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan, kadib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan.

Amer Manyok Deng ayaa noqotay ku xigeenka ururka, maadaama ay ka tanaasushay tartankii ay kula jirta Sacdiya ee kursiga guddoomiyaha, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa Idaacadda BBC la hadashay, iyadoo sharaxday sida ay ugu suurta gashay hanashada kursigaan iyo waxa ay ku muteystay.

“Waxa ay mar waliba u muuqatay fursad ku haboon Soomaaliya iyo in aan mudanahay, sidoo kale is casiladii Amer Manyok Deng waxay na siisay fursad, maadaama guddigu ay ku qanceen qudbad aan jeediyay iyo ajendayaashii aan soo bandhigay, kuwaas oo la’iigu gartay in qofka kursiga u qalma aan ahay,” ayey tiri Sacdiya.

Xoghayaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee urur goboleedka IGAD ee loo soo gaabiyo (IWPSF) ayaa sidoo kale loo doortay Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

“Waxa aan ka faalloonay muhiimada nabadda ay noo leedahay iyo is dhexgalka bulshada ee haweenkeenna Geeska Afrika, sidoo kale waxa aan u ololeynay in Soomaaliya ay tahay dalka markan ku habboon kursigan, taas oo ina caawisay,” ayey sii raacisay.

Wasiirka Qoyska Bashiir Goobe ayaa Sacdiya ku amaanay dadaalka ay muujisay iyo wada shaqaynta u bilaabatay kooxda hoggaanka cusub ee la doortay, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng iyo Xoghaye Hon. Dora Byamukama oo ka hoos shaqeynaya guddoomiye Sacdiya.

“Tababarku wuxuu ku soo idlaaday farxad, iyadoo lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka socota Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka, Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghaye Dora Byamukama oo u dhalatay Uganda, waxayna ballan qaadeen inay si wadajir ah u wada shaqayn doonaan, si loo hormariyo ajendaha IWPSF,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta X ee IGAD.

Sacdiya Maxamed Nuur ayaa sheegtay in ay ka howlgeli doonto sidii ay u horumarin lahayd dumarka gobolka, barnaamijyada nabadda iyo xasilinta, iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada ku nool gobolka Geeska Afrika.

“Kursigan ka sokow in Soomaaliya ay ka tahay guddoomiye waa mid loogu adeegi doono dhammaan dumarka gobolka, si ay u sii hormariyaan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan nabadda, si gaar ahna dumarka Soomaaliyeed, waa mid aan rajeynayo in ay kula yimaadaan is beddel hoggaamineed oo hagaagsan,” ayey wareysigaas ku tiri guddoomiye Sacdiya.