25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka billaabo Badda Soomaaliya marta

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya ayaa si weyn looga hadal hayaa dagaal cusub, kaasoo noqon doona kii afaraad ee uu qaado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo muddo shan sano ah xafiiska jooga.

Abaabulka ciidan iyo soo iibsashada hub ayaa loo arkaa in qeyb ka tahay damaca Abiy uu ku doonayo helitaanka dakad ku taalla Badda Cas.

Abiy Axmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleeystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteysatay soo afjariddii dagaalkii Itoobiya ay kula jirtay waddanka ay dariska yihiin ee Eritrea.

Bartilmaameedka ugu weyn ee Itoobiya ayaa ah dekedda Casab ee Badda Cas ee Eritrea, taas oo ka mid ahayd Itoobiya ka hor xorrnimadii Eritrea in ka badan 30 sano ka hor.

Tan iyo sanadkii 1998-kii dagaalkii Itoobiya iyo Ereteriya kadib, xiligaas oo la xiray xudduudka labada dal u dhaxeeya, dekadda Casab waxay ahayd mid daxalaysatay oo aan la isticmaalin, halka ganacsiga Itoobiya uu u wareegay dalka ay jaarka yihiin ee Jabuuti.

Dad badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwa dalalka dariska ah ayaa u arka hadal dhawaan kasoo baxaya ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed in uu ahaa hanjabaad iyo in uu doonayo inuu awoodd isticmaalo si Itoobiya ay dakad u hesho.

Abiy Axmed oo dhawaan la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sida ee Itoobiya ayaa si cad u beeniyay inuu doonayo inuu ku duulo Eritrea, waxaana uu yir “Itoobiya waligeed kuma soo duulin dal kale, mustaqbalkana ma sameyn doonto.”

Waxa uu sidoo kale ku baaqay wadahadal iyo shir-madaxeed degdeg ah oo ay yeeshaan urur goboleedka IGAD, oo ay ku mideysan yihiin siddeed waddan oo ku yaal waqooyi-bari Afrika.

Bishii Luulyo, Abiy wuxuu si cad u soo bandhigay arrinta ku saabsan helitaanka Itoobiya ee badda.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay tahay dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn wax bad ah, ayna ku nool yihiin 125 milyan oo qof.

Helitaanka badda ayuu Abiy Axmed tilmaamay in ay ahayd mudnaanta koowaad ee boqorratooyadii Itoobiya, gaar ahaan Xayle Salaase oo xukumayay 1930 ilaa 1974kii.

Isaga oo soo xiganaya Janaraal caan ah, Qarnigii 19-aad, waxaa uu Abiy sheegay in Badda Cas ay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya

Qaar ka mid dadka Itoobiya ayaa hadalka ra’iisul wasaraaha u arka mid uu taageero siyaasadeed kaga raadinayo gudaha waddankiisa

Waxaa uu baaq u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo u ololeeya Itoobiya oo ah hal dal oo awood badan.

Qowmiyadda Amxaarada iyo Abiya ayaa siyaasadda ahaan kala fogaaday markii uu sanad ka hor heshiisa nabadeed la gaaray jabhadda TPLF ee waqooyiga Itoobiya, kaddib dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.

Bishii April ayuu bilaabay hawlgal milatari oo uu hub ka dhigis ugu samaynayo maleeshiyaadka Axmaarada, kuwaas oo ka barbar dagaallamaya ciidanka Itoobiya dagaalkii kooxda TPLF.

Abiy ma dakadda uu awoodda ku qabsaday ayuu rabaa inuu dhaxal ahaan dalkiisa uga tago?

Hadalka Abiy ayaa waxaa kale oo lagu macneeyay in uu qeyb ka yahay qorshe uu doonayo, kaas oo ah in dhaxal ahaan uu uga tago dakadda Itoobiya, uuna awoodda isticmaalo, hadii wadahadal uu guul darraysto.

Biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil ee loogu talagalay inuu dhaliyo koronto ku filan itoobiya, ayna u dhoofin karto waddamada deriska ah ayaa ka mid ah waxyabaha uu hirgaliyay inta uu xafiiska joogay balse muranka badan abuuray.

Tartanka hubka ee gobalka iyo suurgalnimada dagaalka dhaca

Dalalka deriska la ah Itoobiya ayaa ku gacan sayray hadalka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya. waxaana ka mid ah dalalka walaaca ka muujiayay Jabuuti, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidanka Itoobiya ayaa saddexdii dagaal ee ugu dambeeyay ee ay galeen ku guuldarrestay, waxaana kii koowaad oo ah kii ay kaga soo horjeedeen Ciidanka Xoraynta Oromada, oo aan welina dhammaanin.

Dagaalkii labaad waxaa ciidanka Itoobiya ay ku wajaheen Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayada oo markii danbe hal sano ka hor xabad joojin lagu dhammeeyay.

Ciidanka Itoobiya waxaa la sheegay in dagaalkii TPLF ay kaga dhinteen askar u dhaxeeysa 260,000 ilaa 520,000 oo askari halka 374,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka saddexaad ee ay galeen ciidanka Itoobiya waa kan hadda socada ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Axmaarada kaas oo bilaawday bishii April, askar badan ayaa dowladda looga dilay howagalkaas.

Wararka qaar ayaa sheegayaan in Eritrea ay hubaynayso maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno Fano.

Suurta-galinimada ah inay dagaal Itoobiya ku qaaddo dalalka dariska la ah, ayaa abuuri kara xasilooni darro gobalka ah, iyadoo uu biloowday loollan cusub oo dhanka hubka ah, Itoobiya ayaa soo iibsatay hub badan, sidoo kale Ereteriya iyo Jabuuti ayay u badan tahay inay ku dayan doonaan, xaaladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay kasiii dari karto.

Isha: BBC

Antony Blinken oo shaaciyey in Mareykanka uu doonayo in Gaza iyo Daanta Galbeed…

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan, kadib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, kadib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.

Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.

Israel ayaa kumanaan qof ku xasuuqday Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 10,569 qof, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah.

Tani ayaa ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 241 qof, sida ku cad tiradii ugu dambeysay ee shalay la shaaciyay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar kale Maamulka Israel ugu baaqday in ay joojiyaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysanayaan Gaza.

Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay xabad joojin degdeg ah, iyadoona ka digtay in uu burburo hannaanka caafimaadka ee magaalada.

Daawo: Maxay Naadiya ka tiri doorashadii ay ku soo baxday ee ka dhacday Mareykanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah xilkaasi ku guuleysata.

Sanadkii 219-kii, ayaa iyadoo 23 jir ah waxaa loo doortay kursi golaha deegaanka ee magaaladaas, taas oo ka dhigtay qofkii ugu da’ada yaraa ee maamulka magaaladaas ka mid noqda.

Deeqa Dhalac oo ka tirsaneyd baarlamanka Magaalada South Portland, ee gobolka Maine, ayaa sanadkii 2021kii noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqota Mareykanka.

Naadiya, waxay kaga duwaneyd Deeqa waxaa xilkaasi u doortay, lixda xubnood ee Golaha deegaanka ee magaaladaas St. Louis Park ee gobolka Minneasota.

Naadiya oo si kooban ula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in caawa ay aad u faraxsan tahay, isla markaana guusha ay gaartay ay tahay guusha dadka dhan.

Faa’iza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka oo caawa wareysi siisay TV-ga Somali Cable ayaa guusha gabadhaas ku tilmaantay mid umadda Soomaaliyeed ay wada leedahay.

“Naadiya waxaan leeyahay Qabyaalad yeysan ku galin dadka Soomaaliyeed si isku mid ah ugu adeeg,Soomaalida waa Dad Madaxweyne ka noqon karo Dalalka ay Caalamka kaga noolyihiin” ayey tiri Faaiza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa door firfircoon ka cayaara siyaasadaha caalamka markii ay tagaan dalalka adduunka, Soomaalidu waxay ugu horeysaa dadyowga caalamka ee dalalka aysan ka soo jeedin ka qabta masuuliyadaha ugu sareeya.

Hoos ka daawo

Daawo: Senator Fartaag oo war culus ka soo saaray xaaladda Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa,id qabtay ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda uu dalka ka geystay roobka deyrta ee da’aya.

Senatorka ayaa si gaar ah uga warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu metelo ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo khasaare lixaad leh uu sanadkaan roobku ka geystay.

Wuxuu sheegay in xaaladda Elnino oo horay looga digay ay ku dhufatay dadkiisa reer Gedo, wuxuuna farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo deeq bixiyaasha caalamka.

Wabiyada Jubba iyo Daawo, ayuu sheegay inay fatahaad aan horay loo arag ka geysteen degmooyinka ay maraan ee gobolka Gedo.

“Waxaa ugu daran xaaladda heysata dadka ku nool degmada Doolow oo labada webi ay maraan kuna fataheen, guud ahaan Doolow waxaa qaaday biyaha daadka ah oo magaaladu waa buuxsantay, dadkii ku noolaana waa ku ceytoobeen, galigood ayey biyaha dhex taagtaagan yihiin,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale Fartaag wuxuu mid mid u dul istaagay xaaladda ka taagan degmooyinka kale ee gobolkaas iyo khasaaraha uu roobku ka geystay, sida Luuq, Baardheere iyo Buurdhuubo oo wabiga Jubba uu wada maro.

Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalooyin ay ugu waaweyn Jilib iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe,  halkaas oo aysan jirin cid gargaar gaarsii karta, maadaama ay maamusho Khawaarijta Al-Shabaab.

Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose oo wabiga Jubba uu ku dhamaado ayuu Senator Fartaag sheegay in fatahaad lixaad leh oo sanadkaan wabigu ka geystay, sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas ayey daadadku ku rogmadeen oo dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Hoos ka daawo

DF oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan 22 qodob ah oo ay kaga warbixineyso xaaladda dalka, warbixintaan oo toddobaadle ah ayaa caawa ka soo baxday wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka dowladda:

1- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo habsami u socodka hawlaha qaranka ku tegay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo habsami u socodka howlaha ay qaranka u hayaan.

3- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño ee dalka oo ilaa iyo haatan ay ilaa 10 qof ku dhinteen.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan looga hadlayo sida wax looga qabanayo daadadka ka jira dalka la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka dhici doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

7- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sida Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo.

8- Roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Baydhabo  ayaa sababay barakac ballaaran.

9- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoog leh ku yeesheen.

10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

11- Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo hawlgal amni ka fuliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 km u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

13- Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta Al Shabab.

14- Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, ayaa ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

15- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madaxeedka Golaha Dalxiiska Adduunka WTTC

16- Wasiiru Dowlaha Amniga ee Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda socdaalka oo Muqdisho ka dhacay.

17- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daah furtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaran.

18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

19- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

20- Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee sannadka soo socda.

21- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey naftii halige isku soo xiray qarax kaas oo doonayay inuu isku qarxiyo goob makhaayad ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

22- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday Sheegow Ahmed Cali iyo maleeshiyaad uu watey.

==============DHAMMAAD==============

Daawo: DF oo digniin kasoo saartay halis ku wajahan Jowhar iyo Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda SoDMA ayaa mar kale ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Soomaaliya.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dhibaato badan ay wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaada ka jira dalka, wxuuuna xusay in halis kale ay haatan kusoo wajahan tahay Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabelle.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 100 kun oo qof ay saameeyeen daadadkii ugu dambeeyay ee ku dhuftay gobollada dalka.

“Warbixintu waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan 864 kun oo qof oo muwaadiiniin Soomaali ah ay saameeyeen daadadka kasoo rogmanaya deegaanada Itoobiya” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay barakaceen boqolaal kun oo kale, kuwaas oo ay haatan soo wajahday xaalad nololeed oo aad u daran, maadaama aysan haysan hoy iyo cunno.

“Waxay kale oo warbixintu sheegeysaa inay barakaceen ugu yaraan 319 kun oo qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ay ka barakaceen guryihii iyo deegaanadii ay nabadda ku joogeen, kana shaqeysanayeen” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in weli ay jirto halis ku soo socota magaalooyinka qaar, sida Beledweyne iyo Jowhar oo uu tilmaamay inuu ku fatihi karo wabiga Shabelle.

“Waxaa halis ku jira oo ayaamaha soo socda loo yaabaa magaalooyinka ay ka midka yihiin Beledweyne, Jowhar iyo dhamaan inta uu wabiga maro” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenku.

Ugu dambeyn wuxuu mar kale ku baaqay in qof walba oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato u gurmadka bulshada wax ku noqday roobabka iyo daadadka El-nino, si gaar ahaaneed wuxuu ugu baaqay ganacsatada leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo doorkooda, maadaama gaadiidka cirka uu yahay sida kaliya ee gurmad lagu gaarsiin karo dadka tabaaleysan.

“Ka hortegga musiibadaan iyo gurmadka dadka loo fidinayo waxaa waajib nagu ah inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno arrintaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Daawo: Daadad xoogan oo ku rogmaday Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay roobab daadad xoogan watay oo maanta ka da’ay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka.

Roobabkan oo watay biyo xoogleh ayaa khasaare u badan burbur ka gaystay xaafado ka tirsan caasimada, sida ay muujinayaan muuqaallo ay soo duubtay warbaahinta.

Meelaha sida weyn dhibaatada looga dareemayo waxaa kamid ah waddooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood biyuhu hakad geliyeen isku socdka gaadiidka.

Sidoo kale waxaa la arkayay meelaha qaar dad ay biyuhu qaateen, balse gurmad loo fidiyay kadibna sidaas lagu soo bad-baadiyay.

Qaar kamid ah dadweynaha ku ganacsada hareeraha waddada isku xirta Bakaaraha iyo Dabka ayaa sheegay inay dhibaatooyin kasoo gaareen roobabkii ka da’ay halkaasi.

Dadkan ayaa sheegay in ganacsigooda uu burburay, isla-markaana ay biyuhu qaadeen alaabtii ay iibinayeen, balse iyagu lasoo bad-baadiyay.

“Hadda annaga waa ka bad-baadnay, laakiin hantidii ayay biyaha naga qaateen annagoo roob caadi ah u maleyneyno ayay nasoo galeen biyo xoogleh oo na qaaday” ayay tiri gabar kamid ah ganacsatada ku sugneyd waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Roob ma dhihi karno kan musiibo waayay dad ay qaadeen xittaa waa lasoo bad-baadiyay”.

Khasaaraha intaas kuma eka, waxaana la arkayay mootooyin nooca Bajaajta ah oo ay biyuhu la tageen, kadib markii darawalladu xakameyn waayeen sidaasna ay kula rogmatay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo ka dhalaty fataahadaha iyo daadad xoogan oo ku dhuftay magaalooyinka qaar ee ku yaalla gudah dalka.

Cali Jayte oo hal arrin kala hadlay Qoor Qoor + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee ciidanka macawiisleyda Soomaaliya.

Kulankan ayaa yimid kadib markii safar dhinaca dhulka ah uu Dhuusamareeb ku gaaray hoggaamiye Cali Jayte oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ka waday halkaasi.

Qoor Qoor ayaa ninkan ku qaabilay qasriga madaxtooyada maamul goboleedkaGalmudug, waxayna ka wad-hadleen hal arrin oo ah la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay hoggaamiyahan doorkiisa ku aadan dagaalka kooxda Al-Al-Shababa, gaar ahaan sidii uu kooxda uga saaray bariga gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo ku aadan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada haatan ka maqan gacanta dowladda ee ku yaalla Galgaduud iyo Mudug.

Dhankiisa, Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu ka qayb-qaadan doono dagaalka Galmudug.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogg dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kauwas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidanka huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

Maxkamadda Racfaanka Gobolka oo la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta ay bilaabatay dhageysiga dacwaddooda ayaa ka kala tirsan wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhammaan eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne.

Qaarkood eedeysanayaashan ayay sii deysay Maxkamadda gobolka Banaadir, laakiin waxaa ka horyimid xukunkaas xeer ilaalinta, ayadoo mar kale isla kiiskan maanta laga furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga saaro go’aan rasmi ah.

Mas’uuliyiinta la amray in lasii daayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Suldaan iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaarada shaqada, waxayna hadda mar kale wajahayaan eed ay garwadeen ka tahay xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sarkaal ka socday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa ka hadlay sababaha ay dooda uga keeneen xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, wuxuuna yiri “Xukunkii kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir waxa uu baalmarsan yahay Sharciga iyo Cadaaladda”.

Dhankooda qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa sidoo kale fadhiga maxkamadda kusoo bandhigay difaacooda, iyaga oo ka horyimid qaabka ay wax u waddo xeer ilaalintu.

“Shaki qof laguma xukumo xeerkaa qabo” ayuu ku dooday Abuukaate Cabdullaahi Dudaaye oo u doodaya eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Si kastaba, maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Somaliland iyo SSC oo ku dagaalamay duleedka Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay tuulada Buqdharkin oo dhinaca galbeed ka xigta magaaladaasi.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray.

War kooban oo kasoo baxay maamulka SSC-Khaatuma ayaa looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay.

SSC ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in tiro maydad ah iyo dhaawacyo ay ka carareen ciidamada Somaliland ee ay maanta kula dagaalameen duleedka Laascaanood.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsatay maamulka SSC-Khaatuma, taas oo ay si weyn uga carootay xukuumadda Hargeysa.

Dowladda oo wada qorshihii Al-Shabaab loogu furi lahaa furrin cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad sannad gudihiis culimada Soomaaliyeed shir u qabatay.

Culimada ayaa shirkii dhacay bishii Janaayo waxay ku taageereen howl-gallada militari ee dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna cambaareeyeen afkaarta ururukaas.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay culimada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka caqiidada iyo fikirka, taasi oo ah furin kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Sooomaaliya Xamza Cabdi Barre oo dhawaan khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo culimada qaarkood kasoo qeyb-galeen ayaa waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay in culimadu kaalintooda ka qaatan dagaalka Al-Shabaab, oo si dhameystiran usoo galaan dagaalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga cabsan lahaa Al-Shabaab, ayna tahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladda iyo shacabka kula jiraan kooxda.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-Shabaab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Aniga waxay ila tahay in aysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay.”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay haddii ay jiraan culimadu qaar ka cabsanayaa in ay qaataan doorkaas, oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran ee dagaalka Al-Shabaab si furan ugula jira ee furimahana taagan.

Si kastaba, Culimada Soomaaliyeed oo kal hore dowladda u qabatay shirweyne ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ku sifeeyeen inay yihiin Khawaarij, ayaga oo sheegay inay tahay xaaraan in xoog, cod iyo dhaqaaleba lagu taageero kooxda.

Sawirro: TARSAN oo soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Munaasabad sagootin ah ayaa maanta loogu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday bulshada diblumaasiyiinta.

Danjire Nuur ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo Danjire Nuur “sida shaqsi ahaaneed ee ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika”.

Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in danjire Nuur uu ahaa “saaxiibka qiimaha badan” iyo “saaxiibka dhabta ah ee Kenya”. Waxa kale oo uu ku ammaanay “dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Danjire Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo dowladda Kenya sida diiran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay mudadii uu xilka hayay. Waxa kale oo uu aad ugu mahad-naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen.

Danjire Nuur ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa safiir hawlkar ah oo wax ku ool ah oo wax badan ka taray xoojinta xiriirka labada dal, islamarkaana joogitaankiisa si weyn loo tabi doono.

Shirkii DF iyo maamullada uga socday Muqdisho oo laga soo saaray war-murtiyeed (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkiii maalmihii dambe uga socday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka.

Shirka oo ahaa mid wadatashi ayaa sidoo kale ahaa mid lagu lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, sida lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirkaan.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray dhismaha golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinto wada-shaqeynta u dhaxeysa wasaaradaha heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga shrci-darrada.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah, kuwaasi oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee dhammaan dalka.

Hoos ka aqriso

1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu lee yahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.

4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa.

5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarso ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.

6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi korors ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nadaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee heer Federaal.

9. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.

10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyink wax ku ool ah bixiyey.

11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.

Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doortay duq magaalo oo Mareykanka

0

St. Louis Park (Caasimada Online) – Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneosta ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.

Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

“Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda.

Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.

Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.

Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir.

Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.

Muqdisho: Kala wareeg iyo xiriir sameyso oo xal loo helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalmadaha kala wareeg iyo xiriir sameyso waxay kamid ahaayeen kalmadaha aadka uga noqday magaalada Muqdisho gaar ahaan marka la joogo goobaha hubinta gaadiidka dadweynaha, ay ku amri jireen ciidamada ammaanka.

Muddo ay culeysyo amni ka jireen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ugu dambeyntii waxaa hadda muuqata in isbeddel weyn ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada NISA ee ku sugan Kantaroolada caasimada ayaa hadda mid mid u baara gaadiidka, ayada oo aan lagu xujeynayn xiriir sameyso, balse hadda baaritaan dabadeed iyo hubin muwaadinka kadib waxay deg deg iskaga gudbaan degmooyinka caasimada oo idil.

Dadweynaha Muqdisho oo ka fal-celiyay isbeddelka ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyay.

“Wax badan ayaa isbeddelay, kala wareegii iyo wixii waa dhamaadeen Alxamdulilaah Nabadsugidda haddii aysan aheyn qofka maskiinka ah waa la xujeyn jiray, hadda xujo majirto gaariga ma wadata waa lagu baara hore ayaa lagu fasaxa waana lagu hubinaa,” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha Muqdisho ee ku shaqeysta gaadiidka yar yar.

Baraha hubinta gaadiidka waxay bilihii u dambeysay waxay gacan ka geysteen ammaanka caasimada, waxayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonayeen inay magaalada gudaha usoo galiyeen, taasi oo wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada kala duwan ee hadda caasimada ka howl-gala iyo shacabka mgaalada oo iskaashaday ayaa kow ka ah waxyaabaha xilligaam suurta-galiyay xasilloonida ka jirta caasimada iyo isbeddelada amni ee laga dareeyo magaalada Muqdisho.

DF oo shaacisay in dad gaaraya 850,000 ay saameysay halista taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallim Abdulle ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobabkii ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.

Roobabka oo dhaliyay daadad xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed.

Guddoomiyaha SODMA oo warbaahinta kula hadlay xarunta howl-galada gurmadka deg-degga ah ee NEOC, ayaa shaaciyay in dadka ay saameyeen Roobkaan ay garayaan 850,000 oo qof.

“Dadka ay saameysay illaa 850,00 qof, dadka ku barakacay waxay gaaracayaan 305,00 qof. Gobollada ugu daran ee ay saameysay waa Gedo ee Jubbaland, Mudug ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed wey saameysay dhamaan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA.

“Deegaanada ugu daran ee si ba’an u saameysay deegaanada Garbahaaray, Baardheere, Ceelwaaq iyo Luuq waa deegaanada ugu daran ee Gedo ka saameysay, sidoo kale deegaanada Baay ka saameysay waa Baydhabo, Buur-hakaba, Bardaale iyo Qansax-dheere.”

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhimashada ka dhalatay roobabka mahiigaanka ah iyo daadadka kusoo rogmaday deegaanadaas ay marayso ilaa 29 ruux, illaa inta hadda la xaqiijiyay.

“Ilaahay waxaa ka rejaynaynaa in howsha noo yasiro, waxaa ku dadaali doona intii tabartayada tahay in aan ka jawaabno baaqyada Soomaaliyeed iyo umadda Soomaaliyeed, guud ahaanna umadda Soomaaliyeed ha isgarab qabato.”

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in loo bahan yahay in bulshada taxadarto oo la caawiyo walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qeybo kamid ah gobolada dalka oo sameeyn xooggan ay ka soo gaartay roobkaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Yaa ka dambeeyay dagaalkii Garowe ka dhacay?

Garoowe (Caasimada Online) – Xaalada Magaalada Garoowe ayaa hadda deggan kadib markii shalay uu ka dhacay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo la sheegay in ay la socdeen nin Youtuber ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub iyo rag kale oo hubeysnaa.

Iska hor imaadka oo ka dhacay Barxadda Garoowe ayaa la sheegay inay ku ku dhinta hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhacdadaas ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay yihiin xilal doon hase yeeshee mucaaradku way iska fogeeyeen in arrintaa ay ku lug lahaayeen.

“Baraxadda Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacay xoogahaa is rasaaseyn ah, dhisamasho iyo dhaawacna waa jiraan niman shufto ah oo shoobaristeyaal ah ayaa arinkaas sameeyay oo u madda oo dhan ay garaneyso, ilaa xalay iyo maantana nabad doonadana waa ku jireen waana u maarawaayeen,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay in sababta dhacdada ay ka dambeyso ka dib markii ciidankii booliska ee waardiyeeynayay barxadda iyo niman “shufta ah” oo dabaq saaran ay yirahdeen Kabtan Ayuub ma istaagi karo barxadda sidaasna ay xabbadaha ku bilaabeen.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa gaashaanka u daruuray eedeynta guddoomiyaha ee ah in dhacadada ay ka dambeeyeen niman xilal doon ah.

“Arrintaan wax qeyb aanu ku leenahay ma jirto mana jirto sabab allaale iyo sabab aanu uga mid noqon karno ma jirto, dadka magaalada ayaanu kala mid ahayn oo waxaanu maqalnay sanqarta xabadda,” Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Dhoore.

“Waa niman taageersan aragtida dowladda shalayna ka soo horjeeday aragtidooduna xor u ah cidda ay doonaan taageeri karaan, sabab aan kaga soo horjeedsannaa, ula diri karno u dhaawici karno ma jirto, waxaanu nahay baritoole dadka dalka xukumaya, dadku waa noo siman yihiin mid naga fikir duwan iyo midaan isku aragti nahayba, midda kale mucaaradka Garowe oo keliya ma joogo, Baran buu joogaa Qardho buu joogaa Boosaaso buu joogaa marka haddii ay diiddan yihiin soo dhaweynta Kabtan Ayuub meelaha kaleba waa ku diidi lahaayeen marka anaga dalad mucaarad ah baanu nahay marka sabab aan ku diidno dad dhalinyaro ah oo dadkooda soo dhaweeynayaan ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan Maxamed.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ay mucaaradka u diidan yihiin in ninkan Garowe loogu soo dhaweeyo ay tahay inuu horay muucaaradka baraha bulshada wax u sheegay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in hadda ninkan loo baacsanaya mar buu Facebook wax ii sheegay ayna taas dowladda ka shaqeynin hase yeeshee Cabdiraxmaan ayaa eedeeyntaas ganafka ku dhuftay.

“Horayna waan u sheegay mucaaradka meel walba oo uu soo maray wuu joogaa, tan labaad ninka na dhaliila ama wax naga sheega ma ah inaan ka hortageyno hadaanu wax ka sheegeyno horay baanu uga jawaabi lahayn dhaleeceyntii uu na dhaleeceeyay, inagaa wax ka oran lahayn, inanku waa nin dhalinyaro ah oo xor u ah in dadkiisii iyo dalkiisii la joogo marka ma jitrto sabab aanu irahno qofkii na dhaliilayay xabad baanu ku rideynaa. Arrintan dolwaddan oo xilligeedi dhammaad yahay oo laga kari la’yahay dooarasho qabo ayaa marmarsiyo ka dhiganeysa waxaan maqli jiray habar dhali weyday allaylehe ku waalatay, annaga waxaan shaqo kuma lihin.”

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA iyo QM oo ku dhowaaqday in…

0

Gaza (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin.

“Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga.

“Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil.

“Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay.

Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan.

“Mid ka mid ah rafcaannadan waa in aanay ku xidhnayn kan kale,” ayuu yidhi.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha.

Daawo: JAWAARI oo qeylo dhaan ka soo saaray xaalad halis ah oo ka jirta K/Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa baaq culus ka soo saaray barakaca ka socda magaalada Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur Galbeed oo ka dhashay daadadka ka dhashay roobka da’aya ee Dayrta.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in shirar is dabajoog ah ay ka yeesheen xaaladda ka taagan K/Galbeed, isla markaana ka walaacsan yihiin xaaladaha sii kordhaya ee ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan ew siyaasadda dalka ay ku metelaan.

Wuxuu sheegay in hey’adaha caalamiga ah iyo ururada deeq bixiyaasha ah ay kala hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka reer K/Galbeed.

“Kaabayaashii dhamaan ayaa burburay, jidadkii ayaa go’ay buundooyinkii magaalada ayaa burburay, gaarigii Muqdisho raashin ama sahay kale ka qaada jidka ayuu  gelayaa oo dhulka dhan roob culus ayaa ka da’ay,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in raashinkii yaraa ee magaalada yaalay  sicirkooda aad loo badiyey, “Waxaan farriin u dirayaa dadka tujaarta ah, maanta mucaarad iyo muxaafid meel iska dhiga, u soo jeesta inaad xaaladaan ka samata bixisaan dadkiina,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa madaxda dowlad goboleedka K/Galbeed ku dhiirigeliyey in la sameeyo Akoon lagu garab istaagayo halganka Al-Shabaab dalka looga xoreynayo.

“Dadkeena qurbajoogta ah iyo ururada samafalka ah waxaan ka codsaneynaa in dadka reer K/Galbeed lala gaaro gurmad iyo rag istaag walaal oo maanta ay u baahan yihiin.

Hoos ka daawo

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Shabaab oo beegsaday xarunta shirkadda Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa caawa ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana la beegsaday xarun is gaarsiin.

Qaraxaas oo ahaa mid culus, waxaa loo maleynayaa in loo adeegsaday miino lagu aasay derbiga Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud hoostiisa.

Xarunta Shirkadda Hormuud ee caawa la qarxiyey ayaa ku taalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxaas uusan geysan khasaare nafeed, balse burbur baahsan uu ka soo gaaray dhismaha xaruntii shirkadda Hurmuud ee Deyniile, gaar ahaan waaxda Barwaaqo.

Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada qaraxaas, inkastoo loo maleynayo inay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay is hayeen Hormuud.

Kooxda Al-Shabaab iyo maamulka shirkadda Hormuud iskuma fiicneyn waayihii dambe, waxaana ka dhex qarxay khilaaf salka ku haya canshuurihii soo geli jiray Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya ay ka jartay kooxda.

Sida aan xogta ku helnay kooxda iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaa ku kala tegay wax kasta, waxaana laga cabsi qabaa in hadda uu weerar ku bilowdo shirkadda oo weerarka caawa uu yahay farriin hordhac ah.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Deyniile oo deg deg u soo gaaray dhismaha la qarxiyey ee shirkadda ayaa bilaabay baaritaano ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa raggii qarxiyey shirkadda Hormuud.