27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirka gogoshii uu fidiyey Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirka gogosha wadatashiga qaran oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gaba-gabada shirkan oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban qoddobo door ah sida: arrimaha doorashooyinka, ilaalinta midnimada dalka iyo dhamaystirka dastuurka, oo muran xooggaan ka taagan yahay.

Gogoshan ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiim iyo hoggaamiyeyaasha qaybaha bulshada sida: madax hore, ururrada siyaasadda Soomaaliya ee diiwaangashan, Xisbiyada siyaasadda Puntland, Culimada iyo bulshada rayidka ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa ugu horeyntii ku baaqay in deg-deg loo qabto doorashooyinka heer deegaan ah si la isku soo gaarsiiyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka lagu soo dhaweeyay in la soo gudbiyo aragtiyaha dhamaystirka dastuurka, iyadoo loo raacayo habraaca dastuurka uu dhigayo.

“Gogushu waxaa ay hoosta ka xariiqday in ilaalinta iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ay tahay lama huraan,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka, iyadoo gogoshu ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, si xal looga gaaro midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Gogosha ayaa dhiiri-gelisay muhiimadda inay sii socdaan wada-hadallada heshiis dhameystiran oo loo dhan yahay looga gaarayo doorashooyinka labada heer ee dawlad goboleedyada iyo dowladda federaalka (Baarlamaanka iyo Madaxweynaha).

Gogoshu waxay taageertay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxa argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kaasioo ka socda gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo gobolka Bari ee buuraha Calmiskaad.

“Gogoshu waxay isla qaadatay in doorasho dadban nooc kasta oo ay tahay aan dib loogu noqon. Iyadoo laga ambaqaadayo khibradaha dhanka dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka ee maamullada Somaliland iyo Puntland, gogoshu waxaa ay hoosta ka xariiqday in si deg-deg ah loo qabto doorashada dawladaha hoose ee deegaanada kale ee dalka,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

IRAN oo xoojisay weerarada Israa’iil iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israaiil iyo Iiraan ayaa Khamiista maanta ah mar kale is-weydaarsaday weerarro gantaallo ah, iyadoo maalintii toddobaad uu galay dagaalka labada dal oo muddo dheer colaado ka dhexeeyeen. Haddaba waxaa hoos ku xusan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaalka:

Weerar laguq aaday isbitaal

Isbitaal ku yaalla koonfurta Israaiil ayaa la weeraray, ka dib markii Iiraan ay ku garaacday tobannaan gantaal, sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaa sidoo kale la soo weriyay in gantaalladu ay ku dhaceen laba magaalo oo kale oo ku dhow xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv.

Isbitaalka Soroka ee magaalada Beersheba ayaa dab qabsaday weerarka kaddib, iyadoo agaasimaha isbitaalka, Shlomi Codish, uu sheegay in ilaa 40 qof ay dhaawacmeen.

“Qeybo badan oo isbitaalka ka mid ah ayaa gebi ahaan burburay, waxaana ka muuqata waxyeello baaxad leh oo guud ahaan isbitaalka soo gaartay,” ayuu yiri Codish.

Iiraan ayaa sheegtay in bartilmaameedkeeda rasmiga ah ee weerarka uu ahaa saldhig milatari iyo xarun sirdoon oo ku dhow goobtaas, balse aysan ahayn isbitaalka.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in sharciga caalamiga ah uu dhigayo in “isbitaallada la ixtiraamo oo la ilaaliyo.”

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa labada dhinac ugu baaqay isxakameyn, wuxuuna sheegay inay tahay wax laga argagaxo “in shacabka lagu bartilmaameedsado colaadaha.”

Ra’iisul wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in Tehran ay bixin doonto qiimo culus.

Israaiil oo u hanjabaad u dirtay Khamenei

Netanyahu oo ka hadlayay magaalada Beersheba kaddib weerarka isbitaalka ayaa sheegay in Israaiil ay ka go’an tahay inay baabi’iso halista hubka nukliyeerka iyo awoodda gantaalaha ridada dheer ee Iiraan.

Wasiirka difaaca Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, “aan loo dulqaadan karin inuu sii jiro.”

“Khamenei wuxuu si cad ugu dhawaaqay inuu doonayo inuu Israaiil burburiyo, isagoo toos u amray weerarrada lagu qaadayo isbitaallada,” ayuu yiri Katz. “Qof sidan ah lama oggolaan karo inuu sii jiro.”

Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku uu og yahay halka uu ku sugan yahay Khamenei balse aysan hadda qorsheynayn inay dilaan.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha ugu sarreeya Shiicada Ciraaq, Ayatollah Ali Sistani, ayaa ka digay in weerar kasta oo lagu qaado hoggaanka sare ee diimeed iyo siyaasadeed ee Iiraan uu horseedi karo cawaaqib khatar badan oo gobolka saameeya.

Trump oo ka fiirsanaya inuu dagaalka ku biiro

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ka qaybqaato weerarrada Israaiil, isagoo sheegay in Iiraan ay ka dalbatay wadaxaajood lagu joojiyo colaadda.

“Waxaa dhici karta inaan dagaalka galo ama aanan gelin,” ayuu Trump u sheegay saxaafadda. “Waxaan kuu sheegayaa in Iiraan ay ku jirto dhibaato weyn, waxayna doonaysaa wadaxaajood.”

Saraakiisha Yurub iyo kuwa Iiraan ayaa shaaciyay in wadahadal ku saabsan arrimaha nukliyeerka uu ka dhacayo Geneva maalinta Jimcaha, iyadoo ay kasoo qeybgalayaan diblomaasiyiin ka socda Britain, Faransiiska, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Abbas Araghchi oo matalaya Tehran.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in Trump uu ansixiyay qorshe weerar, balse uu ka war dhowrayo haddii Iiraan ay diyaar u tahay inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka.

Guddiga Ilaalinta (Guardian Council) ee dowladda Iiraan ayaa uga digay Mareykanka inuu dagaalka soo farageliyo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo adag haddii dowladda Mareykanka iyo “madaxweynaheeda doqonka ah” ay tallaabo milatari qaadaan.

Ruushka, oo saaxiib dhow la ah Tehran, ayaa ka digay in tallaabo kasta oo milatari ah oo Mareykanku qaado ay noqon karto mid “aad u khatar badan.” Kooxo taageera Iiraan oo Ciraaq ku sugan ayaa iyaguna ku hanjabay inay qaadi doonaan weerarro aargoosi ah.

Diblomaasi sare oo Mareykan ah, Tom Barrack, ayaa kooxda Xisbullah ee Lubnaan uga digay inay dagaalka soo galaan, isagoo ku tilmaamay go’aankaas inuu noqon doono mid aad u xun.

Weerarrada goobaha nukliyeerka

Ciidanka Israaiil ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen mishiin nukliyeer oo aan shaqaynayn oo ku yaalla Arak, halka ay sidoo kale mar kale garaaceen xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz.

Milatariga Israaiil ayaa sheegay in weerarka Arak uu ahaa mid looga hortagayay in mishiinkaasi dib loo hawlgaliyo, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen tobannaan goobood oo kale.

Iiraan oo xabsiga dhigtay 24 qof 

Booliska Iiraan ayaa Khamiistii shaaciyay inay xireen 24 qof oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israaiil isla markaana isku dayayeen inay abuuraan xasillooni darro, ayna sumcad-xumo iyo burbur u geystaan nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Labada dal ee Israaiil iyo Iiraan ayaa labaduba shaaciyay xarig ay kula kacayaan dad lagu soo eedeeyay basaasnimo iyo dambiyo kale tan iyo markii uu dagaalka bilowday Jimcihii hore. 

DF oo war kasoo saartay fadeexad si weyn u baahday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubno ka tirsan wafdi dowladda ka socday oo ka qayb-galayay shir ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay baxsadeen ama is dhiibeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xaqiijisay in dhammaan ergada rasmiga ahaa ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ay ku soo laabteen dalka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo iyo mas’uuliyadeed.

Sidoo kale waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka, iyada oo sheegtay in ujeedka uu ahaa in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna dhaawacyo sumcadda dowladda.

“Waxaa wax laga xumaado ah in la faafiyo warar aan la xaqiijin oo dhaawacaya sumcadda hey’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Waxaa kale oo bayaankan lagu sheegay in ergada Soomaaliya ay door muuqda ka qaateen doodaha iyo siyaasadaha ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta daryeelkooda, iyagoo matalayay danaha qaranka.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa farriin culus u dirtay warbaahinta iyo dadka adeegsada baraha bulshda, waxayna ugu baaqday inay xil iska saaraan hubinta wararka ay faafinayaan, ayna ka foogaadaan sheegashooyinka aan sal iyo raad toona lahayn ee lagu khaldayo bulshada Soomaaliyeed.

Shirka loo diray ergadan oo ahaa Kalfadhiga 113-aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka kala socday dowladaha, loo-shaqeeyeyaasha iyo shaqaalaha 187 waddan oo xubno ka ah ILO.

Waxyaabaha looga hadlayay waxaa ka mid ahaa dejinta xeerar cusub oo lagu difaacayo shaqaalaha, ka hortagga khatarta noolaha cudurrada keena ee goobaha shaqada, dhiirrigelinta shaqooyin sharaf leh, iyo hababka lagu wanaajinayo nidaamka dhaqaalaha rasmiga ah.

Si kastaba ha’ahaatee, wararka been abuurka ay dowladdu ku sheegtay ee sida wayn loo faafiyay ayaa yimid, xilli Soomaaliya laga dareemayo qulqul dhallinyaro ah oo u tahriibaya waddamada galbeedka, taasoo noqotay mowduuc si weyn looga doodayo gudaha iyo dibadda dalka.

DENI oo loo jeediyay in uu xilka ka qaado oo uu soo xiro wasiir dhaliyey fadeexad

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay gefkii uu Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir shalay kula kacay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu ugu xad-gudbay si shaqsi ah.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shaki geliyay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna ku tilmaamay qof marxuum ah, sidoo kalena kamid ahaa dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamza waa marxuum ciqaab ku jira, shaki ayaana igaaga jira inuu u dhashay reerka uu sheeganaayo, dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii ayuu jiray” ayuu wasiirku.

Intaas kadib Puntland ayaa la kulantay dhaleeceyn xooggan, waxaana eedeymo waawayn loo jeediyay xukuumadda Puntland ee uu ka tirsan yahay Wasiirka, iyada oo dad badan ay ka caroodeen gef-ka uu ku kacay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Dr. Mukhtaar Maxamed Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in arrintan ay ceeb wayn ku tahay mas’uulka jeediyay, ayna sidoo kale fadeexo ku tahay Puntland.

“Dadka Soomaaliyeed kala tegi laakiin la ceeboobo oo dadka la dacayadeeyo ma’ahan waa gef weyn, mana la caayn karo iyaga iyo ilmahooda” ayuu yiri Dr Mukhtaar.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay  “Haddii Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha shaqadii loo igmaday ay wax kasoo noqdaan waa la dhaliili karaa, laakiin dadka mas’uuliyiinta ah si walba ha noqdeen in la caayo oo Media-yaha laga caayo waa akhlaaq darro, saxna ma’aha”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Wasiir Caydiid aanu qaadi karin mas’uuliyad, sidaas darteedna uu ka dalbanayo Madaxweyne Deni inuu xilka ka qaado, kadibna uu xiro.

‘Waxaa ku fiicneyd in la xiro oo xabsiga laga dhigo oo la yiraahdo maxaad u caayday Ra’iisul wasaaraha? xaqna u malaha nin ceynkaas ah inuu noqdo Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, waxaana weeye qof aan dhammeystirneyn” ayuu mar kale yiri.

Gefka uu ka kacay Wasiirkan ayaa dhaliyay dhaleeceen xooggan, waxaana ka carooday dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeedo Puntland oo sheegay in Wasiirku aanu metalin hadalkaasi, ayna u arkaan gef cad oo uu u gaystay Ra’iisul wasaaraha qaranka.

Soomaali ku dhaawacmay magaalada Tehran oo la soo bad-baadiyay + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Safaarada Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa goor dhawayd ku guulaysatay inay soo badbaadiso muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay magaalada Tehran ee dalka Iran.

Howl-wadeenada Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa xuduudka dowladda Iran soo dhaafsiiyay una soo gudbiyaan dhanka dalka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macallin.

Dr. Musatafa Macallin ayaa waxa uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas kusoo qaaday. Mustafa oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo waddanka Iran wax ku barta.

Safaarada Soomaaliya ee Ankara ayaa maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada ayaa waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ay si rasmi ah ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran in ay la soo xiriiraan safaaradda haddii ay doonayaan in ay ka baxaan dalkaas, xilli ay sii kordhayaan halista colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil.

Safaaradda ayaa baahisay telefoon lambar toos loogala xiriirayo. Baaqan ayaa imanaya iyadoo dagaal culus uu ka socdo gudaha Iran, halkaas oo weerarro duqeyn ah oo ka imanaya dhanka Israa’iil lagu bartilmaameedsaday xarumo rayid, warshado, isbitaallo iyo goobo dowladeed.

Erdogan oo ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhashay dagaalka IRAN iyo ISRAEL

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu noqon doono mid si buuxda iskaga filan warshadaha milateriga, isagoo xusay in Turkigu uu iskii u soo saari doono diyaaradaha dagaalka, taankiyada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ayadoo uu maalintii lixaad socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.

“Waxaan kor u qaadnay heerka wax-soo-saarka gudaha iyo kan qaran oo aan ka qaadnay 20% islamarkaana gaarsiinay 80%, waxaana sii laba jibbaari doonnaa dadaalladaas,” ayuu Erdogan ka sheegay kulan baarlamaan oo uu la yeeshay xisbigiisa AKP (Justice and Development Party).

“Waxaan ku socon doonnaa si samir, adkaysi iyo kalsooni leh, annagoo qaadayna tallaabooyin xisaabsan, si aan u gaarno yoolkeenna ah madax-bannaani buuxda oo dhanka difaaca ah,” ayuu sii raaciyay.

Isagoo ka hadlayay xiisadda gobolka, gaar ahaan weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Erdogan wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka Turkiga ay heegan sare ku jiraan, islamarkaana ay diyaariyeen qorshayaal degdeg ah oo wax looga qabanayo halis kasta oo dhici karta.

“Waxaan gaarsiin doonnaa awooddeena celinta heer ay cidina na weerari karin, kana fikiri karin in ay naga hor timaaddo,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in dhowaan la dhameystiray mashaariic badan oo difaac qaran ah, oo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca cirka, maraakiibta dagaalka, gantaallada riddada-dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, iyo helikobterada.

“Argagixiso dowladeed”

Erdogan wuxuu weerarka Israa’iil ee Iran ku tilmaamay “argagixiso dowladeed,” isagoo eedeyn culus dusha uga tuuray dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kuna dhaliilay in ay jebinayso xeerarka caalamiga ah iyo sharciga.

“Waa arrin sharci ah, dabiici ah, isla markaana xaq u ah Iran in ay isdifaacdo marka ay wajahdo gardarrada Israa’iil,” ayuu yiri Erdogan. Wuxuu xusay in weerarradaasi ay dhaceen xilli ay socdeen wada-xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka Iran.

Kadib shirkii Golaha Wasiirrada ee Isniintii, Erdogan wuxuu sidoo kale shaaciyay in Ankara ay dardargelinayso wax-soo-saarka gantaallada dhexe iyo kuwa riddada fog si ay u gaaraan heer aan la soo haweysan karin oo wax ku ool ah.

Devlet Bahçeli, oo ah hogaamiyaha xisbiga qaraniga ah (MHP) iyo xulafo muhiim ah u ah Erdogan, ayaa Talaadadii ka digay qorsheyaal istiraatiiji ah oo Israa’iil ka damacsan tahay gobolka. Wuxuu ku eedeeyay Tel Aviv in ay ujeeddadeedu tahay in la go’doomiyo Turkiga siyaasiyan iyo militari ahaanba.

Tan iyo markii Israa’iil ay todobaadkii hore bilowday weerarka ay ku qaaday Iran, Erdogan wuxuu wacay dhowr hoggaamiye oo gobolka ah — oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Iran, Mareykanka, iyo Ruushka — isaga oo ku adkaysanaya in diblomaasiyaddu ay tahay waddada kaliya ee lagu xallin karo khilaafka.

“Turkigu ma lahan damac dhuleed”

Arbacadii, Erdogan wuxuu mar kale caddeeyay in Ankara aysan wax damac ah ku haynin dhulalka dalalka deriska ah. “Annagu dhib kama qabno madax-bannaanida iyo xornimada dal kasta,” ayuu yiri. “Cidna yaysan isku daynin inay na tijaabiso, naga hor timaaddo, ama ay dulqaadkeenna imtixaan ku sameyso.”

Intii lagu guda jiray dhamaadka asbuuca, Erdogan wuxuu Madaxweyne Donald Trump u sheegay in wadahadallada barnaamijka nukliyeerka Iran ay yihiin fursadda kaliya ee nabadeed. Wuxuu sidoo kale Turkiga u soo bandhigay inuu door fududeeye ka qaato dadaallada nabadda.

Ilo-wareedyo ku sugan Ankara ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Turkiga la geliyay heegan buuxa, iyadoo dowladda Turkigu ay qabatay shirar amni si loo qiimeeyo khataraha ka dhalan kara fiditaanka dagaalka Israa’iil iyo saamaynta uu yeelan karo gobolka.

Intii lagu guda jiray wicitaan uu la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenka Suuriya Ahmed al-Sharaa, Erdogan wuxuu ugu baaqay in Suuriya aysan ku lug yeelan iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil, islamarkaana ay si dhow ula socoto khataraha argagixisada iyo weerarro kale oo suurtagal ah. 

Trump oo ansixiyey weerar lagu qaado IRAN kadibna…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa habeenkii Talaadada u sheegay la-taliyeyaashiisa sare inuu ansixiyay qorshe lagu weerarayo Iiraan, balse uu hakiyay bixinta amarka kama dambeysta ah, isagoo sugaya bal in Tehran ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka, sida ay Wall Street Journal sheegeen saddex qof oo xog-ogaal u ah arrintaas.

Tan iyo markii uu tilmaamo gaar ah ku siiyay saraakiisha militariga qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad (White House Situation Room), Trump ayaa si furan u sheegay in weerar ka dhan ah Iiraan uu ka mid yahay tallaabooyinka uu ka fiirsanayo.

“Waxaan hayaa fikrado aan ku dhaqaaqi karo, laakiin go’aanka kama dambeysta ah wali ma gaarin. Waxaan doorbidaa inaan go’aanka kama dambeysta ah qaato hal il-biriqsi ka hor xilliga loo baahdo,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta Arbacadii.

Trump ayaa rajo ka qaba in hanjabaaddiisa ah inuu ku biiri doono duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Iiraan—kuwaas oo hadda galay maalintii lixaad—ay Tehran ku khasbi doonto inay aqbasho dalabaadkiisa, sida ay sheegeen dadka xogta haya. Wuxuu Trump qiray in weerar uu qaado Mareykanku uu yahay arrin laga fiirsanayo, laakiin sidoo kale wuxuu caddeeyay inay suurtagal tahay inuusan tallaabadaas qaadin.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in weli furan yihiin tallaabooyin kala duwan, Trump-na uu sii wadi doono inuu si dhow ula socdo sida Israa’iil ay arrinta u maaraynayso.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore bilowday weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha nukliyeerka, hoggaanka militariga iyo goobo muhiim ah oo kale oo ku yaalla gudaha Iiraan, iyadoo howlgalkaas loogu magac daray “Operation Rising Lion”.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo qorshooyin badan oo la xiriira weerar lagu qaado Iiraan, balse ilaa hadda uusan Madaxweynuhu bixin amarka ugu dambeeya. Mareykanku wuxuu hadda xaddiday kaalintiisa militari, isagoo ku koobay inuu ka caawiyo Israa’iil sidii ay isaga difaaci lahayd weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth iyo Taliyaha Golaha Sare ee Ciidamada Mareykanka (Joint Chiefs of Staff), Jeneraal Dan Caine, ayaa Arbacadii galab ka qeybgalay kulan ka dhacay Aqalka Cad, kadib markii ay subaxnimadii isla maalinkaas ka soo hormuuqdeen guddiga Aqalka Sare, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Pentagon-ka.

Inkastoo qorsheynta weerarka ay si weyn u horumartay, haddana dadka la socda fikirka Trump ayaa sheegay inuu madaxweynuhu wali doorbidayo inuu xiisadda xal diblomaasiyadeed ku xalliyo.

“Waxaa laga yaabaa inaan weerarka qaado, waxaa sidoo kale laga yaabaa inaanan qaadin,” ayuu Trump mar kale ku celiyay, isagoo adkeeyay dalabkiisa ah in Iiraan ay isu dhiibto si shuruud la’aan ah. “Toddobaadka soo socda wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah, laga yaabee in ka yar toddobaad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inaanay marnaba wadaxaajood geli doonin iyadoo hanjabaad militari lagu hayo, isla markaana ay jawaab adag ka bixin doonto haddii weerar lagu qaado.

“Iiraan marnaba wadaxaajood kuma gasho cadaadis, mana aqbali doonto nabad lagu keenay hanjabaad, gaar ahaan marka uu hanjabayo qof dagaal-ooge ahaa oo wakhtigiisu dhammaaday oo isku dayaya inuu mar kale siyaasadda soo galo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ergada Iiraan u joogta Qaramada Midoobay, iyadoo si dadban u tilmaantay Madaxweyne Trump.

Xarunta Fordow ee lagu kobciyo uranium-ka, oo ah goob si weyn loo ilaaliyo, ayaa ah mid ka mid ah bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Mareykanku ka fiirsanayo. Israa’iil wali ma weerarin xaruntan, oo ku taalla hoosta buur weyn, waxaana khubarada militarigu aaminsan yihiin inay adag tahay in la burburiyo haddii aan la adeegsan bambaanooyinka ugu awoodda badan.

Intii uu Trump ka fiirsanayay go’aankiisa, ciidamada Mareykanka ayaa sii waday inay ciidamo badan u wareejiyaan Yurub iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaaradaha shidaalka ku shuba diyaaradaha kale inta ay hawada ku jiraan, maraakiib dagaal oo awood u leh inay soo ridaan gantaallada riddada dheer, koox maraakiib dagaal oo ay weheliyaan diyaaradaha casriga ah ee F-22, kuwaas oo Arbacadii gaaray saldhig ku yaalla Britain.

Pete Hegseth ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xoojinayo difaacyadiisa gobolka Bariga Dhexe, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo inay Tehran weerarto saldhigyada iyo ciidamada Mareykanka haddii la beegsado xarunta Fordow.

Mar uu ka hadlayay guddiga adeegyada ciidamada Aqalka Sare (Senate Armed Services Committee), isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirta suuragalnimada weerar ka dhan ah Iiraan, Hegseth wuxuu sheegay in go’aannada noocaas ah ay yihiin kuwo uu qaadanayo Madaxweyne Trump, isla markaana uusan faahfaahin kale oo intaas dheer siin karin fagaare dadweyne.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu diyaar u yahay difaaca ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay inay diyaariyeen dhammaan awoodaha militari ee looga baahan yahay inay ka hortagaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xaalado kasta oo lama filaan ah.

Ruushka ayaa dhankiisa Mareykanka uga digay inuu qaado tallaabo militari. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa dalka Cumaan, waxayna labada dhinac ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo colaadda, iyagoo sidoo kale cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iiraan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Arbacadii.

MAREYKANKA oo ka digay arrin ay Ruushka, Shiinaha iyo Iran ka wadaan Somalia

Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Sen. Jim Risch (R-Idaho), ayaa si kulul uga digay khataraha isa soo taraya ee amniga qaranka Mareykanka uu wajahayo isagoo si gaar ah uga hadlay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Wuxuu eedeyn u jeediyay Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan oo uu ku tilmaamay quwado qas-wadayaal ah oo ka faa’iideysanaya xasillooni darrada si ay u wiiqaan danaha Mareykanka ee gobolka.

“Soomaaliya weli waxay tahay meel ay argagixisadu si xor ah uga hawlgalaan,” ayuu yiri Risch, isagoo tusaale u soo qaatay amar uu dhawaan bixiyay Aqalka Cad oo lagu xayiray socdaalka dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay galaan Mareykanka. “Waa in aan si dhab ah u qaadannaa khatarta ka imaaneysa kooxda Al-Qaacida iyo faracyada Daacish ee halkaas ka hawlgala. Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu ugu horreyn u taagan yahay ilaalinta shacabka Mareykanka.”

Senatorku wuxuu si gaar ah u amaanay weerarradii dhawaan Ciidanka Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command) ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Maamulka Trump uu qaaday dariiq cusub oo ka fog ku-tiirsanaanta keliya ee dowladda dhexe.

“Maamulkaan wuxuu si miyir leh u doortay in uu la shaqeeyo la-hawlgalayaal gudaha ah oo wax-ku-ool ah halkii uu ku xirmi lahaa nidaam dawladeed oo daciif ah,” ayuu yiri. “Tani waa nooca tallaabo ee lagu curyaamin karo shabakadaha argagixisada.”

Bishan Juun gudaheeda, Mareykanku wuxuu fuliyay lix duqeyn oo lagu beegsaday dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya — arrin uu Risch ku tilmaamay muujinaysa sida Washington diiradda u saartay amniga Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ahi ay sii fidiyaan saameyn ahaan iyagoo ka faa’iideysanaya fowdada siyaasadeed iyo taageerada ay helayaan dowladaha cadowga la ah Mareykanka.

“Ficillada Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan waxay si weyn u khatar gelinayaan jawiga amniga ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Shiinuhu wuxuu adeegsanayaa xeelado dhaqaale oo xad-dhaaf ah, Ruushku wuxuu faragelin milatari ku sameynayaa gobollo dagaal ah, halka Iiraan lagu tuhunsan yahay inay heshiisyo ku raadineyso in ay ka uruuriso uranium macdan ahaan, taasoo si gaar ah u halis gelinaysa nabadda gobolka.”

Risch wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku u baahan yahay inuu sii adkeeyo hoggaamintiisa caalamiga ah, balse wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada Afrika inay xoojiyaan doorkooda. “Ma suurtagal ahan in Mareykanka keligii uu u guntado la-dagaallanka argagixisada. Waddamada gobolka waa inay si buuxda uga qayb qaataan dadaallada amni.”

Senatorku wuxuu xaaladda Soomaaliya ku xiray xaalado istiraatiiji ah oo ballaaran, isagoo xasuusiyay in weerarro argagixiso oo ka dhacay Afrika ay leeyihiin saameyn muddo dheer reebta. Wuxuu tusaale u soo qaatay howlgalladii Osama bin Laden ee laga fuliyay Suudaan 1990-meeyadii — kuwaasoo ugu dambeyn horseeday weerarkii 11-kii September ee 2001. “Haddii aan Afrika dayacno, waxaan gelaynaa khatar aan ka daba tagi karin,” ayuu yiri.

Hadalka Risch ayaa yimid xilli dowladda Mareykanka ay dib u qiimeyn ku samaynayso xiriirka ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada Afrika. Inkastoo uu ammaanay siyaasadda natiijo-ku-salaysan ee Madaxweyne Trump, haddana wuxuu uga digay in Mareykanka laga hor maro saaxadda caalamka. “Mareykanku waa inuu miiska wax lagu qeybsanayo ku yeeshaa kursi — dhinaca ganacsiga, diblomaasiyadda, iyo milatarigaba,” ayuu yiri.

Marka laga soo tago Soomaaliya, Risch wuxuu xusay dhibaatooyinka kale ee qaaradda, sida colaadda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 150,000 qof, halka 12 milyan ay ku barakaceen. Wuxuu sidoo kale xusay saameynta sii kordheysa ee Shiinaha uu ku leeyahay meelaha hodanka ku ah macdanta, sida bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Hase yeeshee, Risch wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu dambeysa ee amniga Mareykanka laga ilaaliyo. “Halista argagixisadu ee Soomaaliya kama aha mala-awaal — waa mid dhab ah, halis ah, waana in si degdeg ah oo go’aan leh loogu hortago,” ayuu ku adkeeyay.

40,000 oo askar Mareykan ah oo halis weyn ugu jira IRAN

Doha (Caasimada Online) – Kumanaan askari Mareykan ah ayaa si toos ah halis ugu jira weerar ka yimaada Iran haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aansado in uu Israa’iil kala qeyb galo weerarada ka dhanka Iran — tallaabo uu sheegay Arbacadii inay suuragal tahay inuu qaado ama qaadin.

Haddii amar lagu siiyo ciidamada Mareykanka inay si toos ah uga qayb qaataan duqeymaha Israa’iil, Iran waxay si degdeg ah uga aargudi doontaa, iyada oo weerar ku qaadi karta saldhigyada Mareykanka ee ku kala yaalla dalal badan oo Bariga Dhexe ah, sida ay sheegayaan khubaro amni.

Khubarada waxay sidoo kale sheegeen in askar badan oo Mareykan ah ay heli doonaan daqiiqado kooban oo kaliya si ay u galaan difaac haddii gantaallo riddo-dheer ay kaga yimaadaan Iran.

“Haddii Mareykanku faragelin milatari ku sameeyo gobolka, khasaaraha ka dhalanaya wuu adkaan doonaa in la tirtiro,” ayuu yiri hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.

40,000 oo askari oo halis ku jira

In ka badan 40,000 askari iyo shaqaale rayid ah oo u shaqeeya Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa ka howl gala Bariga Dhexe. Hub iyo qalab ciidan oo lagu qiyaasay balaayiin doolar ayaa sidoo kale lagu kaydiyaa gobolkaas.

Dana Stroul, oo ahayd mas’uulka ugu sarreeya ee Pentagon u qaabilsan siyaasadda Bariga Dhexe xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay tobannaan sano ka shaqeynayeen xoojinta difaacyada gobolka, xilliyo dagaal iyo nabadeedba.

Waxay intaas ku dartay in difaacyadaasi la sii adkeeyay kadib weerarkii Xamaas ee lagu qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023, taasoo horseeday dagaallo dhexmaray Israa’iil iyo xulafada Iran ee gobolka.

“Ciidamada Mareykanka waxay si buuxda u diyaariyeen masraxa dagaalka haddii xukuumadda Iran ay go’aansato inay beegsato ciidamada Mareykanka ama ay hawlgeliso maleeshiyaadkeeda gobolka,” ayay tiri Ms. Stroul.

Waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka xiisadda ku iman kara maalmaha soo socda uu ku xiran yahay sida Mareykanku uga qayb qaato hawlgallada weerarka ah ee Israa’iil.

Halista saldhigyada Mareykanka ee gobolka

Waxaa jira boqolaal ilaa dhowr kun oo askari Mareykan ah oo ku sugan dalal kale oo gobolka ah, sida Urdun, Suuriya iyo Cummaan, kuwaas oo ku sugan saldhigyo ay maamulaan dowladahaas. Ma jirto tiro sax ah oo la shaaciyay, iyadoo maamulka Trump uu qorsheynayo in uu yareeyo joogitaanka ciidamada qaar ka mid ah dalalkaas, gaar ahaan Suuriya.

Adel Abdel Ghafar, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Golaha Bariga Dhexe ee Arrimaha Caalamiga ah (Middle East Council on Global Affairs) ee Doha, Qatar, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, Baxreyn iyo Kuwait ay noqon doonaan bartilmaameedyada ugu horreeya ee Iran haddii dagaalku qarxo.

Shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda ayaa horey looga daadgureeyay safaaradaha Mareykanka ee dalalkaas.

Mr. Abdel Ghafar wuxuu sheegay in maleeshiyaadka Iran taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo dalalka kale ay khatar ballaaran ku yihiin saldhigyada Mareykanka ee milatari iyo diblomaasiyadeed. Wuxuu sidoo kale xusay in gantaalka ridada-dheer ee laga rido gudaha Iran uu qiyaastii 3–4 daqiiqo ku gaari karo saldhigyada ku yaal dalalka Gacanka.

“Tani waxay ka dhigan tahay in difaacyada cirka ay haystaan waqti aad u kooban si ay u qabtaan gantaallada soo socda,” ayuu yiri. “Haddii ay dhacdo, waxay noqon doontaa masiibo.”

Haddaba waa kuwa dalalka ay halista ku wajahayaan ciidamada Mareykanka.

Ciraaq

Qiyaastii 2,500 askari iyo qandaraasleyaal Mareykan ah ayaa ku sugan Ciraaq, iyagoo jooga Baghdad, gobolka Kurdiyiinta ee waqooyi, iyo lamad agaanka galbeed. Saldhigga Al Asad — oo ay maamusho dowladda Ciraaq — ayaa la weeraray horaantii toddobaadkan iyadoo lagu duqeeyay diyaarado aan duuliye lahayn oo ay soo direen kooxo Shiico ah oo taageero ka hela Iran. Ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugnaa ayaa soo riday gantaalladaas.

Inkasta oo xiriirka Washington iyo Baghdad uu ahaa mid adag tan iyo markii uu Mareykanku la baxay ciidamadiisa 2011, haddana sanado kadib waxaa mar kale lagu soo dhoweeyay si loola dagaallamo kooxda Daacish.

Sanadkii 2020, Mareykanku wuxuu duqeyn ku dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani — taliyihii guutada Qudus Iran — xilli uu gaaray Baghdad si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq. Weerarkaas ayaa kaciyey xiisaddii u dhaxaysay Tehran iyo Washington.

Baxreyn

Taliska Ciidanka Badda ee Qaybta Shanaad (Fifth Fleet) ee Mareykanka ayaa fadhigiisu yahay Manama, Baxreyn. Waxaa halkaas ku sugan qiyaastii 9,000 oo askari iyo shaqaale rayid ah.

Taliskaasi wuxuu u xil saaran yahay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz, halkaasoo ay ka gudbaan 20% shidaalka caalamka. I

ran waxay hanjabtay inay ku ridi doonto ilaa 6,000 miinooyin badeed ah, arrin halis gelin karta maraakiibta Mareykanka, iyo sidoo kale sahayda shidaalka ee dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Shiinaha, iyo Hindiya.

Kuwait

Qiyaastii 13,500 askari Mareykan ah ayaa ku sugan shan saldhig oo milatari oo ku yaalla Kuwait, kuwaas oo muddo tobanaan sano ah u adeegey sidii meel ay ciidamada Mareykanku ka abaabulaan hawlgalladooda dunida oo dhan.

Xiriirka militari ee Kuwait iyo Mareykanka ayaa xoogganaa tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991, markaas oo Mareykanku hoggaamiyay isbahaysi dib u xoreeyay Kuwait kadib markii Ciraaq ay qabsatay sanad ka hor.

Sannadkii 2003, Mareykanku wuxuu Kuwait u adeegsaday saldhigga dagaal oo laga qaaday duullaankii Ciraaq, taas oo keentay in Saddam Hussein xukunka laga tuuro.

Qatar

Saldhigga Cirka ee Al Udeid ee Qatar waa xarunta ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, waxaana halkaas ku sugan qiyaastii 10,000 oo askari. Waa xarunta Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) ee gobolka.

Saldhiggaas ayaa loo adeegsaday weerarro ka dhan ah Taliban iyo Al-Qaacida kadib dhacdooyinkii 11-kii September 2001. Intii lagu jiray dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, iyo duqeymihii ISIS ee Suuriya, Al Udeid wuxuu noqday xarunta dhexe ee hawlgallada cirka.

Waxaa halkaas laga hawlgeliyay diyaarado dagaal, diyaarado duqeeya meelo fog, diyaarado aan duuliye lahayn, iyo kuwa shidaalka cirka ku shuba. Sidoo kale wuxuu noqday xarunta daad-gureynta tobanaan kun oo Afghan iyo Mareykan ah sannadkii 2021 xilligii Mareykanku ka baxay Afghanistan.

Imaaraadka Carabta

Qiyaastii 3,500 askari Mareykan ah ayaa ku sugan Saldhigga Cirka ee Al Dhafra, oo ku yaal duleedka Abu Dhabi. Diyaaradaha F-22 ee Mareykanka ayaa dhowr jeer lagu wareejiyay halkaas si loo ilaaliyo maraakiibta shidaalka Imaaraadka, kuwaas oo ay weerareen dagaalyahanada Xuutiyiinta ee xiriirka la leh Iran sanadkii 2022.

Guutada 380-aad ee Hawlgalka Degdegga ah (380th Air Expeditionary Wing) ee Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa halkaas saldhig ku leh. Waxaa halkaas laga fuliyaa hawlgallo weerar ah oo ka dhan ah ISIS, Xuutiyiinta, iyo sidoo kale howlgallo sirdoon iyo dabagal ah oo la xiriira dagaalladii Afghanistan iyo Ciraaq.

Bakool: howlgal lagu bur-buriyay hub iyo gaadiid

0

Waajid (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen aagga degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Jeedow, waxaana ciidamadu ay jab culus ku gaarsiiyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka saareen Al-Shabaab deegaanka howlgalku ka dhacay, lagana dilay tiro maleeshiyaad ah.

“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorshaysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta AS oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceel Jeedow, oo hoos taga Waajid. Howlgalka oo ahaa mid si taxadar leh loo fuliyay, ayaa sababay in cadowga laga saaro goobihii ay isku aruursanayeen, iyadoo laga dilay tiro maleeshiyaad ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ama ay firxadeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Inta uu socday howlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo goobta lagu gubay, sida lagu sheegay bayaanka.

“Bartilmaameedku wuxuu ahaa xarumo ay Khawaarijtu u isticmaali jireen qorsheynta dhagarta iyo caburinta shacabka deegaanka. Waxaa la burburiyay gaadiid iyo agab ciidan oo ay halkaasi ku kaydsanayeen” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo la sii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale muujiyay kartidooda iyo go’aankooda ku aaddan sifeynta dalka ee Khawaarijta, iyagoo si dhow ula shaqeynaya shacabka deegaanka oo door weyn ka qaadanaya la shaqeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo ay isku sii fidinayaan ciidamada.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ku xooggan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo howlgallo culus oo lagu qaado fariisimaha kooxda.

US Senator: China, Russia, Iran fuel instability in Somalia

WASHINGTON — In an exclusive interview with Fox News Digital, U.S. Senate Foreign Relations Committee Chairman Jim Risch (R-Idaho) issued a sharp warning about growing national security threats in Somalia and across Africa, blaming malign actors like China, Russia, and Iran for exploiting instability and undermining U.S. interests on the continent.

“Somalia remains a terrorist safe haven,” Risch said, citing a recent White House proclamation restricting Somali nationals from entering the United States. “We must take seriously the threat posed by al-Qaeda and ISIS affiliates operating there. Our military presence in Africa, especially Somalia, is about protecting the American people.”

Risch praised recent U.S. airstrikes in Somalia, noting the Trump administration’s more aggressive posture. “This administration has shifted away from relying solely on a fragile central government and is instead working with effective partners on the ground,” he said. “That kind of decisive action is what’s needed to disrupt terrorist networks.”

So far in June, U.S. Africa Command has conducted six airstrikes targeting Islamic State militants in Somalia — a sign, Risch says, of Washington’s sharpened focus on the Horn of Africa. He warned that extremist groups continue to expand their reach, exploiting political instability and drawing support from hostile powers.

“The actions of China, Russia and Iran are making the security environment in Africa, especially in Somalia, more dangerous,” Risch said. “China’s economic encroachments, Russia’s military interference, and Iran’s efforts to extract uranium in parts of the continent are all deeply troubling.”

While Risch underscored the importance of U.S. leadership, he also called on African nations to step up. “We can’t be the only major player confronting terrorism. Regional partners must do more.”

The Senator also tied the situation in Somalia to broader geopolitical concerns. He emphasized that terrorist attacks against U.S. targets in Africa have long-standing consequences — recalling Osama bin Laden’s operations from Sudan in the 1990s that culminated in 9/11. “We ignore Africa at our peril,” he said.

Risch’s comments come as the U.S. reevaluates its trade and diplomatic engagement with African nations. While praising Trump’s focus on results-driven foreign policy, he also warned against being outmaneuvered by rivals. “America must have a seat at the table in Africa — economically, diplomatically, and militarily,” he said.

Beyond Somalia, Risch highlighted other flashpoints, including the war in Sudan — where more than 150,000 have been killed and 12 million displaced — and growing Chinese influence in mineral-rich regions like eastern Congo.

But it is Somalia, he made clear, that lies at the heart of America’s immediate security interests. “The terror threat there is not theoretical — it’s active, dangerous, and must be confronted with urgency and resolve.”

Xog: Isbahaysiga cusub ee Ruushka iyo Soomaaliya – Galbeedka oo walaacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa xiriir dhow la yeelaneysa Ruushka, si ay u xoojiso difaaca dhul-badeedkeeda, una ballaariso iskaashiga ay la leedahay dalalka shisheeye. Dhanka kale, Moscow ayaa dooneysa inay kor u qaaddo saameynteeda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo inay ka hortagto saameynta reer Galbeedka ee Geeska Afrika.

Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiin sare oo Soomaali iyo Ruush ah ayaa yeeshay dhowr wareeg oo wadahadallo ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray iskaashi milatari, amniga badda, isdhaafsiga hubka, iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la-taliyeyaal milatari oo Ruush ah loo dirayo Muqdisho, halka wadahadallo ku saabsan horumarinta dekedaha iyo sahaminta tamarta ay muujinayaan xiriir laba geesood ah oo si muuqata uga xoog badan kii ugu dambeeyay tan iyo Dagaalkii Qaboobaa.

Isbeddelkan wuxuu ka tarjumayaa is-afgarad istaraatiijiyadeed oo labada dhinac ah. Soomaaliya, oo ka niyad jabsan shuruudaha adag ee deeqaha reer Galbeedka iyo ayadoo la tacaaleysa khataro amni oo soo noqnoqda, ayaa Ruushka u aragta saaxiib diyaar u ah taageero toos ah. Dhanka kale, Ruushka wuxuu Soomaaliya u arkaa fursad uu dib ugu soo noqdo xeeb istaraatiiji ah oo si dhow ugu dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb iyo Badweynta Hindiya.

Isbeddelka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika

U jeesashada Soomaaliya ee Ruushka waxaa kicisay rabitaankeeda ah inay ka baxdo xayndaabyada siyaasadeed ee ku lamaan gargaarka reer Galbeedka. Machadka Lansing ee Daraasaadka Hanjabaadaha Caalamiga ah iyo Dimoqraadiyadda (Lansing Institute for Global Threats and Democracies Studies) ayaa sheegay: “Taageerada Ruushka waxay la timaaddaa shuruudo siyaasadeed oo yar, taasoo soo jiidaneysa dowlado doonaya natiijooyin degdeg ah oo dhanka milatariga iyo dhaqaalaha ah, iyaga oo aan wajahayn cadaadis la xiriira xuquuqda aadanaha.”

Machadku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si gaar ah u daneyneyso in ay xoojiso gacant ku haynteeda Aagga Dhaqaale ee u gaarka ah (Exclusive Economic Zone – EEZ), taasoo ay si ba’an u saameeyeen kalluumeysi sharci darro ah iyo burcad-badeednimo. Ruushka ayaa la sheegay inuu u soo bandhigay Soomaaliya tababar ciidan oo badeed, taageero farsamo, iyo la-taliye yaal si loo dhiso awoodaha badda ee dalka.

Horumarinta dekedaha ayaa ah qodob muhiim ah oo wadahadallada lagu falanqeeyay. Sida lagu sheegay warbixin Machadka Lansing, Ruushka ayaa muujiyay dan weyn oo uu u qabo marin u helidda xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera — kuwaas oo noqon kara saldhigyo milatari ama xarumo ganacsi oo laba ujeedo leh.

“Moscow waxay Soomaaliya u aragtaa inay qayb ka tahay isku xirka istiraatiijiyadeed ee xeebaheeda Afrika ee ku fidsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,” ayaa lagu yiri warbixin uu Machadku soo saaray 14-kii Juun. “Tani waxay ka badan tahay marin helid — waa arrin saameyn siyaasadeed leh.”

Daneeynta Ruushka ee Soomaaliya waxay sidoo kale leedahay macne taariikhi ah. Intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, Midowgii Soofiyeeti wuxuu saldhig milatari xooggan ku lahaa magaalada Berbera, ilaa uu xiriirka u jaray xukunkii Siyaad Barre dabayaaqadii 1970-meeyadii. Iskaashigan cusub wuxuu u muuqdaa soo laabasho uu Moscow ku doonayo inuu dib ula midoobo xulufadiisii hore, isagoo isla mar ahaantaasna la tartamaya nidaamka gobolka ee ay hoggaamiyaan reer Galbeedka.

Walaaca ka jira Reer Galbeedka iyo Khaliijka

Kordhinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka ayaa walaac ka abuurtay Washington, Brussels, iyo caasimadaha Khaliijka. Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa ka digaya in hubka Ruushka uu carqaladayn karo cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya iyo in uu wax u dhimi karo iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.

Machadka Lansing ayaa sheegay: “Reer Galbeedku waxay ka baqayaan in Soomaaliya ay u leexato dhanka Ruushka taasoo kala fogeyn karta howlgalada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo al-Shabaab, sidoo kalena dhaawici karta hannaanada isdhaafsiga xogta sirdoonka.” Isbeddelkan ayaa laga yaabaa inuu saameyn xun ku yeesho xiriirka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command – AFRICOM) iyo howlgalada xasillinta ee Midowga Afrika.

Dalalka Khaliijka ee daneeya arrimaha Soomaaliya — sida Turkiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qadar — ayaa la filayaa in ay sare u qaadaan saameyntooda gudaha dalka, iyaga oo kordhin kara taageeradooda dhanka milatariga, maalgelinta, ama xiriirka siyaasadeed si ay u yareeyaan saamaynta Ruushka.

Waddamada jaarka ah sida Kenya iyo Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay dib u eegaan istaraatiijiyadooda gobolka. “Haddii Ruushka uu helo saldhig xoog leh oo gudaha Soomaaliya ah, waxay si weyn u beddeli kartaa qaabka amni ee Bariga Afrika,” ayuu Machadku ku sheegay warbixintiisa.

Machadka ayaa sawiraya muuqaal mustaqbalka fog leh oo ay Soomaaliya ku biiri karto koox isbahaysi ah oo ka tirsan dowladaha Afrika ee xiriirka dhow la leh Ruushka, sida Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe. Inkastoo tani ay tahay mala-awaal siyaasadeed oo aan wali sal adag yeelan, haddana isbeddelka socda wuxuu abuurtay walaac sii kordhaya oo ay qabaan hoggaamiyeyaasha Afrika iyo reer Galbeedka.

Saameynta dhaqaale iyo qorsheynta siyaasadeed

Marka laga gudbo dhinaca milatariga, Soomaaliya waxay raadineysaa in ay dhaqaale uga faa’iideysato xiriirka Ruushka. Machadka Lansing wuxuu xaqiijiyay in wadahadalladu ay daboolayaan helitaanka kheyraadka shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, kalluumeysiga, iyo heshiisyo muddo-dheer ah oo lagu kireynayo dekedaha.

Iskaashiyadan waxay u muuqdaan in ay Soomaaliya u horseedi karaan horumar dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha, balse sidoo kale waxay wataan khatar ah in ay sii xoojiso ku tiirsanaanta shisheeyaha iyo in hoos loo dhigo hufnaanta nidaamka qandaraasyada iyo maamulka guud.

Iyadoo doorasho qaran lagu wado in ay dhacdo sannadka 2026, madaxda Soomaaliya waxaa saaran cadaadis ay ku doonayaan in ay muujin karaan guulo amni iyo horumar. Iskaashi lala yeesho Ruushka wuxuu keeni karaa natiijooyin degdeg ah, laakiin saameynta mustaqbalka fog wali waa mid aan la hubin.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in Soomaaliya aysan raadineynin isbeddel mabda’a, balse ay u dhaqmeyso si ku saleysan danta qaranka. “Soomaaliya oo xiriir la sameyneysa Ruushka waxay ciyaareysaa ciyaar siyaasadeed oo halis ah—iyadoo ka faa’iideysaneysa loollanka quwadaha caalamiga ah si ay u difaacdo danaha dalkeeda,” ayuu warbixinta ku yiri Machadka Lansing.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka wuxuu beddelay aragtida gobolka ee ku aaddan jihada siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya. Sannadaha soo socda ayaa go’aamin doona in iskaashigan uu noqdo mid xasillooni keena ama uu isu beddelo xarun laga huriyo loollanka quwadaha waaweyn.

Puntland oo caro xooggan kala kulantay arrin uu sameeyay wasiir ka tirsan

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta si weyn ugu gefay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalatay hadalkiisa caro xooggan oo bulshada Soomaaliyeed ka muujiyeen.

Maxamuud Caydiid ayaa ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare Xamza qof marxuum ah, sidoo kalena uu ku jiray dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii, taasi oo uu shaki ku galiyay nasabadiisa. Tan ayaa ka baxsan anshaxa iyo weerarada siyaasiga ah, taas oo shacabka ka careysiisay, ceeb weyna dhex istaajisay maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.

“Xamza waa marxuum ciqaab ku jira, shaki ayaana igaaga jira inuu u dhashay reerka uu sheeganaayo, dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii ayuu jiray” ayuu Wasiir Caydiid.

Hadalkan ayaa dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana ka carooday dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeedo Puntland oo sheegay in wasiirku aanu ku metalin hadalkaasi, ayna u arkaan gef cad oo uu u gaystay Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

Marka laga soo tego khilaafka guud e u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntand, ayaa waxaa haddana si gaar ah isku hayo Xamza iyo Deni oo siyaasad ahaan kala fog, wuxuuna dagaalkooda soo bilowday markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cumar Aadan: “Nin baa qofka sida uga aradan akhlaaqda iyo anshaxa umad dhan matalaad uga dhigay. Ayaan daro waynaa.”

“Naxdin waynaa tii Puntland ahayd cuquba ku dhacday,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdi.

Cabdicasiis Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Aflagaado iyo dhaqan xumo cad weye waxaan. Xayndaabkii dhaliisha waa ka gudbay qofkani.”

Cabdifataax Dhaqaaje: “Ninkaani afxumo waxaan ahayn Puntland kuma soo kordhiyo.”

“Wataa Puntland hooyada Federaalka ahayd cay waxaan ahayn kama imaanayaan, inta hartay hala daba qabto. Xukuumad dhan oo shirtay oo in la caytamo go’aamisay waa aakhiro samaan,” ayuu yiri Axmed Gaas oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Jamaac Faarax: “Dhaqan iyo anshax midna maaha sida uu wasiirku u hadlay mana habboona hadallada caynkaas oo kale ah oo nasabadda qofka gaadheya in la baahiyo.
Doodaha siyaasadda iyo kala aragti duwanaanta iyo kala cad-goosigu waa xaajo rag lkn arrinta nasabaddu uma fudada sidaan in looga hadlo.”

Maxamed Cabdiqaadir Jacfaan ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Puntland qofka sidaa u caytamaya haduu kasii mid ahaado haykalkeedii dowladnimo iyo sumcad badan bay luminaysaa.”

Liibaan Xirsi Aw Faarax: “Ninkaasi waaa ina ceebeeyey wasiirka ah hadalkaasi hdl masuuleed maaha waana u garaabaynaa sidaasi haduusan u hdlin Dani lacag kama helaayo waana la soo cayrin nin tolkiis maagaayey ma cidkale u daahayaaana.”

Khamenei oo jawaab kasoo saaray hadalkii Trump

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Arbacadii ku adkeystay in dalkiisu uusan marnaba is dhiibi doonin, isaga oo uga digay Maraykanka in uu wajihi doono “khasaaro aan la hagaajin karin” haddii uu si toos ah uga qayb qaato colaadda.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya maalintii lixaad ee dagaalka uu socdo, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in uu “u furnaan karo” inuu faro-geliyo dagaalka ama aanu faro-gelin, balse weli dalbanaya in Iran ay “si shuruud la’aan ah isku dhiibto.”

Dagaalka ayaa qarxay Jimcihii markii Israa’iil bilowday duqeymo culus oo ballaaran, taasoo Iran ka jawaabtay iyadoo adeegsatay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye wadin (drones).

“Qaran ahaan marnaba isma dhiibi doonno,” ayuu yiri Khamenei oo ka hadlayay khudbad uu jeediyay, isagoo ku tilmaamay dalabka Trump mid “aan la aqbali karin.”

“Maraykanku waa inuu ogaadaa in faro-gelin ciidan ay keeni doonto khasaare aan dib loo hagaajin karin,” ayuu sii raaciyay.

Khamenei oo hayay awoodda ugu sarreysa dalka Iran tan iyo 1989-kii, isla markaana ah go’aamiyaha kama dambeysta ah ee arrimaha dawladda, ayaa hore u ballanqaaday in dalkiisu “uusan u naxariisan doonin” hoggaamiyeyaasha Israa’iil.

Dhanka kale, ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (Revolutionary Guards) ayaa sheegay inay ku rideen gantaalaha xawaare sare leh ee Fattah-1 magaalada Tel Aviv.

Gantaalaha hypersonic-ga ah ayaa ku safra xawaare ka badan shan laab xawaaraha codka, waxayna awoodaan inay is rogrogaan inta ay hawada ku jiraan, taasoo ka dhigaysa kuwo aad u adag in la ogaado ama la soo rido.

Inkasta oo aan la xaqiijin in gantaal ku dhacay Tel Aviv habeenkii la soo dhaafay, sawirro ay heshay wakaaladda AFP ayaa muujinayay nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil oo hawlgalaya si uu uga hortago gantaallada ka dul socda magaalada ganacsiga ah.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa kiciyay saadaasha ku aaddan faro-gelinta Maraykanka isagoo Tallaadadii saxaafadda u sheegay: “Waxaa dhici karta inaan sameeyo, ama aanan sameyn — cidna ma oga waxa aan damacsanahay.”

Maalin ka hor taas, Trump ayaa ku faanay in Maraykanku uu awood u leeyahay inuu dilo Khamenei.

“Waxaan si sax ah u ognahay halka uu ku dhuumanayo ninka is yiraahda ‘Hogaamiyaha Sare’. Waa bartilmaameed fudud, balse halkaas wuu ku badbaadsan yahay — lama dilayo, ugu yaraan hadda ma ahan,” ayuu ku qoray barnaamijkiisa Truth Social.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa carrabka ku adkeeyay in Trump uusan weli go’aan rasmi ah ka gaarin in Maraykanku si toos ah ugu lug yeesho dagaalka.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo lagu bad-baadinayo muwaadiniin ku sugan IRAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran in ay la soo xiriiraan safaaradda haddii ay doonayaan in ay ka baxaan dalkaas, xilli ay sii kordhayaan halista colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: “Safaarada JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed inay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah wadankii ugu noqon lahaayeen.”

Safaaradda ayaa baahisay telefoon lambar toos loogala soo xiriirayo. Baaqan ayaa imanaya iyadoo dagaal culus uu ka socdo gudaha Iran, halkaas oo weerarro duqeyn ah oo ka imanaya dhanka Israa’iil lagu bartilmaameedsanayo xarumo rayid, warshado, isbitaallo iyo goobo dowladeed.

Xiisadda kasii daraysa ayaa walaac ku abuurtay muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Iran, kuwaas oo ay kamid yihiin Soomaali tiro yar oo halkaasi ku sugan.

Wararka laga helayo gudaha Iran ayaa sheegaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad cabsi iyo hubanti la’aan ah. Qaar badan oo kamid ah Soomaalida halkaas ku nool waxay yihiin arday wax ka barta jaamacadaha dalkaas, halka kuwa kalena ay ganacsiyo ku leeyihiin magaalooyinka waaweyn.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cabdi, kuna sugan Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u adag oo aan la saadaalin karin. Wuxuu sheegay in mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed uu ku dhaawacmay firidh ka dhacay meel u dhow Jaamacadda Tehran.

Soomaalida ku sugan Iran ayaa bilaabay wada-tashi ay uga hadlayaan in ay sii joogaan dalkaas ama in ay ka baxaan. Waxaa la sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Tehran ay isku raaceen in ay yeeshaan kulan wadajir ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda degdegga ah ee ay wajahayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli ma aysan shaacin tallaabooyin gaar ah oo la xiriira samatabbixinta muwaadiniintaas, marka laga reebo baaqa lagu dhiirrigelinayo in ay la soo xiriiraan safaaradda.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay badbaadada muwaadiniinteeda meelaha uu dagaalku ka socdo, xilli dalal badan oo caalami ah ay bilaabeen in ay dadkooda kala baxaan Iran.

Daawo: Mucaaradka oo qorsheynaya arrin halis ah kadib muddo xileedka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada magaalada Muqdisho ayaa haatan qorsheynayo arrin halis gelin karta dalka, kadib muddo xileedka Maaxweyne Xasan maadaama la’isku fahmi la’yihiin doorashooyinka.

Cabdullahi Sheekh Xasan oo kamid ah mid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in tallaabo culus ay qaadi doonaan, hadii uu waqtiga ka dhammaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu ku qaban waayo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in wixii dhibaato ee yimaada uu qaadi doono Madaxweynaha, haddii uu muddo xileedka ka dhamaado, isaga oo xusay in wax weliba oo kala dambeyn ah ay meesha ka bixi doonaan, qof welbana uu lasoo bixi doono qoraygiisa, maadaama weli hubeysan yihiin beelaha Soomaaliyeed

“Maalinta ay ka dhammaato, iyaga oo aan wax doorasho ah waddanka u jiheyn mas’uuliyadda ayay qaadayaan waxa meeshaa ka yimaada, waxaa imaan kara in amarka dowladda uu socon waayo in dadku canshuurta diidaan, waxaa imaan kara in ciidamadu amarka qaada diidaan, waxaa imaan kara in qof kastaa magaaada meesha uu rabto uu isbaaro dhigan karo ” ayuu wareysiga ku yiri siyaasiga Cabdullahi Sheekh Xasan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xasan iyo khayrkii waxa ay haystaan ee xasaanadda sharciga ayaa siinaayo in laga dambeeyo la adeeco la dhageysto wadanka ay maamulaan, waxa siinayo waa sharciga ee beesha ay u dhasheen ma’aha”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu dhigay Madaxweynaha, wuxuuna sababta ay uga maqnaadeen ku sheegay in Xasan Sheekh aanu rabin talo ee uu mar hore gaaray go’aankiisa, taasina ay ka biyo diidan yihiin iyagu.

“Madaxweynaha wuxuu yiri dadka Soomaaliyeed waa la tashaneynaa, laakiin ra’yigooda waxba nagama beddalaayee go’aanka annaag leh, marka waa kula tashanaayaa go’aankana waa halkeyga waa midda hadda ka socoto meesha” ayuu mar kale yiri.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u diidan qorshaha Xasan Sheekh ee qof iyo cod, waxayna gebi ahaan ku gacan seereen shirkiisa oo la filayo in maanta lasoo gabagabeeyo.

Si kasta, xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxaana xiisadda taagan ay saameyn ku yeelatay howlihii shaqo ee ay wadday dowladda federaalka oo haatan ku mashquushay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, maadaama lagu kala tegay doorashooyinka dalka.

Wasiir ka tirsan Puntland oo gef weyn kula kacay Xamza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si weyn ugu gefay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib hadal uu maanta siiyay warbaahinta, isaga oo ka jawaabay eedeyn uu shalay Puntland u jeediyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo Talaadadii khudbad ka jeediyay Gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socota Muqdisho ayaa weeraray xukuumadda Saciid Deni, wuxuuna ku eedeeyay inay ciqaabtay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi, ayna ka goysay dowladda dhexe.

“Shacabka Puntland waa la ciqaabay, ciqaab adag ayey ku jiraan, haddii Xukuumadda Puntland ay miiska keento wax shacabka reer Puntland ama shacabka Soomaaliyed dan u ah waxaan diyaar u nahy inaan u tanaasulno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Diriri oo si cad ugu gefay Ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna shaki geliyay dhalashiisa.

Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay qof marxuum ah, sidoo kalena uu ku jiray dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamza waa marxuum ciqaab ku jira, shaki ayaana igaaga jira inuu u dhashay reerka uu sheeganaayo, dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii ayuu jiray” ayuu wasiir Caydiid.

Hadalkan ayaa durbo dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana ka carooday dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeedo Puntland oo sheegay in wasiirku aanu metalin hadalkaasi, ayna u arkaan gef cad oo uu u gaystay Ra’iisul wasaaraha qaranka.

Marka laga soo tego khilaafka guud e u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntand, ayaa waxaa haddana si gaar ah isku hayo Xamza iyo Deni oo siyaasad ahaan kala fog, wuxuuna dagaalkooda soo bilowday markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dagaalka ayaa sidoo kale sii xoogeystay, kadib booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha ku tegay gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ka careysiisay Puntland iyo qudheeda Somaliland, maadaama aqoonsi heer federaal ah la siiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Shaqadii BF oo istaagtay – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad culus ayaa kasoo korortay Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo caqabad ku noqotay howlihii Xildhibaannada Golaha Shacabka, kadib markii ay baaqdeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Mudanayaasha Baarlamaanka.

Kulankii maanta iyo kii Isniintii ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, taas oo keentay inuu shaqeyn waayo Golaha, lana soo xiro shirkooda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo guddoomisay kulankii maanta ayaa sheegtay in kooramka uu dhaafi waayey 98 Mduane, ayna soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada golaha, kadibna waay soo xirtay.

“Maanta inta soo kalahday ee imaatay way mahadsan yihiin kooramka wuxuu marayaa 98 xildhibaan waxaan rajeynayaa in marka labaad lasoo buuxin doono maanta ma soconayo programkeenna, waana innoo xiran yahay kulankeenna” ayay tiri guddoomiye Sacdiya.

Arintan ayaa dhalisay dood xooggan oo Golaha dhexdiisa, waxaana xildhibaannada qaar ay nasiib darro ku tilmaameen in kulamada ay baaqdaan, iyada oo xildhibaannada ay joogaan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Waa maalintii saddexaad ee Golaha Shacabka waayey kooram waxaa nasiib darro ah 276 xubnood in laga waayo 139 xubnood, wayna joogaan magaalada waxaynu leenahay walaalayaalow aaway shaqadii aad u hayseen qaranka?” ayay tiri Xildhiban Caasho Koos oo kamid ah xubnihii maanta tegay xarunta Villa Hargeysa.

Sidoo kale waxa ay su’aal ka keentay sababaha soo celiyay arrintan, xildhibaannaduna ay u shaqey la’yihiin, maadaama ay caqabad ku noqotay howlihii Baarlamaanka Soomaaliya.

“Aaway shacabka aad metaleyseen? Maxaa loo baajinayaa shirarka oo ay u qabsoomi la’yihiin? oo shaqooyin badan ay horyaallaan, mudane xildhibaanno waa inaad ka run sheegteen sharaftiina iyo shaqadiina” ayay mar kale tiri xildhibaannadu.

Sababaha ugu wayn ee arrintan ka dambeya ayaa waxaa loo aaneynaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxayna xildhibaannadu ku milmeen siyaasadaha is diidan, iyaga oo la kala saftay Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka oo haatan dhaq-dhaqaaq ka wada Muqdisho.

Xaaladda dalka ayaa cakiran, waxaana xiisadda taagan ay ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan dowladda federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Golaha Samatabixinta

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay Al-Shabaab lagu laayey Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay in kooxda Al-Shabaab duqeymo ka dhacay aagga magaalada Kismaayo looga dilay in ka badan 25 dagaalame.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Danab oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka ayaa fuliyey duqeymo cirka ah ee lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Maqooqaha.

“Duqeymahaan ayaa laga fuliyey tuulada Maqooqaha oo qiyaastii 100 KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas si toos ah loogu beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay shirar iyo abaabulka weerarada argagixiso.

“Duqeyntan oo ahayd mid is xigxigtay ayaa lagu burburiyay talis muhiim ah oo kooxdaasi ku lahayd halkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo laga daadgureeyay goobta, sida lagu sheegay bayaanka.

“Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo sheegay in burbur baaxad leh uu gaaray xarumihii kooxda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah dalka.

 

Ilhaan Cumar oo war quus ah kasoo saartay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay xaaladda uu wajahayo dalkaasi, iyada oo jeedisay eedeymo culus oo la xiriira halka uu haatan ku socdo Mareykanka

Ilhaan oo sidoo kale tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kuna metasha gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaaday in hadda Mareykanka uu noqday mid kamid ah dalalka ugu xun caalamka, isla-markaana ay meesha ka baxday dimuquraadiyaddii lagu amaani jiray.

Gabadhan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliay ayaa sheegtay in ay kusoo kortay waddan uu ka jiray nidaam kaligii taliye ah, balse maanta ay kasii daran tahay xaaladda Mareykanka, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay soo hadal qaaday rabshadaha ka socda qaybo kamid ah waddanka iyo tallaabooyinka milatari ee la qaaday, kadib markii ciidamo dheeraad ah la geeyay jidadka waa wayn ee magaalada Los Angeles.

“Waxaan ku soo koray nidaam kaligii taliye ah, laakiin xitaa marnaba maan arag wax la mid ah waxa hadda ka socda Mareykanka. Dalkii lagu tilmaami jiray iftiinka dimuqraadiyadda ee caalamka ayaa hadda u ekaaday mid ka mid ah dalalka ugu xun, iyadoo ciidamada millatarigu waddooyinka joogaan iyagoo aan wax tixgelin ah u haynin xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka.” ayay tiri Ilhaan oo bixisay wareysi lagu daabacay bogga YouTube-ka ee barnaamijka Democracy Now!.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Isniintii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in magaalada Los Angeles oo ay ka jiraan xasarado xooggan loo diro ilaa 700 askari oo ka tirsan Ciidanka Marines-ka, isagoo uga digay dadka ka mudaharaadaya xarigga muhaajiriinta inay “la kulmi doonaan ciqaab aan horey loo arag.”

Trump ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in illaa 2,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan Ilaalada Qaranka la geeyo magaalada Los Angeles, si ay uga jawaabaan mudaharaadyada ka dhashay arrimaha socdaalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah.

Tallaabadan aan caadiga ahayn ee lagu daabulay ciidamada milatariga ee buuxa ayaa kusoo beegantay iyadoo boqollaal kale oo ka tirsan Ciidamada Kaydka Qaranka (National Guard) ay horey u joogeen magaalada, taasoo sii hurisay xiisadda ka taagan Los Angeles oo leh bulsho Latino ah oo aad u tiro badan.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii mudaharaadayaal la wareegeen waddooyin ku yaalla bartamaha Los Angeles Axaddii, halkaasoo ay gubeen gaadiid iyo dukaamo dhac loo geystay, taasoo keentay in boolisku adeegsado sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaasta caagga ah.