25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Maxaan kala kulmay Muqdisho?

November 6, 2024 ayaan gaaray Muqdisho oo aan moogaa laba sano iyo bar. Waxaan u tagey in aan ka qaybgalo Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho. Bandhiggaan oo ahaa midkii 8aad ee caasimaddeenna ka dhaco, ayaan markii koowaad ka qaybgalay. Waxaan halkaas la tagey buuggayga aan weli gu’ jirsan ee Halgankii Gunnimadoonka. 

Wuxuu ahaa safar macna weyn ii lahaa. Casuumaadda, madasha, maqaamka iyo miisaanka dadka aan halkaas kula kulmay ayaa dhammaan igu cusbaa. Munaasabaddu waxa ay socotay laba cisho.

Waxaa raacay maalin kale oo soo xirid ah. Waxay se ahayd mid ka miisaan iyo mug weyn inta noo muuqatay. Hoos waxa aan ku soo koobayaa muhiimadda munaasabaddu noo lahayd iyo wixii ii baxay intii aan Xamar joogay. 

Muqdisho Book Faire (MBF)

Dunida caadiga ah waxaa ka jira wadiiqooyin badan oo qoraaga saacida. Markii uu buugga qoro wuxuu heli karaa dillaal (agent). Dillaalka ayaa raadiya daabaacad aqbasha buugga. Markii la helo cid aqbasha, daabacaadda, suuqgeynta, xayaysiinya iyo iibinta intaba shirkaddaas ayaa dusha saarata. Waxaa kaloo jira hay’ado ka shaqeeya qiimaynta buugaagta kuwaas oo bixiya abaalmarinno kala jaad ah. Buuggii aan abaal marin helin, qorihiisu waxa uu ogyahay halka uu buuggiisu galay.

Taas oo u oggolaanaysa in uu ku dedaalo hagaajinta buugtiisa mustaqbalka. Idaacadaha iyo joornaallada ayaa leh barnaamijyo looga hadlo buugta. Buugta soo baxda ayaa lagu falanqeeyaa. Qoraha ayaa la wareystaa, dad soo akhriyay ayaa la casuumaa dad weynahaba waxaa la gaarsiiyaa farriinta buuggu sido taas oo horseedda in buuggu caanbaxo. 

Qoraha Soomaaliyeed ma helo inantaas aan soo sheegnay midkoodna. Isagaa buugga qora, jeebkiisa ka daabaco, suuqgeeyo oo hadba meel u diyaarad ula raaco si ugu bandhigo Soomaali iibsata. Isaga oo intaas oo dhib ah maray ayay dhacdaa inta badan in aan laga iibsan wax qayb uun ka daboola lacagtii gashay iskaba daa waqtigii uga baxay e. 

MBF waxay buuxisay kaalin culeyska qayb ka qaadda qorayaasha Soomaaliyeed. Intii nasiib u yeelata in lagu casuumo, waxaa la dareensiiyaa qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in aan laga iibsan wax badan buuggiisa laakiin waxa u ogaadaa in buuggiisu yahay sababta uu maanlintaas ku helay maqaamka iyo maamuuska la siiyay.

Sidoo kale waxaa uu bartaa jaalkiisa iyo jaahyo kale oo uusan si kale ku arkeen. Waa dhiirrigelin weyn oo maanta wax loo dhigaa aysan dalkeenna ka jirin. Gallad iyo manno ayay nagu leeyihiin dadkii hindisay, kuwa maalgeliya iyo inta ka shaqaysa. 

Ammaanka caasimadda

Safarkani wuxuu ahaa midkii saddexaad ee aan ku tago Xamar. Kan koowaad wuxuu ahaa 2009-kii. Wuxuu ahaa waqti naar la iska waraabinayay dunida oo dhanna ay xooggeeda isugu geynaysay in aan dowladda laga qabsan madaxtooyada. Meel kale oo gacan ugu jirtay ma jirin. Waa mugdi Eebbe na mootiyay!

Safarkii kaas iigu xigay waxa uu ahaa dhammaadkii Feebbaraayo 2022-kii. Dabcan farqi weyn ayaa u dhaxeeyay 2009-kii iyo 2022-kii. Laakiin waxaa lagu jirey diyaargarow doorasho. Cabsi badan ayaa jirtay. Hasa-ahaatee wax badan oo aan la argagaxo ma arag. Meeshii aan doono ayaan bajaaj u raacay inta dowladdu xiratay markii laga reebo. 

Markii saddexaad waa Nofember 2024. Laba sano iyo bar ka dib iima muuqan wax horumar ah oo laga sameeyay ammaanka. Jidadku sidii ayay u xiranyihiin. Qaraxyadu waa yaraadeen laakiin cabsidii laga qabay ma yaraan. Huteel walba iyo maqaayad walba illinkeeda dadbaa qoryo la taagan baaritaan ayaadna mari. Waxaad dareemaysaa in aad ku nooshahay xaalad colaadeed. Dabcan horumar waa jiraa laakiin waa mid gaabis ah oo aan cudurdaar lahayn. 

Dhaqaalaha

Waxaa si weyn suuqa ugu jirtay in dalkii ‘shiid’ ka dhacay. Shaaha lama shubto, qax ayaa socda, lama qadeeyo iyo erayo kala jaad ah oo dhammaan lagu cabbirayo lacag la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ayaa haystay baraha bulshada.

Aniga oo taa maanka ku haya ayaan tagey Muqdisho. Dabcan ma haysan waqti aan ku qiimeeyo baahida rasmiga ah ee jirta. Sidoo kale, ma wada tagin xaafadaha magaalada, gaar ahaan meelaha sida rasmiga looga ogaan karay xaddiga baahida jirta. 

Jidka Maka-Al-Mukarrama waa mid ka soocan dalka intiisa kale. Waxaa yaalla sicirkoodu wuxuu la socdaa dunida Galbeedka. Shay walba waa qaali. Dukaan qamiisyada gado ayaan galay. Waxaan weydiiyay qiimaha koofiyadda siyaasiyiinta (dadka qaar ayaa u yaqaan koofiyadda sheekh Shariif. Dhinaca Shabaab waxaa looga yaqaan koofiyadda riddada).

Wuxuu igu yiri waa boqol iyo totobaatan doollar ($170). Waa anfariiray. Anoo madaxa haysta ayaan iri oo ma dadbaa intaas ka bixiya? Wuxuu igu yirii wiilkii dukaanka joogay “waxaaba naga dhammaaday kuwii laba boqol iyo afartanka ahaa ($240). 

Dharku waa wadaa sidaa. Macawisuhu $50 ayay ka kacaan qaar ayaana $100 kor u dhaafa. Khamiisyada, shaatiyada iyo cimaamadaha qiimahooda waa mid waalli ah. Suudadka iyo labbiska siyaasisyiinta iyagu caqligu ma suureysan karo. 

Maqaayadaha waxa yaalla shaaha ayaa ugu raqiisan. Isaguna waa doollar iyo bar. Maqaayad walba dad ku filan ayaa fadhiya. Shaaha, kafeega iyo cunto intaba waa socdaan. 

Markii aad waxaas ku dhex jirto dareemi maysid lacag la’aanta la sheegayo. Dunida caadiga ah markii ay ku dhacdo la’aan waxa ugu horreeya ee ay jaraan waa faakihaysiga sida kafeega maqaayadaha iyo shaaha sheekada loo iibsado. Muqdisho waxa ugu badan ee suuqa leh waa intii la jari lahaa haddii ay lacag la’aani dhacdo.

Haddaba sidee wax u jiraan? Haddaan dhuuxay sida wax u dhacayaan waxaa ii soo baxay dhowr arrimood oo is biirsaday. Kow, dadku wuxuu ku mammay lacag badan. Si lagu helayba kooxda yar ee jidkaan awooddo awal waxay heli jireen lacag waalli ah. Middii noocaas ahayd ayaa yaraatay sidaas ayaana keentay sheegashada.

Laba, heerka nolosha ee dadkeennu raadinayo oo aan suuragal ka ahayn dal sabool ah. Dadkeennu wuxuu rabaa inuu helo dhammaan tashiilaadka laga isticmaalo dunida qaniga ah isaga oo sabool ah. Taasi waxay keentay in qofku u hanqaltaago wax uusan awoodin oo weliba uu ka maarmo. 

Saddex, dadka oo aan aqoon kala horumarinta baahiyaha (priorities). Tusaale ahaan, waxaa dhici karta qof laba doollar haysta oo gaajaysan in uu doorto inuu shaah uga cabbo maqaayad qaali ah halkii uu labadaas doollar la aadi lahaa  meel uu kaga cuno wax uu awoodo oo gaajada ka bi’iya. In uu baahi ku seexdo laakiin loo arko nin jeeb weyn oo maqaayad qaali ah ka shaaha ayuu doortay haddana waxaa uu ka sheeganayaa lacag la’aan, busaarad iyo shaqo la’aan.

Shaki ma leh in dalka ay ka jirto shaqa la’aan baahsan, dhallinyaradu quus joogto, masaakiintu mashaqaysantahay. Hasa ahaatee sawirka yaalla Maka-Al-Mukarrama ma aha mid muujinaya baahida baahsan ee dalka ka jirta markii laga reebo dadka tuugsada ee dariiqyada dhooban. Waxay u muuqataa in dhaqaalihii dalka oo dhan uu gacanta ugu jiro tira yar oo isku aag ku nool!

Waxbarashada

Waxaa muuqata in baraarugga waxbarashada iyo akhriksu si fiican kor ugu socdaan. Madasha buugaagta lagu soo bandhigay dadka yimid waxa ay ahaayeen dhallinyaro aad u da’ yar. Wax kale oo dan ah halkaas ma keenin e buugaagta la jabiyay in ay iibsadaan ayay u yimaadeen.

Waxaa dareen gaar ah ii lahaa in aan la kulmay tira aad uga  badan intaan filayay oo igu tiri “waxa aan akhrinnay buuggaada”. Dadkaasu waa da’ yar aan is iri waa labaatan iyo wixii ka hooseeya da’ ahaan. 

Waxa jira madallo tira badan oo qabta kulamo joogta ah. Qaar waa kuwo siyaasadda keliya looga doodo qaarna waa bun iyo buug. Waxa aan tagay mid ka mid ah oo habeenkaas lagu lafagurayay doorashada Soomaalilaan. Waxaa si gaar ah i cajab geliyay joogtaynta kulankaas oo dhaca asbuuc walba mar muddo laba sana ah. 

Xogaha aan kala baxay iskoolleyda aan la sheekaystay iyo ardayda jaamacadaha, waxaa jira dedaal lagu hagaajinayo tayada waxbarashada.

Ugu danbayn, safarkaygu waxa uu ahaa mid abshir iyo najax ah. Waxaa ii suuragashay in aan la kulmo walaalo badan oo dunta isku kaaya xirta ay tahay buug iyo akhris.

Waxaa soo bartay maqaawiir dalkeenna muhiim ah, dhallinyaro u heellan noolaynta akhriska iyo qoraalka iyo shacab u oomman horumar. Dalkeenna Allaha noo hagaajiyo!

Ibrahim Aden Shire
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Jubbaland ee maanta ka dhaceysa Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland ay ka socoto gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashadan oo uu muran xoogan ka taagan yahay ayaa waxaa lagu soo dooran doonaa madaxweynaha cusub ee hoggaamin doono Jubbaland oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa 4 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ayaa ku tartami doono, kuwaas oo kala ah;  1-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 2- Faysal Maxamed Mataan, 3- Abubakar Cabdi Xasan iyo 4- Dr Cabdi Xasan Xajiin.

Afarta musharrax ayaa shalay hortegay golaha wakiilada saddexaad ee Jubbaland, waxayna usoo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeedkooda, laakiin natiijada doorashada ayaa ah  mid lasii ogyahay inuu kusoo baxayo Axmed Madoobe, maadaama uu isagu gacantiisa ku maamulanayo doorashada.

Sidoo kale arrinta kale ee meesha ku jirto ayaa ah in musharixiinta is-diiwaangeliyay ay yihiin kuwa malxiisayaal ah uun, waxaana doorashadan bannaanka ka jooga xubnaha musharixiinta mucaaradka oo iyagana Kismaayo ka wada dhaq-dhaqaaq kale oo siyaasadeed.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogta doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo dheeraad ah oo sugayo amniga inta ay socota doorashada.

Jubbaland ayaa mar kasta oo la gaaro doorashadeeda gashay xaaladdan oo kale, waxaana sababta ay tahay in Axmed Madoobe uu isku sii dhajinayo kursiga & inuu sii joogo xafiiska.

Xisbullah oo weerar gantaallo ah ku qaaday SRAEL

0

Tel Aviv (Caasimadq Online) –  Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa Axaddii shalay in ka badan 250 gantaal ku ridday Isra’il, kuwaas oo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay millatariga Isra’il.

Duqeymaha Xisbullah ayaa yimid maalin kaddib marki ay Isra’il mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garaacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan Sabtidi.

Xisbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda.

Booliska Isra’il ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xisbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xisbullah ku soo tuurtay shalay Isra’il, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in duqeynti cusleyd ee Sabtidi ay ciidanka Isra’il ku burburiyeen dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaallay bartamaha Beyrut ay tirada dhimashada hadda gaarytay 29 qof.

Xog: Guddiga doorashooyinka oo lagu dhawaaqayo iyo Puntland iyo Jubaland oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhowaan lagu dhawaaqo guddiga doorashooyinka dalka, kaasi oo awood u yeela doona in doorashooyinka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu qabto.

18 qof ayaa la qorsheeyey in xubnaha guddiga ay noqdaan, kuwaas oo min afar xubnood la kala siinayo afarta beelood ee waaweyn, halka beesha 5-aad la siinayo labo xubnood.

Labo kamid ah xubnaha ka imaanaya dowlad goboleed kasta waxaa soo magacaabeysa dowladda federaalka, halka dowlad goboleedka la qorsheeyey in labada kale uu soo magacaabo.

Go’aanka kama dambeysta ah ee dhismaha guddigaas waxaa iska leh baarlamaanka federaalka oo ansixi doona markii lasoo magacaabo, kadibna waxay ku shaqeynayaan sharciyada doorashooyinka ee BFS uu ansixiyey.

Jubbaland iyo Puntland oo diidan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ayaan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon doonto inay soo magacaabaan labo labada xubnood ee guddiga doorashooyinka qaranka ay ku yeela doonaan.

Lama oga go’aanka ay qaada doonto dowladda federaalka, si loo soo dhiso guddi ay metelaad ku leeyihiin Puntland iyo Jubbaland oo diidan gabi ahaanba qaabka ay wax u socdaan.

Axmed Madoobe oo ku gacan seyray go’aankii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kana baxay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen ayaa berri qabsanaya doorasho la sii ogyahay inuu ku soo bixi doono.

Dhankiisa Saciid Deni ayaa mar hore iska diiday inuu la shaqeeyo dowladda federaalka, waxayna Puntland horay u cadeysay in shuruucda doorashooyinka ee baarlamaanka federaalka uu ansixiyey aysan khuseyn reer Puntland.

DF oo xaqiijisay geerida Weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Weriyihii weynaa ee BBC Somali Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad ayaa la xaqiijiyey in caawa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Weriye Cabdirisaaq, waxaana warbaahinta dowladda lagu baahiyey tacsida geeridiisa oo ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo BBC ay ka soo wada shaqeeyeen ayaa kamid ah madaxda tacsida u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu ahaa saxafi rug cadaa ah, waxa uu kasoo hawlgalay Idaacadaha Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mudo fog ka tirsanaa Idaacadda BBC, laanteeda afka Soomaaliga.

Weriye Cabdirisaaq ayaa muddo dheer ka tirsanaa Idaacadda BBC, halkaas oo dadka Soomaaliyeed ay kala soca jireen, wuxuuna ka mid ahaa weriyaasha ugu tebinta wanaagsan.

Waayihii dambe wuxuu ka fariistay shaqada saxaafadda, maadaama uu noqday nin da’ ah, wuxuuna ku noolaa magaalada Hargeysa oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday.

Berri iyo wixii ka dambeeya ayaa lagu wadaa in meydkiisa lagu aaso Hargeysa oo Isniintii lasoo dhaafay lagu aasay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

FIQI oo dib u furay xarun muhiim ah oo xirneed in ka badan 30 sano + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah dib ugu furay xarunta kaydka wasaaradda arrimaha dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye.

Tallaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah.

Ku-simaha xoghayaha joogtada ah, ahna agaasimaha waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire ayaa uga mahad-celiyay wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah.

Keydkaan ayaa hadda loogu tala-galay in si ammaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed.

Danjire Dr. Maxamed Cawaale, agaasimaha waaxda xasuus-dhowrka ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda.

Dib-u-furitaanka xarunta kaydka wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo.

Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.

DF Soomaaliya oo xaqiijisay geerida 24 qof oo saarnaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida in ka badan 20 qof oo saarnaa laba dooni oo ku qalibmay badda.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhacdadan naxdinta leh oo ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar.

Wasiirka ayaa sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan. Doonta koowaad waxaa saarnaa 32 qof, halkaas oo 9 qof ku geeriyoodeen, halka doonta labaad ay sidday 38 rakaab ah, kuwaas oo 15 qof ku dhinteen.

Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isagoo sidoo kale Alle uga baryay caafimaad dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan.

Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu ballan-qaaday in dowladdu si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku habboon ee caalamiga ah si loo hubiyo badbaadinta iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee badbaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku dheeraaday halista nafeed ku gadaaman.

Waxa uuna ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaan-galka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka, si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.

Daacadnimo iyo guulwadeyn – Midkee Soomaaliya godka ku riday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaad arkeysaa dhowr qof oo leh siyaasi hebel wuxuu daacad u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo dartiis ayuu dad badan ula dagaalay, laakiin waxaa muuqata in la isku khaldayo daacadnimo iyo guul-wadeyn.

Marka laga hadlaayo xukunka, guul-wadeynta iyo daacadnimada farqi weyn ayaa u dhaxeeya. Daacadnimadu waa inaad qofka wanaagga ku kaalmeysa, khaladka ka celisa, markii uu maqanyahay iyo markii uu kula joogana aad hal qof tahay, kana foggaata inaad qiyaanto, laakiin guu-wadeynta asalkeedu waa kalsooni daro.

Guulwaduhu wuxuu ka shakisanyahay kalsoonida uu ku qabo qofka madaxda ah. Wuxuu warbaahinta ka caaya ama la dagaala maalin walba dadka kasoo horjeeda ninka xukunka heysta si uu ugu muujiyo inuu dartiis u dhimanayo.

Guulwaduhu dal iyo dowlad uma shaqeeyo, dana kama lahan. Kaliya waxaa la weyn, oo uu nolashiisa ka dhex arkaa qofka xukuma.

Waligiis daacad ma noqdo guul-waduhu ee waa fursad gaad. Maalintii uu arko fursad kale waa ka dhaqaajiya qofkii uu iskaga dhigayay inuu dartiis u dhiman karo, waliba isagoo awoodda burburin iyo ceebeyn intii hore ka badan inuu u geysto qofkii uu la jiray.

Madaxda caaqiliinta ah waa fahamsanyihiin Guulwadaha, waligoodna ma aaminaan, si walba oo ay dartood dad ugu maaggan ama ugu camiran.

Sababta ay madax badan oo rajo laga qabay u lumeen gunaanadkii waa Guulwadayaasha oo qofka madaxda ah gaarsiiya inuu aamino dalkaba inuu isagu ka muhiimsanyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leeyahay Guulwadayaal badan uma baahnid ee waxaad u baahantahay dad badan oo runta ku sheegi kara, si aad dhaxal wanaagsan uga tagto.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

Waa kuma askariga lagu hor dallacsiiyey taliyihiisa oo loo haysto kiis culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable xoogga Cali Isaaq Cabdi, oo ahaa fura-hayihii hubka ciidanka ee ururka 184-aad, guutada 18-aad ee Gorgor ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidanka.

Ninkan ayaa marqaati ku furay seddex kamid ah ciidanka xoogga dalka iyo taliyahooda, oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Taliyaha iyo labada askari ayaa lagu soo eedeeyay in ay sameeyeen xatooyo ka dhan ah hubka ciidanka xoogga, oo qorya gaaraya 21, nooca G3-fal.

Dable xoogga Cali Isaaq ayaa fashiliyay hubkii ka baxay keydka in qeyb kamid ah la gatay hubkii, kaasi oo la siistay lacag dhan 8 kun oo dollar.

Intii dhageysiga maxkamadda socotay, guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Shuute ayaa ku bogaadiyay Cali Isaaq gudashada uu gutay waajibkiisa.

Shuute ayaa xafiiska xeer ilaalinta faray in ammaan iyo dalacsiin loo sameeyo askarigaan oo isagu sidii ugu habooneyd uga soo baxay shaqadii loo igmaday.

“Cali waxaa u soo qortaan warqad ammaan ah iyo soo jeedin dallaacad ah, gudasha uu gutay waajiibkiisa awgeed,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada xoogga dalka.

Gaashaanle Shuute ayaa intaas kusii daray “Cali Isaaq waa ku ammaan tahay guuleyso sida aad waajibkaaga u gudatay.”

Gudashada waajib ee uu sameeyay dable xoogga Cali Isaaq Cabdi ayaa si weyn loo bogaadiyay, maadaama ay yar tahay marka la joogo Soomaaliya in la arko askari ka hor imaanaya sharci darro uu ku kacayo taliyihiisa.

Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada uu qaaday BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay hindisaha xeerka doorashooyinka qaranka.

Illaa 169 Xildhibaan ayaa la sheegay inay ogolaatay xeerkan, waxaana diiday laba mudane, halka uu ka aamusay hal xildhibaan, sida uu markaas sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta oo aheyd gacan-taag.

Tallaabadan uu qaaday baarlamaanka ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xooggan, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen “wax aan socon doonin oo horey loo soo tijaabiyay”.

Labada gole ayaa horey u meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbyada iyo sidoo kale xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ee ay horkaceyso Villa Somalia, kaas oo dhaliyay xiisad siyaasadeed xoogleh, iyadoo diidan maamullada Jubbaland iyo Puntland, halka meel adag ay iska taageen xubnaha mucaaradka oo u arka qorshahaan mid muddo kororsi ku rabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Cusmaan Maxamed: “Xildhibaanada way dadaalayaan, waajibaadkoodana waa ay gudanayan laakiin qof iyo cod waddankan kama soo dhowee illahay hana gaarsiiyo.”

“Hadda ka hor wakhtigii Farmaajo ayaa baarlamaanka federaalku ansixiyeen xeerarka doorashooyinka laakiin may shaqeyn hadeer maxay uuga duwan tahay waxaynu soo marnay,” ayuu yiri Khadar Ismaaciil.

Farxaan Axmed: “Deni iyo Axmed waa ka guuleystay Xasan haddii sharciyadii doorashooyinka la ansixiyay guul iyo gobonimo, codkeena baan ku ciil baxaynaa, kii wax inoo qaban waayana waan iska eryaynaa.”

Xasan Waddani ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Mudane guddoomiye kooram ma dhameystirna, sidee ku ansixiseen xeerka doorashooyinka qaranka?.”

“Doorasho qof iyo cod ayuu dalka aaday meeshi 300 xildhibaan codayn jirtay waxaa codeynaya 3 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah, guul Somalia,” ayuu yiri Cabdinaciim Daacad.

“Xildhibanada 169 iyo 177 ma dhaafan miyaa mise meesha waxba ma yaallo, waddamada C6 waxan waa diideyn halkee loo wadaa Xasanow,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka fal-celiyay tallaabada uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Cusmaan Xaaji Cali: “Ansaxdaan xadka dhaaftay xagee laga fulin rabaa waa la is ogyahay ee waddanka halkuu kala marayo.”

Xasan Kaafi: “Bal beentay noogu sheekaynayan day boqolaalkii xildhibaan ee mucaaradka ahaa ee diidanaa doorashada gacan ku samayskaa oo ay ugu horeyaan xildhibaanada Jubbaland, xildhibaanada Puntland, xildhibaanada Koonfur Galbeed, aaway meel ku sheega?”.

“Xildhibaanow xaal qaado waa rag intii meesha lagu xareeyo warqad Xasan gurigiisa kasoo saarayo hor dhigayo,” ayuu yiri Yaasiin Xaaji Ismaaciil.

Ciise: “Xasan Sheekh intuu kuwaan waqtiga isga lumin laha waxa u dhaanto shaqadiisa kale inuu ka raacdo ileen wax socon rabo maahan, wala wada og yahay halkey ku dambeyn doonto.”

UK oo wacad ku martay qabashada Netanyahu kadib waarankii loo jaray

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhowaaqday in ay xiri doonto ra’iisul wasaaraha Israel haddii uu yimaado dalka Ingiriiska.

Benjamin Netanyahu ayaa muteysan doona xarig haddii uu tego dalkaasi, kadib markii waaran soo qabasho ay u jartay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), sida uu shaaciyay xafiiska number 10 ee laga xukumo Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay xafiiska oo ka gaabsaday in wax hadal ah ka dhiibto kiiska, ayaa waxa uu caddeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay fuliso “waajibka ka saaran sharciga”.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa Khamiistii soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.

Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.

Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza.

Netanyahu ayaa Gallant ka ceyriyay xilkii wasiirka gaashaandhigga 5-tii November.

Khan ayaa sidoo kale dalbaday waaran xiritaan oo ka dhan ah madaxda sare ee Xamas oo uu ku jiro Mohammed Deif oo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Dacwad oogaha ayaa laalay codsigii Haniyeh 2-dii Agoosto “sababtoo ah duruufaha isbedelay ee ka dhashay dhimashada Mr Haniyeh” ee Tehran July 31, ICC ayaa goor sii horeysay sidaas ku sheegtay bayaan.

Sida ay sheegtay Israel, Deif waxaa lagu dilay weerar 13-kii July ka dhacay koonfurta Gaza, inkastoo Xamas ay beenisay inuu dhintay.

Tan iyo markii Xamas ay fulisay weerarkeedii October 7, 2023, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israel waxay Israel dagaal ka wadday Gaza, oo ay maamusho Xamas, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 44,056, halka 104,268 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Maxaa ka socda Kismaayo kahor doorashada beri ee JUBBALAND?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka socda dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaaladaasi.

Waxaa haatan magaalada ka socda hadal-jeedinta musharixiinta shalay is-diiwaangeliyay oo gaaraya illaa 4 musharrax oo kala ah 1-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 2- Faysal Maxamed Mataan, 3- Abubakar Cabdi Xasan iyo 4- Dr Cabdi Xasan Xajiin, kuwaas oo hortegay golaha wakiilada saddexaad ee Jubbaland, waxayna usoo bandhigayaan barnaamijkooda siyaasadeed.

Musharixiinta is-diiwaangeliyay waxaa ugu cad madaxweynaha hadda talada haya Axmed Madoobe oo shalay qaatay shahaadada, kaas oo doonayo in markii saddexaad uu sii hoggaamiyo maamulka, wuxuuna ballan qaaday inuu dhameystiri dooni shaqada u taallo.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu shalay yiri Axmed Madoobe.

Ninkan ayay iska cadahay inuu kusii bixi doono doorashada beri dhaceysa, maadaama uu uu isagu gacantiisa ku maamulanayo doorashada ka socota magaalada Kismaayo.

Sidoo kale arrinta kale ee meesha ku jirto ayaa ah in musharixiinta is-diiwaangeliyay ay yihiin kuwa malxiisayaal ah uun, waxaana doorashadan bannaanka ka jooga xubnaha musharixiinta mucaaradka oo iyagana Kismaayo ka wada dhaq-dhaqaaq kale oo siyaasadeed.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogta doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo dheeraad ah oo sugayo amniga inta ay socota doorashada.

Jubbaland ayaa mar kasta oo la gaaro doorashadeeda gashay xaaladdan oo kale, waxaana sababta ay tahay in Axmed Madoobe uu isku sii dhajinayo kursiga & inuu sii joogo xafiiska.

XOG cusub oo kasoo korortay ninka gabdhaha ku laayay NAIROBI

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo ninkii ka dambeeyay dilka gabdhaha Soomaaliyeed ee hadal-heynta ka dhaliyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaas oo ay gacanta kusoo dhigeen booliska dalkaasi.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Haashim Dhaqane Muxumed ayaa markii ugu horraysay shaaciyay xog ku aadan kiiska loo haysto, wuxuuna qirtay inuu  ka dambeeyey dilka afar haween ah oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo argagax weyn ku abuuray shacabka.

Ninkan ayaa sheegay in wax dhibaato ah ama khilaaf ah uusan kala dhexeyn gabdhaha uu dilay, balse waxa uu tilmaamay in loo soo adeegsaday dilka marxuumiinta, isla-markaana lacag lagu siiyay.

Gabadhaha uu dilay ayaa saddex kamid ah waxa ay ahaayeen hooyo iyo laba gabdhood oo mid kamid ah iyadu dhashaym tan kalena ay u ahayd habar yar, waxaana lagu kala magacaabi jiray Waris Daa’uud, Nusayba Cabdi iyo Aamina Cabdi.

Sidoo kale waxaa jirtay gabar kale oo 4-aad oo iyadana uu si arxan darro ah ugu dhex dilay qolkiisa, kadibna uu jar jaray maydkeeda, taas oo lagu magacaabi jiray Deeqa Cabdinuur, wuxuuna sababta ku sheegay in marxuumadda ay la ogeyd kiiska gabdhaha uu dilay.

Weli waxaa sii socota baarista, maadaama kiiska uu yahay mid xasaasi ah, waxaana ku guda jira laamaha dambi baarista ee dalka Kenya.

Kiiskan ayaa fajaciso ku noqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya, maadaama uu ku yeeshay saameyn xoogan, waxaana laga war sugayaa go’aanka dowladda ee la xiriira soo gabagabeynta kiiskan argagaxa weyn leh.

ATMIS oo soo faragelisay xiisadda DF iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan xiisadda dagaal ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in talisku aad uga walaacsan yahay khilaafka kasii daraya ee u dhexeeya labada dhinac, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la qaboojiyo, si xal looga gaaro xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Sidoo kale ATMIS ayaa shaaca ka qaaday mowqifkeeda, waxaana ay sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay dhinacyada siyasadda Soomaaliya, waajibkeedana uu yahay amniga oo kaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaa doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay in doorashado noqoto mid ku dhacda nabad dalka oo dhan.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin warar ay baahisay  qaar kamid ah warbaahinta oo lagu sheegay in qeyb ka mid ah ciidamadooda booliska ah ee jooga magaalo xeebeedka Kismaayo ay qeyb ka yihiin doorashada dowladu diidan tahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Jubbaland oo qoraal soo saartay ay ATMIS iyo QM uga digtay in idiyaarahadooda loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa ku wargelisay ATMIS iyo QM inay galeyso doorasho, isla markaana ay ka digeyso in diyaaradahooda loo isticmaalo siyaasad, si looo fashiliyo doorashadaasi.

“Dowladda Jubbaland waxay ku wargelineysaa hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha dowladda Jubbaland. Sidaas aawgeed wasaaradda amniga gudaha waxay ku wargelineysaa in diyaaradaha UN-ka aan lo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa cakiran, waxaana kala tegay dowladda iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo gabi ahaan xiriirkooda uu go’ay.

Soomaali badan oo ku dhintay labo doonyood oo ku degay Madagascar

0

Madagaskar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil argagax leh oo ka dhacay xeebaha waqooyi galbeed ee Jasiiradda Madagaskar, kadib markii ay ay ku dageen laba doonyood oo siday muhaajiriin ay ku jiraan kuwa Soomaali ah.

Ugu yaraan 28 qof oo ah muhaajiirin Soomaali ah ayaa kamid noqday dadka dhintay, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo lasoo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar oo qoraal soo saartay.

Shilka aya ayimid, kadib markii labada doonyood oo siday illaa 66 rakaab ah ay ka baxeen Soomaaliya 2-dii bishaan Novermber, iyaga oo kusii jeeday jasiiradda Mayotte ee uu maamulo Faransiiska.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in labada doonyood ay soo wajahday cilad dhinaca matoorka ah oo keentay in ay biyaha ku go’doomaan, kadibna ay dhacday dhimasho badan.

Howlgal ay sameeyeen kuluumeysatada Malagasy ayaa waxaa muddo kadib lagu helay mid ka mid ah doonyaha, waxayna keeneen halka loo yaqaano Nosy Be.

Sidoo kale waxaa lasoo bad-baadiyay illaa 48 qof oo hadda ku jira xarumaha caafimaadka Madagaskar, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Dhinaca kale Danjiraha Soomaaliya ee Ururka Midowga Afrika Cabdullaahi Warfaa oo ka hadlay musiibadan ayaa xaqiijiyay in weli ay socdaan howlgallada baaritaannada ah, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Madagascar.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

Xog: Xasan Sheekh oo Aaran Jaan siinaya xubnaha Puntland ee guddiga doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in dhowaan la magacaabo Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha qaranka, ayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu wadaa in xubnaha Puntland ee guddiga ay siiso kooxda Aaran Jaan ee aan kalsoonida shacabka Puntland haysan.

Guddiga oo ka kooban 18 xubnood, ayaa shanta beel waxay u kala heli doonaan, afarta beel ee Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle oo min afar xubnood ah, halka beesha shanaad la siin doono 2 xubnood.

Dowladda Federaalka ayaa soo magacaabi doonta laba xubnood beeshiiba, halka maamul goboleedyada ay soo magacaabi doonaan 2 xubnood. Hase yeeshee, Puntland oo ay is-hayaan dowladda federaalka ayaan la fileyn inay magacaabis sameyso, maadaama ay diidan tahay habka loo wado hanaanka doorashooyinka.

Arrintan ayaa fursad u siisnaysa dowladda federaalka in ay soo magacowdo 2-da xubnood ee Puntland, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in labadaas xubnood ay noqon doonaan Saadaq Abshir Garaad, oo horey uga tirsanaa baarlamanka Puntland, iyo Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ah xubno fir fircoon oo ka tirsan Aaran Jaan, sidoo kalena soo noqday agaasimaha wasaaradda caafimaadka Puntland.

“Xasan Sheekh waxa uu qaadayaa waddadi uu ku dhuman lahaa shacabka Puntland iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda Saciid Deni, kadib markii loo soo xulay xubno Aaran Jaan ah inay noqdaan labadii xubnood ee uu soo xuli lahaa dawlad goboleedka Puntland,” ayuu yiri Jamac Ali Garaad oo la hadlay Caasimada Online.

Guddigan ayaa waxaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo wasiirka arrimaha gudaha ayada oo kadibna la horgeyn doono golaha wasiirada iyo labada aqal ee baarlamanka si ay u ansixiyaan.

Turkiga oo shaaciyey arrin uu ka filayo Cabdiraxmaan Cirro oo la xiriirta midnimada

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” in uu soo celiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. 

Cirro ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxweynaha ee dhacday 13-kii November, isaga oo helay in ka badan 64% codadka, taasi oo muujisay sida shacabka Somaliland ay qaati uga taagnaayeen hoggaanka Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay safaarada Turkiga ee Soomaaliya, ayaa marka hore Somaliland ugu hambalyeeyey qabashada doorashooyin dimoqraadi ah, iyada oo lagu sheegay in ay tusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dhaqangalinta dimoqraadiyada. 

“Waxaan hambalyo diirran u diraynaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro guushiisa doorashada ee Somaliland. Hab-maamuuska nabdoon ee doorashadu ku qabsoontay wuxuu muujinayaa sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dhaqan-gelinta mabaadi’da dimuqraadiyadda” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Turkiga ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo in uu soo celiyo wadahadalada, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada “Waxaan rajeyneynaa in hoggaankiisa uu kor u qaado wada-hadalada, midnimada, iyo barwaaqada guud ee gobolka”. 

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya mudada dheer ayaa istaagay horaantii sannadkan kadib markii ay xukuumada xilka kasii dagaysa ee Madaxweyne Biixi ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Itoobiya.

Labada dhinac ayaa sii kala fogaaday iyada oo ay Soomaaliya heshiiska ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in faa’iido badan aan laga helin wadahadalada, sii wadistooduna ay tahay wakhti lumis.

Turkiga ayaa marar badan isku dayey inuu isku soo dhoweeyo labada dhinac, balse illaa hadda kuma guuleysan. Hase yeeshee doorashada Cirro ayaa rajo cusub gelineysa wada-hadallada.

Gabadha Madaxweyne ku xigeenka ka ah Filibiin oo DIL ugu hanjabtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka waddanka Filibiin ayaa Sabtidi xoojiyay amniga madaxweyne Ferdinand Marcos Jr, kaddib marki ay madaxweyne ku xigeenkiisa haweeneyda lagu magacaabo Sara Duterte ay si cad ugu hanjabtay in shirqool lagu dili doono, haddii iyada la dilo.

Sara Duterte oo ah gabadh uu dhalay madaxweynihi hore ee Filibiin Rodrigo Dutere, ayaa shir jaraa’id oo ay Sabtidi shalay qabatay ku sheegtay in ay la hadashay nin dilaay ah oo ay kula heshiisay in uu khaarijiyo madaxweynaha, marwada koowaad iyo afhayeenka Baarlamaanka Filibiin, haddii iyada la dilo.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay calaamad muujineysa khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya labada qoys ee ugu awoodda badan Filibiin, ee kala ah reer Duterte iyo reer Marcos.

Taliska Nabad Suggida ee Madaxtooyada ayaa sheegay inay sare u qaadeen oo ay xoojiyeen hab-maamuuska amniga. Waxuu kaloo talisku sheegay in ay si dhow ula shaqeyneynaa hay’adaha fulinta sharciga si loo ogaado, looga hortago loona difaaco wax kasta oo khatar ku ah madaxweynaha iyo qoyskkiisa.

Taliyaha booliska, Rommel Francisco Marbil ayaa sheegay in uu amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo, isaga oo intaa ku daray in “khatar kasta oo toos ah ama mid aan toos ahayn oo naftiisa ku soo wajahan ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto”.

BF oo war culus oo Axmed Madoobe ka dhan ah kasoo saaray doorashada Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray Madaxweynaha maanta Kismaayo lagu doortay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Senator ka tirsan Aqalka Sare.

Xildhibaanada ayaa caawa soo saaray bayaan wadajir ah oo ciwaan ay uga dhigeen, “BOGGAADIN MADAXWEYNAHA CUSUB, GUDDOONKA IYO GOLAHA WAKIILADA EE JUBBALAND.”

Qoraalka ka soo baxay xildhibaanadaas ayaa lagu yiri “Anagoo ah Xubnaha Xildhibaanada Labada gole ee ku metela Dowlad Goboleedka Jubblanad, waxaan soo dhoweyneynaa doorashada madaxweynaha dowlada Jubbaland ee la Doortay llyaas Bedel Gaboose, guddoonka iyo golaha wakiilada Jubbalad.”

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in tani ay tahay talaabo horay loo qaaday, isla markaana horumar u ah Jubbaland inuu ka dhaco isbedel siyaasadeed, kadib mudo dheer oo hoggaamka maamulkaas uu heystay Axmed Madoobe.

Xildhibaanada oo baaq u diray shacabka Jubbaland ayaa ka dalbaday in ay tageeraan Madaxweynaha la doortay ee Senator Ilyaas Bedel Gaboose.

“Waa in shacabku la garab istaago hiil iyo hoo maamulka cusub ee inoo curtay oo aan dhihi karno waa midkii dalka iyo dadka reer Jubbaland ee Soomaaliyeed ka samata bixin lahaa dhibaatada inagu habsatay ee 13 sano ka soo jirtay Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saareen xildhibaano heer federaal ah.

Dhinaca kale, Xildhihaanada oo qoraalkaan farriin ugu diray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday in taageero lagu siiyo maamulka uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbland, Ilyaas Gaboose Guddoonka iyo Baarlamaanka Jubbaland.

“Waxaan cambaareyneynaa falka foosha xun ee uu ku kacay saakay madaxweynihii hore ee xilku ka dhamaaday Axmed Madoobe oo weerar naf go’day oo lagu beegsaday Madaxweynaha cusub iyo siyaasiyiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada Jubbaland laga soo doorto ay soo saareen.

Ugu dambeyntii xildhibaanada soo saaray qoraalkaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee la doortay Ilyaas Bedel Gaboose, inuu ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka reer Jubbaland, soona dhiso Xukuumad loo dhanyahay oo ka shaqeysa horumarka, amniga gudaha iyo la dagaalanka argagixisada iyo dhuxusha.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda DF, soona dhegsaday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Axmed Madoobe ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, wuxuuna sii wataa jadwalkiisa doorasho ee dhawaan uu soo saaray guddiga doorashada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadda doonaya in markii saddexaad dib loo doorto ayaa haatan soo dhegsaday boor uu ku muujinayo hal ku dhigga ololihiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa gudaha magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Boorka oo si weyn loo soo qurxiyay ayaa lagu dhajiyay inta badan waddooyinka magaalada, waxaan lagu xardhay hal ku dhig uu sanadkaan ku ololeynayo oo ah “Karti Dowladeed iyo Karaamo Shacab”, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday boorka oo la faafiyay.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, waxaana ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay sameynayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland, si loo xaqiijiyo amniga doorashada, ayada oo sidoo kale la hakiyay dhaq-dhaqaaqa meelaha qaar.

Khamiistii waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, kaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loogu doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod.

Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kasii dareysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya.

Si kastaba, doorashadan ayaa muujineysa in uusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhaceysa 25-ka bishaan, waana sababta ugu dhagan yahay doorasho gaar ah.