26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

DF oo Al-Shabaab kala wareegtay hal Milyan oo dollar iyo xogta lacago kale oo la helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay inay Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegtay lacag ku jirtay mid kamid ah Akoonada ay isticmaalaan, sidoo kale waxaa la burburiyey shabakad dhanka maaliyadda u qaabilsaneed kooxda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagta ay dowladdu la wareegtay waa hal Milyan oo doollar oo laga helay akoonada Al-Shabaab, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa shaaciyey in lacagtaas lagu shubay qasnadda dowladda.

“Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale waxaa la xayiray akoono kale oo Shabaab looga shakiyey, kuwaas oo malaayiin doollar ay ku jirto, waxaana ku socda baaritaan.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay in argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay shacabka ku waxyeeleeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Koontooyinkan marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada loo gudbinayo Maxkamadda.

“Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qaraalka.

Ugu dambayntii warkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu farayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.”

Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta heshiis xasaasi ah kala saxiixday + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada sharciga ee Isku kaashiga dacwadaha dembiyada

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo wasiirka cadaaladda Turkiga, Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiskan.

Heshiiskan wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada aharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.

Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin.

Heshiiska kaalmada sharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.

Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo qoto dheer, wuxuuna heshiiskan qeyb ka noqonaya heshiisyada muhiimka ah ee gaareen labada dhinac.

Muxuu ka dhigan yahay baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Baaqa oo soo baxay saqdii dhexe ee xalay waxaa uu yimid ka dib kulamo gaar-gaar ah oo dhex maray madaxweynaha martida loo ahaa ee kulanka qaban qaabiyey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankaan oo ahaa markii ugu horreysay ee ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan tan iyo markii khilafka uu soo dhex galay labada dal, horraantii sannadkan.

Shir jaraa’id oo seddexda mas’uul ay wada qabteen ayey ku muujiyeen yididiillo iyo inay doonayaan hore loo socdo.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da’uud Aweys oo ka hadlayey wixii lagu heshiiyey ayaa yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo warmurtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso isqaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal”.

Inkastoo uu wasiirku sheegay in meesha laga saaray heshiiska is fahan ee Itoobiya iyo Somaliland dhex maray, misna ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu carrabka ku dhuftay in weli ay doonayaan marin badeed, wuxuuna yiri;

“ii ogolaada mar kale in aan halkan ka sheego rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho marin-badeed la isku hallayn karo, taasoo loo marayo waddada nabadda, faa’iidana u ah dhamaan deriskeenna, ayadoo la eegayo tirada da’ yarta ee sii kordheysa, baahida dhaqaalaheenna ayaa qiil noo siinaysa helidda galaangalkaas.

Heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland

Luqadda ay madaxdu isticmaaleen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in “heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray”.

Soomaaliya waxay muddadii khilaafku taagnaa ku adkaysanaysay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, shardigaas oo u muuqda in uu hadda hirgalay, maadaama ay itoobiya sheegatay in ay u marayso danaheeda Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Abiy Axmed dhankiisna wuxuu sheegay inay doonayaan marin badda ku xiraya oo ay ganacsigooda sii marsiistaan, soona marsiiyaan.

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Muuse Biixi ayaa isna kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madasha caleema saarka madaxweynaha cusub ueddadii ay Somaliland heshiiska isafgarad ula gashay Itoobiya, wuxuuna cambaarayn kala dul dhacay madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee si toos ah uma uusan sheegin weli inuu heshiiska jiro iyo in kale.

Haddaba baaqa Ankara muxuu uga dhigan yahay Somaliland oo heshiis is afgarad la gashay Itoobiya? “Runtii, Hargeysa iyo Addis Ababa way u muuqatay in heshiiskii ay gaareen uusan shaqaynayn, waxna aysan ka hirgelin, maamulkii heshiiska galay ee Hargaysana meesha ayuu ka baxay, sidaa darteed waxay u muuqataa inuusan is-afgaradkaas shaqaynayn.

Haddii Itoobiya ay arrintan u hirgeli lahayd way adkaan lahayd in ay maalgelin caalami ah u hesho waddan ama deked ay sharciyaddiisu su’aal ka taagan tahay” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha gobolka.

Warmurtiyeedka kulanka ka soo baxay ayaa isna lagu sheegay in labada dhinac ay “si dhow uga wada shaqayn doonaan heshiisyo laba geesood ah oo ay ku jiraan mucaahadooyin, heshiisyo muddaysan, iyo qaabab noocaas ah oo u saamaxaya Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya inay ku naallooto marin-badeed la isku hallayn karo, sugan, oo joogto ah ayadoo loo marayo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”.

Waxay ku heshiiyeen in ilaa bisha Febraayo ay bilaabaan arrimaha farsamada, lana soo gabagabeeyo oo la saxiixo 4 bilood gudahood.

Haddaba Waddadee loo marayaa in laga miro dhaliyio qodobbadii ay labada dhinac isku afgarteeen. Maxamed Mukhtaar wuxuu falanqeeyaa arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, wuxuuna qabaa in haddii arrimaha Soomaaliya walaaca ku hayey ay meesha ka baxeen ay macquul tahay inay suurtogasho.

“Soomaaliya laba qodob ayaa muhiim u ahaa. Kan hore waa in heshiisku noqdo mid qaranka Soomaaliya oo dawladda federaalka ay matalayso looga dambeeyo oo aan wax aqoonsi la yiraahdo lagu beddelan, iyo in uusan meesha soo gelin saldhig milateri. Itoobiyana waxay danaynaysay in ay hesho marin badeed ay isku hallayn karto oo joogto ah, labada dhinacna guiul ayey u tahay” ayuu yiri.

Heshiiska waxaa ku qoran in muddo afar bilood ah lagu soo gabagabeeyo arrintan. Maxamed Mukhtaar wuxuu qabaa in wax badan looga fadhiyo guddiga farsamo inuu qabto. “Arrintan waa baaq, waxa loo socdana waa in heshiis rasmi ah la gaaro, guddiga farsamo ayaa laga doonayaa inay u gudbaan farsamadii sheegeysay qaabka labada dhinac ay heshiis uga gaari lahaayeen marin-badeedka ay Itoobiya rabto.”

“Goobta ay noqonayso, heshiiska muddada uu soconayo, maamulkiisa, isticmaalkiisa iyo waxyaabo badan oo laga doonayo in guddiga uu soo faahfaahiyo, ka dibna uu u soo gudbiy mas’uuliyiinta labada dhinac,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Mukhtaar.

Heshiiskan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah mid gobolka si weyn uu isha ugu hayo iyadoo Itoobiya ay si weyn u isticmaalaysay dekedaha Berbera iyo Jabuuti.

“Haddii dhanka wanaagsan laga eego, ma jirto sabab diidaysa in dekedaha Boosaaso, Hobyo, Berbera, ama Garacad ganacsi lagala sameeyo Itoobiya” ayuu yiri isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay tahay suuq weyn oo fursado fiican oo ganacsi laga heli karo.

Khilaafka muddada sannadka ku dhow jiitamayey ayaa keenay in kulamo heerkoodu sarreeyo aysan yeelan madaxda labada dal.

Isha: BBC

DF oo sheegatay guul weyn, kadib heshiiska ay la gaartay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan guul wayn ka sheegatay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ee heshiiska looga gaaray xiisaddii u dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay heshiiska la gaaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib damacii badda ee Itoobiya.

Al-Cadaala ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda federaalka ay qabatay hal sano oo shaqo adag ah, isla markaana ay arrintu ku soo dhammaaday guul xil-gusho ah.

“Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Wasiirku ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahad-celiyay Alle SWT, madaxda qaraknka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay si wadajir ah ugu istaageen difaaca qarannimada Soomaaliya.

“Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xalay rasmi ah ku gaaray magaalada Ankara, kadib markii ay ku kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Abiya Axmed, waxaana heshiiskan taariikhiga ah fududeeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.

Yaa qaadan doono mas’uuliyadda wixii ka dhacay Raaskambooni?

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Kadib dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhashay hadal-heyn xooggan iyo cambaareyn, maadaama ay wada dagaalameen ciidamo Soomaaliyeed.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare xooggan iyo in ciidamadii dowladda ay ka cararaan Raaskambooni, ayna isku dhiibaan ciidamada Kenya, iyaga oo ka tallaabaday xadka.

Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.

Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah.

Haddaba yaa qaaayo mas’uuliyadda wixii ka dhacay Raaskambooni?

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, isaga oo ku tilaamay musiibo laga xumaado.

Muungaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mas’uuliyadda wixii dhacay uu qaadi doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isaga oo kaliyana lagula xisaabtami doono.

“Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni waa musiibo aad looga xumaaado, in Ciidankii Qaranka ee loo tababaray difaaca Dalka  iyo  Dowladnimada ay  dhexdooda is laayaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaliya  ayaa dusha u ridanaya masuuliyadda wixii maanta halkaas ka dhacay oo dhan, waayo isaga ayaa colaad ka huriyay degaan nabad ah, ciidankii Qarankana u adeegsaday dano siyaasadeed oo gurracan” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xasanow tan cibro qaadasho hakuu noqoto, kusoo laabo miiska wadahadalka, ka joog duullaanka aad ku qaadeyso maamul Goboleedyada iyo burburinta ciidanka Qaranka, taasoo sii kala geyneyso bulshada Soomaaliyeed”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay ciidamada dowladda looga adkaaday dagaalkii ay la galeen daraawiishta Jubbaland, laakiin waxay dowladdu sheegtay inay ciidamadu haysan amar ay ku dagaalamaan, ayna dib uga gurteen aagga Raaskambooni.

Mustafe Dhuxulow oo maanta loo magacaabay xil culus

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha.

Magacaabista Dhuxulow ayaa waxaa isla maanta go’aan ka gaaray golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

“Golaha Wasiirrada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagu shaaciyay magacaabistan.

Mustafe Dhuxulow oo ah siyaasi rug-cadaa ah aya beddalaya Axmed Siciid Maxamed oo horay xilkan u hayay, isla markaana la magacaabay markii uu dalka ka cararay agaasimihii hore ee hay’adda Cabdul oo mar lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse lagu waayay.

Magacaabista Dhuxolow ayaa la hadal-hayay maalmahan, waxaana ugu dmabeyn maanta shaaciyay xubnaha golaha wasiirada oo ku magacaabay shirkooda todobaadlaha ah.

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda tallaabooyin isbeddal ah, waxaana ay ahayd maalin kahor markii xilka laga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhacaan isbeddallo kale oo saameynayaa shaqsiyaad iyo hay’ado waa wayn oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirada oo ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni ee lagu jabiyay ciidamada ay dowladda gaysay halkaasi.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarka ay qaadeen ciidamada Jubbaland ee ugu dambeyn la wareegay magaalada oo dhan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe, waxayna ku eedeeyeen inuu xiriir kala dhexeeyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya baaris ay sheegeen in lagu sameeya nooca xariir ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Khawaarijta.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada.

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo faah-faahiyay kulankooda iyo go’aanka kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ciidamada weeraray Raaskambooni ay soo dhex-mareen kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay sii xoojineyso tuhun markii hore laga qabay Axmed Madoobe oo ku aadan inuu xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab.

“Dhul badan oo Khawaarijta ay joogto ayay soo dhex mareen ciidamadii goobtaas weeraray arrintaas oo khatarteeda leh, waxayna xoojineysaa shakiga horay looga qabay eedeysane Axmed Madoobe iyo Khawaarijta uu xiriir ka dhexeeyo” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay taliyihii hogaaminayay ciidankii Raaskambooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kadibna baahisay sawirradiisa.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

“Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaalladu ka socdeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Xasan Ciraaqi oo ahaa hogaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday”

Waxaa kale oo ay Jubbaland sheegtay in dowladdu haysay hoggaan xumo, taas oo dhibaato u horseeday ciidamada laga geeyay deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Arrintan ayaa muujinaysa hogaamin xumo iyo dhibaatooyin baahsan ee haystay ciidamada lagu soo daabulay Raaskambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada Jubbaland ayaa hadda si buuxda u maamulayo deegaanka Raaskambooni oo fadhi u ahayd ciidamada dowladda oo haatan qaarkood ay gudaha u galay dalka Kenya.

FAL-CELIN aan caadi oo ka dhalatay heshiiska Somalia iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay heshiiska ay xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku gaareen Ankara, kaas oo uu fududeeyey madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Itoobiya ayaa marka hore si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. 

Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Sidoo kale waxa ay isku raaceen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.

Haddaba sidee looga fal-celiyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya?

Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa fal-celintiisa ku yiri “Waa heshiis mirodhal ah haddiiba ay xabashidu aqbashay ilaalinta madaxbanaanida dalkeenna”.

Yuusuf A. Xasan “Ethiopia waa cadow halkaas hanooga harto qiiro jabankii hadda waa soo dhammaaday”.

Cabdiraxmaan Haariz “Wan ku faraxsanahay in aan ka guuleysanay xabashida dhul boobka waday”.

Siyaad Maxamed Dool “Lama kulmaayo oo mahor fariisanayo Abiy, illaa uu ka laabto MOU-ga sidaan miyaa ka dambeysay?, Allow Alle”.

Magan Warfaa “Xasan go’aan malahan Abiy go’aankiisa wuu cad yahay inuu marin biyood helo kamana tanaazulin, laakiin madaxwaynaha go’aan malahan”.

Maxamed Shiiqow “Waa guul weyn haddiiba lagu qasbay Ethiopia inay ka laabato heshiiskii MOU, runtii waa guul usoo hoyatay Somali Maxamed”.

Mascuud Cilmi “Wixii 1000 sano ka badan Itoobiya ee xoog nooga qaadi waysay bay maanta si fudud qalin nooga qaadatay”.

Wararkii ugu dambeeyay ee Raaskambooni iyo halka ay ku dambeeyaan ciidanka DF

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland.

Xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi.

Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda.

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay ciidamadii dowladda federaalka ee la geeyay halkaasi in muddada ay joogeen ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen aagga Raaskambooni.

“Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland.

Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.

Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah.

Farmaajo oo war kasoo saaray dagaalkii Raaskambooni

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ka dhigan yahay dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. 

Dagaalkaas ayaa horseeday in ciidamada dowladda ay isaga baxaan Raaskambooni, iskuna dhiibaan ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudda.

Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray Ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada.

Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir aynu uga gudubno caqadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuq-maasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.

Aqriso qodobada heshiiska Xasan Sheekh iyo Abiy ay ku gaareen Ankara + Sawirro

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. 

Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. 

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka ka soo baxay shirka. 

War-murtiyeedka Ankara ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, 11-kii December 2024, magaalada Ankara.

Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, ayaa suurtageliyey wada-hadal furan oo wax-ku-ool ah. 

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen xushmad iyo ka go’naantooda ku aadan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka siyaasadeed iyo dhuleed ee midba midka kale, iyo ku dhaqanka qiyamka caalamiga ah ee ku xusan sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.

Waxay ku heshiiyeen in ay ka gudbaan khilaafaadka iyo murannadii hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ay ku raadiyaan horumar iyo barwaaqo wadaag ah iyada oo lagu dhisayo is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo dhab ah.

Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada iyo dadaalka ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ka qayb galay hawlgalada Midowga Afrika. 

Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Waxya sidoo kale ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doonoqaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. 

Waxay soo dhaweeyeen taageerada iyo doorka Turkiga ee ku aadan fulinta ballanqaadyadan, waxayna isku raaceen in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo.

Waxay ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, dadaalkiisa iyo taageeradiisa joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socodkan.

DF oo shaacisay sabab yaab leh oo ciidanka qaranka ay uga baxeen Raaskambooni

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay sababtii ciidanka qaranka shalay loogu jebiyey dagaalka Raaskambooni, iyadoo cadeysay in dagaalka ciidamada Jubaland aan loo bareerin.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa lagu cadeeyey in Axmed Madoobe soo abaabulay weerarkaas, isla markaana lagu soo duulay ciidankii qaranka ee ATMIS kala wareegay xeryaha ay baneeyeen.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay in go’aan uu ku gaaray in ciidamada uu isku laayo, halka dowladdu ay dhiigga askarta labada dhinacba ku sifeysay mid qiimo badan.

“Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda.

Caawa Raaskambooni waxaa jooga ciidamada Jubaland oo ku qabsaday dagaal qaraar oo saakay soo bilowday, kadib markii ay ciidanka qaranka ku weerareen saldhigyadooda.

Dagaalkii bilowday saakay ayaa joogsaday gabal-dhicii, waxaana ciidamada Jubaland u suurtagashay inay magaalada qabsadaan, dhanka xuduuda Kenya ayey u ruuqaansadeen ciidamadii dowladda federaalka ay diyaaradaha ku geysay Raaskambooni.

Dowladda ayaa saakay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameystay Al-Shabaab oo ciidankiisa ay soo dhexmareen Khawaarijta si ay u gaaraan Raaskambooni oo weerar ay ku ekeeyeen, halka Jubaland ay dowladda ku eedeysay in ciidankeeda loo adeegsatay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidanka xoogga dalka.

Xogta rasmiga ah ee dagaalka Raaskambooni iyo cidda heysata magaalada (Sawirro)

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ee daacadda u ah Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyey inay qabsadeen inta badan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal soo bilowday saakay oo dhowr jiho ay ka soo qaadeen ciidamada Jubbaland ayaa sababay in galabta Raaskambooni ay gashay gacanta Axmed Madoobe, waxaana dib u gurasho sameeyey ciidamada qaranka.

Waxaa maanta dhacay dagaal la isku riiqmay, waxaana adkaatay in Raaskambooni ay ka degaan diyaaradaha sida gurmadka iyo saanadda ciidan ee dowladda.

Ciidamada dowladda federaalka oo ka dagaalamayey afaafka hore ee deegaanka Raaskambooni ayaa gabal-dhicii dib u gurasho sameeyey, waxayna isugu tageen dhinaca dambe ee magaalada ee xiga xuduudda Kenya.

Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.

Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah.

Jubbaland ayaa maanta dowladda federaalka ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, iyagoo ku andacooday in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe ku eedeysay inuu la heshiiyey Al-Shabaab, isla markaana ay u ogolaadeen inay dhex maraan ciidamadiisa oo aroortii hore ee saakay weerar ku qaaday ciidamada qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 20-kii cisho ee lasoo dhaafay Raaskambooni diyaarado ku geyneysay ciidanka maanta ku jabay dagaalka, ciidanka dowladda hadii ay si rasmi ah ugu jabaan dagaalka Raaskambooni, waxay gelayaan xaalad go’doon ah oo saameyn culus ku yeela doonta.

Sawirro: Xasan iyo Erdogan oo kulmay iyo Xasan oo caddeeyay mowqifkiisa

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.

Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban wasiirro, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, iyo la-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa weli ku taagan go’aankii ay dawladdiisu hore u shaacisay oo madallo iyo munaasabado badanna ku soo difaacday, kaas oo ahaa in aanan Itoobiya laga qaadanayn wax ka yar in ay ka laabato heshiiskii Somaliland ee lagu sheegay isku-dayga dhul-boobka iyo ku-xad-gudubka madax-bannaanida Soomaaliya.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee markale Ankara ka furmaya ayaa ku billaaban doona qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan madaxweyne Erdogan oo isna u gogol xaari doona isku-soo-dhawaasho horseedi karta in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu si buuxda uga tanaasulo damacisii ku riixayay heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland.

Xeel-dheerayaasha diblumaasiyadda ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qayb ka tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyadoo howl-galka Midowga Afrika uu magac cusub ku howl-galayo.

Maxaa ka socda Ankara? – Maxayse tahay natiijada laga filan karo wada-hadalka?

0

Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa markale lagu wadaa inay marti-geliso wada-hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ankara ayaa waxaa haatan ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Kadib marka uu madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan, ayada oo uu goobjoog yahay madaxweynaha Turkigu.

Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan, sida uu sheegay Yuusuf Garaad oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wafdiga culus ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Qxmed Macallin Fiqi, wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin iyo Axmed Jaamac Cillal oo ah la-taliye sare oo madaxweyne.

Sidoo kale waxaa wafdiga Soomaaliya ee madaxweynaha ku wehlinaya wada-hadalladan kamid ah madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharci-yaqaanno, sida uu sheegay Yuusuf Garaad.

“Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wada-hadalka maaddaama aanuu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in mowqifka Soomaaliya uu meel-maro,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka hadlay natiijada la filan karo inay kasoo baxdo wada-hadalladan.

Tan ayaa haddii ay dhacdo dhabaha u xaari doonta in meesha laga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.

Jubaland oo sheegtay in DF maanta adeegsatay drones

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen ciidanka dowladda oo uu ku eedeeyay inay soo weerareen ciidankooda.

Aadan Axmed ayaa sidoo kale dowladda federaalka ku eedeeyay in dagaalkii maanta ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, ayna ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka.

“Drone-ta maanta naloo adeegsaday dowladaha iska leh waan soo bandhigeynaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadooda ay is difaaceen, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen ciidamada ay dowladdu ku daabushay gobolka Jubbada Hoose.

“Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waa inay ogaadaan dagaal xaq darro ah in nagula soo qaaday, Jubbaland-na way is difaaceysaa, waana la jabiyay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in isa soo dhiibeen illaa 42 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ula dhaqmeen si wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa isa soo dhiibay horin kamid ah ciidamadii Muqdisho laga keenay, waana lasoo dhaweeyay, si fiicana waa loola dhaqmay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxayna ku eedeysay ciidamada Jubbaland inay weerareen ciidamada qalabka sida oo ay sheegtay in Raaskambooni loo geeyay inay la wareegaan xarumaha ATMIS iyo la dagaallanka Shabaab.

Hogaamiyaha cusub ee Suuriya oo shaqo billaabay

0

Dimishiq (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad.

Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya.

Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga.

Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa marki u horreysay shalay si rasmi ah uga hadashay is baddalka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u taageeryso hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya ayna rajeyneyso in uu horseeddo maamul loo dhan yahay oo aan kooxaysi ahayn.

Mareykanka ayaase jabhadda ugu weyn ee Asad xakunka ka tuurtay ee Xayaat Taxriir Al Sham u aqoonsan koox argagixiso ah, lamana oga in uu liiskaasi ka saari doono iyo in kale.

Shariif, Khayre iyo CC oo war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka qarxay Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray xiisadda kasii dareysa ee dowladda federaalka iyo Jubbaland ee maanta isku rogtay dagaalka, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah u soo saaray qoraalka ayaa nasiib darro ku tilmaamtay dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland.

Sidoo kale saddexdan siyaasi ayaa si weyn uga horyimid khudbaddii uu Jimcihii jeediyay madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu awood iyo dagaal u adeegsanayo xalka.

“Waxaa ayaandaro ah in madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadiisii Masaajidka ku sheegay in isaga iyo Axmed Madoobe ay doorasho keliya isku hayaan oo khilaafka ku xaliyo xabad iyo dhiig daata” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaay ku baaqeen in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Raaskambooni, isla markaana wax weliba lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

“Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn” ayaa lasii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo qaadayo, iyada oo ay haatan xaaladda faraha ka baxday, isla markaana dagaal uu dhiig ku daatay uu ka socdo Jubbada Hoose, kaas oo ay guullo ka kala sheegteen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.

DF oo Axmed Madoobe ku eedeysay heshiis yaab leh oo uu la gaaray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo uu soo diray madaxweyne Axmed Madoobe ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta”.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Axmed Madoobe inay xiriir la sameeyay Al-Shabaab, kadibna ay sidaas kusoo dhex-mareen ciidamada weerarka qaaday.

“Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo warka lagu yiri in arrintan ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo sharci ah, isla-markaana Axmed Madoobe lagula xisaabtami doono tallaabada uu qaaday.

“Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhankeeda Jubbaland ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaaciysay inay la wareegtay deegaanka Raaskambooni, sidoo kalena ay qabatay 42 askari oo ka tirsan ciidamada ay dowladda Soomaaaliya gaysay halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.