27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Israa’iil oo Turkiga kala baxday diblomaasiyiinteeda iyo Erdogan oo qaaday tallaabo culus

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa soo dhigay bartiisa twitterka qoraal uu ku sheegay in uu ku amray dublamaasiyiinta Israa’iil in ay ka baxaan dalka Turkiga, kadib waxa uu ugu yeeray “hadallada qallafsan ee ka soo yeeraya Istanbul.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku tilmaamay duqaymaha Israa’iil ee Qaza “xasuuq” isla markaana ay Israa’iil u aqoonsanayaan “dambiile dagaal.”

Xilli uu Erdogan maanta la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil.

“Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Erdogan sidoo kale ku adkeystay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof, fagaarahaas ayaa ku yaalla magaalada Istanbul.

Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin, waxaana munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin, iyadoo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin, halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah.

Sabtidii maanta wuxuu Erdogan ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ay u midowdo dhagarta reer Galbeedka.

Laftagareen iyo wasiir Jaamac oo ka dagay degmo ay go’doomiyeen Shabaab

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa Diinsoor kusoo dhaweeyay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga iyo qaybahaa kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Laftagareen iyo Jaamac ayaa Diinsoor ku tegay diyaarad yar, maadaama magaaladaan ay muddo ka badan 10 sano go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Baay.

Ujeedka safarka wafigan ayaa la xiriirta u kuurgelida xaaladda degmada iyo sidoo kale dhaqaajinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi

Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan magaalada waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan xaaladda iyo howlgallada.

“Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada Koonfur Galbeed ka socday u diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo maamulkaasi.

Xududr ayaa kamid ah magaalooyinka waa weyn ee uu ka socda gulufka, waxaana dhawaan tegay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guuleed oo war kasoo saaray wada-hadallada Somaliland kadib aqoonsigii SSC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-hadallada, kadib aqoonsigii ay dowladdu siisay SSC.

Guuleed ayaa sheegay in wax isbeddal ah aysan ku imaan wada-hadallada, ayna sii socon doonaan inta laga gaarayo midnimada.

“Wax iska beddalay wada-hadalladii iyo siyaasaddii dowladda Soomaaliya kula dhaqmeysay Somaliland iyo wada-hadalladeeda ma jiraan, meeshii ayayna kasii soconayaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabto Somaliland, isaga oo xusay in ay tahay xaq, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo xalka guud, si la’isugu soo laabto.

“Nimankaas walaalaheena ah ee reer Somaliland oo runtii gocasho aad iyo aad u weyn tabanaya, ayna tahay mid xaq ah oo dhab ah waxay u baahan tahay dhammaanteen sidii aan xanuunkaas iyo gocashadaas uga soo baabi’in lahayn, Soomaaliya inteedana kalena ay dib ugu soo laabtaan aan uga shaqeyn laheyn” ayuu mar kale yiri Cabdikariin Guuleed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Marka laga soo tego amaan darrida guud ee jirta iyo nimanka Al-Shabaab, dhibaatada labaad ee dowladnimada Soomaaliya hortaagan waxa ay tahay midnimadii dalkaa kala dhantaalan, dowlad dhiskii ayay caqabad ku tahay, dastuurkii ayay caqabad ku tahay wax kasta ayay ku tahay caqabad”.

Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si guud loogala shaqeeya arrinta wada-hadallada si loogu gaaro midnimada iyo wadajir.

“Aniga waxaan rabaa in midnimada la’igala shaqeeyo, waayo ahmiyad weyn ayay leedahay midnimada” ayuu kusoo gabagabeeyay khudbaddiisa.

DALXA oo war kasoo saaray maxkamadeynta Jeneraal Sheegow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah siyaasiyiinta beesha Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxkamadeynta sarkaalkan oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dalxa ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Shegow, balse wuxuu ugu baaqay maxkamadda ciidamada iyo bahda garsoorka inay kiiskan waafajiyaan cadaaladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay arrintan ay il gaar ah ulahaato maadaama ay iyadu gacanta ku heyso jananka oo lasoo xiray 19-kii bishii August ee sanadkan, kadib dagaal culus oo uu ciidanka ammaanka kula galay degmada Dharkenley.

“Runtii maxkamadeynta jeneraal Sheegow Axmed Cali ee hadda bilaabatay kolleyba waa la soconaa guud ahaan sida ay dadka Soomaaliyeed ula socdaan, mar haddii ay dowladda kiiska gacanta ku hayso waxaan ka codsaneynaa in arrinta Sheegow si Alle ka cabsi leh oo cadaalad ah loo galo garsoorka ayaa looga fadhiyaa” ayuu wareysiga ku yiri Prof. Dalxa.

Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doodda ka taagan darajada jeneraal Sheegow oo ay saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada sheegeen inay tahay mid been abuur ah, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Xildhibaan hore Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha hadda talada haya ee  Xasan Sheekh, ayna u hayaan maqaatiyeyaal.

“Jeneraal Sheegow horta waxaa daraadahaan siiyay, abaalna aan uga haynaa madaxweyne Xasan Sheekh oo maantana ah madaxweynaha JFS oo markaas gabagaboi ay taagneyd isaguna uu isku diyaarinayay doorasho, si uu mar kale u tartamo” ayuu sii raaciyay Dalxa/

Jeneraal Sheegow iyo 22 kale oo kamid ahaa askartiisa ayaa kasoo muuqday maxkamadda ciidanka waxaana la haystaa dilal & dhac ay gaysteen, sida laga hor sheegay maxkamadd.

Eedaha kale ee sida gaarka ah loogu haysto ninkan waxaa kamid ah in maalintii uu dhacay dagaalkii gurigiisa uu dilay askari, isla-markaana uu dhaawac culus u geystay sarkaal kale.

Muxuu Khayre ka yiri dhabar-jebintii ay DF ku sameysay xildhibaan Marwo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka falceliyay dhabar-jebinta lagu lagu sameeyay xildhibaan Marwo Bashiir Cabdi oo isku sharraxday madaxweynaha baarlamaanka adudunka, balse laga guulaystay.

Khayre ayaa marka hore dadaalkeeda ku bogaadiyay xildhibaanadda, maadaama ay isku deyday inay dhaqangeliso hamigeeda ku aadan hoggaaminta baarlamaanka adduunka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay xaq u lahayd in la garab istaago, maadaama ay huwaneyd magaca iyo sharafka dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ugu hambalyeynayaa iskudaygii ay ku xaqiijineysay hammigeeda ay ugu tartameysay jagada Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka. Qof walba oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyhay in lagu garab istaago ka dhabaynta hammigiisa, si uu meel u gaaro, sharafta Soomaalinimadana kor ugu qaado” ayuu yiri qoraal kooban oo Khayre soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Siyaasiga caanka ee Xasan Cali Khayre oo sii hadlaya ayaa ku dhalilay dowladda federaalka inay iyadu hor istaagto xildhibaan Marwo oo olole ballaaran ka sameysay gudaha iyo dibadda.

“Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaqiiqatan waa wax laga damqado, hoosna u dhigaya hammiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jecel in ay dalkooda u adeegaan”.

Sababta keentay in tartanka laga reebo waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Si kastaba,  Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabar-jebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab ku noqotay.

Baarlamaanka PUNTLAND oo go’aan culus ka gaaraya doorashada maamulkaasi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe ayaa ka doodaya arrimaha iyo siyaasadda iyo doorashooyinka oo ay si weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynaha.

Qoraal loo diray muadanayaasha baarlamaanka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa looga dalbaday iney xildhibaanada soo xaadiraan kulanka muhiimka ah ee ka tirsan kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka.

Golaha waxaa sidoo kale lala wadaagay ajendaha kulanooda maanta, waxayna ka doodi doonaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, si xal loogu helo.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa la filayaa inaay ansixiyaan xeerarka doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada oo ay usoo gudbisay xukuumadda.

Arrimaha kale ee laga doodayo waxaa kamid ah amniga guud ee Puntland iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda maamulka ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Dooddan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo wlei is mari waa uu ka taagan yahay magaalada Garoowe oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan labada dhinac.

Waxa ay arrintuu kasoo dartay, kadib markii todobaadkii hore uu guddiga PEC soo saaray jadwal doorasho oo dhaafiisan muddo xileedka madaxweynaha, ayna diideen mucaaradka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay wadaan Isimada Puntland oo iyaguna shirweyne ku leh magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xiisad xoogan oo ka qaraxday Jowhar iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, taas oo ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Xiisadda ayaa timid, kadib markii beelaha qaar ay ka horyimaadeen qaabka loo wado dhismaha golaha deegaanka magaalada Jowhar oo ay sheegeen in la dudsiiyay xaqooda..

Beelaha cabanaya waxaa kamid ah beesha Xawaadle ee gobolka Shabeelaha iyo beesha Gaaljecel oo labaduna saacadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyay Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana HirShabelle ay adeegsaneysaa ciidamo si loo sii wado dhismaha golaha deegaanka oo haatan doorashadooda ay ka socda caasimada Jowhar.

Dhanka kale beesha Xawaadle ee Shabeelaha Dhexe oo shir jraa’id ku qabtay Jowhar ayaa shaaca ka qaaday iskaga baxen dhismaha Golaha deegaanka degmadaaasi, waxayna beeshu sheegtay in la siiyay xubno aysan u qalmin.

“Waan diidnay inaan qaadano labada xubnood ee gunimada ah oo Guudlaawe Xawaadle siiyay ma ahan wax Xawaadle uu mudan yahay mana qaadaneyno, anagoo ilaa 1960-kii Jowhar kasoo aheyd duq magaalo, waxaan cadeyna anigoo ah nabadoonka guud ee  beesha Xawaadle Shabeellaha dhexe in dhismaha golaha deegaan Jowhar ka socdo wax shaqo ah ku laheyn” ayuu yiri Nabadoonka guud ee Xawaadlaha Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar oo aad uga cabanayaan inta badan beelaha dega magaalda Jowhar.

Illaa iyo hadda iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka, inastoo madaxweyne Cali Guudlaawe horay u qaatay go’aan culus oo ku aadan inaywadi doonaan dhismaha golaha deegaanka, ayna la dagaalami doonaan cid kasta oo ka hor timaada.

Horay waxaa HirShabelle ula dagay khilaafaad dhanka maamulka ah oo ka dhashay dhismihii maamulkaas, waxayna taas oo hoos u dhigtay horurmarkii gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir gole oo aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

“Waxaa xubnaha golaha sharafta leh lagu war-gelinayaa in 2:00PM Duhurka kadib si buuxda uga soo qayb-galaan shir gole oo aan caadi ahayn oo ku qabsoomaya xafiisa ra’iisul wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray dhammaan xubnaha golaha wasiirada.

Dhaq-dhaqaaq xoogan iyo u diyaar garow ku aadan shira ayaa haatan ka socda Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ah halka uu ka dhacayo.

Kulankan ayaa laga yaabaa in golaha wasiirada ay uga doodaan arrimo ku aadan xisaab xirka miisaaniyadda dowladda, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow golaha wasiirada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in goaha ay sameeyaan isbedallo kale oo waa weyn iyo kuwa dhexdooda ah, waxaana hadal heyn xoogan ay ka dhalatay shirkooda oo lagu gorfeynayo baraha bulshada ee ay ku xiriirto Soomaalida.

Golaha ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku go’aamiyeen in mushaarkooda bishaan lagu taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Guddoonka BF Soomaaliya oo shaaciyay sababta tartanka looga reebay Marwo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare golaha shacabka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay buuqa ka dhashay waxa ka keentay in tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka laga reebo Marwo Bashiir Cabdi oo metaleysay Soomaaliya.

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inuu jiray heshiis dhex-maray isaga, guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Marwo, ayna isku raaceen inay tanaasusho.

Sababta keenay in tartanka isaga harto wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

“Heshiiskaas wuxuu ahaa maadaama dal xor ah aa nahay heshiisyana aan adduunyada la geli karno, xukuumaddana ay ka gaabisay inay noo sheegto waxa ka dhexeeyay Tanzania iyo Soomaaliya, annaga waan ogeyn in bulshada bariga Afrika lagu biiraayo, marka annaga oo ololaheyna wadano ayaa waxaa soo baxday in la dhoho xildhibaan Marwo arrintaas ayaa jirto labadaas kursi ayaa Soomaaliya doonanee, kursigaan waxaan rabnaa inaan u tanaasulno” ayuu guddoomiye Abshirow wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanaddu ay aqbashay heshiiska, si ay ugu hiiliso Soomaaliya, kadiban sidaas laghu soo saaray warqadda kasoo baxday guddoonka.

“Marka heshiiskaas wuxuu ahaa aniga, Aadan Madoobe iyo xildhibaan Marwo meel fiican ayuu maraayay, markii ugu dambeysay waxaan isku raacnay in xildhibaan Marwo ay tanaasusho ayada oo Soomaali u hiilineyso” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi Abshirow.

Waxaa kale oo uu yiri “Marow marka ay qabashay inay tanaasushay ayaa waxaa markaa guddoonkii uu ku qasban yahay inuu warqad soo saaray oo baarlamaanka adduunka u caddeeyo inaan ka harnay taranka”,

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xukuumadda Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay mar kastaa baarlamaanka usoo gudbiso heshiisyada ay galeyso, si aysan markale u dhicin arrinta maanta dhacday oo uu tilmaamay inay ku timid ogaal la’aan.

“Wixii hadda ka dambeeya xukuumadda heshiisyada ay galeyso waa in baarlamaanka Soomaaliya uu la socdaa, maxaa yeelay laba hay’ad oo kala duwan ayaa nahay” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabarjebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Faahfaahinta guri ku yaalla DAYNIILE oo la qarxiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Caasimasa Online u sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay, balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay.

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan qaraxaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi.

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan culays soo saartay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada culus ee ka socda gobollada dalka.

Daawo: Sheegow iyo 22 askari oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheegow Axmed Cali iyo askartii difaaceysay ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay ayaa lasoo taagay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

23 nin oo Sheegow uu ugu sareeyo ayaa ka soo muuqday maxkamadda, kuwaas oo loo heysto wixii ka dhacay guriga uu Sheegow ka degan yahay degmada Dharkenley, halkaas oo dagaal culus uu ku dhex maray ciidamada Sheegow iyo kuwa dowladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkmadda ciidamada Soomaaliya oo raggaan ku soo oogay dacwada ayaa ugu horeyn Sheegow ku eedeeyey inuu ka been abuuray darajooginka ciidamada, isla markaana uu sheegtay darajada Jeneraal oo aan la siinin.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in ninkaan ay dowladu ka dhigtay labo xidigle, isla markaana uu ku darsaday darajooyinka kale, ilaa uu ka gaaray Jeneraal, iyadoo aysan cidina dalacsiin.

Eedeymaha culus ee loo soo jeediyey Sheegow waxaa ka mid ahaa in maalintii uu socday dagaalka ka dhacay gurigiisa uu gacantiisa ku dilay askari, isla markaana uu dhaawac culus u geystay nin sarkaal ah.

Dowladdu waxay maxkamadda ka hor cadeysay in Sheegow mar hore laga saaray liiska ciidamada Soomaaliya, kadib markii la ogaaday inuu musuq ku sameystay darajooyin uusan gaarin, sidoo kalena uu galay qaladaad badan oo mamnuuc ka ah ciidamada.

Qareenadii difaacayey Sheegow ayaa ku dooday in ninkaan lagu weeraray gurigiisa, isla markaana uu is difaacay, waxay kaloo sheegeen in dowladdu ay halkaas ku dishay qaar ka mid ah ciidamadii la joogay, kuwaas oo dhiigooda aan waxaba la iska weydiin.

Ugu dambeyntii, waxaa maxkamadda soo xiray G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, wuxuuna sheegay in go’aanka kiiskaan ay dib ka soo sheegi doonto maxkamaddu.

Hoos ka daawo

Xildhibaan Marwo oo faahfaahisay ‘dhabar-jebintii uu ku sameeyey’ Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo maanta looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas.

Doorashada ayaa maanta ka dhacay dalka Angola, afar gabdhood ayaa tartameysay oo Marwo Bashiir ay ku jirtay, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, isla markaana laga ogolaaday inay tartankeeda sii wadato.

Warqadii uu diray guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gaartay xildhibaanadii codeyn lahaa, taasi waxay sababtay in wadamo badan ay Xildhibaan Marwo u cadeeyaan in markii hore ay codkooda sii rabeen, laakiin hadda ay ka cudur daaranayaan, maadaama dowladda Soomaaliya oo loo codeyn lahaa aysan diyaar u aheyn inay kurigaan qabato.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Waxay qabtay rajada ugu sareysay inta aysan soo bixin warqadaas, laakiin waxay noqotay qofkii ugu codadka yaraa afarta haweenka ah ee tartanka gashay, waxayna heshay 11 cod kaliya.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada oo ugu dambeyn maanta looga guuleystay.

“Waxaa la igu yiri Marwo waxaad ku tartameysaa magaca baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxday baarlamaanka aad ka tirsaneed in uusan kula shaqeyneyn oo korsigaas aysan diyaar u aheyn, marka cod kuma siin karno, sababtoo ah dooraashadaan muhiimadeedu waa in baarlamaanadu isla shaqeeyaan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Marwo Bashiir.

Ugu dambeyntii waxay tiri Xildhibaan Marwo, “Codadkii aan ku tashanayey ayaa u jaheystay dad kale oo taageero buuxda ka heysta dowladahooda, saakay markii aan goobta codeynta tegay, wadan kasta xubnihii ka socday waa iga cudur-daarteen, waxaa la igu yiri anaga Soomaaya inan codka siino ayaan rabnay, laakiin Soomaaliya ayadaba rabin inay cod qaadato, marka dad kale oo u baahan ayaan codadkeena sii doonaa ee Marwo naga raali ahaaw.”

DF oo kursigii Marwo Bashiir looga guuleystay ku bedelaneysa laba arrin oo waaweyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwo Cabdi Bashiir oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay tartan maanta loo galay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kumana guuleysan inay hesho kursigaas, doorashadaas ayaa maanta ka dhacday dalka Angola.

Xildhibaan Marwo ayaa kursigaas kula tartamaysay afar mushar oo kale oo haween ah, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania.

Guul-darrada kadib waxaa maanta sii xoogaystay dareen celinta ka dhalatay warqad la sheegay inay ka soo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, taas oo lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxweynaha Barlamaaanka Aduunka, iyadoo loo diray guddigii qabanayey doorashada.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay, maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka, balse kama harin tartanka ee waxaa looga guuleystay Sanduuqa, waxayna gashay kaalinta ugu dambeysa, iyadoo heshay 11 Cod.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada.

Dhanka kale, Wasaarada Arimaha Dibadda ayay Marwo sheegtay in aysan jirin cid kala soo xiriritay oo arrinta doorashada kala hadashay, laakiin waxay intaas ku dartay inay bilowgii ololaha ay ku garab isatageen oo ay ku faraxsanaayeen inay tartankaan gasho.

Xildhibaan Marwo Bashiir waxay tilmaamay in bilowgii rajadeedu ahayd mid sare, balse markii dambe ay dhaawac culus u geysatay warqada loo diray maamulka doorashada.

“Waxaan noqday qof tartamaysay oo dalkeedi liddi ku noqday, taas oo xitaa shaki galisay wakiiladii kale ee wadamada ka qayb galaya doorashada oo niyad jab ay gaarsiisay warqadani” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Soomaaliya oo quudareyneysay helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kaalmo iyo garab istaaga olole waydiisatay wadamada geeska Afrika qaarkood, waxaana dalalka ay Soomaaliya garabka weydiisatay ka mid ah Tanzania oo kursigii maanta ku guuleysatay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.

Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.

Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kurisgaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida ay marar badan ka sheegtay warbaahinta dadaalkii ugu badnaa galisay sidii dalku ugu biiri lahaa Dalada Bulshada Bariga Afrika oo ah dallad dhaqaale iyo bulsho oo ay ku midaysan yihiin dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika.

Codsiga Soomaaliya oo la aqbalay ayaa waxaa socda qorshayaal farsamo oo ay ka wada shaqaynayaan guddiyo labada dhinac ah si loodhamaystiro ku biirista Soomaaliya ee dallada EAC, Suuq balaaran, isku socodka dadweynaha oo sahlanaada iyo qaadashada hal baasaboor ayaa kamid ah faa’iidooyin dhawr ah oo Soomaaliya ay doonayso inay ka hesho ku biirista dalladaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Erdogan kala hadlay arrimo culus kadib kulan ka dhacay Istanbul

0

Istanbul (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka.

Intii uu socday kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza, maadaama labada dal ay ka mideysan yihiin qadiyadda Falastiin.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan, wuxuuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee Turkigu uu ka qaadanayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalila ka soo saartay kulankaas.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda,  isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

“Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda aad u raadineysa taageero dhanka duqeynta ah, si ay kaga adkaato kooxda Al-Shabaab, wuxuu Turkigu ugu horeeyaa dalalka ay Soomaaliya ka rajo qabto inay u buuxi karaan kaalintaas.

Maalmo ka hor, Caasimada Online waxay idinla wadaagtay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ku rakibeyso qalabka laga hago duqeymaha ee diyaaradaha Turkiga, si ay kaga howlgalaan deegaanada bari ee Galmudug iyo galbeedka HirShabeelle oo weli Shabaab ku harsan yahay.

Maalmaha soo socda waxay dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa inay dhacaan howlgallo culus oo duqeymo u badan, kuwaas oo ciidamada qaranka, saaxiibada caalamka iyo kuwa deegaanka ay ka fuli doonaan deegaanada ay Shabaab weli ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.

Sawirro: Eeyo lagu soo kordhiyey ciidamada Somaliland oo lagu soo bandhigay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka, sida lagu xusay barta hay’adda sirdoonka ee Somaliland, waxay hay’addu sheegtay in Eeyahaani ka shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa.

Waxay eeyuhu kala shaqayn doonaan inay qabtaan qaraxyada la dhigo meelaha u dhow dhismeyaasha, meelaha gaadiidka la dhigto, meelaha u dhow xafiisyada, gaadiidka, xirmooyinka, dadka iyo xarumaha dawladda.

Waxaa kale oo barta sirdoonka Somaliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed Xasan uu “salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan Eeyo tababaran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Eeyahaan oo seddax xabo ah ayaa hordhac u ah cutub eeyo ah oo ay yeelan doonto NIA, Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirrada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwaas oo laga keenay dalka Mareykanka.

Askarta lasoo bandhigay waxaa u xiraa wajiyada, lamana sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois.

Noocas loo yaqaano Belgian Malinois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hogaamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, kadib markii lagu sii daayey godkii uu ku cararay Abu bakar Al Baqdaadi.

Dhaawac ayaa ka soo gaaray hawlgalkaas Conan oo ah eeygaas godka ka daba galay Al Baqdaadi, waxaana billad Sharaf guddoonsiiyey madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Donald Trump.

Eeyuhu waxay leeyihiin dareen aad u xoog badan oo ay wax ku urin karaan. Waxay ku xiran tahay qofka tababaraya sida uu u baro inuu qaban karo waxyaabaha sharci darrada ah.

Eeyga waxaa la baraa waxyaabaha ay carruurtu ku cayaarto, waxaana la siiyaa wakhti fiican oo uu ku barrto aaladaas. Marka dambe waxaa la mariyaa daroogo, kadibna waxaa eeyga la baraa urka daroogada.

Natiijadu waxay noqonaysaa in eeygu uu qofka xarigga u haya ku soo jeediyo marka ay u soo uraan wax lamid ah urka daroogada.

Marka eeyaha la barayo qaraxyada way ka yara dhib badan tahay, waayo qaraxa wuxuu ka kooban yahay dhowr waxyaabood oo la isku geeyey. Eeyaha waxaa si gaar ah loo baraa inay aqonsan karaan nooc kasta oo ka mid ah isku dhisyada qarax uu ka koobnaan karo.

Kadib waxaa lagu galiyaa meel qarsoon, sida in lagu aaso god dhowr dhudhun ah ama in la mariyo barafuun carfaya ayadoo la eegayo sida uu eygu u soo saari karo.

Inta badan eeyaha hawshaas loo tababarayo iyo qofka xarigga u haya waxay sameeyaan 12 toddobaad oo tababar adag ah. Eeyaha wax baadigooba waxaa loo tababaraa inay baaraan dadka la la’ yahay iyo meydadka.

 

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo gudbiyay xisaab xirka 2022 iyo Golaha Wasiirrada oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022.

Warbixin maaliyadeedka uu gudbiyay xisaabiyaha guud ee dowladda oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka, ayaa waxaa akhrin iyo falanqeyn dheer ku sameeyay Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa intaas kadib ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022 ee uu soo gudbiyey xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.

Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha dowladda waxaa waddanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii, sida lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxa uu mar walba u taagan yahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha wadanka.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxay kulankooda shalay ku ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirkaas lagu meel-mariyay 4 hindise sharciyeed oo kale.

Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin:

  1. Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta.
  2. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada.
  3. Hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii.
  4. Hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Saciid DENI oo taageero weyn u muujiyay Marwo kadib arrintii lagula kacay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay arrinta lagula kacay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali Salaad, oo u tartameeysay hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka.

Saciid Deni ayaa ka horyimid warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe oo tartanka madaxweynaha adduunka uu kaga reebay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Den uu taageero buuxda la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni asaga oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland, waxaa uu taageero la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya una tartamamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu urajaynayaa in xilkaas ay u tartamayso Alle ku Guulleeyo.”

Marwo Cabdi Bashiir ayaa waxay kamid tahay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, ee ka tirsan Golaha Shacabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Isku soo wada duubo, Midowga Baarlamaanka Qaramada ayaa sida qorshuhu yahay waxay dalka Angola ku dooran doona madaxweynahooda 31-aad ee soo socda, kaasi oo ah madaxa siyaasadda ee baarlamaanka.

Arrimo culus oo ka dhalanaya aamusnaanta dowladda ee xiisadda Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa faraha ka laabatay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Puntland.

Halkan hoggaamiyaha maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabeystay doorasho isaga le’eg, taas oo mucaaradka si weyn u diidan yihiin.

Odayaasha dhaqanka ee maamulka ayaa u fadhiya shir gaar ah si ay ugu dhawaaqan taladooda iyo waxa xalka u noqon kara ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Ciidanka ayaa ku kala qeybsan xaalka siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo qaarna ay Saciid Deni iyo qorshihiisa ogol yihiin, qaarna ay ka soo hor jeedan.

Waxaa kale oo jira ciidan xooggan oo iyaga iyo Saciid Deni mar hore kala dhinteen, kuwaas oo la yiraahdo PSF. Ciidankaasna waa buddo gaar u tuman marka laga hadlayo xukunka iyo xaalka Saciid Deni.

Ninka loo tiriyo inay ciidankaas siyaasad ahaan taabacsan yihiin Asad Cusmaan Diyaano wuxuu hore u sheegay inay tuutaha xiran doonan haddii Saciid Deni uu qaban waayo doorasho la isla ogol yahay 8-da Janaayo 2024.

Sida ka muuqatay jadwalka uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Puntland 50 cisho oo dib u dhac ah ayaa ku imaanaya waqtiga, balse waxaa waqtiga ka muhiimsan in aan heshiis lagu aheyn nuuca doorashada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu masuul ka ah guud ahaan Jamhuuriyadda ayaa indhaha ka eeganeysa waxa ka socda Puntland.

Halkan ayaa kal hore gacanta la iskula tagay xilli maamulka Saciid Deni uu rabay inuu furo dastuurka maamulka. Waxaana dagaalkii ka dhacay Garoowe ku dhintay dad iskugu jiray shacab iyo askar.

Markale cabsi ayay muujinayaan shacabku. Mucaaradka oo rag hubeysan ay ku jiraan waxay ku hanjabeen in aanay aqbali doonin qorshaha Saciid Deni, iyaguna aanay masuul ka noqon doonin wax walba oo dhibaato ah oo ka dhasha isku-deyga Deni.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay uga hadlay xaaladda Puntland. Balse si weyn ayaa xilligaasi loogu dhalleeceyay, waxaana mucaaradka Puntland qaar sheegeen inay dowladda taageerayaal u abuurtay Saciid Deni.

Halka uu Saciid Deni isna si xeer siyaasadeedka ka baxsan u weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadda markale xaaladda siyaasadeed ee Puntland waa mid cakiran, waxaa muuqata in dowladda dhexe ay sugeyso illaa xaalka uu gaaro meel aanay waxba ka qaban karin oo tallo iyo tabarna aanay u haynin.

Uma badna in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya laga qaadan doono inay mowduuc sidaan u weyn uga leexdan si aan loo eedeyn, sababta oo ah taasi waxay kasoo horjeeda masuuliyadii loo doortay.

Ugu yaraan haddii aanay haysan awood ay ku fara-geliso waa inay booskeeda cadeysa inta aanay xaaladdu kasii darin ayay leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Doodda sheegaysa in haddii mowqifka dowladda dhexe la ogaado inay caawimaad u tahay Saciid Deni oo raba inuu mar labaad kursiga kusoo laabto, waxaa ka muhiimsan masuuliyadda saaran dowladda dhexe oo ah ilaalinta amniga guud ee dalka, badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xalinta tabashooyinka labada heer dowladeed ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa rumeysan in ka aamusnaanta dowladda dhexe ee arrimaha Puntland inay dhaawaceyso miisaanka dowladda dhexe, isku haynta dalka iyo hanaanka federaalka intaba.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah

0

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas uga qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay hindisaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka deg-degga ah ee Midowga Yurub.

Waxa uu ka dalbaday Midowga Yurub in kaalmada bini’aadanimo ee siiso Soomaaliya loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi, si dalkeenna u gaaro isku filnaasho gudaha ah, ama ugu yaraan uga maarmo ku tiirsanaanta kaalmo caalami ah.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-Shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Diidmada isbeddelka hannaanka madaxtinimada dalka oo sii xoogeysatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh weli mowduuc weyn ayay ka tahay in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha, halka loo guurayo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Balse diidmada arrintaan la xiriirta ayaa gaartay dhinac walba oo kamid ah daneyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya. Kooxaha diidan arrintaan waxay iskugu jiraan xilal sugayaal iyo xubno ka tirsan dowladda hadda jirta.

Sababta ugu weyn ee loo diidan yahay waa cidda awoodda u leh inay sameyso isbeddelka heerkaas ah iyo inay abuureyso kala shaki bulsho ama uu dheelinayo hanaanka awood qeybsiga beelaha.

Hoggaamiyaha ay bilaha u harsan yihiin ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku biiray siyaasiyiinta sida weyn u diidan in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka leexday dastuurkii lagu heshiiyay. Deni waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Ma cadda inay dowladda federaalka ay ka joogsan doonto arrintan dhalisay diidmada badan, xilli ay dhinaca kale jiraan warar sheegaya inuu socdo abaabul baarlamaanka lagu horgeynaayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 27-kii May 2023.