26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Sheekh Umal oo usoo jawaabay Ra’iisul Wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay hadal dhawaan uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo culimada qaarkood kasoo qeyb-galeen ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in culimadu kaalintooda ka qaatan dagaalka Al-Shabaab, oo si dhameystiran usoo galaan dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga cabsan lahaa Al-Shabaab, ayna tahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladda iyo shacabka kula jiraan kooxda.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-Shabaab, aniga waxay ila tahay in aysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay haddii ay juraan culimadu qaar ka cabsanayaa in ay qaataan doorkaas, oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran ee dagaalka Al-Shabaab si furan ugula jira ee furimahana taagan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay muxaadaro Diini ah ayaa ka jawaabay hadalka ra’iisul wasaaraha, isagoo sheegay in ay dhaqan iska noqotay waayahan dambe in siyaasiyiinta ay culimada iska xag-xagtaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan arkayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in culimada aysan ka gaban ka hadalka fikirka guracan ee Al-Shabaab iyo dagaalka socda, ayna tahay in madaxda laftigooda ay u soo baxaan banaanka.

“Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Intaa saaxiga nala timaadan oo dadweynaha dhex timaadaan oo waardiyaha iska daysaan halkaa aan Al Shabaab dagaalkooda ka wada-galno oo aan isla dhimano ama isla noolaano.”

“Laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen.”

Sheekh Umal ayaa sidoo kale u qiil sameeyay cabsida ay muujinayaan culimada qaar, wuxuuna yiri “Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaanna faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha.”

Xogta odayaal loo xir-xiray colaadda ka taagan Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala ah Tugaarey iyo Gaashaale oo maalmo dhaweyd ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray saldhigga booliska magaalada Jowhar, halkaas oo ay su’aallo ku weydiinayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Nabadoon Maxamuud Ibraahin oo kamid ah waxgaradka ku baxay colaaddaas ayaa warbaahinta u sheegay in haatan ay ku guulaysteen kala qaadista labada ciidan.

“Kolley ciidamadii waa kala qaadanay kadibna waxaa la hadlay odayaasha deegaanka, wixii dhimana waa kasii wada-hadleynaa” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan xaaladda ay deggan tahay, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa xallinta xiisaddaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laal laabtay dagaal beeleedyada, waxaana haataan faragelisay dowladda dhexe oo ciidamo boolis ah gaysay gobolkaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii deegaanka Burka Dirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol dib u heshiisiin ah oo loo dhigay beelaha dagaalamay, inkastoo heshiiska kadib ay halkeeda kasii bilaabatay colaadda labada dhinac.

Israel oo iska caabin adag kala kulantay Xamaas iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

0

Gaza (Caasimada Online) – Taangiyada iyo ciidamada Israel ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.

Israa’iil ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas.

“Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.

Dagaalyahannada Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.

“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.

Saraakiisha Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

Xamza: Xamaas maaha urur argagixiso ee waa urur…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka socda Marinka Gaza ayaa taageero u muujiyay ururka Xamaaz.

Xamza ayaa waxa uu sheegay in dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas aanu ahayn urur argagixiso ah, sida ay reer galbeedka ay sheegaan.

Waxa uu ku tilmaamay urur xornima-doon ah, isagoona ku baaqay in la sameeyo xal laba dawladood oo siman, si loo joojiyo colaadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasi oo ku sheegay mid lagama maarman ah.

“Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur, haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto.”

Waxa uu adduunka ku dhaliilay sida ay u fiirsanaya xasuuqa ay wado Israa’iil, kaasi oo ay ku dhinteen kumanaan ruux oo u badan caruur iyo haween.

“Iyadoo uu aduunku daawaanayo, waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka, dhakhaatirtii, iyo weliba isbitaalkii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israa’iliyiin ah).

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka kooban 30 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 30 qodob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda iyo dagaalka socda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa lagu soo qaatay safarkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyo kulankii uu la qaatay dhiggiisa dalkaasi Recep Tayib Erdogan.

Sidoo kale waxaa looga warbixiyay bayaanka dowladda, howl-gallada u dambeeyay ee dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo guulaha ciidamada iskaashanaya ka gaareen gulufka socda.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Hooska ka aqriso

Warbixinta Toddobaadlaha

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya waxaana uu ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan marxaladda soo kabashada Soomaaliya.

3. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey inuu noqdo u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanay ahayn argagixiso, balse ay yihiin urur xornimo u dirir ah, isagoo dhanka kale ku baaqey in la dhiso dal iyo dowlad ay leeyihiin reer Falastiin.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta wax soo saarka dalka, waxaana uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha laf-dhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta.

7. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo hal bilyan oo dollar kor u dhaafaysa.

8. Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo degdeg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska sannad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, maamul hufan leh, isla markaana dhaqaale ahaan isku filan.

12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Malaysia u qaabilsan Bariga Afrika. Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

14. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqey qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhan 89 million oo Euro.

15. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mushaharkooda bishan ugu deeqay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah goboladda dalka.

16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Diinsoor bulshada ku dhaqan uga warbixiyay qorshaha qaranka ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

17. Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Moalim Fiqi ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaadey gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

18. Wasiiro ka tirsan DFS iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgaley furitaanka laanta cusub ee Bankiga caalamiga ee Ziraat Katılım ee Somalia. Bankigan laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee heerkaas ah oo dalka furo muddo ka badan 50 sanno.

19 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah safiirada iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

20. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka.

21. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay dibad-bax ballaaran oo lagu xusayay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022 magaalada Muqdisho ay ka geysatay Khawaarijta Al Shabab, kaas oo in ka badan 100 qof ay ku geeriyoodeen.

22. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey inay shaqaaleyn doonto 3,000 oo macallin oo hor leh si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada ee dalka.

23. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

24. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

25. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sannadka 2023-2024.

26. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha waddanka.

27. U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Mudane Cali Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

28. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon, iyagoo ka wadahadley kor u qaadista taageerada ciidanka.

29. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa shir gudoomiyey kulanka dar-dargelinta amniga caasimadda.

30. Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan Khawaarijta kaas oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidanku leeyihiin.

Cali Jayte oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib magacaabistii Villa Somalia

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda ayaa maanta qaaday tallaabadii u horeysay tan & markii maalmo kahor loo magacaabay xilkaasi.

Hoggaamiyaha cusub ee ciidanka macawiisleyda Cali Jayte ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Cali Jayte ayaa hay’adda ka codsaday inay hay’addu ka warqabto qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya xoreynta dalka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in garab istaaga ciidankan ay wax weyn ka tari doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda, maadaama uu bilaabanayo wajiga 2-aad ee dagaalka.

Dhankiisa guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee Macawisleyda in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee ka da’aya dalka.

Kulankan ayaa kusoo qaadayo, ayada oo haatan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kamid yihiin saameynta ka dhalatay dagaallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo uu xudun u noqday gobolkan iyo fatahaadda wabiga Shabelle.

Cali Jayte oo horay usoo noqday guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu la kulmo madaxda sare ee dalka, kadibna uu ku laabto gobolka si uu halkiisa uga sii hogaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle iyo Galmudug.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuno ku ridday Sheegow iyo askartiisa + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo ciidamadiisa, kadib markii 19-kii August ee sanadkan lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac..

Xukunada ay ridday Maxkamadda Ciidamada ayaa isugu jiro dil, mag iyo sanado xabsi ciidan ah.

Halkan hoose ka akhriso:-

1-Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed)

Waxa uu ahaa taliyaha kooxda Sheegow ka bar-bar dagaalamaysay, waxa uuna February Sadax iyo Tobankeedii Sanadkan ku dilay Jowhar maxkamad ku taal laba Eedeysane oo xilligaas tabasha kala dhexeysay, waxa ayna kala ahaayeen, Cabdifitaax Cabdullaahi Cali & Maxamed Ismaaciil Xasan, sidaas darteed ayaa loogu xukumay Dil-toogasha ah, waxa uu Sidoo kale qayb ka ahaa weerar ay Ciidamada Amniga kala hor tageen koox uu taliye u ahaa oo Gabaad ka helay Sheegow.

2-Sheegow Axmed Cali, hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sideed iyo toban kamid ah kooxda uu horjoogaha u ahaa Sheegow ayay Maxkamadda ku xukuntay min Lix-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo in ay bixiyaan Magta labada Marxuum Ee kala ah (Cabdi Axmed Shiiraar & Axmed Xasan Axmed), Waxaa Sidoo kale lagu xukumay bixinta xaq siinta lix Askari oo dhaawacantay.

  1. Xasan Cali Maxamuud.
  2. Saleeban Ahmed Cali Nuur (Baardees).
  3. Cabdirisaaq Aadan Cali.
  4. Axmed Cabdulle Abuukar.
  5. Xuseen Cismaan Xuseen.
  6. Maxamed Cabdulkadir Caamir.
  7. Xasan Maxamuud Cusmaan.
  8. Axmed Maxamed Cabdullahi.
  9. Abuukar Cilmi Jeelow.
  10. Axmed Abuukar Xaaji.
  11. Maxamed Cali Abuukar.
  12. Daahir Maxamed Cabdi.
  13. Cabdullahi Xasan Aweys.
  14. Saciid Cabdullahi Cabdi.
  15. Yuusuf Maxamed Aadan.
  16. Cabdiraxmaan Ibrahim Xasan.
  17. Cali Abuukar Axmed.
  18. Cabdiqaadir Maxamed Xasan.
  19. Cabdiraxmaan Ibraahim Baashow (Marshaale). Iyo 22. Maxamed Abuukar Cabdullahi, labadaba waxa ay ahaayeen kuwii dhaca gaystay ee uu ka bilowday Gacan ka hadalka, waxaana loo xeray sadax iyo tobankii August ee sandkan iyaga oo dhac u gaystay dhibanayaasha kala ah, Xasan Axmed Xasan & Ciise Cali Muuse, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah iyo in loo celiyo Mobile-ladoodii.

22.Maxamed Cabdi Deeqow(Agaasimaha), waxa uu ahaa maal geliyaha kooxda, waxaana laga helay xeriirka telefoon kiisa ka shaqaynta raadka la qabtay ee ahaa Daabicista Dollarka Madow, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukun sanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

R/W Xamza oo si adag uga hadlay qaddiyada Falastiin: Xamaas maahan argagixiso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, ayna goobjoog ahaayeen culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan xasuuqa ay ciidamada Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Xamza ayaa caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee dagaalkaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday Xamaas aysan aheyn argagaxiso, ayna garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Xamaas argagixiso ma ahan waa urur xoreynayo dalkooda, waana inaan si buuxda ugarab istaagno” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu su’aallo ka keenay sababaha ay dowladaha waa weyn iyo kuwa ud doodi jiray xuquuqda aadana ay uga aamusan yihiin illaa iyo hadda dhibaatada Falastiin.

“Aaway dadkii xuquuqda bani’aadamka ilaalin jiray?, aaway kuwii u dagaalami jiray carruurta? aaway kuwii haweenka u dagaalami jiray? aaway xaeegge aadeen? ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu yiri “Falastiiniga muslimka ah wuu dhintay, midka Yahuudiga ah ee muctadiga ah ee kusoo duulay ee gurigooda fadhiya waa la dilay miskiinkaas ayaa la leeyahay. Maanta inkastoo xanuun badan ina hayo annaga, haddana waxaa waajib ah inaanan hilmaamin waxa ka jira Falastiin”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay weligeed Qudus u aqoonsanaan doonto caasimada Falastiin, ayna kasoo horjeedo boobka Israel.

“Ma aqbaleyno, kamana tanaasuleyno dowladda Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus, weligeyn kama tanaasuleyno, waa inay dadka muslimiinta u duceeyaan walaaladaas” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka haatan ka jira waddamada islaamka, isaga oo carabka ku dhuftay in la’isku mashquuliyo, laguna dhex aasay kooxo Khawaarij ah.

Caalamul islaam waxaa la dhigay in la’isku diray oo Khawaarij isku mid ah loo soo diray oo qolo walba gudahood la’isku mashquuliyay oo la cadaabay ayaa waxaa naka gaarsiiyay in naloo fasiro maanta oo sanka nagala mar marinaayo Xamaas waa argagixiso ma aqbaleyno, mana dhaheyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ra’iisul wasaare Xamza.

DF oo amar kusoo rogtay shirkadaha iyo hay’addaha Muqdisho ku haysta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo hay’addaha hubka ku dhex haysta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxa shirkadahaas iyo hay’addaha lagu amray in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo diiwaan-geliyaan hubka ay haystaan.

Wasaaradda ayaa waxay u qabatay dhamaan shirkadaha iyo hay’adaha hubka ku dhex haysata caasimadda in muddo ku siman laba asbuuc ah isku soo diiwaan-geliyaan, xilli hore dowladda qaaday tallaabooyin hubka culus loogu mamnuucayo magaalada.

“Xafiisyada ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargelinaynaa in aad nagala shaqeysaan in hay’adaha iyo shirkadaha ka shaqeeya amiga iyo xarumaha gaarka loo leeyahay in ay soo diiwaan-galiyaan hubka ay heystaan maddo 15 maalmood gudaheed oo ka bilaabanaysa 01/11/2023,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga.

Amarkan ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya cid kasta oo hub ku dhex haysata gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, sida ka muuqata qoraalka wasaaradda amnig gudaha.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda dadaal badan ku bixineyso amniga caasimada, iyada oo hore looga mamnuucay in Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus iyo weliba ilaalida fara badan ee masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta.

Ciidanka dowladda oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta colaadda Sh/Dhexe

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda ee dhawaan loo xil saaray colaadda ka soo cusboonatay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qaaday tallaabo cusub oo meesha looga saarayo dagaalada beelaha walaalaha ah.

Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo uu arrintaan u xil saaray taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, una diray deegaano hoos yimaada degmada Cadale, ayaa kala dhex-galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray halkaasi.

Ciidanka oo gaaray dhamaan tuulooyinka iyo deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen, ayaa halkaasi ka sameeyay hub ka dhigis.

Ciidanka ayaa aruuriyay hub laga qaaday qaar kamid ah maleeshiyadii ku dagaalamay deegaanadaasi, ayada oo taliyaha Daraawiishta Booliska, Sareeye Guuto Cabdulahi Mire uu dadka ku dhaqan deegaanadaasi ku amray in aan la aqbali karin in wax hub ah lagu qaato deegaanadaasi.

Taliyaha oo goobo fagaare ah kula hadlay dadweynahay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cidii ku xad-gudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amran yihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan, lagana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda deegaanadii ay ku dagaalameen dhinacyada au caadi ku soo laabtay, iyada oo lagu amray in dadku is dhex-maraan, islamarkaana is nabad-galiyaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan si adag uga hadashay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, iyadoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saartay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay qorsheynayso in dhawaan uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, ayada oo heer geba-gebo ah uu marayo wejiga hore ee dagaalka oo deegaano iyo degmooyin badan lagu xoreeyay.

QM oo sheegtay in SSC-Khaatumo u aqoonsaneyn dowlad goboleed + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay sheegtay in SSC-Khaatumo u aqoonsaneyn dowlad-goboleed rasmi ah, xilli dhawaan ay dowladda federaalka shaacisay inay aqoonsatay maamulka KMG ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aysan si toos ah u aqoonsaneyn.

Waxay ka dhawaajisay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yaallo dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana tallaabadii ay dhawaan qaaday dhawaana aysan ka dhigneyn in rasmi ahaan loo aqoonsaday maamul goboleed.

“Dabcan Qaramada Midoobay si toos ah uma aqoonsana maamul goboleed, waxa uu go’aankaasi u yaalla dowladda federaalka Soomaaliya, aniga sidaa u fahmay ayaa ah in aan loo aqoonsan maamul gaar ah,” ayey tiri Catriona Laing oo ah Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Catriona ayaa dhinaca kale waxay ugu baaqday SSC-Khaatumo iyo Somaliland in ay ka baaqsadaan dagaal kale oo dhaliya khasaare horleh, islamarkaana ay galaan wada-hadallo xal nabadeed lagu gaarl, sida ay hadalka u dhigtay.

“Midda labaad ayaa ah in labada dhinac aysan isla galin dagaalo kale, ugu dambeyna labada dhinac in ay isla galaan wada-hadalo dhanka nabada ah, taasi oo soo keeneysa.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqday shacabkii ka barakacay dagaalka Laascaanood in ay dib ugu laabtaan magaalada, si bey tiri ay markale ugu soo dhisaan noloshooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo dhabaha u xaareysa noqoshada maamul rasmi ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Ciidanka Danab Puntland oo cadeeyay mowqifkooda, kadib go’aannadii Isimada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland.

Taliska ayaa ugu horreyan soo dhaweeyay go’aannadii ay soo saareen Isimada Dhaqanka oo ku taliyay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, lana soo xulo 66-da xildhibaan, ayaga oo sheegay in aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah lagana rabo maamulka cusub.

“Taliska ciidanka kumaandooska Danab Puntland wuxuu soo dhaweynayaa go’aannada kasoo baxay shirkii Isimada Dhaqanka uga socday caasimada Garoowe, kuwaas oo ay u arkeen inay yihiin xalka kaliya ee looga baaqsan karo amni darro iyo fowdo ka dhacda dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaanka ciidanka Danab Puntland.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray inuu aqbalay go’aannada ay qaateen Isimadu, ayna u arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisadda ka taagan Puntland.

“Waxaan bulshada reer Puntland iyo daneeyeyaasha siyaasadda gobolka u caddeyneynaa inaan aqbalnay go’aannada Isimada, ayna yihiin (Guddoon Isimo” ayaa lasii raaciyay.Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri ” Isimadu waxaa marjaca udub dhexaadka u ah dhismaha, nabadda, degenaanta iyo Ummadda reer Puntland”.

Ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen inay taageeraan bayaanka kasoo baxay Isimadooda.

Ugu dmabeyn wuxuu talisku ka digay in Puntland la geliyo firaaq dastuuri ah, taas oo uu sheegay inay ka dhalan karto amni darro, fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.

“Waxaan uga digeynaa inay ka tanaasulaan cid kasta oo ku howlan sidii dalka loo gelin lahaa firaaq dastuuri ah, taas oo keeni karto qalalaase siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka Danab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo madaxweyne Deni uu ku gacan seeray go’aannadii xalay kasoo baxay Isimada wuxuuna ku adkeystay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay ZOOBE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax saaka ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa miino, sida ay innoo sheegeen dad goobjooogayaal ah.

Miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray goob ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacantay hal qof oo dumar ah oo meesha ka dhaweyd, taas oo loola cararay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, waxayna gacanta ku dhigeen dhowr qof oo tuhmanayaal ah.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay illaa iyo hadda laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka gaadiid iyo goobaha ganacsiga ee isgoyska Zoobe.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo miino, waxaana ay ahayd Arbacadii shalay oo ay ciidamada ammaanka ka hortageen qarax miino oo la dhigay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, qarax ka dhacay Zoobe ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib, ayada oo bishii hore ee October la xusay qaraxyadii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay halkaasi.

Saciid Deni oo jawaab kasoo saaray go’aankii Isimada ee doorashooyinka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay xalay gaareen Isimadda Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ee ku aadan khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da xubnood. Hoos ka aqriso jawaabta Deni

WAR-SAXAAFADEED

Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada.

Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay’ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda.

PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.

Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.

Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah.

-DHAMMAAD-

Dal Carbeed oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah duullaanka Israel ee Gaza

Amman (Caasimada Online) – Dowladda Jordan ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirkeedii u joogay Israel, kadib markii ciidamada Israel ay ballaariyeen hawlgaladooda Marinka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa lagu sheegay in Amman ay danjire Ghassan Majali ku wargelisay in dalkiisa uu dib ugu soo laabto.

“Sidoo kale waxaan Israel ku wargelinay inaysan dib u soo celin safiirkeeda oo hore uga tegay Jordan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kusoo celinta safiirada boosaskooda ay ku xiran tahay in Israel ay joojiso duulaankeeda Gaza.

“In Safiirkeennu uu dib ugu laabto Israel, waxay la xiriiri doontaa joojinta duulaanka Gaza iyo in la soo afjaro masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza ee ka dhalatay weerarada Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Tallaabooyinka Israel ee Gaza, waxay keentay in shacabka Falastiiniyiinta ay waayaan xuquuqdooda cunto, biyo, dawo iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay noolaadaan.”

Jordan ayaa ka digtay in dagaalkan uu horseedi karo in colaadda ay ku fiddo Bariga Dhexe oo dhan iyo qalqal ku yimaada ammaanka iyo nabadda caalamiga ah.

“Dagaalkani waxaa ku dhimanaya dad aan waxba galabsan, wuxuuna sababay masiibo bani’aadantinimo oo aan hore loo arag. Dagaalkani wuxuu halis gelinaya in colaaddu ay baahdo, taas oo khatar ku ah amniga gobolka oo dhan iyo ammaanka iyo nabadda caalamiga ah,” ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan.

Mowqifka Jordan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, balse go’aankeedaan oo keliya aanu waxba ka tari karin in Israel ay joojiso dadka rayidka ah, ee ay ku leynayso Marinka Gaza.

Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israa’iliyiin ah). 

IMF oo DF Soomaaliya u ogolaatay $100 milyan kadib heshiis culus oo la gaaray

0

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.

War-saxaafadeed ay Arbacadii soo saartay IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan.

Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo dollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.

IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi bishii September, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.

Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF.

“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay.

Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.

VOA

Isimada Dhaqanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray khilaafkii doorashooyinka

Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da Xubnood.

Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii waddo.

Go’aanka Isimada ayaa dhabar-jab xooggan ku ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo doonayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo mucaaradka ay u arkaan isku day si dadban loogu raadsanayo muddo kororsi.

Tallaabada Deni ayaa marar badan hoggaamisay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana mar kale laga cabsi qabaa dagaal ballaaran, ayada oo mucaaradka ay ku jiraan hub urursi.

Doorashooyinka Puntland ayaa waqtiyeysan 8-da Janaayo 2024, balse uma muuqato in Deni waqtigaas ku qaban doono.

Hoos ka aqriso bayaanka Isimada

Wararkii ugu dambeeyey ee abaabulka DAGAAL ee ka socda K/Galbeed + Video

0

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay galab gaaray magaalada Qansaxdheere ee gobolka Bay, halkaas oo abaabul dagaal uu ka socdo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha ku wehgliyey safarka ay ku tageen magaalada Qansaxdheere.

Madaxweynaha ayaa fagaaraha magaaladaas kula hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in halkaas uu u tegay abaabulka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ujeedka safarkeena wuxuu ahaa dagaalka Khawaarijta, waxaa tihiin shacab adkeysi badan, waa ku soo samirteen dhibaatooyinkii idinka soo gaaray cadowga, ciidamada amnigiina gacanta ku haya ee cadowga idinka hor taagan waan abaalmari doonaa,” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa dadka reer Qansaxdheere faray inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo halkaas ay u tageen, kaas oo dhawaan ka bilaaba doona koonfurta Soomaaliya.

“Shacabku waxa ugu yar oo ay ka qeyb qaada karaan waa qorshaha la iskugu furayo wadooyinka Baydhaba iyo Qansaxdheere oo hadda u go’aan cadowga, sidoo kale ATMIS iyo ciidamada kale ee ka socda Itoobiya ayaa nagala qeyb qaada doona howlgalka bilaabanaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen

Madaxweynaha K/Galbeed iyo wasiirka gaashaandhigga XFS ayaa muddooyinkaan abaabul dagaal ka wada magaalooyinka xorta ah ee gobollada Bay iyo Bakool.

Dhawaan masuuliyiintaan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay degmada Xudur ee gobolka Bakool, si loo qiimeeyo abaabulka dagaalka ee ka socda gobolkaas, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh xiligaas warbaahinta u sheegay inuu u tegay dad u diyaarsan inay iska xoreeyaan Argagixisada.

Hoos ka daawo Laftagareen

Israel oo iska caabbin adag kala kulantay Xamaas

0

Gaza (Caasimada Online) – Taangiyada iyo ciidamada Israel ayaa Khamiistii u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.

Israa’iil ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas.

“Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.

Dagaalyahannada Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.

“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.

Saraakiisha Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

VOA + Reuters.

Daawo: Suldaan Mowliid oo war culus kasoo saaray ganacsatadii Saleebaan looga dilay Dhuusamareeb

0

Cadaado (Caasimada Online) – Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac ayaa ka hadlay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleebaan.

Raggaas ayaa la aaminsan yahay in loo dilay aanoo-qabiil oo ka dhaxeysa beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir oo ka taagan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Maalmo ka hor ayaa deegaankaas lagu dilay labo nin oo ka soo jeeday beesha Cayr, dilkaas ayaa la aaminsan yahay inuu sababay dilkii ka dhacay gudaha Dhuusamareeb, inkastoo aan lasoo qaban raggii geystay dilka, kuwaas oo gaari uga baxsaday goobta.

Suldaan Mowliid ayaa hadalkaan ka jeediyey qabuuro ku yaalla degmada Cadaado oo meydka labada marxuum lagu aasay, wuxuuna codsaday in lasoo qabto raggii gudaha Dhuusamareeb aanada qabiil ugu dilay labada nin ee aan waxaba galabsan.

“Dowladda iyo maamulka caasimada waxaa laga rabaa in raggii dadkaan dilay ay soo qabtaan, mid mid ayaa loo yaqaan, dadkaa waa inay cadaaladda maraan, ragaan la dilay waxay ahayeen masaakiin aan weligood cidna dulmin,” ayuu yiri Suldaanka Saleebaan.

Wuxuu u mahadceliyey ganacsatada Dhuusamareeb oo maanta diiday inay ganacsiyadooda furan, isla markaana sameeyey banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilkii loo geystay labada wadaad ee ganacsatada ahaa.

Suldaanka ayaa farriin u diray dadka kale ee ka soo jeeda beesha Saleebaan isagoo yiri “Ragga aan maanta aasnay waa ahlu jano, kii dilay isaga ayaa dhib qaba ee yaan loogu aarin dadka idin dhex jooga, ha idinka nabad galaan walaalihiin, dadku waa walaalo, waana islaam, waxaan idinka codsanayaan inaan la fududaan.”

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa odayaasha dhaqanka ku dhaliilay hadallada qalafsan ee warbaahinta ay isku marinayaan “Nabad ayaan ku baaqeynaa, waxaa na deeqda nabad,” ayuu yiri Suldaanka beesha Saleebaan Suldaan Mowliid Axmed.

Hoos ka daawo