26 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xog: Xasan oo maanta u safraya Turkiga si loogu qanciyo la kulanka Abiy Ahmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u safro dalka Turkiga, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya safarka madaxweynaha ku tegayo Turkiga ayaa sheegaya in wada-hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan madaxda gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo.

Xasan ayaa horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin Abiy iyo madaxda Itoobiyaanka illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.

Si dhab ah looma waxa beddelay mowqifkii madaxweynaha Soomaaliya ee la kulanka madaxda Itoobiya, maadaama xogaha ay sheegayaan in Anakara lagula kulansiinayo Abiy, waxaana isha lagu hayaa sida ay wax u dhici doonaan.

Maxay yihiin go’aannada ay soo saartay xukuumadda BIIXI kahor xil wareejinta?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aano xasaasi kahor xil wareejinta la qorsheynayo inay dhacdo maalinta Khamiista.

Shirka amniga oo ka dhacay gudaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uuna shir guddoomiyey wasiir Maxamed Kaahin, ayna ka soo qayb-galeen taliyayaasha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in la joojiyo qabashada shirarka qabiilaysan

“Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee Somaliland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga xuduudaha iyo kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Somaliland illaa inta madaxda dooran lagu wareejinayo xilka.

Hoos ka aqriso go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland;

1- Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaas oo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda.

3- Waa in saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah tallaabo ayaa laga qaadayaa.

5- Waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee dalka, gaar ahaana amniga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

6- Shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Xabsiga Saydnaya: Wax ka ogow kawaanka bani’aadamka ee taliskii Asad

0

Dimishiq (Caasimada Online) – “Hadda waxaan ku suganahay bartamaha magaalada Dimishiq. Alle ayaan ku dhaartayee, aniga iyo 54 kale ayuu qorshuhu ahaa in la dilo maanta saacad iyo bar ka hor. Alle ayaa mahad leh,” ayuu yiri mid ka mid ah maxaabiista laga soo daayay xabsiga caanka ah Saydnaya ee Suuriya kaddib markii la afgembiyay Bashar al-Assad.

Maxbuuskan ayaa sidoo kale waxaa muuqaalka kula jiray maxbuus kale. Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay muuqaalka maxaabiista ku jirtay xabsiga Sednaya.

Muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayay maxaabiista dabaqa sare ku jirta oo la sii deynayo dhammaantood iyo qoysas ka dalbanaya ururrada caalamiga iyo khubarro in ay furaan qeybta dhulka hoose oo ay weli ku jiraan kumannaan.

Xabsiga Saydnaya waa mid ka mid ah xabsiyada sida weyn loo ilaalin jiray markii uu talinayay Xaafid al-Assad oo ah Bashar al-Assad aabbihii. Waxaa lagu naaneysay “Xabsiga Cas” oo loola jeedo jirdilka iyo dilalka ay kooxaha xuquuqda aadanuhu ku sheegeen in ay goobjoog ka ahaayeen.

Sida lagu qoray warbixinnada xuquuqda aadanaha iyo baarista ururka maxaabiista iyo dadka la la’ayahay ee xabsiga Saydnaya, waxay taliska Assad fuliyeen dilal toos ah oo maxaabisita xabsiga ku jirta lagu dilayo. Si joogto ah ayaa dadka loo dili jiray iyadoo toddobaadkii labo jeer la fulin jiray dilalka.

Maxbuuska waxaa lagala bixi jiray halka lagu hayo marka uu gabbalka dhaco, isla habeenkaas ama maalinta xigta si loo dilo. Si toos ah ayaa dadka loo dili jiray iyadoo lagu daldali jiray qolal loogu talogalay, dilka waxaa la socday jirdil.

Kawaanka bani’aadanka

Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International waxay dhowr sano ka hor ku tilmaantay xabsigan “ka waanka bani’aadanka” iyo in uu yahay xabsi si hoose uu taliska Suuriya ugu gowraco dadkiisa.

Sida urur xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay Turkiga uu ka soo xigtay ururka maxaabiista iyo dadka la la’ayahay ee xabsiga Sednaya, xabsigan waxa uu ahaa mid dadweynaha Suuriya ay aad uga baqayeen.

Waxaa sanadkii 1987-dii laga dhisay halka ay ka bilaabato buurta saldhigga magaalada Saydnaya. Waa magaalo buuralley ah oo 30 kilometer waqooyiga kaga beegan Dimishiq. Xabsiga Saydnaya waxa uu ku fadhiyaa dhul gaaraya 1.4 kilomitir oo labo jibaaran. Waxa uu la egyahay sideed garoon oo kuwa kubbadda lagu dheelo.

Go’doomin iyo in laga fogaado waddooyinka oo loo soo baxo

Waxaa la arkayay mid ka mid ah xagjiriinta oo ka hadlaya kaamerooyinka sahanka. “Maxabiista gudaha ku jirta ma oga waxa socda,” taasi waxay muujineysa in aysan la socon warka ku saabsan in taliska uu dhacay. Sidoo kale waxaa halkaas laga fahmaya sida ay tahay dhibaatada ay ku jireen maxaabiistan ee ah go’doominta iyo in loo diiday xuquuqda aasaasiga sida in ay raadiya dhageystaan.

Intii ay socotay maxaabiis sii deynta, waxaa la arkayay nin hubeysan oo jabinaya qufullada qolalka maxaabiista iyagoo ka bilaabay halka ay ku xirnaayeen haweenka.

Waxay aheyd waqti muhiim ah. Mid ka mid ah haweenka maxaabiista ayaa ka caga jiidday in ay baxdo sababtoo ah lama socon waxa dhacaya. Ninka hubeysan ayaa bilaabay in uu u xaqiijiyo maxaabiistan in aysan baqin. “Ha baqina, waxaa nahay mucaaradka, hadda xor ayaad tihiin.”

Maxaabiista ayaa baxay iyagoo shakisan. Waxay bilaabeen in ay weydiistaan aqoonsiyadooda iyo dokomentiyadoodii laga qaaday markii la xirayay. Ninka hubeysan ayaa u sheegay, “Baxa oo qaata waxaad leedihiin, uma baahnidiin aqoonsi, cidna idinma joojineyso waddooyinka”.

Warqad ay soo dirtay hooyada maxbuus

Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay farriin hooyo leh, “marka aad xoreysaan xabsiga Saydnaya, fadlan yeysan baxsan iyadoo ula jeedo askarta Assad, hala xaajoonina. Waxay jarjareen wiilkeyga oo 20 jir ah, indhaha ayey ka bixiyeen kaddibna dileen. Fadlan ha cafinina. Cadaalad ayaan u doonayaa wiilkeyga”.

Ururka maxaabiista iyo dadka la la’yahay ee xabsiga Sednaya waxay sheegeen in xaaladda xabsiga ay gaartay halkii ugu xumeyd intii u dhexeysay sanadihii 2011-kii ilaa iyo 2015-kii. Tirada maxaabiistana hoos ayey u dhacday.

Taasi waxay xaqiijineysaa in taliska Suuriya ay dileen 30 ilaa iyo 35 kun oo maxbuus intii u dhexeysay 2012-kii ilaa iyo 2022-kii. Dadka ayaa loo dilayay si toos ah ama si dadban ama qaarkood waxaa loo diiday daawada halka kuwana ay u dhinteen macluul. Ururka waxa uu sheegay in meydadka lagu aasi jiray qabuuro wadareed.

Wixii ugu naxdin badnaa markii maxaabista la sii deynayay ayaa aheyd muuqaalka cunug aan ka weyneyn 3 sano oo ka soo baxayay mid ka mid ah qololkii la furay oo la yaaban waxa dhacaya iyadoo nin huneysan uu weydiinayo “Yaa dhalay cunugan?”. Waxaa soo baxday hooyo u muuqatay in ay dhashay taas oo qabatay gacmahiisa.

Dadka adeegsada barta X ayaa ku tilmaamay in uu yahay taariikhda maxbuuskii ugu da’da yaraa, waxayna taasi ka dhacday xabsiga Sednaya ee taliska Assad.

Ilaalada xabsiga ayaa dadka jirdil ku sameyn jiray, waxayna sidoo kale adeegsan jireen dhammaan siyaasadaha loogu diidayo maxaabiista xuquuq kasta oo ay leeyihiin.

Xabsiga waxa uu ka kooban yahay labo dhismo. Dhismihii hore oo ah kan cas oo loogu talogalay maxaabiista siyaasadda iyo ammaanka u xiran ee ka horjeestay taliska iyo dhismaha cusub ee loo yaqaan kan cad oo loogu talogalay dambiilayaasha militeriga dambiga ka galay iyo kuwa loo haysto musuqmaasuqa.

Dhismaha cad kuwa ku jiray dhammaantood waxay ahaayeen kuwa raacsan taliska oo loo soo xiray xatooyo iyo dil.

Dhismaha cad iyo kan cas

Xabsiga Saydnaya waxa uu hoostagayay Wasaaradda Difaaca Suuriya. Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka wax saameyn ah kuma laheyn.

Saddex nooc oo ilaalo ah ayuu lahaa, waxaa ilaalinayay militeriga, booliiska militeriga iyo sirdoonka militeriga sida ay sheegeen baarayaasha ururka maxaabiista iyo dadka la la’yahay ee xabsiga Saydnaya.

Sida weyn ee xabsigaas loo ilaalinayay iyo sida dadka ku jira gudaha looga go’doomiyay addunka kale waxaa lagu sharaxay mid ka mid ah maxaabiista oo isagoo tabardarro iyo daal ka muuqdo ku dhex orday wadooyinka Dimishiq.

Dadka duubayay muuqaallada ayuu weydiiyay “Maxaa dhacay?” isla isaga ayaa ka jawaabay, “Bashar miyaa la riday?”. Maxabuuska ayaa sii orday isagoo ku qeylinaya Alle ayaa weyn.

Isha: BBC

Taliyaha Danab ee Jubaland oo ka hor yimid qorshaha DF – Maxaa ka dhalan kara hadalkiisa?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg Axmed oo saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta la hadlay ayaa aad u dhaliilay dowladda federaalka, taliska ciidanka xoogga dalka iyo qorshaha ciidamada loogu daabulay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Gocashada ugu weyn ee Taliye Carab Dheeg uu sheegay inay ka hadashiisay waa dalacsiinta ay dowladda federaalku siisay ciidamadii Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, isagoo cabasho ka muujiyey sababta loo dalacsii diiday Danab oo sanado badan dagaal uga jirtay Jubbooyinka.

Taliye Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray.

Sidoo kale Taliyaha ayaa dowladda ku dhaliilay ciidanka ay geysay Raaskambooni, isagoo halis weyn ka muujiyey in Jubbaland uu ka bilowdo isku dhac ciidamada dhexdooda ah oo laga baaqsan karo.

Sarkaalkaan ayaa halis weyn ka muujiyey in laga mashquulo dagaalka Khawaarijta, isagoo si cad u sheegay in wiilashada ka wada tirsan ciidamada qaranka aysan cadow isku aheyn, balse siyaasadaha is diidan ay horseedayaan halis aan laga soo kabsan, hadii ciidamadu soo farogeliyaan.

“Anigu ma qabo in ciidan la isku adeegsado, siyaasaddu waa wax dhibadan goor kasta ayey qaldameysaa, laakiin ciidan laguma sixi karo, halis waaye qorigu ee wadahadal ku dhameysta waxa la isku hayo, yaan la isku adeegsan wiilasha u caaboon dagaalka Khawaarijta oo ah halka cadow oo aan leenahay,” ayuu yiri Taliyaha Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg.

Eedeyntaan ayaa toos ugu dhaceysa madaxda ugu sareysa dalka oo u bareeray in xoog loo adeegsado Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah in taliyahaan shaqo ka joojin lagu sameeyo, maadaama uu galay arrimo xasaasi ah.

Taliyaha markii uu hadalkaan sheegayey waxaa garbihiisa taagnaa ciidan aad u badan, sida caadiga ah Danab looma ogola inay dhexgasho siyaasadaha gudaha ee dalka, waxaana  loo tababaray kaliya inay argagixisada la dagaalamaan.

Waligood hal mar ayaa loo adeegsaday dagaal sokeeye, xiligaas oo Ahlu-Sunna ay kula dagaalameen Guriceel, balse Mareykanka oo gacanta ku haya ciidanka Danab ayaa xiligaas ganaaxay ururkii Galmudug joogay ee dagaalkaas galay, waxaana dhowr bilood laga jartay mushaarkii, sahaydii iyo saanadii ay heli jireen.

 

 

Dadka Suuriya ee jooga Soomaaliya oo si cajiib ah uga hadlay ‘cayrinta Bashar al-Assad’

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbax weyn oo lagu soo dhaweynayo in xukunkii laga tuuray madaxweynihii sanadaha badan awoodda militeri ku heystay dlka Suuriya Bashar al-Assad.

Banaanbaxaan waxaa dhigay dadka Suuriyaanka ah eek u nool magaalada Hargeysa, waxayna muujiyeen dareen dabacsan iyo sida ay ugu farxeen in Madaxweyne Bashar al-Assad uu ka tegay Suuriya, isagoo qasban.

Maxamed Kheyr oo kamid ah dadka ka soo cararay colaadaha Suuriya iyo xukunkii adkaa ee Bashar al-Assad ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in qof kasta oo Suuriyaan ah uu maanta faraxsan yahay.

“Qofta kasta oo Suuriyaan ah, guud ahaan muslimiinta, Carabta iyo Afrikaanka waa farxeen, sababtoo ah waa na jecelyihiin, dulimigii iyo dhagartii qoys 50 sano na xukumayey ayaa naga tegay,” ayuu yiri Maxamed Khayr oo ah Suuriyaan ku noopl Hargeysa.

Maxamed oo ah nin oday ah, isagoo ilmeynaya ayuu sheegay in tan iyo carruurnimadiisii uu xusuusto nidaamkii adkaa ee Assad oo ahaa aabihii dhalay Bashar Assadka hadda xukunka laga tuuray.

Dhinaca kale, Haysam Cabdisalaan oo ah wiil dhalinyaro ah oo sagaal sano ku noolaa Hargeysa, isla markaana bartay Af-Soomaaliga ayaa si cajiib ah u cabiray dareenkiisa ku aadan is bedelka siyaasadeed ee Suuriya ay gashay.

“Sagaal sano ka hor ayaan imid halkaan, waxaan bartay af-Soomaaliga oo aad u adag, walaahi waxaa dhacay is bedel weyn 50 sano musiibo dalkeena heysatay ayaa na dhaaftay, Somaliland waa dalkeyga labaad, xaas iyo carruur ayaa ii jooga, Alxamdulilaah,” ayuu yiri Haysam Cabdisalaan oo Suuriya u dhashay.

Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin dadka Suuriyaanka ah ee ku nool magaalada Hargeysa Wafaan Saam Al-Saayid ayaa sheegay in Suuriya ay gashay xaalad deg deg ah oo lama filaan ah, isla markaana ay dalkoodii ku noqo doonaan, markii ay xaqiijiyaan in xaaladu degtay.

“Kadis ayey noqotay arrintaan, waa wax xagga alle ka socda, ilaah ayaa xoreeyey dhulka Shaam, adduunka dhan waa na jecelyahay, laakiin dalkeena waxaa la degay qoyska reer Assad, hadii amniga la sugo waan ku laabaneynaa Suuriya, dadka Soomaaliyeed ayaa aad noo soo dhaweeyey, Somaliland waa dalkeena labaad,” ayuu yiri guddoomiyaha qaxootiga Suuriya ee Hargeysa ku nool.

DF oo Muqdisho kasoo dejisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si guul leh u suura-gelisay dib usoo celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Suudaan.

Dhalinyaradan ayaa la xiray kafib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo saddex bilood ah lagu hayay xabsiyada Dongola iyo Gadaref.

Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, islamarkaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka.

Sii deynta dhalinyaradan ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan.

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.

Xog: R/Wasaare Xamza oo ku wajahan Raaskambooni + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku wajahan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta tegi doona Raaskambooni, iyadoo ay halkaasi gaareen taliyaha ciidanka lugta, saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaraha iyo ilaaladiisa gaarka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Raaskambooni oo maalmo kahor la wareegeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa noqoneysa xarunta ay dowladda dhexe ka hageyso qorshaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo isagu mar saddexaad isku doortay Kismaayo.

Sida uu qorshuhu yahay Xamza ayaa marka uu gaaro halkaasi waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa saraakiisha Gorgor iyo kuwa Haramcad oo iyagu gacanta ku haya amniga Raaskambooni, odayaasha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe, oo isagu dhawaan qabsaday doorasho markii saddexaad uu kusoo baxay hoggaanka maamulka.

Daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe taabacsan ayaa haatan ku sugan deegaan 40-KM u jira magaalada Raaskambooni, halka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ay heegan buuxa galeen, waxaana sareysa cabsida in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinac.

Shalay ayey aheyd markii Jubbaland ay muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doonto tallaabo adag.

ISRAEL oo maanta askar looga dilay…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Militariga Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor.

Afarta askari oo ka mid ahaa ciidamada kaydka, oo dhamaantood ka tirsanaa hal guuto, ayaa “ku dhintay dagaal” Axaddii, milatariga ayaa sidaas sheegay iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Israa’iil iyo Xizbullah ayaa ku heshiiyey xabbad joojin ka dib ku dhawaad sannad dagaal ah.

Sida heshiiska qayb ka ah, ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaan doonaan koonfurta Lubnaan muddo 60 maalmood ah, halka ciidanka Lubnaan sidoo kale la geynayo aaggaas.

Sida ku cad heshiiska, oo ku saleysan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee Israel iyo Xizbullah, ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Lubnaan waa in ay noqdaan kooxaha hubaysan ee kaliya ee ku sugan koonfurta.

Dhimashada ayaa ka dhigaysa 56 tirada askarta Israa’iil ee lagu dilay koonfurta Lubnaan tan iyo markii milatariga uu qaaday weerar dhulka ah dabayaaqadii September.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh la wadaagay qoysaska askarta.

Militariga Israa’iil ayaa tan iyo markii ay billaabatay xabad joojinta sii waday duqeymaha ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Xizbullah, iyagoo sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah jebinta heshiiska.

Axadii waxay sheegeen in ciidamadooda dhulka ay “heleen oo ay burburiyeen hub diyaar u ahaa in la isticmaalo” oo lagu kaydiyay goob rayid ah iyo godad dhulka hoostiisa ah.

Xizbullah ayaa bishii October ee sannadkii hore billowday inay weerarro xooggan ku qaado Israa’iil, ayadoo ku taageeraysa xulafadeeda Falastiin ee Xamaas.

Rasaastii la isku weydaarsanayey xuduudda ayaa isu rogtay dagaal buuxa markii Israa’iil ay diiradda ka weecisay Gaza una wareejisay Lubnaan, si ay u sugto xuduuddeeda waqooyi.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xiray qaar kamid ah saraakiisha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar kadib markii uu dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow ayaa ugu mahad-celiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray, kuwaas oo door muhiim ah ku leh hogaaminta taliska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ciidanka illaalinta deegaanka Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda caasimadda, ka hortaga maandooriyaha iyo anshax xumada.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha xusay in ay ka go’an tahay dhiira-gelinta iyo tayeynta ciidanka kala duwan ee dowladda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dallacsiin u sameysay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo.

Saraakiisha ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka lagu abaalmariyo, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen howsha loo igmaday iyo howl-galka Shabaab.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu dallacsiinayo saraakiil kale, xilli uu socdo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya marxalad xasaasi ah.

Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo dagaal qarka u saaran – Xog

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Raaskambooni oo maalmihii lasoo dhaafay lagu daabulayay ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Jubbaland ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka bilowday halkaasi, waxayna ciidamo iyo gaadiid dagaal gaysay deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.

Daraawiishta Jubbaland ayaa doonaya inay ka hortegaan gulufka ciidamada dowladda, waxayna deegaanka ay hadda gaareen uu 40 KM u jiraa magaalada Raaskambooni.

Dhankooda ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka war helay dhaq-dhaqaaqan ayaa heegan buuxa galay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhex-qarxo labada dhinc.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo warinaya in xaalad adag ay ka jirto halkaasi, isla markaana la’isku hub iyo ciidan aruursanayo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemaya aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Shalay Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doono tallaabo adag.

“Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu shalay yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa haatan si wayn isku haya, waxayna arrintu gaartay in la’isku adeegsado ciidamo, taas oo muujineyso in awood  la’isku maquuni doono, haddii aanu imaan xal kale oo deg deg ah.

JEESOW: Maxaa xabsiga loogu dirayaa Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadla xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Jeesow ayaa si si gaar ah uga hadlay eedeymaha loo jeediyay Axmed Madoobe iyo sababata ka dambeysa in loo jaro waaran soo qabasho ah.

Xildhibaanka ayaa su’aallo ka keenay waxa loo beegsanayo Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in dambi aanu lahayn dusha laga saarayo.

Waxaa kale oo uu ku dooday in ay ahayd in la qabto markii uu joogay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, haddii uu galay khiyaano qaran ama dambi kale oo wayn.

“Maxaa Jubbaland ciidanka loogu daabulayaa, maxaa colaadda looga hurinayaa, maxaa xabsiga loogu dirayaa A.Madoobe, haddii uu khiyaano qaran galay oo doorashadiisa ka baxsan gurigaasuu deganaa oo Xamar buu joogey maxaa loo qaban waayey, waa dambi loo dhoodhoobayo weeyee dambiba kuma hayaan, sidaan rabnay noogula shaqee ayaa lagu haystaa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ee sida wayn u diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna qayb ka yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyeo madaxweyne Sheekh Shariif.

Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda iyo Jubbaland ayaa haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana la’isla aadan ciidamada, iyada oo laga cabis qabo dagaal toos ah.

Shirweyne muhiim ah oo ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka furmay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana shirka furay madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ah wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka qayb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirweynahan  oo saddexdii biloodba mar qabsooma.

Maxamuud Macallin ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah.

“Waxaan ka wada-hadli doonnaa xaaladda hadda jirta ee ku aaddan dhibaatada bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaladda La Nina iyo saameynta taban ee la filaayo inay ku yeelato dalkeenna sanadka foodda nagu soo haya ee 2025. Hadafkeenna ayaa ah mideynta dadaalkeena si aan si fir fircoon ugu taageerno dadka ay dhibaata abaartu saameyn karto. Waxaan diiradda saari doonnaa baahiyaha iyo jawaabaha bani’aadannimo ee 2025 (HNRP)” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal dhex-maray Somaliland iyo SSC-Khaatumo

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, isla markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.

Sidee caalamka uga falceliyay isbeddalka ka dhacay Suuriya?

Dimishiq (Caasimada Online)Dhowr waddan ayaa dano gaar ah ka leh mustaqbalka Suuriya, oo ay ku jiraan xulafada madaxweynihii la riday ee Assad, waxayna sheegeen inay aad u jecel yihiin inay door ka ciyaaraan taageerada dowlad cusub.

Ruushka oo la sheegay inuu Asad iyo qoyskiisa magangelyo ka siiyey magaalada Moscow, ayaa sheegay in saldhigyada millatari ee dalkaas ay ku jiraan “feejignaan sare” balse ilo ka tirsan Kremlin-ka oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Ruushka u sheegay in ammaankooda ay dammaanad qaadeen fallaagada. Moscow ayaa ku baaqaysa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga tashado xaalka Suurita.

Iran, oo sidoo kale taageeraysay nidaamka Assad, ayaa sheegtay inay rajaynayso in xiriirka “saaxiibtinimo” ee Suuriya uu sii socdo. Bayaan ay soo saartay, wasaaradeeda arrimaha dibadda waxay ku baaqeysaa “bilaabidda wadahadal qaran oo ay ku lug yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo matalaya dhammaan dadka Suuriya”.

Turkiga, oo taageera qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah, ayaa sheegay inay “xoojin doonaan” dadaallada lagu caawinayo sugidda nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka Suuriya maalmaha soo socda.Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in tani ay ka mid tahay in la raadiyo qaab dib loogu soo celin karo malaayiin Suuriyaan ah oo ka qaxay dagaalladii sokeeye – kuwaas oo intooda badan ku sugan Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhanka kale sheegay in Suuriya ay wajaheyso “fursad taariikhi ah” balse Mareykanku waxa uu sidoo kale ka walaacsan yahay awood la’aanta, waxaana uu durbadiiba duqeeyay waxa uu ku sheegay meelo ka mid ah bariga Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin kooxda Daacish.

Daawo: Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo kale oo ka soo goostay Jubaland

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsanaa Jubbaland oo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida laga sheegay kulan lagusoo bandhigay  ciidamadan.

Taliyaha guutada 10-aad, qeybteeda 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baladxaawo oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in maanta laga bilaabo xaquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda Federaalka, iyagoona sheegay in la qabalayndoono

Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan maamulkooda ay ku biireen dowladda. Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa sheegay in ciidamada dowladdu soo bandhigtay ay yihiin maleyshiyo beeleed iyo askartii lagusoo tababaray Eritrea oo dowladda markii hore kasoo cararay.

“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah oo ku sugan Baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka  iyo shacabka reer Gedo, ciidamo Jubbaland oo daraawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada federaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinuur,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Dhuumaal.

“Hadaba, saraakiisha dowladda ee kusugan gobolka Gedo ee fashilan ee cidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo uruuriyay haddana  dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer Gedo, waxaan wargelinaa dadka reer Gedo in arintaasi aynan wax ka jirin.”

Jeneraal Dhuumaal ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay abaabulayso maleeshiyaad iyo saraakiil ciidan oo horey uga tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuwaas oo loo adeegsanayo sida uu sheegay in lagu dumiyo Jubbaland.

Xamaas oo qorsheyneysa tallaabo xasaasi ah – Xog

Gaza (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan kooxaha Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Gaza ayaa sheegay Axadda maanta ah Xamaas ay u sheegtay inay ururiyaan xogta la haystayaasha ay haystaan si ay ugu diyaar garoobaan heshiis xabbad-joojin ah iyo sii-daynta la haystayaasha oo ay la galaan Israel.

Xamaas ayaa u sheegtay qaybo ay ka mid yihiin kooxda Islamic Jihaad ah ee Falastiin, Popular Front iyo Popular Resistance Committees inay diyaariyaan macluumaadka la xiriira la-haystayaasha sida in ay nool yihiin iyo inay dhinteen.

Intii lagu guda jiray weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, Xamaas iyo xulafadeeda ayaa maxaabiis ahaan u qabsaday 251 qof.

Guud ahaan 96 ayaa ku haray Gaza, oo ay ku jiraan 34 ka mid ah ciidamada Israel oo la xaqiijiyay inay dhinteen.

Xabad joojin hal toddobaad ah oo dhacay November 2023 ayaa dad badan oo la haystayaal ah ayaa lagu beddeshay maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil, laakiin wixii markaas ka dambeeyay wada-xaajoodyadu waa ay ku guul-darreysteen inay horumar sameeyaan.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa Sabtidii sheegay inay dib u cusboonaysiiyeen “xoojinta” xabbad-joojin iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha ka dib doorashadii Donald Trump.

Ilo-wareed ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhowaanahan ay jireen “xiriirro” la xoojiyay oo u dhexeeyay Xamaas iyo dhex-dhexaadiyayaasha Qatar, Masar, iyo Turkiga, waxayna kooxdu filaysaa in wareeg cusub oo wadahadal ah oo ka dhici doona Qaahira “uu bilaaban doono maalmaha soo socda.”

Weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 1,208 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa tirada rasmiga ah ee Israa’iil, waxaana uu dhaliyay dagaalka Gaza.

Weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa Gaza ku dilay 44,708 qof, kuwaas oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas oo ay Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo.

Reer Galbeedka oo si yaab leh u taageeray qorshihii xukunka looga tuuray Assad

Dimishiq (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha reer Galbeedka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-asad oo jabhado hubeysan inay dalkii ka qabsadeen, isla markaana isaga cararay, waxaana lasoo sheegayaa inuu magan-geliyo ka helay Ruushka.

Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka xukunkii Bishar Al-Asad, iyagoo xukunkiisii ku tilmaamay mid aan arxan laheyn.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray farriin nuxurkeedu ahaa “Dawlad bahalnimo ayaa dhacday, ugu dambeyntii. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Suuriya, geesinimadooda, dulqaadkooda, xilliga hubanti la’aanta ah, waxaan u dirayaa hamigayga nabadda, xorriyadda, iyo midnimada. Faransiiska wuxuu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay ammaanka dhammaan Bariga Dhexe.”

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhicitaanka Assad “war wanaagsan” wuxuuna ku booriyay xal siyaasadeed oo lagu xasilinayo Suuriya, sida ay sheegtay AFP.

“Bashaar Al-Asad waxa uu si naxariis darro ah u dulmay dadkiisa, waxaana uu dad badan u horseeday in ay qaxaan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gaareen Jarmalka,” ayuu yiri Scholz.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka UK Angela Rayner ayaa sheegtay in haddii taliska Asad uu dhacay ay “dowladda Britain soo dhawaynayso warkaas”.

Guushan la yaabka leh ee ay Jabhadaha Suuriya ka gaareen waxaa hoggaaminaya kooxda ugu awoodda badan Islaamiyiinta ee Xayat Taxrir al-Sham oo ah cudud siyaasadeed iyo mid militari.

Waxay kooxda soo caanbaxday kacdoonkii Suuriya ee 2011-kii iyada oo xiriir leh Al-Qaacida, laakiin waxay si rasmi ah xiriirka ugu jartay 2016-kii, kooxdaas waxaa hoggaamiya Abu Mohammed al-Jawlaani.

Mar uu hadlay maanta wuxuu u xaqiijiyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Suuriya in aysan jirin sabab ay uga welwelaan, balse kooxdiisa Xayaat Taxriir al-Sham waxay wali dawladaha reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Wareysi: Jubbaland oo jawaab yaab leh ka bixisay eedeyntii DF ee Itoobiya iyo ciidankii…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa beenisay eedeyntii Dowladda Federaalka ay maanta jeedisay oo ah in diyaarado hub sida ay shalay ka degeen magaalada Kismaayo, wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal ayaa arrintaan uga hadlay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA.

“Dowladda Soomaaliya ma sheegin war xaqiiqo ah, baaritaan ha sameyso wax ay ogtahana ha sheegto, ma jiraan diyaarado hub keenay, hadii Kismaayo hub ka degay cadeyn haloo keeno, mana jirto cadaawad jirta oo Itoobiya iyo Jubbaland ku kalifeysa inay hub isku daabulaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa la weydiiyey sababta gudaha Soomaaliya loogu soo daabulayo ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u gaartahay ayaga.

“Ciidamada Itoobiya waxay dalka ka joogaan gobollo badan, Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan ayey joogaan, marka manaqaan qorshaha ay damacdan tahay Itoobiya, laakiin waa laga yaabaa inay ciidamo isku bedeleyso ama ciidanka sahay loo keenayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Gedo 7 goobood ay ka degan yihiin Ciidamada Itoobiya, isagoo xusay magaalooyinka, Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo goobo kale oo muhiim ah, “Meel kasta ayey Itoobiyaanku dalkeena ka joogaan, maadaama ay dalka joogaan maxaad u socsocotaan lama dhihi karo, diblomaasiyaduna ma ogola,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Waxaa la weydiiyey hadal-heyn jirta oo sheegeysa in Ciidamada Itoobiya ay ka cabsadeen inay degaan degmada Bedel-xaawo, maadaama ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna sheegay in 5 KM meel u jirta Beledxaawo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya.

“Waa sheeko qiyaali ah, ciidan Itoobiya hor istaagi kara oo Soomaali ah Beledxaawo iyo Gedo oo dhan ma joogaan, labada dhinac ayey Beledxaawo ka degan yihiin, waana laga fiican yahay inaan qiyaali ku noolaano, ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Dhuumaal.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Jubbaland oo jooga degmada Doolow ee Gobolka Gedo wuxuu beeniyey in ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland oo jooga degmada Beledxaawo ay ku biireen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay iska diideen amarrada madaxda Jubbaland.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Wasiir Dhuumaal

 

DF oo hanjabaad u dirtay xubno Soomaali ah oo garab siinaya Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso.

Galabta wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo farta ku fiiqay shakhsiyaad Soomaali ah oo Itoobiya ku soo hoggaaminaya dalkooda, kuwaas oo ciqaab adag ay la damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya.

“Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay Hub si sharci-darro ah ku soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, “Itoobiya waxay gudaha dalkeeda ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri bayaankii dowladda.

Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya.

“Xubnaha heysta Jubbaland waxay Itoobiya doonaysaa in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

“Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka,” ayaa lagu yiri go’aanka dowladda.

Dowladda Xasan oo si weyn loogu weeraray tallaabadii maanta – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhexda uga jirta xiisad siyaasadeed xooggan, iyadoo qaaday tallaabooyin si weyn uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dowladda ayaa baaralamaanka marsatay sharciyo dood badan dhaliyay oo la xiriira hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee qof iyo cod, iyadoo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Rabitaanka Villa Somalia oo buuq horleh ka abuuray baarlamaanka kadib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshaha Madaxtooyada, kuwaas oo maanta tallaabo ka dhan ah uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 15 ayuu guddoonka ka joojiyay kulamada golaha, halka mushaarkana laga dhimay, ayadoo lagu eedeeyay inay ka hortageen habsami u socodka shaqooyinka labada gole.

Tallaabadan ayaa durba si weyn loogu dhalleeceeyay Madaxtooyada iyo guddoonka oo si dhow ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid aan ku dhisneyn xikmad, ayna tahay aragti ku dhisan koobi aan sariig laheyn.

“Sanadkii 2021 waxaa Golaha Shacabka laga mamnuucay 15 Xildhibaan, tillaabo taas la mid ah ayaa 15 mudane maanta looga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Isla-sanadkaas ciidamo ayaa gobolka Gedo loo daabulay, Raaskanbooni ayaa maanta loo daabulayaa. Ma jiro hal abuur hoggaamineed oo xikmad, xeelad, istaraatiijiyad iyo aragti ku dhisan oo aan ka ahayn, koobi (Copy) sarriig la’aan ah.”