27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: DF oo go’aan culus ka gaartay dagaallada qabaa’ilka, farriina u dirtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Ugu horeyn wasiir Fiqi ayaa is dul taagay meelaha ay shaqaaqooyinka qabaa’ilku ka dhaceen muddooyinkii u dambeeyey, isagoo ku bilaabay dilkii xalay Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday Cadaado, taas oo aad looga xumaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, balse uu jiro qorshe la doonayo in lagu fashiliyo, isagoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

“Fal kasta oo aano qabiil la xiriira inta ay socdaan dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta waxay dowladda Soomaaliyeed u aqoonsan tahay in Shabaab ay ka dambeeyaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dowladda federaalka ayaa farriin u dirtay maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Puntland oo deegaanada ay ka taliyaan ay saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal iyo dagaalo toos ah oo salka ku haya aanooyin qabiil.

“Seddax maamul waxaan ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu heshiisiinayo dadkaas walaalaha ah, dowladda federaalkana waxay diyaar la tahay gacan kasta oo looga baahdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dilkii ugu argagaxa badnaa ayaa xalay ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, kadib markii ay rag hubeysan dileen labo ganacsade oo aad looga jeclaa magaalada, kana soo jeeday beesha Saleebaan, ragga dilka geystay in kastoo aan la qaban, hadana waxaa la tuhunsan yahay inay Cayr yihiin.

Cayr dhexdiisa ayaa isla xalay labo kale isaga dilay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhanka Mudug, waxaa ku dagaalamaya oo dad badan iska dilay labo jufo oo ka soo wada jeeda beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen.

Dhanka Shabeellada Dhexe, waxaa aad isugu laayey oo xitaa guryo badan iska gubay labo jifo oo ka soo wadajeeda beesha Harti-Abgaal, kuwaas oo hadda lagu guuleystay in ciidan la kala dhexdhigo.

Hoos ka daawo Wasiir Fiqi

Maxay uga dhigan tahay dagaalka socda tallaabada uu qaaday Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cismaan, magacaan dhowr jeer ayuu kusoo baxay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Laakiin xilligaas waxay u badan tahay in uusan dhan-dhan ku sameyn, balse marka uu Cali qoriga qaatay go’aansadeyna inuu argagixisada ka saaro Hiiraan, qiimaha xilkiisa iyo Cali qof ahaantiisaba waa ka dhaadhaceen.

Marka laga tago dowladda federaalka ah, Cali Jeyte wuxuu haysta diiwaanka siyaasiga ugu mayalka adkaa ee abid wajaha argagixisada. Wuxuu halkaan kaga sareeya dhamaan madaxda maamul goboleedyada iyo ragga madaxda ka ah gobollada gaarka ah.

Cali Jeyte wuxuu si aan muran ku jirin argagixisada uga saaray bariga gobolka Hiiraan, wuxuuna ku guuleystay inuu reerkiisa ku mideeyo dagaalka.

Cali-gii shalay madaxda ka ahaa gobolka Hiiraan ayaa maanta arkeysa isaga oo heer federaal ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan u magacaabay Cali Jeyte wakiilkiisa ciidanka difaaca dadweynaha, ama sida ay dadku badi u yaqaanan ciidanka Macawisleyda.

Ciidanka Macawisleyda waxaa kiciyay dareen umadeed iyo mid deegaan, kadib markii argagixisada iskugu dartay dil iyo dhac. Waqti fog Macawisleyda ma laheyn hoggaan ay ku mideysan yihiin, ma haysan xuquuq, mana ka dagaalami jirin aaggag mideysan.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dhawaan ku guuleysatay inay qorshe maaliyadeed u sameyso ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisley.

Waxaa socota diiwaan-gelintooda, wararka aan helayno waxay sheegayaan in illaa 5 kun hadda la diiwaan-geliyay qorshuhuna yahay in la gaarsiiyo 10 kun iyo ka badan.

Xuquuq ayaa loo bilaabay, waxaana jira qorshe lagu qarameyn doono mustaqbalka marka laga adkaado argagixisada.

Cali Jeyte ayaa hadda madax u ah Macawisley oo dhan. In hoggaan loo sameeyo waxaa laga faa’iidi doona howl-gallo mideysan, in xuquuqdooda sugnaato, iyo in daryeel loo helo kuwooda dhaawacma iyo agoontooda.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh masuuliyadda uu u magacaabay Cali Jeyte waxay ka marqaati kaceysa inuu weli madaxweynaha daacad ka yahay hadafka dagaalka, inuu qirsan yahay kuwa u qalma inay ciidanka hoggaamiyaan iyo inuu gartay ahmiyadda uu Cali Jeyte u leeyahay marxaladda la joogo.

Bilaha soo socda ee November iyo December waxay noqon doonaan kuwo qaas u ah dadka ku nool gobollada dhexe ee Soomaaliya, oo waxay u badan tahay in argagixisada lasoo dhaafin doono gobolladaasi, sida laga soo xiganayo saraakiil amni.

Marka laga hadlayo ciidanka Macawisleyda, dadka Soomaalida waxay qabaan kalsooni badan oo ku saabsan natiijada dagaal ee ciidankaas, halka argagixisada ay aad u neceb tahay maadaama ay marar badan dharbaaxo adag kala kulmeen.

Xasan Sheekh oo war ka soo saaray geerida Madaxweynihii hore ee Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door weyn ka soo qaatay samata-bixinta iyo hormarinta bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan dadka Sooomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina xalay ayuu geeriyooday.

Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo, wuxuu ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumka ayaa xusay qeybo muhiim ah oo ka mid ahaa taariikh nololeedkii Marxuum Caalin.

“Marxuum Caalin waxuu ahaa masuul Qaran oo dalkiisa iyo dakiisa duruufo adag ugu soo shaqeeyay. Todobaatameeyadii asagoo ahaa sarkaal ka tirsanaa heyaddii sirdoonka Qaranka ee NSS waxuu howl sirdoon oo culus oo laguna abaal mariyay ka soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, horaantii dagaalkii 77dii,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Qoraalka Mr. Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxuu marxuum asagoo gudanaya waajib Qaran ku joogay magaaladaas muddo dhowr sano ah asagoo jilayey miskiin ka mid ah dadka tuugsada. Si uu Qaranka ugu keeno xog sugan oo la xiriirta istiraatiijiyadda ciidan ee Itoobiya, cududooda iyo dhaqdhaqaaqooda intaba.”

DF oo maanta furtay mashruuc ballaaran oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taageero farsamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maal-galinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kala duwan oo maanta ugu dambeyn dhaqangalay.

Waxaa kale oo wasiirka uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda dowlad-goboleedyada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud oo magaca wasiirada dowlad-goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa shirkaan hadal ka jeediyay Ku-simaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maal-galinaya.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Marinka GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Warbaahinta Masar iyo illo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah laga soo daad-gureeyay marinka Gaza ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka Masar.

Tallaabada ayaa timid iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar garwadeen ka tahay oo ay wada gaaren Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israel ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Dadka lasoo daad-gureeyay ayaa lagu daabbulay gawaarida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah.
Sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Masar, Israel iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka go’doonsan.

heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan.

Isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray Gaza mar kale Arbacadii, sida ay sheegtay shirkada bixisa adeegga isgaarsiinta Gaza ee Paltel.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay ka gudbi doonaan xadka Rafah maanta.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo fashiliyay qarax ay Al-Shabaab ku diyaarisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab ku doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimadda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay fashiliyeen qaraxan miino oo ay kooxda ku dhex diyaariyeen weelka kululaysada loo yaqaan.

Kuleylisada lagu soo diyaariyay qarax ayaa waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo dhigeen Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidanka Xasilinta Caasimada ee waaxda kordamac Degmada Deyniile, sida lagu yiri qoraalka Booliska.

“Qaybta Miino Baarka Boliiska ee MBB-yada, oo goobta gaaray ayaa fashiliyay dhagartii Khawaarijtu la damacsanaayeen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

QM oo dalab culus kasoo saartay khilaafka DF iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa soo saartay dalab cusub oo la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Catriona ayaa waxay ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni in ay isku tanaasulaan, si hore loogu sii socdo hanaanka dowlad dhiska.

Waxay sheegtay in wada-hadal gaar ah la yeelatay madaxweyne Saciid Deni, ayna kala hadashay in tanaasul la muujiyo si meesha looga saaro khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

“Waxaan wada-hadalo la qaatay madaxweyne Deni, si aan ugu dhiirri-galiyo isaga iyo dowladda federaalka in ay helaan meel ay isugu tanaasulaan, maxaa yeelay lama dhameystiri karo dastuurka dalkan, haddii dhulkaasi (Puntland) uu maqan yahay,” ayay tiri ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ku boorisay labada dhinac inay horey u socdaan iyada oo la fiirinayo danta labada dhinac ee Puntland iyo tan dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

Hadalka Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya, xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ka maqan yahay Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu go’aamiyay arrimo masiiri ah.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan sheegtay in aysan Puntland ku qasbi doonin in ay qeyb ka ahaato heshiiskii 27-kii May ay gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Waxay sheegtay in Puntland oo dhawaan si adag uga hortimid heshiiskaas, ay dibadda ka joogi doonto nidaamkaan doorasho ee dowladdiisu qaadatay.

Madaxweyne Deni oo isna dhawaan ka hadlay arrintaas ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano cusub la wareegay + Sawirro

0

Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Bakool oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxayna ku gaareen deegaano horleh oo hoostaga degmada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay kamid yihiin Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-kojoor, Ceelgaras iyo meelo kale.

Abbaanduulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa hoggaaminayay howlgalka ciidanku fuliyeen, waxaana tuulooyinkaas ka socda baaritaan amni xaqiijin ah.

Sidoo kale wuxuu abaanduuluhu sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Xudur, si looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale la kulmay dadka deegaanka, waxayna ka codsadeen inay kala shaqeeyaan amniga, maadaama la xoreeyay dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo rogaal celis ah ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab ee laga fara maroojiyay deegaanadaasi.

Bakool ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo la filayo in xudun ay u noqoto magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Dhowaan magaaladan waxaa tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwyene Laftagareen ujeedkana wuxuu ahaa dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxayna inta badan go’doon gelisay magaalooyinka maamulkaas oo ay ugu horreyso Baydhaba.

CC Shakuur oo bogaadiyay arrintii ay sameeyeen ardayda Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaja bani’aadanimada ayaa aad u boggaadiyay ardayda ku sugan Dhuusamareeb oo maanta dhigay isku soo baxa ay ku muujinayaan sida ay ugu xun yihiin dilkii xalay magaaladaasi loogu gaystay Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ardaydu ay saameeyeen tallaabo ku dayasho mudan oo ku aadan in laga dhiidhiyo falkii foosha xumaa ee lagu dilay labadaasi marxuum.

“Waxaan bogaadinayaa hablaha ardayda Dhuusamareeb ee ka dhiidhiyey (act of defiance) falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay gudaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ganacsato aan danbi galabsan” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray qaybaha kale ee bulshada, sida culima u diinka, dhalinyarada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo haweenka, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan dareenkooda, ayna ka qayb-qaataan sidii looga hortagi lahaa falkaasi.

“Waxaan ku dhiiragelinayaa qaybaha kale ee bulshada rayidka deegaanka sida; culimada, dhallinyarada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo haweenka in ay iska kaashadaan abaabulka kacdoon looga dhiidhinayo fal danbiyeedkii foosha xumaa ee xalay Dhuusamareeb ka dhacay iyo sidii laamaha amniga loogu soo gacan-geli lahaa gacan ku dhiiglayaashii danbiga gaystay” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yir Xildhibaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ay ahaayeen rag waxtar u leh bulshada, ayna tahay wax laga xumaado dilkooda.

“Labada ruux ee la dilay waxay ka mid ahaayeen bulshada rayadka degaanka, mana jirto cid aad ugu danaynaysaan ee sida uu Ilaaheey quraankiisa ku sheegay, waxaad ka hortegaysaan fitno aan ku ekaan doonin kuwii dulmiga gaystay. ‎وَٱتَّقُواْ فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمْ خَآصَّةً ۖ وَٱعْلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Warsame.

Dhacdadan ayaa sare usii qaadi karta dagaal beeleedyada haatan kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug, inkastoo ay soo baxayaan baaqyo loo dirayo beelaha dagaalamay.

SOMALILAND oo toogasho ku fulisay 5 QOF + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta ciidanka ammaanka ay toogasho ku fuliyeen illaa 5 nin oo horey dilal uga geystay deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo horey xukun maxkamadeed loogu ridday.

Toogashada ayaa dhacday xabsiga weyn ee Mandheera, halkaas oo ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadweyne kale.

Shanta qof ee la toogashada qisaasta ah lagu fuliyey ayaa kala ahaa 1-Ayaanle Axmed Ismaaciil, 2-Cabdirashiid Maxamed Askar, 3-Liibaan Khadar Aadan, 4- Xamse Cali Ismaaciil, 5- Xuseen Carab Muuse oo dhammaan lagu eedeeyay inay horay dilal u gaysteen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay toogashada saaka lagu fuliyay shanta nin.

“Waxaan idinla socodsiinayaa in aan maanta oo ay taariikhud tahay 1-11-2023 abaaro 7:30 subaxnimo dil toogasho ah lagu fuliyay degmada Abdaal, gaar ahaan Mandheera shan maxbuus kuwaas oo kal ah: 1- Gacan ku dhiigle Ayaanle Axmed Ismaaciil 2-Ganac ku dhiigle Cabdirashiid Maxamed Askar 3-Gacan ku dhiigle Liibaan Khadar Aadan 4-Gacan ku dhiigle Xamse Cali Ismaaciil 5-Gacan ku dhiigle Xuseen Carab Muuse” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu xeer ilaaliyuhu intaasi ku daray in fulinta qisaastan ay u mareen sida ay qabto shareecada islaamka iyo qodobada xeerka ciqaabta ee ay ku dhaqanto Soomaalida.

“Fulinta qisaasta waxaa loo cuskaday si waafaqsan shareecada islaamka aayadaha 178, 179 Suuratul Baqara ee Qur’aanka kariimka ah iyo qodobada 434 XCG iyo 246 XHC” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland,’

Dhammaan xubnaha la toogtay ayaa waxaa toogashadooda saxiixay madaxweyne Muuse Biixi, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale mas’uuliyiinya goobta ka hadashay ayaa farriin adag u diray dadka dambiyada ka geysta magaalooyinka maamulkaas, iyaga oo shaaca ka qaaday in cid weliba oo dil geysata cadaalada la marin doono islamarkaana la geynayo tiirka toogashada.

Si kastaba, Somaliland ayaa horey sidan oo kale toogasho uga fulisay deegaannadeeda, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-kaii xabsiga Mandheera loogu toogtay lix nin oo lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen maamulkaasi.

Laba qof oo xalay lagu dilay Matabaan + Sababta

0

Matabaan (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay laba qof oo shacab ahaa loogu gaystay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Cabdi iyo Gallad Cabdi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuum Faarax Cabdi ayaa horay usoo noqday guddoomiyihii dhalinyarada ee degmada Matabaan, halka Gallad uu isna kamid ahaa dadka deggan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin qabiil oo ka taagan deegaano dhaca xadka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la wadaago gobollada Hiiraan iyo Galgaduud iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxaya mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan dilka loo gaystay labadaasi marxuum.

Dhacadan ayaa kusoo aaday saacada uun kadib markii xalay sidaan oo kale magaalada Dhuusamareeb aano qabiil loogu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb.

Falkan ayaa sidoo kale dhaliyay caro dadweyne, waxaana dibadbaxyo ay ka billowdeen caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dibadbaxyo ka billowday Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dibadbaxyo ballaaran ay ka billowdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, ayaga oo kasoo horjeedo dilkii xalay halkaas oo loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato, kuwaas oo dilay aano qabiil darteed.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaaladda la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka loo gaystay labadaas marxuun oo caan ka ahaa deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi , si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad loo soo xirxiray dhacdadan, iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in sidoo kalena gaadid la qabtay.

Axmed Shire Falagle oo ah lataliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday inay u arkaan mid lagu xagal daacinayo dagaalka ay dowladda federaalka iyo Galmudug ay kula jiraan Al-Shabaab.

“Galmudug waxay haatan ku jirtaa dagaal ahli ah, waxay kula jirtaa Khawarijta, cid kasta oo xagal daacineysaa waxay noo tahay bartilmaameed” ayuu yiri Falagle

Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Xuutiyiinta oo ku biiray dagaalka GAZA, weerar gantaallo-na ku qaaday Israel

Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Talaadadii wacad ku maray weeraro dheeri ah oo ka dhan ah Israel, haddii ay sii waddo dagaalka ka dhan aha Xamas ee Gaza, ayaga oo sheegay inay mar horeba ay diyaarado drone ah iyo gantaallada basllitic-ga ah ku weerareen Israel.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen… waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan duqaymaha tayada leh ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, illaa ay ka joogsanayaan gardarrooyinka Israel,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay TV-gooda Al-Masirah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta ay “tiro gantaallo ballistic ah oo baaxad leh… iyo tiro badan oo diyaarado hubaysan ah ay u direen” dhanka Israel Talaadadii.

Waxay sheegaan inuu ahaa hawlgalkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo ay la beegsadaan Israel tan iyo markii weerarka Gaza uu billowday 7-dii October kadib markii dagaalyahannada Xamas ay qaadeen weerarkii ugu xumaa ee lala beegsado Israel.

Goor sii horreysay militariga Israel ayaa sheegay in “diyaarad cadow ay soo gashay” hawada magaalada Eilat, ee ku teedsan badda cas, ayaga oo goor dambena sheegay in dhexda laga qabtay gantaallo lagu soo weeraray Israel.

“Dhammaan halisaha hawada waxaa lagu qabtay meel ka baxsan dhulka Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka militariga Israel.

Abdelaziz bin Habtour, oo ah Ra’iisul Wasaaraha dowladda Xuutiyiinta, ayaa Talaadadii sheegay inay “qayb ka yihiin tiirka iska caabinta” ee ka dhanka ah Israel, oo ay ku jiraan kooxaha Tehran ay taageerto ee Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayna ku dagaalamayaan “hadallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

“Waa hal tiir, waxaana socda isku xirnaan, qol hawlgal oo wadajir ah, iyo talis wadajir ah oo ka dhaxeeya dhammaan hawlgalladan,” ayuu yiri.

“Ma ogolaan karno in cadawgan Sahyuuniyadda ah ee kibirka badan uu dadkeena laayo.”

Xuutiyiinta ayaa caasimadda Yemen ee Sanca iyo qeybo badan oo dalka ka mid ah qabsaday 2014-kii

Dowladda Mareykanka ayaa jawaab taxaddar leh ka bixisay hadalka Xuutiyiinta. “Cid kasta oo ku fakareysa inay ku biirto dagaalkan, ma ahan inay sidaas sameyso,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Matthew Miller oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa xaqiijiyay in Israel ay soo ridday gantaal riddada dhexe ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta.

“Sida aan horay u sheegnay, waxaan rabnaa inaan ka hortagno dagaal ballaaran oo goboleed,” ayuu yiri Ryder.

Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedaysay weerar ay fuliyeen diyaarado Drone ah Jimcihii, iyadoo sheegtay in diyaaradaheedu ay dhexda ka qabteen “bartilmaameedyo cadow” oo ku sii jeeday koonfurta Israel.

Isla waqtigaas, lix qof ayaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaareen burburka dhismo ku yaalla xuduudda Eilat oo u dhow magaalada dalxiiska ee Taba ee dalka Masar, sida ay sheegeen ciidammada Masar xilligaas.

19-kii October, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen saddex gantaal oo ah nooca dhulka lagu rido iyo “dhowr” diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiintu ay soo tuureen, lagana yaabo in ay ku socdeen Israel.

Xogta dilkii ‘aanada qabiil’ ee xalay laba ganacsato loogu gaystay Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Allah ha unxariistee waxaa fiidnimadii xalay magaalada Dhuusamareeb ee xaruntda maamul goboleedka Galmudug lagu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato.

Labada Marxuum oo labaduba ganacsato ahaayeen ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil oo daba socotay dad hore loogu dilay deegaanka, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dilkoodu uu ka madax bannaan yahay aanada qabiil.

Booliska magaalada ayaa dad u xirxiray dhacdadan, iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in gaadidna la qabtay.

Waxa labada marxuum lagu dilay bartamaha magaalada, taas oo cabsi kale ku abuurtay dadka deegaanka.

Xiriir aan la sameynay laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay noo sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan sida ay wax u dheceen.

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale oo wareysi siiyey BBC-da ayaa xog ka bixiyey sida ay wax u dheceen, isagoo yiri “Walaaleheen ayey gacan ka xaq daran ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni.”

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo la kala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la is-dhaafsanayay.”

Waxa la sheegay in uu dilku ka dhacay meel ka baxsan goobahooda ganacs,i iyadoo isla markaana ay isla socdeen xilliga labadoodaba la dilayay.

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa yiri, “dilku waxa uu u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, waxaa lagu dilay meelo ka baxsan shaqdooda balse aan ka fogeyn, waxaana uu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada.”

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaanno wadaan iyadoo lagusoo qabtay dad lagu tuhusanyahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada, dhinaca kale arrintan dilka ayaa la’isla dhex marayay in uu salka ku hayo aano qabiil.

Nuur Cilmi, oo ka hadlay baaritaannada ay sameeyeen iyo sababta ka dambeys dilka ayaa yiri, “Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil.”

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa la sheegayaa in kamid ahaayeen dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyadoo lasoo sheegayo in dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah.

Dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya.

Isha: BBC

Golaha Ammaanka oo go’aan cusub ka gaaray muddo xileedka UNSOM ee Somalia

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024.

Qaraarka 2705, oo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya UNSOM inay sii waddo joogteynta iyo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika.

Wuxuu ku dhiirigelinayaa UNSOM inay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, oo ay kordhiso hababka wadajirka ah iyo barnaamijyada wadajirka ah ee meelaha ay khusayso, si loo taageero dowlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya. 

Anna M. Evstigneeva (Ruushka), oo codeynta kadib hadashay, ayaa sheegtay in wafdigeeda ay taageersan yihiin go’aankan maadaama Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim u ah taariikhdeeda casriga, dowladda Federaalkana ay la dagaalamayso caqabado badan, oo ay ka mid tahay sii socoshada cunaqabateynta hubka.  

Geng Shuang (Shiinaha) ayaa sheegay in wafdigiisa ay u codeeyeen qaraarka maadaama muddo kordhinta UNSOM ay tahay mid lagu taageerayo hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Howlgalka Somaaliya ee QM ayaa soo dhoweeyey ansixinta qaraarka lagu kordhiyey muddo xileedka UNSOM, oo hadda galaya sanadkii 10-aad tan iyo markii howlgalka uu ka shaqo billaabay Soomaaliya. 

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka argagixisada balse waxay xustay in argagixisada aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday

0

London (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina caawa ayuu geeriyooday.

Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Caalin ayaa waayihii dambe ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug, wuxuuna waayihii dambe ku noolaa dalka dibadiisa.

Marxuumka ayaa doorweyn ku lahaa hanaankii Soomaaliya looga saaray ku meel gaarka.

Sidoo kale sanadkii 2012-kii wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka lagu maamulo ilaa hadda.

Caalin wuxuu beri samaadkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka gaaray darajada Korneyl ciidan, sidoo kale wuxuu mar soo noqday safiir.

Madaxda qaranka qaarkood ayaa durbadiiba ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamed Axmed Caalin, madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa ku geeriyooday dalka UK.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ugu tacsiyeeyey marxuumka, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku xusay qeybo muhiim ah oo ka mid ahaa taariikh nololeedkiisa.

Hoos ka akhrso qoraalka Cabdikariin Guuleed

Alaha u naxariisto madaxwrynahii hore ee Galmudug marxuum Col. Maxamed Axmed Caalin oo caawa ku geeroyooday magaalada London ee dalka UK.

Marxuum Caalin waxuu ahaa masuul Qaran oo dalkiisa iyo dakiisa duruufo adag ugu soo shaqeeyay.

Todobaatameeyadii asagoo ahaa sarkaal ka tirsanaa heyaddii sirdoonka Qaranka ee NSS waxuu howl sirdoon oo culus oo laguna abaal mariyay ka soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, horaantii dagaalkii 77dii.

Waxuu marxuum asagoo gudanaya waajib Qaran ku joogay magaaladaas muddo dhowr sano ah asagoo jilayey miskiin ka mid ah dadka tuugsada. Si uu Qaranka ugu keeno xog sugan oo la xiriirta istiraatiijiyadda ciidan ee Itoobiya, cududooda iyo dhaqdhaqaaqooda intaba.

Waxaan madaxda Qaranka iyo madaxweynaha Galmudugba u soo jeedinayaa in marxuumka si weyn loo maamuuso, aas Qaranna loo sameeyo.

 

Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay 10 nin oo ajaanib ah oo loo heysto arrin xasaasi ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa caawa baahisay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaas oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

Qoraal ka soo baxay hey’adda sirdoonka Somaliland ayaa lagu sheegay in raggaan ay asal ahaan kasoo kala jeedaan dalalka Suriya, Pakistaan iyo Morooko.

10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirrada 10-ka nin ee Somaliland ay soo bandhigtay, faahfaahin intaas dheerna kama bixin sida loo qabtay.

Qoraalka ka soo baxay sirdoonka Somaliland laguma xusin magacyada ragga ajaanibta ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo hadda xabsiga ku wadajira.

Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Labo wadaad oo lagu dilay bartamaha Dhuusamareeb iyo xiisad ka taagan magaalada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa salaadii Maqrib kadib bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo nin oo shacab ah, xilli uu magaalada Roob ka da’ayo.

Rag hubeysan ayaa labada nin ku dhex toogtay suuqa weyn ee magaalada Dhuusamareeb, waxayna ahaayeen ganacsato aad looga yaqiinay magaalada.

Dilkaan ayaa salka ku haya aano qabiil uu dhaxeysa beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir, waxaana labada nin ee la dilay lagu kala magacaabaa Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil.

Ragga lagu dhex dilay magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa Saleebaan, waxaana dilay dabley la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan beesha Cayr, markii laga soo tago inay ganacsato ahaayeen labada nin waxay ahaayeen wadaado ahlu diin ah.

Raggii dilay labada nin ee Saleebaanka ah ayaa baxsaday, waxaana magaalada ka bilowday baaritaano culus oo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Waxaa la’aaminsan yahay in dilkaan uu salka ku hayo aano-qabiil oo ka taagan deegaanka Xananboore oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Dabley ka soo jeeda beesha Saleebaan ayaa shalay deegaanka Xananbuure ku dilay nin Cayr ah, iyagoo dhaawacay mid kale.

Xiisadda ka taagan Xananbuure ee u dhaxeysa Cayr iyo Saleebaan ayaa dabadheeraatay, waxayna hadda ku fiday magaalooyinka waaweyn.

Falka dilka ah ee caawa dhacay ayaa cirka ku sii shareeraya aanooyinkii qabiil ee u dhaxeeyey labada beelood oo kala dega magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, xiisadaan ayaa markii hore ku ekeed tuulooyinka u dhaxeeya labada magaalo.

Hoos ka eeg sawiirada labada marxuum

Faah-faahinta howl-gallo culus oo ka socda duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo xooggan oo ka billowday deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada maamulka Jubbaland.

Howl-galladan ayaa imanaya kadib dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howl-gallada ka wada deegaanka Buulo-Xaaji, halkaasi oo uu ka dhacay dagaalka, kadib markii ciidanka ay weerareen goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah.

Howl-gallada ciidanka ay wadaan ayaa iskugu jira mid ay ka fulinayaan dhulka howdka ah, mid gaadiidka lagu baarayo iyo howl-gallo miino baaris ah oo laga sameeynayo waddooyinka soo gala magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidanka DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waday howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Si kastaba, Maamulka Jubbaland ayaa diyaar-garow xooggan ugu jira billaabida wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo si dardar leh uga socda qeybo kamid dalka.

Biden oo ku dhawaaqay tallaabo ka dhan ah afar dal

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeyb-galka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee barnaamijka ganacsiga ee kobaca iyo fursadda Afrika (AGOA).

Biden waxa uu sheegay in uu tillaabada u qaadayo “xadgudubyo waaweyn” caalamku aqoonsan yahay oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Uganda.

Waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay in Niger iyo Gabon ay ku guul-daraysteen in ay dhidibada u taagaan ama ay horumar joogto ah ka sameeyaan ilaalinta nidaamka siyaasadda iyo ku dhaqanka sharciga.

“Inkasta oo ay si weyn u wada shaqaynayeen Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon, Niger, iyo Uganda, haddana dalalkani waxay ku guul-daraysteen inay wax ka qabtaan walaaca Maraykanku ka qabo u hoggaansami la’aantooda shuruudaha u qalma AGOA,” ayuu Biden ku yiri warqad uu u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Biden waxa uu sheegay in uu damacsan yahay in uu joojiyo ka qeyb-galka dalalkan ee dalalka ka faa’iidaysanaya heshiiskan ee ka hooseeya saxaraha Afrika sida uu dhigayo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika, laga bilaabo January 1, 2024