27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

FIQI oo sheegay in Puntland qeyb ka aheyn nidaamka doorasho ee golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda aysan Puntland ku qasbi doonin in ay qeyb ka ahaato heshiiskii 27-kii May ay gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Wasiir Fiqi ayaa waxa uu sheegay in Puntland oo dhawaan si adag uga hortimid heshiiskaas, ay dibadda ka joogi doonto nidaamkaan doorasho ee dowladdiisu qaadatay.

Nidaamka doorasho ee ku soo baxat heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa laga fulin doona afarta dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Fiqi.

“Waxaa ku midoobay doorashadan afar dowlad-goboleed iyo Banaadir, Puntland-na waxaan rajeynaynaa in ay mustaqbalka dhow qeyb ka noqon doonto haddii alle idmo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in diidmada Puntland aysan hor istaagi doonin dhaqan-galinta doorashada lagu heshiiyay, xilli heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga Qaran uu la kulmayo diidmo xooggan.

“Shan sano kadib waa u furan tahay Puntland in ay kasoo qeyb-galaan doorashadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya ka gadaal markii Puntland ay ka hortimid heshiiskaas, oo ay sheegtay in aysan qeyb ka ahaan doonin nidaamka doorasho ee lagu gaaray golaha ay dibad jooga ka tahay muddooyinkii dambe.

Madaxweyne Deni oo dhawaan ka hadlay arrintaas ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ayaa ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Sawirro: Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay furitaanka shirweynahan ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Mudane Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba, taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay xarunta cillmi baarista iyo daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay hadalkii Cali Jeyte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley ee Shabaab kula dagaalamaya gobollada dalka, kaasi oo uu shaaciyey halka ay ku dambeyso qadiyadda maamulkii uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State.

Cali Jeyte ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in qadiyadii Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo qeyb-galeen inta badan masuuliyiinta beesha Xawaadle ku metesha dowladda federaalka, islamarkaana uu Madaxweynuhu codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo la dagaalanka Shabaab aan aheyn.

“Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qadiyadaha kale dib loo dhigto oo dagaalka Shabaab la galo, marka qadiyadii Hiiraan State sidii ayey u taagan tahay, mana ahan qadiyad aan jeebka kuwato ee waa qadiyad ay beesha Xawaadle ka mideysan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hadalkaas wuxuu sheegay in Xawaadle uu ka aqbalay Madaxweynaha, iyadoo isla fadhigaas lagu go’aamiyey oo Madaxweynuhu soo jeediyey in Cali Jeyte laga dhigo hoggaamiyaha Macawiisley oo dhan, gobol kasta oo ay joogaan.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay hadalka Jeyte?

Maxamed Dhagajuun: “Jeytow aaway dee State-kii madaxda ka aheyd.”

“Waxaad wax ku aheyd dadkaada laakiin bal maanta yaa kula shaqeynaa oo kula dhimanaayo dadkeenii wax aay god ugaleen in ay sharaf iyo karaamo ugu nooladaan laakiin adiga in aad gumeyso ayaad ka doorbiday,” ayuu yiri Jaabir Cabdullaahi.

Ifraax Mahad: “Halyeey Cali Jeyte Ilaahay ha kugu asturo xilka lagu dhiibay guuleyso Ilaahay idankii.”

Daahir Daacad ayaa isna yiri: “Cali Jeyte ciidan Macawisley ah oo tiradiisa tayadiisa la yaqaan ma hogaamin doonaa mise waa igu sawir.”

“Taliyaha Macawisleyda HirShabeelle soo dhowaaw mudane waa kula shaqeyn doonaa Insha Allah fowdo iyo maamul aan sharciyeysneyn waa laga tagay, xilka Allaha ha kugu asturo,” ayuu yiri Dubad Calasow.

Bilaal Cabdullahi: “Cali Jeyte waa fahmay sida loo shaqeysto.”

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka taagan xiisad kacsanaan ah, xilli halkaas ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Xiisada ayaa saaka si gaar ah uga taagan aagga deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan 45 KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu xoogiisu shalay ka dhacay dagaalka labada dhinac.

Dagaalkan oo salka ku haya muran dhuleed soo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay 7 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalka maleeshiyaad beeleedka ee shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa weli isku horfadhiya halkaasi, ayada oo billowdeen dadaalo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, oo iyagu ku howlan sidii loo kala qaadi lahaa labada maleeshiyo beeleed ee weli xiisadooda ka taagan tahay aagga Xananbuure.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaasi oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaal kan lamid ah uu ka dhacay aagga magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo xalintiisa ay ku jirto dowlad-goboleedka HirShabelle.

Xamas oo weeraro culus ku ekeysay ciidamada Israel ee duullaanka ku ah GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gantaallada lidka taankiyada ku weerareen ciidamada duulaanka ah ee Israel, xilli ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ku gacan sayray baaqyo ku aadan in la hakiyo dagaalka Marinka Gaza.

Israel ayaa ballaarisay duullaanka dhulka ah ee ay ku qaaday Marinka Gaza, si ay uga aargudato weerarkii ay Xamas ku qaaday 7-dii October oo lagu dilay in ka badan 1400 oo israa’iiliyiin ah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Israel ay beegsadeen dhinaca koonfur waqooyi ee Gaza, balse ay iska cabin xooggan kala kulmeen dagaal-yahannada Xamas.

Guutada Al-Qassam, oo ah gabarbka militari ee Xamas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay isku dhaceen ciidamada duullaanka ah, aagga koonfureed ee Gaza, ayna la beegsadeen in ka badan 105 gantaallada lidka taankiyada ah.  

 

Dagaal-yahanada ayaa sidoo kale laba taanki oo ciidamada Israel ay leeyihiin ku beegsaday waqooyiga Gaza, sida lagu sheegay bayaanka Al-Qassam.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada shacabka ay duqeymaha ku dileen ciidamada Israel ay gaartay 8,306, oo ay ku jiraan 3,457 caruur ah.

Saraakiisha QM ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ka mid ah shacabka gaaraya 2.3 ee Gaza ay hadda yihiin hoy la’aan.

Khasaaraha dhimasho ee sii kordhaya ayaa qasbay in Mareykanka, oo ah xulufada koowaad ee Israel, iyo dalal kale ay ku baaqaan in la hakiyo duullaanka, si loo ogolaado in gargaarka uu gaaro Gaza.

Si kastaba, Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Israel aysan ogolaan doonin xabad-joojin ay la gasho Xamas, ayna sii wadi doonto duullaanka.

“Baaqyada ku saabsan xabad-joojinta waa baaqyo ah in Israel ay isku dhiibto Xamas. Taasi ma dhici doonto,” ayuu yiri Netanyahu.

Si kastaba, xeel-dheerayaasha militari ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay si tartiib ah ku wadaan duullaanka dhulka ee ay ku qaadeen Gaza, taasi oo qeyb ka ah ayada oo Israel ay eegeyso suurta-galnimada wada-xaajood lala galo Xamas oo gacanta ku haysa 239 oo Israa’iiliyiin ah.

DF Somalia iyo Italy oo heshiis cusub ku saxiixday ROME

0

Rome (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaaladda Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeyb-galey munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah, dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.

“Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

“SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta wararka ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki la’aan sii xoojin doontaa awoodda SONNA, taas oou sahlaysa inay kor u qaaddo tabinta wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.”

Wasiirka ayaa intaas ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Ismaaciil Mukhtaar Cumar, halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka ANSA.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday ANSA.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa 12-kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, islamarkaana ay noqotey isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan wararka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda.

Ilaa iyo 60 warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta wararka SONNA 12 biloodkii ugu dambeeyay. ANSA ayaa ka mid ah wakaaladaha wararka Somalia inta badan ka soo xigta SONNA.

SONNA ayaa waxaa la aas aasay 1964-kii waxayna udub dhexaad u ahayd intii ay shaqeyneysay tebinta wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.

Saciid DENI oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta qorshaha muddo kororsi, xilli guddiga doorashooyinka Puntland uu dhawaan soo saaray jadwal muddo dhaaf ah.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen mucaaradka Puntland ayaa waxay madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub, si uu xilka xoog ugu sii joogo, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in Deni uu la shiray saraakiisha ciidamada Puntland, uuna faray in ay ku difaacaan damaciisa muddo kororsiga, kaasi oo uu muddo ka soo shaqeynayay.

Arrintan ayay sheegeen inay ka dhalan karto cawaaqib xumo uu masuuliyadeeda qaadayo madaxweyne Saciid Deni.

“Waxaa ugu baaqaynaa ciidamada iyo taliyayaashooda in ay ilaaliyaan sharciga, oo aysan Puntland u horseedin qalalalase iyo burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka oo baaq loogu diray ciidanka iyo saraakiishooda.

Bayaanka mucaaradka ayaa imanaya maalin kadib markii Deni uu sheegay in ay ka go’an tahay inuu socod siiyo doorashada qof iyo cod, oo ay diidan yihiin mucaaradka oo iyagu doonayo in doorashada lagu galo hanaankii hore baarlamaaniga.

Deni ayaa xilligaas wuxuu ciidamada ugu baaqay inay difaacaan sidii ay doorashadaasi u qabsoomi lahayd, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid awood u leh inay hor istaagto taabo-galinta jadwalka guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa laga cabsi qabaa in markale isku rogto gacan hadal labada dhinac ku dhexmara Garoowe, oo ay kal hore ku dagaalameen ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa maamulka Deni.

Daawo: Jeyte oo shaaciyey sababta uu uga haray qadiyadii beeshiisa ee Hiiraan State

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley ee Shabaab kula dagaalamaya gobollada dalka ayaa shaaciyey halka ay ku dambeyso qadiyadda maamulkii uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State.

Cali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qadiyadii Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo qeyb galeen inta badan masuuliyiinta beesha Xawaadle ku metesha dowladda federaalka, isla markaana uu Madaxweynuhu codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo la dagaalanka Shabaab aan aheyn.

“Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qadiyadaha kale dib loo dhigto oo dagaalka Shabaab la galo, marka qadiyadii Hiiraan State sidii ayey u taagan tahay, mana ahan qadiyad aan jeebka kuwato ee waa qadiyad ay beesha Xawaadle ka mideysan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hadalkaas wuxuu sheegay in Xawaadle uu ka aqbalay Madaxweynaha, iyadoo isla fadhigaas lagu go’aamiyey oo Madaxweynuhu soo jeediyey in Cali Jeyte laga dhigo hoggaamiyaha Macawiisley oo dhan, gobol kasta oo ay joogaan.

“Aniga magacaabideydu waxay salka ku heysaa isfahamkii Xawaadle iyo Xasan Sheekh ku dhexmaray Maxaas, ma jiraan wax kale, madaxweynuhu wuxuu naga codsaday in wixii aan khuseyn dagaalka Al-Shabaab dib loogu dhigo, waana ka aqbalnay,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Intii ay socdeen kulamada Maxaas wuxuu Cali Jeyte sheegay in miiska lasoo saaray su’aal ah yaa hoggaaminaya dagaalka, “Madaxweynaha ayaa yiri Cali Jeyte ayaa hoggaaminaya intii kale ee meesha joogtana waa ku raacday, marka magacaabidda aad arkeysaan maalintaas ayey dhacday ee hadda raami ayaa laga dhigay ee wax cusub ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ciidamada qaranka ay lee yihiin hoggaan maamula oo dagaalka geliya, balse isaga loo dhiibay ciidamada Macawiisley oo ah shacabkii iska diiday ficilada Khawaarijta ee hubka qaatay.

“Siyaasadda ka hadalkeeda in dib loo dhigo oo dagaalka la galo ayaa nala qumanaatay maalintaas ee wax kale oo is bedelay ma jiraan, Hiiraan State waxay aheyd qadiyad umadeed dukaan Cali Jeyte leeyahay maahan, marka waxaan shalay qabnay ayaan qabnaa.

Hoos ka daawo

Daawo: Dalladda Qurbajoogta GALMUDUG ee Yurub oo dooratay hoggaan cusub

Ankara (Caasimada Online) – Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub, ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN  oo ay ku middeysan yihiin ururro ka dhisan waddamada Yurub 29-kii October 2023 Magaalada Kemer-Antalya ee dalka Turkiga ku doortay Guddoomiye cusub oo ay dalladaasi yeelan doonto 4-ta sanno ee soo socota.

Xaflad aad loo soo qabanqaabiyay oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah wakiilada ururada ku  middeysan GEDAN,  laguna qabtay Hooteelka Rich Melissa, ayaa Guddoomiye cusub loogu doortay Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen Khadhiib) oo fadhigiisu yahay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, halka Guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Aadan Ibraahim.

Xubnaha kale ee la doortay waxaa ka mid ah  Xoghaye iyo Xisaabiye, waxaana fadhigaasi kelmado ka jeediyay xubno ka tirsan Guddiga cusub ee la doortay, marti sharaf iyo Guddoomiyihii  hore ee dalladda Faarax Aadan Yuusuf.

Faarax Aadan Yuusuf oo ahaa aasaasihii dalladda, ayaa khudbad qiimo badan oo uu kulankaasi ka jeediyay ku sharaxay marxaladihii ay soo martay GEDAN, isaga oo dhinaca kalena u hamablyeeyay Guddiga cusub, kuna booriyay in ay middeeyaan bulshada GalMudug ee ku dhaqan Yurub.

“Gedan oo ah dallad ay ku middeysan yihiin ururada fadhigeedu yahay Yurub ee reer Galmudug way 3 sanno jirsatay, waxaa ALLE mahadii ah inaan shaqo fara badan ka soo qabanay sidii loo middeyn lahaa xoogga, maskaxda iyo fikirka waxgaradka GalMudug ee Yurub, waan ku guuleysanay ilaa xad, waxaana caawa dalladii aan guddoomiye cusub ugu dooranay Xuseen Khadhiib oo aan ku kalsoonahay inuu dardargelin doono howlaha dalladda,” ayuu yiri Faarax isaga oo u mahadceliyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay saaxiibada dalladda oo haddeeysan garab geli lahayn aysan meesha ay joogto soo gaari laheyn.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dalladda PEDAN oo si milgo leh inoo garab istaagtay, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa C/fitaax Janna-gale, Xuseen Daahir Ibraahim, Maxamed Madar iyo Cabdirisaaq Sheekh Adduun oo aan leeyahay Gedan abaalkiina ma iloobi doonto,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Faarax dheere.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda GalMudug Cali Ciid oo qadka taleefanka kaga qeybqaatay xaflada ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha cusub Xuseen Khadhiib iyo guddigiisa fulinta, wuxuuna Xuseen ku tilmaamay shaqsi  howlkar ah.

“Haddaad tihiin Gedan Dowladda GalMudug way idin garab taagan tahay, albaabkeeduna wuu idiin furan yahay. Waxa ugu yar ee la idinka sugayo waa in Magaalooyinka aad deggan tihiin iyo Magaalooyinka GalMudug aad mataaneysaan,” ayuu yiri Cali Ciid, isaga oo dhinaca kale xusay  in deegaan kasta horumarkiisa in ay u kaceen dadka ka soo jeeda ee aqoonyahanka ah.

Barnaamijka waxaa xiriiriye ka ahaa Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiyaha ururka African-European Development Agency, wuxuuna ku dhiirageliyay Guddiga cusub in ay horseed ka noqdaan intii karaankooda ah horumarka GalMudug.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qeybgalo shirkan lagu dooranayo guddiga cusub ee Gedan, waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub inuu ILLAAHEEY kula garab galo, waa mas’uuliyad cusub,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda Aadan Ibraahim Xaaji oo ka mid ah aqoonyahanadii aasaasay dalladda, wuxuu dhinaciisa sheegay in ay ka go’an  tahay guddigoodu in ay middeeyaan maskax-maalka reer GalMudug ee ku dhaqan Yurub, kaddibna ay diirada saari doonaan horumarka deegaanada GalMudug.

“Ujeeddada loo aasaasay Gedan waxeey aheyd waxgarad u damqaday, kana damqaday sidii GalMudug dadkeedu u heli lahaayeen adeegyada muhiimka u ah nolosha bini’aadamka oo ay ugu horreeyaan caafimaadka, waxbarashada iyo in kor loo qaado wacyiga bulshada. Gedan waxeey xoogga saari doonti meel kasta oo ay tabari dhigto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Aadan Ibraahim, isaga oo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore Faarax Yuusuf oo uu ku tilmaamay shaqsi naftiisa u huray Dalladda GEDAN.

Xisaabiyihii hore ee Gedan Xassan Liisho oo mar kale xilkaasi loo doortay, kana mid ahaa aasaasayaashii Gedan, ayaa ku nuuxnuuxsaday in la joogo xilligii GalMudug dadkeedu ay gacmaha is qabsan lahaayeen.

Qoraa sare Cabdcasiis Cali Ibraahim (Cabdicasiis Xildhibaan), oo ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadii RW Xassan Cali Kheyre ayaa abaabulka iyo isku-dubaridka kulankan qeyb weyn ku lahaa, isaga oo ku dhiirageliyay Guddiga cusub in bog cusub u furaan horumarinta deegaanada GalMudug, iyada oo laga tisqaadayo in la maalgeliyo maskaxda dhalinyarada.

“Dhalinyaradu waa laf dhabarta horumarka. Soomaaliya in ka badan 70% waa dhalinyaro, wacyigelin ayeey u baahan yihiin dhalinyaradu, dalkeenu waa barwaaqo,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo sidoo kale u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Gedan Faarax, sidoo kalena u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub iyo ku-xigeenkiisa Xuseen Khadiib iyo Aadan Ibraahim.

Daawo: Cosoble oo u jawaabay Jawaahir Baarqab, fasiraadna ka bixiyey qoraal ay dhibsadeen Abgaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay fasiraad cusub ka bixiyey hadalkiisii ahaa “ilaahow adigaan Abgaal iga dhigin” kaas oo toddobaadkii hore uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Cosoble ayaa sheegay in hadalkaas uusan xumaan kala jeedin ee uu raadinayey sifo uu qaladkooda ku muuji karo walaalaha Abgaal ee isku dilaya aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wuxuu sheegay inuu aad ula socday dadkii aragtida ka dhiibanayey qoraalkiisa, isla markaana ay u badnaayeen dad la fahmay sida uu u dhigay hadal oo aheyd ‘caraadin’ si walaalahaan is dilaya ay u dareemaan inay qaldan yihiin.

Dhinaca kale, Cali Cosoble oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey inuu raali gelin siinayo dadka ka xumaaday hadalkiisii oo gabdhaha Abgaal ay ugu horeeyaan, gabdhahaas waxaa ku jirta Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo jawaab adag warbaahinta u marisay Cosoble.

“Walaashey Jawaahir Baarqab hadalkeedii wax cuqdad ah kama qabo,  ayadana waan aqaan oo qof xun maaha, waa qof wanaagsan, laakiin waa bini’aadam oo sidaa wax u tiri in uusan kuula fahmin waa dhici kartaa, marka walaalaahey waxaan leeyahay raali ahaada,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Wuxuu sheegay inuu daawaday gabdho ay ugu horeysay Jawaahir Baarqab oo si adag uga jawaabaya qoraalkiisii, balse wuxuu sheegay in kulankaas ujeedkiisa uusan aheyn mid isaga loogu jawaabayey, sidaas darteed wuxuu codsaday in arrintaan hoos loo dhigo.

“Sida uu muuqatay gabdhahaas waxay isugu yimaadeen inay baaq u diraan walaalaha dagaalamayey, arrintaana meesha ayey ka dhalatay ee inay Cali Cosoble u jawaabaan uma qaban kulankaas gabdhuhu, hadana waxaan codsanayaa in gabdhaha Xawaadle ay ku sii kalsoonaadaan guddoomiyahooda Jawaahir oo arrinta intaas lagu ekeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Cali Cosoble.

Cali Cosoble ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalada qabaa’ilka ee mar kasta ka dhaca deegaanada Abgaal, wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in beelaha Soomaaliyeed ay noqdaan sida beeshiisa Xawaadle oo ah walaalo aan is dilin.

Ugu dambeyntii Cosoble wuxuu aad ugu mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada amray inay beelaha kala dhex galaan, sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada lagu dagaalamay loo diray maxkamadda ciidamada, si loo kala saaro dadkaan dirirtoodu soo noqnoqotay.

Hoos ka daawo

Daawo: Cali Jeyte oo war ka soo saaray xilkii uu Xasan Sheekh u magacaabay

0

Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ka hadlay xilka cusub ee madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay, sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay Cali Jeyte u magacaabay u qaabilsanaha xafiiska Madaxweynaha ee ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley.

Cali Jeyte ayaa galabta sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu u igmaday, isagoo balan qaaday in masuuliyadiisa la dagaalanka Al-Shabaab uu si buuxda u gudan doono.

“Xilkaan waan ku faraxsanahay, waana uga mahadcelinayaa Madaxweynaha qaranka, Ilaahey waxaan ka baryaa inuu xilkaan nagu asro oo uu noo fududeeyo gudashada waajibaadka naloo igmaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale hoggaamiye Cali Jeyte ayaa farriin u diray dhamaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo ka dalbaday inay qolo walba doorkeeda ka qaadato dagaalka Al-Shabaab, si looga guuleysto cadowga.

Dhanka kale, haweenka ayuu Cali Jeyte ka dalbaday inay dagaalka ka qeyb galaan, isagoo sheegay inay qaadan karaan door aad u weyn, qof kasta oo Soomaali ah ayuu sidoo kale Cali Jeyte ugu gacan haatiyey dagaalka kooxda.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqtigii ugu xumaa, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhalinyarada is qarxineysa, “Wax la dhowran karo kama socdaan dalkeena, wiil hooyo Soomaaliyeee dhashay ayaa Bam lagu soo xiraa maalin kasta, waxaana lagu laayaa dadkeena,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte wuxuu yir, “Soomaaliya waxaa rabsho ka wada cunug hooyadiis iyo aabihiis dhalaya meher iguma aadnaa dhalin, diina ma taqaaniin ee anigaa diinta aqaan, Al-Shabaab waxay la yimaadeen wax aan la arkin oo aan la maqlin.”

Hoos ka daawo

Isbeddelka dagaalka Al-Shabaab iyo kaalinta cusub ee Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Dajib Erdogan.

Labada madaxweyne ee labadaba dib loo soo doortay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ugu muhiimsaneyd dagaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxaha argagixisada.

Diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga ayaa si fiican uga qeyb qaatay in argagixisada laga saaro inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin wax door ah kuma laheyn dagaalada ka socda Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa in muddo ah raajicineysay in Turkiga si buuxda uga qeyb qaato dagaallada socda, gaar ahaan midka hadda yaalla Galgaduud iyo Mudug, taas oo la sheegay inay labada dhinac hore iskula fahmeen, kulanka Xasan iyo Erdogan uu taas xoojiyay.

Illo dowladeed ayaa laga soo xiganaya in gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya la geeyay halka ay ka bilaabaneyso masaafada ay diyaaradahan Turkida ka duqeyn karaan goobaha ay argagixisada kaga harsan tahay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto dagaalka, markaan wuxuu haystaa dhowr fursadood oo intii hore ka xoog badan. Waxaa kamid ah ciidan illaa 7 kun ah oo tababar uga yimid, fursadda labaad waa illaa 5 kun oo Macawiisley ah oo dowladda u billowday gunno, iyaduna ay hagi doonto howlgaladooda iyo midda saddexaad oo ah dib u qaabeynta ciidankii hore ugu jiray dagaalka.

Midda kale ee aadka muhiimka u ah waa kaalinta la isku raacay ee diyaaradaha Turkida ka qaadan doonaan dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli muujinaya rejo xoog badan oo ku saabsan in Soomaaliya uu ka dulqaadi doono argagixisada, inta lagu jiro muddo xileedkiisa.

Illaha dowladeed ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan dib loogu laaban doono dagaalka waxayna muujiyeen fursad aad uga xoog badan intii hore.

Turkiga waxay ku jiraan dalalka gacanta hagar la’aanta ah u fidiyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarada ciidanka. Marka indho caalami ah lagu fiiriyana Turkiduna dhowr waddan oo dhibaatooyin ka jireen ayay xalkeedo ka qaateen kaalin aan hagrasho lahayn.

Waxaa jirta fikrad ah in haddii Turkida ay awood 100% galiyaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada inay sahli doonto in argagixisada deg deg looga adkaado.

Ciidanka Macaawilseyda ee dib ugu laabanaya dagaalka iyaduna waa fursad kale oo aan la dafiri karin tiiyo ay dadka Soomaalida ay weli muujinayaan in argagixisada laga adkaado, xilli la isla qirsan yahay fursadaha ugu dhex jira dadka iyo dalka in argagixisada laga adkaado.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay roobab ka da’ay Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay, xalay iyo ilaa maanta ay ka da’ayaan roobab xoogan oo dabelyo wata, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka..

Guddoomiyaha maamulka degmada Grabahaarey Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmadaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan.

Iimaan Cadow ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kusoo dumeen dhismayaashii ay daganaayeen, wuxuuna tilmaamayn inay gurmad u sameeyeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in biyuhu ay jareen buunadadii magaalada oo muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

“Garbahaarey roobab baa ka da’ay, roobabkii guryana waa dumiyeen dadkii ku jiray wuu ku dhintay, togii la’isaga gudbi jiray oo magaalada dhex mari jiray iyo buundadii lagu kala socon jiray waa gooyeen marka khasaarooyinkaas aa soo gaaray” ayuu yiri Imaan Cadow.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay xaaladdu cakiran tahay, isla-markaana ay da’ayaan roobabka oo saameynta ugu badan ku yeeshay qoysaska danta yar.

“Weli roobabka waa socdaan ilaah ha u saqiro dadka intiisa kale, inta dhaawacantay allaha u booga dhayo, intii dhimatayna allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, si loo caawiyo.

“Hadda waxaa ku jirnaa dadaaladdii aan wax kaga qabaneynay dadka dhaawaca ah intii dhimatayne waa la duugayaa laba nin baa dhimatay” ayuu mar kale yiri Iimaan Cadow.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay dowladda federaalka iyo Jubbaland ay digniino uga soo saareen roobabkan iyo xaaladda El-nino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhulka xeebaha, meelaha ku yaallaan togaga iyo wabiyada.

XAMAR oo dib usoo faageysa dulmigii gaamuray ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya kumanaan ruux oo argagixasada gumaaday ayaa la iska aasay, iyada oo aan loo aarin, xasuus loo sameyn ama aan waxba la iska weydiinin.

Dhabahaas wuxuu argagixisada siiyay dhiiranaan ay dhib cusub ku geystaan. In dadka ay dulmiga ku leyso kooxda dib xusuustooda loo abaabulo, magacyadooda marwalba afka lagu hayo oo lagu dhiirado in munaasabado tacsi ah loo qabto, waxay dadka xasuusinaysa dulmiga iyo dhibaatada argagixisada.

Waxay dhiira-gelin u tahay inta u istaagtay inay umadda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada, waana cadeynta in aan si fudud lagu iloobi doonin dulmigooda, iyagana waxay fahamsiineysa heerka baraaruga bulshada.

Maanta oo kale hal sano kahor 29-kii October 2022 argagixisada waxay qarax labaad la beegsatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo illaa boqol qof ku dhinteen. Dadka ay halkaas ku leysay argagixisada waxay iskugu jireen shacab saarna gaadiid marayay laamiga Soobe, dad ka yimid ama u socday masaajidka Abubakar Sadiiq ee saaran laamiga Soobe.

Qaar dadkaan kamid ah waxay ahaayeen kuwii ganacsiyada kulahaa hareeraha laamiga, waxaa kale oo ku jiray arday iyo waalidkood, kuwaas oo adeeg waxbarasho u doontay wasaaradda waxbarashada.

Argagixisada waxay ku jawaabtay markii la weydiiyay sababta ay shacabkaas u gumaadeen in dowladda celisay oo ay xabadeysay gaarigii ay qaraxa ku sideen.

Dhaqankaas ayay maalin walba ku laayan dad shacab ah. Xilliga ay qaraxa fulinayeen waxay aheyd waqti maleeshiyo badan looga laayay wejiga koowaad ee dagaalkii ka socday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaana qaraxaan lagu fasiray inay ugu aargudayeen maleeshiyadii laga laayay.

Waa caadadooda in shacabka Soomaaliyeed ka aarsadaan marwalba oo maleeshiyo laga laayo maadaama uu dagaalka u dhaxeeyo argagixisada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shuhadadii Soobe 2 waxaa maanta magacyadooda lagu qoray goobtii qaraxa si aan loo iloobin dulmigii lagu laayay, dadkana ay ugu duceeyaan marwalba oo ay halkaasi marayaan.

Shacab badan oo isugu jiray dadkii ehelkoodii lagu laayay isgoyska Soobe 29 October 2022, arday, madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya qaarkood iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-galay kulankaas loogu duceynayay laguna xusaayay dadkii argagixisada ku leysay maanta oo kale hal sano kahor isgoyska Soobe.

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo madaxda Bangiga Ziraat Katilim? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahaSoomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay Turkiga, kaas oo shalay xaruntiisa cusub ka daah-furay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey madaxda Bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kor u qaadayso iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha kala hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayay madaxda Bangiga Ziraat Katilim, danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. 

“Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Si kastaba, Bangigan ayaa noqday bangigii ugu horreeyey ee caalami ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee dalka.

Dagaal culus oo ka qarxay Galgaduud iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan dagaalka uu ka socdo aagga deegaanka Xananbuure oo ah halka uu xoogiisu ka qarxay dagaalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhuleed soo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa goobta uu ka socda dagaalka kusii qulqulaya ciidamo kale oo gurmad ah oo ay kala helayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka maanta ka qarxay waqooyiga gobolkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaal kan lamid ah uu ka dhacay aagga magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo xalintiisa ay ku jirto dowlad goboleedka HirShabelle.

DF oo fulisay ballan ay la gashay Tanzania, kadib dhabar-jebintii MARWO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad) oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay dhaba-jebintii lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaas oo looga adkaaday.

Cali Balcad ayaa shaaca ka qaaday in arintaas ay dowladda u sameysay, ayada oo fulineyso ballan-qaad ay ka qaadeen dowladda Tanzania, islamarkaana ay kasoo baxday Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa sharraxay waxa uu yahay ballan-qaadkaas, wuxuuna sheegay in Tanzania ay horay ula soo xiirtay Soomaaliya, ayna ka dalbatay inay ku garab istaagto ku guulaysato xilka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, taasina ay sameeyeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii ay hore aysan Soomaaliya u sharraxneyn kursigaas, balse mar dambe oo laga joogo laba bilood ay isa soo sharraxday xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Balcad oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda iyo guud ahaan kan xukuumadda ay la wadaageen baarlamaanka, ugu dambeyna la’isku raacay inay tanaasusho gabadha u tartameysay Somalia, sidaasna lagu fuliyay ballan-qaadkii Tanzania.

“Labo bilood ama bil ka hor ayaa waxaa soo baxday gabar Soomaaliyeed oo rabta in ay u tartanto kursigaas. Annaga waxaan u sheegnay oo aan baarlamaanka u gudbinay, in kursigaas dowlad ahaan aan ka ballan-qaadnay inaan codkeena siino dalka Tanzania. Wadamaduna inay ilaaliyaan balan-qaadyadooda sumcaddooda ayaa ku jirta,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxa uu sheegay in arrintan ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, balse dowladda Tanzania ay u qoreen qoraal ay kaga codsanayana in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadal heyn xoogan ay ka dhalatay guul -darada  ay Marwo kala soo kulantay tartankii ay u gashay hoggaanka baarlamaanka adduunka.

Xildhibaanadda oo soo laabatay, isla-markaana bixisay wareysi ayaa qudheeda dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

Daawo: R/W Xamza oo weerar culus ku qaaday culimada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka, isla-markaana lagu xusayay dadkii lagu laayey qaraxii Zoobe 2 ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa ku eedeeyay inta badan culimada ku sugan masaajida ku yaalla magaalada Muqdisho in ay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in marna aysan ka hadlin dhibaatada iyo gumaadka ay kooxda ku hayso dadka shacabka ah ee la leynayo maalin kasto, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira culima badan oo masaajidda dadka uga muxaadareeya, uga khudbadeeya, imaam u ah, laakiin hal kalimo aan ka sheekeynin Khawaarijta, tolow Shikhaas muxuu yahay waxa uu u sheegayo dadka? ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in culimadaas ay guryahooda iska joogaan, haddii aynaan ku dhiiran karin Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in la geyn doono culimo ka hadasha.

“Culimadaas waxaan dhihi lahaa waad mahadsan tihiinee ee culimada geesiyaasha ah ee Ilaahey dartii u hadlaya u banneeya, guryihiina iska jooga haddaad rabtiin idinka” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday culimada Soomaaliyeed inay iska daayaan cabsida ee ay ka hadlaan xaqiiqada dalka iyo dhibaatada ay wajahayaan dadkooda.

“Cabsida waxaan qabaa inay culimada iska dhaafaan, haddii aynan dadka u sheegeen cadowga koowaad ee ay leeyihiin ee diintooda kusoo duulay ee dalkooda kusoo duulay ee dadkooda kusoo duulay ee boqol boqolka u dilaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xamza.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo markii ugu horreysay ay ka qayb qaadanayaan dad deegaanka.

Daawo: AHLU SUNNA oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobollada Dhexe ayaa sheegaya in haatan Ahlu Sunna Waljamaaca ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday deegaanada maamul goboleedka Galmudug oo markii hore ay dagaal culus la galeen.

Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa waxaa horkacaya hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo maalmo kahor gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan aysan aheyn kuwa ciidan ama siyaasadeed, balse ay yihiin kuwa caadi ah oo uu Macallin Maxamuud ka wado deegaanka, maadaama uu kasoo jeedo, una soo halgamay xoreynta dhulkaasi.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa haatan gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen culimada deegaanka.

Macallinka ayaa waxaa socdaalkan ku wahlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, sida guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, xildhibaano iyo wasiiro, kuwaas oo kamid ah xubnaha lagu soo dhaweeyay magaalada Huurshe.

Ujeedka uu hoggaamiyaha Ahlu Sunna u tegay halkaas ayaa ah inuu ka qayb-galo siyaaro lagu qabanayo deegaankaasi, wxuuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

“Annaga waqti dheer kuma soo talagelin xoogaa yarbaa meesha usoo aadnay oo idinku nimid, musiibooyin waa weyn baa nagu dhacay musiibooyinkaasi waxa ay ahaayeen mid waa Xaliimo Sheekh Yuusuf, midna Muraayad Karar bey aheyd, labadooduba tiirbey u ahaayeen islaamka oo dhan Ummaddana u leh waxtar u leh Alla u naxariisto” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.

Ahlu Sunna ayaa horay dagaallo ula gashay Galmudug, inkastoo markii dambe dagaal looga saaray magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, ayada oo mar dambe laga heshiiyay wixii dhacay, si aysan mar kale labada dhinac ugu dagaalamin gobollad Dhexe.

Ahlu Sunna oo horay xubno ugu yeelatay Galmudug ayaa waxaa lagu xasuustaa, sida ay Al-Shabaab uga xoreysay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan aagga Dhuusamareeb.

Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ioo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen goob ay isku uruursaneeyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in Al-Shabaab ay duulaanka ku qaadeen ay qorsheynayeen inay soo wareeraana fariisimahooda iyo kuwa ciidanka dowladda, balse ka hortageen, kadib xogo ay ka heleen dadka deegaanka, ayna soo afjareen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horheedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Buulo Xaaji oo ah halka lagu dagaalamay ayaa deegaan marba dhinac u gacan gala Al-Shabaab iyo Jubbaland oo marar badan ku wada dagaalamay halkaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa deegaankaas kasoo abaabusha weerarada inta badan lagu qaaday fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka.