25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Xaggee ayuu ku dambeyn doona khilaafka kasii daraya ee DF iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho gaar ah.

Doorashadan oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa markale madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, taasi oo horey loo sii ogaa, maadaama uu asaga qaban-qaabsaday doorashada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay doorashooyinka ka dhacay maamulka Jubbaland iyo dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay “sharci darro”.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

Haddaba, Xaggee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafkan?

Maxamed Mukhtar oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkan oo salka ku haya awoodda labada heer dowladeed, uu ku dambeyn doono sida muuqata in lagu soo laabto waddadii hore.

“Axmed Madoobe inuu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo, balse waxaan filayaa in muddo la kala taagnaan doono marka dambana la isku khasbanaan doono oo la wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada-shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan oo kale uu hakad galinayo wada-shaqeyntii dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sababeysa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha.

“Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah.”

Maxaa maanta ka socda magaalada MUQDISHO? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay doorashadii Kismaayo ka dhacday.

Banaanbaxan oo uu qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa boqolaalka shacab ee isugu soo baxay caasimada kala qeyb-galay banaan-baxa lagu taageerayo hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay.

“Shacabka isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal uu maamulka gobolka Banaadir kasoo saaray banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod, si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto.

Sidoo kale waxaa isku soo baxa maanta goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda ururada dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada caasimadda.

Si kastaba, hanaanka doorasho qof iyo cod ee sida weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya diidmo culus, kadib markii ay ka horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo iyagu u arka in madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi sharci darro ah.

default

Tallaabada ay DF qaaday kadib doorashada A/Madoobe oo dhalisay falcelin xooggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay dib u doorashada Axmed Madoobe, ayadoo xalay shir deg-deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ay garyaqaanka guud ee dowladda ku fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka xalay soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay illaa saddex qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dadka ka fal-celiyay ay ku kala aragti duwanayeen, oo qaarkood ay soo dhaweeyeen in lasoo xiro Axmed Madoobe, halka kuwa kalena u arkaan in go’aankan uu sii fogeynayo xalka xiisadda taagan.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ismaaciil Axmed Maxamed: “Axmad Madoobe ha lasoo xiro, Jubbaland shaqsi uma afduubnaan karto. Madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan asagaa masuul ka ah.”

Yusra Cali ayaa tiri “Waa intii Farmaajo sheegi jiray un baad noo sheegtreb wax kale la imaada, Jubbaland State iyadaa xor u ah dastuurkiisa iyo doorashadooda.”

“2019 iyo 2024 isku ekaaa, Xasanow shalay ayay talo kula gudbooneyd markad sharci darada u sacab tumaysay adoo ku xumeeenaya Farmaajo,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Ismaaciil.

Maxamed Deeq: “Been bad isu shegaysan Axmed Madoobe Kismaayo jooga soo xira hada wax haysaan.”

Xiis Mawliid ayaa sidoo kale wuxuu yiri “War umadiina ha u horseedina dhiig daata iyo dhibaato qas iyo qalaase horay qayrkeen inooga reebay.”

Cabdullaahi Axmed Xasan: “Bahasha yaan laga dhigin Hawiye iyo Daarood hadeey dhawdahay meel aysan kasoo noqon karin yaan la gaarsiin hala isku tanaasulo.”

“Sharci daro sharci daro loo cuskanayo, heshiiska doorashooyinka ay xukuumada cuskatay yaa ku heshiiyay oo isku raacsan, waxaa kaga daran xataa madaxweynaha ma saxiixin. Hal bowli ah nirig xalal ma dhasho,” ayuu yiri Aadam Maxamed Yuusuf.

Cumar Cali: “Axmed Madoobe way ka hoos baxdey markii hore inuu saxiixo ma aheyn. Inuu ka fikiro doorashadiisa so socota aheyd waqtigii Deni ka maqnaa sharciga cusub.”

Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayuu sidoo kale yiri “Qodobka ah in aan hogaamiyaha la dooran karin labo mudo xileed wax ka badan hada dastuurka federaalka waa la badalay oo Xasan Sheekh waxaa uu rabaa in uu mar saddexaad dorashada isku soo taago Axmed Madoobe-na waxay na leeyihiin ma la dooran karo.”

“Inaad gobolka Gedo ciidan gaysaan bay aheyd oo Ethiopia wajahdaan hadaa tabar haysaan,” ayuu yiri Cabdiqafaar Sheekh Ibraahim.

Khaliif Cabdull Khaliif: “Mudane qodobadan aad tirinaysay waxay dhaqan-gali lahayeen 2026. Waxba kama quseyan sanadkan khaladadka aad galaysan waxaad jeebkiina kala so baxdeen ayaad inoo soo tabinaysaan.”

FIQI oo ka digay arrin uga sii dareysa isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay in la iska indho tiro sharciyada QM, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga, kuwaas oo sii hurin kara xiisadda gobolka haddii aan lagu dhaqmin.

Fiqi oo ka qeyb-galay shirkii 8-aad ee madasha aragti-wadaagga machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo shalay ka furmay Jabuuti ayaa isdul-taagay xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya iyo sida ay iskaga indho tirtay shuruucda caalamiga.

“Haddii sharciyada UN, AU iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqan-geliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda;wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xad-gudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Abbaba ee dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro kadibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Mar uu madaxweynaheena ka qeyb-galayay shir ka dhacay xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xad-gudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga madaxweyne Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Shirka madasha aragti-wadaagga machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayo xooojinta xasilloonida gobolka, gaar ahaaj muhiimadda u hoggaansanaanta iskaashi ku salaysan shuruucda, ganacsiga, iyo nabadda Geeska Afrika.

Madashan ayaa inta ay socota waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.

DENI oo baaq soo saaray kadib doorashadii ka dhacday Kismaayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyey Axmed Madoobe oo markii saddexaad doorasho uu qabsaday kusoo baxay, taas oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka Jubbaland iyo shacabkaba in la ilaaliyo, islamarkaana laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida maamulka Jubbaland, oo haatan ka taagan tahay xiisad xooggan.

“Waxaan u hambalyeeynaynaa madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubaland,” ayuu yiri Saciide Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.”

Deni ayaa kula dardaarmay Axmed Madoobe oo shalay markale kusoo baxay doorashadii uu qabsaday in wixii kala aragti duwanaansho ah uu ku xaliyo wada-hadal iyo jawi nabdoon.

“Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa dowladda Jubaland iyo shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Deni.

Axmed Madoobe ayaa shalay markii saddexaad loo doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland ee isna dhawaan la doortay.

Ninkan ayaa ku guuleystay saddex meelood labo meel oo ah aqlabiyada baarlamaanka Jubbaland, iyadoo soo bixistiisa lasii ogaa, maadaama uu asaga qabsaday doorashadaan, oo si adag u diiday dowladda dhexe.

Xogta dil argagax leh oo ka dhacay ISTANBUL

0

Istanbul (Caasimada Online) – Nin 33 jir Turkish ah ayaa ku dilay magaalada Istanbul toddoba qof, oo ay ku jiraan waalidkiis, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa.

Ninkan ayaa dilka geystay ka hor inta uusan is-dilin, sida ay mas’uuliyiinta laamaha amnigu sheegeen Isniintii shalay aheyd.

Ninkan oo meydkiisa laga helay gaarigiisa wax yar kadib markii uu toogashada sameeyey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhaawacay laba qof oo kale oo qoys kale ka tirsan, oo mid kamid ah uu dhaawaciisu culus yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska barasaabka Istanbul.

Mas’uuliyiinta oo tirada dhimashada ku sheegay afar, ayaa shalay ku dhawaaqay in meel u dhow haro ku taalla xeebta Istanbul ee qeybta Yurub laga helay meydka xaaskiisa iyo wiil uu dhalay iyo sidoo kale meydka soddohdiis.

Sida laga soo xigtay hay’adda Small Arms Survey (SAS), oo ah hay’ad cilmi-baaris dhanka hubka yaryar ah, in ka badan 13.2 milyan oo hub ah ayaa dhex socda Turkiga.

Hubkan ayaa intooda badan si sharci darro ah lagu haystaa, halka shacabka dalkaasi ay gaarayaan illaa 85 milyan.

Xog: Qorshaha ay DF ka damacsan tahay ciidanka ay ku daabuleyso Jubaland

0

Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe culus oo Jubbaland ay uga fara-maroojineyso Axmed Madoobe, iyadoo aan u bareerin dagaal toos ah.

Toddoba diyaaradood oo ciidamo Gorgor iyo Haramcad ah sida ayaa shalay laga dejiyey Raaskambooni, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey oo warbaahinta la hadlay saraakiil ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo isku dhiibay dowladda federaalka.

Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor G/Dhexe Xasan Ciraaqi oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Raaskambooni ayaa cadeeyey in halkaas ay u tageen xoreynta deegaanada ay Khawaarijtu joogto iyo inay amniga deegaanada xorta ah kala wareegaan Ciidanka ATMIS oo dalka isaga baxaya.

Sida ay ilo xog ogaal ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, dowladda federaalka ayaa qorsheyneysa inay maanta ciidamo kale ka dejiso gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegaya gacan ku heynta deegaanada xorta ah iyo kuwa ay Shabaab heystaan.

Dhanka Afmadow, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka wada kala furfurka ciidamada Jubbaland, waxaana la qorsheeyey in Axmed Madoobe laga qabsado dhamaan degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland oo loo reebo Kismaayo oo kaliya.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in markii la gaaro waqtiga ay ugu tala gashay doorashada in qof iyo cod laga qabto deegaanada dhan, iyadoo Kismaayo loo dhaafayo Axmed Madoobe, hadii aysan wax is bedelin.

Dowladda ayaa sidoo kale berri direysa diyaarado waaweyn oo qaadaya gaadiidka dagaalka, rasaas iyo sahayda ciidanka, kuwaas oo ka degi doona Gedo iyo Jubbada Hoose, gaar ahaan Raaskambooni oo hadda ay ciidanku gacanta ku hayaan.

Dhanka Jubbaland waxaa lasoo werinayaa in Axmed Madoobe diray ciidan Daraawiish ah, kuwaas oo shalay ka baxay Buuloxaaji iyo deegaano kale, waxaa la faray inay ka hor tagaan qorshaha dowladda federaalka, waxaana suurtagal ah inay dagaalamaan.

Daawo: Xukuumada Xamza oo soo saartay qaraar lagu maxkamadeynayo A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg deg ah ayaa go’aan adag ka soo saareen is doorashada Axmed Madoobe, waxaana Garqyaqaanka guud ee dowladda la faray inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka caawa soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay ilaa seddax qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu cadeeyey in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Axmed Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

“Golaha Wasiirrada waxa uu farayaa Garqayaanka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya inuu si deg deg ah uga howlgalo horgeynta maxkamadda sare ee dalka dacwad lid ku ah dhamaan talaabooyinka aan xeerar doorashooyinka dalka ee Axmed Madoobe uu qaaday,” ayaa lagu yiri qaraarka caawa ka soo baxay xukuumadda.

Qaraarkaan ayaa caawa dhaqan-galay waxaana u codeeyey dhamaan golaha wasiirrada, halka Ra’iisul Wasaare oo shir guddoominayey kulankaan deg degga ah uu saxiixay, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda.

Hoos ka daawo qodobada qaraarka

Fahad Yaasiin oo si yaab leh uga hadlay ciidamada ay DF ka dejisay Jubaland

0

Raaskambooni (Caasimada Online) –Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa war ka soo saaray ciidanka ay dowladda federaalku maanta ka dejisay degaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo hambalyeeyey qorshaha socda.

“Waxaan boogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta gutay waajibkooda qarannimo ee ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo la wareegidda amniga soohdimaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa dowladda Kenya ku amaanay inay la shaqeyso dowladda federaalka, isla markaana iskaashiga amniga labada dal ay toos uga wada xiriiraan labada dowladood.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Kenya inay wada shaqayn buuxda la yeelato Dowladda Federaalka, ayna iyada si toos ah ugala macaamisho arrimaha la xiriira amniga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Fahad markii uu ahaa Taliyaha NISA ayaa sidaan oo kale loo weeraray Axmed Madoobe, si looga tuuro xukunka, balse ma dhicin oo weli Axmed Madoobe waa hoggaamiyaa Jubbaland.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta laga dejiyey Raaskambooni, si ay ula wareegaan deegaanada Jubbaland, waxaana taagan xiisad culus.

Axmed Madoobe ayaa ciidan ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ka diray aagga deegaanka Buuloxaaji, waxaana caawa la isku horfadhiyaa aagga deegaanka Raaskambooni, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah.

Raaskambooni waa deegaan in ka badan 200 oo KM koonfur ka xiga Kismaayo, waa magaalo xeebeed ay dowladda isku dhiibeen ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa, balse inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Raaskambooni waxaa jooga Al-Shabaab.

Sawirro: DF oo war culus ka soo saartay qorshaheeda xakameynta hubka iyo rasaasta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

Wasiirka Amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo shirka furay ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney xoogga saarayso sidii loo xakameyn lahaa isticmaalka hubka iyo rasaasta.

Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqey iney ka mid tahay mowduucaan kuwa ugu horeeya ee u degsan dowladda Soomaaliya.

‘’Si looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyada oo la isticmaalayo tiknoloojiyadda casriga ah’’ ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Sidoo kale Wasiirka Amniga gudaha ayaa sheegay inta uu socdo shirkan iney kaga hadli doonaan waxyaabihii sannadkaan dhammaadka ah uga qabsoomey arrimaha maareynta hubka iyo rasaasta.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay iney sidoo kale doodo ka geli doonaan sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci daradda ah ee qeybo ka mid ah xaduudaha dalka lasoo dhaafsiiyo.

Ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan oo shirka ka hadlay ayaa muujiyey siday ay xafiis ahaan uga go’an tahay xaqiijinta la-dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta.

‘’Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta shirka looga hadlay waxaa ka mid ah;

qiimeynta qorshaha Qaran ee sannadlaha kaas oo aan ka fiirinay guulaha ay Dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomay,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Sababta ka dambeysa in mucaaradka maraan dhanka AXMED MADOOBE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn u garab istaagay Axmed Madoobe kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si gooni-gooni u hambalyeeyay Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qabsaday doorasho uu maamulkeeda leeyahay, iyadoo ugu dambeyn uu maanta meel-marsaday damiciisa ku soo laabashada hoggaanka Jubbaland.

Haddaba, maxay tahay sababta ka dambeysa in mucaaradka maraan dhanka Axmed Madoobe?

Axmed Madoobe ayey haatan si weyn isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu doonayo in dalka ka hirgeliyo nidaamka doorasho qof iyo cod, oo si weyn u diidan yihiin madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hanaanka doorasho qof iyo cod ayuu mucaaradka Xasan Sheekh u arkaa in madaxweynaha Soomaaliya uu ka damacsan yahay muddo kororsi sharci darro ah, iyadoo hirgelintiisana ay maamullada qaar siisay muddo xileed aan sharci aheyn.

Madaxdii hore iyo mucaaradka ayaa u arka in doorashada madaxweyne Axmed Madoobe ay soo afmeerayso rajada muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa diiday inuu qaato muddo kordhin, si maamulka Jubbaland iyo guud ahaan dalka looga qabto doorasho qof iyo cod oo uu si weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnaha mucaaradka ayaa haatan madaxda dowladda federaalka uga digay in ay ciidanka xoogga dalka u adeegsato dano siyaasadeed, iyagoo dib u xusuusiyay in ay waali tahay ku cel-celinta ficillo isku mid ah, oo laga filayo natiijo hor leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayey ugu baaqeen in uusan xaaladda uga sii darin, muddada kooban ee ka harsan xilkiisana kaga faa’iidaysto baadi-goobka midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mucaaradka ayaa raba hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, xilligeedana ku qabsoonta, islamarkaana uu qayb-galkeeda ballaaran yahay, oo halisna ku ahayn amniga, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Taliyaha ciidanka Jubbaland ee GEDO oo ka bad-baaday isku-day dil + Video

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo Janaraal Cabaas Ibraahim Gurey ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax culus oo gelinkii dambe ee shalay lagula eegtay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab uu haleelyay gaarigiisa, balse uu ka bad-baaday, islamarkaana aanay waxyeelo kasoo gaarin miinada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka qaraxa uu ahaa in isaga lagu khaarijiyo, isla markaana qaybta uu fadhiyay lagu soo aadiyay, balse uu Alle ka bad-baadiyay.

“Gudaha dowladda aan dariska nahay ee Kenya kooxdii arxanka darneyd ee baneysatay dhiiga iyo hantida muslimka waxay nala eegteen qaraxa oo ay ku dhufteen baabuurkii aan anigu waday Alxm waxba Ilaahey naguma yeelin, kaliya baabuurka ayay naga garaafeeyeen” ayuu yiri Janaraal Cabaas Ibraahim Gureey.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wax naxariis aysan ka dhexeyn iyaga iyo Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka adag ee ay kula jiraan.

“Waa noolnahay waxbana nama gaarin anaga iyo Shabaab waxaa noo dhexeeyo dagaal hana cafina idina ma cafineynee” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Horay ayaa Al-Shabaab qaraxyo noocaan oo kale ah uga fulisay Gedo waxaana mid kamid ah lagu dilay taliyihii hore ee Nabad-sugidda ee gobolkaasi, Bakaal Kooke.

Gedo ayaa waxaa weli ku xoogan Al-Shabaab, waxaana dhinaca kale howlgallo ka wada ciidamada dowladda, daraawiishta Jubbaland iyo sidoo kale ciidamada Itoobiya.

Muxuu Xasan Cali Kheyre ka yiri dib u doorashada Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa hambalyeeyey Axmed Madoobe.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu kasoo saaray doorashada maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay Axmed Madoobe in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo xasilloonida maamulka Jubbaland.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ay ciidankii qaranka ku sii daad-gureynayaan maamulka Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka.

“Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Doorashada Jubbaland waxa ay jid iyo jiho u yeelaysaa doorashooyinka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray.”

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxda dowlad-goboleedyada Galmumug, Koonfur-Galbeed, iyo HirShabelle ugu baaqay in ay deg-deg u qabtaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada, si waafaqsan dastuurka dalka iyo dolwad-goboleedyada.

Axmed Madoobe oo guushiisa kadib weerar ku qaaday Xasan iyo Xamza

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta mar kale dib loo doortay ayaa ka hadlay guushiisa iyo arrimo ku aadan khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Ugu hooreyn Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo kaliya uu Jubbaland madaxweyne ka yahay maanta kadibna aanay jirin dooni cid kale oo sheegan karta.

“Xasan Sheekh Jubaland ayuu Xasuusinayaa wixii uu ku sameeyey 2013-kii,Aniga ayaa madaxweyne ka ah Jubaland cid kale oo sheegan karto majirto Wada hadal oo kaliya ayaana Ogolahay,” ayuu yiri madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan oranayaa madaxweyne Xasan Sheekh taariikhda dib ha u celin dadkii reer Jubbaland way bogsadeen wixiiay horay usoo mareen”.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo tilmaamay in dagaal aanay waxba uga qaadi karin.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa si gaar ah ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo maamulkaasi, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in loo adeegsado deegaankiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddaba madaxweynow waxaa nasiib darro ah wiilka shalay aan xildhibaanka siinay ee ra’iisul wasaaraha noqday maanta inuu noqdo cidda loo adeegsanyo Jubbaland burburinteeda waa nasiib darro,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo si weyn ay dowladda dhexe u diidan tahay dib u doorashada Axmed Madoobe, iyada oo horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulkiisa.

SHARIIF oo Axmed Madoobe ku bogaadiyay wixii maanta ka dhacay Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn usoo dhaweeyay dib u doorashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta Kismaayo ku qabsaday doorasho ay diidan tahay dowladda dhexe.

Doorashada Jubbaland ka dhacday maanta ayaa wuxuu ku tilmaamay mid meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada aheyd ee madaxda dowladda federaalka ku cadaadinayeen dowlad goboleedyadda dalka.

“Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo dowlad-goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu soo saaray goordhoweyd.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.”

Shariif ayaa sidoo kale wuxuu uga digay madaxda dowladda federaalka in ciidamada qaranka loo adeegsado danno siyaasadeed, islamarkaana laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqal-galinta deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha Jubbaland usoo jeediyay in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran.

Axmed Madoobe ayaa maanta markii saddexaad loo doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho saaka ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Ninkan ayaa ku guuleystay saddex meelood labo meel oo ah aqlabiyada baarlamaanka Jubbaland, iyadoo soo bixistiisa lasii ogaa, maadaama uu asaga qabsaday doorashadaan, oo si adag u diiday dowladda dhexe.

Xog: DF oo ciidamo ka dajisay deegaan u dhow magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo milatari oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, waxayna ciidamo dheeraad ka dajisay gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay, Caasimada Online illaa laba diyaaradood oo sida ciidamo fara badan iyo hubkooda ayaa maanta laga dajiyay gudaha deegaanka Raaskambooni oo u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha ay saaka ku dageen garoon uu horay qaadka uga dagi jiray oo ku yaalla halkaasi, waxayna isla markiiba bilaabeen dhaq-dhaqaaq culus.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay qorsheyneyso in diyaarado kale oo ciidamo sida ay u dirto dhinaca Jubbaland, waxaana ujeedka uu yahay inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe  oo ay hadda is hayaan dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta Kismaayo ay ka dhacday doorashada Jubbaland, waxaana markii saddexaaad dib loogu doortay Axmed Madoobe, kaas oo ay doorashadiisu diidan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, kuwaas oo malxiis uun u ahaa Axmed Madoobe.

Si kastaba, dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubbaland, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, kuwaas oo malxiis uun u ahaa Axmed Madoobe.

Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay hoolka doorashada ayaa u mahadceliyay xildhibaannada doortay, wuxuuna ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay aqoonsiga dowladda federaalka ayaa waxa uu tilmaamay in aanay waxba uga baahneyn dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogtay doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.

Xogta dagaal culus oo Al-Shabaab iyo ciidamada DF ku dhex-maray Sh/Hoose

0

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shababa oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib arkii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14 Oktoobar ay ku leeyihiin deegaannada Janaale iyo Buufow Bacaad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, walow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnihii duulaanka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in khasaare culus dagaalkan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, welina ay sii wadaan howlgallo baacsi ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo weli baaritaano kasii wada halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla Shabeelaha Hoose.

Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay inuu ku laabanayo Muqdisho, lana heshiinayo DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay hadal ka jeediyey Kismaayo ayaa balan-qaaday in wadahadalkii dowladda federaalka uu dib ugu laaba doono hadii berri mar kale loo doorto Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa balan-qaadkaan ka hor jeediyey baarlamaankii uu dhowaan soo dhisay, isagoo ka codsaday inay berri doortaan, isagoo u sharaxay sida uu qorsheynayo in uu dib ugu soo celiyo wadashaqayntii ay Jubbaland la lehayd dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa jira qodobo aan isku haynay, laakiin waxaan diyaar u nahay hadii aad i doorataan mudane gudoomiye iyo xildhibaano, inaan isku dayayo bal inaan dowladda federaalka ka wadashaqayno oo dib ugu soo noqono miis wadahadal,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa 10-kii bishan November waxa ay sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay doorashadaan.

Waxaa shalaymagaalada Kismaayo ka bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta shalay is-diiwaangeliyay oo gaaraya 4 musharrax oo kala ah:

1- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),
2- Faysal Maxamed Mataan,
3- Abubakar Cabdi Xasan,
4- Dr. Cabdi Xasan Xajiin.

Musharaxiintan ayaa hortegay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland, waxayna u soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed, iyagoo ka codsaday inay doortaan.

Musharixiinta is-diiwaangeliyay waxaa ugu cad madaxweynaha hadda talada haya Axmed Madoobe oo shalay qaatay shahaadada, kaas oo doonaya in markii 3-aad uu sii hoggaamiyo maamulka, wuxuuna ballan qaaday inuu dhameystiri dooni shaqada u taalla, wadashaqeyntii dowlada dhexana ee soo celinayo.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe oo doonaya in mar kale uu sii hoggaamiyo maamulkaas, isagoo diidmo culus kala kulmaya dowladda federaalka.

Maxaan kala kulmay Muqdisho?

November 6, 2024 ayaan gaaray Muqdisho oo aan moogaa laba sano iyo bar. Waxaan u tagey in aan ka qaybgalo Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho. Bandhiggaan oo ahaa midkii 8aad ee caasimaddeenna ka dhaco, ayaan markii koowaad ka qaybgalay. Waxaan halkaas la tagey buuggayga aan weli gu’ jirsan ee Halgankii Gunnimadoonka. 

Wuxuu ahaa safar macna weyn ii lahaa. Casuumaadda, madasha, maqaamka iyo miisaanka dadka aan halkaas kula kulmay ayaa dhammaan igu cusbaa. Munaasabaddu waxa ay socotay laba cisho.

Waxaa raacay maalin kale oo soo xirid ah. Waxay se ahayd mid ka miisaan iyo mug weyn inta noo muuqatay. Hoos waxa aan ku soo koobayaa muhiimadda munaasabaddu noo lahayd iyo wixii ii baxay intii aan Xamar joogay. 

Muqdisho Book Faire (MBF)

Dunida caadiga ah waxaa ka jira wadiiqooyin badan oo qoraaga saacida. Markii uu buugga qoro wuxuu heli karaa dillaal (agent). Dillaalka ayaa raadiya daabaacad aqbasha buugga. Markii la helo cid aqbasha, daabacaadda, suuqgeynta, xayaysiinya iyo iibinta intaba shirkaddaas ayaa dusha saarata. Waxaa kaloo jira hay’ado ka shaqeeya qiimaynta buugaagta kuwaas oo bixiya abaalmarinno kala jaad ah. Buuggii aan abaal marin helin, qorihiisu waxa uu ogyahay halka uu buuggiisu galay.

Taas oo u oggolaanaysa in uu ku dedaalo hagaajinta buugtiisa mustaqbalka. Idaacadaha iyo joornaallada ayaa leh barnaamijyo looga hadlo buugta. Buugta soo baxda ayaa lagu falanqeeyaa. Qoraha ayaa la wareystaa, dad soo akhriyay ayaa la casuumaa dad weynahaba waxaa la gaarsiiyaa farriinta buuggu sido taas oo horseedda in buuggu caanbaxo. 

Qoraha Soomaaliyeed ma helo inantaas aan soo sheegnay midkoodna. Isagaa buugga qora, jeebkiisa ka daabaco, suuqgeeyo oo hadba meel u diyaarad ula raaco si ugu bandhigo Soomaali iibsata. Isaga oo intaas oo dhib ah maray ayay dhacdaa inta badan in aan laga iibsan wax qayb uun ka daboola lacagtii gashay iskaba daa waqtigii uga baxay e. 

MBF waxay buuxisay kaalin culeyska qayb ka qaadda qorayaasha Soomaaliyeed. Intii nasiib u yeelata in lagu casuumo, waxaa la dareensiiyaa qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in aan laga iibsan wax badan buuggiisa laakiin waxa u ogaadaa in buuggiisu yahay sababta uu maanlintaas ku helay maqaamka iyo maamuuska la siiyay.

Sidoo kale waxaa uu bartaa jaalkiisa iyo jaahyo kale oo uusan si kale ku arkeen. Waa dhiirrigelin weyn oo maanta wax loo dhigaa aysan dalkeenna ka jirin. Gallad iyo manno ayay nagu leeyihiin dadkii hindisay, kuwa maalgeliya iyo inta ka shaqaysa. 

Ammaanka caasimadda

Safarkani wuxuu ahaa midkii saddexaad ee aan ku tago Xamar. Kan koowaad wuxuu ahaa 2009-kii. Wuxuu ahaa waqti naar la iska waraabinayay dunida oo dhanna ay xooggeeda isugu geynaysay in aan dowladda laga qabsan madaxtooyada. Meel kale oo gacan ugu jirtay ma jirin. Waa mugdi Eebbe na mootiyay!

Safarkii kaas iigu xigay waxa uu ahaa dhammaadkii Feebbaraayo 2022-kii. Dabcan farqi weyn ayaa u dhaxeeyay 2009-kii iyo 2022-kii. Laakiin waxaa lagu jirey diyaargarow doorasho. Cabsi badan ayaa jirtay. Hasa-ahaatee wax badan oo aan la argagaxo ma arag. Meeshii aan doono ayaan bajaaj u raacay inta dowladdu xiratay markii laga reebo. 

Markii saddexaad waa Nofember 2024. Laba sano iyo bar ka dib iima muuqan wax horumar ah oo laga sameeyay ammaanka. Jidadku sidii ayay u xiranyihiin. Qaraxyadu waa yaraadeen laakiin cabsidii laga qabay ma yaraan. Huteel walba iyo maqaayad walba illinkeeda dadbaa qoryo la taagan baaritaan ayaadna mari. Waxaad dareemaysaa in aad ku nooshahay xaalad colaadeed. Dabcan horumar waa jiraa laakiin waa mid gaabis ah oo aan cudurdaar lahayn. 

Dhaqaalaha

Waxaa si weyn suuqa ugu jirtay in dalkii ‘shiid’ ka dhacay. Shaaha lama shubto, qax ayaa socda, lama qadeeyo iyo erayo kala jaad ah oo dhammaan lagu cabbirayo lacag la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ayaa haystay baraha bulshada.

Aniga oo taa maanka ku haya ayaan tagey Muqdisho. Dabcan ma haysan waqti aan ku qiimeeyo baahida rasmiga ah ee jirta. Sidoo kale, ma wada tagin xaafadaha magaalada, gaar ahaan meelaha sida rasmiga looga ogaan karay xaddiga baahida jirta. 

Jidka Maka-Al-Mukarrama waa mid ka soocan dalka intiisa kale. Waxaa yaalla sicirkoodu wuxuu la socdaa dunida Galbeedka. Shay walba waa qaali. Dukaan qamiisyada gado ayaan galay. Waxaan weydiiyay qiimaha koofiyadda siyaasiyiinta (dadka qaar ayaa u yaqaan koofiyadda sheekh Shariif. Dhinaca Shabaab waxaa looga yaqaan koofiyadda riddada).

Wuxuu igu yiri waa boqol iyo totobaatan doollar ($170). Waa anfariiray. Anoo madaxa haysta ayaan iri oo ma dadbaa intaas ka bixiya? Wuxuu igu yirii wiilkii dukaanka joogay “waxaaba naga dhammaaday kuwii laba boqol iyo afartanka ahaa ($240). 

Dharku waa wadaa sidaa. Macawisuhu $50 ayay ka kacaan qaar ayaana $100 kor u dhaafa. Khamiisyada, shaatiyada iyo cimaamadaha qiimahooda waa mid waalli ah. Suudadka iyo labbiska siyaasisyiinta iyagu caqligu ma suureysan karo. 

Maqaayadaha waxa yaalla shaaha ayaa ugu raqiisan. Isaguna waa doollar iyo bar. Maqaayad walba dad ku filan ayaa fadhiya. Shaaha, kafeega iyo cunto intaba waa socdaan. 

Markii aad waxaas ku dhex jirto dareemi maysid lacag la’aanta la sheegayo. Dunida caadiga ah markii ay ku dhacdo la’aan waxa ugu horreeya ee ay jaraan waa faakihaysiga sida kafeega maqaayadaha iyo shaaha sheekada loo iibsado. Muqdisho waxa ugu badan ee suuqa leh waa intii la jari lahaa haddii ay lacag la’aani dhacdo.

Haddaba sidee wax u jiraan? Haddaan dhuuxay sida wax u dhacayaan waxaa ii soo baxay dhowr arrimood oo is biirsaday. Kow, dadku wuxuu ku mammay lacag badan. Si lagu helayba kooxda yar ee jidkaan awooddo awal waxay heli jireen lacag waalli ah. Middii noocaas ahayd ayaa yaraatay sidaas ayaana keentay sheegashada.

Laba, heerka nolosha ee dadkeennu raadinayo oo aan suuragal ka ahayn dal sabool ah. Dadkeennu wuxuu rabaa inuu helo dhammaan tashiilaadka laga isticmaalo dunida qaniga ah isaga oo sabool ah. Taasi waxay keentay in qofku u hanqaltaago wax uusan awoodin oo weliba uu ka maarmo. 

Saddex, dadka oo aan aqoon kala horumarinta baahiyaha (priorities). Tusaale ahaan, waxaa dhici karta qof laba doollar haysta oo gaajaysan in uu doorto inuu shaah uga cabbo maqaayad qaali ah halkii uu labadaas doollar la aadi lahaa  meel uu kaga cuno wax uu awoodo oo gaajada ka bi’iya. In uu baahi ku seexdo laakiin loo arko nin jeeb weyn oo maqaayad qaali ah ka shaaha ayuu doortay haddana waxaa uu ka sheeganayaa lacag la’aan, busaarad iyo shaqo la’aan.

Shaki ma leh in dalka ay ka jirto shaqa la’aan baahsan, dhallinyaradu quus joogto, masaakiintu mashaqaysantahay. Hasa ahaatee sawirka yaalla Maka-Al-Mukarrama ma aha mid muujinaya baahida baahsan ee dalka ka jirta markii laga reebo dadka tuugsada ee dariiqyada dhooban. Waxay u muuqataa in dhaqaalihii dalka oo dhan uu gacanta ugu jiro tira yar oo isku aag ku nool!

Waxbarashada

Waxaa muuqata in baraarugga waxbarashada iyo akhriksu si fiican kor ugu socdaan. Madasha buugaagta lagu soo bandhigay dadka yimid waxa ay ahaayeen dhallinyaro aad u da’ yar. Wax kale oo dan ah halkaas ma keenin e buugaagta la jabiyay in ay iibsadaan ayay u yimaadeen.

Waxaa dareen gaar ah ii lahaa in aan la kulmay tira aad uga  badan intaan filayay oo igu tiri “waxa aan akhrinnay buuggaada”. Dadkaasu waa da’ yar aan is iri waa labaatan iyo wixii ka hooseeya da’ ahaan. 

Waxa jira madallo tira badan oo qabta kulamo joogta ah. Qaar waa kuwo siyaasadda keliya looga doodo qaarna waa bun iyo buug. Waxa aan tagay mid ka mid ah oo habeenkaas lagu lafagurayay doorashada Soomaalilaan. Waxaa si gaar ah i cajab geliyay joogtaynta kulankaas oo dhaca asbuuc walba mar muddo laba sana ah. 

Xogaha aan kala baxay iskoolleyda aan la sheekaystay iyo ardayda jaamacadaha, waxaa jira dedaal lagu hagaajinayo tayada waxbarashada.

Ugu danbayn, safarkaygu waxa uu ahaa mid abshir iyo najax ah. Waxaa ii suuragashay in aan la kulmo walaalo badan oo dunta isku kaaya xirta ay tahay buug iyo akhris.

Waxaa soo bartay maqaawiir dalkeenna muhiim ah, dhallinyaro u heellan noolaynta akhriska iyo qoraalka iyo shacab u oomman horumar. Dalkeenna Allaha noo hagaajiyo!

Ibrahim Aden Shire
[email protected]