27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Puntland oo shuruud horleh ku xirtay mashaariicda laga fuliyo deeganadeeda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka toddobaadkan ee Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, dhameystirka fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka maamulka, mashaariicda horumarinta Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda dowlad-goboleedka, qorshaha horumarinta shanta sano ee Puntland iyo mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo.

Shuruudaha uu madaxweyne Deni faray golaha wasiirada ee lagu mashaariicda laga fuliyo deegaanada maamulka ayaa waxay kala yihiin;

  1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU).
  2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta.
  3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland.
  4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland.
  5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).

Shanta been ee madaxda Soomaalida ay aaminan dhamaadka muddo xileedkooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida intooda badan waa isku midab marka la gaaro muddo dhamaadka xafiiska. Waxay u muuqdan kuwo aan waxba ku qaadan tii lasoo maray.

Waxay maalin walba dib u cunaan wixii ay umadda wanaag tareen intii ay xafiiska umadda hayeen. Waxaa dhaca miir-beel siyaasadeed oo qofka iskaga qasa milkiyadiisa shaqsiga ah iyo milkayada umadda.

Warbixintaan waxaa ku eegayna shan arrimood oo been ah laakiin madaxda Soomaalidu aaminaan marka la gaaro dhammaadka muddo xileedka, kuwaasi oo kala ah;

1. Awood ciidan

Siyaasiga Soomaaliga ah isaga oo og in aan dalkaan cidna xoogi karin, dadka wada hubeysan yahay, ciidanka wada qabiileysan yihiin, oo sidaas xukunka ku yimid ayuu marka dambe isagu tijaabiya inuu dadka xoogi karo.

Cadeymaha ah in aan Soomaaliyada maanta la xoogi karin, dhinac walba oo kamid ah diiwaanka Soomaalida ayaa ugu tageysa. Mid walba oo isku dayay awood sheegasho ciidan fashil ayuu kusoo dhamaaday, haddana laguma waano qaato.

2. Mucaaradnimada oo dambi laga dhigo

Qofka Soomaaliga ah marka uu xukunka haysto wuxuu mucaaradnimada u yaqaana dambi, dhibaato qaran iyo fowdo.

Dhamaadka muddo xileedkiisana wuxuu dadka ugu sheekeeya inay mucaaradka yihiin dad qabiileysan, tabar yar, shacabkuna ay rabin oo kursiga ka qaadan karin. Laakiin khiyaaligaas ayaa inta badan iska dhamaada maalinka doorashada.

3. Fahamka shacabka oo lagu gafo

Madaxda Soomaalidu waxay rumeysan yihiin in shacabka marwalba iskala jiraan qofka xukunka haysta oo aanay kala jecleyn cidda xukumeysa. Taasi waa gaf shacab.

Dadweynuhu xitaa maalinka doorashada dhacdo maalinka ku xigta wey kala qeybsamaan, weyna kala qeybsanaadan illaa uu dhamaado kal xukunkaas.

Majiro shacab aan ku xisaabtamin sanadaha xukunka ee dalkooda, sida ay wax u socdaan iyo rejada aan dhamaanin ee helista hoggaan kasii fiican midka markaas jooga.

4. Kalsoonida dhaqaalaha

Qofka xukunka haysta wuxuu aaminsan yahay inuu isagu dadka ugu lacag badan yahay, waxa uu rabana soconayaan, laakiin marka la gaaro doorashada lacagta waxaa ka xoog badan doonista isbeddelka.

Lacagta akoonnada uga buuxda qofka xukunka haysta dad ayaaba u arka hanti uu ka dhacay xafiisyada dowladda, in laga qaato iyo in loo dhaafana waxay u arkaan isku mid.

Lacagta kama adka rabitaanka isbeddelka, waase mid ay illaa iyo hadda siyaasiyiinta Soomaalidu fahmi la’ayihiin.

5. Been ma sheegayaasha

Madaxda ku jirta xilli dhamaadka xukunkooda waxay ka dhuuntaan dadka runta u sida. Waxay shaqo u abuuran dad iska dhigaya inay iyaga daacad u yihiin, balse u tababaran sida madaxda looga ilaaliyo xaqiiqada.

Dadka waa ku rabaan, lacag ayaa haysata, mucaaradka lama rabo, waa laga cabsanaya, ciidanka ku raba iyo sheekooyin gacan ku sameys ah ayaa saacad saacad loogu harqiyaa qofkaas uu gabalkiisu sii dhacayo.

Laakiin saacadaha doorashada ayuu ogaada inuu ku noola dal ama deegaan aan aheyn halkii uu xukumayay.

Arrimahan si joogto ah ayay usoo noq-noqdaan, welina lama hayo qof kamid ah madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya oo wax ka barta, una guura xaqiiqada oo mucaaradkiisa la hadla, awoodda ciidanka ku beddela mid olole siyaasadeed ah, dib u raadiya kalsoonida shacabka, iska erya kuwa beenta u sheegaya ee xoola doonka oo si miir-qabta ula macaamila dhamaadka muddo xileedkiisa.

DF oo billowday qorshaha xigga deyn cafinta iyo kulan ka dhacay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshaha xigga deyn cafinta oo xilligaan mareysa marxalad geba-gebo ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu maanta la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.

Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Deyn-cafinta Soomaaliya ayaa la filayaa in si rasmi ah looga dhawaaqo bisha December ee sanadkan 2023-ka, sida uu hore u shaaciyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

“Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa hanaanka deyn-cafinta, ayada oo arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka.

ABIY ‘oo fasiraad ka bixiyay’ hadalkii Soomaalida ka careysiiyay ee dekedda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray, kaasi oo ku aadana damaca Itoobiya ee dhul badeed.

Abiy ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin “dagaal” kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka.

“Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,” ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qayb-galayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wada-hadal iyo gorgortan.”

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay “dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,” marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”.

Hadalladaas ayaa waxay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in “hadallada” gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa ” xad-dhaaf ah “.

Sidoo kale waxa hadallada Abiy si adag uga fal-celiyay Soomaalida, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in aysan Itoobiya kala xaajooneyn arrintaasi, halka Somaliland oo ay ku taallo dekedda Saylac oo uu carabaabay Abiy ay sheegeen in Itoobiya rabto dhul ay qaadato, sidaas darteed aysan u hayn dhul.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.

CC Shakuur oo ka horyimid tallaabadii A/Madoobe, una hiiliyay MARWO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo saaray warqad uu tartanka madaxweynaha adduunka uu ka reebay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya.

Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha ayaa waxaa loo diray Baarlamaanka adduunka, ayada oo loogu sheegay in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartanka.

Cabdiraxmaan Cabdirashuur ayaa arrintaan ku tilmaamay mid laga xumaado, wuxuuna tilmaamay in si toos ah tartanka looga reebay xildhibaan Marwo, si loo wiiqo hankeeda.

“Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka” ayuu qoraalkiisa ku yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu la xariiray xildhibaanada ayna u sheegtay inay arrintan lama filaan ku noqotay, maadaama ay warqadda soo gaartay, ayada oo ku jirto taranka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana looga been abuurtay baarlamaanka dalka.

“Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo” ayuu mar kale yiri Mr. Warsame.

Halkan hoose ka akhriso qoraalkan oo uu soo dhigtay bartiisa Facebook-ga:-

Waa ayaan-darro wayn iyo wax laga xumaado in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka.

Tartanka oo ay isku soo hareen iyada iyo 3 Haween Afrikaan ah oo dalalka Malawi, Tanzania iyo Senegal ka kala socda, lana joogo saacadihii ugu danbeeyey ee cod bixinta ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe u diray Baarlamaanka adduunka, kaasoo uu ku sheegayo in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartankii.

Xildhibaan Marwo oo tartanka weli ku sii jirta ayaa ii sheegtay in uu filan waa ku noqday qoraalka uu Sheekh Aadan Madoobe kaligii magaca Golaha Shacabka ku soo saaray.

Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo.

Haddii ay xildhibaan Marwo tartankaas ka libin keeni waysana, waxaa u sabab ah Guddoomiye Aadan Madoobe iyo intii kale oo shirka kula ah. Golaha Shacabka waa in uu ka waynaada qof go’aankii.

Xamza oo magacaabay gole cusub oo ka kooban 19 xubnood + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay gole cusub oo ay yeelanayso xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

Golahan ayaa waxaa lagu magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, ayada oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Sidoo kale golaha ayaa ka kooban 13 wasiir iyo 6 xubnood oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo ay ku jiraan lataliyeyaal sar sare.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya  dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha  Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban;

  1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
  2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
  4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
  5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
  6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
  7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
  8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
  11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
  12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:

  1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
  4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
  5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.

Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaalaha ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirka lagu meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo kale.

Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo la horgeeyay iyo warbixinta sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh nidaamka dhaqaale ee dalka.

Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin:-

Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta, hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada, hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii, hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

Daawo: Madaale oo tegay xaafadda ugu halista badneyd XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqasho ku tegay degmada Dharkenley ayaa dhagax-dhigay wado cusub oo laami ah oo isku xirta Tabakaayo Madoowe iyo Macalin Nuur ee degmadaasi, taas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha.

Madaale oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday xaafadda Dabakaayo Madow ay aheyd xaafadda ugu badan ee dadka lagu dili jiray, marka loo eego Muqdisho oo dhan.

Duqa Muqdisho ayaa haatan sheegay in isbeddal badan la sameeyay, isla-markaana uu hourmar ballaaran ka jiro Dharkenley, taasna ay ku timid wada shaqeynta guud.

“Dadka degan Dabakaanyo Madow waxay ay u badnayd meesha dadka lagu dilo maanta waa ka bad qabtaan Alxamdulilaah, hadda nolol ayaa ka bilaabatay iyo horumar ayaa ka socdo, taasna waxaa u sababay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in meesha laga saaray kooxihii ciyaal weerada ee dhibaatada ku hayay shacabka, sidoo kalena laga hortegay halista kooxda Al-Shabaab.

“Waad ogtihiin ciyaal weeero ayaa nafta idin keenay, laakiin maanta waad ka bad qabtiin kuwii garan waaga loo bixiyay ee Khawaarijtana ee nafta u keentay dadka halkan deggan hadda waa laga soo kabtay” ayuu mar kale khuddbaddiisa ku yiri guddoomiye Madaale.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay dadaalkooda sii xoojiyaan, si loo sii wado horumarka ka jiray degmada.

“Dadaalkiina laba laaba horumarkana aan ka wada shaqeynyo, waad mahadsantihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay duqa magaalada Muqdisho.

Shabaab oo la wareegtay deegaan ku yaalla galbeedka Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xubnaha Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo khasaare dhaliyay.

Taliye Maxamed Salaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, kadin wareysi uu siiyay Radio Kulmiye.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

“Saaka aroortii ah ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoogan nimankii cadowga ahaa ay ka bilaabeen dhammaan galbeedka gobolka Hiiraan” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu xaqiijyay in kooxda la wareegtay deegaanka Ceel Cadde oo dhaca galbeedka Beledwyene, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada huwanta.

Sababta waxa uu ku sheegay xeelad dagaal iyo ciidamadu inay arkeen Al-Shabaab badan oo kusoo socda magaalada.

“Nin yahow deegaanka Ceel Cadde Al-Shabaab ayaa qabsaday ciidankeenana hadda waa ku howlan yihiin in ay dib uga saaraan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan wadaan abaabul xoogan, isla-markaana ay Al-Shabaab dib uga saari doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidankeena xeelad dagaal ayay sameeyeen dib u gurasho ayayna uga soo baxeen deegaanka, haddana waxaan rajeyneynaa in laga saaro” ayuu mar kale yiri.

Hiiraan ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Al-Shabaab, inkastoo weli ay gobolkan ku hardamayaan maleeshiyada kooxda iyo ciidamada Soomaaliya

Golaha wasiirada oo soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray go’aan farxad-geliyay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Intaas kadib golaha ayaa go’aamiyay in bishaarkooda oo dhan loo jaro ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada dalka, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay shirka golaha.

“Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ee xukuumadda DanQaran ayaa maanta waxa ay ku gaareen go’aamo dhaxal gal ah, kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa go’aamada lagu gaaray waxaa kamid ah in mushaarka wasiirada ee bishaan gabi ahaanba ay ku taageeraan howlgallada lagu ciriribtirayo kooxaha Khawaarijta” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid dhiiragelinayo ciidamada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira xoreynta dalka.

“Go’aankan taariikhig ah ee golaha wasiirada waxa uu dhiiragelinayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo weliba dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta” ayuu raaciyay Farxaan Maxamed Jimcaale.

Ugu dambeyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shirkooda ku ansixiyay warbixinya sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh dalka iyo nidaamka guud ee dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

QM oo dalbatay in Puntland lagu soo celiyo Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ku aadan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.

Catriona Laing ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku soo celiso saaxadaha siyaasadda, gaar ahaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama ay ka maqneyd kulamadii ugu dambeeyay ee dhexay dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Haweeneydan ayaa xustay in loo baahan yahay in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay haddii aan xal loo helin maqnaashiyaha Puntland ay sii adkeyn doonto in la dhammeystito hannaanka doorashooyinka.

“Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada. Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada,” ayay tiri Ms. Laing.

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay arrimaha geeddi socodka dastuurka, ayada oo carabka ku adkeysay in loobaahan yahay dhammeystirkiisa.

“Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdo. Soomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurkaas la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah,” ayay tiri Ergeyga Qaramada Midoobay.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu shalay Deni weerar afka ah ku qaaday dowladda dhexe iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in aysan  kalgood go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama la qaatay nidaam federaal ah.

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu shalay yiri madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay baarlamaanka maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa weli  weli halkiisii ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac.

Xog ku saabsan maxkamadeynta Jeneraal Sheegow Axmed Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Generaal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, kaas oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta maxkamaddu ay guda geli doonto dhageysiga dacwadda loo haysto sarkaalkan oo dhowr bilood u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ninkan maxkamadda lala geyn doono qaar kamid ah ilaaladiisa oo lagu soo qabtay dagaal 19-kii August ee sanadkan ay la galeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Eeedaha uu wajahayo sarkaalkan ayaa waxaa kamid ah inuu ka dhaga adeegay amar ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu soo dhiibo ciidamo ka tirsan kuwiisa oo lagu eedeeyay inay dhac baasan ka gaysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa eedaha kamid ah dagaalkii uu ninkan la galay ciidamada amniga, maadaama uu qaatay ku dhawaad 5 saacadood, uuna gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Maxkamadeynta ninkan ayaa si aad ah isha loogu hayaa, ayada oo laga war dhowrayo go’aanka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Arrinta sarkaalkan ayaa dhalisay hadal xoogan iyo caro keentay inay dibadbaxyo dhigaan beesha uu kasoo jeedo, inkastoo markii dambe ay xaaladdu degtay.

Sheegow ayaa tan iyo 2014-kii markaas oo uu kasoo baxay Al-Shabaab kasoo mid ahaa ciidamada dowladda, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Waa sidee xaaladda amni ee magaalada Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Faysal Caraale ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaalada amni ee caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo saraakiisha amniga Degmada ayaa waxaa lagu sheegay in amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho uu aad u fiican yahay.

Guddoomiye Yabooh ayaa intii ay kormeerka socdah waxa uu mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo ganacsatada, isagoona la shaah-cabay odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo qmniga caasimadda, isaga oo bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida amniga, iyagoo la shaqeynaya maamulka degmada iyo laamaha amaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax oo halkaasi kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in amniga degmada iyo guud ahaan caasimada hu fiican yahay, islamarkaana uu dardar ku socdo horumarka degmada.

“Xaaladda amni ee degmada aad bey u fiican tahay, waxaa noo qabsoomay kormeer aad u qiimo badan. Amniga gobolka Banaadir aad ayuu u fiicna oo waa in aan ka feejignaano cadowga,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka degmada Yaaqshiid hadaa nahay diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno dhagarta cadowga anaga oo kaashaneyno laamaheen amniga booliska iyo nabadsugidda, aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna booliska iyo nabadsugidda degmada.”

Xogta kulan Saciid Deni uu Madaxtooyada kula yeeshay Isimida dhaqanka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay wafdi Isimada dhaqanka Gobolka Bari ah oo safar ku jooga Garoowe.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu madaxweyne Saciid Deni u sameeyay Isimida ayaa waxaa ka qeyb-galay Isimo, cuqaal, nabadoono iyo waxgarad ka socda Gobolka Bari kuwaasi oo safar uga soo laabtay Degmada Buurtinle.

Saciid Deni ayaa la wadaagay Isimada, cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Bari, warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la wadaagay Isimida dhameystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee qof iyo cod oo uu sheegay in hada uu marayo meel wanaagsan.

“Iyadoo ay inagu soo fool leeyihiin Doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, Sidaasi darteed ay muhim tahay in la isu wada diyaariyo oo bulshada dhinac kasta uu doorkiisa qaato,” ayuu lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Puntland..

Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaanka doorashada qof iyo cod oo ay diidan yihiin mucaaradka, ayada oo guddiga doorashooyinka Puntland ay soo saareen jadwal doorasho oo muddo kororsi dadban u sameynaya madaxweynaha muddo xileedkiisu geba-gebada yahay.

Qoraal dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo culus kadib baaqii Ugaaska Gadabuursi

0

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay baaqii maalmo kahor kasoo yeeray Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi, kaasi oo uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Doodi ayaa muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada kaga dalbaday Somaliland inay ka baxdo dhulkooda, oo ula jeedo gobollada galbeedka, gaar ahaan Awdal.

Somaliland ayaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray Ugaaska iyo tabashada uu qaabo ay u xil saareen odayaasha dhaqanka gobolka Awdal, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaaradda qorsheynta Somaliland Dr Axmed Buuxane.

“Ugaas Cabdirashiid waa dhaqankayagii oo xurmo ayaa u hayna, waa Ugaaskii 19-aad ee Samaroon yeesho,” ayuu yiri Wasiir Buuxane.

“Anaga oo siyaasiyiin ah arrintiisa kama hadli karno oo arrinkaas waxaa nagala wareegay dhaqanka Gadabuursi oo dhameystiran, oo ka howl-galaya, waxay inoo soo gudbiyaana diyaar ayaa u nahay.”

Hadalka Somaliland oo u muuqda mid hoos loogu dhigayo dhawaaqa kasoo yeeray Ugaas Cabdirashiid, ayaa waxa uu imaanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Somaliland dhawaan madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen lifaaq sharci oo ku saabsan tabashooyinka awood qeybsiga siyaasadeed ee ay qabaan bulshada reer Awdal.

Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

ODOWAA oo si adag uga hadlay duqeymaha Israel ee GAZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qaddiyada Falasteen, gaar ahaan xasuuqa ay haatan ciidanka Israel ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaza.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay taababeyso arrinta Falastiin, isla-markaana ay la xanuunsanayaan walaalahooda.

‘‘Waa mas’uuliyad daro iyo akhlaaq xumo in qof Soomaali ah dhaho maxaa naga galay Falastiin, wax badan baa naga galay, walaalo ayaan nahay, markay xanuunsadaan waa inaan xanuunsannaa, markay farxaana waa inaa faraxnaa“ ayuu si caro leh u yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay gumaadka ay Israel ku heyso Gaza, oo uu tilmaamay in reer Falasteen aysan haysan meel ay uga baxaan magaaladooda.

“Dadkaas xerada lagu xiray sawaariikh ayaa lala dhacayaa mana haystaan meel ay u baxsadaan iyiomeel ay u furan. Dhiigeena iyo dhacaankeena weeye Falastiin, waana in aan u hiilinaa, balse anigu kama mid ihi kuwa madaxa foorarinaya, ee waan inaan ugu yaraan ducaynaa“ ayuu sii raaciyey.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay qaataan kaalinta kaga aadan arrinta Falastiin, isla-markaana ay saameeyaan gurmad uruurin, si loogu caawiyo walaalahooda Muslimiinta ee haatan wajahaya dhibaatada adag.

“Haddaan dowlad nahay iyo hadan ganacsato nahay iyo haddaan shacab nahayba aan wax isugu darno dadkaa wixii lagu caawin karo waa inaan ku caawinaa ha loo geeyo“ ayuu yiri

Waxaa kale oo uu kusii daray ‘‘Sodon sano ka badan oo an dhib ku jiray waxaa imaanayey gargaar ka imaanayey Kuweeyt,Ciraaq,Sacuudiga raashin keeneyey xiligii caga bararku ka dhacay Soomaaliya ma waxay dhaheen maxaa naga galay miyey na dhaheen“.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u caddeysay mowqifkeeda ku aadan arrinta Falasteen, ayada oo cambaareysay duqeymaha aan kala sooca laheyd ee ay Israel ku heyso Gaza.

Sawirro: Aadan Madoobe oo heshiis lasoo galay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan.

Guddiga ayaa balan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Mareykanka

0

Maine (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Boqollaal askari oo booliis ah ayaa waxa isugu soo baxeen gobolkan, iyagoo raadinaya nin lala xiriirinayo toogashadan oo ka dhacday baar iyo goob kale oo lagu ciyaaro ciyaarta bowlingka.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, tobannaan kale ayaa ku dhaawacmay, waxaaana maamulka gobolkaasi sheegay inay jiraan dhibbanayaal badan oo ku dhintay toogashadii Arbacadii, balse waxay diideen inay sheegaan tirada.

Booliiska gobolka iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay Robert R. Card, oo 40-jir ah lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay, isla markaana ay ku raadjoogaan.

Booliska ayaa faafisay muuqaalka ninkan la tuhunsanyahay. Weli waxaa la raadinayay eedaysanaha weerarka toogashada ah gaystay oo baxsaday.

Toogashada ayaa ka dhacaday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, waxayna noqotay mid kamid ah dhacdooyinka ugu dhimashada badan ee dalka Mareykanka.

Dadka deggan Lewiston iyo Lisbon u dhow ayaa loo sheegay in ay feejignaadaan.Ninkaan waxaa la sheegay inuu waqti ku soo qaatay xaruun caafimaad oo dhanka dhimirka ah.

Afhayeen cusub oo loo doortay Aqalka Wakiillada Mareykanka iyo saluug laga muujiyey

0

Washington (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa maanta loo doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Ninkaan ayaa la sheegay in uusan laheyn khibrad ku filan oo hoggaamineed, dad badan ayaana durba saluugay inuu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah.

Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen.

Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada oo la tartamaayey uu helay 209 cod.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Jamhuuriga oo aqlabiyada yar ku heysta aqalka ayaa diiday saddex musharrax oo suurtagal ahaa, kahor inta aysan dooran Johnson oo 51 ah oo laga soo doorto Louisiana.

Johnson ayaa ka mid ah taageereyaasha madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab

0

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas ka wada kulamo muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa dalka Belgium kaga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

Maxaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay – hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda.