25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Faah-faahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelasha Biyaha, waxaana ka dhashay dhaawaca laba askari, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada la qarxiyay ayaa sidoo kale howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan Ceelashaha Biyaha, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi loo dhigay.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax todobaadkii hore lagu xiray xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay  xaafada Jabad Geele ee deegaankaasi, kaas oo dhaliyay burbur.

Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Xizbullah oo hub cusub u adeegsatay weerarro culus oo ay ku qaadday Israel

0

Beirut (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza.

Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,”

Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.”

Xizbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed.

Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”.

Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Goobjoogaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii ku sugnaa goobta ay kala carareen, taasina keentay inay ka badbaaday weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Kuliyadda Jaale Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay tuhun xoogan oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya.

Daawo: Xamza oo sheegay inuu ogaaday halka Soomaalida ay ‘cuqubadu ka heysato’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ku sii jiri karin xaaladaan uu ku tilmaamay “ceebta” isagoo sababeeyey waxa kalifay in Soomaalidu ceebowdo.

Wuxuu sheegay in dalkaan uu yahay qani balse dadka Soomaaliyeed uu heysto faqri ay ayagu sabab u yihiin, “waxaan nahay dal ceebeeye yaal, anaga waxaa naga fiican dalkeena, waa inaan xaaladaan ka baxno,” ayuu yiri.

R/Wasaare Xamza wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan imtixaan aan dhamaad laheyn, “dalkeena oo qani ah ayaa waxaa nagu dhaceysa musiibo kasta, waxaana nalooga dhigayaa imtixaan si aan qaladkeena aan u saxno, balse ma saxno, waa inaan towbad keeno dhamaanteen,” ayuu yiri.

Xatooyo, xishood la’aan, musuq maasuq iyo wax kasta oo xun ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan, sida qabyaalad, tuugnimo, 4.5 “mushkiladaha na heysta wax la tiri karo maaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in tan ugu daran ay tahay eexda, taas oo ka soo bilaabata guri kasta oo Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu dhaqmaan qabiilka iyo nidaamka 4.5.

“Qofka Soomaaliga ah ee maanta jooga hadii uusan wasiir, Janan ama xildhibaan laheyn wuxuu aaminsan yahay in shaqo kasta ee uu doonto uusan heli karin, idinkuba waa ogtihiin, waa adag tahay inuu shaqo helo qofkaas,” ayuu yiri Xamsa Barre.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyey in hadda ay dagaal ugu jiraan sidii qof kasta oo Soomaali ah uu shahaado ugu heli lahaa shaqada uu u qalmo, iyadoo meesha laga saarayo nidaamka qabaliga ah ee 4.5.

“Waa inaan soo gabagabeyno 4.5 waa meesha ay nooga soo dhacday dowlad xumada, habaarka iyo dhibaatada ugu weyn, xalkeeda ayaana ku mashquulsanahay,” ayuu yiri ra’iisul
wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo

Daawo: Xamza oo weerar culus ku qaaday dowladihii tiisa ka horeeyey ee dalka soo maray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa weerar ku qaaday dowladii dhexe ee Kacaanka, isagoo sheegay in wax kasta ay Soomaalida ka qaldameen xiligii ay dalkaan hoggaamineysay.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay been isku sheegeen oo ilaa hadda ay ku hadaaqaan “xiligii ay jirtay dowladii dhexe ayaan fiicneyn” balse wuxuu dadkaas weydiiyey “hadii dalkaan ay ka jirtay dowlad fiican, maxaa sidaan inoo galay?”

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay xornimada ugu hor qaadatay Afrikaanka, balse ay maanta ugu liidato oo dadkii ka dambeeyey ay ka hor mareen.

Sababta ay taasi ku dhacday wuxuu ku sheegay inay tahay beenta ilaa hadda ay isku sheegaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadkiisa kula taliyey inay runta u soo laabtaan.

“Dadka qaar waxay amaanaan dowladii lasoo dhisay 60-kii, oo maxaa loo afgembiyey hadii ay fiicneed? Anigaa idiin sheegayee wax dowlad ah oo aan soo dhisanay ma jirto ee been ayaan isku sheegnay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

Wuxuu sheegay in wax kasta natiijada laga fiiriyo, “maxaan halkaan u taaganahay oo dalalkii aan xoriyada ka hor qaadanay ay u hor mareen? Markii hore ayaan been wax ku dhisanay ee hadda runta ma isku sheegnaa?” Ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sidaani ay tahay ceeb isla markaana aan lagu sii noolaa karin, “ waxaan faqri lama dhaho aan ku jirno ee waa ceeb, dalkaan waan ceebeynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

R/Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ko lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray Warmurtiyadeed.

Hoos ka daawo

Faysal Cali Waraabe oo waji cusub u yeelay dagaalka SSC iyo Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay Buqdharkayn ee gobolka Sool ayaa tilmaamay in ujeed gaar ah laga leeyahay, isla markaana la doonayo in lagu dabar jaro reero gaar ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in dagaalkaas ay soo qaadeen waxa uu ku tilmaamay cadow soo duulay oo uu ugu yeeray G21, isaga oo ku eedeeyay in ujeedka kooxdan uu yahay inay dabargoyso beesha Isxaaq, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ciidanka SSC-Khaatumo inay gubeen tuulada Buqdharkayn, taasina ay cadeyneyso cadowtinimada ay u hayaan Somaliland.

“Arrinta ka dhacday deegaankaasi waxay muujinaysa siyaasada iyo u jeedada ay leeyihiin cadawga inagu soo duulay, ee isbahaystay ee G21, waa dabargoynta reer Sheekh Isaxaaq” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidankooda.

Waxaa kale oo uu baaq u diray ciidanka, isaga oo ka dalbaday in aysan ku xadgubin dadka shacabka ah iyo hantidooda.

“Shacabka Somaliland waxan leeyahay hala taageero ciidankeena, difaaca qaranka iyo xuduudeena, yaan loo dhaqmin siday u dhaqmeen, yaan guryaha la gubin, yaan maatida la dilin, yaan maxaabiista la dhibaatayn” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo todobaadkii hore uu mar kale dib u qarxay dagaalka u dhexeeyay SSC iyo Somaliland oo isku haya gacan ku hayta gobolka Sool.

Saraakiil Ugandhees ah oo fuleynimo looga saaray ciidanka kadib weerarkii Buula-Mareer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ugand ayaa xukun ku ridday laba sarkaal oo kamid ah ciidamadeeda ka howlgalayay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo loo haystay eedeymo la xiriira weerarkii askarta badan looga dilay ee ka dhacay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhacay 26-kii bishii May ee sanadkan.

Maxkamadda Ciidamada ee dalkaas oo muddooyinkii ku dambeeyay ku howlaneyd maxkamadeynta raggan oo ka socotay gudaha Soomaaliya ayaa xukuntay labadaan sarkaal oo lagu kala magacaabo Maj John Steven Oluka, oo 58 jir ah, iyo Maj Zadock Abor, oo 49 jir ah.

Labada nin ayaa waxaa lagu helay dambi la xiriira fulaynimo iyo inay sameeyeen dayacaad, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay si xun u maareeyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee Buulomareer, halkaas oo askar badan lagu laayay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labada sarkaal ay mas’uul ka ahaayeen saldhigga la weeraray, balse ay iska indha-tireen xog sirdoon oo sheegaysay inuu kusoo wajahahan yahay weerar, iyadoo markii uu dhacay weerarkana sameyn waayeen is-difaacid, taasoo sababtay in 57 askari lagu dilay goobta, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ATIMIS.

Si kastaba, askarta Uganda ee la laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.

Sawirro: Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalalka Ciraaq iyo Eretariya

0

Riyaaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ka sugan Sacuudiga ayaa kulamo ka wada magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka CiraaqMudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah laba dowladood oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda, kuwaas oo dib dhibaato ku haya labadaan dowladood.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan duceed kale la yeeshay dhiggiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika

Xasan Sheekh iyo Afwerki ayaa ka wada halday xaaladda gobolka,iyaga oo adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya/

Waxaa kale oo ay isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Eritrea ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tababara Soomaaliya, waxaana weli dalkaas ku maqan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha dalkaasi.

Muqdisho oo gaartay marxaladdii la furi lahaa wadooyinka xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho 40% caasimada way xiran tahay. Daruufaha amniga ayaa dhaliyay in jidad badan la xidho.

Qaar waxay u xiran yihiin wasaaraddo, kuwana ajnabiga jooga Soomaaliya, waxa kale oo jir qaar u xiran shaqsiyaad xilal ka haya dowladda ama ka hayn jiray.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amniga caasimadda ayaa si weyn isku beddelay. Muddo sanad ku dhow laamaha amniga ee dowladda waxay ku guuleysteen in caasimada soo gelin gaari qarax sida.

Waxa kale oo hoos u dhacday toogashadii argagixisada ka fulin jirtay caasimada, maadaama ay meel walba taagan yihiin ciidan nabadsugid ah.

Waxaa kale oo isbeddelay hab baaristii gaadiidka, waxaana magaalada lagu soo daadiyay ciidan ka nidaamsan kuwii hore xagga la dhaqanka dadweynaha.

Iyada oo uu jiro horumarkaas ballaaran ee dhanka xagga amniga ah, ayaa waxaa dhinaca kale magaalada Muqdisho ka taagan cariiri xagga isku socodka ah. Sababaha cariiriga keenay waa qeyb ka ah waddooyinka oo xiran.

Xilliyada ay roobka da’aan ayaa sidoo si weyn loo dareema baahida waddooyinka caasimada. Magaalo ay afar milyan oo qof ku nooshahay oo haddana 40% xiran waa culeys aan indhaha laga qarsan karin.

Dadweynaha waxay waayihii tegay ku celcelinayeen in maadaama ammaankii soo hagaagay in waddooyinka xiran xal loo helo.

Dadka ka faalloonaya amniga caasimada qaarkood waxay qabaan in aan weli la gaarin in waddooyinka la wada furo, laakiin waxay sheegayaan in la awooddo in waddooyinka muhiimka ah qaarkood la furo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo waayahan dambe si weyn iskula haystaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa soo hadal qaaday baaqa dadweynaha ee ah in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in dowladda wax ka qabato goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho oo xilliyada roobka sababa inay magaalada kala xiranto.

“Reer Muqdisho farriintiina wey na soo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo dadka reer Muqdisho soo dirayaan ayaa jirta, mid waa in biyahaas wax laga qabto iyo daadadka mar walba ku soo rogmada, oo dhex fariista oo dadka dhibaateeya taas in wax laga qabto waa qodob. Qoddobka labaad waxaa waaye in amnigii magaalada fiicnaaday in dhagaxaanta la qaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa faray guddoomiyaha gobolka Banaadir in sida ugu dhaqsaha badan uu wax uga qabto cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, “Waxaa la idinka rabaa in habkii saxda ahaa ee biyuhu mari jireen la raadiyo oo magaalada laga saaro biyaha.”

“Reer Muqdisho waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Waxaa rabnaa in ay isbeddesho caasimada oo mardambe waxbaa is qarxiyay iyo argagixiso meel kaga jirta in la waayo ayaa rabnaa

Maxkamadda ciidanka oo xukuntay mas’uuliyiin lagu helay Shabaabnimo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan.

11-ka qof ee la horgeeyay Maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haystay Al-Shabaabnimo.

Xukunnada ay ridday Maxkamadda Ciidamada Sida ee Soomaaliya ayaa u dhexeeya 1 sanno iyo 10 sanno oo xabsi ciidan ah, dhanka kale Maxkamadda ayaa sii deysay laba kamid ah eedeysanayaasha, kadib markii ay sheegtay in lagu waayey wax dambi ah.

Halkan hoose ka akhriso xukunka:-

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay  ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Haweeney laba gabdhood ku dishay duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney ku hubeysan mindi ay laba gabdhood ku dishay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkan uu xalay si gaar ah uga dhacay xaafadda Buur Bishaaro ee deegaanka Gubadley, waxaana haweeneyda dilka gaysatay iyo labada gabdhood ee geeriyooday ay ahaayeen daris, waxayna wada daganaayeen gur ku yaalla Gubadley.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muran ka dhashay carruur is dagaashay uu soo kala dhex-galay haweeneyda iyo labada gabadhood, kadibna ay eedeysanaha soo qaadatay toorey, sidaasna ay ku dishay labada hablood.

Eedeysanaha ayaa waxaa magaceebda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali, halka labada gabar ee ay dishay lagu kala sheegay Nimco Saalax iyo Iqro Daahir oo ahaa gabar iyo dumaashideed.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee deegaanka Gubadley oo goobta tegay ayaa howlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen haweeneydii ka dambeysay falkaasi oo markii hore isku deyday inay goobta ka baxsato, waxaana la geeyay xarunta hay’adda C.I.D-da.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, ayada oo booliska Soomaaliya uu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono calaadadda.

“Waxaa haweeneyda eedeysanaha ku socoto baaris waxaana la hor geyn doonaa cadaalada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, ayada oo sidoo kale, si aad ah looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka.

Jabuuti oo ku guulaysatay in hawada sare ay u dirto Dayax Gacmeed

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horaysay hawada sare u dirtay Dayax Gacmeed, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed.

Wasiirka oo ka hadlay tijaabadan ayaa waxa uu yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A.”

Tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u ballan-qaaday in dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii ugu horreeyey.

Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada iyo isbeddelada dunida, waxa kale uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista.

Horraantii sanadkaan goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka.

Mashruucaas dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxaa xilligaas la shaaciyay inay ku bixi doonto Hal bilyan oo dollar, isagoo qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.

Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle.

Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.

Daawo: Dhimashada ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya oo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aways oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbixin cusub kasoo saaray xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha iyo daadka ku dhuftay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in fataahadaha iyo daadadka is wata ay barakaciyeen nus miliyan qof, kadib markii ay biyo ku rogmadeen guryihii ay ku noolaayeen.

Sidoo kale Daa’uud Away ayaa sheegay in laga cabsi in fatahaaddan ay saameyso dad kor i dhaafayo illaa hal miyan oo qof oo ku nool gudaha dalka.

“Sida aad warbixinadeena hore ku maqasheen illaa ku dhawaan nus milyan qof ayaa barakacay oo guryahoodii ka tegay kadib markii ay daadadkii aad u waxyeeleeyeen, waxaa jirta cabsi ah in dad gaaraya 1 milyaa illaa iyo 200 oo kun ay noqdaan kuwa ay saameeyaan fatahaadada iyo daadadka ku dhuftay qaybo kamid ah dalka” ayuu yiri.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhimashada ay sii korortay ayna gaartay illaa 31 qof, isaga oo intaasi kusii daray inay kasii badan karto tiradaasi

“Dhimashada illaaa haatan inta la’ogyahay waa 31 qof, wayna dhici kartaa in khasaaraha uu intaas ka badan yahay waxaa jira kaabayaal badan oo burburay” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farta ku fiiqay in dhibaatooyinka ugu badan ay ka jiraan gobolka Gedo iyo sidoo kale magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Daawo: QM oo faragelisay doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang oo gaartay magaalada Garoowe ayaa kulan gaar ahla yeelatay hoggaanka sare ee Puntland, ayada oo kala hadashay arrimo ku aadan doorashooyinka maamulkaasi.

Kulankan ayaa si gaar ah u dhex-maray madaxweyne Saciid Deni iyo Marwo Catriona Liang, ayada oo ay goobjoog ahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada maamulka Puntland.

Catriona Liang ayaa madaxda Puntland kala hadashay sidiii xal loogu heli lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynahe Saciid Cabdullaahi  Maxamed (Deni).

Madaxweynaha ayaa kulanka kadib ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wakiilka QM ee Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay ujeedka kulankooda.

Deni ayaa shaaca ka qaaday inay ka wada-hadleen sidii ay doorashada ugu dhici lahayd si nabdoon, si looga hortago qalalaase iyo rabshado ka dhaca Puntland.

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladaha dalka ka jira oo ay ugu muhiimsan tahay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho dimuquraadi ah oo ku dhacda si nabad-gelyo ah” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen shaqooyinka ay Qaramada Midoobay ka qabato gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, si loo sii ballaariyo.

“Waxan sidoo kale ka wada-hadalnay shaqooyinka ay UN-ka ka wadaan dalka, gaar ahaan dhinac horumarinta iyo adeegyada muhiimka ah ee dowladda” ayuu sii raaciyay Deni.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sidoo kale isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo horumarin dhismaha dowladnimadeeda, si meesha looga saaro khilaafaadka jira.

Hoggaamiyaha SSC oo war cusub kasoo saaray xaaladda Puntland + Video

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa farriin u diray dhinacyada isku haya doorashada Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, kadibna wax weliba ku kor dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Sidoo kale wuxuu ka digay in khilaafka uu sii socdo, isla-markaana laga haboon yahay in xaaladda la gaarsiiyo meel ka adag meesha ay hadda taagan tahay.

“Garoowe bulshada ku dhaqan, xukuumadda, dhaqanka iyo siyaasiyiintaba waxaan ugu baaqayaa in is mari-waaga siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal iyo miis koorkii ee aan loo kicin meel aan laga soo celin kareynin” ayuu khuddbadda ku yiri C/qaadir Firdhiye.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in lagu laabto waxgaradka iyo dadka ay talada ka go’do si xal waara loogu helo khilaafka doorashada maamul goboleedka Puntland.

Ummadda dhan waa soo eegeysaa Garoowe iyo waxa ka soconaya waxaan rajaynayaa in talo qabeenka halkaa jooga ee talada wax ku leh in laga dhageysan doono” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Garoowe oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal ammaan darri, balse waxa uu qiray in caasimada Puntland ay tahay meel amnigeedu wanaagsan yahay, Laascaanoodna ay uga dayan doonto.

“Mandiqadatan meesha ugu amniga badan waxay ahayd Garoowe, waxaan rajanayaa inay Laascaanood noqoto amni badantii labaad.” ayuu mar kale yiro Hoggaamiyaha SSC.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran laga dareemayao Garoowe oo ay ku wadan sugan yihiin ciidamo kala taabacsan xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.

Daawo: Barakac xoogan oo ka billowday Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan magaalada Afgooye ee gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara gudaha degmadaasi.

Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku fatahay xaafadaha ku yaalla hareeraha wabiga, sida Damaley, Aaytiro Siigaale iyo kuwa kale.

Sidoo kale fatahaadan ayaa saameyn xoogleh ku yeelatay dhul beereed ku yaalla halkaasi, ayada oo baabi’isay dhammaan dalagii ku yiilahay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, waxaana xaafadaha qaar la’isaga kala gooshayaa doomo, sida ay muujiyaan muuqaallo ka imaanaya Afgooye.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Dalsan ayaa ka warbixisay xaaladda, waxayna sheegtay in biyaha ay soo galeen guryahooda.

Guriyaheena waa kan biyihii ayaa noo soo galay gargaar aan u baahanahay oo deg-deg ah walaalaheena muslimiinta ah inay gacanta naga qabtaan” ayay hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Rafaad ayaan ku jirnaa ilmihii haddii aad ka tagtid walwal biya maa kaa qaadi doono, say noqon doonaan? suuq xitaa ma kaa aadi karno”

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka dgemada Afgooye Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa ka hadlay fatahaadda ku dhufaray Afgooye, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isla-markaana hantidooda iyo naftooda ay badbaadsadaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda dhexe, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan shacabka.

“Fatahaadahan waa billow meelihii aan awal ka fileynay ma gaarsiisana illaa hadda laakiin xaaladaha waa iska taagan yihiin, dadka waxaan ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Madaxa WHO oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.

Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.

Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.

Netanyahu oo diiday inay Falastiiniyiintu maamulaan Gaza dagaalka kadib

0

Jerusalem (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Gaza ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, mowqifkaas oo ah mid khilaafsan kan madaxweynaya Mareykanka Joe Biden.

“Waa inay jiraan wax intaas ka badan,” Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin, oo qayb ahaan gacanta ku haya Daanta Galbeed ee la haysto, uu maamuli karo Gaza dagaalka kadib.

“Ma jiri doonto maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israel, laadayaan Israa’iiliyiinta iyo baabi’inta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Netanyahu.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii dajiyay shuruudo lagu dhisayo dowlad kadib dagaalka.

“Waa inay ka jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan,” ayuu yiri Blinken.

Horraantii Sabtidii, iyada oo dhibaatada bini’aadantinimo ee isbitaalka Shifa ay ka sii dartay, ayaa Israa’iil waxa ay sheegtay inay diyaar u tahay inay carruurta ka daadgureyso isbitaalka kadib markii laba carruur ah ay dhinteen tobannaan kalena ay halis soo wajahday markii uu dhammaaday shidaalkii matoorrada.

“Aaladaha caafimaadka waa joogsadeen. Bukaannada, gaar ahaan kuwa daryeelka degdegga ah, ayaa bilaabay inay dhintaan,” ayuu Agaasimaha Isbitaalka Al-Shifa Mohammed Abu Selmiya ku yiri wareysi lagala yeeshay khadka telefoonka.

VOA

Xamaas oo 3 arrin oo xasaasi ah ka dalbatay madaxda Islaamka

0

Beirut (Caasimada Online) – 
Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad.

Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan.

“Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay dalalku inay xiriirka u jaraan Israa’iil.

“Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani’aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal,” ayuu yiri.

“Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale,” ayuu Xamdaan ku daray.

Ugu dambeyntii Xamdaan wuxuu yiri, “Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa’iil, taasina waa sababta fashilka.”

Maanta ayaa shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka lagu soo gabagabeeyay dalka Sucuudiga, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey qadiyadda dunida islaamka iyo dalabka xabad joojin deg deg ah, si gubaadka Yahuuda looga joojiyo dadka reer Falastiin.

Maxkamadda gobolka oo baafineysa mas’uul baxsad ah oo loo haysto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay warqad ay ku baafinesyo eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo ahaa maamulihii xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee Warta Nabadda.

Mas’uulkan oo maqane ah ayaa MaxKamaddu waxa ay sheegtay inay ka taallo dacwad uu dhinac ka yahay, taas  oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka.

Eedaha loo haysto ninkan ayaa waxaa kamid ah inuu ku kacay musuq-maasuq, ku takri fal hanti dadweyne iyo been abuur dukuminti, sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dhammaan falalkaas ay ka dhaceen xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Warta Nabadda.

Eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim ayaa loo qabtay inuu muddo 30 cisho ah ku hor yimaado Maxkamadda, taas  oo ka bilaabaneyso 11/11/2023, kuna eg 10-12-2023.

“Waxay Maxkamaddu fareysaa eedeysanaha sare ku xusan inuu ku horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo sodon (30) maalmood ah oo ka bilaabaneyso maalinta taariikhdu tahay tr: 11/11/2023, kuna eeg taarkiida 10-12-2023 oo ah maalin Axad ah” ayaa lagu yiri baafinta ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay haddii uu eedeysanaha ku imaan waayo waqtigaas in ay qaadi doonto tallaabada  uu siinayo sharciga u yaallo dalka.

“Waxaa lagu farayaa inaad dhowrto waqtiga Maxkamaddu kuu qabatay, haddii aad muddadaas ku hor imaan weyso Maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaanooyin sharci ah” ayaa mar kale lagu yiri warqadda maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin dhowr oo iyaguna ah eedeysanayaal ayaa weli ka maqan dalka, waxaana kamid ah agaasimihii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey iyo agaasimayaahii hore ee hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo loo haysto eedeymo musuq ah.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba.