27.3 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Bankigii ugu horreeyey oo caalami ah oo 50 sano kadib laga furay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Ziraat Katilim ee Turkiga ayaa laan ka furtay magaalada Muqidsho, isaga oo noqday bankigii ugu horreeyey ee caalamai ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. 

Bankiga Dhexe ayaa sheegay in howlgelinta bankigii ugu horreeyey ee shisheeye ee Soomaaliya ay xoojin doonta qeybta maaliyadda ee dalka, ayada oo kordhineysa fursadaha dhaqaale iyo gacancsi ee u dhaxeeya dalka iyo saaxiibadiisa ganacsi.

“Laanta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim ee Soomaaliya waxaa la filayaa inay bixiso adeegyo banki oo shirkadeed oo kala duwan oo ay siiso ganacsiyada, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta,” ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku yiri bayaan uu ka soo saaray Muqdisho. 

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bishii July 2022 waxa uu siiyay laba ruqsadood oo shaqo laba banki oo caalami ah – Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar – kadib hanaan codsi oo ballaaran.

Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. 

“Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bankiga Dhexe ay weli ka go’an tahay kobcinta dhaqaale loo dhan yahay oo ka hirgala Soomaaliya iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo adag oo xasilloon.

“Waxaan filaynaa in bankiga cusub uu wax badan ku soo kordhiyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo uu qayb ka qaato kobaca dhaqaalaheenna.” 

Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir gaar ah oo ay xalay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray amniga guud ee caasimada.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Wasiiru Dowlaha Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka qayb-galay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir iyo saraakiisha qaabilsan amniga.

Waxaa sidoo kale  shirka goobjoog ah saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro iyo kuwa Nabad-Sugidda oo qayb ka ah howlgallada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka socda degmooyinka gobolka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniha ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi oo madasha ka hadlay ayaa wasiir Xagaa iyo taliyaha booliska siiyay warbixin guud oo ku aadan amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen ka hortegga falal ammaan darri iyo weeraro ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Firin oo shirka hadlay ayaa ku boggaadiyay qaybaha kala duwan ee hoggaanada ciidamada sida ay uga shaqeeyeen amniga guud ee caasimada, wuxuuna wasiirka la wadaagay guulaha laga gaaray howlgallada xasilinta ee ka socda magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, taas oo ku timid howlgallada ay wadaan hay’adaha amniga Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Israel oo caqabad lama filaan ah kala kulantay duullaanka ay ku hayso Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Maamulka Israel ayaa caqabad aan la iska indha-tiri karin waxa uu u arkaa bannaanbaxyada ay dhigayaan qoysaska iyo ehellada in ka badan 200 oo Israa’iliyiin ah oo lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo Xoogagga Xamaas ay ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Qoysaska iyo ehellada la haysteyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay dib u billaabay in ay ku hor bannaanbaxaan xafiisyada iyo xarumaha maamulka, iyagoona dalbanaya in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaasha.

Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ku eedeeyay in markii hore ay dayaceen amniga la haysteyaasha, xilligii la qafaalanayay, haddana aysan wax gorgortan ah ka galeynin, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa guryahooda, isla-markaana ay khatar gelinayaan noloshooda, bacdamaa uu maamulku kordhiyay hawlgaladiisa Gaza.

Dadkan ayaa dalbaday in maamulku uu joojiyo duqaymaha baahsan ee Marinka Gaza.

Waxaa dadkan walaaca ku kordhiyay ayaa ah, iyadoo Ururka Xamaas uu sheegay in dad hor leh oo ka tirsan maxaabiista ay ku dhinteen weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa dalbaday in maamulku uu sameeyo maxaabiis is weydaarsi, si Israa’iiliyiinta la haysto oo tiradoodu ay gaareyso 229 qof ay si nabada ugu soo laabtaan guryahooda.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor dambe oo xalay ahayd la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, ka dib markii ay ku hanjabeen inay bilaabayaan mudaaharaadyo waaweyn, oo dadkuna ay ugu baaqi doonaan in waddooyinka magaalooyinka isugu soo baxaan, si loo helo cid damaanad qaadda in la haysteyaasha aanay waxyeelo ka soo gaari doonin duqaymaha hawada iyo hawlgalka dhulka ee laga sameynayo Gaza.

Ra’isal Wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ugu laab qaboojiyay in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda ugu soo laabtaan.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah, si aan guryahooda ugu soo celino,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee Gaza uu muhiimaddiisu yahay, sidii loogu soo samatabixin lahaa la haysteyaasha, haddana uu fahmi karo cabashada qoysaska maxaabiista.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa waqti siinaya maamulka, iyagoona eegaya tallaabada uu qaadi doono, ka hor inta aanay bilaabin dibadbaxyada ay ku hanjabeen.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii daayaan maxaabiista Israa’iiliyiinta, waa haddii Israel ay oodda ka qaadeyso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis is dhaafsi degdeg ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku xiran xabsiyada Israel, si loogu bedelo dhammaan maxaabiista ay hayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiin,” ayuu yiri Yahya Sinwar.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

Haddii labada dhinac ay haatan sameeyaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah ayaa wuxuu noqon doonnaa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ee dhinacyadaasi dhex mara.

Somalia’s economic resurgence: A closer look at the 2024 budget increase

0

On the 28th of the 10th month, Somalia witnessed a historic event as the Council of Ministers of the Federal Government convened to overwhelmingly approve the government’s 2024 budget, a substantial sum of $1,025,687,991. This remarkable budget increase, exceeding one billion dollars, signifies a pivotal moment in Somalia’s economic resurgence and the government’s steadfast commitment to the nation’s development.

Economic Growth Fueling Financial Progress:

One of the pivotal drivers behind this extraordinary budget expansion is the significant economic growth experienced over the past year. This upswing in economic activity has contributed to a notable increase in domestic revenue, laying the foundation for the nation’s fiscal growth. A closer examination reveals how various sectors, including agriculture, trade, and services, have been instrumental in powering this economic revival.

Fiscal Policies and Reforms Paving the Way for Prosperity:

The government’s fiscal policies and reform initiatives have played a pivotal role in enhancing the budget. These strategies have led to improvements in tax collection and public financial management, resulting in higher domestic revenue. This renewed fiscal discipline and transparency are instrumental in shaping the nation’s financial landscape.

Embracing Positive Economic Momentum Government’s Vision and Commitment:

This budget increase not only represents a monetary milestone but also embodies the positive economic momentum that Somalia is currently enjoying. It underscores the government’s resolute commitment to driving national development and investing in infrastructure and projects that will directly benefit its citizens.

The Role of Transparency and Accountability Building Public Trust:

Highlighting the significance of transparency, accountability, and responsible fiscal management is paramount in encouraging both public support and international investment. Concrete data and real-world examples can illuminate the path forward, demonstrating how these principles can lead to better governance and public welfare.

Somalia’s 2024 budget increase is not just about numbers but a testament to the country’s growing potential and the government’s dedication to unlocking it. This surge signifies a journey toward a more prosperous future, attracting international confidence, foreign aid, and investments. With careful fiscal stewardship and a steadfast commitment to the well-being of its citizens, Somalia is paving the way for a brighter and more prosperous tomorrow.

Adan Ahmed Hirad is a former Somali Diplomat
[email protected]

Daawo: Xamza oo shaaciyey labo qorshe oo Shabaab ay ka lahaayeen qaraxyadii Soobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa caawa si qota dheer kaga hadlay qaraxyadii ay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

R/Wasaare Xamza oo hadalkaan ka jeediyey xaflad caawa lagu xusay hal sano huuradii ka soo wareegtay markii uu dhacay qaraxii Soobe 2 ayaa ugu horeyn aad u amaanay guddigii uu xiligaas u xil saaray maareynta musiibadii dhacday.

Wuxuu sheegay in dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aad u maamuuseen inta karaan kood ah, isla markaana carruurtoodii la siiyey waxbarasho bilaash ah.

Wuxuu Xamza sheegay in Shabaab ay labo hadaf ka lahaayeen qaraxaas iyo kuwo lamid ahaa, qorshaha koowaad “Waxay doonayeen inay ka hor tagaan duulaankii qorsheysnaa ee dowladda iyo shacabka, si looga niyad jabo, taasna ma dhicin,” ayuu yiri.

Qorshaha labaad ee qaraxaas ay ka laahaayeen Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay Xamza inay doonayeen “Burburinta aqoonta, maadaama ay weerarkaas ku qaadeen arday shahaadooyin u doonta xarunta wasaaradda waxbarashada, aad ayey u necebyihiin dadka waxbartay,” ayuu yiri.

Markii ay qaraxyadaasi dhaceen wuxuu sheegay Xamsa inay ka fekerayeen sidii degmada Kaaraan looga qaban lahaa ciyaal-weero, balse ay faa’iideen isku duubni bulsho, taas oo u fududeysay dowladda inay ka guuleysayo dagaaladii ciyaal-weerada iyo Al-Shabaab ay ku qaadeen.

“Dagaalkii aan ka bilownay Xawaadley ayaa maanta maraya Xarardheere, waxaana Khawaarijta ka xoreynay dad ka badan 3 milyan,  sidoo kale 900 oo KM dhul ka badan ayaan ka xoreynay Khawaarijta, qaraxyada Zoobe kadib 29 October 2022-kii,” ayuu yiri R/Wasaaruhu.

Wuxuu sheegay in dowladaan ay xoogga saartay waxbarashada si jahliga looga saaro dadkaan, “Waxaan habeen hore ansixinay miisaaniyad ay ku jirto inaan qaadano 3,000 oo kale oo macalimiin Soomaaliyeed ah, nuurka waxbarashada waan shideynaa, mana demi kartaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza.

Hoos ka daawo

Daawo: Laftagareen oo si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab saareen deegaanada KG

0

Waajid (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen  ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa maanta dadka kula hadlay fagaare ku yaalla degmada Waajid, wuxuuna farrin u diray shacabka ku nool deegaanada go’doonsan oo reer Waajid ay ku jiraan.

Laftagareen ayaa wax laga ximaado ku tilmaamay in dadkiisu ay go’doonsan yihiin in ka badan 14 sano, isagoo dadka kula dardaarmay inay dagaalamaan, inta aan gaajo loo dilin.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay u diyaar garoobeen dagaal, guulo waaweyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, anagu waxaan diyaar u nahay bilaabidda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in reer K/Galbeed ay koogaan waqtigii ugu fursadda roonaa, isla maraakana ay diyaar u yihiin bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan hal maalin howlgalka wajiga labaad ka bilaabi kara seddaxda gobol ee maamulkaas.

Dadka reer Waajid ayaa ku jira go’doon adag adag oo ay la qabaan qaar kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Bakool oo Shabaab in ka badan 10 sano ay u diidan yihiin inay wax u gudbaan.

Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa gobollada K/Galbeed ka qada abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka kooxda.

Hoos ka daawo

DFS, HirShabelle iyo QM oo shir ku yeeshay Jowhar + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka HirShabelle  iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey.

Dowladda dhexe waxaa shirka ku metalayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow, waxaana dhanka QM ka socday Wakiilada FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.

Sidoo kale waxaa shirkan oo looga hadlay arrimaha hormurinta ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo wehlinayay madaxweynahooda.

Kulanka dhex-maray saddexda dhinac ayaa waxa ay uga wada-hadleen kor u qaadista mashaariicda horumarinta iyo ka doodista mashruuca biyo xireenka Jowhar ee (JOSP).

Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga Shabelle iyo biyo la’aanta xilliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wax soo saarka beeraha.

HirShabelle ayaa baahi weyn u qabta mashruucan, maadaama ay leedahay dhul beereed caan ku ah wax soo saarka, haatana aan si wanaagsan looga faa’iideysan.

Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu.

DF oo wafdi culus u dirtay Koonfur Afrika + Ujeedka

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Johannesburg ee caasimada dalka Koonfur Afrika, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayada oo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Cali Mire oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wasiir ku xigeenka, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo la kulanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

“Waxaa wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ujeedkooda uu yahay inay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan wasiirka isagaa dadka la kulmi doono ajendihiisa iyo qorshihiisana u sheegi doono” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Mire.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu booqan doono dhammaan deegaanada ay joogaan Soomaalida, si uu usoo arko.

“Waxaan u joognaa maalmo shaqo oo dhinacyo badan taabaneyso oo ay ugu horreyso safaaraddeena iyo howlihii ay wadday inaan safiirkeena kala sheekeesano, sidoo kale bulshada guud ahaan ee Soomaaliyeed ee dalkan ku nool inaan is aragno oo is wareysano qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan qorsheyneynaa in aan gaarno magaalooyinka kale todobaadkan waa wada joognaa, wixii kale dib ayaan iska wareysan doonaa”.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxayna weeraro kala kulmaan burcad hubeysan oo ku heyso dil, dhaawac iyo boob hantiyeed intaba.

Falcelin yaableh oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay Cali Jayte

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin yaableh oo dhanka baraha bulshada ah ayaa ka dhalatay xil cusub oo uu maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun ku dhawaaqay maamul la magac baxay Hiiraan State.

Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda.

Ninkan ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda.

Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte Cismaan.

Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo magacaabay Cali Jayte?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabistaan, waxaana qaarkood ay tilmaameen in xilkan uusan u qalmin Cali Jayte, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen, maadaama uu yahay nin ciidan.

Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “U qeybsanaha iyo ergayga meeqaa lasii marsiinooyaa tiro xadidan malahan miyaa?”.

Maryan Cali ayaa iyadana ku jawaabtay “Xasan cashirada xilka xaguu kasoo akhristaa maalin kasta xil aan la maqal lee soo sheegaa”.

Cumar Cabdullaahi ayaa isna si kaftan ah uga hadlay magacaabistaan “Madaxweynaha Hiiraan State qash-qashaadda maa laga daayo”.

Daahir Mahdi ayaa isaguna qoraalkiisa falcelinta ah ku yiri “Waa u qalmaa xilkaas hoggaamiye Cali Jayte Cismaan”.

Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cali Jayte, wuxuuna yiri “Manta ayuu asiibay madaxweynuhu, Congratulation”.

Cabdirisaaq Maxamed isna wuxuu ku jawaabay “Cali Jayte ka badan ayuu mudnaa waa hoggaamiye ku suntan kacaankii Hiiraan lagu xoreeyay”.

Xubno Shabaab ah oo miino ay kula qaraxday MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada ay ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa farsameyna qaraxaasi, si ay ugu dhigaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah.

Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa indhowaanahan ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo laga saaray magaalooyin waa weyn, sida Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Israel oo duullaan dhulka ah oo ku qaaday Gaza iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa sii ballaarinaya howllgalada dhulka ah ee Qaza halka diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen boqollaal meelood oo ahaa bartilmaameedyo ay lahed Xamaas, sida uu sheegay militariga Israa’iil Axaddii, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay wajigii labaad ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah.

Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza Axadii, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta.

Shaaban Axmed, oo ah shaqaale dowladeed ku haray magaalada Gaza, ayaa yiri: “Israa’iil waxay naga gooysay adduunka si ay inoo baabi’iso, laakiin waxaan maqalnaa dhawaqa qaraxyo waxaana ku faraxsanahay in dagaalyahannada wax iska caabbinta ay ciidamada Israa’iil ku celiyeen meel ka baxsan magaalada.”

Axmed, waxa uu sheegay in Axadii uun uu ogaaday in ina-adeerkii lagu dilay weerar dhinaca cirka ah Jimcihii.

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa duqeeyay in ka badan 450 bartilmaameedyo militari oo ay Xamaas ku laheyd Marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarumaha taliska howlgalada, goobaha kormeerka, iyo goobaha laga rido gantaalada lidka taangiyada, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay ololaha Israel ee lagu ciribtirayo mintidiinta ay taageerto Iran.

Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha.

Reuters + VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cali Jayte

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xil cusub u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda.

Ujeedada magacaabistan ayaa salka ku heyso sidii mar kale boorka dib looga jafi lahaa ciidanka deegaanka oo door muuqda ka qaatay dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Cali Jayte ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda.

Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte.

Horay madaxweynaha iyo Cali Jayte ayaa ugu kulmay degmada Maxaas, halkaas oo lagu gaaray heshiis dhexmaray dowladda iyo beesha Xawaadle oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Si kastaba, hoggaaminta Cali Jayte ee ciidanka Macwiisleyda ayaa loo arkaa mid muhiim ah sii dhaqaajinta dagaalka Al-Shabaab, maadaama wajigiisa koowaad uu wacdaro ka dhigay gobolka Hiiraan.

Soomaaliya waxaa ka socda dagaallo culus oo lagu qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Wasiir Fiqi oo sharaxaad ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi  oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa ka hadlay arimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn Fiqi ayaa sharraax ka bixiyay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu tuutaha u xirtay Al-Shabaab, garkiina uu ku baxay.

“Madaxweynihii waa ujeedaan isaga oo tuute wato, garkiina uu ku baxay ciidankeenana waxay dhigooda u hurayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu wasiirku

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga adkaaday, isla-markaana ay jabeen, isaga oo sheegay inay lagu ceersanayo duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

“Khawaarijta way jabeen Ceelbuur duleedkeeda ayaa maanta lagu hayaa, halkaan ayaa laga qaaday awel meelahaan ayay nala taagnaan jireen, dhammeystirkooda annaga dhan ayay noo taallaa” ayuu mar kale khudbadiisa ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu Fiqi farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalka, gaar ahaan ololaha loogu magac daray guul ama geeri.

“Khawaarijta meel ma uga soo wada jeesanaa?, guryaheenna ma ka saarnaa?, ciidanka amniga mala shaqeynaa?, mashruuca guul ama geeri qayb ma ka noqonaa, dowladdeena ha guuleysato, madaxweynaha ha guuleysto ciidankeenana ha guuleystaan” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo culus ay ka socdaan gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deeganaka.

Daawo: DF oo sheegtay inay gargaar u direyso GAZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SoDMA, Maxamuud Macallin oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday isgoyska Zoobe oo lagu xusayay sanad kahor maanta oo kale qaraxii ka dhacay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarka Israel ee magaalada Gaza.

Maxamuud Macallin ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin walaalahooda reer Falastiin, isla-markaana ay u dirayaan gurmad bani’aadanimo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’adda SoDMA ay diyaar la tahay in dhaqaatiir iyo gargaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza, marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay ku talagashay, haddii la furo marinka Gaza inay u diri doonto gargaar Ummadda Soomaaliyeed laga qaaday” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaan diyaar ah Ummadda Soomaaliyeed  waxa ay iska soo auruurisay, waxaab diyaar u nahay inaan kaalmo u geyno annaga oo iskaashaneyno”.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza oo lagu dilay in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay markaas  soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

Daawo: Dibadbax ballaaran oo ka dhacay Zoobe + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo ay ka qayb-galeen wasiiro, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedka dibadbaxan ayaa ahaa mid lagu xusayaya qaraxyadii labada ahaa sanad ka hor maanta oo kale 29-kii October ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Qaraxyadaas oo ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 100 qof, halka lagu dhaawacay qiyaastii 300 oo kale, waxayna dhacdadaas dadka Soomaaliyeed soo xusuusisay tii 14-kii October oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu laayay.

Weerarka 29 October ayaa noqday kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Soomaaliya, Al-Shabaab ayaana si aan cabsi ku jirin u sheegatay mas’uliyadda weerarka.

Munaasabadda maanta ka dhacday Zoobe ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, waxayna ku baaqeen in meel looga soo jeesto Al-Shabaab lana taageero ciidanka huwanta.

“Waxaan halkaan isugu imaanay inaan xusuusano dadkeenii xaq-darrada lagu dilay, waxbarashadu ma waxa ay noqotay argagaxiso marka ay ardeyda qarxinayaan Shabaab?” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo goobta ka hadlay.

Dibadbaxan ayaa kusoo aaday, maalmo uu kadib markii Muqdisho, gaar ahaan Zoobe lagu xusay 6 sano kadib dhacdadii 14 October ee 2017-kii, taas oo galaaftay nolosha dad badan.

14-ka Oktoobar waa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag, kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen Al-Shabaab waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo kuwo ay ku hayeen kooxaha Khawaarijtu, haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

FALCELIN xoogleh oo ka dhalatay tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay yeesheen shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Miisaaniyaddaan ayaa noqotay tii ugu bandneyd, waxaana ay ku dhor u dhaafeysaa hal bilyan oo dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Tirada guud ee miisaaniyadda la shaaciyay ayaa ah $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar), waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay golaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii Soomaaliya deynta laga cafiyo dhamaadka sanadkan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladda gaarsiinayso bulshada.

Haddaba sidee looga falceliyay ansixinta miisaaniyaddan oo ka badan hal bilyan oo dollar?

Qaar kamid dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay arrintan, iyaga oo aad usoo dhaweeyay isbeddalka ku yimid miisaaniyadda oo kordhay.

Cabdifitaax Macallin oo kamid ah dadka ka faceliyay miisaaniyadda la ansixiyay ayaa yiri “Maashaa Allah! Horumar la taaban karo ayay dowladda samaysay”.

Saajid Axmed ayaa  yiri “Waa markii u horeysay dowladdu budget-keedu gaaro 1 bilyan hambalyo in 20% gudaha laga aruuriyay weliba Muqdisho, waa arin boggaadin mudan”.

Ismaaciil Sayid ayaa isna ku jawaabay “Hal bilyan oo 70% macaawino ah wax weyn hanooga dhigina”

Nasteexo Axmed oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ayaa iyaduna tiri “Waa guul weyn oo Soomaaliyeed”.

Axmed Cabdinuur wuxuu isaguna aragtidiisa oo qoraal ah kusoo koobay “Maashaa allaah waa tallaabo weyn oo la qaaday”.

Dagaal lagu jebiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan, kadibna looga qabsaday…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka oo maanta ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan qabsaday gobolka Hiiraan.

Taliyaha saldhigga deegaanka Farlibaax, Salaad Sheekh oo qayb ka ahaa dagaalkaas ayaa sheegay inay jab xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kala wareegeen deegaanka Ceel Cadde.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in haatan ay deegaanka si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada ammaanka, ayna sugeen amniga guud ee deegaankaasi.

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo bulshada Soomaaliyeed deegaanka Ceel Cadde inuu nabad-gelyo yahay, ciidankana ay gacanta ku hayaan ammaankiisana uu sugan yahay wax dhibaato ahna ay ka jirin” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska deegaanka Farlibaax.

Salaad Sheekh, taliyaha saldhigga Farlibaax oo sii hadlaya ayaa xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse iyagu aysan soo gaarin wax khasaare ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalo wax khasaare ah oo annaga naga soo gaaray ma jirto nimankaas farriinkii ay ku lahaayeen Ceel Cadde marka ay soo galeen ciidanka ayey rasaaseeyeen meelo dhaadheer ayay wax kasoo rideen cid wax ku noqotayne ma jirto” ayuu mar kale yiri Salaad Sheekh.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay ka joogaan gobolkaasi, maadaama wajigii koowaad laga saaray dhul ballaaran.

DF Somalia oo Al-Shabaab ku eedeysay inay lacag ku bixineyso dagaal beeleedyada

0

Diindoor (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka ayaa kooxda ku eedeeyay inay iska horkeeni heyso qabaa’illada dega deegaanada laga xoreeyay, si ay uga dhex faa’iideysato dagaalkooda.

Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay lacago ku bixiyaan isku dirka beelaha Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga feejignaado.

Ujeedka kooxda waxa uu sheegay inuu yahay in laga mashquulo dagaalka ku socda ee guulaha laga gaaray, si ay dowladda iyo shacabkuba u ugu mashquulaan colaadda.

“Shabaab mashuruuc waxay ka dhigteen inay lacag ku bixiyaan qabaa’iladda sidii ay isugu diri lahaayeen inta iyaga lagu mashquuli lahaa ayay rabaa in colaadda lagu mashquulo” ayuu yiri wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa si gaar ah tusaale ugu soo qaatay dagaal beeleedyada ka socda gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, isaga oo ku eedeeyay Al-Shabaab, maadaama gobolladaas lagu gaarsiiyay jab, isla-markaana looga qabsaday dhul ballaaran.

“Waxaa kamid ah meelaha aan kala kulanay dhibaatooyinkaas Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, suuragal ma’aha marka in la fahmi waayo arrintaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inta badan dagaal beeleedyada ayaa soo noq-nqoda, waxaana adkaatay in xal waara loo helo, taas oo ah mushkilad weyn oo u baahanin si degdeg ah wax looga qabto.

Ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo aad looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya.

Sida ehelka marxuumka ay Caasimada Online u sheegeen wadnaha ayaa istaagay ganacsade Xuseen Raage Shiiraar.

Marxuumka ayaa joogay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho markii uu caawa ku soo booday xanuun ka qabtay wadnaha, wuxuuna u geeriyooday si deg deg ah.

Meydka Ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caawa ku hoyanaya isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana la aasayaa berri sida ay ehelladu noo sheegeen.

Walaalkiis Careys Raage Shiiraar oo ka soo baxaya degmada Cadale ayuu ehelku noo sheegay in lala sugayo duugta marxuumka, kaas oo caawa soo gelaya Muqdisho.

Garaad Xaaji Xuseen Cagey oo ka mid ah dadka sida weyn u yaqiinay marxuumka ayaa tacsi kadib sheegay in Xuseen Shiiraar uu ahaa nin dhalinyar, dhaqaale fiican heysta, isla markaana aad u caawiya dadkiisa.

“Wuxuu ahaa ganacsade qiimo badan oo dadkiisa ka war waba, deegaanada uu ka soo jeedayna hormariyey, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Garaad Xaaji Xuseen Cagey.

Allaha u naxariistee ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada ugu saameynta badan caasimadda dalka.

Sawirro: Golaha wasiirrada oo caawa ansixiyey miisaaniyadii ugu badneed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala-galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024-ka.

Miisaaniyadaan ayaa dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar).

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in  ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Miisaaniyadaan la ansixiyey caawa ayaa ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.

Markii Soomaaliya deynta laga cafiyo ayuu sheegay in dhammaadka sanadkaan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Miisaaniyadda caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ah tii ugu badneyd, waxaana muuqata inay sii kordheyso miisaaniyadda dowladda sanadba sanadka ka dambeeya.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.