25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Somaliland oo war cusub ka soo saartay heshiiska Itoobiya kadib heshiiskii Ankara

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas.

Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cirro si halkaas ay uga sii ambaqaadaan dhamaystirka heshiiska.

“Heshiiskaas waxa uu quseynayay qiyamka dalka iyo umadda Somaliland, mana ahan wax si dhibyar u dhamaaday, isfahankii waa la saxiixay khubaro labada dhan ah ayaa shaqaynayay, waxyaabihii markii hore la saxiixay ayaa isku hagaajin u baahan, sidii labada dal iyo labada dadba uu ugu cuntami lahaa ayaynu ka shaqeenaynay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xafiiska baneeyey ee Somaliland.

Waxa uu intaa ku daray in isfahanka oo la doonayay in labada dhinacba ay ka faa’iidaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto, ayna haystaan sharciyad adag oo heshiiskaas ah aysanna jirin wax caqabad ah oo ku hor gudban.

“Ma jiraan wax caqabad ah oo ku hor gudban heshiiskaas, annaga iyo Itoobiya xiriirkeenii sidii hore weeye, ka shaqaynta MOU-gaas iyo xeerarkii ku yaalay heshiisyadii iyo waxyaabaha aan u baahanahay inay ka muuqdaan ayuun baa la iskugu noqnoqonayay,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in warqadaha heshiiskaas ay wasaaraddiisa ku wareejisay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo xukuumaddiisa.

“Waxaan ku wareejinay madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisa oo halkaas ka sii ambaqaadi doona iyaguna waxa ay is yiraahdaan ama ka badali doona ama ku kordhin doona,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland uusan khusayn wada xaajoodkii todobaadkii hore dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara uuna dhex dhexaad ka ahaa madaxweyne Erdogan.

“Kulankaas nama quseeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen ama aysan ku heshiin anaga nama quseeyo, dal xor ah ayaan nahay, aayahiisa ka tashada, oo baddiisa aan looga talin karin,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay ka laabatay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya dhex maray.

“Madaxbannaanida Soomaaliya waa wax u gaar ah anaga Somaliland ayaa nahay, marka Muqdisho ayaga xor ha ka noqdaan argagaxisada, marnaba awood umaleh in uu ka taliyo ama uu sheegto badda iyo dhulka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda xafiiska sii banaynaya ee Somaliland.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in tan iyo markii ay Itoobiya la saxiixdeen is afgaradka ay wada xiriirayeen meel fiicanna wax u marayaan.

“Had iyo jeer waanu ka xiriirnaa arimahaas, si joogto ah ayaan uga xiriirnaa in la sii adkeeyo oo laga sii wada hadlo, oo la sii wado, dowladda cusub ee madaxweyne Cirrana uu halkaasi ka sii ambaqaado,” ayuu raaciyay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadlay kadib heshiiskii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo dad badan shaki geliyeen halka uu ku danbeeyay.

“Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore,” ayuu yiri wasiirka warfafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

QATAR oo ku dhowaaqday go’aan culus oo SUURIYA ah kadib ridistii Bashaar Al-Asad

0

Doha (Caasimada Online) – Safaaradda Qatar ee Suuriya ayaa Talaadada maanta ah dib u billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Khaliijka Axaddii, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

“Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda.

Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.

Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye.

Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Qatar marna dib uma soo celin xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya intii uu xukunka hayay Asad, kaas oo xukunka looga tuuray 11 maalmood kadib markii jabhadaha mucaaradka ay weerar culus ku qaadeen magaalooyinka waa weyn kadibna caasimadda Dimishiq.

Doha ayaa sheegtay in soo laabashada kadib 13 sano oo hakad ah ay tahay “muujinta mabda’a ay Dowladda Qatar ay ku garab taagan tahay kacdoonka shacabka Suuriya” iyo sidoo kale “diidmada qayaxan ee dhammaan siyaasadaha cadaadiska ee nidaamkii” Asad.

Mar sii horreysay, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Qatar in wafdi ka socda Qatar ay ku sugan yihiin Suuriya ayna la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.

Waftiga “waxay u yimaadeen Dimishiq si ay u dhamaystiraan hannaanka lagama maarmaanka u ah furitaanka safaaradda Qatar,”, ayuu yiri Ansari.

Kulamadooda, “Wafdigu waxay dib u xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda shacabka Suuriya…ka dib guushii kacdoonkooda,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ansari ayaa sheegay in wafdiga Qatar ay sidoo kale “kala hadleen dhinaca Suuriya sidii loo fududeyn lahaa qulqulka gargaarka bini’aadanimo ee Qatar, waxayna qiimeeyeen baahiyaha walaalaha Suuriya inta lagu jiro marxaladan muhiimka ah”.

Toddobaadkan, sarkaal Qatari ah ayaa sheegay in Qatar “ay la aas-aastay marinkii ugu horreeyay ee xiriir” kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ee hormuudka ka ahayd riditaankii dowladdii hore.

Sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa intaas ku daray “in diiradda xiriirka HTS iyo kuwa kale uu yahay baahida loo qabo in la ilaaliyo xasiloonida iyo hay’adaha dawliga ah ee Suuriya inta lagu jiro xilliga kala guurka”.

Dawlado kale oo kasoo horjeeday taliska Asad oo ay ku jiraan Turkiga iyo Maraykanka ayaa iyaguna sheegay inay xiriir la sameeyeen Hayat Tahrir al-Sham.

Daawo: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka dhagax-dhigay dhismaha xaafad casri ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelidda quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.

“Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray.

“Soomaaliya Maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan” ayuu yiri

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, ayaa ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta.

“Dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka”

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah.

Hoos ka daawo

Xog: Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabay qorshe ku saabsan ciidankii DF ee ka gudbay xuduuda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta bilowday inay dalka ku soo celiso ciidamadii ku jabay dagaalkii Raaskambooni ee gudaha u galay dalka Kenya, kuwaas oo isku dhiibay dowladda Kenya.

Maalmo ay wadahadallo ciidamadaas ku saabsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay socdeen kadib, waxaa ka isku raacay in ciidankaas loo soo daabulo Muqdisho.

Diyaaradihii ugu horeeyey oo ciidankaas wada ayaa galabta kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay ogaatay Caasimada Online, hadana dowladda Soomaaliya ayaa qarisay xogta ciidankaas.

Ilaa berri ayaa lagu wadaa in ciidamada kale ay soo gaaraan Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey in askarta galabta la keenay aysan wadan hubkoodii, lamana oga sababta looga reebay.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah mar kale Kenya ugala xaajoon doonto hubka ciidankii isku dhiibay, waxaana suurtagal ah in diyaarad gaar ah lasoo saaro.

Inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ciidankaas, hadana Kenya ayaa marar kala duwan baraha bulshada ku shaacisay inay kor u dhaafayaan 600 oo askari.

Arbacadii lasoo dhaafay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee lagu jebiyey ciidanka qaranka Soomaaliya ayaa dowladda ku noqday bar-madow, waxaana weli socota hadal-heyntii ka dhalatay.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale Muqdisho looga soo dejiyey ciidankii Jubbaland ay ku qabatay dagaalka, kuwaas oo Raaskambooni laga soo saaray ilaa 3 diyaaradooda, waxay ahaayeen ciidan dhaawacyo u badan oo boqol kor u dhaafay.

Fadeexada ku dhacday dowladda Soomaaliya waxaa u dheer in weli aysan ka tanaasulin abaabulka dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe, si xukunka looga tuuro, waxaana suurtagal ah in Gedo iyo Jubbada Hoose mar kale loo diro ciidan la dagaalama Axmed Madoobe.

DF oo abaal-marin u balan qaaday qofkii keena xogta Xasan Afgooye oo loo heysto kiis adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay ku raad-joogto xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Hay’adda ayaa ka digeysa la macaamilka Horjooge Xasan Afgooye, kaas oo xayiraad la saaray, isla markaana toos loo helo xogta xiriirada uu sameeyo.

“NISA oo la socota aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digeysaa la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama horjoogahan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya saartay xannibaad dhan kasta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda ayaa qoraalkaan bulshada uga codsatay inay u soo sheegaan hadii ay arkaan ninkaas, waxaana la shaaciyey lambarro lagala xiriiri karo Hay’adda.

“Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Dowladda ayaa qofkii xogtiisu guuleysato oo sabab u noqda in ninkaas la qabto u balan qaaday abaal-marin aan la shaacin waxa ay tahay.

“Haddii ay xogtaadu guuleysato waxaad heli doontaa abaal marin maqaamkeedu sarreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda NISA.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirka Xasan Afgooye, si dadku u arkaan loona qabto ama loo dilo, maadaama uu yahay ninka dhaqaalaha ganacsatada Muqdisho u gacan geliya Al-Shabaab.

Dhowr mar ayaan baahinay xogta ninkaan halista badan oo waqtigiisa ugu badan jooga daafaha Muqdisho, waxa uu u xil-saaran yahay baadda iyo dabagalka ganacsatada Muqdisho, ganacsadihii uu heshiis cusub la gelayo wuxuu ugu yeeraa dhulka howdka ah ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiye Amiir oo maanta qaaday tallaabo cusub + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa isaga oo aan weli xilka la wareegin maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta shaqada culus ee loo igmaaday.

Amiir ayaa maanta booqasho ku tegay halka uu ku shaqeyn doono, gaar ahaan Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiyaha xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ujeedka guddoomiyaha cusub ayaa ahaa kormeer uu ku sameynayay xafiisyada dowladda hoose ee Xamar, si uu u qiimeeyo shaqada ka socota halkaasi

Sidoo kale wuxuu booasho ku tegay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Intaas kadib wuxuu warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha uu booqday iyo guddoomiye Madaale oo la filayo in maalmaha soo socdo uu wareejiyo xilka.

Tallaabadan waxaa ka horreysay mid kale oo uu dhowaan qaaday Amiir, kadib markii isaga iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa la kulmeen xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso. Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda.

Amiir ayaa haweenka uu la kulmay la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido, oo ku aadan xal u helidda muranka ka taaan guriga hooyooyinka.

Al-Shabaab oo weerar nooc cusub ah ka bilowday Muqdisho kadib markii ay qarxisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal xooggan kula jirto dowladda federaalka ayaa haatan billowday weeraro nooc cusub ah oo ay ka fulineyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weeraradan oo qaraxyo ah ayaa kooxda waxaa xalay ay ku beegsatay guryo ku yaallo xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sababta ugu wayn ee loo qarxiyay guryaha ayaa ah, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee ay horay dowladda u amartay in lagu xiro wadooyinka iyo goobaha ganacsiga Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo moonooyin ahaa ay ku dhaawacmeen illaa 5 ruux oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada caasimada.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo kooban ka sameeyay gudaha Garasbaaley, balse ma jirto natiijo kasoo baxday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale u qarxisay goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda dhexe.

DF Soomaaliya oo Masar la wadaagtay nuxurka heshiiska ay la gashay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaxiib dhow la’ah Masar ayaa la wadaagtay nuxurks heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar ayaa uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wada-hadalka labada wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee bishii October Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in wasiir Fiqi uu wasiirka arrimaha dibadda Masar uga warbixiyay nuxurka shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in la ixtiraamo qaranimada iyo midnimada dhulkeeda.

Badar Abdelatty oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida.

Ugu dambeyntiina waxay labada wasiir isku raaceen diyaarinta shir heer wasiir ah oo dhex-mara wasiirada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, kaas oo daba socda shirkii sanadkaan ka dhacay Asmara.

Masar ayaa waxaa lagu xasuusta garab istaagii weyna ee u muujisay dowladda Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimadeeda, markaas oo labada dhinac ay sameysteen isbaheysi looga hortago gardarada Itoobiya.

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaal ka dhex-qarxay Khaatumo iyo Somaliland

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo, iyada oo sheegtay inay aad uga xun tahay colaadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi oo u dhexeyso dhinacyo kasoo jeedo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamayo ay ugu baaqeyso inay xabadda joojiyaan, si looga hortego waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkaasi, iyada oo ku dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Dagaalka ka socda Ceerigaabo ayaa qaatay laba maalmood oo xiriir ah, waxaana ugu dambeyn magaalada laga soo saaray garabka SSC oo hadda ku sugan banaanka magaalada.

Sidoo kale Somaliland ayaa lasoo wariyay inay xir xirtay mas’uuliyiin deegaanka ah oo kasoo jeedo dhinaca SSC oo ay ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen dagaalka.

Dhankeeda SSC-Khaatumo oo war soo saartay ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dambeysay dagaalka Ceerigaabo, isla markaana ay dhibaato u gaysatay dadka shacabka ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo xooggan ay ka dhacayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Assad oo lagu arkay Moscow isaga oo…

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii dhowaan xilka laga tuuray ee Dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa lagu arkay mid kamid ah waddooyinka ay ku badan yihiin Madaxda Ruushka ee ku taal Magaalada Moscow oo Caasimad u ah Dalkaas.

Asad ayaa xirnaa dharka lagu aalmiiteeyo waxaana uu ku rucleynayay waddadaas lagu arkay iyada oo amni ahaan ay goobtaas aad u adag tahay in lagu beegsado ama loogu dhawaado sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Ciidanka qarsoon ee sirdoonka Ruushka ayaa kor ka ilaalinayay Bashaar Al-Asad waqtigii uu jimicsigaas sameynayay, lama socon xubnaha qoyskiisa iyo kuwii la baxsaday sida ay kusoo warrameen goobjoogayaasha arkay Asad.

Dhanka kale, Wargeyska Financial Times ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in ujeedka Bashaar Al-Asad ay u martigelisay Moscow ay tahay in uu dhaqaale badan oo kaash ah geeyay si uu ugu maareeyo nolosha reerkiisa.

Bashaar oo og xayiraadda dhaqaale ee Ruushka lagu soo rogay kaddib markii uu weerarray Ukraine ayaa horay usii qaatay in ka badan $250 Milyan oo Doollar iyo lacago kale oo dahab ah maadaama uu kusoo baxay diyaarad gaar ah.

Isha: Mustaqbal

Erdogan oo ku soo wajahan Soomaaliya + Ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraanta sanadka cusub ee 2025 booqasho ku tegi doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Erdogan ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, kadib markii uu dhawaan dhex-dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii xooganeyd ee labada dal u dhaxeysay.

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub ee 2025” ayuu Erdogan ku shaaciyay dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii dhawaan Ankara ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay labada dowladood muddo sannad ku dhow kadib wada-hadalo saacado qaatay oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Erdogan, oo isagu heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Khilaafka labadaan dal ayaa waxa uu bilaabmay bishii koowaad ee sanadkaan kadib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan, taasi oo si adag ugu hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii uu labada dal isugu soo jiidi lahaa, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyay oo markaas gaaray meel sare, ayadoo ugu dambeyntii uu 11-kii bishaan ku guuleystay in heshiis gaaran dhinacyada

Madaxweynaha Turkiga ayaa wada-hadallo toos ah u qabatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, taasi oo soo afjartay khilaafkii sanadka ka dhex aloosna labada dal, kaas oo mar ku sigtay gacan ka hadal.

Axmed Madoobe oo saddex u diiday DF, go’aankiisa iyo halka uu la rabo Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii October ee sanadkaan 2024, markaas oo ay madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dowladda dhexe isugu yimaadeen Shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Dhexe waxaa ka dhax oogan khilaaf culus, kaas oo gaaray gacan hadal iyo dhiig daatay.

Madaxweynaha Jubbaland waxa uu ka baxay shirkii oo socda, waxa uuna diiday in uu ku soo laabto madasha, sidoo kale waxa uu diiday in loogu tago Kismaayo si uu shirka u sii socdo, sida ay xaqiijiyeen madaxda dowladda iyo ilo wareedyo madax-banaan.

Dhammaan qodobada Axmed Madoobe iyo dowladda isku qabteen waa feylka doorashada, DF waxay ku doodeysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah, si awooda xukunka dib loogu celiyo gacanta dadweynaha, sdioo kalane la mideeyo doorashooyin dalka, halka uu Axmed Madoobe ku dooday in uu qabsado doorashada dadban oo uu natiijadeeda ogyahay iyo in la keeno maamulada Puntland iyo SSC oo isku qoondo yihiin, aragtida doorasho dad-banna ay ka mideysan yihiin.

Axmed Madoobe, waxa uu ku dhaqaaqay qabsashada doorashadii uu rabay, waxaana usoo baxday natiijadii uu rabay, dowladda ayaase qaadacday doorashadaas, kadibna Jubbaland waxay lugaha la gashay jahwareer siyaasadeed oo culus.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka jawaabeysa tallaabooyinka Axmed Madoobe uu u qaaday dhanka doorashada ayaa Ciidamo geysay magaalada Raaskambooni, Axmed Madoobana waxay u soo jartay waaran soo qabasho ah.

Go’aankaas waxaa laga dhaxlay dagaal dowladda Raaskambooni looga qabsaday, inkastoo ay sii xoogeysanayaan wararka sheegaya in Jubbaland dagaalkii Raaskambooni ay ka taageeren dhinacyo kale, natiijada DF ay ka heshay dagaalkii Raaskambooni waa in Axmed uu ku xirtay Itoobiya oo dagaal diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya, maadaama damac waalan uu ka galay badeenna.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa 3 qodob oo aan marna Axmed Madoobe dhankiisa laga heli doonin xataa haddii uu meesha ka baxo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda hadda jirta, waxayna qodobadaas kala yihiin:

1-Xoogeysiga dowladnimada Soomaaliya:

Hogaamiyaha Jubbaland iyo qaar kale oo kamid ah madaxda Soomaalida danahooda kama dhax arkaan, mana rabaan in Soomaaliya ay yeelato dowlad xoogleh oo gacanta ku heysa guud ahaan dalka, amarada dowladda dhexe-na ay ka shaqeeyaan goballada Soomaaliya.

Qodobkaan tuhun waxaa jira in ay ka dambeeyaan dowlado shisheeyeeye oo ay ugu horreyso Itoobiya, kuwaas oo aan rabin in Soomaaliya yeelato dowlad xoogleh oo isku filan, waxayna fulinta ajandahooda u maraan siyaasiyiin Soomaali ah.

2- Xukunka oo lagu tartamo:

Kursi jaceylka Soomaalida, waa mid ay ka siman yihiin Siyaasiyiinta talada haya, laakiin Axmed Madoobe waxa uu uga duwan yahay, doorasha dad badan iyo nuuc kalaba oo lagu tartamo waligiis kama qaban deegaanka uu xukumo ee Jubbaland, hadana ma ogola in la qabto, haddii uu cimrigiisa gaarana waxa uu ku fakarayaa in 50 sano oo hadda dhiman qabsado doorashooyinkii ugu dambeeyay ee 2019 iyo 2024 oo kale.

3-In Al-shabaab laga adkaado:

Axmed Madoobe Xukunkiisa jirsaday 14-ka sano waxa uu ku kooban yahay Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobleey, sababtoo ah waligiis Gedo ma tagin, dadka degaankaas ku noolna 14-kaas sano waa ay diidan yihiin xukunkiisa, Axmed ma jecla in dalka uu ka dhaco dagaalka ka dhanka Al-shabaab, sababtoo ah siyaasiyiin uu ku jiro iyo dowlado shisheeyaba waxay khatar u arkaan in hadii Soomaali ka adkaato Al-shabaab ay weynayaan dano badan oo hadda ay helaan ama ku hamiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hogaamiyaha Jubbaland toos ugu eedeysay in uu ku jiro dadka danahooda ka dhax arkay jiritaanka Al-shabaab.

Dhammaan dadka ku nool magaalooyinka uu ka taliyo Xukunka Axmed Madoobe waxay ku qasban yihiin in hogaamiyihooda ay taageeraan sax iyo qaladba, qofkii diidana waxa uu muteysan karaa ciqaab daran iyo musaafurin.

Maxaa ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo iyo kulamo istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo xoghayaha joogtada ah Xamza Xaadow ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu horumarinayo wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta hawlaha shaqo, hirgelinta mashaariic muhiim ah iyo xoojinta awoodda wasaaradda ee ku aaddan horumarinta mudnaanta diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay guulaha waaweyn ee la gaaray, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, muhiimadda istiraatiijiga ah ee ku biirista bulshada bariga Afrika iyo guusha machadka diblomaasiyadda oo tababaraya diblomaasiyiin da’yar si ay uga wakiil noqdaan Soomaaliya caalamka.

Guulahaan waxay muujinayaan sida wasaaradda ugu heelan tahay xirfadda, hal-abuurka iyo hoggaaminta arrimaha dibadda.

Maaddaama Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim ah ka qaadaysay dhinacyada diblomaasiyadda gobolka iyo caalamka, dadaalladan isbedelka ah waa kuwa muhiim ah si loo hubiyo in codka qaranka la maqlo lana ilaaliyo danaha dalka.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay inay sii wadeyso dadaallada dib-u-habeynta si ay uga tarjumaan himilooyinka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Maxaad ka taqaan ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee mar kale hadal haynta dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabudullaahi Farmaajo magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Gorgor ayaa wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya.

Marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida, haddase dowladdan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale magacooda aad loo hadal hayaa kadib markii la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaan la geeyay deegaanka Raaskambooni.

11-kii Bishan December ciidmada dowladda federaalka ah oo ay Haramcad ka mid ahaayeen ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni kaas oo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarka soo qaaday. Khasaare aan si rasmi ah aan loo shaacin ayaa ka dhashay.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamadaas Raakambooni loo geeyay inay buuxyiyaan goobihii ay banneeyeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS balse maamulka Jubaland ayaa gaashaanka u daruuray hadalka dowladda waxa ayna ku andacoodeen in ciidaankaas Meesha loo geeyay in maamulka Axmed Madoobe lagula dagaalamo.

Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo maalintii dagaalku dhacay qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.

Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba.

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ayaa waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Alshabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadalhaynta ugu badan.

Eedeymo badan oo loo jeediyay madaxda cidamadaas ayaa marar badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed u gudbiyeen dawladda Turkiga oo Soomaaliya ka caawisay tababarkooda. Siyaasiyintii mucaaradka ahaa ee markaasi eedeynayay waxaa ka mid ah madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Meelaha horay loo geeyay ee muranka badan uu ka dhashay waxaa ka mid ah gobolka Hiraaan oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed, taasoo si weyn loo cambaareeyay. Balse dowladda Farmaajo ee xilligaasi ayaa sheegtay in ciidammadaasi loo adeegsaday sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab oo kali ah.

Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Hase yeeshee markii ay talada la wareegtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan waxa ay is weydinayeen waxa ciidamada Haramcad ka yeeleyso.

Waraysi ay BBC du 7-dii Luuliyo ee 2022 la yeelatay agaasimahii warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige, ayuu ku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo.

Dige ayaa yiri: “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan booliska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.”

Maxay yihiin Ciidamada Haramcad?

Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay.

“Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

Maxay yihiin ciidamada Gorgor?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii hore sheegtay in ay ciidamo ka dejisay Raaskaamboni oo ka tirsan degmada Badhaadhe. Dowladda aya sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor gaar ahaan guutada 18aad ee kumandooska halkasi la geeyay, kuwaas oo la sheegay in ay lawareegayaan goobaha ay a ka baxeen ciidamada ATMIS, sida lagu daabacy barta X ee SNTV.

Ciidamadaan ayaa waxaa horay siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeyeen in hawlgallo siyaasadeed loo adeegsaday.

Ciidamadan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay fuliyeen howlgallo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo ”weerar la sheegay in lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19-kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho.

Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya, tiradiisu waxa lagu qiyaasaa inay u dhaxeyso 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.

Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaan taliyaha ciidanka lugta.

Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay safar uu ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida.

Agaasimihii xilligaasi Dige oo ay BBC-du wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha.

“Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige.

“Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.”

Isha: BBC

Xog: Saadaq Joon oo xil sare looga magacaabay NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon ayaa loo magacaabay kaaliyaha amniga ahna taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, sida ay illo wareedyo xilkas ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Saadaq Joon oo horey usoo noqday taliyaha NISA iyo booliska ee gobolka Banaadir ayaa haatan xilkan sare looga magacaabay hay’dda NISA, isagoo beddelaya Muxiyadiin Warbac.

Wareegtada magacaabista Saadaq Joon oo lagu soo waramayo inay gaartay taliska NISA ayaa waxaa la filayaa inay faafin rasmi ah kusoo baxdo saacadaha soo aadan.

Saadaq Joon oo xukunkii Farmaajo uu ka xayuubiyay darajadii ciidanka ayaa waxaa dib loogu soo celiyay dhamaan darajooyinkiisa ciidanka markii dowladda Xasan Sheekh la wareegtay xilka.

Ninkan ayaa sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa saraakiisha ugu saameynta badan hay’ddaha dowladda, wuxuuna haatan beddelaya Muxiyadiin Warbac oo isaguna door muhiim ah kasoo qaatay shaqada hay’adda NISA.

Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan.

Waxaana bartimihii 2022 uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyay Saadaq Joon darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo, wuxuuna markaas dib u helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.

Maxay ka dhigan tahay billada uu Xasan Sheekh gudoonsiiyay Prof. Cabdalla?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay ka dhigan tahay milgaynta iyo xurmaynta qalinka, tixgelinta gaarhaya aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljirka, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.

Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur iyo Xurmo Prof. Annarita waxa ay astaan u yihiin dadnimada iyo kartida qofka. Marka aad dheehato dhanbaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale waxa aad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddisocodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dunwanaagga qofnimo.

Shirkan lagu maamuusayey Cilmibaarista iyo daaraasaadka waxa iska kaashaday Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya — Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

BARE SARE CABDALLE CUMAR MANSUUR waa canqariye bulsho, ababiye dhallaan, gaadiidcelis qaran, marna waa layliyay qof kasta oo u hollada inuu qalinka mar uun wax ku duugo.

Xeeldheere Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu horay u yri : “Waxa ina mideeya, waa afka hooyee, aynu midayno, habdhigaalkiisa”.

Badweyn moolkeedu fog yahay ayaa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo qiimaha qalinka.Milggayn iyo maamuusid ayuu huwiyey Madaxweynaha Qaranku Pfof Cabdalle Cumar Mansuur. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsadey waxa uu meesha ka saaray kaalinta cilmibaarista iyo ilaalintii qalinka iyo qoraalka.

Taasina waxa ay keentay in dhaqankii baylah noqdo, sooyaalkii dhalan-rogmo, afkii dhimaal iyo hoos-u-dhac ku yurursado, cilmibaaristii na gaaggaxdo, gabaabsi noqoto haybtii ummaddu lahayd. Waxase dhexda u xirtay inuu badbaadiyo wixii Soomaali lahayd maarshaalka garashada mudane maddaale Prof Cabdalla Cumar Mansuur.

Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah: Bahda Afafka Kushiitik iyo Taariikhda af Soomaaliga, Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixnta Maamulka & Afka)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixnta Cilmiga)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3) (Ereybixnta Farsamada & Culuunta)—Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (8), La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion), Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed, Habdhigaalka af Soomaaliga Guud —Midayn, Horumarin & Casriyayn, Barashada Naxwaha af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Seeska Naxwaha af Soomaaliga—Mansuur & Idiris M. Cali.

MAARSHAALKA GARASHADU waa maanso kooban oo aan ku cabbiray qiimaha iyo milgaha uu leeyahy mudane Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur. Waxa ayna tiri:

Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.

Qaamuuska madiga ah
Ereyada magowsaday
Makaabkiisu adag yahay
Milayguu u sarakacay
Mar hadduu innoo qoray
Mintid weeye gudasho leh
Marna waa maddaaliyo
MAARSHAALKA GARASHADA!

Moorada naxwaha guud
Magaciyo falkaabyada
Meelaynta weedhaha
Maaraynta qurubyada
Iyo magacuyaallada
Waa maqaddamkeedoo
Qofna ku ma masuugoo
Ku ma furo masaladaha
Muran iyo akeekamid.

Marna hirarka gabayguu
Milaalaa mudhbixiyaa
Marsadiisa joogaa
Miisaan gorfaynliyo
Mahadhooyin curiyaa
Muhashada aqoontuu
Marsinkeeda keenaa
Madal loo hiloobuu
Maageer u waabaa.

Waa musbaax hanuunoo
Mugddi lagaga guuroo
Mowjadaha ogaalkuu
Marjiceeda noo yahay
Maaraynta xarafkana
Marmaroor hadduu galo
Midayn laysu weriyiyo
Masdarkeeda weeyaan.

Taariikhda moolka ah
Maalmaha silsaladda ah
Maansadeenna Soomaal
Miiddiyo macaanka leh
Madxaf laga gunnaystiyo
Musdanbeedka weeyoo
Maankiyo garaadkuu
Misciliil u yahay adag.

W/Q: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
Cilmibaare ka tirsan akademiyadda dhaqanka, cilmiga & suugaanta iyo bare ka ah jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.

NISA oo soo bandhigtay xogta tallaabooyin adag oo Al-Shabaab ay ka qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda Al-Shabaab, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda.

“Baraha la xiray oo u badnaa kuwo aan lahayn tixraac iyo taageereyaal ku xiran midna, ayay Khawaarijtu u furteen si dhuumaaleysi ah, iyaga oo isticmaalaya sawirro iyo magacyo aan jirin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa baahisay Jaantuuska Akoonnada la xiray laga soo bilaabo bishii July ilaa December sanadkaan 2024-ka.

Facebook ayaa ugu badan akoonada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, Telegram ayaa ku sii xiga, waxaana u yar Website-yada oo gaaraya shan, sida ku cad Jaantuuska ay soo saartay NISA.

Qoraalka Hay’adda NISA ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA loo magacaabay Jeneraal Saadaq Joon oo ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Hoos ka eeg qoraalka ay caawa soo saartay NISA.

Xasan oo guddoomiyay shirka amniga qaranka iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska amniga qaranka.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falan-qeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howlan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howl-galka cusub ee AUSSOM.

Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay wasaaradda beeraha iyo waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo kamid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Arrintan ayaa guddiga golaha amniga qaranka waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Madaxweyne Cirro oo ku kacay dastuur jabin kadib tallaabo uu qaaday maanta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta soo saaray wareegtooyin dhaliyay dood sharci, ayadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo dastuuri ah.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa wareegtooyinka uu soo saaray wuxuu laba hay’ad dowladeed ugu beddelay wasaaraddo, kuwaas oo kala ah; hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha iyo hay’adda duulista iyo madaarrada.

Hay’adda qaxootiga ayaa laga dhigay wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada, halka hay’adda duulista laga dhigay wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada.

“Waxaan go’aamiyay in hay’adda qaxootiga iyo barakacayaashu ay noqoto wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada oo ka mas’uul noqonaysa maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka bani’aadannimo ee Somaliland, sidoo kalena ay shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda dib-u-dejinta,” ayuu Ciro ku yiri wareegtada koowaad.

Halka uu wareegtada labaad ku yiri “Waxa aan go’aamiyey in hay’adda duulista iyo madaarradu ay noqoto wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada oo yeelanaysa mas’uuliyadda maamulka iyo maaraynta hawlaha duulista madaniga ah iyo hoggaaminta qorshayaasha lagu horumarinayo madaarrada Somaliland, ayadoo shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda duulista hawada.”

Intaas kadib Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaannada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabada madaxweyne Cirro ku tilmaamay sharci jebin iyo dastuur jebin cad.

“Hay’adda Duulista Madaniga ah waxa ay ku aasaasan tahay xeer, Xeer Lr. 70/2017. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay ku aasaasan thay xeer, Xeer Lr. 103/2023. Labada midkoodna madaxwaynuhu ma baabiin karro, haddii aan labadaas xeer wax ka bedel lagu samayn,” ayuu yiri Garyaqaan Guuleed Dafac.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaasdarteed, digreetada madaxwaynaha ka soo baxday ee uu labadaas hay’adood uga dhigay wasaarado waa sharci-jebin iyo dastuur jebin cad. Waxa ay si gaar ah xadgudub ugu tahay qodobka 37aad iyo qodobka 38aad ee Dastuurka Somaliland.”

Garyaqaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inuu ilaaliyo ballantii uu horey u qaaday ee ilaalinta dastuurka iyo in uusan ku xad-gudbin xeerarka, “Mudane madaxwayne, ballantii aad qaaday waxa ay ahayd inaad dastuurka iyo xeerarka ilaalinaysid.”

Hoggaanka cusub ee Suuriya oo caddeeyay inay dagaal la galayaan Israel iyo inkale

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska kadib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad.

Sharaa oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya.

Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay.

Israa’iil oo sheegtay in aysan ku talo jirin in ay halkaas sii joogto ayaa duulaanka ay ku qaaday dhulka Suuriya ku tilmaantay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudda, waxa ay sidoo kale boqolaal duqeymo ah ku qaadday keydka hubka ee Suuriya.

Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Urdun, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qabsashada Israa’iil ee aagga difaaca ee buuraha Golan.

“Doodaha Israa’iil waxay noqdeen kuwa daciif ah oo aan mar dambe marmarsiinyo u lahayn xadgudubyadii ay dhowaan sameeyeen, Israa’iiliyiintu waxay si cad uga gudbeen xadadka xeerarka Suuriya, taasi oo keeneysa khatar aan loo baahneyn oo ay xaaladdu uga sii darto,” ayuu Sharaa ku yiri wareysi lagu daabacay mareegta TV-ga Suuriya ee taageera mucaaradka.

“Xaaladda Suuriya oo dagaal ku daashay, ka dib sannado badan oo colaado iyo dagaal ah, ma ogolaaneyso iska hor imaadyo cusub, mudnaanta marxaladdan waa dib u dhiska iyo xasilloonida, oo aan la gelin khilaafyo horseedi kara burbur kale.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in xal diblomaasiyadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga iyo xasiloonida, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo militari oo aan laga fiirsan loo baahneyn.