26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Jubaland oo sheegtay inay la wareegtay Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federaalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah.

“Ciidamada Dowladda Jubaland ee ku sugnaa duleedka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa weerar kusoo qaaday Maleeshiyada uu kusoo daadgureeyay Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyadoo Ciidamada Jubaland ay guulo wax ku ool ah ka gareen.

Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegashadeeda kusii dartay inay ciidamadeeda ay la wareegeen difaacyada hore ee Raaskambooni, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi.

“Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka saaka ee ay guusha ka sheegatay Jubbaland.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.

Abiy oo soo dabcay iyo kulan xasaasi ah oo dhacaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan xasaasi ah oo foolka fool ah ay ku yeeshaan magaalada Anakara ee dalka Turkiga.

Kulankan ayaa waxaa la soo warinayaa inuu soo dalbaday Abiy Axmed oo ka codsaday madaxweyne Erdogan inuu la kulan-siiyo Xasan Sheekh, si loo soo afaro xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la galay maamulka Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu kasoo dabcay sidii hore, isla-markaana uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu ka tanaasulo damacisii ku aadanaa heshiiskii muranka dhaliyay ee badda, kaas oo ay ka hortimid dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadda ku sugan Ankara ayaa lagu warramayaa in uu weli ku taagan yahay go’aankiisii hore ee ahaa in Itoobiya ay marka hore ka laabato heshiiska oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida  dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka loo ballansan yahay ayaa marka hore ku billaaban doono qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan Madaxweynaha Turkiga o isna u gogolxaari doona isku-soo-dhawaashaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dabaca uu muujinayo Abiy Axmed ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu soo dedejiyay go’aanka ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan, isla markaana laga reebo howlgalka cusub ee ka bilaabanaya gudaha Soomaaliua.

Kulankan lagu wado inuu ka dhaco Ankara Arbacada maanta ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan.

Heshiiskaas ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka maanta dhacaya ayaa noqonaya kii 3 oo ay yeeshaan labada dhinac.

Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland, kaas oo haatan ka socda aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo warinayaa inay qaadeen ciidamada Jubbaland oo beegsaday deegaan lagu magacaabo Manaraani oo qiyaastii illaa 30 KM u jira Raaskambooni, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal xoogleh uu socdo, iyada oo ay is fara saareen labada ciidan oo indhowaanahan isku hub uruursanayay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo gaadiid la gubay, sida ay sheegayaan xogihii u dambeeyay ee laga helayo dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socda aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbasa Hoose.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.

Wasiir FIQI oo shaaciyey tallaabo xasaasi ah oo uu ku dhaqaaqay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu si toos ah Itoobiya garab uga raadsaday si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee lagu daabulay degaannada Jubaland.

“Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland in ay ka hor istaagaan Ciidamada Itoobiya.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay  khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya ayadoo la filayo in xal loo helo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga maanta.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jirataanka kullnkan, waxayna sheegeen in Ethiopia ay codsatay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay.

Kullankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan tan iyo markii uu soo kala dhex galay muranka ku aadan heshiiskii is-afgaradka badda ee ay Ethiopia 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan la saxiixatay Somaliland.

Xiisad culus oo ka dhex-qaraxday Bashiir Goobe iyo Ururka Haweenka  + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanabax uu soo qaban-qaabiyay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Qaranka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo looga soo horeeday Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe).

Dibad-baxa ayaa waxaa lagu diidanaa amar kasoo baxay dowladda oo ah in guriga hooyooyinka lagu wareejiyo Wasiir Goobe, taas oo ay kasoo banaanbaxeen haweenka.

Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo ka hadashay isku soo baxooda ayaa qaylo dhaan afka furatay, waxayna sheegtay in loo keenay warqad ka timid ra’iisul wasaaraha oo lagu amrayo in dhismaha guriga hooyooyinka oo ay dagan yihiin in lagu wareejiyo Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka, balse waxa ay tilmaameen inay geeri ka xigaan.

“Geeri baan ka xignaa in Guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Bashiir Goobbe, Ra’iisal wasaaraha waan ka diidnay” Ururka Haweenka oo Bannaanbax ku difaacaya Guriga Hooyooyinka” ayay tiri Batuulo Gablle.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Guriga hooyooyinka iib ma’ah waxaa eh Haweenka Soomaaliyeed, ma yeeleyno ra’iisul wasaaraha waa ak diidnay, mana ogolaaneyno, haddii aan nahay haweenka Soomaaliyeed”

Batuulo Axmed Gaballe ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegtay in dowladdiisa ay caan ku tahay boobka dhulalka danta-guud ee ku yaalla Muqdisho, sida uu hadalka u dhigtay.

“Dowladdan waxa uu dhaqankeedu yahay qabuuraha inay faqaan oo ay kasoo saaraan lafaha inay masaakiinta barakiciyaan iyo inay gataan guryaha dowladda” ayay mar kale tiri.

Dhankiisa, Wasiir Goobe oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo jawaabay, wuxuuna sheegay in guriga hooyooyinka aan lagu shaqeyn haweenka iyo qaranka, lagana kireeiyay dad kale.

“Guriga Hooyooyinka dad ayaa laga kireystay Ururka Haweenka Qaranka ma shaqeeyo magac ahaan ayuu u jiraa dhaqaalaha kasoo xaroodo gurigaas dowladdu ma hesho waxaan xumumadda isku afgaranay in ay ku shaqeyso Wasaarada Qoyska” ayuu yiri Wasiirku.

Hoos ka daawo muuqaalka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Turkiga, warna ka soo saaray la kulanka Abiy

0

Ankara (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopia ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay.

Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada.

Xog: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo berri ku kulmaya Ankara – Maxaa is-bedelay?

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopa ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay.

Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in mowqifkii ay ka joogtay arrinta Itoobiya aysan waxaba iska bedelin, wadahadalada dhacayana ay dalbatay Itoobiya, casuumadana uu fidiyey madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Billihii August iyo Septemper, ayaa wadahadallo laba wareeg ahaa oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ay guuldareysteen.

Isla bishii September ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacayay magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha ayaa kullankaas shardi uga dhigay in Ethiopia marka hore ay ka noqoto Is-afgaradkii ay la saxiixatay Somaliland, 1-dii bishii Janaayo.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan kulanka, balse kuma guuleysan.

Waxaa ka horeeyay, dadaal ay dooneysay dowladda Kenya inay labada madaxweyne isugu keento, kaasi oo isna fashilmay.

Dhawaan ayaa sidoo kale, Madaxweynaha Kenya Wiiliam Rutto waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda ay doonayaan inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Ethiopia.

VOA

Odayaasha Soomaalida Kenya oo cabsi ka qaba xiisadda Jubaland saameyn culusna uga digay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odeyaasha ee ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo maanta kulan yeeshay ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan deegaanada Jubbaland.

Odayaasha ayaa sheegay hadii aan arrintaas wax laga qaban oo xal loo waayo in ay sababi karto in la dagaalamo oo qaxooti badan oo hor leh ay buux dhaafi doonaan xeryaha qaxootiga Kenya.

Cismaan Ibrahim Cabdi oo ah guddoomiyaha guddiga nabadgelyada Dhadhaab BBC u sheegay in waxa hadda ka socda Jubbaland ay horseedi karaan dhacdooyin lamid ah wixii dhacay 1992-dii, xilligaas oo qaxooti badan oo Soomaali ah ay gudaha u galeen dalka Kenya.

“Waxaan ka walaacsannahay hadii mar labaad uu dagaal dhaco, meesha ugu horeysa oo ay ku soo ordayaan dadkaas waa gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanda Wajeer” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan.

Ma jiraan qaxooti hadda galaya Kenya oo ka qaxaya xiisadda colaadeed ee ka jirta  gobolada Jubbooyinka, balse odayaashaan waxay sheegeen in mar kasta ay yimaadaan dad qaxooti ah, vabashada odayaasha ayaa ku saleysan in laga hortago wax keeni kara in ay dadku soo qaxaan.

Sidoo kale Odayaasha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in weli ay xusuustaan saameyntii ay ku reebtay amni xumadii ka dhalatay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay 1991-kii.

Odayaasha beelaha deggan xadka Soomaaliya iyo kenya ayaa sheegay in xitaa dagaalka uu saameyn ku yeelan karo dhulkooda, waxayna doonayaan in dowlada Kenya ay bilowdo dadaallo heshiis nabadeed loogu raadinayo xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka wada abaabul dagaal oo aad u weyn, halka dowladda federaaka ay maalin kasta ciidan ku sii gureyso gobolka Jubbada Hoose, xaaladda ayaa u muuqata mid aan dagaal huri doonin.

Hadii dagaal bilowdo waxaa laga digayaa inay dhici doonto musiibo sababi karta inay dalka dhan ka qarxaan dagaalo sokeeye oo sii faafa, maadaama dowladnimada Soomaaliya ay tahay mid aad u tabar yar.

DF oo war culus ka soo saartay kulan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ee Ankara

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Turkiga iyo wadahallada la sheegay inuu la yeelanayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Telefishinka Qaranka ayaa baahiyey qoraal lagu xaqiijiyey xogtaan, waxaana Xasan Sheekh casuumay oo wadahaladaan daadihinaya Madaxweynaha Turkiga Erdugan.

“Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.”

Dowladda ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay sii amba qaadi doonaan wareegga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey SNTV.

Ugu dambeyntii dowladda ayaa xaqiijisay in wadahadal kasta oo dhaca aysan ka gorgortami doonin xaqqa ay umadda Soomaaliyeed oo ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka dalka ay ugu horeyso.

“Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay isbeddalka lagu sameeyay gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka.

Haddaba sidee looga falceliyay?

Maxamed Shidane “Midkii shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda anfaca allaha nooga dhigo guddoomiyaha cusub”.

Cabdirsaaq Xaashi ayaa isna yiri “Ninkii Madaale ahaa sidaan miyaa Tareenka looga tuuray?”.

Aadan Mungaay “Guddoomiye Yuusuf Madaale, Banaadir wax u dhaamay malah runta marka laga hadlo”.

Tayip Xuseen Xasan “Hambalyo gugdoomiyaha cusub, waxaan rajaynaynaa inuu ka shaqeeyo hormarka Caasimadda”.

Saajid Axmed “Waxaa fiicna lahayd in la kala qaado guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, hal reer isku beddalaayo wax qurux badan maahan”.

Cabduqaadir Yuusuf “Waa tallaabo soo dhowayn mudan, waxaana u rajeynayaa gudoomiye Amiir in xilkaa culus ee loo magacaabay ilaahay u fududeeyo guul iyo horumar”.

Xamza oo go’aan la xiriira doorashooyinka dalka la wadaagay UK + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis ayaa kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay iskaashiga iyo danaha labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda.

Xamza ayaa danjiraha UK la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, xilli baarlamaanka labadiisa gole ay meel-mariyeen xeerarka muhiimka u ah doorashada iyo sidoo kale guddigii ka shaqeyn lahaa.

Dhankiisa danjiraha UK ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.

Go’aanka uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, xilli weli mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya, iyaga oo qaadacay guddiga doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale arrintan kasoo horjeedo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo gebi ahaan xiriirkii u jaray dowladda, sababo la xiriirka khilaafka xooggan ee kala dhexeeya.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub.

Sida lagu caddeeyay wareegtada waxaa Madaale lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo maanta ka degay degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo.

Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Beledxaawo ayaa waxaa haatan si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda, kadib markii ay dhawaan isa soo dhiibeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadaasi.

Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ay ku kala fur-fureyso maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana hadda ay isku sii fidineysaa gobolka Gedo.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa u muuqata inay kasii dareyso, iyada oo dowladda dhexe ay isku dayeyso in gebi ahaan meesha laga saaro maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugagaa natiijada iyo halka ay ku dambeyn doono xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac.

Hoggaamiyaha ciidanka qabsaday Suuriya oo ku dhawaaqay tallaabo culus

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ugu weyn ee Islaamiyiinta Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani ayaa ku dhawaaqay in lala xisaabtami doono saraakiisha sar-sare ee taliskii Bashar Al-Asad ee xukunka laga tuuray.

Saraakiishan oo ku lug lahaa jirdil iyo tacadiyo kale oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed ayaa haatan wajihi doono cadaaladda, sida uu shaacuyay hoggaamiyaha kooxda la wareegtay xukunka Suuriya.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan barta Telegram ayuu hoggaamiyuhu ku sheegay in la soo daabici doono magacyada saraakiisha jirdilka geystay.

Al-Jowlani ayaa sidoo kale sheegay in dib loo soo celin doono dadka Suuriyiinta ah ee u qaxay dalalka kale.

Kooxda mucaaradka Suuriya ayaa Axaddii soo afjaray xukunkii Bashar Al-Asad oo dalkaasi muddo dheer kasoo talinaayey, kadib markii ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bashar ayaa hadda ku sugan dalka Ruushka oo magangalyo laga siiyay isaga iyo qoyskiisa, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Sham ayaa xukun ka tuurista Asad ka shaacisay xarunta raadiyaha iyo teleefishinka qaranka ee Suuriya.

Qabsashada xukunka ee Jabhadda Xayaat Taxriir Al-Shaam iyo xulufadeeda ayaa ka dhigan in Suuriya ay u dhaqaaqday jiho cusub iyo inay gashay waayo ka beddalan kuwii ay kusoo jirtay kontonkii sano ee lasoo dhaafay.

Taliyihii ciidamada DANAB ee Jubaland oo xilka laga qaaday kadib tallaabadii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Danab ee deegaanada Jubbaland, Gaashaanle Carab Dheeg Axmed.

Carab Dheeg oo ahaa taliyihi ururka 162-aad ee kumaandooska Danab ayaa shalay warbaahinta la hadlay, isagoo aad u dhaliilay dowladda federaalka, taliska ciidanka xoogga dalka iyo qorshaha ciidamada loogu daabulay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Sababta ugu weyn ee Taliye Carab Dheeg uu shalay warbaahinta lasoo fadhiistay ayaa aheyd dalacsiinta ay dowladda federaalku siisay ciidamadii Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, isagoo cabasho ka muujiyey sababta loo dalacsi diiday Danab oo sanado badan dagaal uga jirtay Jubbooyinka.

Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray, halka uu halis weyn ka muujiyay in laga mashquulo dagaalka Al-Shabaab.

Si kastaba, Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku shaqeynay aragtida dowladda Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Jubbaland ayaa haatan xilka ka qaaday taliye Carab, iyadoo uu xilkaas u magacaabay mid kamid ah saraakiishii sida dhow ula soo shaqeysay taliyahan xilka laga xayuubiyay.

Carab Dheeg ayaa kamid ahaa afarta qayb ee saldhigyada waaweyn ciidanka kumaandooska gaarka u tababaran ee Danab ku leeyihiin koofurta iyo bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Danab ayaa sida caadiga ah loo ogoleyn inay dhex-gasho siyaasadaha gudaha ee dalka, waxaana loo tababaray kaliya inay argagixisada la dagaalamaan, iyadoo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Khaatumo oo arrimo xasaasi ah ku eedeysay Puntland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda. 

Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi. 

SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah. 

Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Hoos ka aqriso bayaanka SSC-Khaatumo 

War-saxaafadeed

6 February 2023, Shacabweynaha SSC-Khaatumo waxay gaadheen go’aan ah inay dhistaan Maamul u gaar ah, kaas oo ka dhabeeya rabitaankooda, Maamulkaas oo Dawladda Federaalku si buuxda u aqoonsatay inuu matalo kana arrimiyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Go’aan kaas oo ay soo dhaweeyeen Maamulka, waxgaradka iyo shacabweynaha Puntland waqtigii lagu dhawaaqay.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si adag u cambaareynayaa faragalinta sharci-darrada ah ee Puntland ku hayso arrimaha gudaha ee deegaannada SSC-Khaatumo. Puntland oo umuuqanaysa inay isku dayayso carqaladeynta geeddi-socodka iyo horumarka ka hanaqaaday deegaanadan, qaar ka mida madaxda usaraysa Puntland waxay ku hawlanyihiin tallaabooyin baalmarsan go’aamadii 6 February, kuwaas oo wax udhimaya wada dhalashada, daris wanaagga iyo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul.
Waxaa intaa dheer, Intii Maamulka SSC-Khaatumo la yagleelay Puntland waxay qaadday tallaabooyin ay ku curyaaminayso jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo, tallaabooyinkaas waxaa kamid ah:-

  • Is-hortaag lagu sameeyay tallaalkii loo waday Maamulka SSC-Khaatumo.
  • Siyaasadayn & hakin lagu sameeyay gargaarkii SSC-Khaatumo.
  • Dacwayn & cagajuglayn lagu sameeyay Hay’adda Alight oo deegaannadan ka fulinaysa mashaariic waxtar u leh deegaanka.
  • Isku day xilal ay ka magacawdo deegaanka qaarkii sidii ay samaysay Wasaaradda Caafimadka Puntland.
  • Warbixinno aan sax ahayn oo Puntland la wadaagto hay’adaha Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Nairobi.
  • Puntland waxay si aan gabbasho lahayn magacyada gobolladda Sool & Cayn ugu soo dartay Ciyaaraha ka socda Puntland, iyagoo soo uruuriyay dad aan matelin ciyaartoyda ka soo jeeda SSC-Khaatumo. Goboladda iyo Degmooyinka SSC-Khaatumo qayb kama aha ciyaarahaa.

Puntland waxay si toos ah u carqaladeyneysaa dadaallada ay wadaan Maamulka SSC-Khaatumo si ay u dhisaan hore usocodka Maamulka oo ku saleysan rabitaanka shacabka deegaanka, taasoo ah xaq dastuuri ah.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ugu baaqayaa Puntland inay joojiso faragalinta iyo ficillada wax u dhimaya wadajirka iyo horumarka deegaanka SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo isagoo ka duulaya siyaasad ku salaysan sidii lagu gaadhi lahaa iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul waxa uu magacaabay guddiga wada-hadalka iyo iskaashiga SSC-Khaatumo iyo Puntland, nasiib darro halkii laga eegayay inay Puntland soo magacawdo guddi hawshaa uqaabilsan waxaa ay bilawday faragalin ka dhan ah Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo.

Mar kale, waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Puntland inay ka waantowdo waxkastoo dhaawici karaya wada dhalashada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Caqabad hor leh oo soo wajahday wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay xiisadda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inay soo korortay caqabad horleh oo soo wajahday wada-hadalladii labada dhinac ee ka socday Ankara.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadii ay qaaday Itoobiya, kadib ciidamadii ay soo gelisay gobolka Gedo iyo hubka ay gaysay Kismaayo inay saameyn karto wada-hadalladii soo socday.

Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada maamul goboleedka Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid ahayd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan al filayo in lasii amba qaado wada-hadallada labada dal, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kusii jeedo dalka Turkiga, kadib  martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi  Recep Tayyib Erdogan.

Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya safarka madaxweynaha ku tegayo Turkiga ayaa sheegaya in wada-hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan madaxda gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo.

Shiinaha oo hal arrin ka caawinayo BF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, kulankaasi oo ka dhacay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada waddan.

Inta uu kulanka socday, waxaana sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu safiirka kala hadlay sidii dowladda Shiinaha ay baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhammeystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta baarlamaanka federaalka.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya siiyaan, waxaa uuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku dhisan.

Dhankiisa Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo waxaa uuna balan qaaday inuu sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale booqday halka uu ka socdo dhisamaha xarunta cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo kormeer wadajir ah kusoo sameeyay.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka.

 

Xog: Xasan oo maanta u safraya Turkiga si loogu qanciyo la kulanka Abiy Ahmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u safro dalka Turkiga, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya safarka madaxweynaha ku tegayo Turkiga ayaa sheegaya in wada-hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan madaxda gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo.

Xasan ayaa horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin Abiy iyo madaxda Itoobiyaanka illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.

Si dhab ah looma waxa beddelay mowqifkii madaxweynaha Soomaaliya ee la kulanka madaxda Itoobiya, maadaama xogaha ay sheegayaan in Anakara lagula kulansiinayo Abiy, waxaana isha lagu hayaa sida ay wax u dhici doonaan.

Maxay yihiin go’aannada ay soo saartay xukuumadda BIIXI kahor xil wareejinta?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aano xasaasi kahor xil wareejinta la qorsheynayo inay dhacdo maalinta Khamiista.

Shirka amniga oo ka dhacay gudaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uuna shir guddoomiyey wasiir Maxamed Kaahin, ayna ka soo qayb-galeen taliyayaasha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in la joojiyo qabashada shirarka qabiilaysan

“Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee Somaliland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga xuduudaha iyo kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Somaliland illaa inta madaxda dooran lagu wareejinayo xilka.

Hoos ka aqriso go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland;

1- Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaas oo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda.

3- Waa in saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah tallaabo ayaa laga qaadayaa.

5- Waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee dalka, gaar ahaana amniga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

6- Shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.