Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay fasiraad cusub ka bixiyey hadalkiisii ahaa “ilaahow adigaan Abgaal iga dhigin” kaas oo toddobaadkii hore uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Cosoble ayaa sheegay in hadalkaas uusan xumaan kala jeedin ee uu raadinayey sifo uu qaladkooda ku muuji karo walaalaha Abgaal ee isku dilaya aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wuxuu sheegay inuu aad ula socday dadkii aragtida ka dhiibanayey qoraalkiisa, isla markaana ay u badnaayeen dad la fahmay sida uu u dhigay hadal oo aheyd ‘caraadin’ si walaalahaan is dilaya ay u dareemaan inay qaldan yihiin.
Dhinaca kale, Cali Cosoble oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey inuu raali gelin siinayo dadka ka xumaaday hadalkiisii oo gabdhaha Abgaal ay ugu horeeyaan, gabdhahaas waxaa ku jirta Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo jawaab adag warbaahinta u marisay Cosoble.
“Walaashey Jawaahir Baarqab hadalkeedii wax cuqdad ah kama qabo, ayadana waan aqaan oo qof xun maaha, waa qof wanaagsan, laakiin waa bini’aadam oo sidaa wax u tiri in uusan kuula fahmin waa dhici kartaa, marka walaalaahey waxaan leeyahay raali ahaada,” ayuu yiri Cali Cosoble.
Wuxuu sheegay inuu daawaday gabdho ay ugu horeysay Jawaahir Baarqab oo si adag uga jawaabaya qoraalkiisii, balse wuxuu sheegay in kulankaas ujeedkiisa uusan aheyn mid isaga loogu jawaabayey, sidaas darteed wuxuu codsaday in arrintaan hoos loo dhigo.
“Sida uu muuqatay gabdhahaas waxay isugu yimaadeen inay baaq u diraan walaalaha dagaalamayey, arrintaana meesha ayey ka dhalatay ee inay Cali Cosoble u jawaabaan uma qaban kulankaas gabdhuhu, hadana waxaan codsanayaa in gabdhaha Xawaadle ay ku sii kalsoonaadaan guddoomiyahooda Jawaahir oo arrinta intaas lagu ekeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Cali Cosoble.
Cali Cosoble ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalada qabaa’ilka ee mar kasta ka dhaca deegaanada Abgaal, wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in beelaha Soomaaliyeed ay noqdaan sida beeshiisa Xawaadle oo ah walaalo aan is dilin.
Ugu dambeyntii Cosoble wuxuu aad ugu mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada amray inay beelaha kala dhex galaan, sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada lagu dagaalamay loo diray maxkamadda ciidamada, si loo kala saaro dadkaan dirirtoodu soo noqnoqotay.
Hoos ka daawo