25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Waa qoloma NAADIYA Maxamed, oo qabaa’ilo kala duwan ay sheeganayaan?

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xilliyo kala duwan waxaa baraha bulshada caado ka noqotay in marka qof uu guuleytso – gaar ahaan qurbaha la arko dad Soomaaliyeed oo sheegaya inay isku meel ka wada yimaadeen oo ka soo wada jeedaan.

Kadib guushii Talaadadii ee Naadiya Maxamed, oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaasi mar kale soo shaac baxday.

Waxaa baraha bulshada ee dadku ku xariir si aad ah looga hadal hayay qoyska ay tahay gabadha, ayada oo qof walba uu sheegayo in ay isku meel ka soo wada jeedaan.

Dhanka baraha bulshada dooda badan ayaa ka dhalatay halka ay gabdhaan ka soo jeedo. Dad badan oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in inay isku qoys yihiin.

Dhanka kale waxaa jira dad qaar oo baraha bulshada isticmaala oo arrintan ku tilmaamay inay tahay wax aan wanaagsanyn. In Soomaalida ay qoys ahaan ugu faanaan qof isaga dedaalkiisa ku gaaray heer ama xilka uu qabtay ayay ku sheegeen mid laga fiican yahay.

Haddaba waxaa jira su’aalo la is weydiinayo oo ah, maxay tahay sababta ay dadka Soomaalida ah u sheegtaan qofka marka uu heer gaaro ama madax noqdo? Maxay tahay faa’iida ugu jirta in qof uu reer ahaan ku taageero isagoo weliba og in qofkaas aysan isku meel joogin oo xitaa aanay jirin wax uu ku caawin karo?

Waxaa xusid mudan in halka laga soo doortray Naadiya ay ku badan yihiin dadka aan Soomaalida ahayn taasi waxa ay micneheedu tahay in inta badan dadaka u codeeyay ay u badan yihiin dad aan Soomaali ahayn.

Qaar kamid ah dadka u ololeeya midnimada Soomaali wayn, ayaa marar badan ku dhaliilay dadka Soomaalida ah ee dadka guuleysta ku faana inay meel ka soo wada jeedaan, iyaga oo taas ku tilmaamay inay kala qaybineyso bulshada, sidoo kale xafladaha dadkaas lagu taageero ee ay dhigaan dad is xilqaamay ayaa qaarkood la keenaa calamo kala goongooni ah oo astaanta u ah qoysaskooda. Taasna walaac ayay ka muujiyeen.

Calamada kala duwan oo horay u jiray balse aan sidaas usii badneyn ayaa aad loogu baraarugay dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Arrintan oo markii hore ka jirtay meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa u muuqata inay kusii fideyso bulshooyinka Soomaalida ah ee ku nool dalalka qurbaha.

Waa tuma Naadiya?

Faadumo Nuur Barqadle oo ah hooyada Naadiya oo BBC-da la hadshay ayaa sheegtay inay kedis ku noqotay guusha gabadheeda.

“Farxad darteed inaan buubo ayaan ku sigtay” ayay tiri.

Waxay sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata.

“Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri.

Naadiya oo la dhalatay afar walaalo ah, waxay ku dhalatay dalka Kenya oo reerkoodu ay qaxootinnimo ku joogeen.

Waxay qoyskeedu St. Louis Park yimaadeen iyadoo 10 sano jir ah.

“Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri.

“Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda.

Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, ee Jake Spano, iyo sidoo kale bulshada kale ee magaaladaas ku nool.

Sawirro: SOOMAALIYA iyo SACUUDIGA oo Riyadh ku saxiixday heshiis cusub

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa heshiiskan oo ah mid iskaashi ayaa qalinka ku duugay, isaga oo la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane H.E Faisal bin Farhan Al Saud.

Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed.

Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.”

Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.

DF Soomaaliya oo cabsi hor leh ka muujisay arrin uga sii dari karta xaaladda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay saameynta roobabka iyo daadadka El-Niño, doorka muwaadinka iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliya.

Mudane Saalax oo warbixinta bulshada Soomaaliyeed kula wadaagay Twitter Space oo hadda loo yaqaan X Space ayaa sheegay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo uu sheegay in biyo badan uu soo wado.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaaladda guud ee dalka gaar ahaan saameeynta ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada dalka, waxa uu xusay in dowladda ay dadaashay iyada oo digniino u dirtay shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan bilaaban fatahaadaha.

Waxa uu sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, Garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yaalay deegaanadaasi in ay dhammaantood wada xirmeen.

Dhanka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog, kuwaasi oo uu xusay in ay geysteen khasaare kala duwan.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sidoo kale sheegay in laga soo warinayo xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinayo xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale.

Mudane Saalax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda ay iska saartay qaar kamid Golaha Wasiirrada, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.

Si kastaba, roobabkaas ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda.

Maamulka Deni war kasoo saaray dagaalkii Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Booliska maamulka Puntland ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi.

Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

G/sare Marduuf  ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay.

Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka.

Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

Isha: Puntland Post

Mareykanka iyo UK oo ka horyimid qorshe ay Israel ka damacsan tahay GAZA

London (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid qorshaha socda ee ay ku Israel ku dooneyso in dhowr iyo toban sano kadib ay dib ugu la wareegto amniga guud ee Marinka Gaza.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in Israel ay damaanad ahaan ula wareegi doonto amniga guud ee Marinka Gaza, kolka uu dhammaado dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas.

Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Tel Aviv ay amniga Gaza gacanta ku hayn doonto sida uu yiri illaa waqti aan la cayimin, iyagoo markaasi ka hortaggaya weerarkii 7-dii October oo kale.

“Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya,” ayuu yiri Netanyahu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ka falcelinayay warka ka soo yeeray Netanyahu ayaa uga digay in Israel ay dib u soo cusbooneysiiso qabsashadeedii Marinka Gaza.

Wasiirka oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Tokyo ayaa sheegay in Mareykanku uu Israel ku taageerayo inay meesha ka saarto Xamaas, balse aanu ku taageeri doonin in ay dib ula wareegto Gaza.

“Israel ma qabsan karto Marinka Gaza, way iska caddahay inaysan qabsan karin. Hadda xaqiiqdu waxay tahay in ay jiri karto baahi loo qabo muddo kala guur ah, dhammaadka iska horimaadka,” ayuu yiri Wasiirka.

Blinken ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Marka Xamaas laga adkaado, dadka Falastiiniyiinta waa inay iyagu la wareegaan Maamulka Gaza iyo xitaa Daanta Galbeed.”

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, James Cleverly ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel ay awoodda ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee nabadda jecel, sida uu yiri.

Washington iyo London ayaa Tel Aviv ka dalbanaya in ay wareejiso maamulidda Gaza, marka ay gaarto hadafkeeda ah in la ciribtiro Xamaas.

Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa si adag u cambaareeyay barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Gaza, taas oo ay u arkaan qorshe ay ka leedahay dhul ballaarsi.

Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007.

Israel ayaa tan iyo xilligaa ahayd cidda go’aanka ka gaareysa cidda imaaneysa iyo cidda kale ee ka baxeysa Gaza, iyadoona weli ay Israel gacanta ku hayso maamulka hawada iyo badda Gaza

Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo billad lagu gudoonsiiyey Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta Africa Sustainability Outliers Award oo ay kula tartantay 3 rag ah.

Tartanka ayaa ka dhacay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia,Ugu dambeynna Wasiir Khadiija ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay, isla markaana la guddoonsiiyey Abaalmarinta.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid noqotay musharixiin loo xushay ka qeybgalka tartanka billadda ee “Africa Sustainability Outliers Award, ee loosoo gaabiyo (ASO Awards 2023).

Wasiir Khadiija ayaa loogu xushay u tartamidda Billaddan shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay ka midyihiin:- U heelanaanta gaarka ah iyo ka go’naanshaha in la abuuro mustaqbal Waara ee Afrika.

Hirgelinta hindiseyaal badan oo dhiirigelinaaya horumarinta adkeysiga deegaanka iyo horumarinta bulshada.

Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tartankan loogu xushay Ka-qaybgalkeeda sare iyo doorka hoggaamineed ee ay Soomaaliya ka qaadatay shirkii cimilada ee lagu qabtay Sharm El Sheikh, Masar, 2022.

Daah-furka Hindisaha  Darbiga Weyn ee Cagaaran, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha Soomaali Cagaaran.

Wasiirka ayaa door weyn ka qaadatay Abaabulka howlgelinta howlaha wadatashiga ee daneeyayaasha iyo dedejinta hirgelinta howlahaas si Afrika loo gaarsiiyo horumar waara.

Dajinta hindisaha iyo aragtida weyn ee lagu beeraayo malaayiin geed, si kor loogu qaado xalalka tamarta la cusboonaysiin karo, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, abuuritaanka jawi nabadeed oo suurtagelinaaya horumarka iyo in dadku ay la qabsadaan isbedelka.

Maaddaama ay si dhab ah dalkeeda iyo dadkeeda ugusoo meteshay dalal badan oo ay aheyd Danjire, waxay u ololeysay wacyi-gelinta guud ee arrimaha deegaanka, si dadku ay si firfircoon ula falgalaan arrimaha deegaankooda, dalkooda, gobolkooda iyo caalamka oo dhan, si xal loogu helo arrimaha taagan ee saameynaaya horumarka waara.

Dadaalkeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka, horumarinta kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo, sidaas darteed u qaabaynaya mustaqbal waara ee Afrika.

Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis oo caawa la dilay – Muxuu salka ku hayaa dilkiisa?

0

Guriceel (Caasimada Online) – Cabdullaahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa caawa la dilay.

Allaha u naxariistee Cabdullahi waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi oo Guriceel uu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Koox hubeysan ayaa dishay Marxuumka, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana caawa magaalada ka socda howlgallo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ka soo muuqday furinta Burujeed.

Dilka Cabdullahi Cali Hudey waxaa la sheegay inuu dabajoogo dil kale oo habeeno ka hor ka dhacay gudaha degmada Guriceel.

Ciidamada amniga Guriceel, gaar ahaan booliska degmada iyo NISA oo habeeno ka hor ku jiray howlgal ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo markii dambe la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha.

Iska hor imaadkii habeenkaas waxaa ku dhibtay labo qof oo mid shacab yahay midna askari ka tirsanaa ciidamada amniga, halka afar qof oo kale ay dhaawacmeen.

Dilka caawa dhacay ee loo geystay Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis, waxaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo dhacdadii habeenkaas, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogaan kooxda dishay marxuumka.

Daawo: Xasan Sheekh oo gacan ka qalan oo caawa ka degay Riyaad

0

Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa Riyaad uga qayb galaya saddex shir, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Seddaxda shir ayaa kala ah:

1- Shirka Jaamacada Carabta
2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka

3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Shirarkan ayaa  intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin oo duqeymo culus ay u geysanayaa ciidamada Israa’iil.

Sidoo kale Villa Somalia, waxay caawa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu galay qaliin, intii uu joogay dalka Imaaraadka oo maanta uu ka soo safray.

Madaxweynaha ayaa qaliinka looga sameeyey garabka, waxaana la sheegay in hadda ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad.

Madaxweynaha ayaa soo muuqday isagoo ay u shakaalantahay gacanta bidix oo ka soo degay diyaarad ka keentay Dubai oo ka soo dejisay Riyaad.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo dhamaado safarkaan uu ku joogo Sacuudiga wuxuu dib ugu laaba doonaa Dhuusamareeb oo saldhig u ah halganka dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

Beesha Jareerweyne oo qeylo dhaan ka soo saartay xukunka lagu riday Taliyihii kooxda Sheegow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxayna war ka soo saareen kiiska nin ka mid ahaa askartii Sheegow oo dhawaan dil toogasho ah lagu xukumay.

Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaan (Abiy Axmed) wuxuu ahaa taliyihii ciidamada Sheegow oo dowladda u xiran Axmed, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii maalmo ka hor lasoo taagay maxkamadda ciidamada isaga iyo kooxdii Sheegow.

Sababta dil toogasho ah loogu xukumay Axmed, waa in laba qof uu hadda ka hor ku hor dilay maxkamadda degmada Jowhar, balse beelaha ay ka soo kala jeedeen ayaa diyo ama mag kala qaatay.

Maxkamadda oo tixraaceysa cadeymaha dilkaas ay beeluhu sheegeen in xal laga gaaray ayaa ninkaan dil ku xukuntay, waxaana hadda soo baxday qeylo dhaan ka timid beesha Jareerweyne.

Shirkii jaraa’id ee maanta ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay beeshii ay ka dhasheen labada wiil ee maxkamadda Jowhar uu ku hor dilay Abiy Axmed, waxayna farriin u direen dowladda.

Waxay sheegeen in kiiskaan ay beesha Jareerweyne ka heshiisay, isla markaana la kala qaatay diyadiisa, sidaas darteed waxay codsadeen in Axmed aan kiiskaas loo toogan.

Sidoo kale waxaa hadlay beesha uu ka dhashay Abiy Axmed, waxay sheegeen inay bixiyeen diyada ragga loo heyto wiilkooda, isla markaana ay codaanayaan in dowladdu ay tix-geliso heshiiska beesha.

Ninkaan oo ahaa taliyaha kooxdii Sheegow ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana lagu helay dilka labada nin ee beelahaan ay sheegeen in laga heshiiyey.

Hoos ka daawo

Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla JILIB + Khasaaraha

0

Jilib (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn ay fuliyeen diyaaradeedaha taageera dowladda federaalka ay ka dhacday gudaha degmada Jilib oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday guri ku yaalla gudaha degmadaasi, kaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntu ay dhacday xilli uu shi u socday saraakiisha iyo xubnaha kale ee ku sugnaa guriga la duqeeyay ee ku yaalla degmada Jilib.

Saraakiil ajnabi ah ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay qayb ka ahaayeen shirka, isla-markaana lagu duqeeyay gurigii ay ku jireen, kadib weerar lama filaan ah oo lagu qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ee ku aadan duqeyntaasi lala eegtay kooxda Al-Shabaab oo fadhi weyn ku leh Jubbooyinka.

Dhanka kale, Al-Shabaab kama hadlin weerarkan duqeynta ah ee lagu qaaday, kaas oo kusoo aaday, xilli ay haatwan kooxdu wajaheyso culays aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa inta badan gobollada Jubbooyinka oo ay ka socdaan abaabul ciidan oo xoogleh.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

 

Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Imaaraadka, kadibna uga sii dhoofay dal kale

0

Rayadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Isug Tega Imaaraadka Carabta ayaa maanta safar kale uga sii ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa u dhoofay dalka Sacuudiga, waxayna kusii jeedaan magaalada caasimada ah ee Riyadh.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka dhacaya caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweynuhu inta uu joogay Abu Dhabi wuxuu ku galay qaliin caafimaad oo looga sameeyay dhanka garabka, kaas oo lagu guulaystay.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in marka uu soo dhamaado shirka Riyadh uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho, si uu halkiisii ugu sii hoggaamiyo dagaalka adag ee ay dowladdiisu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto marka uu u soo dhammaado shir madaxeedka Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Booqashada uu madaxweyne Xasan ku marayo dalalkan ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan dalka ay jiraan xaalado bani’aadamo oo ka dhashay dadaad kusoo rogmaday Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka socda duleedka Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale duhurnimadii maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo tuulada Buq-Dharkayn oo u dhow magaalada Oog, sidoo kalena in ka badan 120 km waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in jiraan dhaawacyo lasoo gaarsiiyay magaalada Laascaanood, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

“Dagaal culus baa socda dhiigaga hala shubo oo cisbitalada halatago” ayay tiro Fahiimo Yuusuf Qooje oo ka mid ah gabdhaha u dhaq-dhaqaaq maamulka SSC-Khaatuma.

Sidoo kale SSC oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay inay iska dafaacday weerar ay sheegtay in lagu soo qaaday ciidamadeeda ku suga aaggaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Axmed Madoobe oo war kasoo saaray xaaladda JUBBALAND + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland, Mudane Axmed Madoobe ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtootada ee magaalada Kismaayo.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay saamaynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn isla-markaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya illaa 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka, iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay weli go’doonsan yihiin dad gaaraya 70,000 oo qoys, kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Dhanka kale waxa uu shaaciyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobabkan ku dhuftay gobollada Jubbaland, oo ay weli ka taagan tahay xaalad halis ah

“Dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof” sida uu xaqiijiyey madaxweyne Axmed Madoobe.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay daadadkan soo rogmaday, waxaana dadaal wadda dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta iyo shalayba doomo u diray gobolka Gedo, si loogu badbaadiyo shacabka go’doonsan.

Mahad Salaad oo uga mahadceliyay golaha wasiirada tallaabadii ay qaadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u mahad-celiyay golaha wasiirada oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku meel-mariyayy Xeer Nidaamiyaha Hay’adda NISA, kadib markii uu soo maray habraacii loogu talagalay.

Mahad Salaad ayaa sheegay in golaha wasiirada ay qaadeen tallaabo loo baahnaa, isla-markaana uu uga mahadcelinayo meel marintan xeerkaan oo muhiim u ah NISA.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAHA Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xeerkaan uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta howlaha Hay’adda Nabad Sugidda, isla-markaana uu lama huraan u yahay shaqada.

“Xeer-nidaamiyahaan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u eh socodsiinta iyo horumarinta howlaha HSNQ; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangalinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkaani faah-faahinayaa isla-markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada HSNQ” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Ugu dambeyn wuxuu talisku u mahadceliyay dhammaan quburaduu iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyay xeer-nidaamiyaha NISA ee maanta la meel-mariyay.

“Dhanka kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fudaydinta iyo talada arrimaha Xeerkan la xiriira” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka uu soo saaray taliya Mahad Salaad Maxamed.

Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay sharciga amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay sida caadada ahayd ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan golaha waisirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya.

Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah  Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka.

Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka wasaaradaha gaashaadhigga iyo amniga gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samo-tabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay guryahooda, kadib ay dadaadku qaadeen.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wata gurmad xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladdan, waxayna maanta doonyo u dirtay gobolka Gedo.

DF oo doonyo u dirtay gobolka GEDO + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u dirtay gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab ka da’ay gobolkaas.

Hay’adda oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooca dheereeya ah u dirtay degmada Baardheere oo kamid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-qataan bad-baadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan, kuwaas oo ay go’domiyeen fatahaada Wabbiga Jubba, waxaana magaalada Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere” ayaa lagu yirid warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA

Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah, kuwaas oo iskuugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi.

Waxaa kale oo xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doonyo nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si ay u adeegsadaan dadka shacabka ah.

Xaaladda gobolkan ayaa ah mid aad u daran, waxaana saameyn xoogan ku yeeshay roobab daadad wata oo ka da’ay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga digayaa xaaladda Elnino, ayada oo cabsi xoogan laga dareemayo magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha.

 

Daawo: UK oo war kasoo saartay dagaalkii Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan muranka hareeray doorashada.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Dalsan ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda cakiran ee Puntland, isaga oo ku baaqay in weli lagu dhammeeyo deganaan, si looga hortago qalalaase kale.

Ugu horreyn wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor imaadkii Garoowe ka dhacay, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala tirsan maamulka iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si dhow ula socoto xaaladda Puntland, ayna ogtahay kala aragti duwanaasha u dhexeeya labada ee isku haya doorashada maamulkaasi.

“Run ahaantii waxaan ognahay inuu jiro kala aragti duwanaasho ku saabsan taariikhda iyo qaabka doorashada u dhaceyso iyo in madaxweyne Deni, mucaaradka iyo kooxo kala duwan oo kamid ah odayaasha beelaha ay is haytaan, codkoodana aan la maqleyn” ayuu yiri.

Danjite Mike Nithavrianakis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu walaac ka muujinayo in arrintu ay sidaan kusii socoto, isla-markaana ay meesha ka baxdo kala dambeynta.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in UK ay saameyn doonto dadaal kasta oo lagu qaboojinayo xiisadda, isla-markaana ay la kulmi doonaan dhinacyada is haya.

“Waxaan ka walaacsanahay suurtagalnimada sii kicinta run ahaantii waxaan wada-hadal la yeelan doonaa qaar kamid ah shaqsiyaadka muhiimka ah maalmaha soo socda, si aan ugu boorino xakameynta” ayuu mar kale yiri safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashada, kadib markii ay isku fahmi waayeen Saciid Deni iyo mucaaradka, ayada oo haatan uu sii dhammaanaayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi.

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo burbur u badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay falkaasi.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax shalay lagu xiray xarun kale oo ay shirkaddan ku leedahay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, taas oo qayb ahaan burburtay.

Ma cadda sababta ka dambeysa weeraradaan is xig-xiga, balse inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weerarada noocaan oo kale ka fuliya gudaha dalka.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose.

Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Daawo: C/casiis Xildhibaan: “Kheyre wuxuu igu yiri kuwo qabiilkaaga ka tirsan la imow”

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore Wasaaradda Amniga ee Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa wareysi lala yeeshay wuxuu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, isaga oo ka sheekeynaya dhacdooyinkii uu goob jooga u ahaa xilligii uu ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga.

“Markii dib loo doortay Madaxweyne Xassan wuxuu wacad ku maray  inta uu dalka madax ka yahay inuu  kooxda Shabaab la diriri doono, dalka na ka xorreyn doono,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan isaga oo dhinaca kale na tilmaamay in marka isbarbar dhig lagu sameeyo  Dowladdii hore iyo Dowladda madaxweyne Xassan Sheekh inuu jiro farqi weyn oo dhinaca amniga ah.

“Waxaa jira wareysi dhowaan lala yeeshay Taliyihii Sirdoonka Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu u sheegay shacabka Soomaaliyeed in 2 Dowladood ay ku wada noolaayeen Muqdisho, qatarta amniga na ay ka sareysay tan maanta jirta, dhacdadii 14-ka Oktoobar kaddib 7 maalmood ayeey xirneyd Dekadda Muqdisho,” ayuu yiir Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka mid ahaa 5-tii qofood ee ugu horreeysay ee shaqada iska  casilay.

“Waxaad ogtahay nabadgelyada ka jirta caawa Muqdisho meesha ay joogto & meeshii ay joogtay xilligii aan Afhayeenka ahaa, waxaan shirarka jaraaid ku qaban jiray goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyada oo uusan ila socon askari,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu u bareeray inuu qatartaas.

“Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre markii aan ka dalbaday in ilaalo la ii sameeyo wuxuu igu yiri kuwa qabiilkaaga ka tirsan oo ilaalo kuu noqda la imow, waxaan ku iri ma jiraan miyaa ciidamo Dowladdu leedahay?,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan oo intaasi ku daray in taasi qeyb ka aheyd sababihii uu isku casilay.

Halkan ka daawa wareysiga Cabdicasiis Xildhibaan oo dhameystiran

Yuusuf Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin oo lagu dilay K/ Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadiniintaas oo ku sugnaa deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga Cape Town.

Labada marxuum oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin, sida innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada wiil ay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogateen goobtooda ganacsi oo ku taalla halkaasi, kadibna baxsadeen.

Sidoo kale burcadda ayaa waxay dhac u geysatay dukaanka labada marxuum, iyaga oo goobta ka qaatay agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda ma jirto kasoo baxday baaritaanka ay saameeyeen ciidamada booliska ee goobta tegay, kadib wiilasha Soomaalid ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay weerarada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayada oo bishaan gudaheeda lagu dilay illaa sideed muwaadin oo dalkaasi u shaqo tagay, taas oo muujineysa inuu sii kordhinayo beegsiga lagu hayo Soomaalida.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.