25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Maxay tahay guusha ay SOOMAALIYA ka gaartay heshiiskii ANKARA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Ankara ku dhex-maray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo uu fududeeyay madaxweynaha dalka Turkiga.

Faysal Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya guul wayn oo diblumaasiyadeed ay ka gaartay heshiiska iyo halgankii ay  u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Ugu horreyn aqooyahanka ayaa shaaca ka qaaday in shirka ka dhacay magaalada Ankara uu daba socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.

”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay, islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo, shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu u  sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”. ayuu yiri Aqoonyahan Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen  Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Abiy oo markii hore diidanaa inuu ka laabto heshiiska uu ugu dambeyn ku qasbanaaday inuu dhowro madax banaanida Soomaaliya.

” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,” ayuu mar kale yiri Faysal Rooble.

 

Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Si kastaba, war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo meesha ka saareyso walaacii laga qabay inuu dhaqan-gelo heshiiskii lala galay Somaliland.

Aadan Madoobe oo ka jawaabay dalab uga yimid Laftagareen, kana degay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay dalab culus oo uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhaba, wuxuuna maanta ka degay garoonka magaaladaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa wafdigiisa qayb ka ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa ah ka qayb-galka xuska sanad guurada 6-aad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 19-ka bishaan December ka dhaceysa dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Laftagareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka.

Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeesaad badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka.

Si kastaba, Laftagareen ayaa kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod.

 

 

SOMALILAND oo guul wayn ka sheegatay dagaalka Ceerigaabo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka socda magaalada Ceeribaabo oo ay ciidamadooda kula jiraan kuwa SSC-Khaatumo, kaas oo qaatay maalmo badan.

Somaliland ayaa sheegtay in guul wayn ay ka gaartay dagaalka, waxayna hambalyo iyo boggaadin u dirtay ciidamadeeda dagaalka kula jira kuwa SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dagaalkii shalay dhacay jab culus lagu gaasiiyay ciidamada SSC, oo iyagu weerarka soo qaaday, sida lagu xusay warsaxaafadeedka,

Waxaa kale oo ay Somaliland shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay mar kasta heegan ugu jiraan is difaacid, haddii lasoo weeraro, ayna ka hortagi doonaan cadowgooda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Hargeysa-18-12-2024() Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo.

Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horuumar, Dumuqraadiyada iyo himilooyinka lagu xaqiinayo halka Qarankani higsanayo, balse Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland marnaba gorgortan ka gelimayso waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya Qarannimada, wada jirka Bulshada iyo amniga guud ee Dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo ku dhowaaqay go’aan farxad-geliyay reer MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii caasimada lga qaadi lahaa dhagaxaanta ku xiran waddooyinka, si loo fududeeyo isku socodka dadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray wasaaradda amniga gudaha iyo saraakiisha ciidamada inay fuliyaan amarkan, si shacabka looga hor leexiyo dhagaxaanta.

“Waxaan u sheegaya wasiirka amniga iyo laamaha ammaanka inay ka shaqeeyaan sidii dhagaxaanta weli taalla waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana la gaaray xiligii shacabka dhagaxaantaasi laga hor wareejin lahaa” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay bilicda caasimada, isaga oo maamulka cusub ee gobolka ugu baaqay inuu diirada saaro wax ka qabashada nadaafad xumada, la’iskulana xisaabtamo.

Hadalkan ku aadan furista jidadka ayaa ra’iisul wasaaruhu horay u sheegay marar badan, balse ma jirto wax iska beddalay, waxaana weli sababo amaan u xiran waddooyin badan.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso deganaasho amni, waxaana laga nastay qaraxyadii ka dhici jiray iyo weeraradii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka Gedo, oo mar kale laga dareemay dhaq-dhaqaaq ay ka waddo dowladda.

Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolkan, kadib digreeto uu soo saaray, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaqa dowladda.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo beddalaya Cabdullaahi Shimbir oo hadda ah guddoomiyaha gobolka, balse ka horyimid Axmed Madoobe, toosna ula safray dowladda dhexe.

Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda Gedo ka abaabuleyso dhaq-dhaqaaqo ciidan, si meesha looga saaro maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maalmaha soo socda ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka, kuwaas oo bilaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrimahan ay kusoo beegmayaan kadib markii lagu kala baxay dagaalkii Raaskambooni oo ay ku adkaatay Jubbaland, kadib markii hal maalin lagu soo afjaray ciidamadii lagu daabulay halkaasi.

 

Waa kuma xildhibaanka u ololeynaya in Mareykanka uu aqoonsado Somaliland?

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.

Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.

Waa kumaa Scott Perry?

Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah.

Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia.

Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah.

Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka.

Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007.

Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin.

2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts.

Ku biiridiisii militariga

Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah.

2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah.

Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan.

Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen.

2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel.

Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Isha: BBC

Xog: Yaa ka dambeeyey dilka Jeneraalkii hoggaaminayay ciidanka Nukliyeerka Ruushka?

Moscow (Caasimada Online) – Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa Talaadadii lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed.

Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen.

Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.

Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine.

Isniintii, hay’adda Amniga ee Ukraine, ee SBU, ayaa furtay baaritaan dembi oo ka dhan ah, ayadoo ku eedeysay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay.

Sarkaal u hadlay SBU ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay weerarka.

Sarkaalka, oo codsadey in aan magaciisa la shaacin maadaama aanan loo ogoleyn in xaaladda uu ka hadlo, ayaa Kirillov ku tilmaamay “Dambiile dagaal iyo bartilmaameed sharci ah.”

SBU waxa ay sheegtay in ay diiwaangelisay in ka badan 4,800 oo jeer inta jeer ee Ruushku uu hubka kiimikada u adeegsaday goobaha dagaalka tan iyo markii uu sida buuxda u soo galay February 2022 Ukraine.

Bishii March, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay isticmaalka chloropicrin kaasoo loo adeegsadey ciidmada Ukraine. Gaaskan sunta ah ayaa markii ugu horreysay la adeegsadey dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Ruushka ayaa beeniyay in uu wax hub sun ah u adeegsaday Ukraine, waxana uu ku eedeeyay Kyiv in ay suntan iyadu u adeegsatay dagaalka.

Kirillov, oo qabtay shaqadiisa hadda 2017, wuxuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee eedeymahaas loo soo jeediyey.

Waxa uu qabtay warbixino badan oo uu ku eedeeyay millatariga Ukraine in ay adeegsadeen walxaha sunta ah oo ay qorsheynayaan in ay ku qaadaan weeraro walxo shucaac ah – sheegashooyinkaas ayey Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka isku fogeeyeen iyagoo ku tilmaamey dacaayad aan raad laheyn.

Bamkii loo adeegsaday weerarkii Talaadada ayaa ahaa mid laga hagaayey meel fog, sida ay sheegayaan wararka Ruushka ka imanaya.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay daaqado burburay iyo darbiyo gubtay.

Hay’adda ugu sareysa baarista ee Ruushka ayaa sheegtay inay baarayaan dhimashada Kirillov oo ay ku sheegeen kiis argagixiso, waxaana saraakiisha Moscow ay wacad ku mareen inay ciqaabi doonaan Ukraine.

Daawo: Xil-wareejinta duqa Muqdisho, Xamsa, Madaale iyo Amiir oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub, isagoo ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay.

“Guddoomiye Amiir ku soo dhawaaw u qidmaynta 4 malyan oo ku nool caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Madaale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Madaale uusan meel ka aadin bulshada Muqdisho oo uu ahaan doono marjac loo noqdo.

“Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, qorshaheygu waa in aan idiin adeego ee maahan in aan idinka adeegto, waxaa iga og’an in Muqdisho aan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Wuxuu sidoo kale balan-qaaday in dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir uu shaqo abuur u sameyn doono, sidoo kale wuxuu balan-qaaday in nadaafadda caasimadda uu wax badan ka bedeli doono.

“Sida Ra’iisul Wasaare Xamsa horay u sheegay siyaasadda iyo u qidmeynta shacabka Muqdisho waan ku cibaadeysa doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta, isagoo shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad aad u dulqaad badan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhulka danta guud oo dadku ay degan yihiin, isagoo sheegay in shaqada danta guud ay dowladdu dadka ku qasbeyso oo dheg aysan jalaq u sii doonin qeyladhaanta dadka diidan shaqada ka socota danta guud.

“Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga wareeji lahaa jidadka Muqdisho, amniga shaqo culus ayey dowladdu ka qabatay, wasiirka amniga waxaan farayaa caawa in dhagaxda laga wareejiyo jidadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hoos ka daawo

Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde.

Sheekh Muuse Cadde oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu maray qaliin lagu guuleystay, balse wuxuu u geeriyooday xanuunkii soo ritay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida,  Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” isagoo tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Sheekha ayaa kamid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuu ahaa caalim ku suntan u qidmeynta diinta Islaamka, wuxuuna kamid ahaa mashaa’ikhda la jecelyahay ‘hab gudbinta’m aqoontooda.

Sidoo kale Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday, wuxuu kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda oo la dagaalanta fikirka xag-jirka ah ee Khawaarijta.

Dhowr mar ayuu Sheekh Muuse Cadde yimid Muqdisho, isagoo dadka ku guubaabi jiray inay iska difaacaan oo ku jihaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhiigga islaamka baneystay.

Sidoo kale wuxuu ka soo qeyb geli jiray shirarkii waaweynaa ee culimada Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka jeedi jiray afkaaro cad oo muujinaya sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya laga xoreeyo Khawaarijta.

Sheekh Muuse Cadde wuxuu kamid ahaa culimadii Fatwootay magaca ‘Khawaarij’ oo lagu nisbeeyey Al-Shabaab, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha magacaas xun, sida ay cadeysay culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo Sheekha caawa geeriyooday u uku jiro.

Sawirro: DF oo caawa qabatay shir xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha ‘Muqdishada Cusub’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa caawa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabad weyn oo dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabineyso.

Shirkaan ayaa caawa lagu qorsheeyey Daahfurka Dhismaha Horumarinta ‘Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho’ oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishaan Diseembar 2024.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho loo beddeli doono xarun ganacsi oo heer caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan.

Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay shirkaan waxaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub.

Mashruucaan  oo ay hoggaamineyso wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa Khamiista soo socota munaasabad weyn oo ka dhacaysa Muqdisho.

Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana socda dhismayaal iyo dhaqaale kale oo siyaabo kala duwan loogu maalgashanayo magaalada.

Muqdishada Cusub waxaa lagu tilmaamay mashruuca ugu weyn dalka, waxaana laga hirgelinayaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo loo rari doono garoonka ugu weyn dalka.

Madaxweyne XASAN: In aan guri saddex dabaq-dhisto aniga ayay ii gaar tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan eedeymaha sida shaqsiga ah loogu jeediyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta dhulalka ee markasta lagu eedeeyo, wuxuuna sameeyay si difaacid wayn oo ku aadan hantidiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday inay isaga gaar ah u tahay inuu dhisto guri cariish ah ama dabaq dheer, taasina aysan shaqo ku lahayn dadka kale.

“Aniga in aan guri cariish ama mid sedax dabaq aan dhisto aniga ayay iigaar tahay, wax ka quseeyo majirto Hooyada Soomaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka bixiyay aragtiyo kala duwan.

Maxamuud Axmed “Madaxweynaha hantidiisa asiga ayaa iska leh wax walba ayuu ku samaysan karaa wax naga galay malah”.

Maxamed Fahad “Marka hooyooyinka iyo danyarta waad barakicineysaa, kadibna dabaqyo ayaa ka dul dhisanasaa miyaa?”.

Maryama Maxamuud Cabdullaahi “Madaxweyne sidaas hana yeelin shacabkaaga ayaa nahay”.

Xasan Cilmi “Wax aan dhaho garan maayo laakiin hadal masuul ma aha”

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo la qarxiyay + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka baxay Balcad, waxaana la qarxiyay iyaga oo marayay deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Ciidamada laq qarxiyay ayaa kusii jeeday magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, waxaana qarxan waddada u dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa miino ku dhaawacmay illaa 4 askari oo la socday baabuurka ay haleeshay miinada, kuwaas oo dhaawacyadooda ay horay usii qaadeen ciidamadu.

Sidoo kale waxaa ciidamada dowladda ay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Xawaadley oo inta badan dhuumaaleysi ku yimaadaan xubnaha Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi iyo howlgallada xigta, mana cadda natiijada kasoo baxday.

Waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay soo maleegaan Al-Shabaab oo go’doon gelisay waddadaasi.

Xog: DF Soomaaliya oo ciidamo gayneyso GEDO

0

Baardheere (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qorsheyneyso inay qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, kadib markii todobaadkii hore lagu kala baxay aaggii ka furnaa Raaskambooni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda dhexe ayaa hadda abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo ka bilowday gobolka Gedo oo ay ka howlgalaan ciidan ka tirsan kuwa xooggga.

Sidoo kale dowladda ayaa saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in maalmaha soo socda sidoo kale ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka, kuwaas oo bilaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.

Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa hadda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana soconayo abaabul ay iska kaashanayaan dowladda iyo saraakiisha gobolka.

Jubbaland oo ka war heshay dhaq-dhaqaaqan ayaa iyadu soo saartay warsaxaafadeed, waxayna eedeymo culus u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay tilmaamtay in ciidamada loogu talagalay amniga uu u adeegsanayo siyaasad, si uu qalqal u abuuro.

“Dagmooyinka Gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo.”.

Shirarka Soomaalida iyo shucuurta beenta ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaalidu waxay markasta isugu timaadaa shirar noocyo iyo magacyo kala duwan leh, waxayna halkaas ku soo bandhigaan dareen iyo aragtiyo aad la cajabeyso.

Aakhiro iyo adduun ayey kaaga hadlayaan, waxayna soo bandhigaan xalka mushkilad kasta oo adduunkaaga iyo aakhiradaada xariir la leh. Sanadkasta waxaa taagan shirar culimo dhaqan, siyaasi, aqoon yahan, dhalinyaro iyo qaar haween.

Shirarkaas waxaa looga hadlaa loguna soo bandhigaa daraasado, aragtiyo, doodo iyo falanqeyno la xariira nolosha aadanaha, sida loo hormariyo, loo hagaajiyo, wax looga badalo. Dhib kasta oo dalkeena ka jira ayaa lagu taabtaa, loogana hadlaa, waxaana la raaciyaa sida loo xallin karo. Shirarka qaar ayeyba culimadu uga hadashaa sida ilaa aakhiro dadka loo hagaajin karo.

Quruxda hadalka, aragtiyada, daraasadaha, doodaha iyo xalalka la soo bandhigayo ayaad la ashqaraareysaa.

Goobaha shirarka marka bannaanka looga soo baxana, caruurta darbi jiifka ah iyo akhyaartii shirka joogtey waa isku caqli iyo faham. Wax kasta oo xumaan ah ayaan dhex maquuranaa, wixii qurxoonaa ee aan shirka ku bandhigneyna saameyn kuma lahan nolosheena.

Qaar aqoon yahan sheeganaya ayaad arkeysaa iyaga oo soo bandhigaya aragtiyo noolaha lagu hormarin karo, haddana kama muuqato noloshoosa iyo tan gurigiisa.

Inkasta oo ay jiraan umado dhibkaan nala qaba haddana, Soomaalideenu waa ugu daran tahey oo waaba la arkaa tiiha aan ku jirno ee afartan dhaafey.

Waxaa iiga sii daran dhaqaalaha iyo waqtiga ku baxa shirarkaas oo ay baahi uga dhimanayaan dadkii lahaa.

Goormee runta ka hadli doonaa kuna dhaqmi doonaa?

W/Q: Maxamed Aadan Koofi
Agaasimihii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Shabaab oo wiil dhalinyaro ah ku gowracday Buulomareer + Sababta

0

Buulomareer (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta kooxda Al-Shabaab ay dhacdo argagax leh ka gaysatay magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay ka naxeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo gudaha u galay Buulomareer ayaa gowracay wiil dhalinyaro ah oo la shaqeynayay ciidamada dowladda, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu canshuuraha ka aruurin jiray magaalada, uuna la socon jiray ciidamada dowladda, balse waxaa si arxan darro ah maanta u dishay Al-Shabaab.

Waa falkii labaad ee ka dhacaya Buulomareer, waxaana ay ahayd todoaadkii hore kadib markii nin kale oo la shaqeynayay ciidamada dowladda ay sidaan u gowraceen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dhacdo saddexaad oo 3 bil kahor Al shabaab ay ku gowraceen rag shacab ah oo ciidamada dowladda ka taageerayay uruurinta canshuuraha guryaha, degaan lagu magacaabo Farxaanoole oo isna ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dilalkaasi argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan ayaa waxaa ku xooggan Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Maxaad ka taqaan xildhibaannada xasaanadooda ka doortay xilal dowladeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xilalkooda golaha ku waayey kadib markii ay qabteen xilal kale oo dowladda.

Xubnahan ayaa qaarkood booskooda la buuxiyay, halka qaar kale ay weli bannaan yihiin oo aan lasoo buuxin, waxaana kamid ah xildhibaannada waayey kursigooda golaha shacabka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xilka loo magacaabay June 2022-kii.

Magacyada qaar kamid masuuliyiinta kursigooda baarlamaanka ku waayey xilalka dowliga ah ee loo magacaabay;

1. Xamza Cabdi Barre oo loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isaga tagay kursigii uu ku noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka, kaas oo tirsigiisu ahaa HOP#203.

2. Mahad Maxamed Salaad oo ku fadhiyey kursiga HOP#147 ayaa waayay kursigaan kadib markii loo magacaabay hoggaanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

3. Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ku fadhiyey kursiga HOP#058 ayaa waayey xubinnimadiisi golaha shacabka kadib markii loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee NISA.

4. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo 2022 ku guuleystay kursiga HOP#172 ee deegaan doorashadiisuna tahay Baydhabo ayaa kursigaan waayey kadib markii uu aqbalay xilka loo magacaabay ee ah taliyaha ciidanka asluubta.

5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isna ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ayaa xubinnimada golaha shacabka ku waayay kolkii loo magacaabay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

6. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo kamid ah xildhibaannadii laga soo doortay Galmudug, kaas oo ku fadhiyey kursiga HOP#248 ayaa isna dhawaan xilkiisa xubinnimo ee baarlamaanka ku waayay kadib markii loo magacaabay ku-xigeenka taliyaha NISA.

Xogta kulan Villa Somalia ku dhex-maray Xasan iyo Xue Bing + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha wakiilka uga ah Geeska Afrika, Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la fal-galidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahad-celiyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa.

Waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka ee amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is-ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka gobolka.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka.

TRUMP: Turkiga ayaa hayn doona furaha Suuriya

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Turkiga “uu hayn doono furaha” waxa ka dhacaya Suuriya, halkaasi oo mucaaradka ay taageerto Ankara ay horaantii bishan xukunka ka tuureen dowladdii Bashar al-Assad.

Isaga oo markii ugu horreeyay ka hadlay sida uu u arko doorka dalka ay yihiin xulafada NATO ee colaadda Suuriya, Trump ayaa ammaanay wax uu ku tilmaamay “awoodda militari ee weyn,” ee aan “ku daalin dagaalka” ee Turkey.

Ayada oo taageeraysa fallaagada, “Turkey waxay sameysay afgambi aan saaxiibnimo aheyn, ayada oo aan nolosha dad badan la lumin,” ayuu Trump ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Palm Beach, Florida.

“Hadda, Suuriya waxaa ka jira wax badan oo hubanti la’aan ah ama aan la ogeyn…Waxaan filayaa in Turkigu uu hayn doono furaha Suuriya,” ayuu yiri Trump.

Turkey oo gacanta ku haysa dhul badan oo ku yaalla waqooyiga Suuriya ka dib markii dhowr jeer ay soohdinta ka weerareen maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, ayaa taageero weyn u ahaa kooxaha mucaaradka ee doonayey inay xukunka ka tuuraan Bashaar Al-Asad oo ay taageerayeen Iran iyo Ruushka tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye 2011-kii.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad, Washington iyo Ankara waxay yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dib u curashada kooxda Daacish ee Suuriya. Washington ayaa illaa 900 oo askari ku haysa bariga Suuriya si ay isaga difaacdo mintidiinta.

Mar la weydiiyay waxa uu ka yeeli doono ciidamadaas, Trump ayaa ka gaabsaday, waxa uuna taa beddelkeeda uu farta ku fiiqay awoodda ciidamada Turkiga, isaga oo muujiyay xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

“Erdogan waa qof aan si wanaagsan isu fahanno…Wuxuu dhisay ciidan aad u xoog badan,” ayuu yiri Trump.

Isaga oo u muuqda in uu ka hadlayo taariikhdii Cusmaaniyiinta Turkiga, oo ay ku jirtay gacan ku hayntii Suuriya, Trump waxa uu intaas ku daray: “Waxay doonayeen kumannaan sano, wayna heleen, kuwa galayna [Suuriya] waxaa gacanta ku haya Turkiga, taasina waa caadi.”

CIRRO oo lugaha la galay fadeexad horleh xilli uu dhawaan la wareegay xilka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo dhawaan la wareegay xilka ayaa lugaha la galay fadeexad horleh oo dhanka sharciga ah, sida ay qabaan sharci-yaqaannada ku sugan Somaliland.

Cirro oo maalmo kahor magacaabay golihiisa wasiirada ayaa kusoo darey liiska wasaarado cusub, halka uu baabi’iyey hay’ado horey u jirey uuna ka dhigay wasaaraddo, sida hay’addii qaxootiga iyo tii duulista hawada ee Somaliland.

Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaanada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay sharci jebin uu ku kacay madaxweynaha, isagoo ku dhaliilay inuu leexsanayo awooddii golaha wakiiladda, oo aheyd in loo gudbiyo xeerarka wax ka beddelka lagu sameynayo, uuna soo ansixiyo.

Tan ayaa muujineysa in madaxweynaha uusan laheyn sharci-yaqaano la-taliya ama ka ilaaliyo qaladaadka noocaan ah, oo lagu sifeeyay “ku tumasho sharci iyo dastuur jabin”, maadaama uu yahay masuulkii u sareeyay ee Somaliland ee ilaalin lahaa xeerarka iyo sharciyada u degsan maamulka.

Hoos ka aqriso qoraalka Garyaqaan Dafac

Madaxwaynuhu waxa uu magacaabay laba wasaaradood oo kal ah 1) Wasaaradda Amniga Gudaha; iyo 2) Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka. Markaas, midkoodna ma aha Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Markaa, waydiintaadaas loo heli maayo jawaab oo maba hayno wasaaraddii arimaha gudaha. Waa arin keenaysa mad-madow sharci iyo muran xagga xilka ah (conflict of mandate). Waxa ay ahayd in madaxwaynuhu qaado sadexdan tallaabo oo is barbar socda:

1. In ay jirto wasaarad wadata magaca Arimaha Gudaha maadaama oo ay ku jirto dastuurka.

2. In uu soo saaro qoraal uu ku kala caddaynayo xilka wasaaradaha cusub ee uu magacaabay ee aan hore u jirin.

3. Inuu u gudbiyo Golaha Wakiiladda soo jeedin wax ka bedel xeerarka ay taabanayso abuurista wasaaradaha cusub. Tusaale ahaan, Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku waxa uu yaqaan wasaaradda arimaha gudaha oo u xilsaaran arimaha amniga gudaha iyo xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka.

Xeerka kala xaddaynta nidaamka xukuumadda ayaa ka mid ah xeerarka kale ee ay arinkani saamaynta ku leedahay.

Saddexdaasi inay isbarbar socdaan ayay ahayd.

Bashar Al-Assad oo war yaab leh kasoo saaray qaabka uu uga baxay Suuriya

0

Moscow (Caasimada Online) – Barta ay madaxtooyada Suuriya ku leedahay Telegram-ka ayaa la soo dhigay qoraal loo aaneynayo inuu ka yimid Bashaar Al-Asad, oo haatan ku sugan Ruushka.

Sida lagu sheegay bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynahii Suuriya ee la afgambiyey, Assad ayaa sheegay in ka bixitaankiisa Suuriya aanu ahayn mid qorshaysanaa, isagoo xusay inuu dalkaas ku sugnaa ilaa saacadihii hore ee Axadda, December 8, 2024.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Assad uu markii hore u baxay Latakia isagoo kaashanaya Ruushka oo ay xulufo yihiin, isagoo xusay in subaxnimadii Axadda markii uu gaaray saldhigga ciidamada cirka ee Hmeimim ay caddaatay in ciidankiisa ay gebi ahaanba isaga baxeen dhammaan jiidaha hore ee dagaalka, iyo in ciidamadii ugu dambeeyay la jabiyay.

Bayaanka ayaa xusay in Assad uusan marnaba ka fikirin waqti kasta inta lagu guda jiray xaaladdaasi is-casilaad ama magangelyo-doon, laakiin qorshihiisu ahaa in uu sii wado dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray “weerarada argagixisada.”

Qoraalka ayaa lagu bidhaammiyay in tan iyo maalintii ugu horraysay ee dagaalka, Al-Asad waxa uu diiday in uu ka tanaasulo badbaadinta dalkiisa isaga oo ku beddelanaya dano gaar ah ama dadkiisa oo uu ku beddesho dalabyo u imanayay.

Warku waxa uu intaa ku daray in sanadihii la soo dhaafay uu Al-Asad ku sugnaa dalka Suuriya isaga iyo qoyskiisa oo ay garab taagan yihiin shacabka, iyagoo wajahaya argagixisada duqeymo iyo hanjabaado isdaba joog ah oo ahaa inay gudaha u soo galayaan caasimadda dalkaasi 14-kii sano ee dagaaladu socdeen.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Assad uusan jagada u doonan dano shaqsiyadeed darteed.

Ugu dambeyntiina bayaanka loo nisbeeyey Assad, waxa uu sheegay in marka dawladdu ay gacanta u gasho argagixisada, jago kastaa ay noqoto mid aan qiimo lahayn, sida uu hadalka u dhigay.