25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda DF, soona dhegsaday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Axmed Madoobe ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, wuxuuna sii wataa jadwalkiisa doorasho ee dhawaan uu soo saaray guddiga doorashada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadda doonaya in markii saddexaad dib loo doorto ayaa haatan soo dhegsaday boor uu ku muujinayo hal ku dhigga ololihiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa gudaha magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Boorka oo si weyn loo soo qurxiyay ayaa lagu dhajiyay inta badan waddooyinka magaalada, waxaan lagu xardhay hal ku dhig uu sanadkaan ku ololeynayo oo ah “Karti Dowladeed iyo Karaamo Shacab”, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday boorka oo la faafiyay.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, waxaana ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay sameynayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland, si loo xaqiijiyo amniga doorashada, ayada oo sidoo kale la hakiyay dhaq-dhaqaaqa meelaha qaar.

Khamiistii waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, kaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loogu doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod.

Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kasii dareysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya.

Si kastaba, doorashadan ayaa muujineysa in uusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhaceysa 25-ka bishaan, waana sababta ugu dhagan yahay doorasho gaar ah.

Sawirro: Muuse Biixi oo Cirro ku casuumay madaxtooyada – Maxay ka wada-hadleen?

0

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Muuse Biixi ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada Somaliland.

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland ayaa lagu casuumay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah.

Masuuliyiinta ayaa iska warsaday xaaladda guud ee maamulka Somaliland iyo sida loo qabanayo munaasabadda xil wareejinta.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro la wadaagay xogta arrimaha khaaska ah ee dalka, maadaama uu xukunka ku wareejinayo.

Muuse Biixi ayaa ogolaaday inuu u hoggaansamo natiijada doorashada, isla markaana uu xilka u wareejiyo si nabad ah, waana arrin si weyn loogu amaanay Somaliland.

Kulanka maanta madaxtooyada Somaliland ka dhacay ayaa ah kii ugu horeeyey ee Cirro iyo Muuse ay ku kala warqaateen guushii doorashada kadib.

Somaliland waxaa ka dhacday doorasho furan oo dunida dhan laga amaanay, waxaana ka dhacay isbedel weyn, iyadoo meel hoose la geeyey xisbigii dalka xukumi jiray ee Kulmiye.

Daawo: Axmed Madoobe: Haddii la iga guuleysto waxaan…

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay rajadiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa Kismaayo.

Axmed Madoobe oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in sababta uu mar kale isku sharraxay ay tahay inuu dhameystiro waxyaabaha u dhiman, sida uu hadalka u dhigay.

Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mar wax laga waydiiyay natiijada doorashada uu galayo, inkastoo aanu jirin tartan adag ayaa waxa uu ballan qaaday inuu aqbali doono natiijada, haddii laga guuleysto.

“Haddii layga guuleysto 100% ayaan aqbalayaa natiijada doorashada” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland oo markiisii saddexaad u sharraxan xilkaasi.

Hadalkan Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inuu yahay ii dheh siyaasadeed uun, maadaama doorashada dhaceysa uu isagu gacantiisa ku maamulanayo, isla markaana ay bannaanka ka joogaan inta badan xubnaha mucaaradka iyo xittaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan oo mayal adag ayaa ku adkeysanaya go’aankiisa ah inuu galo doorasho dadban oo ay diidan tahay dowladda dhexe oo marar ay isku qabteen doorashooyinkii uu galay.

Jubaland oo qorshe uu damacsan yahay Xamza uga digtay QM iyo ATMIS

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha maamulka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa u digtay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ATMIS, waxayna ku wargelisay in diyaaradahooda aan loo isticmaali karin arrimo siyaasadeed.

Jubbaland ayaa ku wargelisay QM iyo ATMIS inay galeyso doorasho, isla markaana ay ka digeyso in diyaaradahooda loo isticmaalo siyaasad, si looo fashiliyo doorashadaasi.

“Dowladda Jubbaland waxay ku wargelineysaa hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha dowladda Jubbaland. Sidaas aawgeed wasaaradda amniga gudaha waxay ku wargelineysaa in diyaaradaha UN-ka aan lo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre uu damacsan yahay in uu diyaaradaha QM iyo ATMIS u adeegsado qorshe siyaasadeed oo ka dhan ah Jubbaland, ayna ka digayaan arrintaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay cambaareyneyso isku dayo ay sheegtay inay waddo xukuumadda Soomaaliya, isla markaana ay ku fashilineyso doorashada Jubbaland.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay ilaaliyaan sharciga dlaka ee ku dhisan nidaamka federaalka, si loo ilaaliyo xasilloonida guud.

Warqaddan kasoo baxday Jubbaland ayaa ah mid uga sii hortegeyso in dowladda dhexe ay galaangal ku yeelato doorashadeeda oo dhaceysa 25-ka bishaan, taas oo ay u badan tahay in mar kale dib loogu doorto Axmed Madoobe oo gacantiisa ku maamulanayo doorashada.

 

Jubaland oo jawaab culus soo saartay kadib dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Jubbaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidanka ammaanka iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka.

Afhayeenka booliska Jubbaland oo lagu magacaabo Dhamme Shukri Faarax Ducaale ayaa xaqiijiyay in israaseynta uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada musharixiinta, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 2 askari.

Shukri Faarax ayaa dhacdadan dusha u saaray musharixiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in gaari ay wateen ilaaladooda uu rasaas huwiyay ciidanka, kadibna ay sidaasi ku bilaabatay xabadda.

Sidoo kale wuxuu inyaasi ku daray in ilaalada xubnaha mucaaradka ay maalmihii la soo dhaafay ku lug lahaayeen falal amniga lid ku ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay.

Eedeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya, waxaana wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu sheegay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland”.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu booqasho kadis ah ku tegay qaar kamid ah suuqyada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo horumar ganacsi ee suuqyada caasimada, isaga oo ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaalla Isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas waqti kula soo qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha ganacsi ee uu xalay booqday.

Haddaba sidee looga falceliyay booqashada kadiska ah ee madaxweynaha?

Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan Cali Fahle oo kamid ah dadka soo hadlay ayaa yiri “Madaxwayne ku soo dhawaaw degmada Hodan iyo Taleex Hayat Super Market”.

Maxamed Sabriye “Maasha allaah nabaddaas allaah ka sokow mudane madaxweyne dadaal badan baad ku bixisay”.

Cali Soomaali “Suuqyada Mogdishu ma Jubba Hypermarket iyo Hayat Market leeya muu Bakaaro, Xamarweyne iya Suuq Boocle tago?”.

Abuukar Cawaale oo u ololeeya in qaadka la joojiyo ayaa isna yiri “Suuqyada Qaadka soo eeg Madaxweyne oo soo arag xaaraanta aad ummadda kusoo fasaxday sideey qoysaska udumineyso”.

Ifraax Maxamed “Madaxwayne magaalka shiidka ka jira ma aragtay horta mase Xayat ma dhaafin?”.

Maxamed Gargaar “Mudane madaxwayne u kuur galida bulshadaada waxay abuuraysaa is-dhaxgal bulsho si dalku u gaaro nidaam qof iyo cod oo doroasha ah”.

Puntland iyo Jubaland oo dacwad ka gudbiyey safiirka UK ee Soomaaliya + Sababta

0

London (Caasimada Online) – Odoyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyey safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, oo ay ku eedeeyeen inuu ku dhex-milmay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. 

Odayaasha ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya. 

Warqadan ayaa ku eedeysay danjire Michael Nithavrianakis inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee safaaradda UK ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda UK in ay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay odayaashu u fasirteen in uu tixraac u yahay hoggaamiyeyaasha ama gobollada ka soo horjeeda qaabkiisa doorasho. 

Odoyaasha ayaa ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Soomaaliya. 

Waxay ka digeen in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni.

Odayaasha ayaa ku baaqaya in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto madax bannaanida dalka.

Waxay ku booriyeen dawladda UK inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya ama caqabad ku noqon karta safarka dheer ee qaranku ugu jiro xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.

DF oo gaartay go’aan culus oo ka dhan ah Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira doorashada ka socota Jubbaland, ee uu wado madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka batrolka iyo macdanka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa mashruuc faneed ku tilmaamay doorashada ka socota Kismaayo isaga oo si weyn u dhaliilay xulista xildhibaanada iyo doorashada guddoonkooda.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo in uu mar kale isku caano shubo, si uu usii hoggaamiyo maamul goboleedka Jubbaland, balse waxa uu xusay in aanay dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka batrolka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe aysan marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaasi oo uu ku tilmaamay mid boob ah.

“Iyadoo la waafajinayo qorshaha dowlad dhisidda DFS waxaa ka go’an in laga gudbo doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona gudbo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Xukuumadu ma aqoonsan doonto natiijada mashruuc faneedka ee lagu soo xulay xildhibaanada, afhayeenka baarlamaanka iyo tan doorashada Madaxweynaha” ayuu yiri.

Hadalkan waxaa ka horreeyay go’aan kale oo horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo lagu diiday doorashada Jubbaland, waxaana isna bayaankaas lagu sheegtay in aanay dowladdu aqbali doonin doorashada lagu deg-degayo ee Jubbaland.

Waxaa kale oo jirta in beesha caalamka ay iyaduna ka hortimid qorshaha Axmed Madoobe, iyada oo ugu baaqday inuu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si loo dhameeyo xiisadda u dhexeyso isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe, wuxuuna sidoo kale dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, isaga oo si wata jadwalkiisa doorashada oo dhaceysa 25-ka bishan, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa.

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dagaal maanta ka dhacay Kismaayo oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Fartaag ayaa marka hore si adag u cambeereeyay falka ka dhacay Kismaayo, wuxuuna ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaaladaasi.

“Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbalad uu ka hurinayo dagaal sokeeye oo la’isaga horkeenayo dadka ehelka ah wada dega maamulkaasi.

“Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland” ayuu mar kale yiri Fartaag.

Wasiirka soo sii hadlaya ayaa ciidamada joogga Kismaayo uga digay inay ku milmaan siyaasad iyo in loo adeegsado in lagu fushado dano gaar ah.

Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN  ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa oo lagu magacaabo Ilyaas Beddel Gaboose iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada.

Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.

Dagaal culus oo ka qarxay Kismaayo – Yaa isku haya?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ilaalada mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa hadda istaagay, wuxuuna si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN  ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa oo lagu magacaabo Ilyaas Beddel Gaboose iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada.

Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Ciidanka Jubbaland ayaa lasoo wariyay in ay dileen mid kamid ah askarta ilaalada u ahady musharraxa Gaboose, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu gaystay khasaare kala duwan, oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeya mucaaradka iyo ciidanka Axmed Madoobe.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Jubbaland iyo dhinaca musharixiinta mucaaradka oo ku aadan gacan ka hadalka ka dhacay halkaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.

PUNTLAND oo toogasho ku fulisay Maxamed Abshir

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xukunka oo qisaas ahaa ayaa waxaa lagu fuliyay xukmane Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika, Marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse.

Booliska Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in xukunka dilka ah uu saaka fulay, isla markaana toogashada lagu fuliyay Maxamed Abshir oo 29 July 2024 dilkan uga gaystay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gaacsiga maamulka Puntland.

“Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo  maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri warka Booliska.

Fagaaraha ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka socotay maxkamadda, mas’uuliyiinta degmada iyo ehellada oo goobjoog ahaa qisaasta.

Maxkamadeynta dambiilaha ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana dilka uu gaystay uu yimid, kadib muran muran ka dhashay mushaaraadka jaamacadda oo ay ka wada tirsanaayeen marxuumka iyo isaga, iyada oo  ugu dambeyn saaka lagu fuliyay toogashada.

Si kastaba, Puntland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay shaqsiyaad dilal ka gaysta deegaanadeeda, kuwaas oo u badan xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

BF oo tallaabo muhiim ah u qaaday doorashooyinka – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Illaa 169 Xildhibaan ayaa ogolaatay xeerkan, waxaana diiday laba mudane, halka uu ka aamusay hal xildhibaan, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta oo ahayd gacan-taag.

Intaas kadib Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo goobjoog ah kulanka ayaa labada aqal ee Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Labada gole ayaa horay u meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbyada iyo sidoo kale xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay horkaceyso Villa Soomaaliya, ayna kula heshiiyeen qaar kamid ah maaullada dalka.

Qorshahan oo dhaliyay xiisad siyaasadeed oo xoogleh ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo marayo doorashooyinka qof iyo codka ah ay qaldan tahay, kana imaaneyso dastuurka KMG ah.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda haatan taagan oo saameynteeda si weyn looga dareemayo gudaha dalka.

Xogta saraakiil ka tirsanaa Shabaab oo lagu laayay Sh/Hoose + Magacyada

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen aagga degmada Sablaale ee gobolkaasi, iyada oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Haawaay, xilli ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo lagu laayay halkaasi.

Ugu yaraan 12 xubnood oo isugu jiro dagaalamayaal iyo saraakiil sar sare ayaa lagu dilay weerarkan dhanka cirka ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha howlgalkan lagu khaariyay waxaa kamid ahaa:

  1. Abuu Yaasir Ama Abuu Saciid oo ka soo jeeda gobolada waqooyi wuxuna ahaa amiirka guud ee amniga dibadda ee ururka
  2. ⁠Abdiladiif Abu Zubeer waxa uu ahaa sargaal Qayta tababarada ee AS haystay
  3. ⁠Abuu Ayuub isaguna wuxu ahaa guddomiyaha deegaanka Haawaay.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana deegaanka la duqeeyay buux dhaafiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo isku geedaamay goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Marar badan ayaa Al-Shabaab lagu duqeeyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana horay 2014-kii deegaanka xalay howlgalku ka dhacay lagu dilay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

NATO iyo Ukraine oo go’aan ka gaarayo gantaallada Ruushka uu adeegsaday

0

Kyiv (Caasimada Online)  – Gaashaanbuurta NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine.

Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk.

Fadhi uu yeelan lahaa baarlamaanka Ukraine ayaa shalay la baajiyay sababo dhinaca amniga ah oo xiriir la leh, gantaallada Ruushka.

Saraakiisha millatariga Ukrain ayaa sheegay in gantaalka lagu tijaabiyay magaalada Dnipro uu gaaray xawaare sare isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac.

Isaga oo Jimcihi la hadlayay saraakiil millatari, ayuu Putin sheegay, in ay billaabi doonaan waxsoosaarka hubka cusub ee ay Ukraine ku tijaabiyeen ee Oreshnik. Wuxuu kaloo sheegay in ay sii wadi doonaan tijaabada gantaallada isla markaana ku ridi doonaan halka ay u arkaan in ay khatar kaga imaneyso.

Isha: VOA

Congress-ka Mareykanka oo damacsan tallaabo culus oo ka dhan ah Imaaraadka

0

Washington (Caasimada Online) – Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan.

Van Hollen ayaa Senate-ka u gudbiyay qaraar wadajir oo diidmo ah, halka Sara Jacobs oo sidoo kale Dimoqraadi ah, ay mid la mid ah u gudbisay Aqalka Wakiilada.

Dadaalkoodu uma badna inuu taageero weyn ka heli doono Congress-ka maadaama maamullada Mareykanka ee madaxweynayaasha labada xisbi ay muddo dheer u arkeen Imaaraadka inuu yahay saaxiib amniga gobolka oo muhiim ah. Hase yeeshee waxa uu dareenka kusoo jeedin doonaa dagaalka oo noqday mid ka mid ah musiibooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka.

“Imaaraadka waa saaxiib Bariga Dhexe oo muhiim ah, laakiin Maraykanka iskama fadhin karo isagoo taageeraya musiibada bani’aadannimo ee Suudaan – waa in aan isticmaalno awooddeena si aan isugu dayno in aan dagaalka u keeno xal nabadeed,” ayuu Van Hollen ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sharciga Maraykanku ayaa dhigaya in Congress-ka uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada hubka ee waaweyn, wuxuuna u ogolaanayaa xubnaha Senate-ka in ay khasbaan cod loo qaado go’aannada diidmada ee xannibaya iibka noocaas ah.

Inkasta oo sharciga aanu u ogolaanayn xubnaha aqalka wakiilada inay qasbaan codkan oo kale, haddana qaraarada waa in ay maraan labada aqal ee congress-ka, ayna ka bad-baadaan codka diidmada ee madaxweynaha, si ay u hirgalaan.

Ma jiro qaraar diidmo oo abid maray labada aqal, islamakraana ka bad-baaday codka diidmada ee madaxweynaha. Qaraarada noocan ah ayaa mararka qaar hoggaamiyey doodo kulul oo tusmeeyey walaalcyada la xiriira xuquuqda bani’aadannimada iyo qanacsanaan la’aanta sharci-dejiyayaasha ee iibka hubka.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ahaa iibsade hubka Mareykanka oo weyn. Bishii October, maamulka Biden wuxuu ku dhawaaqay, tusaale ahaan, inuu ansixiyay iibka suurtagalka ah ee gantaallada GMLRS iyo ATACMS oo ku kacaya $1.2 bilyan.

Qaraarkan cusub ayaa isku dayaya in la joojiyo iibkaas.

Madaxweyne Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sanadkan u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib gaashaandhig oo weyn, waxaana dowladda Khaliijka ay martigelisaa saldhigga ciidamada cirka Al Dhafra oo ay isticmaalaan diyaaradaha militariga Mareykanka iyo kumanaan askari oo Mareykan ah.

Ciidamada Sudan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero ku siiyeen Jabhadda Dacmu Sariic dagaalka Sudan ee 17-ka bil socda.

Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaasi. Kormeerayaasha cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedaymaha ah in Imaaraadku uu taageero millatari u fidiyay Dacmu Sariic kuwo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka ayaa April 2023 ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo Dacmu Sariic, wuxuuna ka dhashay muran la xiriira qabashada doorasho xor ah, waxaana ku dhintay kumanaan qof.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in qiyaastii 25 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, ayada oo qarka loo saaran yahay macluul, halka 8 milyan ay ka qaxeen guryahooda.

Reuters

Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa booqasho kedis ah ku tegay suuqyada ganacsi ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho aan horay loo sii shaacin oo kadis ah ku tagay, qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo horumar ganacsi ee suuqyada caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaalla Isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Xasan Sheekh ayaa halkaas waqti kula soo qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha ganacsi ee uu caawa booqday.

Madaxweynaha ayaa ka yimid Hotel Jazeera oo caawa fiidkii hore uu kaga qeyb galay kulan duco loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo Isniintii lagu aasay Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ducada ah ayaa ka sheekeeyey sifooyinkii uu ka bartay Siilaanyo, maadaama ay dhowr mar kulmeen iyagoo ka wadahadlaya qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Dhowr mar ayaan kulanay Siilaanyo isagoo madaxweyne ah iyo anigoo madaxweyne ah teeramkii hore, maadaama aan isku arki jirnay wadamo shisheeye, waxaan kula kaftami jiray anigaa Hargeysa imaanayee Madaxweyne maad i marti waadid, marka wuxuu dhihi jiray waa la gaari doonaa maalinkeeda, waana laguugu marti qaadayaa Hargeysa ayuu i dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mar kasta uu talo ka sii jiray hoggaaminta dalka, maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed, “Mar kasta wuxuu na dhihi jiray war meelahaas saas iska yeela oo sidaas uga shaqeeya, wuxuu na sii jiray tilmaamo ku dhisan waayo aragnimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Siilaanyo uu madaxda dowladda federaalka uga mahadceli jiray, markii ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, “Markaan wadahadleyno anigu Adeer ayaan dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka eeg sawiradii booqashada suuqyada

Xog: Daacishta Soomaaliya oo sii kordheysa iyo QM oo warbixin cabsi leh ka soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sii badaneysa, waxaana in tirada dagaalyahanadeeda ay laba jibaarmeen.

Warbixin ay soo saartay Qaranada Midoobey ayaa lagu sheegay in 600 illaa 700 oo dagaalame ay gaartay Daacishta Soomaaliya, iyadoo la raaciyey sababta ay u sii kordhayaan.

Ajaanib ka timid Itoobiya, Suuriya, Yemen, Marooco iyo Tanzania ayaa lagu sheegay warbixintaan inay ku soo biireen Daacishta ku jirta dhulka buuraleyda ah ee deegaanada Puntland.

Kooxda dabagalka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey oo warbixintaan soo saaray ayaa sheegay in dhulka iyo badda ay ka soo galeen Soomaaliya muhaajiriinta ku biirtay Daacish.

Dhaqdhaqaaq xooggan oo Daacish ay wado ayaa laga soo sheegayaa buuraleyda Calmiskaad ee Puntland, xubno Daacish ah oo Puntland u gacan galay ayaa sheegay in tababarayaal ka socda Bariga Dhexe ay joogaan buuraleyda ay kooxdu ka howlgasho.

Dhaqaalaha kooxda ayaa la sheegay inuu yahay mid xooggan, waxaana u suurtashay Daacishta Soomaaliya ku sugan inay Daacishta kale ee caalamka u dirto dhaqaale.

Iskood ayey isku maal geliyaan Daacishta Soomaaliya, sida lagu cadeeyey warbixintaan, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha kooxda.

Nin lagu magacaabo Cabdiweli Waranwalac ayaa loo magacaabay madaxa maaliyadda ee Khawaarijta Daacish, halka hoggaamiyihii hore Cabdulqaadir Muumin loo dalacsiiyey in kaalin hoggaamineed oo balaaran uu kooxda ku dhexyeesho.

Warbixintaan ayaa quus ka muujisay khatarta soo kordheysa ee kooxda Daacish ee ka dagaalanta waqooyi bari ee Soomaaliya, taani waxay sii xoojineysaa digniinihii caalamiga ahaa ee ku aadanaa isbalaarinta kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Daawo: Xasan oo shaaciyey sidii ay Siilaanyo u wada shaqeyn jireen, kana hadlay doorashadii Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay kulan duco ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Isniintii lagu aasay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ducada ah ayaa ka sheekeeyey sifooyinkii uu ka bartay Siilaanyo, maadaama ay dhowr mar kulmeen iyagoo ka wadahadlaya qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Dhowr mar ayaan kulanay Siilaanyo isagoo madaxweyne ah iyo anigoo madaxweyne ah teeramkii hore, maadaama aan isku arki jirnay wadamo shisheeye, waxaan kula kaftami jiray anigaa Hargeysa imaanayee Madaxweyne maad i marti waadid, marka wuxuu dhihi jiray waa la gaari doonaa maalinkeeda, waana laguugu marti qaadayaa Hargeysa ayuu i dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mar kasta uu talo ka sii jiray hoggaaminta dalka, maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed, “Mar kasta wuxuu na dhihi jiray war meelahaas saas iska yeela oo sidaas uga shaqeeya, wuxuu na sii jiray tilmaamo ku dhisan waayo aragnimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Siilaanyo uu madaxda dowladda federaalka uga mahadceli jiray, markii ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, “Markaan wadahadleyno anigu Adeer ayaan dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Siilaanyo uu ahaa hoggaamiye ku dayasho mudan, “dhaqankiisa, dabeecadihiisa iyo hoggaamintiisa waxay ahaayeen cajiib, in kastoo aan ku kala duwaneyn hoggaaminta labo dowladood oo Soomaaliya ka wadajirta, hadana wanaaga na dhex yaallay wuxuu ahaa mid heerkiisu sareeyo,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Siilaanyo, isagoo sheegay in dowladnimada Soomaaliya uu raad fiican uga tegay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Somaliland ugu hambalyeeyey doorashadii ay qabsadeen, “Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay walaalaheena waqooyiga Soomaaliya aan ku daysano wixii fiican waa la isaga daysadaahe,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Xog: Qoor Qoor iyo Rooble oo warqado codsi u diray Xasan Sheekh iyo Xisbigiisa UPD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, labo codsi oo kala duwan oo ka yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo gaaray Xisbiga UDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.

Labadaan Masuul ayuu mid kasta codsanayaa in loo ogolaado inuu xubin ka noqdo Xisbiga UPD, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda xubnaha Xisbiga ay ka fariistaan, go’aana ka gaaraan codsiyada Qoor Qoor iyo Rooble.

Labada nin waxaa caqabada ugu badan la kulmaya Qoor Qoor oo abaal badan uusan u dhex oolin xisbigaan, basle waxaa la eegi doonaa go’aanka ay ka gaaraan xubnaha Xisbigaan uu Xasan Sheekh hoggaamiyo.

Rag miisaan ku dhex leh siyaasadda dalka oo Qoor Qoor ay isku heyb yihiin ayaa ku badan Xisbiga UPD, kuwaas oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Shuuriye iyo Abshir Bukhaari, kuwaas oo xifaaltan siyaasadeed uu kala dhexeeyo Qoor Qoor.

Inkastoo hadda ka hor aan si rasmi ah loo ogeyn xisbiga uu ka tirsan yahay Qoor Qoor, hadana waxaa la xusuustaa inuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne hore Farmaajo, sidoo kale ragga qaar oo Xisbigaan awood badan ku dhex leh waxay Qoor Qoor ku xusuustaan sidii uu u maamulay doorashadii kuraasta Xildhibaanada Federaalka.

Ra’iisul Wasaare hore Rooble, waxaa la sheegay in wax badan aysan ku qaada doonin xubinimada uu raadinayo ee Xisbiga UPD, maadaama ay abaal badan u hayaan, isla markaana uu ahaa ninkii u salaxay guusha uu mar kale Xasan Sheekh dalka Madaxweyne uga noqday.

Rooble oo dagaal adag la galay Farmaajo ayaa saaxiib la ahaa guushana la jiheeyey xubnaha maanta dalka maamula ee UPD, waxaana suurtagal ah in culeys badan uusan kala kulmin xubinimada uu soo doontay ee xisbiga, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in Rooble uusan horay uga tirsaneyn xisbigaas, balse Xasan Sheekh uu saaxiib la ahaa.

Baarlamaaka Soomaaliya ayaa toddobaadkaan ansixiyey in siyaasadda dalka ay maamulaan 3 xisbi oo kaliya, dadka siyaasadda daneeya ayaa ku kala biiri doona xisbiyadaas, waana sababta ay xubnahaan u soo doonteen xubinimada xisbiga UPD oo Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.

Jaamac iyo ku-xigeenka Erdogan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Ankara

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu maanta kulan kula qaatey madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Cevdet Yılmaz.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo weliba amniga gobolka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, kaas oo isku beddeley mid labada dal ay ka wada-shaqeyaan dhinacyada dhanka dhaqaalaha, amniga iyo horumarka labada dhinac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo hore u gaaray heshiisyo muhiim ah.

Horraantii sanadkan ayey aheyd markii labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo Turkiga u ogolaanaya inay xeebaha Soomaaliya ka sameeyaan baaritaan shidaal.

Shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga ayaa la siiyey qandaraas 3 aag ah oo shidaalka Soomaaliya qoditaankiisa bilow u ah.

Sidoo kale waxaa Soomaaliya soo gaaray bishii lasoo dhaafay markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis, si uu qiimeyn iyo shidaal baaris uga sameeyo Soomaaliya.