26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: DF oo shaacisay waqtiga reer Muqdisho ay doorasho qof iyo cod ah aadayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey waqtiga ugu horeeya ee la qorsheeyey in dadka reer Muqdisho ay soo doortaan maamulkooda.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in 30-ka bisha Juun ee 2024 ay dowladda Soomaaliya u qorsheysan tahay in dadka ku nool degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ay soo doortaan guddoomiyahooda.

“Gobolka Banaadir doorasho ha u diyaar garoobo, 30-ka bisha Juun ee sanadka soo socda waxaa la qaban doonaa doorashada degmooyinka Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay u baahan tahay in sida lagu maamulo lagu bedelo oo la helay masuuliyiin dadka ka dhex timaada, si loo helo kalsoonida bulshada ugu badan dadka oo Muqdisho ku nool.

“Muqdisho maadaama ay ugu dad badan tahay dalka waxaa la qorsheeyey in barnaamijka is doorashada lagu bilaabo, sidoo kale degmooyinka K/Galbeed ayuu ka socdaa qorshahaan doorashada degmooyinka, waxaana la gaarsii doonaa dalka dhan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Muranka dhulalka iyo wax kasta oo khilaafaad ah ayuu Fiqi sheegay in laga gudbi doono, markii dadku ay soo doortaan masuulka ay ugu kalsoonida badanyihiin.

“Waayihii hore waxaa la arki jiray dad dhul isku heysta oo derbiyada qoryo kula jira, hadda waa iska yaraaday murankaas, Muqdisho xiligii dowladii Kacaanka ay jirtay xitaa dhulka waa lagu dagaalami jiray, laakiin hadda waa in xal loo helaa, si gaar ah Maxkamadaha ayaa mararka qaar muranka uga sii dara,”  ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in rajada dowladda iyo qorshaha socda uu yahay in la xasiliyo Muqdisho, “Hobolkaan Banaadir waxaan rajeyneynaa inuu noqdo mid xasilan, adduunka xiliyada doorashada ayaa mar mar laga baqaa magaalooyinka waaweyn, marka Banaadir waxaan ka rabnaa in khilaaf xagga la iska dhigo oo doorasho loo diyaar garoobo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha XFS.

Hoos ka daawo

Shiinaha oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ka gaysan karto dalka…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa waxaa looga digay weeraro laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab xilligan ka fulin karto gudaha magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa muwaadiniinteeda la wadaagtay digniintan, waxayna sheegtay inay soo baxday digniin ku aadan weeraro ay qorsheyneyso Shabaab.

Shiinaha ayaa sheegay in kooxda laga yaabo inay qaado weeraro ay ugu jawaabeyso duulaanka Israle ee Gaza, wuxuuna ugu baaqay dadkiisa inay ka feejignaadaan.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in meelaha la bartilmaameedsan karo ee lasoo calaamadeeyay ay ku jiraan safaaradaha dalalka shiisheeye ee ku yaalla Nairobi, meelaha ay dadka isugu yimaadaan, goobaha loo dalxiis tego iyo hoteellada waa weyn.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha waxaa kale oo lagu sheegay in hoos loo dhigay howlaha shaqo safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Niarobi, si looga taxadaro heerka digniinta soo baxday ee weerarada kooxda Al-Shabaab.

Bishii hore dowladda Kenya ayaa digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay sheegtay in qaadi karaan weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.

Dalkan ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.

Faahfaahinta dagaal culus oo ka dhacay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay garoonka magaaladaasi, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo kuwa ilaalada madaxtooyada HirShabelle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna eedeyn u jeediyay ciidamada Danab ee ku sugan aagga garoonka magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal lama filaan ah lagu soo qaaday isaga, wafdiga uu hoggaaminayay iyo ciidamada la socday, loona adeegsaday hub culus.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in dhankooda uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, ayna ku jiraan xildhibaano ka tirsan HirShabelle.

Cabdixakiin Luqmaan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan ay soo farageliso, isla-markaana dhacdadaasi ka bixiso jawaab deg deg ah.

“Qaar kamid ah xildhibaanadii baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen, waxaan jawaab ka sugeynaa dowladda federaalka.” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka si weyn looga dareemayaa caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar.

Si kastaba, dagaalkan ayaa daba socda mid kale oo shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi.

Macalimuu oo cabasho ka ah Abgaal: Tolnimo hadey jirto Abgaalow saan nama qabato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in beeshiisu cabasho ka tahay Abgaal, isagoo ku eedeeyay inay ku sameysay sad-bursi.

Macalimuu oo ka hadlayay dhismaha golaha deegaanka Jowhar ayaa sheegay in aan hal kursi laga siinin beeshiisa oo deegaan iyo ganacsiga ku leh magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in xilligii hore ay saddex kursi kulahaayeen golaha deegaanka Jowhar, haddase oo ay kasii bateen sidii hore loo diiday, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Abgaal.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in xittaa magaalada Muqdisho lagu dulmiyay, isla-markaana aan laga siin gobolka Banaadir hal guddoomiye degmo, sida uu ku dooday.

“Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan dowladdu ku laheyn agaasime guud iyo safiir, taasina ay tahay xad-gudub lagu hayo beesha Baadicadde, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan” ayuu markale yiri Macalimuu.

Halkan hoose ka akhriso:-

Abgaalow sidan nama qabato! Ilko waa nin waayay iyo nin ay isaga dul dhasheen!

Beesha Baadicadde 1954-tii xilligii daakhiliyadda Gollaha Deegaanka ee Jowhar waxeey ku lahaayeen sadax xubnood , maanta oo dadka iyo deegaanadu kordheen Abgaal ayaa Baadiacdde u diiday in ay hal xubin ka helaan Gollaha deegaanka Jowhar . Fiiri warqadda ku lifaaqan halkan sidii 1954-tii beelahu ay Gollaha deegaanka Jowhar u kala lahaayeen xilligaa.

Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir.

Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan.

Waxaa intaa dheer ilaa 3 jago hoose oo reerka laga qaaday tan iyo imaatinkii Dowladdan ayaa weli maqan oo wax badalkoodii aan la ogolaan.

Dad baa laga yaabaa in maankoodu ay ku soo dhacdo Wasiir Beene Beene oo Wasiirka Qorsheynta ah hadda , waa uga mahad celineynaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaadse ogaataan Wasiir reerkan waa lahaayeen wixii burburkii ka dambeeyay. Dr Muumin aya noqday Wasiirka Caddaalada ,C/kariin Axmed Cali ayaa noqday Wasiirka Lacagta ,Axmed Abroone Amiin ayaa noqday Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka DKMG, Axmed Cumar Gaagaagle ayaa Wasiirka Boostada DKMG , Dr Mohamed Ali Ibrahim ayaa Wasiirka Gargaarka ahaa, Dr Abdirahim Abiikar ayaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada noqday, Inj Nadiifo M. Osman ayaa soo noqotay Wasiirka Howlaha Guud , Inj Cabdi Cashuur Wasiirka Boosatada , Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga.

Tolnimo hadeey jirto Abgaalow saan nama qabato ee sidan noo dhaama.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

 

Madaxweyne Biixi oo si lama filaan ah uga hadlay xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa maanta si kulul uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka reer Falasteen, gaar ahaan duqeymaha ay ku hayso Gaza.

Muuse Biixi ayaa ayaa shaaca ka qaaday in laga aamusi karin xaaladda Falastiin, wuxuuna sheegay in burbur iyo baaba’ uu ka socda magaalada Gaza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad ku dhow 9,500 ay dileen ciidamada Israel, kuwaas oo 70% ay yihiin carruur aan waxba galabsan, isaga oo arrintaas su’aallo ka keenay.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay waddada reer galbeedka inay indhaha ka daawanayaan Falastiin, qaarkoodna ay Israel ku garab istaageen dagaalka, sida Mareykanka iyo Uk.

“Madaxweynihii Maraykanka ayaa yimid oo is garab taagay, Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa yimid oo yidhi halkaa kaga wad, meeday cadaaladii, meeday wixii ay inoo sharaxayeen, saaka tiradu waxay maraysa 9,500 oo dhimasho ah, 70% ayaa caruur iyo dumar ah dadkaa dhintay” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu cambaareeyay bartilmaameedka ay Israel ku hayso goobaha caafimaadka ee Gazam oo iyagana lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Dhanka kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday waddamada Carbeed oo uu sheegay inay xittaa ka hadli kari waayaan qaddiyada Falastiim halkii ay garab staagi lahaayeen.

“Waxa nasiib daro ah in inta waddamada awooda lahaa ee Carbeed ay ka hadli kari waayeen ay Koonfur Afrika oo aan Muslin ahayni, uu madaxweynahooda iyo baarlamaankooduba uu ka hadlay arrintaa oo uu diiday” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Horay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa isaguna si aan gambasho lahayn uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiin, ayadoo hadalka ra’iisul wasaaraha ay qaateen warbaahinta Carbeed iyo midda Xamaas oo sii baahisay taageerada iyo garab istaagga uu uu muujiyay ra’iisu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Ahlu Sunna oo ku biireysa dagaalka Shabaab ee Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ahlu Sunnada Koonfur Galbeed ayaa shirkeeda kasoo saartay go’aanno culus oo ku aadan howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan saddexda gobolka ee maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna wax ka hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed.

“Qodobada war-murtiyeedka waxaa kamid ah in Ahlu Sunna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ugu baaqaday dadka deegaanka iyo maamulkooda inay u midoobaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro halkaasi.

“Waxay soo saareen culimada Ahlu Sunna Wajamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed in loo midoobaa la dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka Ahlu Sunna

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waa inay wasaaradda awqaafta ay si buuxda u garab istaagtaa culimaa u diinka Ahlu Sunna Wajamaaca fikirkooda” ayaa mar kale lagu yiri war murtiyeedka.

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed, waxaana haatan soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Jubaland oo wafdi culus u dirtay gobolka GEDO kadib dhibaatadii dhacday + Video

0

Doolow (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Jubbaland, isla-markaana kasoo kicitimay magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray gobolka Gedo.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamul goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Cismaan Jaamaca (Jeemis), ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha degmada Doolow ee gobolkaasi.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen, waxna looga qaban lahaa dhibaatada ka dhacday gobolka oo ay ku dhufteen fatahaado iyo roobab dabeyo wata.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Doolow ayaa mas’uuliyiintan kusoo dhaweeyay degmada, wuxuuna uga warbixiyay dhibaatada ka jirta halkaasi.

“Soo dhawaada Doolow ayaa la yiraahdaa meeshaan arada aad xukuntaan ayay ka mid tahay dhibaatooyinka dhacay waa idin ka xeneynaa waa idin geyn doonaan fatahaadaha iyo dhibaaooyinka ka jira degmada” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka Doolow.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamaca (Jeemis) oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeedka socdaalkooda, wuxuuna sheegay inuu daaran wax ka qabashada xaaladaha soo kordhay.

Sidoo kale waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyay mas’uuliyiinta Doolow iyo shacabka ku dhaqan degmadaas oo xilligaan wajahaya xaalad adag.

“Waxaana aniga u imid gobolkan inaan shaqo ka qabano, qaasatyan degmada Doolow, aad iyo aad ayaa sidoo kale idin kaaga mahadcelinayaa soo dhaweynta” ayuu isna yiri wasiirku.

Intaas kadib wasiirka ku xigeenka iyo xubnaha la socda oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta degmada Doolow ayaa kormeer ku tegay xaafadaha ay daadadka ku rogmadeen.

Gedo ayaa waxaa laga soo warinayaa xaalado bani’aadanimo oo daran, kadib markii uu fatahaad ka gaystay wabiga Juba ee mara gobolka kaas oo ku fatahay  dhowr degmo.

Maxay ka wada-hadleen Blinken iyo wasiirada arrimaha dibeddadalalka Carabta?

0

 Cammaan (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najiib Miiqaati.

Ka hor booqashada Blinken, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay qasab ku tahay in ay soo afjarto dagaalka ay ku waddo Gaza, halkaasi oo uu sheegay in ay ka geysanayso dambiyo dagaal oo ay duqaynayso dadka rayidka ah ayna go’doominayso.

Jimcihii, Blinken ayaa sheegay in ka hortagga dagaalka oo ka sii dara siina fida ay tahay mudnaanta koowaad ee safarkiisa ka dib markii uu Tel Aviv kula kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golaha Wasiirrada Israel ee xilliga dagaalka.

Kulanka ka dib, Blinken waxa uu saxafiyiinta u sheegay tillaabooyin uu sheegay in ay tahay in la qaado si loo hubiyo in weerar la mid ah kii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar uusan mar dambe dhicin iyo in la xaqiijiyo “berri u wanaagsan” dadka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waanu caddeynay in Israel oo ololeheeda ku doonaysa in ay ku burburiso Xamaas, haddana sida ay arrintaas u samaynayso ay muhiim tahay. Waa muhiim maxaayeelay waxaa jira waxyaabo xaq iyo sharci ah oo ay tahay in la sameeyo. Waa muhiim sababtoo ah in taas la qaban waayo waxa ay u wanaagsan tahay Xamaas iyo kooxaha kale ee argagixisada,” ayuu yiri.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa “iyo waajibka” Israel ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Ilaalinta dadka rayidka ee Falastiin waa muhiimada labaad ee safarkiisa, ayuu yiri.

Isagoo taasi ka jawaabaya ayuu Netanyahu yiri, “Waan ku sii wadeynaa dhammaan ciidamadeena, Israel-na waxa ay diidaysaa xabbad joojin ku meel gaar ah oo aysan ku jirin sii deynta la haystayaashayada.”

Ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso ah ayaa afduubteen 230 qof, iyadoo 1,400 oo qof ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Israel.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sawirro: DF oo ciidamo gaysay deegaan u dhow Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta qaatay tallaabo deg-deg ah ayaa ciidamo dheeraad ah gaystay deegaanka Xananbuure oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamadan oo ka shaqeyn doono ammaanka ayaa ka hortegaya xiisad beeleed dhawaan kasoo cusboonaatayu deegaankaasi, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada ayaa kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac oo muddo dheer isku horfadhiyay halkaasi, kuwaas oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Saraakiisha horkaceysay ciidamadan ayaa sidoo kale soo saaray awaamir culus oo lagu adkeynayo amniga deegaankaasi, si looga hortego dagaal mar kale ka dhacay halkaasi.

Waxaa sidoo kale deegaanka laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato marka laga reebo lamaha ammaanka, waxaana ujeedadu tahay xakameynta colaadda Xananbuure.

Mas’uuliyiin ka socota maamullada labada degmo ayaa sidoo kale ku sugan deegaanka, iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaankan ayaa waxaa ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur, iyada oo dad tiro yar ay ku sugan yihiin deegaanka.

Si kastaba, colaadan ayaa sidoo kale sababtay dilka ganacsatadii maalmo kahor lagu toogtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan DiirShe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo laduba dilkooda caro ka abuuray Galmudug.

Sawirro: Galmudug oo la wareegtay ciidamo lagu dhisay gobolka MUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo horleh oo loo diyaariyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Xinlabi oo hoostaga gobolka Mudug, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo ah kuwa deegaanka lagu aas aasay, kana mid noqonaya macaswiileyda Mudug ayaa lagu wareejiyay dowlad goboleedka Glamudug, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Xinlabi ee gobolkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye) ayaa la wareegay ciidamadan, waxaana ku wareejiyay maamulka iyo shacabka Xinlabi.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarinta ciidamadan ay kusoo aadeen xilli loo baahnaa, ayna ka qayn qaadan doonaan howlgallada xoreynta Mudug.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, isla-markaana aysan u dul-qaadan doonin dhibaatada ay kooxdu ku hayso dadka shacabka ah.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka soconaya dagaallo toos ah oo ujeedkoodu yahay in dalka lagaga sifeeyo xubnaha Al-Shabaab, wuxuuna haatan dagaalku galayaa wejigiisa labaad.

Qorshaha cajiibka ah iyo shirqoolka Xamas ay Israel ugu diyaarisay dagaalka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israel ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda.

Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin.

Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilooyin ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada.

Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israel si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababo la xiriira khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin.

Xamas ayaa dooneysa inay Israel ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October.

Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israel, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay.

Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israel ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin.

Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masjidka Al-Aqsa.

Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.”

Israel ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza.

Maxkamadeynta laba sarkaal oo lagu eedeeyey ‘fulaynimo’ oo ka billaabatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa sheegay in maxkamad militari ay Muqdisho ka billowday maxkamadeynta laba sarkaal oo sare oo lagu eedeyey “fulaynimo” kadib werarkii dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Buulo-Mareer, bishii May.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo uu guddoominayo Sarreeye Guuto Robert Mugabe, ayaa maxkamadeyneysa Maj Steven Oluka iyo Maj Zadock Obor, oo taliyeyaal ka ahaa laba saldhig militari oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Waxaa lagu soo oogay laba xisaab dacwadeed oo ah fulaynimo kadib markii weerarkii Al-Shabaab lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska militariga Uganda ee Kampala.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada taliye sare aysan ku dhiirigelin saraakiisha ciidamada iyo askarta ka amar qaata inay si geesinimo leh u dagaalamaan markii ay iska horyimaadeen Al-Shabaab 26-kii May.

Afar saraakiil xigeen oo kale ayaa sidoo kale loo maxkamadeynayaa inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka, taasi oo ka soo horjeedda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, oo caadiyan fadhigeedu yahay Makindye ee caasimadda Kampala, ayaa muddo labo toddobaad ah fadhi ku yeelan doonta Soomaaliya, si ay kiiskan u qaado.

“Maxkamadda guud ee ciidamada qalabka sida waxay awood u leedahay inay dacwadaha ku qaado meel kasta oo gudaha iyo dibadda Uganda ah, oo ay ciidamada UPDF ka howlgalaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Mugabe.

“Dhammaadka fadhiyada, ciddii lagu helo dambiga waxa lagu xukumi doonaa xukunno ku habboon, ciddii lagu waayo dambigana waa la sii dayn doonaa.”

Askarta Uganda ayaa la laayey kadib markii ururka Al-Shabaab ay cagta mariyeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ku yaalla deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.

Xog: Danab iyo Booliska HirShabelle oo ku dagaalamay Jowhar + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamo ka kala tirsan Danab iyo Booliska HirShabeelle ayaa shalay maqribkii ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada booliska HirShabeelle ay weerar ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada Jowhar.

Booliska HirShabeelle ayaa la sheegay inay dileen hal askari oo Danab ah iyo qof shacab ah.

Sidoo kale waxay dhaawaceen askari kale, warar soo baxayana waxay sheegayaan in askar kale ay nolosha ku wateen ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada Danab ay rasaas ka dhex rideen magaalada Jowhar, sidoo kale booliska ayaa dhowr mar ka dalbaday Danab inay joojiyaan xabadaha ay ka dhex ridayaan magaalada.

Ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada ayaa la sheegay inay dhowr mar magaalada ka dhex rideen xabado, taas oo boolisku ka carooday.

Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixsay isku dhaca ciidan ee laga soo weriyey magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle.

Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka ay saldhigga ku leeyihiin ciidamada Danab, booliska HorShabeelle oo la sheegay inay weerareen ciidamada Danab ayaan weli ka hadlin arrintaan.

Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Sayid amaa Baar-bulsho ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa waxaa geystay nin naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda, wuxuuna dhintay kaligiis, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha amniga.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka is qarxiyey ay dabajoogeen, isla markaana uu kaligiis qarxay markii uu ogaaday in ciidanka uusan ka baxsaneyn.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dharcad ah ayaa markii hore ka shakiyey ninkaan oo soo istaagay banaanka maqaayad ku taalla aagga Sayidka, waxayna dabagaleen ilaa uu ka qarxay kaligiis.

Hal askari oo boolis ah ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo ka mid ahaa askartii bursaneysay ninka naftiisa haligaha ah.

“Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob dadweyne oo ku taala degmada Howlwadaag.Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa SNTV u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax,” ayuu lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.”

Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya meydka qeybo ka mid ah jirka ninkii is qarxiyey, gaar ahaan madaxiisa iyo lugihiisa, waxaana la xaqiijiyey inuu geeriyooday kaligiis.

Duduble oo gaaray go’aan culus iyo khasaarihii Ceel-lahelay ka soo gaaray beesha oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Duduble ayaa maanta Muqdisho ku qabatay shir looga tashanayo sidii deegaanada beesha looga xoreyn lahaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Waxgaradka, saraakiisha, ganacsatada iyo dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban u xir-saartay inuu beesha ku hoggaamiyo xoreynta deegaanada beesha Duduble oo dhamaantood ku jira gacanta Al-Shabaab.

Wasiir Farxaan oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in beesha Duduble uu ku hoggaami doono halgan culus oo ay u geli doonaan xoreynta deegaanada beesha.

Wuxuu sheegay in shirkii maanta looga hadlay tabashada beeshu ay ka qabto awood qeybsi uga maqan dowladda federaalka, taas oo ay kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wasiir Farxaan ayaa sheegay markii hore uu juhdi badan gelinayey abaabulka dagaal ee Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay beesha Duduble ka degto Galmudug, balse hadda uu sii xooji doono, maadaama loo xil-saaray hoggaaminta halganka xoreynta deegaanada beesha.

Wuxuu sheegay in beesha Duduble ay ku dadaashay inay xoreysato dhulkeeda, balse weli aysan u suurta gelin, wuxuu sheegay inay tageen ilaa Ceelbuur iyo Ceel-lahelay.

“Ciidanka waan la tegay Ceel-lahelay, hub iyo xoolo waan la garab taagnaa, halkaas waxaa nooga dhimatay 100 nin oo Duduble ah, 50 Shabaab ah iyo 50 raggeena dowladda ah,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban.

Wuxuu intaas ku sii daray in aysan quusa doonin oo halganka ay sii wadi doonaan, isla markaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay diyaar u yihiin inay beesha ku garab siiyaan halganka ay dhulkeeda kaga xoreysaneyso kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Roob maanta dilay gabdho walaalo ah iyo fatahaado culus oo looga digay 6 gobol

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu aasay labo gabdhood oo walaalo ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday daadad ku soo rogmaday magaalada.

Roob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana la xaqiijiyey inay ka dhalatay geerida labadaas gabdhood.

Inta badan magaalooyinka gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan Ceelwaaq, Baardheere iyo Luuq waxaa ku dhuftay daadad xoog leh oo dhashay roobka Deyrta ee ka curtay Soomaaliya.

Dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale ayey waxyeelo ka soo gaartay, halka guryo iyo xoolo ay la tageen roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Roobka Deyrta oo kol sii horeysay ka curtay Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka uga da’aya si maalinle ah.

Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa daadad xoog leh, sida gobollada Bay iyo Gedo, halka meelaha qaar ay ku fataheen wabiyada, si gaar ah wabiga Jubba.

Magaalooyinka Khasaaraha nafeed laga soo weriyey waxaa ka mid ah Baydhaba oo daadad xoog leh ay ku dhufteen, kadib markii uu ka da’ay roob ma hiigaan ah.

Magaalooyin kale oo ay ugu horeyso Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan fatahaado uu geysto wabiga Shabeelle, sida ay saadaalinayaan hey’adaha la socda saameynta roobabka.

Sida laga soo xigtay FAO SWALIM Feejignaanta Fatahaadaha, roobab mahiigaan ah ayaa laga filayaa gobollada Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Mudug.

Khatar badan oo fatahaad iyo daadad ka dhalan karta ayaa weli ka jirta degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo 2 ilaa 3 maalmood ee soo socda la saadaalinayo in wabiga Shabeelle uu fatahaado ka geysan karo magaalada Beledweyne.

Daawo: Jeesow oo ka hadlay gaabiska ku yimid dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab, isagoo qiray in dagaalka uu gaabis ku yimid wixii ka dambeeyey weerarkii markii uu dhacay weerarkii ay kooxdu ku qaaday saldhigii ciidamada xoogga ee deegaanka Cawsweyne.

Xildhibaan Daahir Jeesow  ayaa sheegay in mar kasta uu niyadda ku qaboojiyo in Xasan Sheekh uu Shabaab ka adkaa doono, markii uu qiimeeyey sida ay uga go’antahay ciribtirka kooxdaas.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey inay jiraan siyaasiyiin diidan dagaalka kooxda oo Madaxweynaha iyo dowladaan uu hoggaamiyo guul darro oa jecel.

Jeesow ayaa meesha ka saaray jiritaanka tuhunkaas, wuxuu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka ay ka mideysan yihiin rabitaanka in laga guuleysto kooxdaas.

“Sida aad ogtihiin siyaasiyiinta dhamaan waxay rabaan inay dalkaan hoggaamiyaan, dal Shabaab heystana lama hoggaami karo, madaxweyne Xasan oo horay dalkaan u soo hoggamiyey wuxuu ogaaday inta Shabaab joogo in Soomaaliya aan la xukumi karin,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Farmaajo Dagaalka hala joojiyo ma uusan dhihin waan ku aqaan ceeb ma ahan, Xasan Sheekh ciidan u dagaalamaya waxaa la dhisay xiligii Kheyre iyo Farmaajo joogeen, dowladaas iyadoo dulaan ku qaadi rabta Shabaab ayuu waqtigii ka dhamaaday.”

Sidoo kale wuxuu ka hadlay nidaamka hoggaamineed ee madaxweynaha, wax ka bedelka dastuurka iyo nooca doorasho ee Soomaaliya ay u baahan tahay.

“Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Xasan Kheyre waa ay ogol yihiin doorasho qof iyo cod ah, waxa Xasan Sheekh uu ka shqeynayana waa qabashada doorasho qof iyo cod ah, ragaan dalka ayey soo hoggaamiyeen inay war soo saaraan ee dhahaan saas wax haloo dhigo ceeb ma ahan,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesoow.

Hoos ka daawo

Warbaahinta Xamaas oo ka falcelisay hadalkii R/W Xamza iyo Blinken oo gaaray Israa’iil

0

Qaza (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.

Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’.

Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta Tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Israel, waana markii labaad oo uu halkaas tegayo tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel, 7-dii bishii Oktoobar.

Xafiiska raysal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa baahiyay sawirrada kulanka u dhaxeeya raysal wasaaraha iyo Xighayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken.

Wuxuu xafiisku sheegay in raysal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin uu Xogyahay Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken, kula qaadanayo aagga Kirya ee magalada Tel Aviv.

Safarka Antony Blinken ayaa waxaa uu diradda ku saari doonaa, tallaabooyin lagu dhimayo dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool marinka Qasa.

Blinken ayaa sidoo kale wadahadallo ku qaban doona Jordan, safarkiisa ayaa ku soo aadaya kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegeen inay gebi ahaanba ay hareereeyeen magaalada Qasa.

Somaliland oo jabkii Goojacadde ku macneysay wixii Israel ka raacay GAZA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay jabkii ciidankeeda lagu gaarsiiyay dagaalkii Laascaanood ee looga qabsaday saldhigii weyna ee Goojacadde.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo hortegay guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aan la macneyn karin illaa hadda sida ay wax u dhaceen, balse lagu tilmaami karo wixii Israel kaga dhacay Gaza oo kale, ee Xamaas ku gaarsiisay khasaaraha xooggan.

“Siday wax u dhaceen cidna idinka sheekayn mayso, oo wax Ilaahay qadaray weeyi oo wax la micnayn karaba maaha oo laga sheekayn karo, waa tii ka dhacday Gaza oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israel oo kun ka dilaysa, cidna isma laheyn,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ay Somaliland kaga baxday dhaqaale badan, ayada oo dagaal kasta oo dhaca ay uga bixi jirtay lacag gaadheysa laba milyan oo dollar, intii ciidanku joogay Goojacadde.

“Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag laba milyan gaadhaya, waxaan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Sacad Cali Shire.

Dabayaaqadii August ee sanadkaan, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde.

Wixii markaas ka dambeeyey waxay Somaliland waday abaabul xooggan oo ay mar kale iskugu diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato goobihii laga saaray.

Maxaa ka jira hadalka Adna Aden ee qaraxyada Somalia ee hadal haynta badan dhaliyay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar kamid ah warbaahinta gudaha Somaliland ayaa baahiyay warbixin ku saabsan dhaqtarad Adna Aadan aoo sheegtay ‘in gudaha Soomaaliya ay ka dhaceen 375 qarax muddo laba bil iyo bar gudahood ah’.

Warbixinadooda ayay qaar kamid ah warbaahintu raaciyeen hadalka Adna oo xogtaan aqrineysa.

“Dalkaan aan jaarka nahay ee Soomaaliya. ee isku keen dhereriy…waxaa ka dhacay dalkaa 375 qarax iyo dagaal,” ayay tiri Adna oo munaasabad khudbad ka jeedineysay.

Khudbadaan Adna ayaa hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada, iyada oo dad badan is weydiinayaan sida ay suuragal ku tahay in mudadaas kooban ay waxaa oo dhibaato ah ka dhici karto gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta ayaan ahayn mid nabad badan lagu yaqaano, balse waxay shacab badan oo Soomaaliyeed wax iska waydiinayaan tirada qaraxyada iyo dagaalada la xusay.

Xagee Adna ka keentay Xogtaan?

Waxay u egtahay in Adna soo xiganeyso warbixin ay baahisay hay’adda (ACLED) oo ay kaydisa dhamaan xogaha la xiriira qalalaasaha siyaasadda iyo dhacdooyinka banaanbaxyada ee ka dhaca dunida oo dhan.

Hay’adaan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa 15 kii September ee sanadkaan baahisay xog tibaaxeysa dhacdooyinka la xiriira amni daradda siyaasadeed ee ka dhacay gudaha Soomaliya laga soo bilaabo dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan.

Hay’adda ayaa warbixinteed ku tiri: “Laga soo bilaabo 22 kii July ilaa 8 dii September, ACLED waxay diiwaan galisay ku dhawaad 375 amni darro siyaasadeed ah iyo in ka badan 1,500 oo dhimasho ah oo ka dhacday Soomaaliya,”

“Amni darrada siyaasadeed ayaa kor u kacday 70% maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug bishii la soo dhaafay, marka la barbar dhigo bilihii ka horeeyay, kadib markii dawladdu si rasi ah u bilowday wajiga labaad ee dagaalka al Shabaab,”.

Amni darrada siyaasadeed ee kordheysa ayay warbixinta hay’adaan inteeda badan ku saleysay dagaalada ka dhanka ah ururka al Shabaab ee ka socda labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.

“Ciidamada amniga ayay u suuragashay inay dhimasho xoog leh gaarsiiyeen ururka al Shabaab,” ayay warbixintaan leedahay.

Qaraxyada ka dhacay gudaha Soomaaliya ayay warbixintaan sheegeysaa inay ku jiraan kuwa ay sameeyeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Tusaale ahaan 22 dhacdo oo qaraxyadaas ah ayay ku macneysay duqaymo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen Maraykanka, Kenya iyo ATMIS.

Balse waxaa lagu daray warbixintaan in ugu yaraan lix duqaymo ah ay haleeleen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

BBC da ayaa mar sii horeysay baahisay mid ka mid ah duqaymahaas oo ay ku dhintaan ku dhawaad todoba qof oo shacab ah oo mid kamid ah ay ahayd haweneey 61 jir ahayd oo buush kula jirtay shan caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd.

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay xilligaas inaan wax ka waydiino masuuliyadda duqaynta ayaa sheegtay inaysan jirin wax shacab ah oo ku dhintay duqayntooda.

Warbixintaan ayaa xustay in dhacdooyinka ugu badan ee keenay dhimashada kor u dhaafeysa 1000 ruux ay ahaayeen dagaalo fool ka fool ah oo lala galay al Shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay inay diiwaan galisay 230 dagaal oo dhacay.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda baahisay dhawaan inay in ka badan 3000 oo xubnood oo katirsan urur al Shabaab ay ku dileen dagaalada bilihii la soo dhaafay.

Meesha ugu badan ee dhimashada ay sababeen dagaaladu ay ka dhacday ayay warbixintaan sheegeysaa inay tahay gobolka Galgaduud, waxaana ku xiga dawlad goboleedka Hirshabelle.

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan xuddun u ah dagaalka lagula jiro al Shabaab, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa dadka deegaanka ayaa saldhigyo ku leh deegaano kala duwan oo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ee uu ka arrimiyo dawlad goboleedka Galmudug.

Isha: BBCSomali