25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo shaaciyey mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinta Qaza

0

Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka.

Shirkaas waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.

Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayey wuxuu yiri, “Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan oo diiradda lagu saarayo arrinta Qaza.

Ciidanka Macawiisleyda oo soo qabtay sarkaal Shabaab ah, mid kalena dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Qoaraal lagu daabacay warbaahinta ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid guulaystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sida ay warbaahintu sheegtay waxaa howlgalkan lagu soo qabtay sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Cabaas Garoobshe, kaas oo si weyn looga yaqaanay aagga Ceeldheer.

“Ciidanka dib u xuraynta deegaanka ayaa howgal guulaystay oo ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxay gacanta ku soo dhigeen horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo Cabaas Garoobshe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Ilkacase, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhibaato wey ka gaystay halkaasi

“Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nafta dhaafiyey dhagar qabe Magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaan ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay deegaano badan ku xoreeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda.

Muxuu yahay ujeedka shirka uu Muqdisho ka furay R/W Xamza? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir muhiim ka furay magaalada Muqdisho, kaas oo ah Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, isla markaana lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka.

Waxaa kale oo uu caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.

Si kastaba, Soomaaliya oo haatan qorshaynaysa in mardhow laga cafiyo deymaha lagu leeyahay ayaa isku diyaarineyso inay hesho maalgasho caalami ah, si ay uga faa’ideysato.

Mucaaradka Puntland oo hal arrin dalbaday kadib dagaalkii GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe.

Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkii hore ka dhacay caasimada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Dalladu waxay ka xun tahay isla markaana cambaaraynaysaa falkii ka dhacay barxadda caasimada Garoowe 07/11/2023, kaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka Puntland.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dagaalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Saciid Deni oo ay sheegeen inuu fidno ka abuurayo Puntland oo haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah.

“Cawaaqib xumadii ka dhalatay dhacdadaas waxaa leh madaxweynaha xilkiisa ku dhammaadka yahay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay farriin u direen ciidamada ammaanka oo ay ugu baaqeen in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee maamulkaas, ayna ku ekaadaan howlaha amniga.

Intaas kadib midowga musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa dalbaday in xal loo helo xiisadda ka taagan Puntland, waxayna ugu baaqeen waxgaradka inay doorkooda qaataan.

“Dalladu waxay ugu baaqeynaa dhaqanka, culimada, nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka kale inay u istaagaan ka hortega fidnimada uu hurinaayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Puntland ayaa haatan wajahaysa xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo Deni.

Dalkii ugu horreeyay oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed.

Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.

Uk ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, isla-markaana ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha tababarada ciidamada iyo mashaarciida horumarineed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyeen daadadka ka dhashat roobabkii ka da’ay Muqdisho, waxaana ugu sii daray magaalada Baydhabo oo ay ka barakaceen qoysas badan, kadib markii ay ku rogmadeen biyo aad u fara badan.

Laba arrin oo sababay in laga barakaco Mahadaay + Video

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Xaalada dag oo dhanka nolosha ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay iskugu darsoomeen laba arrin oo kala ah fatahaadda wabiga Shabelle iyo daad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’day degmadaasi.

Dadka shacabka ah ayaa haatan bilaabay inay ka barakacaan daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay halkaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin.

Maamulka degmada ayaa sheegay in qoysaska barakacay ay haatan soo wajahday xaalad nololeed, isla-markaana aysan haysan wax ay cunaan iyo hoy intaba.

“Mahadaay dhibaato ayaa ka jirto waxaa isugu darsoomay roob iyo fatahaadda wabiga Shabelle, dadkiina way ka barakaceen guryahooda” ayuu yiri Saalax Wiish oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay dhibaatada soo wajahay ayaa dalbaday in lala soo gaaro gurmad bani’aadamo oo deg deg ah.

“Biyo ayaan ku dhex jirnaa, waxaan ku iri baahi waa na haysaa, beerihii waa soo go’een waxaan idinka rajeyneynaa gurmad” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, waxaa degmada gaaray ma’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka HirShabelle, kuwaas oo ku baxay fataahadda ku dhufatay Mahadaay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadda, waxayna usii tageen qoysaska barakacay, si ay uga wareystaan xaaladdooda.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado bani’aadanimo oo dhashay fataahado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay qaybo badan oo kamid ah dalka.

Daawo: Farriintii reer Muqdisho oo gaartay R/W Xamza + Jawaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay inay soo gaartay farriin uga timid shacabka Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laba farriimood oo muhiim ah ay kasoo gaartay reer Muqdisho, ayna wax ka qaban doonto xukuumadda oo kaashaaneysa maamulka gobolka.

Xamza ayaa sheegay in farriinta koowaad ay tahay in wax laga qabto saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada oo burbur iyo dhibaatooyin ka geystay Muqdisho.

“Dadka reer Muqdisho farriintiina waa nasoo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo ay dadka Muqdisho soo direen ayaa jirta mid waxaa weeye biyahaas in wax laga qabto iyo daadadka magaaladaan mar walba kusoo rogmada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale farriinta labaad waxa uu ku sheegay inay tahay dalab uga yimid shacabka oo ku aadan in dhagxaanta laga qaado waddooyinka xiran, maadaama uu soo hagaagay amniga degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in la fulin doono fariimahaasi.

“Qodobka labaad waxaa weeye amniga magaalada haddii uu fiicnaaday in dhagxaanta la qaado iyagana waa fariimaha ka imaanaya bulshada, waxaana leenahay bulshada reer Muqdisho fariimihiinii wayna soo gaareen, waana la sameyneynaa” ayuu mar kale yiri.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale faray maamulka gobolka inuu wax ka beddalo qorshaha dhismaha waddooyinka, si xal waara loogu helo daadadkan soo laa laabtay.

“Guddoomiyaha gobolka waxaa fareynaa inay u howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa waan hubaa inay ku dhex jiraan oo aysan labadaan habeen seexanin oo ay aad u ordayeen, laakiin haddana waxaan u baahanahay sideedaba in magaaladan habka ay hadda biyuhu u fariistaan iyo laamiyada la dhisayo way is diidan tahay marka waxaanu u baahanahay habkii mariinada ahaa ee ay biyuhu u mari jireen ee saxda ahayd in la raadiyo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladaha ka dhashay fataahadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isaga oo ku baaqay in laga qayb-qaato gurmadka.

“Aan isku dayno inaan ka qayb qaadano dadkeena sidii loogu gurman lahaa, dowladdu way dadaaleysaa wixii tabar ah ma yareysaneyso” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

 

Daawo: DF oo diyaarineyso ciidamo 40 kun ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarineyso kumanaan askari oo boolis ah, si ay ula wareegaan amniga dalka, marka ay bisha December ee sanadka soo socda dalka ka baxaan ciidamada ATMIS.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 40 kun ayaa 20 kun oo kamid ah waxay diyaarineysa dowladda dhexe, halka 20 kun ee kalena ay min 4 kun u qaybsan doonaan maamullada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhismaha ciidamadan booliska ah ayaa shaaca ka qaaday inay aas aas u noqon doonaan amniga dalka oo dhan.

“Ciidankaani aas aas wuxuu ka yahay mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan oo dunidu ay nagu wareejin doonto amnigeena oo la oran doono waad qaan gaarteen amnigiina idinku la wareega” ayuu khudbadiisa yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qalabeeyo ciidamadaasi, lagana fakiro tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.

“Tirada kusoo aada DFS ee booliska ah waa tiro la rabo oo waajib ay tahay in la qalabeeyo dhammaanba tayo ahaan iyo tiro ahaana loo diyaariyo sida uu amniga ula wareegi lahaa, kuwa State-ka kusoo aadana, sida ayaa laga rabaa ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa mas’uuliyad aan qaadeyno, Ummadaha hortoodana aan ku qaadeyno”.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso sidii ay ula wareegi lahayd amniga dalka oo dhan maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedka howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Si kastaba, dowladda federaalka oo arrintan dadaal gelineysa ayaa sanadkii lasoo dhaafay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Sawirro: MADAALE oo tallaabo qaaday kadib xaaladda soo wajahday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho oo ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata.

Madaale ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha ay biyaha dhigeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, isaga oona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta uu reebay roobabkaasi.

Xubnaha guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in inta badan goobihii ay biyaha dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay caasimada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada caasimada ah ee  Muqdisho.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay arrintan  ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyaha dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena dib loosoo celiyo bilicda Caasimadd.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kordhi karta, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xaaladdan ayaa sababtay, dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen boqolaal kun oo qoys oo ay saameeyeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gudaha dalka.

Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda koonfurta MUDUG

0

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallada culus oo ay wadaan ciidamada dowladda & kuwa deegaanka laga dareemayo koonfurta gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay haatan guluf xoogan ka wadaan magaalada Camara oo kamid ah meelihii uhu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.

Bartimaameedka ciidamada ayaa ah sidii ay kooxda uga saari lahaayeen deegaanka Caad, sida uu xaqiijiyey Wariyaha Idaacadda Kulmiye uga SOO warrama deegaanada Galmudug.

“Qorshaha abaabulkan waa sida saacadaha, maalmaha iyo xilliyada soo aadan lagu qaban lahaa deegaanka Caad” ayuu yiri Wariye Xasan Axmed oo ku sugan jiida hore.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhowr jiho ay duulaan uga yihiin deegaankaasi, si loo xoreeyo.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay daadadka ku dhuftay gobollada dhexe, waxaana lasoo wariyay inay ku go’doonsan yihiin halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan koonfurta gobolka Mudug.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo kaashanayaa dadka deegaanka ayaa howlgallo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ka waday Galgaduud iyo Mudug.

Daawo: Cali Wajiis oo farta ku fiiqay siyaasiyiin isku diraya madaxweynaha iyo R/Wasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis ayaa ka hadlay sida ay dalka muhiim ugu tahay inay sii wadashaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Sheekh Cali ayaa sheegay in siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo dowlado shisheeye ay ka shaqeynayaan sidii ay isugu diri lahaayeen Maxaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

“Maxay sanado badan Khawaarij noo dhibaateyneysaa? Ma ahan inay awood leeyihiin ee anaga ayaa isku mashquulsan, siyaasiyiin iyo dowlado ayaa weli ka shaqeynaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha la iska hor keeno,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in madaxda hadda dalka hoggaamisa ay ku guuleysteen inay dagaal toos ah la galaan argagixisada, taas oo aan abid horay u dhicin sida uu sheegay.

“Madaxda Qaranka waa ahlu-diin, ra’iisul wasaaruhu wuxuu madaxweynihiisa ku garab istaagay dagaalka, waana ku guuleysteen, waa xukuumadii ugu horeysay ee ku guuleysatay inay cadowga dalka ka xoreyso,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Shiiqa ayaa in madaxweyne kasta uu ku howlanaa jiray sidii uu u bedeli lahaa ra’iisul wasaarihiisa, taas oo dib u dhac weyn dalka ku keentay, hadda wuxuu sheegay in laga baaqsan karo khilaafaadkii hore oo kale.

Wuxuu sidoo kale Shiiqu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay inay ganacsatada lacago dheeraad ka ah canshuurta ay ka qaado si dalka loogu badbaadiyo hadii loo baahdo.

“Dowladu wax kasta ayey sameysay si looga guuleysto argagixisada, dhaqaalihii, ciidankii, warbaahintii iyo juhdi kasta waxay isugu geysay dagaalka, ra’iisul wasaarihii iyo xukuumadiisa ayaa madaxweynaha ugu tegaya furimaha dagaalka,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Hoos ka daawo

Daawo: Taliyaha Booliska Guriceel oo war culus ka soo saaray dilkii loo geystay walaalkiis

0

Guriceel (Caasimada Online) – Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa ka hadlay dil xalay walaalkiis Cabdullahi Cali Hudey loogu geystay Guriceel.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkii dilay walaalkiis ay ku raad-joogaan ciidamada amniga ee ka howlgala degmadaas.

Wuxuu sheegay in maanta ilaa xalay ay baarayeen qaabkii uu u dhacay dilkaas iyo cidda geysatay, isla markaana ay ka go’antahay inay soo qabtaan ninkii geystay dilkaas.

Taliyaha ayaa qabaa’ilka dega Guriceel ka codsaday in aysan geysan dil kale oo aano qabiil uusan u dilaacin kiiskaan, isagoo balan qaaday in gacan ku dhiiglaha ay cadaaladda hor keeni doonaan.

“Dadka ehelka ah ee wax gaareen waxaan ka rabnaa inay sugaan laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka, dadkaan Guriceel wada dega waa walaalo, waxa dhacayna qadarta ribbi ayey ku dhaceen oo walaalkey waqtigiisa ma dhaafeen, marka waxaan codsaneynaa in fidno kale aysan dhicin,” ayuu yiri Taliye Cismaan Hudey.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey dadka reer Guriceel oo maanta aad uga dhiidhiyey dilkii xalay, isku soo bax-weyna sameeyey, si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin wixii dhacay.

Nin hubeysan ayaa xalay goobtiisa ganacsiga oo ku dhex dilay Allaha u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey, waxaana goobta ka baxsaday ninkii dilka geystay.

Dilkaas kadib ciidamada amniga degmada Guriceel ayaa magaalada ka wada baaritaano la doonayo in lagu soo qabto ninkii dilka geystay, arrintaan ayaa salka ku heysa howlgallo habeeno ka hor ay magaalada sameeyeen ciidamada ammaanka, waxaana wiilka la dilay loo dakaneeyey walaalkiis oo ah taliyaha booliska.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo ku baaqay in Israa’iil ay duqeymaha ka joojiso Qaza (Sawirro)

0

Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda Afrika.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay la jaanqaadka caalamka ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican, intii uu jeedinaayey khudbadiisa.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda,” ayuu shirkaas ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay shirkaas in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Xaaladda Ganacsatada iyo Al-Shabaab oo meel adag mareysa – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Soomaalida ayaa badi wajahaya cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya kooxo ay markii hore lacago baad ah bareen, balse hadda ay ka joojiyeen.

Waa labo kooxo oo argagixiso ah oo ka dagaalanta Soomaaliya. Midda hore waa Al-Shabaab, tan kalena waa Daacish.

Waxay markiii hore dalka ku yimaadeen sheegashada inay yihiin ururo Islaami ah oo xukun doon ah, waxaase maanta la jooga inay dilaan qofkii diida inuu lacag baad ah bixiyo.

Xarumo ganacsi ayaa la weeraray 48 saac ee lasoo dhaafay, waxaana weeraray argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay shirkaduhu ka gaabsadeen bixinta lacago baad ah, oo ay mid kamid ah kooxahani weydiisatay ganacsatadaas.

Bilihii tegay ganacsato badan ayaa toos u joojiyay baaddii ay mudada fog siinayeen kooxaha argagixisada. Inay 15 sano argagixisada ka dagaalanto Soomaaliya oo ay kumanaan ruux oo shacab ah laayan, ganacsatada lacagaha mudadaas siinaysay ayaa sababteeda qeyb weyn ku leh.

Inay argagixisada dileyso qofkii u diida inuu lacag baad ah siiyo welina ay Diin sheeganayaan ayaa sidoo kale yaab leh.

Ganacsatada Soomaaliyeed uma dhama go’aanka ah in dhaqaale ahaan loo go’doomiyo argagixisada, si uu dagaalka usoo gaabto.

Dowladda federaalka ah waxaa la sheegayaa inay ka warhayso ganacsato weli si dhuumaleysi ah lacago ugu gudbisa kooxaha argagixisada.

Sirodoonka Reer Galbeedka ee jooga Soomaaliya ayaa iyagana dhawaan la sheegay inay heleen liiska shirkado iyo shaqsiyaad weli u nugul gacansiinta maaliyadeed ee argagixisada, kuwaasi oo suurta-gal tahay in dhawaan loo bareero.

Mashruuca argagixisada wuxuu kasoo billowday Diin sheegasho, maantana wuxuu maraya gangster-nimo iyo in qof Muslim ah loo dilo ama hantidiisa loo burburiyo lacag baad ah na sii. Tani waxay cashir fudud u tahay kuwa laga yaabo inay rejo yar uga jirto argagixisada.

Ganacsatada hadda waa qasban yihiin, waxay kala dooranayaan inay argagixisada sii quudiyaan oo qaranka wax ka gumaadan, oo qabriyada buuxiyaan oo argagixisada sii jirto, aakhirkiini xitaa ganacsatadaasi gacanta argagixisada sababsadaan.

Ama mida kale oo ah in argagixisada albaabada ka xirtaan, dagaalka lagula jiro gacan dhaqaale siiyaan, umadda badbaadiyaan, aakhiradoodana ilaashadaan.

Midda ay doortaan iyo macaashkeeda waxaan u dhaafeyna waqtiga.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo iyadu hadda ku jirta dagaal aan noociisa hore loola galin argagixisada iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa la gudboon inay ilaalin iyo ka warqab u sameeyaan ganacsatada la hubo inay baaddii argagixisada joojiyeen, si inta kalena u soo dhiiradaan.

Inay argagixisada dil iyo burburin ku wado ganacsatada Soomaaliyeed waxay cabir ka siinaysaa xaalkooda dhaqaalaha iyo sida uu mashruucoodii u fashilmay, oo ka been sheegashooda Diinta looga daba tagay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Riyadh kula kulmay Abiy Axmed

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali.

Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo dowladda kasoo saartay kulankaan.

Madaxweyne Xasan oo xalay gaaray caasimada Sacuudiga ee Riyadh ayaa ka qayb-gali doona saddex shir oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1- Shirka Jaamacada Carabta
2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka
3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Shirarkaas ayaa waxaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falastiin oo duqeymo culus ay u geysanayaa ciidamada Israa’iil.

Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu kasoo dhamaado safarkaan uu ku joogo Sacuudiga wuxuu dib ugu laaba doonaa Dhuusamareeb oo saldhig u ah halganka dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

SSC oo soo bandhigtay maxaabiis cusub oo ka tirsan ciidanka Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa soo bandhigay maxaabiis cusub oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaasi oo ay ciidanka SSC ku soo qabteen dagaalkii u dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare, sidoo kalena ay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub.

“Waxaa lagu qabtay dagaalkaas gaadiid dagaal iyo 10 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Muuse Biixi, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil sare. Maxaabiistaas oo warbaahinta loo soo bandhigi doono,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Waxaanu halkan ku cambaaraynaynaa weerarada isdaba jooga ah iyo abaabulka colaadeed ee Muuse Biixi ku wado dadka iyo deegaanada reer SSC-Khaatumo.”

Maxaabiista qaarkood oo wareysi laga qaaday ayaa waxay ku sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay kadib markii lasoo qabtay, ayada oo qaar kamid ah oo dhaawacyo qaba loo sameeyay daryeel caafimaad.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo ayaa waxay weerarada Somaliland ujeedkooda ku sheegtay inuu yahay abuurista dagaal beeleedyo, kaasi oo uu Muuse Biixi kaga dhabeynayo ballanwaadkiisii 14-ka October ee ahaa “inuu qaadi doono weeraro isdaba joog ah islamarkaana uu abuuri doono maleeshiyo beeleedyo uu ugu yeedhay ciidamo madani ah,” sida lagu yiri qoraalka SSC.

“Waxaanu dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ugu baaqaynaa in ay xoogga saaraan sidii loo joojin lahaa weerarada isdaba jooga ah iyo abaabhlka colaadeed ee uusan qarsanayn Muuse Biixi, kuwaas oo uu ku beegsanayo dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo.”

Si kastaba, Dagaalka Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Buq-dharkayn, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

IRAN oo digniin culus kasoo saartay dagaalka GAZA

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ka digtay in baaxadda dhibaatada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ay si lama filaan ah u horseedi doonto ballaarinta colaadda, xilli saraakiisha Gaza ay sheegayaan in Israa’iil ay duqeysay ama ku dhowdahay dhowr isbitaal oo ku yaalla dhulka Falastiin.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa dhalin kara walaac ku saabsan in dadaalka diblomaasiyadeed ee Washington iyo in ciidamada badda ee Mareykanka la geeyo bariga Mediterranean-ka ay awood u yeelan doonaan inay ka hortagaan colaadda inay sii carqaladeyso xasilloonida Bariga Dhexe.

Amir Abdullahian ayaa u sheegay dhiggiisa Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, fiidnimadii Khamiista: “Ballaarinta baaxadda dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza, waxay lama huraan u noqon kartaa ballaarinta baaxadda dagaalka.”

Telefiishanka dawladda Iiraan ee Press TV ayaa soo tebiyay faallooyinka, oo la sameeyay intii lagu jiray wada hadal taleefoon, Jimcihii.

Duqeymaha iyo go’doominta Israa’iil ee Gaza bishii la soo dhaafay ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo, iyadoo kumannaan kun ay u raadsadeen daweyn iyo gabaad isbitaallada yar ee weli furan, halka kuwa aagga dagaalku ka socdo ay ku sugan yihiin khatar aad u daran.

“Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii la soo dhaafay,” ayuu afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra u sheegay telefishinka Aljazeera.

Qidra waxa uu sheegay in duqayn ay Israa’iil ka geysatay barxadda cisbitaalka Al Shifa oo ah kan ugu weyn magaalada Qaza uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis iyo godad dhulka hoostiisa mara Al Shifa, iyo isbitaallo kale sida Isbitaalka Indonesia, iyada oo eedeymahaas ay beenisay Xamaas.

QM oo go’aan ka gaartay codsiga Soomaaliya ee bixitaanka ciidanka ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS (ex-AMISOM).

Go’aankan ayaa imanaya ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka.

Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Afrika Martha Pobee, oo booqatay Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan yoolka in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan masuuliyadda amniga.

Martha Pobee ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Soomaaliya, iyada oo aan khatar la gelinayn guulaha laga gaaray dhanka ammaanka gudaha.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.

Maxay yihiin afarta qodob ee CC Shakuur uu la wadaagay madaxda sare ee dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa shaaciyay afar qodob oo muhiim ah oo uu la wadaagay madaxda sare ee dalka.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxda qaranka uu la wadaagay in lagama maarman tahay in la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan sidii looga bixi lahaa silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in sanad kahor ay dunida weydiisteen in Soomaaliya ay gargaar u fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta, hase yeeshe maanta bulshada Soomaaliyeed qaarkood wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay roobka iyo fatahaadaha.

“Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Isku gurmadka iyo istaakulaynta waa dhaqanka suubaan ee Soomaalida jiritaankeeda badbaadiyey.

Waxaa la joogaa xilligii loo samafali lahaa kuwa dhaxanta iyo dabaysha ku hoyanaya, hantidii yarayd ee ay lahaayeenna daadadku ka qaadeen.

Sanad ka hor dunida waxaan waydiisanay in ay gargaar noo fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta. Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka.

1- In la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan ka mira dhalinta hawshan.

2- In xilka loo magacaabo dad leh karti iyo karaan u dhigma baaxadda hawsha.

3-Hoggaan jiheeya wadashaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha hawshan, joojiyana is barbar yaaca, is qabqabsiga iyo u kala eed sheegadka ajnabiga.

4- In lala xisaabtamo hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa dawliga ah, kuwa ahliga ah iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya gargaarka bani’aadamka, mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo horumarka.

“Ilaaheey qolo ma beddelo inta ay iyagu iska beddelayaan”.

Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay duleedka Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka culus ee markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamo ay ku sheegtay huwanta ee kasoo horjeeda ay weerar kusoo qaadeen dadka shacabka ah ee deegaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool.

“Waxaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe, huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo huwanta, weerar kaasi oo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.”

Somaliland ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu cagta mariyeen ciidamadii soo qaaday weerarka oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay Cabdi Madoobe, ayna qeyb ka ahaayeen kuwa maamulka Puntland, sida lagu yiri qoraalka.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.”

“Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin,” ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu faray ciidamada Somaliland in ay tallaabo ka qaadan cadow kasta oo soo hawaysta deegaanadeeda, islamarkaana ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda.

“Waxay Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.”

Marka laga yimaado hadalka Somaliland, sidoo kale SSC ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.