27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Sawirro: Jubaland oo Xamar ka soo dejisay ciidankii ay ku qabatay Raaskambooni

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa diyaarado laga soo saaray ciidankii dowladda federaalka ee dagaalka lagu qabatay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online tirada askarta maxaabiista ah ee Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni waxay gaareysaa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan maxaabiista ah, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan u heystaan.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa isla maanta labo diyaaradood u dalabtay ciidankaas, si Muqdisho ay uga soo dejiyaan, diyaaradii koowaad ayaa galabta Raaskambooni ka soo qaaday 33 askari oo ciidankii dagaalka lagu qabtay ah.

Diyaaradii labaad ayaa Raaskambooni kasoo qaaday 50 askari, sidaas ayuu ciidanka lagu qabtay dagaalka ku ahaa 83 askari, askarta qaar waxay qabeen dhaawacyo kala duwan, waxaana galabta Maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho.

Taliyaha qeybta 43-aad oo goobta ciidankaan laga soo qaaday warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Kismaayo uu ka soo baxay isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, isla markaana uu Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo siyaasadaha is diidan ee Jubbaland iyo dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in Raaskambooni ay ku jirto deegaanada uu Taliska Xoogga Dalka wakiilka uga yahay, isagoo askarta weli duurka ku jirta ka codsaday inay yimaadaan Raaskambooni, inta uu joogo, si dib loogu celiyo Muqdisho iyagoo nabad qaba.

Masuuliyiintii Jubbaland ee maanta Raaskambooni tagtay ayaa dhankooda gar-naqsaday, waxayna sheegeen in dowladda federaalka ay masuul ka tahay fool xumadii ka dhacday Raaskambooni, iyagoo ku eedeeyey inay ku soo duushay deegaan nabad ah oo 2011-kii laga nadiifiyey Khawaarijta.

Arbacadii lasoo dhaafay dagaal culua ayaa ka dhacay Raaskambooni, waxaana sidaas kula wareegay ciidamada Jubbaland, ciidamada dowladda oo dagaalka looga adkaaday ayaa duurka galay, waxayna ku sugan yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga talaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto.

Hoos ka eeg sawirrada Askartii u gacan gashay Jubbaland ee galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Screenshot

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen agagaarka magaalo xeebeedka Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari ay wateen ciidamada Kenya, xilli ay ku socodeen deegaanka Kaambooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay burburisay gebi ahaan baabuurka, iyada oo tilmaamtay inay askartii saarnayd ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Madaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo la ERYAY

0

Seoul (Caasimada Online) – Baaralamaanka Kuuriyada koonfureed ayaa waxa ay maanta u codeeyeen in xilka laga xayubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood.

Afhayeenka golaha Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed oo lagu magacaabo Woo Won-shik ayaa sheegay in codbixinta ay u dhacday si degen oo waafaqsan xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo golahaas, codkana uu u batay in Madaxweynaha kalsoonidii uu waayay.

Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha.

Maxkamadda dastuurka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa muddo 180 maalin go’aan uga gaari doonto mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha la riday.

Madaxweyne Yoon iyo xulafadiisa ayaa waxaa ku socda baaritaan, iyada oo lagu eedeynayo kacdoon abuuris, waxaana xayiraad safar la saaray qaar ka mid ah saaxiibadiis.

Todobaadkii hore ayuu ka badbaaday xilka xayuubin baarlamaanku ku samayn rabay, waxa uuna xilligaas kadib ku dhawaaqay in uu dalka galiyay xaalad degdeg ah.

CIRRO oo magacaabay mas’uulkii ugu horreeyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed (Cirro) oo xilka si rasmi ah ula wareegay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horreysay, isaga oo sameeyay magacaabis.

Cabdiraxmaan ayaa Eng, Xuseen Aadan Cige (Deyr) u magacaabay inuu noqdo afhayeenkiisa, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horreeya ee la magacaabo.

“Waxa aan go’aamiyey; In Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa al filayaa in maalmaha soo socda uu qaado tallaabooyin kale oo magacaabis ah, waxaana sidoo kale uu soo dhisi doonaan golihiisa wasiirada.

Xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa isbeddal iyo inay wax ka qabato xiisadaha ka taagan gobollada dhaca bariga fog ee Somaliland.

Hoos ka akhriso wareegtada:-

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024 uu ku magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay:         Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:        Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;

Markii aan ku qancay:  In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey:  La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

________________

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay galbeedka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano badan oo dhaca galbeedka gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga deegaanka Ceelka Baar ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu socday howlgalka lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu buburiyay xarumo ay ku qaadayeen Zakawaat.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay in howlgalkooda ay ku gaareen deegaanno dhaca galbeedka gobolka, ayna iska kaashadeen Xoogga dalka.

“Waxaan tegnay Ceelka Baar iyo Wargarasley shaqada sida ay u bilaabatay waayey 27-aad ayaa soo gaartay waddanka, waana soo afjareynaa Al-Shabaab” ayuu yiri saraalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii socon doonaan ayna gaari doonaan deegaannada kale ee lagu tuhmayo inay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Hiiraan oo kamid ah meelaha uu ka bilowgday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo la doonayo in looga sifeeyo kooxda.

Xogta kulanka Addis Ababa ee madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo Taliyaha ciidamada Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Birhanu Jula.

Maxamuud Sayid Aadan iyo Taliyaha ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada Jubaland, sida ay nagu soo gaartay xogtaan.

Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxaa kamid ah isu socodka xuduudda gobolka Gedo iyo Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa toddobaadkan bilowgiisii u safray Itoobiya, xili ay ka sii darayso xiisadda u dhaxeysa dawladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

Dawladda federaalka ayaa sheegtay in Maxamuud Sayid Aadan ay garoonka Kismaayo ka qaaday diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo markii hore hub sharci darro ah gaysay magaalada Kismaayo.

Jubaland ayaa maalinkaas beenisay in diyaarado hub sida ay Itoobiya ka dejisay Kismaayo, balse xaqiijisay in safarka Itoobiya ee Maxamuud Sayid Aadan uu sax yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo dheer xiriir dhaw la lahaa sarkiisha Itoobiya,  sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Maxamuud wuxuu Itoobiya kala shaqeeyaa dhaqdhaqaaqa ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland uu ku joogo dalka Itoobiya ayaa  ku soo aadaya xilli dagaal culus uu ka dhaxeeyo maamulkiida iyo dowladda federaalka, isla markaana ciidamadii dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan deegaanka Raaskambooni.

Xisbiga Cirro ee Somaliland oo shaaciyey qorshihiisa heshiiskii badda ee Biixi iyo Abiy

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii uu Muuse Biixi la saxiixday Abiy Axmed.

Xisbiga haya talada Somaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta gobollada bariga ee deegaanada Somaliland, aafimaadka iyo dhismaha waddooyinka.

Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal, anaga waxaan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

“MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso, haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirina laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kadib ayaan go’aan laga gaari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeen u hadlay Wadani.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah ayaa sheegay in uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya.

“Arrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo deg-deg uga wada-shaqeynaya hal arrin + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ka wada shaqeynaya kor u qaadista iskaashiga dhanka caafimaadka, ayadoo deg deg looga shaqeynayo sidii dhaqaatiir Soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalkaasi.

Arrintan ayaa si gaar ah loogu lafa-guray kulan ay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq ku wada yeesheen wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo safar shaqo ku jooga dalkaasi iyo dhiggiisa Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi.

Wasiirka ayaa dowlada Ciraaq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir Soomaaliyeed, taasi oo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq.

Al-Hasnawi ayaa xusay in ay si deg-deg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq.

Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahad’naqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti-galinta meertada 61-aad ee shirka golaha wasiirada caafimaadka carabta.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay balan-qaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta Soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso.

Kulankaan ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay la-tiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha safaaradda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Ciraaq Cabdifatax Sheekh Axmed.

Mareykanka oo war kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhex-dhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.

Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa.

Guterres “waxa uu rajeynayaa in si degdeg ah loo billaabo wada xaajoodyada farsamada iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro geeddi-socodka” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiiskii ay la gashay Somaliland — oo si iskeed ah ugu dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii – mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Itoobiya ay dawladdooda siinayso aqoonsi rasmi ah.

Balanqaadkaas marna ma aysan xaqiijin Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, wuxuuuna horseeday qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan halista colaad dib uga soo cusboonaata gobolka aan xasilooneyn.

Blinken ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Turkiga “fududeynta” heshiiska cusub.

Bayaanka uu soo saaray ayaa yimid xili uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu wadahadallo ku saabsan xaaladda dalka Siiriya kula yeeshay Erdogan.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya ee danaha ay wadaagaan ee amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Blinken.

Fahad oo iftiimiyay 5 farriimood oo xasaasi ah oo ku jira heshiiska Ankara

0

Ankara (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay heshiiska ay dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku gaareen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah.

Fahad ayaa soo bandhigay illaa 5 farriimood op ku jira heshiiska, isagoo tilmaamay sida uu filan waa ugu noqday heshiiskaan dowladaha Masar iyo Eritrea.

“Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter).

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in si weyn looga taxadiro hanaanka Itoobiya kusoo gaareyso biyaha, taas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh heshiiska.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Shanta farriimood ee shirka Ankara

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.

𝐅𝐀𝐑𝐀𝐉: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.

𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍𝐖𝐀𝐀: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.

𝐅𝐄𝐄𝐉𝐈𝐆𝐍𝐀𝐀𝐍: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.

Muxuu Imaaraadka ka yiri heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhex-dhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Bayaankan ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

Sidoo kale waxaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweyne Erdogan ee ka mira-dhalinta heshiiska, iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Shalay ayey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magac dareen baaqa Ankara, kaasi oo ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale inuu ilaaliyo madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed.

Soomaaliya ayaa Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo, halka Itoobiya ay si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa markaas isku raacay in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya oo shaki weyn laga muujiyay – Sidee wax u jiraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan.

Heshiiskan oo xal looga gaarayo xiisadda muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd labada dal ayaa waxaa durba laga muujinayaa shaki xooggan, ayadoo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre uu ayaan-darro ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya.

“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Kheyre

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre

1-dii Jannaayo 2024, Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed.

Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay.

Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato.

Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ku boorrinayaa in ay ka feejignaadaan halista ku geedaamaan heshiiskaas sharcidarrada ah iyo tallaabooyinka aan laga baaraandegin ee ay qaadeyso dowladda Federaalka oo dhaawac ku noqon doonta madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Maxaa laga yeelayaa saldhigyada ciidan ee Ruushku ku leeyahay Suuriya?

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Sawirro dayax-gacmeed oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinaya in maraakiibta dagaalka ee Ruushku ay si ku-meel-gaar ah uga baxeen dekeddoodii ugu weynayd ee loo qoondeeyey ee Suuriya, iyada oo ay weli jirto hubaal la’aanta mustaqbalka joogitaanka ciidammada Ruushka ee gobolka kadib markii la riday Bashaar Al-Asad oo ay xulafo ahaayeen Moscow.

Sawirro ay qaadeen adeegga dayax-gacmeedka Maxar 10-kii bishii December ayaa muujinayay in qaar ka mid ah maraakiibta Ruushka ay ka baxeen saldhigga ciidamada badda ee Tartus Axaddii lasoo dhaafay, haatanna ay ku xiran yihiin xeebta badda Mediterranean-ka.

Dhanka kale, sawirro kale oo isla maalintaas la qaaday ayaa muujinaya dhaq-dhaqaaqyada ka socda saldhigga ugu weyn ee Ruushka ee Suuriya, Hmeimim, iyadoo diyaaraduhu ay si cad uga muuqdaan dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa Isniintii sheegay in Moscow ay wadahadallo la yeelan doonto mas’uuliyiinta cusub kuwaas oo ku saabsan mustaqbalka joogitaanka ciidamada Ruushka ee gobolka, isagoo ku daray faallooyin uu siiyay warbaahinta Ruushka: “Waxaan hadda sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan ula xiriirno kuwa ku lugta leh xaqiijinta amniga, iyo dabcan ciidankeenu in uu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”

Peskov ayaa mar sii horeysay ka digay in ay “aad u horeeyso” in laga fikiro mustaqbalka saldhigyada militari ee dalkiisa ee Suuriya ku yaalla.

Saldhigga ciidamada badda ee Tartus waa halka mideysa cutubyo ka tirsan Maleeshiyada Badda Madow waana xarunta kaliya ee dayactirka iyo dib-u-habaynta Ruushka ee badda Mediterranean-ka.

Midowgii Sofiyeetka ayaa saldhigan sameeyay 1970-meeyadii, Ruushka ayaa ballaariyay oo casriyeeyay sanadkii 2012-kii markii Kremlin-ka uu billaabay inuu kordhiyo taageerada uu siiyo maamulkii Bashaar Al-Asad ee xukunka laga tuuray.

Saldhigan ayaa ka caawinaya maraakiibta Ruushka inay ku sii sugnaadaan badda Mediterranean-ka, iyagoo aan dib ugu laaban dekedaha ku yaal badda madow iyagoo sii maraya marinka Turkiga, waana deked biyo qoto dheer, taasoo soo jeedinaysa inay sidoo kale ku habboon tahay maraakiibta quusta ee Nukliyeerka ee Ruushka, sida uu sheegay Maraykanku.

Sawirro cusub oo dayax-gacmeedku soo qaaday ayaa muujinaya in Moscow ay ugu yaraan si ku-meel-gaar ah uga rartay maraakiibteeda dekedda, iyadoo laba ka mid ah maraakiibta gantaalaha ah ee hagaya ay ku xirteen meel 13 kiiloomitir u jirta xeebta Suuriya, halka ay ku sugan yihiin inta kale ee maraakiibta Ruushka ee ku sugnaa badda. Aagga ayaan la garanayn marka la barbar dhigo waxa sawiradii hore ay muujinayaan.

Sidoo kale ma cadda in bixitaanka maraakiibtan ciidamada badda ay tahay ka bixitaanka dekedda Tartus oo rasmi ah ama xaalad ku meel gaar ah. Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya maraakiib dagaal oo dhowr jeer ka soo degaya dekedda.

Mike Plunkett, oo ah falanqeeye sirdoon, difaaca iyo isha furan ee Jane, ayaa soo jeediyay in dhaqdhaqaaqyada Ruushku ay noqon karaan “si loo hubiyo in maraakiibta aan la weerarin.”

“Lama oga inay ka walaacsan yihiin weerar suurtagal ah oo ay geystaan xoogaga mucaaradka Suuriya ama in ay ka walaacsan yihiin khasaaraha ka dhalan kara weerar kasta oo Israa’iil ku qaado bartilmaameedyada Suuriya ee Tartus,” ayuu yiri Plunkett.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeediyay in haddii Ruushka lagu qasbo inuu xiro saldhigga ciidamada badda ee Tartus, laga yaabo inuu dib u celiyo hantidiisa badda Tobruk ee Liibiya, oo ah aagga ay maamusho Kremlin-ka ee Khalifa Haftar oo horey u martigeliyay qaar ka mid ah saldhigyada cirka ee Ruushka.

Laakin ka bixitaanka Tartus waxay noqon doontaa mid aad u sarreysa, Van Lokeren ayaa xusay in tallaabadan oo kale ay sidoo kale keeni doonto in maraakiibta Ruushka ay ku dhawaadaan saldhigyada NATO, taasoo sahlaysa in si fudud loola socdo.

Tan iyo 2015, saldhigga hawada ee Hmeimim wuxuu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada Ruushka ee Bariga Dhexe iyo Afrika, oo loo isticmaali jiray in ay duqeymo ba’an ku qaadaan magaalooyin ku yaal Suuriya si ay u taageeraan nidaamka Asad iyo in lagu qaado qandaraaslayaasha militariga ee Afrika.

Inkastoo xaaladda la filayo in ciidamada Ruushku ay u badan tahay in ay ku nool yihiin, dhicitaanka nidaamka Assad ayaa ka dhigan dharbaaxo weyn oo ku wajahan hamiga Kremlin ee gobolka. Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay saldhigga hawada ee Hmeimim ee 2017, Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu caddeeyay inuu damacsanaa joogitaanka Moscow inuu noqdo mashruuc waqti dheer ah.

Isaga oo ka faalloonaya xaaladda, blogger-ka militariga ee Kremlin-ka Rebar ayaa uga digay Telegram in muujinta awoodda Ruushka ee gobolka ay halis weyn ku jirto, isagoo soo jeediyay in “joogitaanka militariga Ruushka ee Bariga Dhexe uu dun ka laadlaadsan yahay.”

Isha: BBC

Axmed Madobe oo soo saaray qoraal cusub oo xasaasi ah kadib dagaalkii dhacay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxtooyada Jubaland ayaa mar kale war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii Arbacada ka dhacay deegaanka Raas Kaambooni ee dhex-maray ciidamada maamulkaas iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jubaland ayaa ku eedeysay dagaalka inuu soo abaabulay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa, oo ay sheegtay in ay u arkayeen inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), sida hadalka loo dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Soomaaliyeed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.

Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay Sidoo kalana ayna qeyb ka ahayn deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.

Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaannada weli ku jira gacanta Khawaariijta ayaa loo isticmaalay deegaan nabdoon oo ka xoroobay Khawaariijta sanadkii 2011ka.

Waxaa tusaale muuqda ah in deegaannada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaariijta iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.

Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.

Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah.

Sidoo kale dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga waxaana loola dhaqmayaa si sharaf leh, dhaawacyada waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.

Ugu dambeyn Dowladda Jubaland waxay Caddeeynaysa mowqifkeeda ah in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasulka.

DHAMMAAD

BRICS ma sameyn doonaan lacag beddesha dollar-ka?

0

New Delhi (Caasimada Online) – Hindiya ma raadinayso abuurista lacagta BRICS ay la wadaagto, taasi oo ah hindise suurtagal ah oo diidmo xooggan kala kulmay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa ku hanjabay canshuur 100% ah oo la saaro badeecadaha ka imanaya sagaalka xubnood ee BRICS, haddii ay ku beddelaan dollarka Maraykanka lacag kale.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in kalsooni darrada iyo kala duwanaanshaha dhinaca aragtida ee u dhexeeya xubnaha waaweyn ee BRICS, sida Hindiya iyo Shiinaha ay caqabad weyn ku tahay in horay loogu dhaqaaqo lacag la wadaago.

“Hindiya ma taageereyso hindisahan gaarka ah. Lacag kasta oo la wadaago cidna ma caawinayso; Kaliya waddamada ugu awooda badan sida Shiinaha ayaa aakhirka maamuli doona. Marka, aad bay u adag tahay in la gaaro heshiis la isku raacsan yahay si loo helo lacag guud,” waxaa sidaas yiri Chintamani Mahapatra oo ka tirsan Machadka Kalinga ee Daraasaadka Indo Pacific.

Kooxda xudunta u ah BRICS — Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Brazil iyo Koonfur Afrika — ayaa sannadkan la ballaariyay oo lagu daray Iran, Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Masar.

Ka hadalka lacagta BRICS waxay heshay xoogaa xawli ah 2022-kii kadib markii Mareykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Ruushka ka dib dagaalkii Ukraine, iyo xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Galbeedka iyo Shiinaha.

Hase yeeshee isbaheysiga wadamada soo koraya ayaa ah mid aad u kala duwan, si ay u sameeyaan lacag la wadaago oo shaqayn karta, sida uu sheegay Chintamani Mahapatra.

“Anaga [BRICS] ahaan, ma lihin suuq wadaag ah. Ma haysano siyaasad ganacsi oo guud. Wax naga dhexeeya ma jiraan,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Hindiya iyo qaar ka mid ah waddamada kale ee BRICS waxay xoojiyeen dadaallada lagu ganacsanayo lacagaha maxaliga ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta dollarka Maraykanka, sida uu sheegay, Biswajit Dhar oo ah fallanqeeye ganacsi.

“Waxaa jira 17 waddan oo ay aqoonsatay dawladda Hindiya kuwaas oo India ay rabto inay kula ganacsato lacagta rubee-ga ama lacagtooda,” ayuu yiri.

Wadamadaas waxaa ka mid ah Ruushka. New Delhi, oo aan ku biirin cunaqabataynta Mareykanka ee ka dhanka ah Moscow, ayaa ku bixinaysa saliidda faraha badan ee ay Moscow kala soo degto lacagta Rupee-ga. Laakiin ganacsiga rupee-ga wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa dhibaatooyin, sida uu yiri Biswajit Dhar.

“Hindiya waxay wajaheysaa naaqus ganacsi oo weyn marka loo eego Ruushka, taas oo macnaheedu yahay marka Hindiya ay soo iibsanayso saliid badan oo ay ku bixinayso rupee-ga, Russia ma garanayso waxa uu ku sameeyo rupee-ga tirada badan ee ay hadda hayso.”

Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Subramanian Jaishankar ayaa sheegay in ka guurista dollar-ka aysan qayb ka ahayn siyaasadda dhaqaalaha Hindiya. Taasi, waxay leeyihiin falanqeeyayaasha, waa sababta oo ah danaha istaraatiijiyadeed ee Hindiya ayaa guud ahaan la jaan qaadaya Mareykanka.

Ayatollah Cali Khamenei oo wacad maray kadib xukun ka tuuristii Bashaar al-Asad

0

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa wacad ku maray in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran.

Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay.

Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran.

Al-Asad ayaa muddo dheer kaalin istaraatiiji ah ku lahaa udub dhexaadka wax iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, gaar ahaan fududeynta saanadda hubka ah ee ay Tehran siin jirtay ururka ay xulufada yihiin ee Xizbullah ee dalka Lubnaan.

Udub dhexaadka iska caabinta waxaa ku jiray ururada Xizbullah, Xamaas, Xuutiga Yemen, iyo kooxo yaryar oo Shiico ah oo Ciraaq ku sugan.

Kooxahan oo dhan ayaa ku mideysnaa in ay ka soo horjeedeen Israel iyo xulufadeeda ugu weyn ee Maraykanka.

Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad.

Waxa uu yiri, “Qofna yuuna shaki ka galin in wixii Suuriya ka dhacay ay ahaayeen shirqool ay Maraykanka iyo Israel isla sameeyeen.”

Khamenei ayaa sidoo kale eed u jeediyey waxa uu ku sheegay dariksa Suuriya iyo kaalintoodii muuqatay ee waxa Suuriya ka dhacay, isaga oo aan dalna magaciisa sheegin.

Ciraaq, Israel, Urdun, Lubnaan iyo Turkey ayaa xad la wadaaga dalka Suuriya.

Dalalkaas la xusay, Turkiga ayaa ahaa dalkii muddaba taageerayey in Asad xilka laga tuuro.

Turkiga ayaa ciidamo ay ka joogaan Woqooyiga Suuriya, halka dhinaca koonfureedna ay Israel u dirtay ciidamo galay goob dagaallada ka caaganeyd oo QM ay ilaalinaysay, goobtaas oo daris la ah buuralayda Juulaan oo ay horay Israel u goosatay.

Jubaland oo si yaab leh uga jawaabtay eedeyntii Shabaabnimada ee DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeeshay kaga hadlay dagaalka ka dhacay Raaskambooni, waxaana Guddi loo saaray baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Al-Shabaab

“Al-shabaab waxay u suurtagaliyeen Axmed Madoobe in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Kismaayo uu gaaro Raaskambooni, halkaas oo sida la ogyahay u jirta wax ka badan 270 kilo mitir Kismaayo, dhul badan oo Shabaab joogaan ayey soo dhexmareen ciidamadaas” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Dhinaca kale, maamulka Jubbaland waxay si kulul u diideen eedeymaha ka imaanaya Dawladda Federaalka, Wasiir ku xigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba ka jirin.

“Gaadiidkeena anaga badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeenna kala furay annagaa joognay” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jubbaland.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in iyada ay weerarka soo qaadday sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

“Warka ay sheegeen waxba kama jiraan, dowladda iyadaa weerarka soo qaadday, dagaalka drone ayuu ku bilowday, wa haynaa drone-ka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Amniga Jubbaland.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbineyso uu been yahay.

“Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay” ayuu yiri.

Ciidamada dowladda ee la geeyay Raaskambooni waxaa hoggaaminayay Xasan Aadan Maxamed oo loo yaqaan Xasan Ciraaqi oo ah taliyaha guutada 18 -aad ciidanka Gorgor.

Wararka waxay sheegayaan in isaga iyo ciidamo la socday ay u gudbeen dhinaca Kenya oo halkaas ay joogaan, balse ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo Jubaland oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda ee laga saaray Raaskambooni.

Asad Diyaano oo caawa qabtay shir xasaasi ah oo Taliyaha Haramcad Fanax uu ka qeyb galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa caawa guddoomiyey shir ka dhacay xarunta Taliska Boliiska, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga caasimadda iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aasaaska Boliiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska waxaa ku wehliyey Shirkaan ku xigeenkiisa S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayadoo diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka.

Arrimaha la iska warsaday waxaa qeyb ka ahaa dagaalkii Raaskambooni iyo saameynta uu ku yeeshay booliska, maadaama cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Haramcad ay jiraan Raaskambooni.

Taliyaha ugu sareeya Haramcad Cabdixamiid Fanax ayaa hoggaaminaya booliska jira Raaskambooni, kaas oo saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayey inay nolosha ku qabteen ciidamada Jubbaland, balse ka soo hadlay xuduuda.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, Taliye Fanax ayaa shirkaan uga qeyb galay qadka taleefanka, isagoo taliyaha iyo saraakiisha kale ee booliska warbixin ka siiyey xaaladda ay ku sugan yihiin ciidankii Haramcad ee qeybta ka ahaa howlgalka Raaskambooni.

Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageystey guddiga uu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda, kuwaas kulanka kusoo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.

DF oo Al-Shabaab kala wareegtay hal Milyan oo dollar iyo xogta lacago kale oo la helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay inay Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegtay lacag ku jirtay mid kamid ah Akoonada ay isticmaalaan, sidoo kale waxaa la burburiyey shabakad dhanka maaliyadda u qaabilsaneed kooxda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagta ay dowladdu la wareegtay waa hal Milyan oo doollar oo laga helay akoonada Al-Shabaab, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa shaaciyey in lacagtaas lagu shubay qasnadda dowladda.

“Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale waxaa la xayiray akoono kale oo Shabaab looga shakiyey, kuwaas oo malaayiin doollar ay ku jirto, waxaana ku socda baaritaan.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay in argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay shacabka ku waxyeeleeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Koontooyinkan marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada loo gudbinayo Maxkamadda.

“Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qaraalka.

Ugu dambayntii warkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu farayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.”

Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta heshiis xasaasi ah kala saxiixday + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada sharciga ee Isku kaashiga dacwadaha dembiyada

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo wasiirka cadaaladda Turkiga, Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiskan.

Heshiiskan wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada aharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.

Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin.

Heshiiska kaalmada sharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.

Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo qoto dheer, wuxuuna heshiiskan qeyb ka noqonaya heshiisyada muhiimka ah ee gaareen labada dhinac.