26.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xasan oo guddoomiyay shirka amniga qaranka iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska amniga qaranka.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falan-qeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howlan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howl-galka cusub ee AUSSOM.

Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay wasaaradda beeraha iyo waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo kamid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Arrintan ayaa guddiga golaha amniga qaranka waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Madaxweyne Cirro oo ku kacay dastuur jabin kadib tallaabo uu qaaday maanta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta soo saaray wareegtooyin dhaliyay dood sharci, ayadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo dastuuri ah.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa wareegtooyinka uu soo saaray wuxuu laba hay’ad dowladeed ugu beddelay wasaaraddo, kuwaas oo kala ah; hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha iyo hay’adda duulista iyo madaarrada.

Hay’adda qaxootiga ayaa laga dhigay wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada, halka hay’adda duulista laga dhigay wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada.

“Waxaan go’aamiyay in hay’adda qaxootiga iyo barakacayaashu ay noqoto wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada oo ka mas’uul noqonaysa maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka bani’aadannimo ee Somaliland, sidoo kalena ay shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda dib-u-dejinta,” ayuu Ciro ku yiri wareegtada koowaad.

Halka uu wareegtada labaad ku yiri “Waxa aan go’aamiyey in hay’adda duulista iyo madaarradu ay noqoto wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada oo yeelanaysa mas’uuliyadda maamulka iyo maaraynta hawlaha duulista madaniga ah iyo hoggaaminta qorshayaasha lagu horumarinayo madaarrada Somaliland, ayadoo shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda duulista hawada.”

Intaas kadib Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaannada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabada madaxweyne Cirro ku tilmaamay sharci jebin iyo dastuur jebin cad.

“Hay’adda Duulista Madaniga ah waxa ay ku aasaasan tahay xeer, Xeer Lr. 70/2017. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay ku aasaasan thay xeer, Xeer Lr. 103/2023. Labada midkoodna madaxwaynuhu ma baabiin karro, haddii aan labadaas xeer wax ka bedel lagu samayn,” ayuu yiri Garyaqaan Guuleed Dafac.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaasdarteed, digreetada madaxwaynaha ka soo baxday ee uu labadaas hay’adood uga dhigay wasaarado waa sharci-jebin iyo dastuur jebin cad. Waxa ay si gaar ah xadgudub ugu tahay qodobka 37aad iyo qodobka 38aad ee Dastuurka Somaliland.”

Garyaqaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inuu ilaaliyo ballantii uu horey u qaaday ee ilaalinta dastuurka iyo in uusan ku xad-gudbin xeerarka, “Mudane madaxwayne, ballantii aad qaaday waxa ay ahayd inaad dastuurka iyo xeerarka ilaalinaysid.”

Hoggaanka cusub ee Suuriya oo caddeeyay inay dagaal la galayaan Israel iyo inkale

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska kadib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad.

Sharaa oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya.

Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay.

Israa’iil oo sheegtay in aysan ku talo jirin in ay halkaas sii joogto ayaa duulaanka ay ku qaaday dhulka Suuriya ku tilmaantay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudda, waxa ay sidoo kale boqolaal duqeymo ah ku qaadday keydka hubka ee Suuriya.

Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Urdun, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qabsashada Israa’iil ee aagga difaaca ee buuraha Golan.

“Doodaha Israa’iil waxay noqdeen kuwa daciif ah oo aan mar dambe marmarsiinyo u lahayn xadgudubyadii ay dhowaan sameeyeen, Israa’iiliyiintu waxay si cad uga gudbeen xadadka xeerarka Suuriya, taasi oo keeneysa khatar aan loo baahneyn oo ay xaaladdu uga sii darto,” ayuu Sharaa ku yiri wareysi lagu daabacay mareegta TV-ga Suuriya ee taageera mucaaradka.

“Xaaladda Suuriya oo dagaal ku daashay, ka dib sannado badan oo colaado iyo dagaal ah, ma ogolaaneyso iska hor imaadyo cusub, mudnaanta marxaladdan waa dib u dhiska iyo xasilloonida, oo aan la gelin khilaafyo horseedi kara burbur kale.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in xal diblomaasiyadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga iyo xasiloonida, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo militari oo aan laga fiirsan loo baahneyn.

Puntland oo caalamka u dirtay dalab xasaasi ah kadib eedeyn u jeedisay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hortimid tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda dhexe, iyadoo caalamka ka dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo cuna-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdi Juxa ayaa ku dooday in khataro halis ah ay soo wajahday ammaanka Soomaaliya, kadib markii laga qaaday cuna-qabateynta hubka.

Sidoo kale wuxuu ku andacoodey in hubka la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya loo adeegsaday khilaafyada siyaasiga, kuwaas oo uu sheegay inay salka ku hayaan dano shaqsi iyo mid siyaasadeed oo gaar ah.

“Runtii waa wax laga xumaado in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya la geeyo deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland, iyadoo la doonayo in lagu qal-qal geliyo dowlad nabad ah,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa fal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo aan ku habooneyn in lagu aamino hubkaas.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay si khaldan u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones-ka), kuwaas oo loogu tala-galay dagaalka Al-Shabaab

“Maamulka Puntland wuxuu ku baaqayaa in dib loo soo celiyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si looga hortago dagaal sokeeye,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaa muuqata in Soomaalidu aysan xamili karin mas’uuliyadda ka dhalan karta qaadista cuna-qabateynta hubka.”

Sawirro: CIRO oo kulankii u horreeyay la qaatay wasiirada cusub, farayna…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay, kaas oo shir-guddoominayey madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehlinaayey ku-xigeenkiisa, Maxamed Cali Aw Cabdi.

Shirkan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno.

Isbarasho kadib, madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha buuggga xisbiga oo ka kooban lix cutub, taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu golihiisa xasuusiyey in shacabka Somaliland uga fadhiyaan in aay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha Somaliland si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, wuxuuna madaxweynaha mar labaad ku celiyey baaq nabad-gelyo.

Jubbaland oo Muqdisho usoo dirtay qeybtii labaad ciidamadii DF ee Raaskmabooni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,

“Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

“Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni.

Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.

XASAN oo furay shirweyne Soomaaliya ugu dambeysay 35 sano kahor + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, isaga oo ka qayb-galayaasha hor dhigay ka faa’iideysiga fursadaha muuqda sida Cilmi baarista iyo sare u qaadista Waxbarashada.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madasha ka hadlay ayaa martida kusoo dhaweeyay hoolka shirka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay farxad u tahay in 35 sano ay Muqdisho ku martigeliyaan Shirka Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed,

Soomaaliya ayaa haatan wax la qaybsaneysa aduunka intiisa kale, waxaana sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay hormaro ballaaran oo ay qayb ka tahay wax la qaybsiga dalalka dhiggeeda ah.

JUBBALAND oo soo bandhigtay nin qarax ka gaystay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugida maamulkaasi ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weerar ka gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in  bam-gamceed ku tuuray isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub ayaa laga qaaday wareysi uu baahiyay Telefishinka Jubbaland, wuxuuna ku sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 7 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Jubbaland.

Cali Shidaad ayaa sanadkii 2018kii mar isku dhiibay maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab.

Sidoo kale mar kale ayuu iku laabaatay kooxda, waxaana mar labaa lasoo qabtay 2019-kii, isaga oo loo soo xiray dhacdo noocani oo kale ah oo bam-gacmeed ah wuxuuna xirnaa sanad iyo bilooyin, iyada oo kadib la siidaayay.

Eedeysanaha ayaa ku dooday in la qasbay oo isaga oo ka shaqeysanayo goomiiste ay lasoo xiriirtay kooxda, kadibna ay ugu hanjabtay dil, hadii uu fulin waayo weerarka.

Si kastaba, weerarka uu ku qaaday isbitaaka Kismaayo ayaa kusoo aaday, xilliga  lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwii kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ka dhex-qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo galay maalintii labaad

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa galay maalintii labaad oo xiriir ah, wuxuuna soo bilowday shalay, iyada oo mar kale labada ciidan ay dib isugu laabteen saaka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka shacabka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan Ceerigaabo.

Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay dad kor u dhaafayo 15 qof oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho, maadaama uu weli sii socdo dagaalka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kuna aadan dagaalka ku dhex-maraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda ay faraha kasii baxeyso, isla- markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi kusii abuurtay dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda maagaaladan, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland.

Dagaalka ka qarxay Ceerigano ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.

Golaha wasiirada oo xalay qaaday tallaabo la xiriirta hirgelinta qorshaha Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyaga oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ah, xilli ay dood wayn ka qabaan xubnaha mucaaradka iyo laba maamul goboleed.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada oo si buuxda uga soo qayb-galay shirka.

Inta uu socday shirkan gaarka ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Sidoo kalw guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha dastuurka u qaabilsan baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad

Cutubyadan ayaa hadda la bilaabay wada-tashiyadooda, iyada oo goluhu su’aallo ka weydiiyey guddiyadu, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Qorshaha ayaa ah in kadib golaha wasiirada loo sii gudbiyo labasa gole ee baarlamaanka, si ay go’aan uga gaaraan, una meel-mariyaan.

Tallaabadan ayaa la qaadayaa, iyada oo aysan ogoleen maamullada Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka oo horay u diiday hannaanka ay wax ku wadaan madaxda dowladda dhexe.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa u muuqato inay dadajineyso dhameystirka dastuurka, iyada oo sidoo kale rabta inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka loo wajahayo.

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo ku soo baxay xiisada guriga Hooyooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka xigsaday culeys weyn oo toddobaadkaan ka soo wajahay ururka Haweenka Qaranka oo wasiirka Qoyska Bashiir Goobe uu gurigooda ku qabsaday.

Duqa Muqdisho Maxamed Amiir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso.

Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda.

Intaas kadib waxaa dhacay kulanka maanta, guddoomiyaha gobolka ayaa kulan la yeeshay haweenka careysan, wuxuuna la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido.

1-Wuxuu u sheegay in Madaxweynuhu uusan raali ka aheyn wixii dhacay, isla markaana uu ka codsanayo inay is dejiyaan oo guryahoodii ku laabtaan, kana war sugaan dowladda, si kiiskaan xal looga gaaro.

2-Ama inay la kulmaan Madaxweynaha oo diyaar u ah inuu qaabilo, si cabashadooda ay ugu sheegtaan, waxayna qaateen tan dambe oo waxay codsadeen in loo geeyo Madaxweynaha, si ay uga dacwoodaan Bashiir Goobe.

Sidoo kale, Haweenka ayaa guddoomiyaha gobolka u sheegay in hadii ay la kulmaan Madaxweynaha ay ka raali geli doonaan hadallo gef ah oo warbaahinta ay u mariyeen, sidoo kalena ay u sheegayaan sida loo dhibaateeyey.

Guddoomiye Amiir ayaa ururka haweenka qaranka ka codsaday in xaaladda ay dejiyaan, isagoo ka balan qaaday in Madaxweynaha uu la kulan sii doono, isagoo u sheegay in dowladdu ay ogsoontahay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin dowladnimada iyo samatabixinta dalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale haweenka ka balan qaaday in tabashadooda aysan dowladdu ka aamusi doonin oo ay wax ka qaban doonto, isla markaana aan lagu abaaldhici doonin doorkii cajiibka ahaa ee samatabixinta Soomaaliya ay ka soo qaateen, xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

R/W: Xamza oo shaaciyey inay jiraan saraakiil maalgelisa argagixisada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha ka hortagga iyo la dagaallanka maalgelinta Argagixisada oo Muqdisho lagu qabtay, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa dalkeena ka socda waa dullinimo, ganacsatada inta la isla soo dhaafay ayey hadda argagixisadu lacag baad ah ka qaataan saraakiisha ciidamada ee amnigeena aan ku aaminay,” ayuu yiri Xamsa, basle waxaa la diiday in codkaas la baahiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“ ayuu yiri Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa daba-dhilif ku tilmaamay dadka lacagaha baadda ah siiya argagixisada, isagoo careysan ayuu Xamsa si adag u dalbaday in cabsida la iska dhaafo oo Khawaarijta laga joojiyo lacagaha la siinayo.

Kenya oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisada ka dhex-taagan DF Somalia iyo Jubaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa haatan qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kadib dagaalkii xooganaa ee Arbacadii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa lasoo warrinayaa in ciidamo badan ay soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay u adkeeyaan amiga deegaannada dhaca xadka labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in Kenya ay aad uga walaacsan tahay in xaaladdu ay ka sii dari karto maalmaha soo socda, maadaama aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadda taagan.

Horay Kenya ayaa usoo dhaweysay ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan Xoogga dalka oo iyaga oo baxsad ah ka tallaabay xadka, kadib dagaalkii ay la galeen ciidamada Jubbaland.

Ciidamadaasi oo gaaraya illaa 600 oo askari ayaa hadda ku jiro xero ay gacanta ku hayso Kenya, waxaana lagu wadaa in maanta loo soo dhoofiyo magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkii dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa weji cusub u yeelaya xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, kadib markii uu dhex-maray dagaal uu dhiig ku daatay, kaas oo horay looga digay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan deegaannadii lagu dagaalamay isku fidiyay ciidamada Jubbaland, iyadoo kuwii dowladda laga soo dajiyay Muqdisho.

Golaha Wasiirada Somaliland oo la shaaciyay + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed (Cirro) ayaa maanta shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban illaa 48 xubnood oo isugu jiro wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal, waxaana warbaahinta la wadaagay Aadan Deyr oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha oo isna saaka uun la magacaabay.

Wasiirada la magacaabay ayaa inta badan laga keenay Xisbiga Waddani ee ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee looga adkaaday Muuse Biixi.

Magacaabistan ayaa kusoo aaadeyso, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Cirro si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha Somaliland.

Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada cusub:-

  1. Mudane Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

4.Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

  1. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Dr Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. Mudane Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  5. Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. Mudane Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  8. Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  9. Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  10. Proff Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  11. Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  12. Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  13. Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  14. Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur Wasiirka Wasaaradda

Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland

  1. Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Axmed Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  5. Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. Mudane Axmed Maxamed Faarax Coofle Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka

Wasaaradda Xannaanada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

  1. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. Mudane Siciid Maxamed Buraale Carraale Wasiirka Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

  Wasiiru-dawlayaal 

29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland

30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

31 Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan  Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

 Wasiir Ku xigeenno

32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

33 Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland

34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

36 Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland

37 Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

39 Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland

40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland

42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Jamhuuriyadda Somaliland

43 Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland

44 Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

45 Mudane Jawhar Siciid Warsame Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

46 Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

47 Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland

48 Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

Kadib heshiiska Ankara maxaa laga yeelayaa qunsuliyadaha Hargeysa iyo Garoowe?

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Kadib heshiiskii ay todobaadkii hore Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen magaalada Ankara ayaa waxaa soo baxaya su’aallo dheeraad ah oo la xiriira tallaabooyinka ay horay u qaaday Itoobiya ee ka dhanka ahayd Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka falceliyay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay in labada dhinacba ay guullo ka gaareen.

“Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabada xigta la rabo inay noqoto qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe in lasoo mariyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo in gebi ahaanba la xiro safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.

“Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto” ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cabdushakuur.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay.

Xadgudubka Abiy wuxuu ka soo hojeeday sharciga caalamiga ah, waxaa diiday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Maraykanka, Wejigabax iyo takoor diblomaasiyadeed ayuu ku jiray, hadda waa laga saaray, waa faa’iido kale oo uu Ankara kala soo gadoomay.

Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Itoobiya marna ma oran waxaan diidanahay gobbonimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya ee ficilkeed gurracan iyo MOU ay Somaliland la saxiixatay ayaa ku tiri.

Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto.

Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Madaxweyne Xasan halkii uu dadkiisa midaysan lahaa, wuxuu ka shaqeeyey kala qaybintooda.

Hoggaanka dowladda waxaa ka idlaaday sumcaddii lagu aamini lahaa, hadalkoodana lagu rumayn lahaa. Waxay soo kiciyaan dad kale oo u hadla, nafna waxay ka dayaan warka mucaaradka Itoobiya.

War hooy weli fursad ayaad haysataan ee dadkiina la heshiiya.

“Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi naqon waa”

Timacade (AUN)

Cali Jayte oo ka horyimid tallaabadii ay qaaday DF

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, haddana ah taliyaha guud ee ciidanka dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, Cali Jayte Cismaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka.

Cali Jayte ayaa ka horyimid tallaabada ay dhowaan qaadday dowladda dhexe ee ay ciidamada ku gaysay deegaannada maamul goboleedka Jubbaland, isaga oo wax laga xumaado iyo qorshe xumo ku tilmaamay tallaabadaasi.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo Macawiisleyda ay garab ka waayeen dowladdooda, isla markaana hubka ay ku dagaalamaan ay iyaga soo iibsadeen, taas beddalkeeda dowladdu ay ciidamo ku gureyso hal jiho ah oo kaliya.

“Inay dagaalamaan dad masaakiin ah oo qoryo ay kala baxeen geelooda ku dagaalamayo ay cidi saad siineyn ee cidi mushaar siineyn, meel kalena ciidamadii Soomaaliya lagu guro oo hal jiho ah Soomaali baan u bandhigeynaa” ayuu yiri gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay hoos u eegayaan waxa ka socda gudaha dalka.

“Dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya ee gacanta ka siiya xagga dagaalladana, waxaana leenahay talo ayaa Soomaaliya ku leedihiin hoos u eega” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu kala baxay arrintii Raaskambooni, kadib dagaal ka dhacay magaaladaas oo looga adkaayay ciidamada dowladda.

Dhammaan ciidamadii halkaasi la geeyay ayaa noqday, kuwa la qabtay, kuwa isku dhiibay ciidanka Kenya iyo kuwa oo kale noqday dhimasho iyo dhaawac.

Maxaa dhacay sanad kadib deyn cafintii Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanad ah ayaa waxaa laga joogaa maalintii guusha wayn laga gaaray barnaamijka deyn cafinta oo dowladda federaalka ay kasoo hoysay guul wayn, kadib markii dhammaan laga cafiyay daymihii lagu lahaa.

Sanad kadib waxa ay dowladda Soomaaliya soo saartay warbixin cusub oo ay uga hadleyso guushan, taas oo lagu sheegay in aanu weli wax isebaddal ah ku imaanin.

Wasiirka maaliyadda, Biixi Imaan Cige oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in wax deyn ah amuddada sanadkan ah aysan qaadan dowladda federaalka, taas oo ah guul kale.

Hoos ka akhriso warbixinta:-

Waxaa muddo sanad ah laga joogaa gaariddii Dowladda Soomaaliya ee hannaanka deyn cafinta oo soo socday muddo ku dhaw 10 Sanadood, hada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu uga hadlay marxaddda Soomaaliya ee sanad kadib qorshii gaaridda barta kama dambeynta ah ee deyn cafinta Mudane Wasiir Biixi ayaa qormadiisa ku bilaabay sidatan,

Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay  ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay.

Sannad ka dib, waxa aan  si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧-𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah, innagoo ilaalinay xasilloonida dhaqaalaha guud ee dalka, sare u qaadidda dakhliga, sii wadidda dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta maamul-wanaagga Maaliyadda.

Dowlad ahaan waxa aanu ku sii adkaysanaynaa sii wadidda qorshe yaasha dib-u-habaynta iyo kobcinta dakhliga si aan u maalgalino adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgalinta adeegyada caafimaadka”.

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay aagga CEELBUUR

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Xarar-Xayle oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo saaka qarxay ayaa u dhexeeyAY labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 9 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda.

Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.

Sawirro: Jubaland oo Xamar ka soo dejisay ciidankii ay ku qabatay Raaskambooni

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa diyaarado laga soo saaray ciidankii dowladda federaalka ee dagaalka lagu qabatay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online tirada askarta maxaabiista ah ee Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni waxay gaareysaa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan maxaabiista ah, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan u heystaan.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa isla maanta labo diyaaradood u dalabtay ciidankaas, si Muqdisho ay uga soo dejiyaan, diyaaradii koowaad ayaa galabta Raaskambooni ka soo qaaday 33 askari oo ciidankii dagaalka lagu qabtay ah.

Diyaaradii labaad ayaa Raaskambooni kasoo qaaday 50 askari, sidaas ayuu ciidanka lagu qabtay dagaalka ku ahaa 83 askari, askarta qaar waxay qabeen dhaawacyo kala duwan, waxaana galabta Maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho.

Taliyaha qeybta 43-aad oo goobta ciidankaan laga soo qaaday warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Kismaayo uu ka soo baxay isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, isla markaana uu Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo siyaasadaha is diidan ee Jubbaland iyo dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in Raaskambooni ay ku jirto deegaanada uu Taliska Xoogga Dalka wakiilka uga yahay, isagoo askarta weli duurka ku jirta ka codsaday inay yimaadaan Raaskambooni, inta uu joogo, si dib loogu celiyo Muqdisho iyagoo nabad qaba.

Masuuliyiintii Jubbaland ee maanta Raaskambooni tagtay ayaa dhankooda gar-naqsaday, waxayna sheegeen in dowladda federaalka ay masuul ka tahay fool xumadii ka dhacday Raaskambooni, iyagoo ku eedeeyey inay ku soo duushay deegaan nabad ah oo 2011-kii laga nadiifiyey Khawaarijta.

Arbacadii lasoo dhaafay dagaal culua ayaa ka dhacay Raaskambooni, waxaana sidaas kula wareegay ciidamada Jubbaland, ciidamada dowladda oo dagaalka looga adkaaday ayaa duurka galay, waxayna ku sugan yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga talaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto.

Hoos ka eeg sawirrada Askartii u gacan gashay Jubbaland ee galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Screenshot

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen agagaarka magaalo xeebeedka Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari ay wateen ciidamada Kenya, xilli ay ku socodeen deegaanka Kaambooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay burburisay gebi ahaan baabuurka, iyada oo tilmaamtay inay askartii saarnayd ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.