25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: Aadan Madoobe oo qaylo dhaan kasoo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qaylo dhaan ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan fataahadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay qaar kamid ah gobollada dalka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaareen warbixino la xiriira dhibaatooyin xoogan oo ka dhashay roobabkii ka da’ay inta badan gobollada dalka, isla-markaana ay gaysteen khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

“Waxaa nasoo gaareysa in meelo badan ay dhibaato ka jirto oo roobabkii watay biyaha saa’idka ahaa ay shacabka dhibaato kasoo gaartay, gaar ahaan qoysaska nugul iyo kuwa barakacayaasha ah ayaa warbixinteeda na soo gaareysaa” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalooyinka qaar ay ka jiraan xaalado daran, isaga oo tusaale usoo qaatay Baydhabo oo uu sheegay in dhimashadu gaartay illaa 15 qof.

“Waxaa la’ii sheegaayay in Baydhabo dhimashada ay gaartay illaa 15 qofood, sababaha roobkaas biyaha badnaay daraadood” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda dhexe, ganacsatada & hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad la gaaraan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay leedahay is caawin marka ay dhibaatadan oo kale ay timaado, taasna waxaan leeyahay ka dowlad ahaan, ganacsatadeenii, dadka uu ilaah wax siiyay daruufaha jiro in la’is garab istaago” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Soomaaliya oo haatan ku jirtay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haddane waxaa ugu sii darsoomay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado ku dhuftay qaybo kamid ah dalka.

R/W Xamza oo kadis ku tegay mid kamid ah wasaaradaha DF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer kadis ahaa ku tegay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriiray u kuur-gelida hambsami u socodka howlaha ay Wasaaradda u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa marka uu tegay Xarunta Wasaaradda mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu u arko shaqada ka socota.

Sidoo kale waxa ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda warbixinno la xiriira adeegyada ay Wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.

Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay howlwadeennada uu la kulmay ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda DanQaran iyo hey’adaha kale ee Dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Horay sidaan oo kale Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa u kormeeray wasaarado ka tirsan xukuumaddiisa, si uu ugala xisaabtamo howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

NISA oo qabatay 25 qof oo loo waday Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay illaa 28 qof oo 25 kamid ah ay oo doonayeen inay ku biiraan xubnaha kooxda Al-Shabaab, isla-markaana gacanta lagu dhigay xilli ay ku socdaalaayeen meel u dhow magaalada Afgooye.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan wiilal ay da’dooda yar tahay, loona waday inay ka barbar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in isna gacanta lagu dhigay darawalkii gaariga ku waday ragga la qabtay, balse ma shaacin hay’adda halka ay kusii jeedeen.

“28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska hay’adda NISA.

Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow, si loo xaqiijiyo amniga.

Soo qabashada raggan ayaa sidoo kale ku aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab ay ku socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, dagaalladan ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Faah-faahinta iska hor-imaad ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Iska hor imaadkan oo ka dhacay bartamaha caasimada Puntland ayaa waxaa uu ka dhashay israsaasayn dhex-martay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaridka kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in ciidamada maamulka oo gelbinaya nin YouTuber ah oo ka yimid dibadda lagu weeraray barxadda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadkan ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka maamulka, ee la sheegay inay galbinayeen ninka YouTuber-ka ah.

Si dhab ah looma ogga illaa hadda waxa sababay iska hor-imaadkan khasaaraha dhaliyay, ayada oo aysan weli ka hadlin laamaha amniga Puntland iyo maamulka degmada.

Iska hor-imaadkan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda Saciid Deni ay hoobiye ku tuureen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada, wallow aan laga soo warin wax khasaare ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa meel adag iska tagay qorshaha doorasho ee maamulkaasi, ayada oo Saciid Deni iyo kooxdiisa ay iclaamiyeen jadwal doorasho oo muddo dhaaf ah, taasi oo uga sii dartay xiisadda ka taagan Garoowe.

Sawirro: DF Soomaaliya iyo ITU oo maanta heshiis muhiim ah kala saxiixday

0

Manama (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU heshiis muhiim ah kula saxiixatay caasimadda dalka Bahrain ee Manama oo uu ka socdo shirka horumarinta Isgaarsiinta ee waddamada Carabta.

Heshiiskan ayaa ku saabsan dhanka Horumarinta Isgaarsiinta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliya.

Bayaanka wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen wasaaradda iyo ururka ururka caalamiga ah ee ITU uu door weyn ka qaadanayo casriyaynta hannaanka Isgaarsiinta dalka.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Jaamac Xasan Khaliif, halka uu dhanka ITU u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Isgaarsiinta Dr Cosmas Luckyson Zavazava.

“Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU iyo Wasaaradda ay iska kaashan doonaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale faah-faahiyay faa’iidada uu Soomaaliya u leeyahay heshiiskan cusub.

“Heshiiskan waxaa looga faa’iideesanayaa in kor loo qaado hannaanka casriyeynta iyo isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya horumar waara oo Teknoolojiyadda iyo Dijitaalka ay sal u yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe oo wajahaya weeraro maalinle ah

0

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu weeraray diyaaradaha drones-ka ama gantaalaha kooxaha ay taageerto Iran ugu yaraan 38 jeer wax ka yar bil, kuwaas oo ay ku jiraan lix weerar oo dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Saraakiisha difaaca ayaa sheegay in inta badan weerarradan ay fashiliyeen ciidamada Mareykanka ama ay ku guuldareysteen inay gaaraan bartilmaameedkooda.

Weeraradaas waxaa ku dhaawacmay 46 askari oo Maraykan ah, waana in ka badan laba jibbaar intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay tirokoob uu Isniintii bixiyay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder.

“Dhaawacyadani waxay noqon karaan waxyaabo ay ka mid yihiin firirm, madax-xanuun, dhaga-dillaac, maqal-yari, murgacashada anqawga, iyo sidoo kale dhaawacyo maskaxeed oo naxdin leh.” ayuu yiri Pat Ryder.

Khasaaraha Maraykanka ayaa ka dhashay afar weerar oo kala ahaa: weerar ay diyaarad Drone ah ku qaadday saldhigga hawada Hariir ee Erbil, halkaas oo ay ku burburtay diyaaradda ka hor intii aysan qarxin; Labo weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Al-Asad ee galbeedka Ciraaq, iyo weerar ay diyaarad Drone ah ku qaadday xerada Al-Tanf ee Suuriya.

Ryder ayaa u sheegay suxufiyiinta Isniintii in dhammaan askartii dhaawacantay ay kusoo laabteen shaqada. Si kastaba ha ahaatee, laba ka tirsan ciidamada Maraykan ah ayaa loo diray Xarunta Caafimaadka Gobolka Landstuhl ee Jarmalka si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, si loga daaweyo xanuunka dhimirka.

Ugu yaraan 16 ka mid ah weerarada inta badan aan lagu guuleysan ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa la fuliyay kadib markii ciidamada Mareykanku ay Jimcihii lasoo dhaafay ay weerareen xarun lagu keydiyo hubka iyo rasaasta oo ku taal bariga Suuriya, taasoo Pentagon-ku ay sheegtay inay lahaayeen Iran iyo kooxaha xiriirka la leh.

Waa kuma ninka aan la aqoon ee ISRAEL ay ugu cabsida badan tahay? – (Warbixin)

Gaza (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka Xoogga Falastiinyiinta iyo Israa’iil u dhaxeeya, 31 maalin ka hor, magaca ugu badan ee ay Falastiiniyiinta, dadka Carabta ah iyo bulshooyinka kale ee taageera qadiyadda reer Falsatiin ay ku celceliyaan ayaa ah “Abu Cubeyda,” oo ah afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, ee garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Ninkan wajigiisa aan la arag ayaa ka mid ah shakhsiyaadka caanka ah ee saameynta xooggan ku leh kooxda dhexdeeda, waxaa uu kasoo muuqday, baraha bulshada kooxda iyo warbaahinta kala duwan, ka dib markii toddobadii Oktoobar, Maxamed Al-Deif, oo ah taliyaha guud Al-Qassam, uu ku dhawaaqay billowga hawlgalka Daadka Al-Aqsa .

Waxaa uu soo duubaa muqaallo, isaga oo afka kusoo duubtay cimaamad gaduudan iyo koofi kana hadlay horumarka kooxda ay ka gaartay dagaalka.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, Abu Cumeeyda ayay taageerayaasha Falastiiniyiinta ee Xamaas sheegeen in uu si xirfad leh wajahay xaaladda dagaalka .

Maxaan ka naqaan Abu Cubeyda, afhayeenka milatariga ee guutada al- Qasam?

“Abu Cubeyda” waxaa markii ugu horreysay magaciisu uu soo shaac baxay sanadkii 2002-dii, xilligaas uu ka mid ahaa saraakiil ka tirsan xoogagga Falastiinyiinta oo si joogta u qaban jiray shirar jaraa’id, oo looga hadlayo dagaal Israa’iil ay kula jiraan.

Waxaa ay tilmaameen dadka aqoonta u leh in uusan waligii wajigiisa furin taas ayaan la sheegay in uu kaga dayanayo hoggaamiyihii hore ee al-Qassam, Camaad Caaqil oo ay Israa’iil dishay sannadkii 1993-kii.

Ka bixitaankii Israa’iil ee Qaza sannadkii 2005, ayaa Abu Cubeyda waxaa si rasmi ah loogu magacaabay afhayeenka al-Qassam.

Sida lagu sheegay xogta yar ee Israa’iil ay ka hayso ninka waxaa uu ku dhashay magaalada Niciyaal oo ka tirsan gobolka Qaza, oo Israa’iil ay qabsatay 1948-kii.

Kahor dagaalkii 2014, ayuu Abu Cubeyda waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaza, gaar ahan kulliyadda (Asuulu diin ) waxaan buuggiisa qalin jabinta, ee uu qoray ciwaan ugu dhigay dhullka barakeeysan iyo dagaalka u dhaxeeysa Islaamka iyo Yuhuudda.

Waxaa Israa’iil ay sheegatay in uu hadda ku nool yahay magaalada Jabiil oo ku taal waqooyi-bari ee Marinka Qaza, dhowr jeer ayaa gurigiisa la duqeeyay, sanadihii 2008, 2012, 2014, iyo waliba dagaalka hadda socda.

Waxaa si weyn loo bartay dagaalkii 2014-kii, kadib markii uu ku dhawaaqay afduubka loo geystay askari Israa’iil ah oo lagu magacaabo Shaul Aron kadib isku dhacyo ka dhacay dhulka reer Falastiin .

Abu Cubeyda waxa uu horey akoon ugu lahaa Twitter-ka iyo Facebook, halkaas ayuuna ku qori jiray farriimaha dagaalka, basle markii danbe ayaa laga xiray ,waxaan uu hada isticmaalaa aaladda Telegram oo muqaalladiisa uu ku baahiyo.

Maxay Israa’iil ka tiri ninka aan cidna aqoon?

Inkasta oo ninkani uu is qariyo, jirinna cida argtay, haddana Israa’iil waxay sheegtay inay garanayso xogtiisana ay hayso.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa yiri: “Ninka wejiga soo qarsaday, magaciisu waa Hudeeyfa Kalxuut, waxa uu ku dhuumaalaysanayaa koofiyaddan uu soo gashaday balse Israa’iil waa ay haysaa aqoonsigiisa oo dhammeeystiran, naaneystiisuna waa Abu Cubyeda.

Israa’iil waxaa ay baahisay sawir ay sheegtay in uu yahay kan saxda ah Abu Cubeyda,” afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Billowgii dagaalka, kadib waxaa inta badan magac Abu Cubyeda uu noqday kan ugu badan ee ay isticmalaan dadka carabta iyo shacabka reer falastiin iyo guud ahan dadka taageera.

Isha: BBCSomali

Sawirro: Ciidanka DF iyo shacabka hubeysan oo la wareegay deegaan cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka hubeysan ayaa weli gobolka Mudug ka wada howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo saacadihii u dambeeyay kooxda laga xoreeyay deegaan cusub.

Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud.

Deegaankan ay la wareegeen ciidanka dowladda ee laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21-aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Shabaabkii joogay deegaankaan ayaa la sheegay inay halkaas ka kala firxadeen, waxaana hataan ku sii daba jira firxadkooda ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Maamulka DENI oo wacad ku maray arrin uu si weyn u diidan yahay mucaaradka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisa ayaa weli ku adkeysanaya qabashada doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ka dib dhaceysa, taasi oo mucaaradka uu si adaga horyimid.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in uu si guul ah ku dhameystirmay wejiga koowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

“Geeddi-Caano leh wejigiisi hore ee golayaasha degaanka guul ayuu ku soo dhammaaday, geeddiga dimuqoraaddiyaduna waa ka soo baxay caloosha hooyadiis ninkii is yiraahda dib ugu celina waa nin aan weli dhalan isaga ruuxiisu,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wuxuu sheegay in wejiga hore ee hanaanka cusub ee doorashooyinka lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah ku dhameystirmay, loona gudbi doono wejiga xigga ee doorashada madaxtinimada, taasi oo uu muran xooggan ka taagan yahay.

Juxaa ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba la hakin doonin hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaana la dhammaystiri doono wejiga xiga, xilli diidmo adag kala horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaan marna suurta-gal ahayn oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Juxaa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu tilmaamay in ay jiraan qaladaad ka imaan kara hanaanka doorasho ee gadaal ka riixayaan Saciid Deni iyo kooxdiisa, kuwaas oo uu sheegay in diyaar u yihiin in lagu saxo wada-hadal iyo is qancin.

”Waan ogolnahay in aan ka wada-hadalno tusaalaha dhexdeena yaalla, gorgortan baan ogolnahay wada-xaajood baan ogolnahay, meel dhexe baan ogolnahay, laakiin waxaan marna suurta-gal ahayn in xero laga guuray dib loogu noqdo.”

Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xilli ay meel sare gaartay xiisadda khilaaf ee ka dhalatay doorashooyinka Puntland, kadib markii uu guddiga doorashooyinka maamulka uu soo saaray jadwal doorasho oo muddo dhaaf ah, ayada oo hubanti la’aan ka taagan tahay nooca loo qabanayo doorashada madaxtimada Puntland ee sannadka 2024.

Awaamiir culus oo lagu soo rogay Guriceel kadib dagaalkii xalay ka dhacay magaalada

Guriceel (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo arrimaha nabadgelyada ee magaaladaasi kadib iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa sheegay inaanan hadda ka dib wax hub ahi lagu dhex qaadan karin magaalada, ciidamada amniguna ay ka hawlgali doonaan.

Tani ayuu sheegay inay kaga gol leeyihiin in ay kaga hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa dilalka aanooyinka beelaha ka gaysanaya gobolka iyo deegaanada ku xeeran, si aysan gabaad uga dhigan magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in xilliyada qaarkood ay magaalada hub ku dhex qaataan Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan iyo welibana dad shacab ah, taasina aan hadda ka dib la aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in la ogolyahay in ciidamada ay hubka ku dhex qaataan magaalada, haddii ay dareyskoodu wataan, balse ay mamnuuc tahay in iyagoo aan tuutahooda wadan ay hubka ku qaataan magaalada.

“Ciidanku wuxuu leeyahay sumad u gaar ah oo lagu kala yaqaano iyaga iyo shacabka, maadaama aan hawlgalo ballaaran sameynayno waxaan rabnaa astaanta ciidanka lagu yaqaano ee deegaanka nala degan inay astaantooda qaataan, astaantaas oo ah dareyska la idiinkugu talagalay,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Cid kasta oo dhar shibil ah wadata ee hub sidata inaan ula tacaamulno, sida dadka shacabka ah loola tacaamulayo. Marka ciidanka waxaan leenahay naga la shaqeeya ammaanka, si uusan cadowga noogu soo dhuuman ama dhagarqabeyaasha aysan ku fakan, waxaad qaadataan dareyskiina.”

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel Cismaan Cali Huudey ayaa Xoogaga Macawiisleyda ugu yeeray in marka ay magaalada imanayaan ay qoryahooda dhigtaan guryaha, uuna farayo inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, muddada ay joogaan.

“Waxaa jira ciidamo la yiraahdo Macawiisley oo sida runtii dad xaq u dirir ah, oo dowladda ka garab siiya dagaalka Khawaarijta. Waxaan rabnaa ayagana goobta jiidda ah markii ay ka soo baxaan ama fasax uu soo qaato inuu gurigiisa dhigto qoriga, waxaana mamnuuc ah inuu magaalada qori la soo aado. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradaas markii aad soo gashaan magaalada inaad hubkiina xareysataan, oo aad ku xareysataan guryaha, markaad jiidda ku laabaneysaana aad hubkiina qaadataan. Waxaa mamnuuc ah inaad magaalada ku qaadataan qori, idinka oo dhar shacab ah sita,” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan rabnaa marka, maadaama aan idiin sheegnay, haddaynu aragno idiinkoo qori wata, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah, qorigana waan ka qaadaynaa, haddii Alle idmo.”

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Booliska iyo Xoogaga Macawiisley ay xalay ku dagaalameen magaalada. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba askari uu midkood uu ciidamada amniga ka tirsanaa, halka kan kalena uu Macawiisley ahaa. Sidoo kale illaa afar qof oo dad rayid ah ay ku jiraan ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay.

DF oo maanta u direysa Gedo diyaaradii ugu horreysay ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maanta gobolka Gedo u direyso gargaarkii ugu horreeyay, xilli ay xaalad adag oo bini’aadanimo ka taagan tahay gobolkaasi.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah (NEOC), ee qaybta ka ah hay’adda SODMA Xasan Cabdulqaadir Ciise oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in maanta ay magaalada Doolow gaarsiin doonaan diyaaraddii ugu horreysay ee sidda raashin loogu tala-galay dadka ay fatahaaddu saamaysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gargaarkaas marka uu gaaro gobolka Gedo kadib doomo lagu daabuli raashinka, islamarkaana la geyn doono magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Doolow.

“Howsha si aad u wanaagsan ayay inoogu socotaa, waxaana gargaarka barbar socda badbaadinta dadka go’doonsan. Waxaa rabnaa in diyaarada Doolow markay raashinka geynaysa doomo looga sii qaado,” ayuu yiri agaasime Xasan Cabdulqaadir.

Wuxuu intaas kusii daray in sidoo kale qorshaha ugu jirto sidii ay deeqaha la gaarsiinayo dadkaas kor looga soo daadiyo dadka halkaasi ku dhibaataysan, maadaama qaarkood ay go’doon ku jiraan.

“Waxaa ka fikiraynaynaa anaga oo kaashaneyna hay’adaha kale ee caalamiga ah in kor looga soo daadiyo raashinka inta ay awoodayada gaarsiisan tahay Insha Allah,” ayuu hadalkiisi sii raaciyay agaasimaha xarunta qaran ee gurmadka deg-degga ah (NEOC).

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in 720,000 (todoba boqol iyo labaatan kun) oo qof oo ku kala nool maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ay saameeysay fatahaaddaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in daadka roobabka iyo fatahaadaha ku barakaceen dad gaaraya 300,000 qof, halka dadka ku geeriyoodayna ay gaarayaan 21 qof.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in dadka Soomaaliyeed ay qaataan tallooyinka iyo tilmaamaha hay’adda SODMA,” ayuu yiri agaasimaha oo sheegay in dadka haatan ku waxyeeloobay ay u badan yihiin dadkii ka dhega adaygay farriimihii hay’adda ee waxyeelada El-Niño.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka MARINKA GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay 450 bartilmaameed oo ay laheyd Xamaas, kuwaas oo ku yaalla Gaza, sida ay sheegteen ciidamada Israel.

Israel ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegeen xarun ay ku sugnaayeen Xamaas 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ay sheegtay in duqaymaha cirka ay ku dhinteen tobannaan qof.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan marinka Gaza ayaa ku tilmaamay duqeynta cirka, dhulka iyo badda ee habeen hore middii ugu xoogganeyd tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerar lama filaan ah oo ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil bil ka hor.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in inka badan 10,000 falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, kaas oo billowday markii Xamaas ay dishay 1,400 oo qof ayna qabsadeen in ka badan 240 laheyste toddobadii bishii hore.

Diidmada xabad joojinta oo ay Israa’iil shuruud uga dhigtay sii deynta dadka u afduuban Xamaas, ayaa wajahday cadaadis joogto ah.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tobannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee xaafadaha Gaza sida Zawaida iyo Deir Al-Balah.

Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah.

Reuters

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay dagaal xalay ka dhacay Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn xalay dhacday.

Israsaaseyntaan ayaa xalay dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan oo burcad lagu sheegay.

Iska hor-imaadkaan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawlgal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.

Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah.

Weli lama shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagu soo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab, halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa ee magaalada Guriceel.

Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawlgal lagu baadi goobayo raggii sameeyey iska caabinta hey’adaha amniga ee geystay khasaarahaan.

Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka oo caawa ku geeriyooday magaalada…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maareeye ku xigeenkii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta ee Tiyaatarka Qaranka Maxamed Xasan Barrow ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Allaha u naxariistee Maareeye Barrow ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey magaalada Nairobi oo ugu dambeyn uu caawa ku geeriyooday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo ka tirsanaa Hobollada Qaranka ee Waaberi.

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo, ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Maareeye Barrow ayaa ahaa fanaan weyn, abwaan iyo xubin firfircoon oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhex muuqday fanka.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii guubaabada u qaabilsaneed shirkii taariikhiga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada hadda jirta ee Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Heesihii cajiibka ahaa ee uu wax ka qaaday waxaa ka mid ahaa Heestii “Darajo iyo xil yaa midan” heestaas waxaa sameeyey Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, waxaana lagu baadi hoobayey masuulkii loo dooran laha samata bixinta Soomaaliya.

Dalka ayaa lagu kala tegay oo waxaa xiligaas lasoo yabyabay dowladnimo Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid ahaa hobolladii Waaberi ka joogtay waayihii adkaa ee qaran dhiska.

Xogta weerar caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa weerar caawa ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxyo waaweyn ayaa goordhow laga qamlay gudaha degmada Shangaani, waxaana laga helayaa warar hordhac ah.

Sida ay nagu soo gaartay xogta qaraxyadaan koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gurigii hore ee degmada Shangaani uu ka deganaa Allaha u naxariistee Siyaasi Maxamed Dheere.

Ilaa hada lama iga khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay fulisay koox wadata mooto Bajaaj.

Kooxdii fulisay weerarkaas banbooyinka loo adeegsaday ayaa goobta ka baxsatay, mana jirto ilaa hada cid faahfaahin ka bixisay khasaaraha.

Marwo: Aniga oo Xasan wax ka doortay ayaa dhulka la igu jiidee maxaa moodaa dadka kale

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dhawaan isku soo taagtay kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo markii dambe looga adkaaday, ayaa markale ka hadashay sida ay wax u dhaceen.

Marwo oo hadal ka jeedisay kulan soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi, ayaa waxay ku sheegtay in madaxda sare ee dalka ula dhaqmeen si xun, islamarkaana ay qaranka dhaafiyeen kursi muhiim ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay in guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu kaga been farriimay warqadii uu tartanka uga reebay, “Waxaa ceeb ku ah in uu yiraahdo iyada ila ogeyd. Ilmo saddex jir haddii la yiraahdo warqad ayaa ka qoraya waa ku casilaya ma yeeleen, waaba anagoo intaas le’eg.”

Marwo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo wax kasoo dooratay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidaas loo galay, balse ay hadda rabto inay noqoto qofkii u dambeeyay ee awood dowladeed lagu maquuniyo.

“Waxaa laygu yiri adoo xildhibaan ah oo wax ka doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonina siiyey guddoomiye Aadan Madoobe iyo xukuumadda ayaa sidaan dhulka lagugu jiidee maxaa moodaa dadka kale,” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa rabaa in aan noqdo qofkii u dambeeyay ee Soomaaliyeed ee lagu ciyaaro ama awood loo sheegto. Taariikh madow ayaa ka galnay baarlamaanka adduunka.”

Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in kursigaas ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Si kastaba, arrintaan ayaa hadal heyn xooggan dhalisay kadib markii ay Marwo guul-darro kala soo kulantay tartankii ay u gashay hoggaanka baarlamaanka adduunka, ayada oo qudheedu dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

KOOFI oo si weyn loogu weeraray hadal uu ka jeediyay Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka hadlay dhabar-jebinta la sheegay in lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo looga adkaaday.

Koofi oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nairobi oo lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Marwo ayaa garab istaag u muujiyay Marwo oo looga adkaaday kursigii ay u tartameysay, wuxuuna sheegay in qaranka uu dhabar jediyay, isaga oo yiri “Waxan nahay Qarankii ugu horeeyay ee qofkii u tartmayey ka codeeeyay.”

“Runtii wixii dhacay aniga dowladda kama tirsani, Xildhibaan ma ihi laakiin runtii waa la hoyan weynay xanuun ayay aheyd. Xildhibaan Marwo raali ha naga ahaato ragga haddaan nahay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Koofi.

Hadalka Koofi ayaa waxaa si weyn uga fal-celiyay dadka isticmaala baraha bulshada, ayaga oo qaarkood weerar afka ah ku qaadeen agaasimihii hore, halka kuwa kalena ay ku taageereen sida uga hadlay arrintaan

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Abuukar Muxiyadiin Cali: “Kaalay cadaalada horteeda sxbow cidna xildhibaan iyo shaqa codeyn kuuma dirasane.”

“Waxaan nahey qaran qofkaad shalay taqiin maanta isku badalaayo hadaan sidaan rabo helayn Allow wax dhowran maayee qoladii xunba xeyndaab kooda isku tuur,” ayuu yiri Maxamed Cumar Bisle.

Cabdirisaaq Xirsi ayaa isna waxa uu yiri “Mahadsanid master kofi qudbad qimo badan ayad jedisay”

Maxamed Abuukar Guutaale: “Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa ku raadineyso ee maka gar baxday dhaha.”

“Hab-dhaqanka guud ee siyaasiyiinta Soomaalida weeyi,” ayuu yiri Dhaqane.

Xasan Xareed Diini: “Koofi waxyar dulqaado ina adeer.”

“Maxkamadda imaaw koofiyoow meeshaan haka yaabyaab lahayninee,” ayuu yiri Cabdinasir oo isna weear afka ku qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi: “Xanuuun kawayn miyaaa jira in wadDanka la musuq-maasuqo.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxay hore uu sheegtay in kursigii Marwo la dhaafshay ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaasi oo ka dhexeeya Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Israel oo kordhisay duqeymaha Gaza iyo dhimashada oo dhaaftay 9,770

0

Gaza (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay 450 bartilmaameed oo ay sheegtay inay lahaayeen Xamaas, kuwaasi oo ku yaalla Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen xarun ay ku sugnaayeen Xamaas 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ay sheegtay in duqaymaha cirka ay ku dhinteen tobannaan qof.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan marinka Qaza ayaa ku tilmaamay duqeynta cirka, dhulka iyo badda ee habeen hore middii ugu xoogganeyd tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerar lama filaan ah oo ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil bil ka hor.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in inka badan 9,770 falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, kaas oo billowday markii Xamaas ay dishay 1,400 oo qof ayna qabsadeen in ka badan 240 laheyste toddobadii bishii hore.

Diidmada xabad-joojinta oo ay Israa’iil shuruud uga dhigtay sii deynta dadka u afduuban Xamaas, ayaa wajahday cadaadis joogto ah.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay yihiiin “kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tobannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee xaafadaha Gaza sida Zawaida iyo Deir Al-Balah.

Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, islamarkaana sheegtay in xilligaan ay halis weyn ka jirto dalka.

Xaafadaha magaalada Baydhaba oo kala go’ay kadib markii ay…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa xalay ka da’ay roob mahiigan ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Roobka ka da’ay magaalada Baydhabo oo daadad xooggan dhaliyey ayaa waxa uu sababay in ay kala go’aan xaafadaha magaalada.

Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha magaalada, waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Sidoo kale barakac xoog leh ayaa maanta ka jira xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale, Waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in halkaas ku go’doonsan yihiin gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, ayada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu sheegay in halis weyn ka jirto dalka.

Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

Dowladda ayaa wada abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, iyada oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray.