25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Maxaad kala socota darbiga Mareykanka ee Soomaali badan ay ka boodeen?

0

Washington (Caasimada Online) – Starr County, Texas, waa meel degan Jaleecada hore.

Waa dhul buuraleey ah, waxaana ku daboolan geedo yaryar oo ku dhex jira dooxyo yar yar iyo togag, inta badan magaalooyinkeeduna waxay u eg yihiin goob nasiino

Xuduudka Mexico iyo Mareykanka ayaan aheyn mid halkaan ka fog. Maalmaha xasiloon ee magaalooyinka sida Roma, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda waxay maqli karaan sheeko dheer, carruur ciyaaraysa ama diiqa oo ciyey guud ahaan Rio Grande.

Muddo tobanaan sano ah, gobolka uu ku yaallo, daanta webiga wuxuu noqday marin iyo waddooyin waaweyn oo ay isaga gudbaan muhaajiriinta, waxaana uu hadda yahay , xuddunta doodda kulul ee ku saabsan amniga xuduudaha ee Mareykanka.

In kasta oo madaxweyne Biden iyo saraakiisha maamulkaiisa ay sheegeen in qaybta cusub ee darbiga xuduudka loo dhisayo si hagar la’aan ah, iyadoo la isticmaalayo dhaqaalaha uu u qoondeeyay maamulka Donald Trump sanadkii 2019, ayaa waxaa talaabadda uu qaadayo maamulka Madaxweyne Biden ay keentay dhaleecayn badan.

Dood adag oo ku saabsan tilaabada lagu xakameynayo xudduudaha ayaa ahayd siyaassadd xasaasi ah oo muran badan dhalisay xiligii madaxweynihii hore Mareykanka Trump.

Su’aasha waxaa ay tahay gidaarrada xudduudaha waxtar ma u leeyihiin joojinta qulqulka muhaajiriinta Mareykanka?

Xog laga helay Waaxda Amniga Gudaha ee la sii daayay dhamaadka 2020 ayaa muujineysa in darbiyada cusub ay yareeyeen gelitaanka sharci darrada ah ee meelaha qaarkood ku dhawaad 90%. Daraasadaha jaamacadaha ayaa, dhankooda waxay soo sheegaan natiijooyin dhexdhexaad ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Ilaalada Xuduudaha ay diiwaangeliyeen in lagu guuleystay in la xakmeeyo qulqulka Muhaajiriinta kal hore, dhammaadka waqtigii maamulka Trump, walow aysan guulaha la gaaray ahayn kuwa waaweyn .

Warbixin lagu daabacay American Economic Review, ayaa lagu ogaaday in caqabadaha xuduudaha ay hoos u dhigeen socdaalka guud 35 boqolkiiba.

Maamulka Biden, ayaa dhankiisa, si isdaba joog ah oo aan leexleexad lahayn u sheegay in aanay rumaysnayn waxtarka darbiyada laga dhisayo xaduudka Mareynkanka iyo Meksiko .

Doris Meissner oo hore u ahaan jirtay gudoomiyihii hore ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Maraykanka ayaa BBC-da u sheegtay in gidaaraddu ay wax ku ool u noqon karaan “yareeynta” qulqulka muhaajiriinta”.

“Fikirka ah in la sameeyo darbiyo lagu xanibayo qululka dadka soo galootiga ah waa mid fudud, taas oo baddali karta in askar iyo gaadiid badan xaduudka la dhoobo,waxaa ka sahlan darbiga ayuu yiri Mr. Meissner, oo hadda ka shaqeeya Machadka Siyaasadda Socdaalka oo xaruntiisu tahay Washington, DC.

Soomaalida iyo Darbiga Mareykanka

Darbiga wuxuu dood badan ka abuuray gudaha siyaasadda Mareykanka, waxaana sannad walba ka booda dhallinyaro Soomaliyeed oo qeyb ka ah dadka doonaya in ay gaaraan dalkaasi.

Dhalinyaradaas oo baadi goobaya in nolol cusub ay ka sameeystaan gudaha dalka Mareynka ayaa mararka qaar la kulma dhibaatooyin badan inta ay ku gudaha jiraan safarkooda.

Dhismaha darbiga oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wali doodiisa ay sii socotaa, waxaana ay u muuqataa in xisbiga hadda haya talada dalka Mareykanka ay doonayaan in ay sii wadaan dhismaha darbiga.

Darbigu ma aha mid aan laga gudbi karin

In kasta oo darbiga si adag loo dhisay oo aad looga taxadaray ayaa haddana meelaha qaar waxaa fudud in dadka lugeeynaya ay mari karaan.

Khubaradu waxaa ay sheegeen in meelaha darbiga laga dhisay ay adag tahay in la maro balse Tahriibayaashu ay inta badan helaan wadiiqooyin ay uga gudbaan caqabadaha iyagoo isticmaalaya jaranjaro ama xadhko.

Dhinaca xuduudka oo ay bulshooyinku caado ka dhigteen inay safka hore kaga jiraan doodaha socdaalka ayaa wararka ku saabsan kordhinta xayndaabka waxa ka dhashay dareeno kala duwan.

Isha: BBCSomali

Xog: Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah siiyay xukuumadda Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay xubnaha golaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo goobjoog ahaa shirkaasi.

Sidoo kale waxa uu u sheegay in ajendayaasha deynta cafinta iyo cuna-qabateynta hubka uu qaarna ku guuleystay, qaarna ay meel fiican u marayaan.

Hase yeeshee waxa uu saluug ka muujiyay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweynaha uu u sheegay Wasiirada inay ka shaqeeyaan meel-marinta siyaasadda dowladda, isagoona ku yiri “Ma rabno in aan idin daadino, haddii nagula qasbo waa idin daadineynaa, rag kale oo jaakado wata oo bannaanka taagan ayaa idinku bedeleynaa.”

Xasan ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga shaqeynayay sidii uu u meel-marin lahaa heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo la kulmay diidmo xooggan, waana kuwo dhammaantood u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Si kastaba, Qorshaha wax looga beddelayo Dastuurka oo gadaal uu ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan weli tallaabo rasmi ah loo qaadin ayaa waxaa xusid mudan inay si weyn uga soo horjeedaan saaxibaddiisa ugu dhow-dhow ee tirsan Baarlamaanka.

Garaad Jaamac oo ku hanjabay in ciidanka SSC ku fasixi doonaan Hargeysa haddii…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa hanjabaad culus u diray xukuumadda Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal xooggan.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku goodiyay in ciidamada SSC-Khaatumo ay ku fasixi doonaan in ay gudaha u galaan deegaanada Somaliland, haddii buu yiri ay Somaliland joojin weydo daandaansiga ay ka wado dhulkooda.

“Somaliland hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xiraynaa, aniguna waxa aan tegeynaa guryahooda (Hargeysa) waana soo qab-qaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Wuxuu uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu labada dhinac dagaal ku dhexmaray deegaano dhaca duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Wax badan waa xakamaynaynaa, si aanay ciidamadeenu uga tallaabin dhulkooda, haddii mardambe ay sheegato Somaliland dhulkayaga waan ku fasixi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Garaadka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo oo ay ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay in degaanadooda ay ka difaacdaan Somaliland.

Hadalka Garaadka SSC ayaa imanaya maalmo kadib markii duleedka magaalada Laascaanood uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Deni ‘oo diyaar u ah’ inuu la kulmo madaxweyne Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabbdullaahi Deni ayaa ogolaaday islamarkaana diyaar u ah inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa sidaas shaaciyey xafiiska QM ee Soomaaliya.

Deni ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu dhowaan magaalada Garoowe kula kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Bishii Maajo ee sanadkan, xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaranka / the National Consultative Council (NCC) – marka laga reebo Puntland – ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed iyo heshiis cusub oo diiradda lagu saarey dimuqraadiyeynta. Kulankaa iyo kii ka horreeyey ee ay NCC yeelatey bishii Maarso, ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland.

“Waxaan ku farxay in aan maqley in Madaxweynaha [Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan,” ayaa ay tiri Sarkaalka QM,” ayey tiri Catriona Laing.

Wakiilka Qaramada Midoobay waxay raacisay inay madaxweyne Deni kawada xaajoodeeen xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka, in Puntland metelaadeeda ay muuqato.

Waa markii labaad oo ay wakiilka Qaramada Midoobay timaado Puntland, tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale Deni kala hadashay doorashooyinka Puntland kusoo wajahan in ay ku dhacaan si xasilooni iyo jawi nabadeed ku dheehan tahay.

Saciid Deni ayaa bilo un kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh xiriirka u jaray dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahya inay sababta tahay inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha ama lagala tashan.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ciidamada Israel kasoo gaaray dagaalka Gaza

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee Ciidamada Israel ka soo gaaraya hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, haatana jirsaday laba toddobaad.

Warbaahinta Israel oo soo xigeynaysa Saraakiil Militariga Israel ka tirsan ayaa sheegtay in 47 askari ay ku dhinteen hawlgalka ka socda Gaza, ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Militariga Israel oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda ka soo gaaray hawlgalka Gaza, balse waxa uu sheegay in Israel ay sii wadi doonto gulufkeeda ka dhanka ah Xoogaga Xamaas, illaa iyo inta laga xaqiijinayo yoolka Tel Aviv ee dagaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay 15 maalmood oo hawlgalku uu socday in ciidamadooda ay ku burbureen godad fara-badan, oo Ururka Xamaas ay ku lahaayeen Marinka Gaza, xubno fara-badana ay ku dileen.

Waxa kaloo uu sheegay in tan iyo markii uu hawlgalku bilowday in ay ciidankoodu ku qabqabteen 20 nin oo ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay geeyeen Israel, si buu yiri baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Afhayeenka ayaa sheegaya in Abaanduulaha Ciidamada ay tahay in uu sii wado doorkiisa hoggaamineed ee hawlgalka uu sheegay in lagu wiiqayo Xamaas.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in Dowladda Lubnaan iyo Ururka Xisbullah ay qaadi doonaan masuuliyadda weerar kasta oo Israel kaga yimaada Lubnaan, ka dib markii weerar gantaalo ah oo Axaddii lagu qaaday deegaanada dhaca xadka waqooyi ee Israel ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Israeliyiin ah.

Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa sii xoogeysanaya.

Arrimaha ay Soomaaliya ka faa’iidayso heshiiska ammaan ee ay la gashay Sacuudiga

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa xalay kala saxiixday heshiisyo guud oo iskaashi ah kaas oo labada dowladood ay sheegeen inuu faa’iido u yahay dhinacyada.

Magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, halka Sacuudiga uu u saxiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Bin Abdull Aziz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiska dhanka ammaanka ee ay la galeen Sacuudiga uu muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya.

Heshiiskii ugu horreeyay noociisa

Axmed Cabdilaahi Kaboole oo arimaha ammaanka ka faallooda ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid cusub marka la eego heshiisyadii ay hore u wada gali jireen Sacuudiga iyo Soomaaliya.

“Iskaashi dhanka amaanka oo dhexmara Soomaaliya iyo Sacuudiga xiligan waxay u badan tahay in uu dalabkiisu ka yimi dhanka Soomaaliya, balse in dowladdu raadiso cid gacan ka siisa arrimaha amaanka waa muhiimadeeda gaarka ah ee waqtigan maaddaama ay dagaal kula jirto al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.

Dowladda Soomaaliya ayaa baahi badan u qabta inay gacan ka hesho waddamada hodanka ka ah dhanka dhaqaalaha xilli ay dagaal adag kula jirto al-Shabaab, oo dabayaaqada sanadka 2024 uu qorshuhu yahay inay Soomaaliya ka baxaan ciidamada ATMIS ee ka socda Afrika.

Maxay kala faa’iidayaan labada dhinac?

Heshiisyada quseeya iskaashiga ammaanka ee dalalku wada galaan waxaa sal u ah inay wada yeelan karaan howlgallo wada jira iyo inay albaabbada u furaan inay iska gacan siiyaan waxa liddiga ku ah ammaankooda.

Axmed Kaboole oo ka hadlayey arrimahan ayaa xusay inaysan dhankaas Soomaaliya u ahay dal ka qaadan kara doorkii looga baahnaa taas macnaheeduna tahay in Sacuudigu ka caawinayo arrimaha ammaanka.

Waxaa la fili karaa in heshiiskan ay Soomaaliya ka heli karto dhanka Sacuudiga kaalmooyin milatari sida saadka,tababarada iyo caawinaad dhanka dhaqaalaha ah sida uu tilmaamay Axmed Kaboole oo amaanka ka faalooda.

“Maaddaama ay Soomaaliya ku jirto adkaynta ammaankeeda waxaad mooddaa inay danaynayso inay hesho iskaashiga gobolka si ay garab ugu siiyaan dhaqaalana ugu helaan haya’daheeda ammaanka” ayuu yiri Axmed.

Ka sokow faa’iidada Soomaaliya ay ka heli karayso heshiiskan, Sacuudiga ayaa ka heli kara dhankiisa inay cod isku mida ka noqdaan xagga qaddiyadaha ammaanka ee gobolka dowlada Soomaaliya, maaddaama ay ku wada jiraan ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, sida uu qabo Kaboole.

‘’Sacuudigu maaha dal lagu yaqaan inay gacan ka siiyaan dalal kale xagga ammaanka, laakiin heshiiskan wuxu ula mid yahay kii Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka kaasoo quseeya inay Soomaaliya ka hesho caawin dhanka ammaanka sida kaalmooyinka militari,” ayuu xusay Kaboole.

Wafti uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyad halkaas oo uu ugu qayb galay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika iyo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka, kaas oo looga hadlay xaaladaha halista ah ee ka taagan arrinka Gaza.

Culayska Soomaaliya ka haysta ammaanka

Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa waqti galiyey muddooyinkii danbe inay kaalmo dhaqaale u helaan dagaalka wajiga labaad ee ay kula jirto ururka al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaallo ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qadar si ay gacan ugu geystaan dhaqaale ahaan dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka socda dalka.

Dhinaca kale Ciidamada ATMIS oo ka socda howlgalka Midowga Afrika ayaa sanadkan bilaabay inay askartooda qaybo ka mid ah ka saaraan dalka Soomaaliya qorshuhuna yahay in dhammaadka sanadka soo socda si dhammaystiran ugu baxaan.

Dagaallo ba’an ayey ciidamada dowladu la galeen al-Shabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug halkaas oo dhul ay kala wareegeen.

Isha: BBC

Afar arrin oo haddii uu xaqiijiyo Xasan Sheekh wax weyn ka badali doona Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa kusoo wajahan maalmo waaweyn dal ahaan iyo dowlad ahaanba. Dowladda xukunka joogta waxyaalaha marwalba looga fadhiyo waa shaqo joogto ah iyo wax ku biirinta hadafyada waara ee qaranka.

Afartaan qoddob waa qaas marka laga hadlayo Soomaaliya iyo 120 cisho ee soo aadan, waxayna kala yihiin;

1. Qaadista cuna-qabateynta

1992-dii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraarkii cuna-qabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiray dagaal sokeeye.

31 sano kadib Soomaaliya waxay bishan November dhexdeeda rejaynaysaa in laga qaado cuna-qabateynta hubka ama si weyn loo khafiifiyo si ay dowladda Soomaaliya u soo iibsato hub ku filan difaaca dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Haddii toos loo wada qaado cuna-qabateynta hubka, sida ay rejaynayso dowladda Soomaaliya wuxuu noqon doona hadaf weyn oo lagu guuleystay.

2. Ku biirista ururka EAC

Midda labaad waa arrin ugub ku ah Soomaalida, laakiin ay weligeed sugayeen.

Waa ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika. Inta uusan sanadkan dhamaan ama billowga Janaayo 2024, Soomaaliya waxay sugaysaa inay toos ugu biirto East Afrika Community, oo ay hadda ku jiraan dalalka DR Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwanda, South Sudan iyo Uganda.

Ku biirista ururkan ayaa dadka Soomaalida ah siinaysa suuq iyo socdaal furan oo dalalkaas ah iyo fursado kale. Marar badan ayay Soomaalidu hore u raadisay xubinimada ururkaan laakiin waa laga diiday.

3. Deyn cafinta

Dabayaqada bisha soo socota ee December, ama horraanta Janaayo 2024 Soomaaliya ayaa laga cafin doona deyn dhan 5.2 Bilyan oo dollar.

Shaqada deyn cafinta ayaa soo socotay muddo 11 sano ah. In Soomaaliya deynta laga cafiyo ayaa sahli doonta maalgashi caalami ah, dalka inuu deyn cusub heli karo iyo inuu noqdo qaran aan qaameysneyn oo dib isku qaabeyn karo.

4. Argagixisada oo lasoo dhaafinayo Galmudug iyo HirShabeelle

Dhowr safar oo ay Imaaraadka, Sacuudiga iyo UK ay ku jiraan kadib, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto furimaha dagaalka.

Ciidanka cusub ee tababarka ka yimid, Macaawilseyda dhawaan la qoray ee hoggaanka loo sameeyay iyo isbeddalka lagu sameeyay masaafada ay diyaaradaha Turkiga wax duqeyn karaan ayaa bixineysa saadaal fiican oo ah in si deg deg ah argagixisada looga soo saari doono deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabeelle.

Afartaan arrimood ee waaweyn oo dhamaan saameynaya amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa la sugayaa in lagu guuleysto 120 cisho ee soo socota, taasi oo hordhac ka siineysa jihada uu dalka u socdo iyo halka uu madaxweyne Xasan Sheekh wax gaarsiin karo inta lagu jiro muddo xileedkiisa.

70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay waddanka…

0

Dakar (Caasimada Online) – Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso horraantii bishan, sida bayaan uu soo saaray uu ku sheegay dacwad-oogaha waddankaas.

Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti.

Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel, sida uu bayaan uu soo saaray ku sheegay dacwad-oogaha gobolka.

Waxa ay intaasi ku dartay in aan wali la cayimin tirada saxda ah ee dhaawaca iyo dadka la la’yahay.

“Ciddi ka dambeeysay falalkan waxashnimada ah ilaa iyo hadda lama garanayo, baaritaannaduna waa ay socdaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah ee xididdada u siibay dalka ay deriska yihiin ee Mali sannadkii 2012-kii.

Reuters + Voa

Ninkii dilay Taliyaha Booliska Guriceel walaalkiis oo lasoo qabtay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada amniga, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ka howlgala Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan ninkii dilay Cabdullahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen taliyaha booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey.

Ninka lasoo qabtay ee loo heysto dilkii maxuumka waxaa lagu magacaabaa Cabdisalaam Cali Axmed, kaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha amniga.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin iyo Taliyaha NISA ee Galmudug Feysal Caanood ayaa warbaahinta xaqiijiyey in lasoo qabtay ninkii geystay dilkaas.

In lasoo qabto gacan ku dhiiglaha waxay suurta gashay caawa, kadib howlgallo culus oo maalmahaan ka socday deegaano badan oo la aaminsanaa in ninkaan uu ku dhuumanayo.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa habeeno ka hor dadka reer Guriceel iyo beeshiisa ugu baaqay in aysan sameyn wax falcelin ah, isla markaana ay ka war sugaan hey’adaha amniga, isagoo wacad ku maray inay soo qaba doonaan gacan ku dhiiglaha.

Allaha u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey waxaa la dilay goor habeen ah isagoo ku sugan gudaha dukaan uu ku lahaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka reer Guriceel ayaa aad uga xumaaday dilka wiilkaas, iyagoo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo lagu muujinayey xumaanta dhacday iyo in la joojiyo dilalka salka ku haya aanada qabiilka.

Ninka la soo qabtay waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan hey’adaha amniga, maadaama uu jiro tuhun la xiriira in kooxda Al-Shabaab ay ku lug leedahay, waxaana baaritaan kadib la hor geyn doonaa maxkamadda ciidamada, si kiiskiisa go’aan looga gaaro.

Daawo: Fatahaado cusub oo ka hilawday Sh/Hoose iyo Xasan Sheekh ka hadlay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta iyo fataahadda Wabiga

Dadka ku nool deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in kannaalada biyaha Wabiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxayna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray

Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka Jannaale ayaa iyana laga soo sheegayaa in webiga Shabeelle uu ku fatahay, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah laga soo warin.

Fatahaadaha ay geysanayaan wabiyada mara dalka iyo daadadka ka dhashay roobka deyrta ayaa saameyn culus ku yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku nool inta badan degmooyinka iyo deegaanada koonfurta Soomaaliya.

Magaalooyin ay ugu horeeyaan Beledweyne iyo Baardheere ayey ka dhaceen fatahaadaha ugu daran, waxaana iska soo daba dhaceysa qeylo dhaanta dadka dalbanaya in la caawiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kulankaas waxaa looga tashaday sidii loogu gurman lahaa dadka fatahaaduhu saameeyeen.

Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka ayaa ku ku boorriyay xukuumadda in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana maalmihii lasoo dhaafay doomo loo diray degmooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo oo fatahaada ugu daran ay saameysay.

Hoos ka daawo dardaarankii Madaxweynaha

Saddex ay Xasan iyo Xamza ka sinaadeen iyo hal arrin oo ay ku kala duwanadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad uu dhawaan ka jeediyay shirka madaxda dalalka Islaamka ee ka dhacay Sacuudiga, wuxuu ku xoojiyay sida adag ee Soomaaliya u diidan tahay xasuuqa ka socda magaalada Gaza.

Madaxda dalalka Islaamka ayaa baddi lagu dhalleeceeyay inay awoodi waayeen inay mowqif adag ka qaatan xasuuqa ku socda dadka reer Falastiin, kuwaas oo laga dilay in ka badan 10 kun oo qof hal bil gudaheed.

Iyadda oo dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu noqday hoggaamiyihii ugu mowqifka adkaa ee ka hadla arrinta magaalada Gaza, haddana waxaa markale dunida eegaysay sida madaxweyne Xasan Sheekh markale u qeexo mowqifka dowladdiisa.

Hadalka madaxweynaha iyo midka ra’iisul wasaaraha saddex dhinac waa iskaga mid, halka ay hal qodob ku kala duwanayeen.

Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codkiisa ku biiriyay sida Soomaaliya u diidan tahay xasuuq isir sifeynta ah ee ka socda magaalada Gaza.

Xasan Sheekh wuxuu kale oo xalka ku xiray dowlad madax-banaan oo ay Falastiin leedahay, taasi oo caasimadeeda tahay Qudus.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in madaxda dalalka Islaamka go’aan mideysan ka qaatan waxa ka socda magaalada Gaza, oo uu ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada iyo xeerarka caalamiga ah.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddexda dhinac ee Xamza iyo Xasan Sheekh iska yeesheen marka qadiyadda Falastiin laga hadlayo, ayaa kala ah;

1. In magaalada Gaza uu ka socdo xasuuq aan la aqbali karin oo isir sifeyn ah.

2. In Soomaaliya xalka u aragto in la helo dowlad madax-banaan oo ay Falastiiniyiinta leeyihiin oo xarunteedu tahay Qudus.

3. In xaalad kasta oo ay Soomaaliya ku jirto in aanay ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin.

Waxaa jira hal qoddob oo ra’iisul wasaare Xamza soo hadal qaaday, balse uusan taaban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana kooxda Xamaas.

Marka la isku geeyo labada hadal ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, nuxurku waa in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagto reer Falastiin, oo aanay meel dhexe ka istaagin qadiyadda maanta ugu weyn caalamka.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israa’iil taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Telefishanka Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalin kahor baahiyay warbixin xasaasi ah oo banaanka keentay xaqiiqada dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay caasimada.

Warbixintan ayaa waxaa daaha looga fayday tayo xumada waddooyinka cusub ee muddooyinkii dambe uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgelinayay caasimada, kuwaasi oo horey u raacay biyaha roobka.

Telefiishanka Qaranka ayaa saacado kadib ka saaray warbixinta muuqaalkaas dhamaan bogaga uu ku leeyahay baraha bulshada, waxaana la rumeysan yahay in tallaabada uu qaaday maamulka Telefishanka Qaranka ay ku timid dalab ka yimid maamulka gobolka, oo si weyn u dhibsaday warbixinta muuqaalkaasi.

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Waddooyinkii cusbaa ee uu hirgaliyay maamulka gobolka Banaadir oo horey u raacay biyaha Roobka,” ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen tallaabada looga saaray bogaga Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan warbaahinta dowladda ay tahay mid indhaha looga lalinayo xaqiiqada jirta, iyo dhibaatada biyaha iyo waddo xumada ee ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

“Telefishanka qaranka waa ku ceeb inuu ka saaro warbixin taabaneysa xaqiiqooyinka burburka waddooyinka lagu cunay dhismahooda malaayiinta dollar, ee sida Makeup-kii loo mariyay laamiga!. Dalkii waa mashruuc!,” ayuu yiri Ismaaciil Hefaw.

Cabdiraxmaan Macallim: “Ha ka saaraan waxay nasii tusaysaa shaqada naloo haayo iyo hagardaamada nalagu wado. Waxaa ceeb aheyn ukordhin mayso.”

“Dhibaatada jirta waxaa waaye in laamiyadii hore ee jajabay in caro kaliya lagu kor shubo kadibna laami uun lagu shubay waana qiyaano qaran!,” ayuu yiri Axmed.

Cabdulqaadir Dulyar: “Roobabku waa la xisaabtanka shirkadaha dhisa wadooyinka.”

“Waxaa yaab leh in laamigii dowladdii kacaanka uu weli sii nool yahay halka midkii dhawaan la dhisay uu burburay. Halkan waxaad ka ogaanaysaa in kacaanku diktaytarba ha ahaadee in uu waddani ahaa dal dhiska u hagar baxay,” ayuu yiri Hurre.

Nuuradiin Cabdikaafi: “Roobku waa fashiliyaha shirkadaha waddooyinka noo dhisa.”

Soomaaliya oo diyaarineysa ciidankii ATMIS beddeli lahaa, xilli isbeddel ku yimid…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Dhexe iyo dowlad-goboleedyada ayaa hadda qaadanaya ciidan boolis ah oo gaaraya afartan kun oo ciidan ah.

Ciidankaan cusub ayaa waxaa labaatan kun oo kamid qaadanaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in ciidankan cusub ee booliska ah ay la wareegi doonaan booska ciidanka ATMIS, ee hadda Soomaaliya ku jooga howl-galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisul wasaaraha in ciidankan booliska ah ay yeelan doonaan sharuudo adag marka ay timaado qaadashadooda, maadaama ay yihiin kuwii beddelaya ATMIS, ayna kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan ammaanka guud ahaan dalka.

Dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in warbixin looga dhageysto Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli Golaha Ammaanka ee QM uu dhawaan si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS.

Go’aankan ayaa yimid ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqay ciidamada xoogga dalka.

Kadib dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ee 2024 ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidamada Soomaalida, taasi oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.

Taliska ciidanka xoogga oo war kasoo saaray qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.

War ka soo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ay toogteen dhagar-qabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray, oo doonayay inuu waxyeelo gaarsiiyo ciidanka.

Taliska ayaa shaaciyay in ninkaan uu qorshihiisa ahaa oo uu doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga reebo dhagar-qabihii naftii haliga ahaa ee ciidanku toogteen inta uusan is qarxin.

“Ciidanka Qaranka habeen iyo maalin waxeey u taagan yihiin inay ka hortagaan dhagarta khawaarijta iyo ciribtirkooda,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Is-miidaamiyaha ayaa doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.

Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan waxaa uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaasi ayaa waxaa la xasuusta inuu ka dhashay tuhun xooggan, ayada oo xilligaasi loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan dhulka Al-Shabaab oo farriin usoo diray DF + Jawaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jirto gudaha dalka.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay sii baaheyso, isla-markaana ay yartahay taageerada iyo caawinaada ka imaaneyso beesha caalamka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in meelaha ay kasoo yeereyso qaylo dhaanta ay kamid  tahay dhulka Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in shacabka ay lasoo xiriiriyaan dowladda.

“Waxaa jiro dhul aysan gacanta ku hay dowladda oo ay joogaan cadowga, waxaa ku nool dad Soomaaliyeed waxaa waayay daruufaha uu dalka ku jiro oo xanuunka badan, waxaana wax gaarsiin kartaa oo kaliya meelaha uu amniga ka jiro” ayuu yiri Maxamuud Macalin.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale qiray in dadkaas aysan waxba u qaban karin, sababo la xiriira ammaanka, wuxuuna ugu baaqay inay kasoo barakacaan halkaasi.

Meelaha laga soo wacay waxa uu tilmaamay in kamid yihiin Jubbooyinka oo ay si weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaan

“Waxaan leenahay Call Center, meel kasta ayaa laga soo wacaa waxaa laga soo wactamaa dhulka ay Shabaabka haystaan sida Jubbada Hoose iyo dhulal badan oo runtii Shabaabka haystaan qaylo badan ayaa kasoo gaareyso laakiin waxba looma qaban karo, illaa ay kasoo baxaan ama Ilaahey uu cadowgaas ka saaro” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha SoDMA.

Maxamuud Macallin ayaa intaasi kusii daray “Waxa la haystaa aad ayay u yar yihiin, baahiduna aad ayay u badan tahay”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay roobab dabaylo wata iyo fatahaado ay sameeyeen wabiyada Jubba iyo Shabelle oo ku fatahay dhul aad u ballaaran.

Muxuu yahay ujeedka heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sacuudiga? + Sawirro

0

Riyaad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub gelinkii dambe ee Axaddii ku kala saxiixday magaalada Rayaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo haatan ku sugan caasimada Riyaad, sida ay xaqiijisay wasaaraddu.

“Dalkeenna (Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) iyo Boqortooyada Sucuudigu waxaan  Heshiis Iskaashi Amni ku kala saxiixannay magaalada Riyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu faahfaahiyay heshiiskan, ayada oo lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashiga amniga labada waddan, si sare loogu qaado.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay in heshiiskan uu wax weyn ka tarayo dhanka iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

“Heshiiskan Iskaashiga Amniga waxaa labada dal u kala saxiixay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga. Heshiiskani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayaa iskaashiga amni ee labada dal” ayaa la raaciyay.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, isla-markaana xilligan taageero kala duwan siisa dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, heshiiskan amniga ku saabsan ayaa kusoo aaday, xilli ay haatan dowladda dhexe ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay shir deg-deg ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa xalay shir deg-deg ah ku yeeshay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) iyada oo ay u dhammaayeen maamullada degmooyinka.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay roobabkii xooganaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho oo sababay culays xoogan iyo burbur.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay waraabinta ayaa ka warbixiyay shrkooda, wuxuuna sheegay in ka hadleen wax ka qabaashada xaaladaha ka jira gobolka.

“Waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka qabsoomay shirkii degmooyinka iyo maamulka sare, shirkaas oo ahaa mid deg-deg ah, loogana hadlaayey xaaladaha guud ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan roobabka” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray inay la socdaan dhibaatada ka dhalatay daadadka ku dhuftay magaalada Muqdisho, ayna maamul ahaan haatan wadaan dadaallo xoogan.

“Waa roobab aad iyo aad culayskooda u wata, faa’iidadoodana wata, dadku waa u baahnaayeen roobabka, laakiin daadad iyo biyaha kasoo rogmaday culaysbaa ka yimid, marka culayskaas ayaan rabnay in degmooyinka ay isla wadaagaan” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wxuuu hoosta ka xariiqay inay ku howlan u gurmashada dadka ay dhibaatada soo gaartay qaadista biyo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

“Shirkuu wuxuu ku saabsanaa gurmad guud oo loogu talagalay heegan la geliyo maamulka gobolka Banaadir sida uu u dhan yahay” ayuu mar kale yirihi guddoomiye ku xigeenku.

QM oo Puntland ka dalbatay in Somaliland iyo SSC ay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland.

“Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin”.

“Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang.

Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhinacyada oo 9-kii bishan dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Daawo Jawaahir Baarqab: 12 jir ayaa la kufsaday, ninkii kufsaday wuxuu ka mid yahay…

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay wadaan dedaalo lagu yareynayo qasaaraha ka dhasha daadadka ay roobabku keeneen, waxeyna tilmaantay in bilicda & nadaafada Gobolka ay tahay mid waajibineysa in ay ka qeybqaataan dadka u damqanaya Gobolka.

“Masiibadu waa dhowr nuuc, mid na waa mid ILLAAHEEY uu keenay mid na waa mid bulshada ka dhex imaaneysa,  waxaad arkeysaa guri 3 milyan lagu dhisay oo hortiisu ay dhiiqo ka buuxdo, ma aha maamulka gobolka shaqadiisa inuu wax ka qabto,” ayeey tiri Jawaahir oo shalay saxaafadda kula hadleysay gurigeeda, waxeyna intaasi ku dartay in Magaalada ay jireen goobo biyo-fadhiisid ah xilligii Dowladdii Kacaanka.

“Xilliyada ay da’aan roobabka waxaa jira dad kaga faa’ideysanaya in ay qashinka guryaha u yaal ay daadadka raaciyaan, taas oo dhibaato weyn horseedeysa,” ayeey tiri Jawaahir waxeyna u mahadcelisay howlwadeena gobolka Banaadir oo ay ku tilmaantay dad mar walba u taagan in ay bulshada u qidmeeyaan.

“Magaaladan oo cabsi ah ayaa ku nooleyn, maanta waxeey soo ceshaneysaa maqaamkii ay xaqa u laheyd ee caasimadnimo, waxaan rajeynayaa in ay ka mid noqoto caasimadaha ugu qurxoon dunidda,” ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in Muqdisho aysan ku doorsaneyn Washington iyo Amsterdam.

Mar ay ka hadleysay arrimaha xuquuqda haweenka waxey sheegtay in ay jiraan xadgudubyo joogta ah oo ku dhaca haweenka.

“Gabadhu marka ay shaqo doonato waxaa dhacda mararka qaar  in la yiraa; wax uun iigu beddel, waxaa kale oo jira tacadiyo ka soo gaara dhanka siyaasada,” Ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay  in waddan dhibaatooyin soo maray sida Soomaaliya oo kale ay ka dhici karaan tacadiyo nuucaas ah.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA JAWAAHIR OO DHAMMEYSTIRAN: