26.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

DF oo Muqdisho ka furtay shir ay qeyb yihiin maamullada & caalamka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo looga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka heshiis bulsho.

Shirkaan oo sidoo kale diirada lagu saarayo sare u qaadidda dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya oo hadda la qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay qasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS, qaar kamid ah xubnaha maaliyadda dowlad-goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha maaliyadda.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah xafiiska arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka iyo qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in dowlada federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajidka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado, si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.

Maxkamadda G/Banaadir oo waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe oo markii saddexaad 25-kii bishaan loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda.

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Waaranka soo qabasho ee maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe ayaa imanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Golaha wasiirrada ayaa markaas qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo u dirtay deegaanada maamulka Jubbaland, si looga hortago qorshaha Axmed Madoobe uu markale ku qabsaday xukunka, iyadoo laga deyrinayo in xiisadda isku rogto dagaal toos ah.

NISA oo ku raadjoogta nin qaraxyo soo geliyay Muqdisho + Sawirkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo magaca uu isticmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu isticmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah oo kasoo baxday hay’adda.

“NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsatay inay kusoo wargeliyaan haddii ay helaan xog ku saabsan ninkaan.

“Haddaba muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga si looga hortago dhagartiisa, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa horey usoo qabatay shabakado ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qeyb ka ahaa amni darrada magaalada Muqdisho, oo haatan kasoo reysaneysa arbushaadoo argagixisada.

Xog: Jubbaland oo ciidamo ku diyaarisay xadka Kenya iyo Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxaana ay isku rogtay dagaal toos ah, iyada oo labada dhinac ay shalay ku dagaalameen aagda deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar hoose oo soo baxayo ayaa haatan sheegaya in Jubbaland oo ka hortageyso duulaanka dowladda dhexe ay ciidamo badan ku diyaarsatay deegaamo ka tirsan xadka Kenya iyo Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan xiisadda soo korortay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaas oo loo dhammeystiray qalabkooda ay soo gaari doonaa  aagga degmada Badhaadhe oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhammaan ciidamada Jubbaland la geliyay heegan buuxa, waxayna u dhaqaaqeen deegaannada hoosyimaada Raas-gambooni iyo Kismaayo oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sheegtay inay la dagaalameyso wax ay ku sheegtay maleeshiyo beeleedyo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan inay usgu ballaariyaan gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kale oo jirta in ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland inay shalay isku dhiibeen dowladda, taas oo xaaladda kusii xumeyneyso Axmed Madoobe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hortimid dub u doorashada Axmed Madoobe ayaa dooneyso in gebi ahaanb lasoo afjaro maamulkiisa, si meesha looga saaro.

Xogta heshiis cusub oo kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub oo ku qotoma sahminta shidaalka la gashay dhiggeeda shirkadda Tamarta ee dalka Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi), si loo sii amba qaado qodista shidaalka.

Warbixinno kala duwan oo kasoo baxay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkuga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan cusub uu la xiriiro sahaminta kaarboon-carbon oo si wadajir ah u sameyn doonaan labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Sida uu wasiirku tilmaamay waxaa heshiiskan fulin doono quburo cilmi baaris oo diiradda saari doono gaaska iyo saliidda Soomaaliya.

“Heshiiskan, waxaan ku fulin doonnaa hawlgallo cilmi baaris oo saliid iyo gaas ah oo ku saabsan dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar.

Horay Muqdisho iyo Ankara ayaa u galay heshiis shidaal baaris ah oo beegsanaya keydka shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah.

Sidoo kale labada dowladood ayaa isku raacay in shidaal qodista si rasmi ah loo bilaabayo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka ee Alle ku maneystay, waxaana heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

Itoobiya oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda DF iyo JUBBALAND

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta gobolkaas ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen ciidamada Itoobiya, waxayna qaadeen tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay toos usoo faragelisay xiisadda taagan, waxayna bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ku taageerayso maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaaminta Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in xadka gobolka Gedo uu la leeyahay dhinaca Itoobiya ay kasoo gudbeen ciidamo wata gaadiidka gaashaaman, isla markaana aanu qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgallo bilaabay.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya mas’uuliyiintii gobolka ee taageersanaa Jubbaland diyaarad gaar ah lagu geeyey magaalada Godey oo ay hadda kula shirsan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah, waxayna kala hadlaan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka, kadib markii ciidamo dheeraad ay ku daabushay dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ayaa si weyn looga dareemayaa gobolka Gedo oo sidoo kale dowladda federaalka ay dooneyso inay isku ballaariso, waxayna ciidamo gaysay degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo, si ay qayb uga noqdaan howlgallada socda.

Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

BFS oo maanta go’aan ka gaaray guddiga doorashooyinka qaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaamka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha ee ay xalay soo magacaabeen golaha wasiirada Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga doorashooyinka, waxaana ogolaaday 169 Mudane, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Intaas kadib xubnaha guddiga doorashada oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa isla fadhiga maanta lagu dhaariyay, si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaaday.

Dhinaca kale, waxaa kulanka inta uu socday hareeyay buuq ay sameeyeen xildhibaannada qaar oo gacmaha iskula tegay, sida laga arki arko muuqaalo ka yimid baarlamaanka.

Xildhibaannada buuqa sameeyay ayaa u badan kuwa mucaaradka iyo xubno kale oo taabacsan maamulka Jubbaland, balse ugu dambeyn waa laga cod badiyay.

Guddiga la ansixiyay ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana xalay ku dhawaaqay golaha wasiirada oo kulan deg-deg ah ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tallaabadan ayaa kusoo aadayeysa, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, ayada oo qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Ciidamadii Jubbaland ee isku dhiibay DF oo la keenayo MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta magaalada Muqdisho keenti ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo shalay isku soo dhiibay ciidamada Xoogga ee la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay diyaarad u dirtay ciidamadaasi, si loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo soo dhoweyn loogu sameyn doono.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamadan la siin doono abaal-marin iyo xuquuqaad kale oo ay kamid yihiin mushaaraad iyo dalacsiin.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ciidamada kale ee Jubbaland ugu baaqday inay isaga soo tegaan halka ay joogaan, ayna isku soo dhiibaan dowladdooda.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda oo dhankooda hadlay ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka.

Balse waxay sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda.

Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn.

Arrintan ayaa salka ku hayso xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashada Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.

Si kastaba, dowladda dhexe ayaa hadda adeegsaneyso xeelad milatari, si loo soo afjaro maamulka Axmed Madoobe, waxaana ciidamo badan ay gaysay aagga Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay kulan deg-deg ah oo ay yeesheen ku ansixiyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Guddiga oo ka kooban 18 xubnood ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka  iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana sidoo kale loo gudbinayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si loo ansixiyo.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, ayada oo qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo diidan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada ay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabista guddiga qaran ee doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Cismaan Maxamed “Xagee ka hirgalee doorasha lagu muransanyahay cirka maa lagu qaban dhulka anaga ayaa joognee!?”.

Cabdinaasir Garweyne “Doorashada waa toos, waana qof iyo cod ninkii is hubaa shacabka Soomaaliyeed ha hor yimaado”.

Ciise Cabdullaahi “Dadkaan xagee laga soo aruurshay aan hal qof caan ka aheyn ma Raage Ceelle iyo Godey”.

Maxamed Cabdullaahi Xasan “Teendhadu waa lagama maarmaan bulshaduna idin fahantay adeer”.

Zakariye Cali Dayib “Hambalyo, waxaan u rajeynaa doorashada inay u qabtaan si hufan oo cadaalad ah”.

Cabdifitaax Macallin “Waan soo dhawaynaynaaa..Dalka dabarka ku xiran in Laga furo waa laga maarmaan”.

Cabdi Cali Maxamed ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Looma dhamo guddi ma noqon karaan”.

Mas’uulkii labaad oo dhabarka xijiyay Axmed Madoobe, lana saftay DF

0

Badhaadhe (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Maxamed Ibraahim Fanax ayaa noqday mas’uulkii labaad ee ka baxa garabka Axmed Madoobe, wuxuuna si toos ah ula saftay dowladda federaalka Soomaaliya.

Fanax oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada u dhow oo ay dowladda Soomaaliya gaysay ciidamo fara badan, wuxuuna sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidamadaasi, si ay u sugaan amniga, ugana hortegaan weerarada Shabaab.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in buuxaan booska ay banneeyn ciidamada howlgalka ATMIS oo faarujiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

“Aniga ayaa ka codsaday DFS in meelihii ay ka baxeen ATMIS in ay buuxiyaan ciidamada Xoogga dalka, wayna nooga jawaabeen,” ayuu yiri guddoomiye Fanax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Runtii waan ka xumahay ciidan markii hore loo waayay meelihii loogu talagalay in uu buuxiyo, hadane markii la helay wax buuxiyo in lasoo duulo”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Badhaadhe ay kamid tahay degmooyinka kale ee dalka ee ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada federaalka waxa ay joogaan gobolka Gedo, gobolka Jubbada Hoose, sida Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley, Badhaadhane waxay kamid tahay Soomaaliya” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiye Fanax waxaa ka horreeyay oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo isna toos ugu soo wareegay dhinaca dowladda, wuxuuna shalay isaga oo wata ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ka dagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Si kastaba, Jubbaland oo arrintan ka xumaatay ayaa xilalkii ka qaaday labada mas’uul, si ay uga jawaato tallaabada dowladda oo kal fur furis ku hayo maamulka Axmed Madoobe.

Aqriso: Liiska guddiga doorashooyinka dalka oo golaha wasiirrada ay ansixiyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo xalay mar kale yeeshay kulan aan caadi aheyn ayaa asixiyey Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha, kaasi oo ka kooban 18 xubnood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana loo gudbinayaa baarlamaanka, si loo ansixiyo, guddigaan ayaa masuul ka ah maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xukuumadda iyo liiska xubnaha guddiga:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka  iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8) Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil.

Maxay PUNTLAND ka tiri maxkamadeynta Axmed Madoobe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada Soomaaliya oo habeen kahor soo saaray qaraar ka dhan ah doorashada Jubbaland iyo go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa si weyn uga horyimid tallaabooyinka ay qaaday dowladda dhexe ee ka dhanka ah Jubbaland, sida ciidamada lagu daabulay maamulkaas iyo go’aanka golaha wasiirada.

Cabdifitaax Cabdinuur ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ku aadan maxkamadeynta Axmed Madoobe ay tahay kali-talisnimo iyo ku takrifal awoodeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankii shalay lagu soo daadiyay deegaano ka tirsan Jubbaland iyo go’aankii dowladda ee xalay kuna aadanaa in la maxkamadeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muujinaya hab dhaqan kaligii talisnimo iyo ku takrifal awoodeed.” ayuu yiri Cabdifutaax Cabdinuur.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin dalka, ayna dhalin karaan dagaal sokeeye oo saameyn ku yeesha geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

“Tallaabooyinkan ayaa khatar weyn ku ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda ee hadda socday, waxayna si fudud u sii hurin karaan xiisadda iyo colaadaha qabaa’ilka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa lagama maarmaan in dowladdu ay qaado tillaabooyin adag oo lagu soo celinayo rajada umada  isla markaana si firfircoon ay dowladu  kor ugu  qaado ka shaqeynta midnimada dalka iyo nabadda gobolka”.

Puntland ayaa horay u taageertay doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaase diidan dowladda dhexe oo sharci darro ku tilmaamtay, waxaana ay qaaday tallaabooyin ay uga hortegayo maamulkaasi.

Israel iyo Xisbullah oo gaaray heshiis buuxa

0

Beyruut (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xisbullah ayaa Talaadadi shalay gaaray heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska, ayaa waddada u xaaraya dhammaadka colaaddi ka gaagneyd xadka Isra’il iyo Lubnan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaniis, tan iyo sannadki hore.

Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib marki ay golaha wasiirrada Isra’il dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta.
Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najiib Miiqaati.

Sida heshiiska ku cad, dagaalka ayaa dhamaaday saakay afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda muddo 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil si loo hubiyo buu yiri in Xisbullah aysan dib u dhisin kaabayaasheeda aaggaasi.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay heshiiska ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in heshiiska uu ku yimid dadaallo muddo bilo ah socday oo ay wadeen madaxda Isra’il iyo Lubnan oo kaashanaya Mareykanka.

Madaale oo Haweenka Muqdisho jooga ka mamnuucay mootooyinka qaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho in haweenku ay gadaal ka raacaan mootooyinka labada lugood leh ee FECON-ta loo yaqaan.

Duqa Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah oo dadweyne badan la isugu keenay uga dhawaaqay go’aanka haweenka looga mamnuucay inay mootoyinka gadaal ka fuulaan.

“Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceysa, hadii la arko gabadhana waa xarig, mootadana waa lala wareegayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha oo maanta ka qeyb galay isku soo bax lagu taageeray xeerarkii doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay in ay wdaan howlo aan sax aheyn oo Muqdisho aan looga baahneyn.

“Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka iyo heesaha keenaya, kuwaasna waa mamnuuc,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha gobolka wuxuu kaloo u digay Telefishinada qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan fasahaadka Muqdisho laga bilaabay, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu maamulka gobolku u mamnuucay isticmaalka shiishada iyo Taanbuuga.

Habeeno ka hor bartamaha degmada Hodan ayaa lagu qabtay barnaamij faneed aad loo soo camiray oo loogu magac daray Hodan iyo Heello, waxaana arrintaas maanta mamnuucay guddoomiye Madaale uu uga digay degmooyinka kale.

Banaanbaxa uu maanta Madaale ka sheegay hadalkaan ayaa lagu taageerayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaa lagu isugu yimid fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidankii Jubaland oo isku dhiibay DF – Maxaa ka socda Raaskambooni?

0

Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay maanta isku dhiibeen ciidankii shalay laga degiyey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka Jubbaland ay ku biireen hawlaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ka wadaan degaanka Raaskambooni.

“Ciidanka Qalabka Sida ee shaley gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warkaan goordhow ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/Dhexe Xasan Ciraaqi oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa ciidanka u sheegay in Jubbaland aysan duulaan ku aheyn, balse waajib qaran oo saaran ay gudanayaan qurshuhuna uu yahay in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigaan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka.

Balse waxay sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda.

Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn.

Axmed Madoobe oo markii 3-aad shalay ku soo baxay doorasho u dhacday sidii uu uga soo shaqeeyey ayaa markaan wajahaya xaaladii ugu adkeed, waxaana Jubbaland lagu harqiyey ciidamada xoogga dalka.

Maanta waxaa ciidamo kale laga dejiyey Garbahaarey iyo Beledxaawo, sidoo kale Haramcad ayaa qeyb ka ah ciidanka loo daabulayo Jubbaland, inkastoo ciidamada Jubbaland la sheegay in aysan dagaal la geleyn ciidanka xoogga, hadana Axmed Madoobe ayaa tuutihiisa xirtay, waxaana la sheegay in uu is difaacayo.

FARMAAJO oo aag culus uga baxay siyaasiyiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa illaa hadda aan ka hadlin dib u doorashada hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay inta badan u hambalyeeyeen xubnaha kale ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay xubnaha kale ee mucaaradka ee garab istaagay Axmed Madoobe, waxayna muujineysaa kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhexeeya isaga iyo mucaaradka.

Go’aanka uu Farmaajo uga aamusay doorashada Jubbaland ayaa sidoo kale muujinayo in xiriirka kala dhexeeya mucaaradka uu aad u hooseeyo, waxayna arrintaas soo bandhigeysaa in xiriirkooda aanu ku dhisneyn kalsoonid buuxda.

Sidoo kale mowqifka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Jubbaland ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed ee mucaaradka, Iyadoo horay loo ogaa in madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas mucaarad ahaa uu taageeray doorashadii Axmed Madoobe ee 2019-kii.

Farmaajo ayaa illaa iyo hadda waxa ay si weyn isugu dhacsan yihiin Axmed Madoobe oo ay ku dagaalameen doorashadii hore ee Jubbaland oo gaartay heer gobolka Gedo u ka gooyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata in illaa iyo hadda uu Farmaajo sidiisa ugu taagan yahay mowqifkiisa.

Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaamiyaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay durbadii u hambalyeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.

Sawirro: Xukuumadda XAMZA oo u yeertay 135-ta oday ee soo dhisay DF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ee wax kasoo dhisay dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Xoosh ayaa odayaasha ku martigeliyey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, halkaas oo ay ku yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlay doorashooyinka dalka.

Ugu horreyn wasiirka ayaa odeyaasha dhaqanka warbixin guud ka siiyey ka siiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu ka taagan yahay muran xoogan.

Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha uu la kulmay la wadaagay illaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday iyo xeerarka muhiimka ah ee la ansixiyay sida;

(1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha
(2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda  si weyn u taageeray xeerarkaas ee uu Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Ugu dambeyn dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.

Dagaal culus oo ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolkaasi uu ka qarxay aagga deegaanka Raaskambooni.

Dagaalka ayaa salka ku hayo xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale shalay lagu doortay Kismaayo, laakiin waxaa dib u doorashadiisa diiday dowladda dhexe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta ee maamulkaasi.

“Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka  Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe  kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd  ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa  iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta  amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland”.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya ay haatan go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in laga hortayo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, kadib markii ay sharci darro ku tilmaamtay dib u doorashadiisa, waxaana xalay golaha wasiirada ay soo saareen go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.

Guddoomiyihii gobolka Gedo ee la saftay DF oo gaaray Garbahaarey + Video

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullahi Jaamac Shimbir oo indhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay gobolkaasi, isaga oo ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Shimbir ayaa si buuxda u garab istaagay dowladda Soomaaliya, waxaana markii uu tegay Garbahaarey uu la hadlay shacabkii soo dhaweeyay oo uu mahadceliyay.

Intaas kadib guddoomiyaha ayaa farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka, wuxuuna sheegay inay jirin meel dhexe oo la istaago, sidaas darteedna wuxuu u qabtay in mudd 48 saac ay ku caddeeyaan mowqifkooda ku aadan khilaafka dowladda iyo Jubbaland.

“Waxaan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhoweeyay degmada Garbahaarey, waxaan rabaa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ay 48 saac ku cadeeyaan mowqifkooda.” ayuu yidi guddoomiye Cabdullahi Shimbir.

Sidoo kale waxaa Garbahaarey la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lasoo wariyay inay la wareegeen amniga garoonka iyo xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa toos uga baxay garabka Axmed Madoobe, waxaana Jubbaland ay xalay Jubbaland shaacisay inay xilka ka qaaday Shimbir, kadib markii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ay ku eedeysay inuu leexday deeq loogu talagalay reer Gedo.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana xalay qaraar ka dhan ah doorashadii Jubbaland soo saaray golaha wasiirada oo Garyaqaanka guud faray inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, si loo maxkamadeeyo.

Tallaabadan waxaa kasii horreyso mid kale oo ay milatari oo ay dowladdu qaaday, kadib markii ciidamo badan ay shalay ku daabushay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Xaggee ayuu ku dambeyn doona khilaafka kasii daraya ee DF iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho gaar ah.

Doorashadan oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa markale madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, taasi oo horey loo sii ogaa, maadaama uu asaga qaban-qaabsaday doorashada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay doorashooyinka ka dhacay maamulka Jubbaland iyo dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay “sharci darro”.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

Haddaba, Xaggee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafkan?

Maxamed Mukhtar oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkan oo salka ku haya awoodda labada heer dowladeed, uu ku dambeyn doono sida muuqata in lagu soo laabto waddadii hore.

“Axmed Madoobe inuu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo, balse waxaan filayaa in muddo la kala taagnaan doono marka dambana la isku khasbanaan doono oo la wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada-shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan oo kale uu hakad galinayo wada-shaqeyntii dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sababeysa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha.

“Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah.”