25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka degay Burundi, lana kulmay dhiggiisa dalkaasi

0

Bujumbura (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaadanaya Madaxweynaha dalkaasi Mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi.

Waxa uuna Madaxweynuhu uga mahad-celiyey dhiggiisa dalkaasi, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaana geba-gabo ah wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

RUTO oo sagootiyay safiirkii Soomaaliya ee Kenya + Sawirro

0

Nairobi (Caasimdaa Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta sagootiyay Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Kulanka Ruto iyo Danjire Tarsan ayaa ka dhacay Madaxtooyada dalka Kenya, wuxuuna madaxweynaha uga mahad-celiyay howlihii uu soo qabtay.

Ruto ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo horumarka deegaanka, iyo weliba faa’iidada ay wadaagaan labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo barwaaqada Bariga Afrika.

“Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan wax ka badan deris, muddo tobanaan sano ah, waxaan ka wada shaqaynaynay raadinta nabadda iyo horumarka qarankeenna iyo gobolka. Waxaan wadaagnaa xiriir dhaqameed qoto dheer oo leh xiriir ganacsi oo xooggan,” ayuu yiri madaxweyne Willian Ruto.

Danjire Tarsan ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka.

Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Si kastaba, Danjire Tarsan ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa safiir hawlkar ah oo wax ku ool ah oo wax badan ka taray xoojinta xiriirka labada dal, islamarkaana joogitaankiisa si weyn loo tabi doono.

Ciidanka Israel oo gudaha u galay isbitaalka ugu weyn Gaza kadib…

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa maanta gudaha u galay isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza, waxaana ay baarayeen qolalka iyo qeybta hoose ee isbitaalka, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Tallaabadan ayaa soo gaba-gabeysay go’doomin maalmo qaatay oo sababtay qeylo-dhaan caalami ah oo ku aadan nolosha kumannaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha Gaza.

Isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalka dhulka ee ciidamada Israel, kuwaas oo sheegay in godad ku hoos yaalla isbitaalka hoostiisa ay dagaalyahannada Xamaas ay “hal-bowle” u ahaayeen, taas oo Xamaas ay beenisay.

Indhaha caalamka ayaa diiradda saaray jiritaanka boqollaal bukaan ah oo ku xayiran gudaha, iyaga oo dhaqaatiirta isbitaalka aysan heysan wax awood ah oo ay ku shaqeeyaan iyo agabka caafimaadka aasaasiga ah, iyo kumannaan rayid ah oo barakacayaal ah oo hoy u raadsaday.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in bukaanno badan oo ay ku jiraan saddex ilmood oo dhawaan dhashay ay dhinteen maalmihii lasoo dhaafay taas oo ka dhalatay hareeraynta Israa’iil ee isbitaalka.

Israa’iil waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen dagaal yahanno ka tirsan Xamaas agagaarka isbitaalka kahor intii aysan galin. Waxay sheegeen in isbitaalka u keeneen sahay caafimaad oo loogu talagalay dadkii ku jiray.

Sawirro: Dhismaha xarun muhiim ah oo maanta laga dhagax dhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay marti-geliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.

Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel iskugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyada oo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan.

Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taasoo si xawli u kordheysa.

“Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Jaamac Xasan Khaliif oo dhagax dhigay xaruntan ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan.

“Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka,” ayuu yiri Wasiir Jaamac Khaliif.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxayna middaan muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.”

Baarlamaanka Puntland oo mar kale qaadaya tallaabo uga sii dareysa xiisadda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo cusub oo laga cabsi qabo inay mar kale horseedo gacan ka hadal ka dhaca caasimada Puntland ee Garoowe.

Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka bishaan November uu meel-mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, kaasi oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Xeerkan ayaa shalay loo gudbiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Puntland, wuxuuna dhigaya in doorashada maamulka ay qabsoomto dhamaadka bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in doorashada ay ka dib dhaceyso waqtigeeda.

Sidoo kale, xeerkan ayaa dhigaya in doorashada Madaxtooyadda iyo tan Baarlamaanka ay ku dhacdo hanaanka qof iyo cod, oo ay soo doortaan shacabka Puntland.

Mucaaradka ayaa horey uga digay guddoonka baarlamaanka oo la sheego inuu jiro dhanka madaxweyne Saciid Deni inuu qaado tallaabo mar kale horseedi karta xasilooni darro amni oo ka dhacda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa iyaguna shalay ku dhawaaqay jadwal doorasho cusub, kaasi oo dhigaya in doorashada maamulka ku qabsoomto waqtigeeda oo ah 8-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2024-ka.

“Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe.

Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub.

1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray.

Jadwalka doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Isku soo wada duubo, Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu gacan hadal ku dhexmaro Garoowe ciidamada Mucaaradka iyo kuwa maamulka, sidii dhacday 20-kii June ee sanadkan, taasi oo galaafatay nolosha in ka badan 30 qof.

Sawirro: Jen. JIDHIF oo maanta aas qaran loogu sameeyay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga Kulmiye, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qayb-galay aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qayb-galay aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo ugu horreyntii halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, iyaga oo ku dheeraaday kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo qaatay halgankii iyo dhismihii ciidanka qaranka.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhiska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inay Somaliland noqoto mid taabba gal ah oo yeelata ciidan cududdiisa laga cabsado, sida ay hadalka u dhigeen.

Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aqoon gaar ah u lahaa marxuumka, ayaa ku sifeeyey halyey taariikhda baal dahab ah ka galay, qarankiisana si daacad ah ugu soo adeegay, iyaga oo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambeyntiina halkaasi ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey.

“Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay Beledweyne, kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee magaalada, waxaana ay halakeeyay biyaha wabiga, kadib markii uu karkaarada jabsaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in fatahaadda ay sababtay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Dhimashada ayaa haatan mareysa illaa 8 qof, kuwaas oo ay biyuhu la tageen, waxaana sidoo kale jira dad weli ku go’doonsan xaafado ka mid ah degmada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa jira qoysas badan oo ay saameysay fatahaadda, kuwaas oo u barakacay duleedka magaalada oo ay haatan ku haysato xaalad nololeed oo adag.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada oo ka hadlay xaaladda Beledweyne, waxa ay sheegeen in laga gaabiyay u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Waxa ay sidoo kale farriin u direen dowladda federaalka iyo HirShabelle, iyaga oo ka codsaday inay gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah ay lasoo gaaraan reer Beledweyne.

Hiiraan ayaa waxaa sanad kastaa ku soo laa laabta fatahaado khasaare badan gaarsiiya shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo ka dhashay xaaladda Elnino, waxaana soconaya dadaallo ay waddo dowladda Soomaaliya.

Daawo: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday 24 ASKARI

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 13-kii bishaan u fariisatay maxkamadeynta 24 askari oo horaantii bishaan ku dagaalamay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Askartan oo ka kala tirsan taliyada Booliska, NISA iyo Milatariga ayaa lagu soo eedeeyay inay gaysteen dil bareer ah, dhaawacyo, burburin hantiyeed iyo cabsi gelin dadweyne.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay eedaha loo haysto 24-ka eedeysane, wuxuuna maxkamadda ka codsaday inay dhammaantood ku wada xukunto dil toogasho ah.

“Dadkaas waxa ay dileen marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, waxay gaysteen dhaawacyo, waxaan codsanayaa dhammaantood in lagu xukumo dil toogasho ah” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada.

Sidoo kale waxaa goobta la keenay marqaatiyeyaal ku sugnaa goobta lagu dagaalamay oo maxkamadda u faahfaahiyay, sida ay wax u dhaceen.

Sheekh Daahir Faarax oo isna ah baaraha kiiskan ayaa goobta ka sheegay in baarista ay sameeyeen ay ku ogaadeen in askartan ay gaysteen dambiga lagu soo eedeeyay.

“Markaan baaritaan ku sameynay kiiskaas waxaa noo cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin kuwa galay eeda loo soo jeediyay” ayuu yiri Sheekh Daahir Faarax.

Dhankooda qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa dafiray dhammaan eedaha loo soo jeediyay askartan, waxayna ku tilmaameen waxba kama jiraan, iyaga oo sidoo kale ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida inay dib usiiso xoriyaddooda.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa isla maanta soo saartay xukunka, waxayna 15 kamid ah askartaan ku ridday saddex sano oo xabsi ciidan ah, bixinta magta marxuumiinta kala ah Marxuum Saciid Salaad Cali iyo Marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Guriceel iyo bixinta magta 5 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi, halka sideeda kale ay sheegtay maxkamaddu in lagu waayey wax dambi ah, kadibna lasii daayay.

Daawo: Xasan Xundubey oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xundubey ayaa sheegay in madaxweynuhu markan gaaray da’da todobaatameeyada oo uu ku micneeyay in qofka ku jira marxaladdaas uusan laheyn curin, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, balse uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay.

“Qodobka labaad horaaa madaxweyne usoo ahaa waa laga soo sheegaa, marka qof hantiile ah oo uu dhaqaale ka rabo maahinee ama dhalinyaradaan uu adeegsanaayo maahinee cid kale oo uu madaxweynuhu maanta uu la tashado” ma jirto” ayuu mar kale yiri Xundubey.

Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud.

“Madaxweynaha bulshadiisa ha usoo noqdo, waxgaradka ha usoo noqdo dalkaan isagu malaha, annagu ma lihin waan wada leenahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Halkan hoose ka daawo:-


Faahfaahinta guri ku yaalla Muqdisho oo la qarxiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, balse xaaladda ayaa haatan deggan.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada weli dowladda Soomaaliya ay dalka ka waddo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan la fileyn uga hadlay xiisadda Israel iyo Falastiin

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga  hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.”

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.

Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Xizbullah iyo Israel

Beirut (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ayaa kasii dareysa xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ay sii kordhayso khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo dagaal afka ah oo sii hurinaya cabsida laga qabo inuu sii ballaariyo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

Duqaymo ay Israa’iil fulisay ayaa laba qof ku dilay Koofurta Lubnaan Isniintii, sidaga laga soo xigtay garabka caafimaadka ee xisbiga Amal Movment oo ah dhaq-dhaqaaq taabacsan Xisbullah.

Dhinaca weerar gantaal oo ay kooxda Xisbullah ku qaadday Israa’iil Axaddii ayaa waxa ku dhaawacmay tiro ka mid ah shaqaalaha shirkadda Korontada ee Israa’iil, iyada oo mid ka mid ahina uu u dhintay dhaawacii soo gaaray Isniintii, sida ay shirkaddu sheegtay.

Hezbollah ayay rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Israa’iil tan iyo markii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas oo ah xulafadooda ay dagaal la galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Ilaa hadda, in ka badan 70 dagaalyahannada Xisbullah ah iyo 10 rayid ah ayaa lagu dilay Lubnaan, halka Israa’iina laga dilay 10 qof oo ay ku jiraan toddobo askari, iyada oo kumannaan kale oo labada dhinac ah ayaa ka cararay duqeymaha.

Maxay tahay sababta SSC looga reebay cayaaraha dowlad goboleedyada?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda cayaaraha Soomaaliya waxaa maamulka SSC Khaatumo laga reebay cayaaraha maamul goboleedyada dalka.

Waxaa la sheegay inay arintan la isla qaatay kadib soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmaamay in aysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan.

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay in aysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska, kadib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Dhanka Khaatumo waxay warbaahinta u sheegeen inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa.

Ka qayb galka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeda leh wasaaradda ciyaaraha, siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar.

Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas.

Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka.

 

Isku-milanka Shabaab iyo DF oo si weyn banaanka ugu soo baxay iyo ‘waxa socda’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay xukunno kala duwan ku riday xubno ka tirsanaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu helay dambiyo ah inay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayeen kooxaha argagixisada.

Marka aad aragto da’da ay jiraan iyo xilalka ay hayaan ama ay hore u hayeen xubnaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooblka Banaadir ka tirsanaa ee loo xiray ama qaar hore loogu xukumay la shaqeynta kooxaha argagixisada, waxaa ku qasbanaan doonta inaad markale wax iska weydiiso fikirkii ahaa in argagixisada ka faa’iideysato dhalinyarada oo keliya iyo sidoo kale inay beegsadaan dadka baaga-muudada ah.

Qof xil ka haya dowladda federaalka ama maamulka gobolka, da’diisuna ay dhaaftay 50 sano, haysta shaqo iyo mushaar, aqoon darro gaar ahna ay haynin oo haddana argagixisada u adeegaya oo weliba laga yaabo inuu ku gacan siinayo inay laayan dad shacab ah oo degan degmada ama xaafadii uu madaxda ka ahaa, waa arrin muddo huursaneyd balse hadda lagu soo baraarugay. Waxay ku direysaa isweydiin cusub.

Isku-milankii la naaxiyay sanadihii tagay ayaa hadda si weyn bananaka ugu soo baxay, iyada oo hay’addaha amniga ee dowladda federaalka ah ay maalin walba maxkamadda geeyaan dad heerarka kala duwan ee dowladda ku jiray balse si qarsoodi ah ula shaqeynayay argagixisada.

In aad aragto qof aan dhalinyarnimo qaadin, shaqo la’aan aan looga faa’iideysan ee argagixisada ugu adeegaya magacii iyo hantidii dowladda ku aamintay waxay ka marqaati kaceysa inay weli shaqo badan hortaallo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ka caafimaad qaba dabinka argagixisada.

Horay waxaa u jiray eeddo ku saabsan in howl-wadeeno dowladeed inay cabsi darteed ula shaqeeyaan argagixisada, iyaga oo isleh armaa shaqsi ahaan uga badbaadan, laakiin argagixisada ugu dambeyn kuwaas iyada ayaa dishay marka ay ka gaarto wixii dan ay ka laheyd.

Dadka iyaga oo dowli ah haddana argagixisada la shaqeeya waa ka dambi badan yihiin kuwa aan wax masuuliyad ah u hayn dadka iyo dalka ee iyaga oo fara maran qaata fikirka argagixisada.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa dadka laba kaarlayaasha ah inay siiso ciqaab adag maadaama ay laba jeer khiyaano iyo dhibaato kula kaceen Umadda Soomaaliyeed, si weyna u dhaawaceen sharafkii dowladnimada.

Soo qabashada dadka dowladda ku jira ee argagixisada la shaqeeya waxay dhinaca kale farriin u tahay ciidanka ilaaliya waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan si fudud u sii daaya gaadiidka ay wataan howl-wadeenada dowladda.

Hadda waxaa hortaalla ciidanka baraha Kontoroollada fadhiya in howl-wadeenada dowladda u baaran sida dad aan masuuliyad haynin, maadaama ay argagixisada dhinac walba uga dhex milantay bulshada Soomaaliyeed.

Horay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u sheegay in aanay wax qiil ah laheyn in argagixisada la caawiyo nuucii ay noqotaba.

Waxaa kal hore xabsi iyo dilba lagu xukumay saraakiil ciidan, oo ay ku cadaatay inay argagixisada la shaqeeyeen, waxaase muuqata in weli ay dowladda ku dhex dhuumanayaan dad argagixisada garab siinaya.

Waxaa Sirdoonka Soomaaliya looga fadhiya inuu qaado olole cusub oo ka dhanka ah isku-milanka waqtiga fog la cayilinaayey ee ka dhex jira laamaha amniga ee dowladda iyo argagixisada.

Daawo: Laftagareen oo shaaciyey tirada dad ku dhintay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa shaaciyey tirada dad ku dhintay daadadkii ka dhashay roobka deyrta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyinka qaar sida ay u dhaceen.

”12 qof ayaa ku dhimatay daadadkii ku dhuftay Baydhabo oo ay ku jirto Haweeney caano keentay magaalada oo Meydkeeda maalmo kadib la helay,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka, “dad badan oo tabar yar ayaa ka cararay guryahooda, 50% magaalada waa laga barakacay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ay kula kulmeen.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka.

Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

Hoos ka daawo Laftagareen

Arrin cusub oo beddeshay cabashadii amniga ee Muqdisho – Warbixin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho, magaalo la aaminsan yahay inay ku nool yihiin wax ku dhow saddex meelood meel dadka xilligaan ku dhex sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Muddo fog cinwaankeeda ugu weyn waxa uu ahaa amni. Dadka jooga iyo kuwa looga shakeeyo caasimadda intaba waxaa muhiim u aheyn inay maqlaan ama arkaan sheekooyin la xiriira nabadgelyada magaalada Muqdisho.

Dhaliisheeda ugu badan waxay aheyd amni darro. Magaalo argagixisada ku dhex milantay, calooshood u shaqeystayaal hubeysan dhex dhooban yihiin oo dhibaatada ka dhowdahay ayay dad badan ugu suntaneed.

Hadda waxaa si weyn isku beddelay mowduuca magaalada Muqdisho. Waayihii dambe dadka waxay ka hadlayaa mowduucyo kale sida; isbeddelka xagga dhaqaalaha, nadaafad darro iyo biyo ay magaalada dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka.

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa si weyn loo dhalleeceeyay dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dadka qaar ayaa soo jeediyay in dowladda u baahan tahay inay ka fikirto isbeddel maamul oo Muqisho ah.

Marka aad eegto waxa maamulka gobolka Banaadir lagu haysto waxay dhamaan u muuqdan kuwo maangal ah. Haddii aad isweydiinayso isla xilligaan xal waara ma keeni kara? Jawaabta waa Maya.

Laakiin waxaa lagu haystaa Madaale iyo maamulkiisa maadaama biyo fariisinida iyo nadaafad darrada muddo soo jirtay waxa uu maamulka gobolka ula imaan waayay qorshe lagu gaari karo xal waara.

Sida ay Muqdisho u taallo maanta, tirada dadka ku nool, miisaanka caasimadnimada iyo culeyska canshuurta laga qaado dhamaan waa kuwo aad isku diidaya.

Maamulka gobolka keliya uma baahna isbeddel qofeed, waa in hab fikirka soo jireenka ah la beddelo, dowladda dhexe ay ahmiyad siiso caasimada oo aan hadafkeeda lacag u noqon, oo dadkeeduna ay is-xilqaam iyo isla xisaabtan la yimaadan.

Culeyska magaalada yaalla xilligaan ee ay keeneen daadaadka ka dhashay roobabaka waa kuwo aan la dafiri kari. Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah.

Marka dhinaca kale laga istagao in mowduucii weyna ee amniga isbeddello oo ay dadka aaminaan in amniga wax badan laga qabtay, beddelkeedana ay tahay in xal loo helo biyaha waddooyinka xiray iyo nadaafad darrada, waa arrin cadeynaysa sida laamaha amniga ee dowladda u shaqeeyeen 18 billood ee lasoo dhaafay.

Dowladnimo, waa in cabashada markaa taagan xalkeeda la wajaho. Iyada oo ay muhiim tahay in dowladda lagu bogaadiyo sida ay mowduucii geerida ugu beddeshay maad waddooyinka biyaha ka qaadan, haddana waa in taas laftigeeda xal deg deg ah loo helo oo la dhiso qorshe dhameystiran iyo dad u qalma inay hirgeliyaan.

PUNTLAND oo eedeyn culus u jeedisay VILLA SOMALIA

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyay inay duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa eedeyntan u jeediyay Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayso bur-burinta jiritaanka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay adeegsaneyso shaqsoyaad dano gaar leh, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne Deni, kuwaasi oo maanta soo saaray jadwal doorasho.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland bur-burto,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas way socotaa (hanaanka doorashada qof iyo cod) gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”.

Wasiir ayaa sidoo kale waxa uu Xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto deegaannada Puntland ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin qorshaha Villa Soomaaliya duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

”Dowladda federaalka waxay gacan siinaysa dad khal-khal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha, si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland,” ayuu sidoo kale yiri wasiirka.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligaan ka taagan xiisad xooggan oo salka ku haysa khilaafka arrimaha doorashooyinka, iyada oo mucaaradka ku dhowaaqeen doorasho ku qabsoomeysa waqtigeeda, halka maamulka uu sheegay in dhamaan ay u diyaarsan yihiin farsamooyinkii lagu qaban lahaa doorashada qof iyo cod.

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Baydhaba, indhaha-na soo saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa u daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka.

Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

Si kastaba, roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Suufi, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Cabdi Cismaan Dhaga-weyne iyo Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani.

Sidoo kale waxa uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada u magacaabay Axmed Yuusuf Idiris Cawaale, halka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka uu u magacaabay Cabdinaasir Buuni.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha, oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha

2. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;
Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

3. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;
Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

4. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Mucaaradka DENI oo soo saaray jadwal doorasho cusub iyo xiisadda oo kasii dareysa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mucaaradka Puntland ee kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni ayaa goordhoweyd soo saaray jadwal doorasho oo cusub, gaar ahaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland.

Bayaan kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay qabanayaan 8-da January ee 2024-ka.

“Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mucaaradka, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe.

Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub.

1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray.

Jadwalkan doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya jadwalka uu dhawaan soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Jadwalka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxa uu dhigaya in doorashada Madaxtooyadda Maamulka iyo Baarlamaanka Puntland ay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Si kastaba, Arrintaan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Garoowe ee salka ku haysa khilaafka doorashooyinka, xilli xeerka doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, kaasi oo ay u gudbiyeen Golaha Wasiiradda.