25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Dowladda Xasan oo si weyn loogu weeraray tallaabadii maanta – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhexda uga jirta xiisad siyaasadeed xooggan, iyadoo qaaday tallaabooyin si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dowladda ayaa baaralamaanka marsatay sharciyo dood badan dhaliyay oo la xiriira hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee qof iyo cod, iyadoo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Rabitaanka Villa Somalia oo buuq horleh ka abuuray baarlamaanka kadib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshaha Madaxtooyada, kuwaas oo maanta tallaabo ka dhan ah uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 15 ayuu guddoonka ka joojiyay kulamada golaha, halka mushaarkana laga dhimay, ayadoo lagu eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole.

Tallaabadan ayaa durba si weyn loogu dhalleeceeyay Madaxtooyada iyo guddoonka oo si dhow ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan ku dhisneyn xikmad, ayna tahay aragti ku dhisan koobi aan sariig laheyn.

“Sanadkii 2021 waxaa Golaha Shacabka laga mamnuucay 15 Xildhibaan, tillaabo taas la mid ah ayaa 15 mudane maanta looga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Isla-sanadkaas ciidamo ayaa gobolka Gedo loo daabulay, Raaskanbooni ayaa maanta loo daabulayaa. Ma jiro hal abuur hoggaamineed oo xikmad, xeelad, istaraatiijiyad iyo aragti ku dhisan oo aan ka ahayn, koobi (Copy) sarriig la’aan ah.”

Sawirro: DF oo ku guuleysatay sii deynta dhalinyaro tahriib ah oo lagu xirtay…

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaasi oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 qof.

17 kamid dhalinyartan lagu guuleystay sii dayntooda ayaa wiilal ah, halka 5 ay yihiin gabdho, waxaana markii hore lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deyntooda ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan.

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Sidoo kale, safaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.

ITOOBIYA oo hub ka dejisay Kismaayo iyo DF oo digniin culus soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dejisay laba diyaaradood, oo siday hub, taas oo si adag uga hortimid.

Xogta diyaaradahan oo maanta ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay digniin u dirtay Itoobiya, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

“Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ay si adag u cambaaraynaysay ficilkan, iyadoo si weyn uga soo horjeesatay xad-gudubyada dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso amniga iyo xasiloonida, kuwaas oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka iyo madax-banaanida Soomaaliya.

“Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ficiladan ayey sheegtay dowladda inay si cad u muujinayaan sida uu maamulka cadowtinnimada dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka geeska Afrika.

“Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.”

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya madaxbanaanida, midnimada, amniga iyo xasiloonida qaranka.

Xasan Firinbi iyo xildhibaanno kale oo maanta tallaabo adag laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta soo saaray go’aanno ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaannadan ayaa wuxuu guddoonka ku eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole, iyadoo 15 xildhibaan laga mamnuucay ka qayb-galka kulamada golaha muddo kala duwan.

“Xubnaha golaha shacabka ee hoos ku xusan, kuwaas oo si ku tala-gal ah u hor istaagay guntanka, diidayna inay saxiixaan warqadda xaadirinta kulankaas, in laga jaro gunadooda shan meelood hal meel, sida uu qabo qodobka 23-aad faqrada 16-aad ee XGSH,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa xildhibaannadan qaarkooda laga dhimay mushaaradka, halka xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firimbi) si gaar ah looga joojiyay fadhiyada golaha labada bilood ee soo socda.

Xasan Firimbi ayaa lagu eedeeyay inuu u gacan qaaday askari boolis ah oo ka tirsan ilaalada baarlamaanka, xilli uu shalay raali-gelin ka bixiyay xildhibaanka arrinkaas, uuna si gaar ah ugu cudur-daartay askarigii.

“Waxaan xoghayaha guud ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya farayaa dhaqan-gelinta go’aanka sare ku xusan,” ayuu guddoomiye Aadan Madoobe ku yiri qoraalka go’aannada uu soo saaray.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaannada;

Xogta sida 24 sano kadib xukunka looga tuuray Bashaar Al-Asad – Maxaadan ogeyn?

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay inay soo afjareen xukunka Bashaar Al-Asad ee 24-sanno ka talinayay, taasi oo markii ugu horreysay maanta ay ka shaaciyeen telefishinka dowladda dalkaas kaddib weerar bir ah oo caalamka ka yaabiyay.

Taliska ciidamada Suuriya ayaa Axadda maanta ah saraakiisha ku wargeliyay in nidaamka Bashaar Al-Asad uu dhamaaday, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Suuriyaan ah oo tallaabadan lagu wargeliyay.

Laakiin ciidamada Suuriya ayaa markii dambe sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka ah “kooxaha fallaagada” ee ka socda magaalooyinka muhiimka ah ee Hama iyo Homs iyo baadiyaha Deraa.

Assad, oo si weyn ula dagaallamay nooc kasta oo mucaarad ah, ayaa hadda ka duulay Dimishiq isaga oo u safray meel aan la garanayn, laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo fallaagada ay sheegeen inay soo galeen caasimadda iyadoo aanay jirin wax calaamad ciidan ah.

“Waxaan ula dabaal dageynaa shacabka Suuriya warka ah in maxaabiistayada la sii daayay, waxaana ku dhawaaqaynaa in uu dhammaaday xilligii caddaalad-darrada ee xabsiga Sednaya,” ayay kooxdu sheegtay, iyagoo tixraacaya xabsi weyn oo millateri oo ku yaalla duleedka Dimishiq halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Suuriya.

Kumanaan baabuur oo si aayar ah u socda ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq iyagoo gacan haadinaya oo ku dhawaaqaya “Xornimo” laga soo bilaabo nus qarniga xukunka qoyska Asad, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Burburka baaxadda leh ee dowladda ayaa bariga dhexe u asteeyay mid daran, isagoo soo afjaraya xukunkii gacan birta ahaa ee qoyskan ku hayeen Suuriya, waxayna dhabar jab weyn ku noqdeen Ruushka iyo Iiraan, kuwaasoo lumiyay xulafo muhiim u ahaa gobolka.

Xawliga dhacdooyinka ayaa ka yaabiyay caasimadaha Carabta waxayna sare u qaadeen cabsida laga qabo mowjad cusub oo xasilooni darro gobolka ah.

Hayat Tahrir al-Sham, HTS oo hormuud ka ahayd horumarka fallaagada ee galbeedka Suuriya, waxay hore u ahaan jirtay ururka al-Qaacida ee loo yaqaan Jabhadda Nusra ilaa hoggaamiyahooda Abu Mohammed al-Golani, uu xiriirka u jaray dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee jihaad doonka 2016.

“Su’aasha dhabta ah waxay tahay sida uu u nidaamsan yahay kala-guurkaani, waxayna u muuqataa mid cad in Golani uu aad ugu hamuun qabo in uu noqdo mid nidaamsan,” ayuu yiri Joshua Landis, khabiir Suuriya ah iyo Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Oklahoma.

HTS waa jabhadda ugu xooggan Suuriya, dadka reer Suuriya qaarkood ayaa weli ka baqaya inay soo rogaan xukun Islaami ah oo adag ama ay kiciyaan aargoosi.

Diyaarad ay leedahay Syrian Air ayaa ka duushay garoonka Dimishiq xili lagu soo waramayo in caasimada ay la wareegeen kooxaha mucaaradka, sida lagu sheegay xogta shabakada Flightradar.

Diyaaradda ayaa markii hore u duushay dhanka gobolka xeebta ee dalka Suuriya oo ah meel ay ku xooggan yihiin kooxda Calawiyiinta ee Bashaar Al-Asad, balse markii dambe si lama filaan ah ayay u leexatay, waxayna u duushay jihadii ka soo horjeeday muddo daqiiqado ah, ka hor inta aysan ka bixin khariidadda.

Isa markiiba lama xaqiijin karin cidda saarneyd.

Iyadoo dadka reer Suuriya ay muujinayaan farxad, Ra’iisul Wasaare Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu taageero sii socoshada dowladnimada uuna diyaar u yahay in uu la shaqeeyo hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo kooxdiisu waxay isha ku hayeen “dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee Suuriya” waxayna la xiriireen saaxiibada gobolka, ayuu yiri Aqalka Cad.

Jiidaha hore ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda ayaa dansanaa sanado. Dabadeed Islaamiyiintii mar ku xirnaa Al Qacida ayaa si lama filaan ah tallaabo u qaaday, taas oo caqabadii ugu waynayd ku noqotay Asad oo sannado badan ka badbaaday dagaal ba’an iyo go’doomin caalami ah oo gacan ka helaya Ruushka, Iran iyo Xisbullahida Lubnaan.

Israa’iil oo aad u wiiqday kooxaha ay Iran taageerto ee Hezbollah ee Lubnaan iyo Xamaas ee Gaza, waxay u badan tahay inay u dabaaldegi doonto dhicitaanka Assad, oo ah mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Iran. Laakiin rajada koox Islaami ah oo ka talinaysa Suuriya waxay u badan tahay in ay walaac dhalin doonto.

Isha: BBC

Maxaa ka jira in ciidamadii Jubbaland ee Beledxaawo ay isku dhiibeen DF?

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay wararka sheegaya in ciidamadii Jubbaland ee ku sugnaa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ay isku dhiibeen dowladda.

Wasiirka amniga Jubbaland, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo war qoraal soo saaray ayaa beeniyay wararkaasi, wuxuuna sheegay in markii horeba aysan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland joogin gudaha magaalada Beledxaawo, ayna ugu dambeysay ciidamadii daraawiishta ee uu horay wasiir Janan ugu wareejiyay dowladda.

“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah oo ku sugan Baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka  iyo shacabka reer Gedo, ciidamo Jubbaland oo daraawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada federaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinuur” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Hadaba, saraakiisha dowladda ee kusugan gobolka Gedo ee fashilan ee cidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo uruuriyay haddana  dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer Gedo, waxaan wargelinaa dadka reer Gedo in arintaasi aynan wax ka jirin”.

Dhuumaal ayaa usoo jeediyay in saraakiisha gobolka joogta ay ka shaqeeyaan shaqada ay u igmatay Jubbaland, ayna ka baxaan waxyaabaha kale ee aan shaqadooda ahayn.

“Saraakisha dowladda waxaan kula talinayaa shaqooyiinka dowladda ay u soo igmatay in ay ka shaqeeyaan, ayna ka dhex baxaan maamulada iyo canshuuraha dowlada Jubbaland, wixii ka yimaado arintaas  waa mid ay masuliyadeedu qaadan doonaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli uu kasii darayo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana jirtay in ciidan badan oo kasoo goostay maamulka Axmed Madoobe ay isa soo dhiibeen, kuwaas oo ay haataan diiwaan-gelin u sameysay dowladda dhexe.

Ciidamo cusub oo Kumaandoos ah oo loo tababaray Soomaaliya + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay ciidamo cusub oo kumaandoos ah, kuwaas oo tababar heerkiisu sarreeyo kusoo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamadan oo ka kooban illaa 4 urur oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa tababarkooda soo dhammeystay, iyaga oo haatan si toos ah u howlgeli doono.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Turkiga, waxayna wasaaraddu sheegtay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan doonaan mas’uuliyadda la wareegida amniga guud ee dalka.

Turkiga ayaa kamid ah saaxibada dhow ee Soomaaliya, wuxuuna taageero milatari oo wayn uu siiyaa dowladda federaalka, isagoo ka qayb qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.

JUBBALAND oo 48 saac u qabatay ciidamada dowladda

0

Kismaayo (Caasimada Online) –   Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee Jubbaland ayaa mar kale soo saaray digniin culus oo ku socota ciidamada ay dowladda gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay ciidamada dowladda inay uga baxaan deegaanka Raaskambooni, waxaana amarkan culus ku dhawaaqay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha maamul goboleedka Jubbaland Mudane Aadan Axmed Xaaji.

Wasiirka ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ku filan tahay amnigeeda, isla-markaana aanay aqbali doonin in ciidamada dowladda ay sii joogaan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ciidamada ay dowladda ku daabushay Raaskambooni inay khal-khal xoogan ka wadaan halkaasi, ayna dhibaato ku yihiin xasiloonida Jubbaland.

Aadan Axmed ayaa sidoo kale ku goodiyay, haddii ciidamadaas ay ku bixi waayaan waqtiga loo qabtay inay qaadi doonaan tallaabo adag, uuna dulqaadka ka dhammaaday.

“Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Horay sidaan oo kale waxaan hanjbaad u jeediyay madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Jubbaland, welina waxba isma bedalin, oo ciidamo dheeraad ayay weli kusii daabuleysa dowladda.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda ay isku rogto dagaal toos ah.

Axmed Madoobe oo ku xirtay ITOOBIYA iyo qorshe culus oo socda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf culus oo ka dhashay heshiiskii badda uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed oo wayn.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota Itoobiya ay Sabtidii shalay diyaarad milatari ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo ay wada-hadallo gaar ah kula leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah uu qorshahooda uu yahay in madaxweynaha dib loo doortay ay kala hadlaan xiisadda soo korortay, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowlada dhexe.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa casuuntay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana diray Axmed Madoobe si uu wada-hadalo ula soo yeesho hoggaanka sare ee waddankaasi.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa nooca taageerada ay xilligan Itoobiya siineyso dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay wajaheyso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda oo ka hortimid dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

Itoobiya ayaa u muuqato inay ka dhex faa’iideysaneyso khilaafka labada dhinac, waxaana horay ciidamo badan ay usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo kuwaas oo saldhigtay degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka oo ka war heshay qorshahan culus aya dhankeeda, si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa Itoobiya, waxayna ku eedeysay inay ciidamo kusoo daabuleyso gudaha dalka, ayna iska horkeeneyso qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, xiisadda ayaa u muuqata inay weji cusub yeelaneyso oo arrintu ay dagaal ku socoto, maadaama weli dowladda dhexe ay ciidamo ku daabuleyso deegaannada Jubbaland

Dowladda Syria oo dhacday iyo ASSAD oo cararay – Sidee wax u dhaceen?

Dimishiq (Caasimada Online) – ooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.

Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda.

War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”.

Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan.

Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan.

Wararka ayaa sheegaya in dadku billaabeen in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada.

Ra’isulsulwasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo.

Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad.

Isha: VOA

Ciidanka Israel oo xasuuq horleh ka gaystay GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza.

Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il.

Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax.

Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay in ilaa 20 qof oo la dilay ay lix ka mid ah ahaayeen carruur halka shan kalana ay dumar ahaayeen.

Tan iyo sannadki hore, dagaalka ka socda magaalada Gaza waxaa lagu dilay ku dhawaad illaa 46 kun oo Falastiiniyiin ah.

Daawo: DF oo darajo ciidan ka saftay saraakiisha ciidamadii ka soo goostay Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho darajooyin ciidan ugu xirtay saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, kuwaas oo go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu keenay diyaarado, kadib markii ay tageen deegaanka Raaskambooni oo dowladda u cadeeyeen mowqifkooda.

Saraakiisha Ciidamadaas ayaa maanta dalacay darajooyin kala duwan, halka askartii loo sameeyey diiwaan-gelin, mushaar iyo xuquuq kasta oo ay dowladda ka helaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha maanta lagu hor dalacsiiyey ciidankii ay hoggaaminayeen ee Axmed Madoobe ay kala soo goosteen ayaa ugu horeyn u mahad celiyey madaxda dowladda federaalka oo ay sheegeen inay gudeen abaalkooda.

Sidoo kale saraakiisha ayaa farriin u dirtay ciidamada weli uu xukumo Axmed Madoobe, waxayna ka digeen in dagaal la geliyo saaxiibadii ay kaga soo tageen Kismaayo iyo deegaano kale oo Axmed Madoobe uu ka taliyo.

“Saaxiibadeen waxaan leenahay waxay dowladdu na siisay lambarkii xoogga dalka, waxay na siisay darajooyin, qof kasta oo naga mid ah wixii uu mudnaa ayuu helay, waxaan idinleeyahay saaxiibayaal imaada oo ku soo biira xoogga dalka Soomaaliyeed, dowladdu waa guda balaaran tahay, cid idinka xigta ma jirto,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiishii la dalacsiiyey maanta.

Sarkaal kale ayaa yiri, “Dhalinyarada joogta Jubbaland waxaan codsanayaa in si xun aan adeegsan, in dowladooda aan lagu dirin ciidankii aan ka soo tagnay, waxaan leeyahay walaalayaal baraaruga.”

Korneyl Maslax oo ah sarkaal militeri oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha la dalacsiiyey iyo askartii ka timid Jubbaland u sheegay in aysan laheyn cadow aan aheyn Khawaarijta, isagoo uga mahadceliyey inay garteen in aysan la dagaalamin dowladooda.

Hoos ka daawo    

Somali Digital Media Academy (SODMA) wins regional award

The Somali Digital Media Academy (SODMA) has won the Silver Award at the Digitally Fit – East Africa 2024 Awards, held in Nairobi, Kenya. The event brought together over 500 organizations from East African countries, including Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, the Democratic Republic of Congo, and Burundi, to celebrate innovation and advancements in digital technology.

Receiving the award on behalf of SODMA, Farhan Hussein Abdi, from the academy’s management, expressed his pride in this remarkable achievement, noting that the award reflects SODMA’s dedication to empowering Somali youth with advanced digital skills.

During the event, Kenyan Senator Okiya Andrew Omtatah praised SODMA after reviewing its achievements. He remarked: “What SODMA is doing is a source of pride for all of us. Its role in training Somali youth in digital skills is a shining example of positive change. Its impact goes beyond Somalia, contributing to the growth of the entire region.”

He added: “Initiatives like SODMA’s are investments in our shared future, showing how regional institutions can drive meaningful progress.”

This recognition is a major milestone for both SODMA and Somalia, highlighting their role in advancing digital skills and creating opportunities for youth across East Africa.

Sawirro: Xasan Firinbi oo raali gelin iyo xaalmarin siiyey askarigii uu feeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa raali-gelin siiyay askarigii uu ku dhex feeray kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waana laga aqbalay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Askarigaas oo lagu Xuseen Maxamed Xasan oo ka mid ahaa koox askar ah oo ilaalisa amniga xarunta Golaha Shacabka, waxayna ku soo baxeen gacan-qaad ka dhex bilowday kulankii ugu dambeeyey ee baarlamaanka

Askarta ayaa isku aadiyey guddoonka baarlamaanka oo xildhibaano mucaarad ah ay doonayeen inay waxyeelo u geystaan, balse Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa qaaday tallaabo uu markii dambe aad uga qowmameeyey.

Dalka oo dhan waxaa ku baahay muuqaalka Xildhibaan Xasan Firinbi oo feeraya askari aan sameyneyn wax iska cabin ah oo sharciga dhowraya, waxayna noqotay arrin aad looga carooday oo si weyn loogu dhaleeceeyey xildhibaanka.

Intaas waxaa u dheereed Xasan Firinbi in culeys badan uu kala kulmay xukuumadda, maadaama dembi cad uu galay oo lagu maxkamadey karo, xeerkii xasaanadana uu isagu jebiyey.

Xildhibaan Xasan Firinbi oo labo dakano qaba, mid uu ka galay qoyska askariga uu feeray iyo mid ay ku heshay xukuumadii uu mucaaradaayey ayaa waayey meel uu Muqdisho kaga noolaado, wuxuuna galay guriga Sheekh Shariif.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Xasan Firinbi lagu soo rogay xayiraad sababtay inuu Muqdisho ka bixi waayo, waxaana ka ergeeyey oo kiiskaan culus ka xaliyey Sheekh Shariif oo magan-geliyo uu ka raadsaday.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo askariga metela iyo Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa maanta ka soo muuqday goobtii lagu gaaray xalka oo askariga lagu raali geliyey.

Maanta oo Sabti ah ayuu Xasan Firinbi xal u helay arrin uu ka joogi waayey Muqdisho oo dhinac uu uga bixi waayey, maadaama uu ahaa nin dakano galay oo dhiig islaam daadiyey.

Xukuumadda ayaa la sheegay in markii hore ay dooneysay in kiiskaan lagu xaliyo sharciga, waxaana ku raacsanaa qoyska iyo xildhibaanada ku metela baarlamaanka, balse Xasan Firinbi oo codsiyo badan dirsaday, isla markaana u cararay guriga Sheekh Shariif oo la ixtiraamo ayaa ugu dambeyntii laga aqbalay raali gelinta.

Daawo: Jubbaland oo cabsi ay ka qabto DF darteed qaaday tallaabo cusub

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo horleh oo la xiriirta xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda Soomaaliya.

Jubbaland oo cabsi ka qabta ciidamada ay dowladda ku daabuleyso deegaanadeeda ayaa maanta adkeysay guud ahaan amniga xeebaha maamulkaasi.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu arkay xeebaha Jubbaland, kuwaas oo aad u adkeeyay amniga, isla markaana bilaabay dhaq-dhaqaaqyo horleh.

Muuqaal uu baahiyey Telefishinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la adkeeyay amniga xeebaha, waxaana muuqaalka laga arkayay ciidamo hubeysan oo bannaanka xeebaha fadhiya kuna jira heegan buuxa.

“Halyeeyada Ciidanka Dowladda Jubbaland oo sugay amniga Xeebaha” ayaa lagu yiri war kooban iyo muuqaal lagu baahiyay bogga Telefashinka Jubbaland.

Ujeedka ugu wayn ayaa ah in ciidamadaasi ay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka wado Jubbada Hoose, gaar ahaan ciidamada ay ku daabuleyso gobolkaasi.

Xiisadda ayaa kasii dareyso, waxaana labada dhinac ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah, iyada oo laga cabsi inuu ka dhex-qarxo dagaal toos ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli dowladd federaalka ay ku adkeysaneysaa in meesha laga saaro Axmed Madoobe oo markii 3-aad dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeystay go’aankii uu horay uga qaatay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay masaajidka madaxtooyada, wuxuuna mar kale ku adkeysatay go’aankiisa doorashada qof iyo codka ah.

Madaxweyne Xasan ayaa shaaca ka qaaday in aan qofna loo joojin doonin masiirka dalka isla-markaana dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod ah.

“Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, balse uu aad uga xun yahay in ciidamada qaranka loo diido qayb kamid ah dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore xubnaha mucaaradka ay intooda ku gacan seereen xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay, iyaga oo sheegay inuu yahay guddi lagu dhisay rabitaanka madaxweynaha.

Waxaa kale oo qorshaha Villa Soomaaliya diidan oo bannaanka ka joogay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Ciidanka Jubaland oo dagaal culus uu ku qabsaday duleedka Kismaayo + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Birjeex ee Jubaland ku lahaayeen deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubada Hoose, waxaana xigay dagaal socday ku dhawaad saacad oo sababay khasaare xooggan.

Afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo wareysi siiyay VOA ayaa ka warbixiyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, uuna ka dhaawacmay mid kale, balse khasaare ka badan ay gaarsiiyeen Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka kadib ay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka carareen 9 maydad ah, ayna jiraan maydad kale iyo dhaawacyo ay horay u qaateen.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay ka dhex faa’iideysaneyso xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland, waxayna kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada maamulkaasi.

Al-Cadaala oo u jawaabay, runtana u sheegay wasiir Juxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si weyn u dhaliilo dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Cadaala oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa naqdiyay hadallada Juxa, wuxuuna u jeediyay eedeymo shaqsiyadeed, isaga oo runta u sheegay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Juxa la yaqaano taariikhiida, uuna baal madow uu jiro, sidoo kalena yahay nin anshax xumo badan, sida uu hadalka u dhigay.

“Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan dad kale oo uu la meel dhigay argagixisada, isaga oo tusaaleynayay dhaqankooda.

“Kuwaas oo kale waxa ay ka xun yihiin oo dhaqan xumadooda ay ka halis badan yihiin argagixisada, sababtoo ah argagixisada waa la yaqaanaa, laakiin qofkan isaga oo u isticmaalayo magacii dowladda ayuu sidaas u hadlayaa” ayuu mar kale yihi wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sidaan oo kale u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka qayb-galayay kulan dadweyne, wuxuuna adeegsaday erayo adag oo dad badan ka falceliyeen.

DF oo MUQDISHO ka soo dajisay dhallinyaradii doonta ay kula degtay Madagascar

0

Muqdisho (Caasimad Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa galabta garoonka Muqdisho kasoo dajisay dhalinyarado Soomaaliyeed oo dhowaan doon ay kula dagtay dalka Madagascar, halkaas oo ay ku dhinteen Soomaali badan, kuwana kale lasoo bad-baadiyay.

Dhalinyarada la keenay oo kasoo bad-baaday shilkaasi ayaa gaaraya illaa 40 muhaajiriin ah, waxaana diyaarad gaar ah u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tahriibayaashan oo ku labisnaa labiska Calanka Soomaaliya ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen kusoo laabashadooda Soomaaliya.

Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale dhalinyaradan kusoo dhaweeyay Muqdisho, taas oo muujineyso in dowladdu ay dadaal badan gelisay soo celinta dhalinyaradan.

Qaar kamid ah dhalinyarada lasoo celiyay oo isugu jiro gabadho iyo wiilal ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta, waxayna si weyn u mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed.

Illaa 28 muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka ku dhintay shilka ka dhacay dalka Madagascar, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

Jubaland oo hub culus ku garaacday diyaarad kusii jeeday Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus.

“Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay.

“Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”.

Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.

Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.