25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Askarigii dilay wiilka Awdaango oo toogasho lagu xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo haystay Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo lagu soo eedeeyay inuu dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) iyo Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo loo soo xiray inuu eedeysanaha ku gacan siiyay, isla-markaana uu dilaaga usoo dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Dhacdada ayaa timid kadib Cabdulaahi Cabdi Mustaf uu ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka tirsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla-markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay Marxuum Dable Boolis Cabdikariin oo uu dhalay majaajiliistaha caanka ah Ibraahin Cali oo loo yaqaano Awdaango.

Xilliga marxuumka la dilayay wuxuu ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni , wuxuuna falkaas dhacay sagaal iyo tobankii bishii December ee sanadkii hore.

Horay Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa 22-kii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayada oo dhageysatay dooda labada dhinac, taas oo fursad loo siiyay qareenada inay soo bandhigaan difaacooda.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Si kastaba, waxaa go’aankan soo dhaweeyay ehellada marxuum Cabdikariin oo uu ugu horreeyo Aabihiis Ibraahin Cali Awdaango oo maalmihii u dambeeyay dalbanayay cadaalad.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno isugu jiro dil iyo xabsi ugu xukuntay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka gaystay caasimada.

War cusub oo kasoo kordhay doorashooyinka qof iyo codka ah ee PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay doorashada maamulkaasi oo uu weli ka taagan yahay muran xoogleh.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu si guul ah kusoo dhammaaday wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay goleyaasha degmooyinka.

Wasiirka ayaa ku faanay in xukuumaddu ay dadaal badan gelisay sidii ay uga mira dhalin laheyd dimuqaaraddiyada iyo inay dadweynaha codadkooda dhiibtaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hannaankaan uu ku dhisan yahay xisbiyada badan oo qof iyo cod ah, laguna tijaabiyay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay guul ay gaartay Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aankooda uu yahay in aan dib loogu noqon doorashadii hore, ayna ka dhabeyn doonaan in dadweynuhu soo doortaan hoggaankooda.

Doorashooyinkii hore ayuu aad u dhaliilay, isaga oo uu tilmaamay inuu ka jiray musuq-maasuq, isla-markaana la bixin jiray laaluush, haddase ay meesha ka saarayaan.

“Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dood xoogan ay ka taagan tahay go’aanka madaxtootada, waxaana ka horyimid xubnaha mucaaradka iyo Isimada Dhaqanka oo iyaguna ku taliyay in sidii hore lagu wado doorashada, maadaama waqtigii uu dhamaaday.

Si kastaba, Puntland ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, waxaana inta badan gudaha magaalada Garoowe ku sugan xubnaha mucaaradka oo iyaguna kulamo ka wada magaaladaasi, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan.

Daawo: Al-Shabaab oo laga saaray xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay maanta uga sameeyeen deegaano dhaca xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa waxaa hoggaaminayay Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo kamid ah saraakiisha ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga degmada Ruun-nirgood iyo bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus qaaday ayaa gudaha u galat dhulka hawdka ah ee u dhexeeya labada gobol, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Hilowle Gaab, Dumaaye, Kalabeyr iyo Xaaji Gacal kuwaas oo saddex jiho uga beegan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdulle Maxamuud Cabdi  oo hoggaamiyaha ciidamada deegaanka ee bariga gobolka Galgaduud oo warbaahinta dowladda ugu warramay aagga deegaanka Dumaaye ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi iyo guulaha ay haatan kasoo hoyeen ciidamada huwanta ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee laga saaray dhulkaasi, ayna soo qab-qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay/

“Gacan bir ayaa lagu qabanayaa meesha galaana waa looga daba tegi doonaa, haddii la qabtana sharciga ayaa la marsiin doonaa” ayuu yiri Cabdulle Maxamuud Cabdi.

Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay sida weyn uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay guulaha ka gaareen ciidamada huwanta ah.

Saameyn miyuu Soomaaliya ku yeelan karaa hadalkii R/W Xamza ee ururka Xamas?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib muddo bil ah oo uu socday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay, iyada oo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu taageero u muujiyey ururka Xamaas oo ay qaar ka mid ah dalwdaha Reer-galbeedku u aqoonsan yihiin argagixiso.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa Talaadadii ka hadlay qadiyaddan isaga oo khudbad ka hor jeedinyay culumo, wuxuuna yiri hadal caalamka ku baahay oo ahaa in aysan Xamaas marnaba argagixiso u aqoonsanayn ”xitaa hadii kurka nalaga jarayo”.

Hase yeeshee tani waxay dhalisay laba hadal hayn; midi waxay ahayd hadalka laftiisa oo ku baahay warbaahinta caalamka kadibna baraha bulshada isaga oo lagu turjumay luuqado badan, halka hadal haynta kale ay ahayd walaac ay dadka qaar ka qabaan sida uu diblomaasiyad ahaan u saamayn karo Soomaaliya oo ku tiirsan deeqaha dalalka shisheeye.

Marka hore aan fahanno taageero intee dhan ayey Soomaaliya ka heshaa dalalka galbeedka, sideebuuna hadalka raysal wasaaruhu u saamayn karaa taageeradaas?

Taageerada Soomaaliya ay ka hesho dalalka Reer-galbeedka

Waxaan ognahay in dhaqaalaha Soomaaliya uu inta badan ku tiirsan yahay taageerada ay siiyaan dalalka shisheeye iyo ururrada caalamiga ah.

“Waxay kabaan dalalkani misaaaniyadda dawladda Soomaaliya, waxay bixiyaan mushaharka shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale kaalmooyin kale oo badan sida hormarinta iyo kaalmada bini’aadannimo ee la siiyo dadka gudaha ku barakacay,” ayuu yiri mas’uul hore oo dowladda Soomaaliya ka tirsanaa, codsadayna in magaciisa la shaacin.

Soomaaliya waxaa sidoo kale laga taageeraa dhanka la dagaallanka al-Shabaab, iyada oo Maraykanka iyo Turkigu ay yihiin dalalka siiya taageerada ugu weyn ee dhanka amniga.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka 2023/2024 waxay ahayd $950 milyan oo doollar. Qiyaastii $283 milyan oo kaliya ayaa kasoo gashay canshuurta iyo dakhliga kale ee ay dawladdu qaadday, sida uu mas’uulkan sheegay.

Beesha caalamka oo ay ugu weyn yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo hay’adaha sida Bangiga Aduunka oo lagu daray Turkiga, ayaa ku deeqay dhaqaale gaaraya $637 milyan oo doollar.

Haddaba marka laga hadlayo dalal Reer-galbeedka, sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub; waxay la baxeen qiyaastii 30% misaaniyadda dalwdda Soomaaliya oo dhan.

Siduu u saamayn karaa hadalka raysal wasaaruhu taageeradan?

Markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil toddobadii bishii dhammaatay ee Oktoobar, waxaa isla markiiba caddeeyay mowqifkiisa dalka Maraykanka, oo hore u dhihi jiray, ”weerar Israa’iil lagusoo qaaday wuxuu la mid yahay mid Maraykanka lagusoo qaaday” wuxuuna sheegay inuu taageero dhinac walba ah la garqab taagan yahay Israa’iil isla markaana wuxuu soo diray taageero mila tari iyo mid dhaqaale.

Intaas waxaa xigay dalalka kale ee sida Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo iyaguna garab istaagay Israa’iil, kuna cambaareeyay ururka Xamaas inay soo qaadeen weerar argagixisanimo ah.

Dalalkan aan hadda sheegnay waa isla kuwa aan kor kuso xusnay inay bixiyaan taageerada ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho caalamka. Waxaa bulshada Soomaalida siiba kuwa siyaasadda ka dhex bilowday walaac ku aaddan saamaynta ay ku yeelan karto Soomaaliya; kala duwanaanshaha mowqifka Soomaaliya iyo dalalka ay ugu tiirsan tahay dhaqaalaha iyo weliba amniga.

Dr Axmed Zaki Faarax Iidle oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe oon wax ka wadiinnay wuxuu yiri: “Isaga oo muujinaya taageera buuxda iyo mowqifka dawladdiisa iyo dareenka shacabkiisa ayuu isticmaali karaa kalmadaha diblomaasiyiinta loo oggolyahay inay isticmaalaan, micnaha isaga oo aan caadifad hadlin ayey ahayd inuu si toos ah u taageero shacabka Falastiiniyiinta ah” ayuu yiri Dr Axmed.

Haddaba dhinacyada ugu muhiimsan ee ay dadka qaar ka cabsi qabaan in ay Soomaaliya ka saamayso mowqifkeedu ayaa ah, qorshihii deyn cafinta Soomaaliya oo la filayey inay bisha Diseembar ee inagusoo aaddan laga cafiyo inta ugu badan.

Ka sokow Maraykanka oo isagu deyn badan ku leh Soomaaliya waxaa jira urur la yiraah Paris Club kaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka deynta ku leh Soomaaliya, waxaana dalalkan hoggaaminaya Faransiiska oo isaguna si buuxda u taageersan Israa’iil.

”Saamayn ballaaran oo hadda la arki karo oo ay ku yeelan karto ma leh, laakiin ururka Paris Club waxaa gadh wadeen ka ah Faransiiska oo si buuxda u taageeray Israa’iil,” ayuu yiri Dr Axmed.

“Marka waxaa laga yaabaa in culayska dhanka deyn cafinta ah uu kaga yimaaddo” ayuu sii raaciyey Dr Axmed Zaki Faarax oo ka hadlayey hadii ay jirto saamayn gaar ah oo laga yaabo in hadalka raysal wasaaruhu u keeno deyn cafinta Soomaaliya.

Isha: BBC

Barack Obama oo aan si aan la fileyn uga hadlay duullaanka ciidamada Israel ee Gaza

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa duray gabood-fallada ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka la haysto uu ahaa mid laga naxo oo aan wax qiil ahi lahayn, isagoo dhanka kalena sheegay inaanan loo adkeysan karin in Israel ay xoog ku sii haysato dhulka Falastiin iyo dhibaatada ay u gaysaneyso shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa Xamaas ay sameysay waxa ay ahayd wax laga naxo, oo aan qiil loo heli karin. Waxa kale oo run ah in qabsashadii iyo waxa ku dhacaya Falastiiniyiinta ay yihiin wax aan loo adkeysan karin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mareykanka.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan shaqo ku lahayn weerarkii Xamaas, haddana ku dhimanaya duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

“Waxa run ah in ay jiraan dad hadda dhimanaya oo aan shaqo ku lahayn waxa ay Xamaas sameysay,” ayuu yiri Barack Obama.

Waxa kaloo uu sheegay in dunida ay muddo dheer ku guuldareysatay xal u helidda colaadda soo noqnoqotay ee Israel iyo Falastiiniyiinta, marka aad eegto sida labada dhinac ay ugu kala fogan yihiin arrinta taagan.

“Waxaa jirta taariikh dadka Yahuudda ah oo laga yaabo in shaqada laga ceyrinayay illaa awooweyaashaa illaa awooweyaashoodii kale ama adeerkaa ama eedadaa ay kuu sheegaan sheekooyin ku saabsan waalida naceybka ah ee Yahuudda,” ayuu yiri Barack Obama.

Obama ayaa sheegay inaanay arrintan xal u noqon karin wararka halka dhinac ee barraha bulshada la iska dhex marayo, isagoona dadka uga digay inaanay ku kadsoomin wararkaasi. Waxa uu ku baaqay in si qoto dheer loo fahmo colaadda labada dhinac, isagoona yiri “Qofna gacmihiisa nadiif ma ahan.”

Obama ayaa yiri “Waxaad iska dhigi kartaa inaad runta ku hadasho, waxaad ku hadli kartaa hal dhinac oo runta ah, xaaladaha qaarkood, waxaad isku dayi kartaa inaad ilaaliso akhlaaqdaadaa, laakiin taasi ma xallin doonto dhibaatada taagan.”

Obama ayaa sheegaya in dhinacyada la kala safan Falastiiniyiinta iyo Israel ay tahay in ay qiraan in xiisadooda ay tahay mid xasaasi ah, iyagoo ku dabaqaya cabashooyinka saxda ah ee dhinacyada.

“Waa inaad qirataa in dhammaanteen aan ku dhibtoonayno arrintan, illaa xad. Sidaas darteed, haddii aad rabto inaad xaliso dhibaatada waa inaad qaadataa runta oo dhan,” ayuu yiri Obama.

Obama ayaa intaasi ku daray “Haddii ay jirto wax fursad ah, si aan si wax ku ool ah wax uga qabano, waxay u baahnaan doontaa ogolaanshaha dhinacyada iyo ilaalinta waxa dusha sare ee laga yaabo inay u muuqdaan fekrado iska soo horjeeda.”

Hadalkiisan ayaa imaanaya, xilli dhawaan uu Israel uga digay hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Gaza, taas oo kaga sii dari karta sida uu yiri colaadda gobolka.

Obama ayaa xilligii uu u tartamayay xafiiska waxa uu ku ololeynayay in uu xalin doono colaadda labada dhinac, balse aanu ku guuleysan.

PUNTLAND oo shaacisay khasaaraha roobabkii ka da’ay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Faysal Cali Shire oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ka da’een roobab xoogan oo dabeylo wata.

Faysal Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in khasaare naf iyo maalba leh ay gayseen roobabkii habeen hore ka da’ay magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay dhimasho ugu yaraan saddex qof iyo khasaare kale oo soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ay daadku qaadeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii badato, isla-markaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay halkaasi.

Waxaa sidoo kale jira barakac xoogan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, maadaama xaafadahooda ay soo galeen biyo aad u badan, waxaana haatan soo wajahday xaalad adag.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa magacaabay saddex guddi oo uu u xilsaaray xaaladda Gaalkacyo, si ay gurmad ugu sameeyaan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay  waxayna kala yihiin:-

1-Guddiga guud ee xaalada daadadka iyo Xal u helida Masiibooyinka ka dhasha oo ka kooban 11 Xubnood.

2-Guddiga u gargaarka dadka go’doonsan kuwa barakacay iyo fayo-dhawrka.

3-Guddiga xal u helida biyaha iyo furida kanaaladii biyuhu mari jireen iyo biyo-booliyada.

Ugu dambey guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhammaan dadka gurmadka sameeyay ee ka qayb qaatay samata bixinta qoysaska ay waxyeelada kasoo gaartay daadadkaasi.

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo u tartameysa bilad qaali ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid noqotay musharixiin loo xushay ka qeybgalka tartanka billadda ee “Africa Sustainability Outliers Award, ee loosoo gaabiyo (ASO Awards 2023).”

Tartankan oo dhawaan ka dhici-doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi kula tartami 3-rag Afrikaan ah.

Wasiir Khadiija ayaa loogu xushay u tartamidda Billaddan shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay ka midyihiin:-

U heelanaanta gaarka ah iyo ka go’naanshaha in la abuuro mustaqbalka Waara ee Afrika.

Hirgelinta hindiseyaal badan oo dhiirigelinaaya horumarinta adkeysiga deegaanka iyo horumarinta bulshada.

Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tartankan loogu xushay Ka-qaybgalkeeda sare iyo doorka hoggaamineed ee ay Soomaaliya ka qaadatay shirkii cimilada ee lagu qabtay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar sanadkii tegay ee 2022.

Daah-furka Hindisaha  Darbiga Weyn ee Cagaaran, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha dowladda Soomaaliya ee “Soomaali Cagaaran.”

Wasiirka ayaa door weyn ka qaadatay abaabulka iyo hir-gelinta howlaha wadatashiga ee daneeyayaasha iyo dedejinta hirgelinta howlahaas, si Afrika loo gaarsiiyo horumar waara.

Dajinta hindisaha iyo aragtida weyn ee lagu beeraayo malaayiin geed, si kor loogu qaado xalalka tamarta la cusboonaysiin karo, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, abuuritaanka jawi nabadeed oo suurtagelinaaya horumarka iyo in dadku ay la qabsadaan isbedelka.

Maaddaama ay si dhab ah dalkeeda iyo dadkeeda ugusoo meteshay dalal badan oo ay aheyd Danjire, waxay u ololeysay wacyi-gelinta guud ee arrimaha deegaanka, si dadku ay si firfircoon ula falgalaan arrimaha deegaankooda, dalkooda, gobolkooda iyo caalamka oo dhan, si xal loogu helo arrimaha taagan ee saameynaaya horumarka waara.

Dadaalkeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka, horumarinta kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo, sidaas darteed u qaabaynaya mustaqbal waara ee Afrika.

Hoggaaminta aragtida iyo habka hal-abuurka leh ee joogteynta ayaa ka dhigaya in ay noqoto musharrax u qalma Abaalmarinta Sustainability Outliers Award.

Abaal-marintaas ayaa haddii Wasiir Khadiija ay ku guuleysato ka dhigan guul weyn oo usoo hoyatay Shacabka, dowladda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxayna Khadiija horay ugu soo guuleysatay abaal-marinno kala duwan.

Daawo: Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay hadalkii Xamza ee qadiyadda Falastiin

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay khudbadii saameynta badneyd ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu kaga dhibaatada heysata dadka reer Falastiin iyo duulaanka qaawan ee Yahuuda.

Ugu horeyn Sheekh Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in R/Wasaaraha culeys badan uu kala kulmi doono hadalkiisa, balse dadkiisa islaamka ah uu ka heli doono garab istaag buuxa.

“Kelmadii Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre ee Falastiin, Gaza iyo Xamaas, dhawr mar baan dhegeystey, khayr Allaha siiyo, wuxuu si geesinimo leh ugu hadlay qalbigiisa iyo damiirkiisa islaanimo iyo mawqifka shacabka Soomaaliyeedna ee uu matalo, taas oo wax walba loo huri karo sida uu sheegay, Ilaahay ha barakeeyo oo ha sugo. Waxaan hubaa in culays lagugu saari doono, laakiin haka wel welin, Ilaahay baad kelmaddaas ku raalli gelisey, taariikhna wey kuu gashay, ummaddaaduna waa kugu garab taagantahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Maxamed.

Qoraalkaas kadib TV-ga Universal ayaa wareystay Sheekh Maxamed Idiris, wuxuuna sheegay in dadka jecel cadaaladda iyo islaamka ay taageero buuxda u muujiyeen hadalka Ra’iisul Wasaaraha.

“Cadaadis waa uga imaa karaa caalamka, laakiin si geesinimo iyo islaamnimo leh ayuu u hadlay Ra’iisul Wasaaruhu, xaq ayuuna u leeyahay kelmadaha uu jeediyey, ilahey ayaa u hiilinaya, ma jirto sabab loogu welweli karo,” ayuu yiri Sheekh Idiris.

Shiiqa ayaa sheegay in hadalka Xamse ay dhibsa maraan madaxda dalal badan oo saaxiib la ah Soomaaliya, balse aan loo jooji doonin cadaadis kasta oo ka imaada.

“R/Wasaare Xamsa wuxuu ku hadlay damiirkiisa iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waana ku taageereynaa, hoggaamiyihii umad muslim ah hogaamiya ee hadana qadiyadaan ka aamusan waa sheydaan camal,” ayuu yiri Sheekh Idiris.

Ugu dambeyntii Sheekh Idiris ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa ku dhiiri geliyey hadalkiisii xaqa ahaa ee arrinta Falastiin uu uga hadlay, isagoo u sheegay in cadaadiska iyo cajaga jugleynta uusan u joojin, maadaama uu heysto taageerada dadkiisa Soomaaliyeed iyo malaayiin muslimiin ah.

Hoos ka daawo

 

Maxay tahay fursadda weyn ee uu haysto R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Wadaad Diimeedka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre hadda wuxuu helay furihii quluubta shacabka.

Tan iyo markii uu si diin, dadnimo iyo dowladnimo leh uga hadlay gumaadka ku socda shacabka reer Falastiin, sidoo kalena uu xujeeyay damiirka Reer Galbeedka.

Inkasta oo qaar khudbooyinkiisa hore kamid ah dadka qaarkii maad u arkeen laakiin mar walba oo ay dadku aqbalaan inay ku dhageystaan maad iyo dhab middii ay noqotaba, waxaad og tahay in la fahmayo farriintaada.

Tan iyo soo ifbixii argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya dhalinyaro badan oo aan heerka aqoontooda is-gaarin ayay kooxaha argagixisadu si fudud ugu qanciyeen afkaartooda dhiig daadinta.

Kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa fikir aanay iska fiirin ku laayay kumanaan Muslimiin ahaa, iyagiina ku dhintay. Wacyi-gelinta lagu tirtiraayo fikirkaas qaldan ayaa shaqo badan laga qaban, mudadii ay gobollada Soomaalida qaar u dagaalamayeen in uusan fikirkna ku wada baahin dalka.

Dowladduhu muhiim uma arkeynin in dhalinyaradda lala hadlo, wax la baro oo mashruuc taban ee argagixisada mid togan la agdhigo. Dabcan madaxdii dalkana baddi ma awoodin inay si Diini ah ula hadlaan dhalinyaradda ama u beeniyaan fikirka argagixisada, si ugu yaraan dhalinyaradda la maan xaday ay su’aallo isku weydiiyaan.

Hadda dhalinyaradda wey fahmaysaa ra’iisul wasaare Xamza, Culimadduna sidoo kale. Dareen hadalkiisuna wuxuu helay shacab u riyaaqsan, sidaas awgeed waa inuu deg deg uga faa’iideysta oo isagu hormuud u noqda dagaalka dhanka caqiidada ah ee lagula jiro argagixisada.

Inkasta oo firqooyinka ku badan yihiin culimadda Soomaaliyeed, laakiin nin wadaad ah haddana ra’iisul wasaare ah waa fahmi karta cududa maaliyadeed iyo midda milatari ee uu heli karo, lamana dhayalsan karo halka uu wax gaadhsiin karo haddii uu bareero.

Maadaama uu madaxweynaha yahay taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida uuna hormuud u yahay dagaalka milateriga iyo midka dhaqaalaha ee lagula jiro argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza waa inuu si buuxda u qaata furaha dagaalka caqiidada ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya mawduucan, si uu hab diini ah ugu suuliyo fikirka sunta ah ee argagixisada la timid ee salfaday kumanaanka dhalinyaradda Soomaaliyeed ah.

Marka la eego marxaladda dagaal ee lagu jiro ma jiraan wax ka muhiimsan madaxweyne ama ra’iisul wasaare wadaad diimeed ah, waxaase su’aal ah sida ay Xamza iyo kooxda la shaqeysa u haleeli doonaan, qaababka looga faa’iideysan karo fursadaha muuqda oo loogu beddeli karo shaqooyin joogto ah oo ugu dambeyn joojiya maan-xadka ay argagixisada ku haysay dhalinyarada Soomaaliyeed 15 sano ee lasoo dhaafay.

Booliska Somaliland oo warbixin ka soo saaray dil ka dhacay Hargeysa iyo xubno loo soo qabtay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa warbixin ka soo saaray wiil xalay lagu dilay magaalada Hargeysa.

Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa ayaa xalay midi lagu dilay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Abshir Saleebaan Xuseen oo 17 jir ah ayaa lagu eedeeyey dilka marxuumka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Somaliland.

Sidoo kale warbixinta booliska waxaa lagu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha, kaas oo hadda ku jira xabsiga Hargeysa.

Inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley ee Somaliland ayaa laga soo qabtay eedeysanaha oo baxsad ah, sida uu shaaciyey boolisku.

Eedeysane Abshir Saleebaan Xuseen ayaa doonayey inuu gudaha u galo dalka Itoobiya, sidoo kale afar eedeysane oo kale ayaa loo soo qabtay dilka Marxuum Nimcaan Maxamed.

Ragga afarta ah ayaa la sheegay inay eedeysanaha koowaad ka gacan siiyeen dilka uu geystay, isla markaana lasoo qabtay dhamaantood.

Taliska Booliska Somaliland ayaa qoraalkaan ku balan qaaday in eedeysanaha koowaad iyo afarta kale ee dilkaas ku gacan siisay deg deg loo hor geyn doono maxkamadda awooda u leh kiiskaan.

Ugu dambeyntii booliska Somaliland ayaa digniin u diray qof kasta oo ku howlan qalqal gelinta amniga, iyagoo balan qaaday inay gacan bir ah ku qaba doonaan qof kasta oo ku xadgidba amniga muwaadiniinta.

Daawo: Beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo qirasho yaab leh ka soo saartay dilka rag Saleebaan ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Odayaasha dhaqanka ee beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada dhexdeeda loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan.

Ugu horeyn beesha Yabardhowrakace ayaa qiratay dilka labadii nin ee lagu dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka bixiyeen raali gelin in fal noocaas ah uu ka dhacay gudaha magaalada oo caasimad u ah umadda reer Galmudug.

Sidoo kale waxay odayaasha beeshaas balan qaadeen inay soo qaba doonaan raggii dilay labada marxuum.

Bayaanka ka soo baxay odayaasha Yabardhowrakace ayaa raali gelin looga bixiyey in qirashada dilkaas, iyagoo sheegay inay xaqiijin wadeen.

Sidoo kale odayaasha beesha Yabardhowrakace ee Cayr – Habargidir ayaa balan qaaday in fal noocaas ah uusan ku soo laaba doonin caasimadda Galmudug.

Sidoo kale odayaasha oo ka tacsiyeeyey wixii dhacay ayaa sheegay in ganacsatada la dilay ay ku sifeeyeen “Kaa dhimay oo kugu dhimay.”

Habeeno ka hor ayaa goor fiid hore ah bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil, labada marxuum ayaa aad looga yaqaanay Dhuusamareeb.

Dilka labada ganacsade ayaa salka ku haaya aano qabiil oo u dhaxeysa Saleebaan iyo Ceyr oo ka wadadhashay Habargidir, waxayna si joogto ah isugu dilaan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Hoos ka daawo

DF oo si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi yaalla Golaha Ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kursiga ay dowladda shaacisay inay u tartameyso ayaa haddii ay Soomaaliya ku guulaysato waxay joogi doonta illaa sanadka 2026-ka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo arrinkaan lagu shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika.

“Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.”

Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la qaban doona bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika.

Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah.

Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.

Soomaaliya ayaa dhiggeeda Tanzania heshiis kula gashay in kursiga yaala Golaha Ammaanka ay kala shaqeyso sidii ay Soomaaliya ku guulaysato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.

Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.

Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kursigaas.

Deyn cafinta kadib xujooyin culus oo horyaalla Xasan Sheekh iyo xukunkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bisha soo aadan ee December ama Janaayo 2024 midkood dowladda Soomaaliya waxay u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Laakiin waa dabaal-deg uu hareer yaallo culeys kale oo xoog leh oo kusoo wajahan dowladda Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyo deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha. Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Toddobaadkii tegay fallaartii koowaad ee cadeynta arrintaas ayaa ka timid hay’adda lacagta adduunka ee IMF. 2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada.

IMF hadda waxay sheegtay in arrimahaas xoogga wax laga qabtay, dhawaana la filaayo in deynta la cafiyo. Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026.

Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya.

Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda isku tasho.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco.

Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar.

Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo.

Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukunkiisa, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda.

Daawo: Dowladda oo ku dhowaaqday xaalad deg deg ah kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka, ayaa ku dhowaaqay xaalad deg deg ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo halkaasi kusoo dhaweeyeen guddoomiye ku-xigeenka xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan Aadan, ayaa waxa uu ka sheegay in halis weyn ka jirto dalka.

Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo in dowladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobalka Gedo iyo qeybo kamid ah gobolada dalka.

“Halis weyn ayaa dalka ka jirta, taasi oo ka dhalatay roob xooggan oo ka da’ay qaybo kamid ah gobollada, dhimashada ayaa ka badan 10 qof,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda SODMA.

Waxa uu intaas kusii daray “Go’doon, naf-waa, xoolo baxa, beero la waayo, burbur guryo iyo deegaan, barakac iyo adduunkii iyo meelihii wax ka soo gaarayeen oo ay ka xirmaan ayay halis ugu jiraan dadkaasi. Waxaa dadka Soomaaliyeed culimadooda fareyna in ay dadka wax u sheegaan oo u qaadhamaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Ciidanka DF oo howl-gallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyay BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gallo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Howl-galladan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa waxaa laga sameeyay deegaano ay kamid yihiin War-wiin, War-dhato, Ceela-helay iyo Moorigaabey ee gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa howl-galladaasi ku baacsaday Shabaab-ka halkaasi ku dhuumaaleysanayay, sida uu sheegay Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Shacabka deegaanadaasi ayaa dhankooda ku bogaadiyey sida ay ciidanka u garab istaagaan iyo u soo gudbinta ciidanka fariimaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

11 kamid ah mas’uuliyiintii degmada Hodan oo Shabaabnimo loo Maxkamadeeyay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan.

11-ka qof ee la horgeeyay maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haysto la shaqeynta Al-Shabaab.

Sidoo kale kooxdan ayaa loo haystaa inay ahaayeen shabakad isku xiran oo basaasiin u ah Al-Shabaab, isla-markaana ka howlgaleysay degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda waxaa shabakaddan hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf), kaas oo 14-kii bishii labaad ee sanadkan 2023-ka laga soo xiray suuqa Baakaaraha, wuxuuna ahaa diiwaan hayaha kooxda, ayada oo lagu soo qabtay Computer ay ku jiraan xogta shabakadda oo dhan.

Sidoo kale waxaa kooxdan kamid ah sarkaal ka tirsan Booliska oo u goostay Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ayaanle Maxamed Cali, kana howlgalayay saldhigga degmada Hodan, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ragga kale ee kasoo muuqday maxkamadda, kana tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaa kamid ah:-

Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa loo heystaa inuu ahaa wakiilka shabakadda ee degmada Hodan, waxaana uu wajahayaa xog ka gudbinta qaraxii Soobe 2, abaabulka qarax miino oo loo dhigay taliyaha saldhigga Hodan iyo wax ka qorsheynta dil loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Cali.

Jbriil Cabdullaahi Sheekha oo kamid ah shabakaddan ayaa isna loo haystaa faafinta fikirka kooxda, wuxuuna ninkan kusoo tababartay Saakow, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiqa) ayaa isna wajahaya eedo kamid ah inuu macluumaadka qaraxyada ka keeni jiray deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaad, isaga oo ah wadaad Tabliiq ah, hadane ka tirsan shabakaddan ka midka ahayd Shabaab.

Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa iyadana loo maxkamadeeyay inay shaqo basaas ah ka qabatay degmada Hodan iyo xarunta xisbiga, sidoo kalena ay baraha bulshada ka taageertay Al-Shabaab, ayada oo gaaleysiisay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xidigle Xoogga Cawil Jaamac Cabdule Xiirey guddoomiyihii laanta 5-aad ee Midnimo, waaxda October ee degmada Hodan, Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer) guddoomiyihii laanta labaad ee Feer-Feer, Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) guddoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale guddoomiye ku xigeenkii waaxda Kacaan, ahaana guddoomiyaha isboortiga ee waaxda, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax guddoomiye laameedkii waaxda Taleex, kuna magacowneyd laanta Al-barako iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) oo ahaa guddoomiyaha laanta afaraad ee waaxda Kacaan ayaa dhammaantood ka siman eedda ah inay qaabilsanaayeen qaybta basaasnimada ee maamulka degmada Hodan.

Intaas kadib ayaa waxaa la dhegeystay doodda u dhexeysay xeer ilaalinta maxkamadda iyo qareenada difaacayay eedeysanayaasha, taas oo waqti dheer qaadatay.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka kama dambeysta ah ay maxkamadda dib ka shaacin doonto.

 

Carruurta Sheekh Xasan Diirshe oo war cusub kasoo saaray dilka Aabahood

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde oo dhawaan aano qabiil loogu dilay  Dhuusamareeb isaga iyo marxuum Saciid Tahliil Maxamed ayaa war cusub kasoo saaray dilkaas oo caro ka dhaliyay deegaanada Galmudug.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo, Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan aarsan doonin, isla-markaana aan lagu soo tarbiyeen daadinta dhiig qof muslim ah, wuxuuna Umaadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u duceeyaan aabahood, maadaama gacan xaq darran ay dishay.

“Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaan annaga horta fikir noocaas ah marna qalbigeena kusoo dhicin inuu kusoo dhacana ilaahey ayaan ka magan geleynaa, waayo tarbiyada noocaas ah yacni in dad la dilo, la dhaco, la waxyeeleeyo aabaheyna ma sameynin, naguma soo tarbiyeen” ayuu waresyigaan kum yiri Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe Cadde.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ay qoys ahaan u gaareen, isla-markaana aysan dooneyn in dhibaatada ay sii socoto, si dhiig kale loo daadiyo.

“Aarsi ma jiro, dhiig muslin uma socono arinkaasi waa arrin aan wada qaadanay” ayuu mar kale yiri Sheekh Yaxye.

Waxaa kale oo uu uu intaasi kusii daray in go’aankan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta, ayna ku bogaadiyeen arrinta ay soo jeediyeen, si loo dajiyo xaaladda.

“Fikirkan aan baahinay waa go’aan ay nala qabaan odayaasha, yacni arrinkaasu waa arrin markii horaba odayaashu afkooda ka maqleynay oo ay nagu dhiiragelinayeen” ayuu yiri.

Allaha u naxariistee dilka Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagudba kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa daba socday dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Xananbuure ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay hadda xalintiisa ku baxday Galmudug.

Khasaaraha ciidamada Israel iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo kordhay

Gaza (Caasimada Online) – Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaartay 30 askari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israel ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israel.

Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa isbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israel ay horaan Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.

DF oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib dagaalkii Jowhar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay dagaakii xooganaa ee gelinkii dambe ee shalay ciidamada Danab iyo kuwa HirShabelle ku dhex-maray gudaha magaalada Jowhar.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay xanuunka la qayb-saneyso HirShabelle, gaar ahaan mas’uuliyiintii iyo askartii ku dhaawacantayt dagaalkaasi

“Wasaaraddu waxa ay xanuunka la qaybsaneysaa mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay halkaasi waxyeeladu kusoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Intaasi kadib wasaaraddu waxa ay shaaca ka qaaday inay billowday baaritaan ku aadan falkaas, iayada oo sheegtay in maxkamad la geyn ciddii ku lug yeetalaa dhacdadaasi.

“Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas, waxaana si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaasi” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda difaaca XFS.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin, una hurayaan naftooda difaaca dadka, dalka iyo diinta”.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Danab ay weerareen ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, inkastoo weli raadka dagaalkii shalay si weyn looga dareemayo caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar.

Si kastaba, dagaalkaas ayaa daba socday mid kale oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay  magaalada, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi.

Khasaare ka dhashay weerar ay koox cusub ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla…

Mianwali (Caasimada Online) – Milatariga Pakistan ayaa sheegay Sabtidii in weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar.

War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay.

Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay ciidamadu ku bixiyeen” si ay u fashiliyaan weerarka “argagixiso” iyo “hubinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha saldhigga.”

“Si kastaba, intii uu weerarku socday, waxaa sidoo kale dhacay burbur soo gaaray saddex diyaaradood iyo booyad shidaal,” ayay ciidanku ku sheegeen bayaanka ay soo saareen.

Koox cusub oo mintidiin ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Jihad Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxda ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qaraxyo ah ku beegsatay ciidamada ammaanka. Waxaa ka mid ahaa weerar bishii Luulyo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal koonfur-galbeed gobolka Baluchistan oo lagu dilay 12 askari.

Weerarka maanta lagu qaaday saldhiga ciidamada cirka ayaa yimid maalin kadib markii kooxaha hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo ku sugnaa degmada Gwadar ee Baluchistan, halkaasi oo ay ku dileen 14 askari.

Degmadu waxa ay martigelisaa dekedda Arabian Sea ee uu Shiinuhu maamulo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Gwadar, balse waxaa lagu tuhmayaa malayshiyada qowmiyadda Baloch oo si joogta ah u beegsada ciidamada ammaanka ee aaggaasi.

Waxa ay sheegeen in ay u dagaallamayaan madax-bannaanida Baluchistan oo ah gobol qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah.  

Kooxahan waxa ay ku eedeeyaan Shiinaha iyo Pakistan in ay ka faa’iidaystaan saliidda, naxaasta, dahabka, birta, iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ee gobolka. Labada dal ayaa eedeymahan iska fogeeyey kuna tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.