25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Burcad badeedda haysata markabka Shiinaha oo lacag waali ah dalbaday – Imisa?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Burcad-badeeda afduubatay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dalbanaya lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya.

Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku wadaagay sawiro muujinaya maxaabiistooda oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka.

Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November ee sanadkan, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku jiraan maxaabiistii la qabtay. Ilaalada markabka ayaa markii dambe ku biiray ciidamada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka xeebta.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi sanadkii 2020-ka, balse ay ka dhacay ruqsaddaasi.

Sargaalkan wax faahfaahin ah kama bixin dalabka madax furashada ay dalbvanayaan burcad badeeda.

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa todobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay “fal burcadnnimo oo ka dhacay badda”.

Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta.

Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya.

Yaa afduubtay markabka, xageese lagu hayaa?

“Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan,” ayuu u sheegay qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay.

Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Bayla, gaar ahaan meel ku beegan deegaan lagu magacaabo Marrayo.

Wuxu kaloo mas’uulkaas sheegay in inta la ogyahay ilaa hadda ay shaqaalaha markabkaas yihiin 18 qof, kuwaasoo u dhashay Shiinaha, ama badankood ah muwaadiniin Shiinees ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in burcad badeedda ay diideen boqolaal kun oo doollar oo madax furasho ahaan ay u bixin lahayd shirkad Soomaali ah oo mas’uul ka ah markabka sida ay sheegtay hay’ad ka shaqaysa la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Hay’adda oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa tiri “Kalluumaysato deegaanka ah ayaa sheegay in doontu ay u soo dhawaatay Eyl, Soomaaliya, Jimcihii, laakinse burcad badeedda ayaa dib ugu celiyey badweynta ayagoo ka cabsi qabay ilaalada xeebaha Puntland”.

Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta.

Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya.

Isha: BBC

Sawirro: Maxaa xalay ka dhacay xarunta Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Madaxweyne Xasan ayaa horey u dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

“Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Geeska Afrika.

Ciidamada DF Soomaaliy oo beegsaday goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maata ciidamada Xooggga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Mahadaay, waxaana ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in ay gaareen deegaano ay kamid yihiin Diinlaawe iyo Hurwaa oo galbeed ka xiga degmada Mahadaay, halkaas oo ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen xubnaha Khawaarijta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in wax iska hor imaad ah aysan la kulmin inta ay wadeen howlgallada ay ku gaareen deegaannadaas oo weeraro ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo howlgallo ay kasii wadaan ciidamada dowladda.

Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa weli guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Dhacdo naxdin leh: Gabar Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Sweden

0

Stocholm (Caasimada Online) – Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nimco Bashiir Daa’uud oo 28 jir ah ayaa lagu dilay dalka Sweden, xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm.

Saaxiibteed ay aad isugu dhawaayeen oo lagu magacaabo Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay, xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay.

“Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab oo ka warbixisay dilka saaxiibteed Nimco.

Seynab ayaa intaas ku sii dartay, “Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna.”

Seynab sidoo kale sheegtay in saaxiibadeed Nimco ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas, maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah, waxay Nimco iigu jawaabtay “Wadadaan ayaa ii fudud oo xaafadda u dhow”.

Waxay intaas ku sii dartay “intii aan la hadlaayey waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sareysay waxaan iri halow halow, kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Nimco wey aamustay.”

Hibo Daa’uud oo ah walaasha ka yar Nimco, ayaa tiri “Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.”

Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco, Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.

Muwaadiniintii u badneyd oo maanta dalka dib loogu soo celiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka.

Muwaadiniintan ayaa laga soo celiyay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).

Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah.

Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah wasiirka arrimaha dibadda oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan.

Sidoo kale waxaa munaasabadda soo dhaweynta muwaadiniintan qeyb ka ahaa ergeyga faarka ah ee socdaalka iyo qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku-xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.

Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca wasiirka arrimaha dibadda ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.

Duulimaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lasoo celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM.

Soo-galootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero deg-deg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo shaqa abuur ah, si ay noloshooda u maareeyaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.

Kadib hadalkii Trump, Erdogan oo ku dhowaaqay arrin muhiim ah oo la xiriirta Suuriya

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay maamul loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Suuriya kadib markii xilka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Erdogan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan dib u soo celinta dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye ee dalkaas ka socda 13-kii sano ee la soo dhaafay.

Hadalkan ayuu ka sheegey shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo ku sugan magaalada Ankara.

Dowladaha reer galbeedka ayaa si tartiib tartiib ah u furaya wadiiqada maamulka cusub ee Dimishiq ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), inkastoo ay sii wadaan inay u aqoonsadaan koox argagixiso ah.

Erdogan ayaa sheegay in gobolka aysan ka jirin meel ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray ururada argagaxisada, isagoo si gaar ah ula jeeday kooxda Daacish iyo kooxaha Kurdiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa horay u muujiyay muhiimadda ay leedahay geedi-socod isbedel oo loo dhan yahay oo ka dhaca dalka Suuriya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ku dhawaaqo in 1 bilyan oo Euro oo dheeri ah sanadkan 2024 lagu biirin doono kaalmada qaxootiha Suuriyaanka ah iyo sidii looga gargaari lahaa arrimaha caafimaadka, waxbarashada qaxootiga jooga Turkiga ee reer Syria,” ayry tiri Von der Leyen.

Erdogan ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dadka Suuriyaanka ah ee ka soo qaxay dagaalka, kuwaas oo malaayiin ka mid ah ay tageen Turkiga.

Von der Leyen ayaa sheegay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada Suuriya isagoo diiradda saaraya dib u dhiska iyo in wadahadalka cunaqabateynta looga qaadayo Dimishiq uu billaaban karo marka “horumar dhab ah laga gaaro kala-guur nabadeed,” lagu arko dhulka.

Waxa ay intaas uu ku darey in 1 bilyan oo Euro oo dheeraad ah la siin doono si loogu taageero soo noqoshada iskood ah ee Suuriyaanka, iyo in Turkiga laga caawiyo maamulka xuduudaha iyo socdaalka.

Mustaf Dhuxulow oo si rasmi ula wareegay xilkiisa cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb-galay xil wareejinta agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda looga fadhiyo sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

“Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wadaafaha oo ka hadlayey munaasabaf uu xilka kula wareegayay agaasime Mustaf Dhuxuloow, “Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hay’addu bixiso, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo ah hay’ad muhiim ah ayaa kal hore noqotay xudunta musuq-maasuqa, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay tan iyo markaas dadaal badan ku bixineyso sidii hay’addan u noqon laheyd mid muraayad u noqota dalka.

MACRON oo safar ku tegaya Itoobiya iyo Jabuuti + Qorshaha

0

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula casheyn doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga muhiimka ah, kahor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska ee Elysée.

Ayada oo ah dhaqan soo jireen ah oo la sameeyo kahor sanadka cusub, Macron ayaa sannadkan doortay Jabuuti, si uu u muujiyo mahadnaqa qaranku u hayo askarta loo diray dibadda, ayay tiri madaxtooyada.

Waxa uu halkaas kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah.

Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan iskaashiga difaaca labada dal ee dib loo cusbooneysiiyay bishii Luulyo.

Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, kadib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay.

Heshiiska dib loo cusboonaysiiyay waxa uu ka tarjumayaa “wanaagsanaanta xiriirka ka dhexeeya labadeena dal iyo sidoo kale isku xirka danaha istaraatiijiga ah”, Elysée ayaa sidaas tiri xilligii la saxiixay heshiiska.

Heshiiska dib loo cusboonaysiiyay waxa uu ka tarjumayaa “wanaagsanaanta xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal iyo sidoo kale isku xidhka danaha istaraatiijiga ah”, Elysée ayaa markaas carabka ku adkeysay.

Jabuuti waa jasiirad xasilloon oo qiimo leh oo ku taal gobol dhib badan. Waxay ka soo horjeedaa Yemen, kuna teedsan tahay Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb halkaasi oo ay qayb weyn oo ka mid ah maraakiibta ganacsiga adduunka ee isaga gudba Aasiya iyo Galbeedka.

Marka laga soo tago kirada saldhigga, Faransiisku waxa uu xaqiijiyaa ilaalinta hawada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii.

Wakaaladda Horumarinta ee Faransiiska ayaa dayactirkeeda iyo u beddelka matxaf ku tabarucday 25 milyan oo Euro.

Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, labada hoggaamiye waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan xaaladda kacsan ee gobolka iyo tan gudaha, laba sano kadib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, kaasi oo ay ku dhinteen dhowr boqol oo kun oo qof oo ku noolaa waqooyiga dalkaas.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga dhisayo saldhig Dayax-Gacmeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso xarun laga tuuro Dayax-Gacmeedka, taas oo uu hadda socdo dhismaheeda, waxaana ku howlan dowladda Turkiga oo kamid ah saaxibada ay leedahay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa xaqiijiyay in haatan gudaha dalka uu ka socdo mashruuc way oo lagu dhisayo saldhig laga gano Dayax-Gacmeedka, kaas oo ay ku bixi doonto bayaayiin dollar.

“Dalkeenna waxaa laga dhisayaa oo hadda ka socda saldhig Dayax-Gacmeedka laga tuuro, waana masharuux ay ku bixeyso dhowr bilyan oo dollar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhismaha saldhiggan ay faa’iidi wayn ugu jirto Soomaaliya, isla markaana laga heli doono aqoon iyo shaqo abuur, uuna sidoo kale kor u qaado magaca Sooomaaliya.

“Mashruucaan waxaa laga faa’iidi doonaan aqoon iyo shaqo, dhalinyaro badan ayaa wax ku baran doonta heshiiska waxaa kamid ah aqoonta Soomaalida in kor loo qaado” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha sii raaciyay “Aniga Soomaaliya ayaa Dayax-Gacmeed laga ganay oo hawada sare gaaray ayaa dhowr bilyan iiga qiimo badan”.

Soomaaliya ayaa indhawaanahan ku tallaabsaneyso horumaro waa wayn, haddii la hirgelinaya xaruntan waa tallaabo kale oo Soomaaliya wacdaro uga dhigi doonto fagaareyaasha caalamka.

Maxay tahay guusha ay SOOMAALIYA ka gaartay heshiiskii ANKARA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Ankara ku dhex-maray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo uu fududeeyay madaxweynaha dalka Turkiga.

Faysal Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya guul wayn oo diblumaasiyadeed ay ka gaartay heshiiska iyo halgankii ay  u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Ugu horreyn aqooyahanka ayaa shaaca ka qaaday in shirka ka dhacay magaalada Ankara uu daba socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.

”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay, islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo, shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu u  sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”. ayuu yiri Aqoonyahan Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen  Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Abiy oo markii hore diidanaa inuu ka laabto heshiiska uu ugu dambeyn ku qasbanaaday inuu dhowro madax banaanida Soomaaliya.

” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,” ayuu mar kale yiri Faysal Rooble.

 

Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Si kastaba, war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo meesha ka saareyso walaacii laga qabay inuu dhaqan-gelo heshiiskii lala galay Somaliland.

Aadan Madoobe oo ka jawaabay dalab uga yimid Laftagareen, kana degay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay dalab culus oo uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhaba, wuxuuna maanta ka degay garoonka magaaladaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa wafdigiisa qayb ka ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa ah ka qayb-galka xuska sanad guurada 6-aad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 19-ka bishaan December ka dhaceysa dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Laftagareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka.

Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeesaad badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka.

Si kastaba, Laftagareen ayaa kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod.

 

 

SOMALILAND oo guul wayn ka sheegatay dagaalka Ceerigaabo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka socda magaalada Ceeribaabo oo ay ciidamadooda kula jiraan kuwa SSC-Khaatumo, kaas oo qaatay maalmo badan.

Somaliland ayaa sheegtay in guul wayn ay ka gaartay dagaalka, waxayna hambalyo iyo boggaadin u dirtay ciidamadeeda dagaalka kula jira kuwa SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dagaalkii shalay dhacay jab culus lagu gaasiiyay ciidamada SSC, oo iyagu weerarka soo qaaday, sida lagu xusay warsaxaafadeedka,

Waxaa kale oo ay Somaliland shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay mar kasta heegan ugu jiraan is difaacid, haddii lasoo weeraro, ayna ka hortagi doonaan cadowgooda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Hargeysa-18-12-2024() Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo.

Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horuumar, Dumuqraadiyada iyo himilooyinka lagu xaqiinayo halka Qarankani higsanayo, balse Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland marnaba gorgortan ka gelimayso waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya Qarannimada, wada jirka Bulshada iyo amniga guud ee Dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo ku dhowaaqay go’aan farxad-geliyay reer MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii caasimada lga qaadi lahaa dhagaxaanta ku xiran waddooyinka, si loo fududeeyo isku socodka dadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray wasaaradda amniga gudaha iyo saraakiisha ciidamada inay fuliyaan amarkan, si shacabka looga hor leexiyo dhagaxaanta.

“Waxaan u sheegaya wasiirka amniga iyo laamaha ammaanka inay ka shaqeeyaan sidii dhagaxaanta weli taalla waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana la gaaray xiligii shacabka dhagaxaantaasi laga hor wareejin lahaa” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay bilicda caasimada, isaga oo maamulka cusub ee gobolka ugu baaqay inuu diirada saaro wax ka qabashada nadaafad xumada, la’iskulana xisaabtamo.

Hadalkan ku aadan furista jidadka ayaa ra’iisul wasaaruhu horay u sheegay marar badan, balse ma jirto wax iska beddalay, waxaana weli sababo amaan u xiran waddooyin badan.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso deganaasho amni, waxaana laga nastay qaraxyadii ka dhici jiray iyo weeraradii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka Gedo, oo mar kale laga dareemay dhaq-dhaqaaq ay ka waddo dowladda.

Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolkan, kadib digreeto uu soo saaray, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaqa dowladda.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo beddalaya Cabdullaahi Shimbir oo hadda ah guddoomiyaha gobolka, balse ka horyimid Axmed Madoobe, toosna ula safray dowladda dhexe.

Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda Gedo ka abaabuleyso dhaq-dhaqaaqo ciidan, si meesha looga saaro maamulka Axmed Madoobe.

Dowladda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maalmaha soo socda ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka, kuwaas oo bilaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrimahan ay kusoo beegmayaan kadib markii lagu kala baxay dagaalkii Raaskambooni oo ay ku adkaatay Jubbaland, kadib markii hal maalin lagu soo afjaray ciidamadii lagu daabulay halkaasi.

 

Waa kuma xildhibaanka u ololeynaya in Mareykanka uu aqoonsado Somaliland?

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.

Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.

Waa kumaa Scott Perry?

Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah.

Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia.

Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah.

Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka.

Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007.

Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin.

2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts.

Ku biiridiisii militariga

Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah.

2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah.

Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan.

Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen.

2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel.

Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Isha: BBC

Xog: Yaa ka dambeeyey dilka Jeneraalkii hoggaaminayay ciidanka Nukliyeerka Ruushka?

Moscow (Caasimada Online) – Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa Talaadadii lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed.

Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen.

Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.

Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine.

Isniintii, hay’adda Amniga ee Ukraine, ee SBU, ayaa furtay baaritaan dembi oo ka dhan ah, ayadoo ku eedeysay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay.

Sarkaal u hadlay SBU ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay weerarka.

Sarkaalka, oo codsadey in aan magaciisa la shaacin maadaama aanan loo ogoleyn in xaaladda uu ka hadlo, ayaa Kirillov ku tilmaamay “Dambiile dagaal iyo bartilmaameed sharci ah.”

SBU waxa ay sheegtay in ay diiwaangelisay in ka badan 4,800 oo jeer inta jeer ee Ruushku uu hubka kiimikada u adeegsaday goobaha dagaalka tan iyo markii uu sida buuxda u soo galay February 2022 Ukraine.

Bishii March, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay isticmaalka chloropicrin kaasoo loo adeegsadey ciidmada Ukraine. Gaaskan sunta ah ayaa markii ugu horreysay la adeegsadey dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Ruushka ayaa beeniyay in uu wax hub sun ah u adeegsaday Ukraine, waxana uu ku eedeeyay Kyiv in ay suntan iyadu u adeegsatay dagaalka.

Kirillov, oo qabtay shaqadiisa hadda 2017, wuxuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee eedeymahaas loo soo jeediyey.

Waxa uu qabtay warbixino badan oo uu ku eedeeyay millatariga Ukraine in ay adeegsadeen walxaha sunta ah oo ay qorsheynayaan in ay ku qaadaan weeraro walxo shucaac ah – sheegashooyinkaas ayey Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka isku fogeeyeen iyagoo ku tilmaamey dacaayad aan raad laheyn.

Bamkii loo adeegsaday weerarkii Talaadada ayaa ahaa mid laga hagaayey meel fog, sida ay sheegayaan wararka Ruushka ka imanaya.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay daaqado burburay iyo darbiyo gubtay.

Hay’adda ugu sareysa baarista ee Ruushka ayaa sheegtay inay baarayaan dhimashada Kirillov oo ay ku sheegeen kiis argagixiso, waxaana saraakiisha Moscow ay wacad ku mareen inay ciqaabi doonaan Ukraine.

Daawo: Xil-wareejinta duqa Muqdisho, Xamsa, Madaale iyo Amiir oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub, isagoo ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay.

“Guddoomiye Amiir ku soo dhawaaw u qidmaynta 4 malyan oo ku nool caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Madaale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Madaale uusan meel ka aadin bulshada Muqdisho oo uu ahaan doono marjac loo noqdo.

“Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, qorshaheygu waa in aan idiin adeego ee maahan in aan idinka adeegto, waxaa iga og’an in Muqdisho aan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Wuxuu sidoo kale balan-qaaday in dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir uu shaqo abuur u sameyn doono, sidoo kale wuxuu balan-qaaday in nadaafadda caasimadda uu wax badan ka bedeli doono.

“Sida Ra’iisul Wasaare Xamsa horay u sheegay siyaasadda iyo u qidmeynta shacabka Muqdisho waan ku cibaadeysa doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta, isagoo shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad aad u dulqaad badan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhulka danta guud oo dadku ay degan yihiin, isagoo sheegay in shaqada danta guud ay dowladdu dadka ku qasbeyso oo dheg aysan jalaq u sii doonin qeyladhaanta dadka diidan shaqada ka socota danta guud.

“Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga wareeji lahaa jidadka Muqdisho, amniga shaqo culus ayey dowladdu ka qabatay, wasiirka amniga waxaan farayaa caawa in dhagaxda laga wareejiyo jidadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hoos ka daawo

Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde.

Sheekh Muuse Cadde oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu maray qaliin lagu guuleystay, balse wuxuu u geeriyooday xanuunkii soo ritay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida,  Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” isagoo tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Sheekha ayaa kamid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuu ahaa caalim ku suntan u qidmeynta diinta Islaamka, wuxuuna kamid ahaa mashaa’ikhda la jecelyahay ‘hab gudbinta’m aqoontooda.

Sidoo kale Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday, wuxuu kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda oo la dagaalanta fikirka xag-jirka ah ee Khawaarijta.

Dhowr mar ayuu Sheekh Muuse Cadde yimid Muqdisho, isagoo dadka ku guubaabi jiray inay iska difaacaan oo ku jihaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhiigga islaamka baneystay.

Sidoo kale wuxuu ka soo qeyb geli jiray shirarkii waaweynaa ee culimada Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka jeedi jiray afkaaro cad oo muujinaya sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya laga xoreeyo Khawaarijta.

Sheekh Muuse Cadde wuxuu kamid ahaa culimadii Fatwootay magaca ‘Khawaarij’ oo lagu nisbeeyey Al-Shabaab, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha magacaas xun, sida ay cadeysay culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo Sheekha caawa geeriyooday u uku jiro.

Sawirro: DF oo caawa qabatay shir xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha ‘Muqdishada Cusub’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa caawa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabad weyn oo dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabineyso.

Shirkaan ayaa caawa lagu qorsheeyey Daahfurka Dhismaha Horumarinta ‘Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho’ oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishaan Diseembar 2024.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho loo beddeli doono xarun ganacsi oo heer caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan.

Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay shirkaan waxaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub.

Mashruucaan  oo ay hoggaamineyso wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa Khamiista soo socota munaasabad weyn oo ka dhacaysa Muqdisho.

Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana socda dhismayaal iyo dhaqaale kale oo siyaabo kala duwan loogu maalgashanayo magaalada.

Muqdishada Cusub waxaa lagu tilmaamay mashruuca ugu weyn dalka, waxaana laga hirgelinayaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo loo rari doono garoonka ugu weyn dalka.

Madaxweyne XASAN: In aan guri saddex dabaq-dhisto aniga ayay ii gaar tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan eedeymaha sida shaqsiga ah loogu jeediyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta dhulalka ee markasta lagu eedeeyo, wuxuuna sameeyay si difaacid wayn oo ku aadan hantidiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday inay isaga gaar ah u tahay inuu dhisto guri cariish ah ama dabaq dheer, taasina aysan shaqo ku lahayn dadka kale.

“Aniga in aan guri cariish ama mid sedax dabaq aan dhisto aniga ayay iigaar tahay, wax ka quseeyo majirto Hooyada Soomaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka bixiyay aragtiyo kala duwan.

Maxamuud Axmed “Madaxweynaha hantidiisa asiga ayaa iska leh wax walba ayuu ku samaysan karaa wax naga galay malah”.

Maxamed Fahad “Marka hooyooyinka iyo danyarta waad barakicineysaa, kadibna dabaqyo ayaa ka dul dhisanasaa miyaa?”.

Maryama Maxamuud Cabdullaahi “Madaxweyne sidaas hana yeelin shacabkaaga ayaa nahay”.

Xasan Cilmi “Wax aan dhaho garan maayo laakiin hadal masuul ma aha”