26.5 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Somaliland oo war kasoo saartay dhaq-dhaqaaqa Awdal State

0

Boorama (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaq Awdal State ee looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo abaabulkiisa uu ka socdo dalka dibaddiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boorama ayaa go’aanno ay soo saareen ku sheegay in gobolka Awdal iyo bulshadiisuba tahay Somaliland.

Waxay hoos u dhigeen walaaca in dhaq-dhaqaaqyada ka socda dalka dibaddiisa ay saameyn weyn ku yeeshaan gudaha, “Wax Awdal State la yiraahdo kama shaqeynayso halkan, Awdal waa Somaliland.”

“Shacabka gobolka Awdal waa shacab kamid ah shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayna yihiin dadkii aas-aasay Somaliland taariikh fogna ku leh, ayna jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cid kale oo sheegan karta ama ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danahiisa,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta u aqriyay go’aannada kasoo baxay wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Saylici.

Bulshada gobolka ayaa waxay ugu baaqeen midnimo iyo in meel looga soo wada jeesto, wax ay ugu yeedheen “cadowga Somaliland”.

“Wafdiga waxay ugu baaqayaan shacabka gobolka guud ahaan adkeynta midnimada, wadajirka iyo danaha bulshada in laga wada-shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Go’aannadan ayaa imanaya xilli magaalada Ottawa ee dalka Canada uu ka dhacay shir dib boorka looga jafayo arrinta Awdal State, oo looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo looga dhawaaqay wax loogu yeeray “madax-banaanida gobolka.”

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

‘Xasan Sheekh in la fashiliyo ayaa la doonayay laakiin isagii ayaa is fashilinaya’

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid ayaa ka hadlay dadaallada uu madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro Soomaaliya nabad ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh la doonayo in la fashiliyo, gaar ahaan dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore uu marayo heer gebo-vebo ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga imaado dadka ku howlan fashilinta madaxweyne Xasan ee dagaalka uu isagu laftigiisu is-fashilinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh intaas oo jeer ayaan idhi hala caawiyo in la fashiliyo ayaa la doonaya, lsakiin isagii ayaa is fashilinaya. Ma jirto meel maanta nabad ah shantii dowladood ee ay samaysteen isma ogola, Hiiraan waad aragtay, Galmudug, Jubbaland waad aragtay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Xasan Sheekh ay dad isku mid ah weerar kusoo qaadeen, islamarkaana ay rabaan in ay labadoodaba fashiliyaan, isaga oo sheegay in Somaliland ay is-difaacayso.

“Inaga oo intii ka xoog badan oo iska jecel oo qaladaadkeena saxnay ayaa xuduudaheena tagi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, guddoomiye Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan u dulqaadan doonin in Itoobiya ay maga-gelyo siiso cadowga Somaliland, xilli ay halkaasi ku sugan yihiin Salaadiin kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland.

“Dowladda Itoobiya waxaa leenahay annagu ma ogolaaneyn Amxaarada oo ku kacsan Itoobiya inta ay Hargeysa timaado ay qas ka billowdo oo ka taageerto kacdoonka, waxaa ka xunahay rag Ugaasyo iyo Garaado sheeganaya inay Addis Ababa kasoo hadlayaan oo dalkayaga qas galinayaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in ay noo kala cadaato in aan marti-gelino mucaaradka Itoobiya iyo in kuwaas kasoo saarayaan Addis Ababa, carrada nagala soo duulayo Itoobiya, taasi ma dulqaadaneyno. Waa in dowladda Somaliland ay arrintaas cod adag ku isticmaasha.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in reer Somaliland ay u mideysan yihiin difaaca qadiyadooda, islamarkaana xilligaan la joogo aanay mucaarad iyo muxaafad kala lahayn, oo ay tageyso xuduudaheeda.

Halis ay ciidanka horseed u yihiin oo ka taagan magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka taagna halis cusub, taasi oo ka dhalatay masuuliyad darrada ciidanka dowladda qaarkood ee ku sugan caasimadda dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo batay rasaasta wiiftada ah. Ciidanka ayaa xabado bilaa ujeeddo ah u rida jihadii ay doonan iyo saacadda ay doonan.

Markii hore falkan waa koobna wuxuuna u badnaa maalinta cad laakiin hadda sida muuqata waxay askartu bilaabeen inay habeenkii xabado iska ridan, si bilaa masuuliyad ah.

Falkan ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac shacab isla bishan dhexdeeda.

Maadaama ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay soo galeen ciidamo fara badan, oo kala tababar iyo kala hoggaan ah, waxaa madaxda laamaha amniga Muqdisho laga raba iney arrintan masuuliyad gaar ah iska saaran.

Sidoo kale waxaa laga maarman ah in madaxda laamaha amniga caasimadda ay dabagal ku sameeyaan dhacdooyinka muuqda, si isla xisaabtanku u sahlanaado.

Amniga muwaadinku waa ajandaha koowaad, askarigii aan intaas wali fahmin, wax badan uma tari karo dalka iyo dadka, waxaana habboon in tababar kale loo diro ciidanka dhaqankan caadeystay ama la yiraahdo shaqo kale raadsada.

Si kastaba, Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka nasatay gumaadkii kooxaha argagixisada ayaa waxaa la aqbali karin ah in askarta dowladda ay si macno darro ah u laayan shacabka loo igmaday inay sugaan amnigooda.

R/W Xamza oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Midowga Yurub + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaraha u ballan-qaaday in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhan ka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Saciid DENI oo weerar culus ku qaaday Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul gobileedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Deni ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isaga oo ka horyimid go’aanadii u dambeeyay ee ay soo saareen, maadaama ay ka maqneyd Puntland.

Madaxweyne Saciid ayaa sheegay in Golahan uusan kalgiis ah go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama waddanku yahay mid federaal ah oo leh hay’ado kala duwan.

Sababta waxa uu ku sheegay in weli aan heshiis lagu aheyn shuruucda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada kalena mid walba uu gooni u maamulo deegaankiisa.

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka leexatay hannaanka federaalka, sidoo kale ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda hadda xilka haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si bareer ah uga leexatay hannaankii federaalka ee dalka, ayna meesha ka saartay dastuurka lagu heshiiyay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Si kastaba, Puntland, ayaa qudheeda haatan waxaa ka jira xaalada cirkiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Mowqifka Somaliland ee damaca Itoobiya ee dekedda Saylac

0

Borama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Itoobiya ee ku aadan inay rabto dekedda Saylac.

Somaliland ayaa meel adag iska taagtay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac, iyada oo sheegtay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato, marka loo fiiriyo hadalkii Abiy, sidaas darteedna aysan u hayn bad.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo arrintaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in tan kaliya ee Somaliland aqbaleyso ay tahay maalgashi la isla ogyahay, oo wadadiisa loo soo maro, inkasta oo uu ka dhawaajiyay in damaca Itoobiya uu ka gedisan midkaasi.

“Deked waa la maalgashan karaan, dekedda Berbera dad ayaa nala maalgashaday. Marka deked lagula maalgashanayo shuruuc ayay leedahay oo heshiis ayaa la galaa” ayuu yiri Wasiir Saajin.

“Somaliland in deked nala maalgashado waxba kama qabto, ee mid ayaa meesha taalla oo aad weli fahmi la’dihiin oo dadka kale fahmeen, waxa weeyi deked la wada maalgashado kama hadleyso Itoobiya ee waxay ka hadleysa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku siiyo noocaas.”

Wasiir Saajin ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in Itoobiya ay hore uga baxday heshiiskii dekedda Berbera oo ay saami ku laheyd, islamarkaana ay hadda u hayn dhul ay siiyaan.

“Berbera waa loo bandhigay Itoobiya haddii maalgashi inay gashato rabto, haddii Saylac noqoto waxaa la isla maalgashada wax la isla ogyahay oo dowladda jirta ayaa heshiis lala gala, laakiin Itoobiya dhul ayay rabtaa, maalgashi waa laga heshiiya ee dhul la isma siiyo.”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay in wax lala maalgashado, balse ay muhiimaddu tahay in arrintu noqoto mid la’isla ogol yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa toddobaadkii hore ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo in aan dagaalanno.”

Waxa uu soo jeediyay in dowladdiisu ay saami ka bixineyso biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna horay u diiday dalabka Itoobiya ee ku aadan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

KENYA oo baadi-goobeyso 35 ka tirsan Al-Shabaab + Magacyada

0

Nairobi (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo saaray warbixin cusub oo ka dhan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baadi goobayaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi, si gacanta loogu soo dhigo.

Warbixinta oo kasoo baxday booliska Kenya, gaar ahaan Hoggaanka dambi baarista (DCI) ayaa waxaa lagu shaaciyay magacyada 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaaas oo loo haysto in weeraro argagixiso ah ay ka gaysteen gudaha waddanka Kenya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay ka tirsan yihiin shabakad kooxda Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka weerarada ka dhaca gobolka xeebta ee Lamu.

Kenya ayaa farriin  u diray shacabka, waxayna ka codsatay inay si mutadawacnimo ah u keenaan xogta raggaasi lasoo bandhigay magacyadooda iyo sawirradooda.

“Hoggaanka danbi baadhista (DCI) waxa ay ka codsanaysaa bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogta horseedaysa in la soo xidho soddon iyo shan (35) eedaysane, kuwaas oo qayb ka ah shabakada Al-Shabaab, una qaabilsanaa qorshaynta iyo abaabulka weeraradii ka dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska booliiska la dagaalanka argigixisada.

Booliska Kenya ayaa intaais ku daray in dowladdu ay abaakmarin doonto cidkasta oo keentay xog horseedi karto in lasoo qabto eedeysanayaasha, si loo maxkamadeeyo.

Kenya ayaa waxaa inta badan weeraro culus ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada ciidamada ammaanka dalkaasi.

Dalkan dariska la ah Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo qayb ka ah howlgalka ATMIS ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidanka Danab ee Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore guddiga doorashooyinka usoo saareen jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedkiisa, taas oo sii kicisay xaaladda cakiran ee Puntland.

Warqad kasoo baxday taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin muddo kororsi iyo in Puntland ay gasho firaaq dastuuri ah.

“Taliska ciidanka kumaandooska Danab ee Puntland, wuxuu bulshada reer Puntland u caddaynayaa in uusan marna ogolayn in dalka la geliyo firaaq dastuuriya, ayada oo la fulinayo damaca madaxweynaha waqtigiisu dhammaadka yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska ayaa cambaareeyay go’aanaddii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee Puntland oo shaaciyay jadwal doorasho oo muran badan dhaliyaay.

“Taliska ciidanka Danab wuxuu cambaareynayaa warqaddii sharci darrada ahayd ee kasoo baxday PEC oo Deni u dhisay hab baalmarsan dastuurka dalka” ayaa la raaciyay qoraalka.

Ciidaanka kumaandooska Danab ee Puntland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in wixii dhibaato ah ee ka dhasha muddo kororsiga uu qaadi doono madaxweyne Saciid Deni.

Taliska ayaa sidoo kale farriintiisa la wadaagay dadka Soomaaliyeed, reer Puntland iyo beesha caalamka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhacay Garoowe.

“Taliska ciidanka Danab wuxuu bulshada Soomaaliyeed, tan Puntland iyo beesha caalamka la wadaagayaa in wixii amni darro ah ee ka dhasha damaca muddo kororsiga oo uu wado Deni uu qaadayo mas’uuliyadda, lagulana xisaabtamo doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Horay mucaaradka Puntland ayaa uga horyimid go’aanka guddiga PEC, ayaga oo shaaciyay inay qabsan doonaan doorasho, haddii aan wax laga beddalin jadwalka soo baxay.

Go’aanka guddiga PEC ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda 2024-ka, taas oo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diidan yihiin mucaaradka.

Sawirro: Firdhiye oo tegay furimaha hore ee dagaalka, farayna ciidanka Khatumo in…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee ku sugan yihiin ciidamada SSC-Khaatumo.

Socdaalkan ayaa waxaa hoggaamiye Firdhiye ku wehlinayay hoggaamiye ku-xigeenka maamulka, guddoomiyaha golaha dhexe, xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhexe.

Mudane Firdhiye ayaa ugu horreyntii waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha sare ee ciidamada SSC-Khaatumo, isaga oo uga sii gudbay fadhiisimaha hore ciidammada difaaca SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen ciidamada Soomaliland, oo bilihii dambe ay ku dagaalamayeen magaalada Laascaanood.

Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa waxa uu ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul.

Firdhiye ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale u sheegay ciidanka in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay is-difaacaan oo ay jabiyaan kuwa soo weeraray, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhamaystiran.

Ugu dambeyntiina wuxuu ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ah maamulka KMG ah, kaasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Abiy Axmed Cali colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna nabad baryi meyso!!

0

Abiy, Zaylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan!

Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso, dadkuna waxba kuma kala dhex qarsoona, Abiy Axmed oo qalbi caruurnimmadiisu ay tahay mid dibad yaal ah wuxuu u sheekeeyaa barlamaan iyo gole waziiro oo uu ku heysto awood iyo ciidan, waxaan dhaqan ka ah dalka Itoobiya kolba qofka madaxda ka noqda in waxa isagu uu sameeyo ay wadanka sharci ka yihiin, maxaa yeelay Itoobiya waxaa ka jiray   Imbardooriyad (Empire) ay ku hoos dulmanyihiin qoomiyado kala duwan oo aysan jirin wax ay wadaagaan haddii ay tahay;  isir, diin, dhaqan, iyo afba, kuwaasoo ay si xoog ah ku qabsatay, iyadoo gacan ka heleysa guumeystihii ku soo duulay qaaradda Afrika oo ay xiriir la lahayeen isla markaasna ay isku xireysay diinta masiixiga, iyo  guumeystayaasha oo fahamkoodu ahaa inay u adeegsadeen siyaasadooda ku aaddan qaaradda Afrika siiba gobolka Bariga Afrika. Siyaasadda noocaas ah oo si weyn u dhaqan gashay waxay dabeecad ahaan Itoobiya gaarsiisay horumar xagga xiriirka caalamiga ah, iyo inay saaxiibo badan ku yeelato caalamaka, hasa yeeshee taasi kuma macneysneyn in Itoobiya dhaqan ahaan ay ka guuri kareyso liidnimmada ay mujtamac ahaan dareemeysay ee ah inaysan ka maarmi kareyn gacanta dalalka shisheeyaha ah, waan halkaas halkaas meesha ay ka bilaabaneyso colaadda aan dhammaadka lahay ee Itoobiya iyo dhexeeya Soomaaliya.

Abiy Axmed, oo aan ahayn shakhsi buuxa ama mararka qaarkood laga shakin karo caqligiisa iyo  hankiisa qofnimo, ayna ka muuqato inuu dareemayo in wax la dheeryahay wuxuu ku maanshoodaa inuu isagu been isu sheego, inuu is ammaano, iskuna qanciyo wax uu ogyahay inaysan waxba ka jirin. Wuxuu dalkiisa u dumiyay oo dagaalo ku galay ilaa haddana u wadaa dagaalladaas in Ayeeydii ay ugu riyootay isaga oo boqor ka noqday Itoobiya!…Wuxuu maalin maqlay islaanta asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya ee Jendayi Frazer oo leh “ wax dhici kara ma aha in boqol iyo toban million inay bad la’aan ahaadaan, 10 million ay heystaan badda ugu dheer qaaradda Afrika” hadalkaasoo run ahaantii markii ay dheheysay la oran karo wuxuu salka ku hayay nacayb ay qarsan weyday oo ay u heysay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo dhambaal ay u direysay cadowga Soomaaliyeed ee soo jireenka ah dhinca kalana ahaa dhiiri gelin iyo inay arrintaas ku garab taagantahay Itoobiya!…DHaqanka Jendayi  Frazer oo ahaa mid ka arradan guud ahaan xeerarka diplomat-siyadda ayaa u muuqday mid ay dowladda Mareykanka ugu soo bareertay qarannimmada Soomaaliya!! Waxaana xusid mudan in maanka lagu hayo arrintu inaysan ahayn Zaylac iyo waxa ay dadka ka hadlayaan, hasa yeeshee hadalka uu Abiy Axmed ku celcelinayo ka turjumaya khariidaddii 2019kii la soo dhigay bogga wazaarradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, ee dalkii Soomaaliyeed oo dhan u uku daray Itoobiya. 

Hadal heynta Badda-Cas ee Abiy Axmed, iyo in mar kasta uu golaha shacabka ee dalkiisa maalin kasta ugu khudbeeyo “Xoog baan ku qabsanayaa  Badda-Cas” ma aha caqli cusub iyo fikrad maanta ku dhalatay Abiyi ee waa fikrad qeyb ka ahyd damacii guumeystihii kala qeybiyay Soomaaliya, oo iyagu rumeysnaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto meel ay u maamusho gacanta Itoobiya, waxana la wada ogyahay in guud ahaan Reer Bariga iyo Reer Galbeedkaba ay ka dhaadhacsaneyd wax bandanna dhegaha Itoobiya ugu shubeen inay mas’uul ka yihiin Bariga Afrika, haddii ay tahay xagga sir-doonka, amniga iyo guud ahaan danaha reer galbeedka, waana hadalkaas oraahda uu Abiyi Axmed ku soo celceliyo sidii shimbirtii Bag-Bagaa’a (Parrots) marka uu leeyahay “Waxaan sugeynaa ammaanka Badda-Cas!” waxaana xusid mudan in waxa loogu yeero Qarammada Midoobay iyada oo gacanta ku haysa dalka Soomaaliyeed aysan marna waxba ka oran warkaas meel ka dhaca ku ah qaranimmada Soomaaliyeed, waxayna taas ku tusaysaa inay qeyb ka tahay oo ay  fududeynayso shirqool weyn oo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu la damacsanyahay Soomaaliya, isla markaasna cuno qabtaynta hubka ee dadka Soomaaliyeed saaran ay qeyb ka ahayd istaraatiijiyadda barnaamijka uu hadda ku shaqeynayo Abiy Axmed.

Ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan fahamsaneyn ama aysan dareensaneyn ujeeddada laga lahaa cunaqabteynta hubka ee la saaray dadka Soomaaliyeed muddada dheer, hasa yeeshee shacabka  Soomaaliyeed wuxuu ku kalsoonyahay inaan lagu maquunin karin xoog iyo hub, sida taariikhda ina bareysana shacabka Soomaaliyeed geesinimmada dhaqanka u ah waxaa u dheer oo Alle ku maneystay dhallin-yaro ku dhalatay dagaalyahanimo dabeecad ahaana u taba baran colaadaha iyo dagaalka, weligoodna uusan cadow ka guuleysan. Sida muuqata dagaalka uu naadiyay Abiy Axmed, ee waliba isaga iyo xulufadiis ay muddo ka soo shaqeyniyeen ma noqon doono mid ku ekaada sida isaga ay la tahay gudaha Soomaaliya wuxuuse noqonayaa mid laysku wareysto gudaha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed, oo tallada Itoobiya qabtay bishii April 2018, isagoo oo sanad dhameysan buu wuxuu bilaabay ololaha colaadda ah iyo hadal hayntiisa ah inuu qabsanayo dekadaha Soomaaliya!…Waxaa isagana arrintaan dhiiri geliyay oo khayaannay ammaannadii ay umadda u dhiibatay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga markaas aha madax-weynihii xilligaas kaasoo si cad oo aan kala har lahayn isugu dhiibay Abiy Axmed, iyadoo sida dad badan ay rumeysanyihiin ama ay tilaamayaan ujeeddadiisu ahayd in ciidamo kursiga ku ilaaliyo ka helo, wuxuuna la galay  heshiisyo qarsoodi ah oo ilaa iyo maanta aysan jirin mas’uul la ogaa ama talo ahaan waxa ay heshiisyadaas ahaayeen, waxaa xusid mudan in dhagarta 87yrintaas la eg aysan xil-dhibaannadii golaha shacabka ee Baarlamankii 10aad iyo guddoomiyahoodii Maxamed Mursal SHiikh Cabdiraxmaan iyo ninkii ra’iisal wazaaraha dalka ahaa ee Xasan Cali Kheyr dhammaantood la oran karo aamusnaan bay ku taageereen iyadoo uu Abiy ku celcelinayo shir kastana uu ka sheegayo in Farmaajo uu 4 dekedood Soomaaliya ka siiyay!…waxaana hubaal ah in mar un khaa’inul wadhanka maxkamad la hor keeni doono.  

Dhallin-yarradu dagaal ha ogaadaan! saraakiishii hore ee ciidammada colaaddu waa kow! Maamulladan Itoobiyaanka ku soo yaacay Ha Saaraan!

Abiy Axmed, wuu ogyahay xaqiiqada Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhexeysa inaysan ahayn midda uu kula sheekeystay ama uu u sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuuna ogayahay inaysan Itoobiya qaadan kareyn dal iyo deked iyo dadka Soomaaliyeed, waxaase meesha ku jira fikrrad been ah oo uu iska dhaadhiciyay oo ku salaysan inay Soomaaliya tahay dad iyo dal burburay oo shacab ahaan ay is khilaafsanyihiin! Waa qarnigii 21aad, wali taliska maan gaabka waa ka waantoobi la’yahay caqligii uu waligiis ku jabi jiray, wuxuuna si bareer ah isaga indho tirayaa xaqiiqda colaadihii labada dal dhex maray, oo uu ogyahay wixii ku dhacay dagaalkii ugu dambeeyay 1977kii, iyadoo ay waliba  u soo hiiliyeen illaa 7dal oo uu hoggaaminayay midowgii Soviet. Si kastaba ha ahaatee dhallin-yarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waa inay heegaan galaan waliba sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhaqaaqaan xudduudaha iyo goobaha la qiyaasayo inay furimo colaadeed noqonayaan, waa in la aadaa oo lagu biiro abaabulka ka socda gobolka Awdal. Waxaa sidoo kale saraakiishii iyo ciidammadii hore iyo ku cusub iyo dhammaan inay kaalintoodii difaaca dalka ay hoggaamiyaan oo ay hor kacaan. Waxaa iyadana ceeb ku dowladda Soomaaliyeed inay wali aamusantahay iyadoo si bareer uu cadow u soo haliilayo qeybo ka mid ah dalka… waxaana soo jeedin wanaagsan in si dhaqso ah dalka looga saaro saraakiisha safaaradda Itoobiya iyo xafiisyada uga furan maamul-goboleeddada dalka iyo guud ahaan ciidammada dalka ka jooga. Odayaasha DHaqanka iyo guud ahaan shacab weynaha waa inay isu taagaan difaaca dalka, gacan ka geystaan diyaar garaynta tabaabushaha colaadaha muuqda, iyo inay dalka ka saaraan Itoobiyaanka askarta aha ee muddada lagu soo guraayay.

Eritrea iyo Soomaaliya dantaa waajibkooda mid ka dhigeysa!

Waxaa arrin wanaagsan ah in ciidamo Soomaaliyeed oo badankood taba-baran ay maanta ku suganyihiin dalka Eritrea, sida muuqatana damac Abiy Axmed wuxuu ku soo dhammaanayaa colaad aan maalmo iyo bilo ku dhamaaneyn, inkastoo shaki la’aan ay noqoneyso meeshii ugu dambeysay ee uu ku soo dhammaan lahaa magaca Itoobiya iyo boqornimmada uu ku calwasaadayo. Dadaka Soomaaliyeed  waxaa hor yaala inay si dhaqso ah oo aan dib u dhigasho lahayn ugu diyaar garoobaan cadowga dalka gudihiisa fadhiya xudduuddiina kaga soo duulaya, cadowga ay waligood yaqaaneen tabar darridiisa si kasta oo loo caawiyo oo guumeystuhu u soo taakuleeyo Itooobiya la bari maayo Soomaaliya! Waxaana arrin lagu qosla ah qaynuunka cusub ee Jendayi Frazer ay bartay Itoobiya ee uu maalin kasta ku celcelinayo Abiy Axmed, Waa badannahay! 150,000,000, million baan nahay marka waa qasab inaan bad xoog ku helno!…Soomaaliya jiritaankeedu baryo kuma dhisneyn, dunida balaayiinta ay ku nooshahayna baryo kuma joogin, marka Abiy iyo ayeeyadiisa u riyootay inay intaas ogaadaan baa loo baahanyahay!  

Waxaa iyadan talo wanaagsan ah in dalalka Badda-Cas leh; Soomaaliya, Eritrea, Masar, Djibouti, Sacuudiga, Yemen, ay ogaadaan oo ka wada hadlaan go’aan wada jir ahna ka qaataan xaaladaha iyo xasilooni darrada ka dhalan karta damaca waallan ee Itoobiya isugu sacabbo tumeyso, wada hadalka noocaan ah ayaa waxaa loo baahnyahay inay dowladda Soomaaliyeeda iyada marti geliso. Waxaa si gaar ah dowladda Soomaaliyeed ay ugu baahantahay inay heshiis iskaashi xagga ammaanka badaha ay la gasho dalalka Masar iyo Eritrea, waliba si dhaqso ah, waxaan suuro gal ah in ciidammada Soomaaliyeed ee taba barka ciidanka badda ku dhameystay dalka Eritrea iyo kuwa Eritrea inay si wada jir ah ugu hawl galaan sugidda ammaanka Badda-Cas laga soo bilaabo Eritrea ilaa biyaha Soomaaliya. Waxaa shaki la’aan Itoobiya inay wali rumeysantahay sidii dagaalkii 1977kii waxaa kuu soo hiilinaya 7dii dal midowgii Soviet, iyadoo aan waliba ognahay in Abiy Axmed meel kasta uu tago uu tuugsanayo hub iyo qalab ciidan iyo waliba haddii uu helayo ciidan u dagaalama, balse way adkaan doontaa hiilkii iyo gurmmadkii uu helay 1977dii inuu helo, iyo inay dalalkaas ciidamo ugu deeqaan, waxaan aad u yar inta laysku haleyn karo heshiisyada lala galo Abiy Amed, middaas lafteeda oo aan iyadan dhiiri gelineyn in la aamino.

W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Xog: DF oo la timid qorshe dagaal oo cusub oo Buuloburde ay saldhig u noqa doonto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay heshay xogta qorshe culus oo dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran.

Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaaraan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safar uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta.

Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda.

Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka.

Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay wasiiro cusub

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xalay soo saaray wareegto ayaa soo magacaabay saddex wasiir oo cusub, kuwaas oo kamid ah noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jiro wasiir, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, kuwaas oo kala ah:-

Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) oo loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa Cabdixamiid Maxamed Cali ayaa isna loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale Cabdifitaax Jaamac Warsame ayaa waxaa loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistaan loo sameeyay si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla golaha xukuumadda ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ak qaaday inuu qiimeeyay kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin saddexda xubnood ee uu magacaabay.

“In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda. Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle.

HirShabelle ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaado laga cabsi qabo in mar kale uu sameeyo wabiga Shabelle ee mara maamulkaasi.

Maxaa lagu go’aamiyey shirkii xasaasiga ahaa ee laga yeeshay amniga Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Yabooh ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha laamaha amniga gobolka Banaadir.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Guddoomiye Madaale ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan aad loo adkeeyaa, waxaana gudaha magaalada lagu ugaarsadaa xubnaha  dhibaateynta shacabka caasimadda u qaabilsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Shacabka Muqdisho ayaa ka nastay beegsigii kooxda, waxaa joogsaday oo ciidamadu ku guuleysteen inay hakiyaan qaraxyadii, sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa.

Kooxda waxaa ku adkaatay inay qarax gudaha u soo geliyaan caasimadda, waxaana shaqadaas lagu amaanaa ciidanka boolis militery oo loo soo tababaray sidii ay u xasili laahaayeen Muqdisho, waxaana guuleystay qorshihii amni ee loo dejiyey caasimadaan la daalaa dhaceysay amni darrada iyo dhaca xoolaha shacabka ee argagixisada.

Sabtigii toddobaadkaan waxaa Ceelasha Biyaha ku qarxay gaari ay kooxdu soo geli weysay Caasimada Muqdisho, maadaama ay ka howlgalaan saraakiil amni iyo ciidamo ay ka go’antahay nabadeynta Muqdisho.

Inkastoo waayahaan kooxda lagu baacsanayo howdka fog ee hobollada dalka, hadana waxaa jira dagaal yahano u jooga gudaha caasimada iyo xubno soo geli kara markii ay ku soo jabaan gobollada, sidii looga hor tegi lahaa kooxahaas ayaa lagu gorfeeyey shirka amniga gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh oo ka degay Brussels iyo qorshaha culus ee uu damacsan yahay

0

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.

Sida ay xogta ku heleyno inta badan dalalka Mudowga Yurub ayaa taageero iyo inay dagaalka ku garab istaagayaan u balan qaaday dowladda Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ee ku casuuman shirkaas.

Dowladda Soomaaliya oo taageero badan ka hesha qaar kamid ah dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub ayaa hadda xoogga saareysa in dagaalka Al-Shabaab ay u hesho diyaarado duqeeya kooxda, maadaama culeyska dagaal ee dhanka hawada lagu kordhinayo Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay heshay xogta qorshaha culus ee dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab oo hadda meel dhexe maraya, isla markaana la doonayo in bilaha soo socda Galmudug iyo Hirshabeelle laga nadiifiyo kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran.

Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Shabaab duqey doona.

Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaari doonaan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safarkaan uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta.

Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda.

Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hadda ay aad u raadineyso dowlado hor leh oo ka taageera duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, walow ay hadda taageeraan dhowr dowladood oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan.

Mareykanka, Ruushka iyo Carabta oo xabbad-joojin u raadinaya dagaalka Gaza

0

Gaza (Caasimada Online)Mareykanka, Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa ka mid ahaa waddamo Talaadadi shalay riixayay isku day ay ku rabaan in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamas hakad la geliyo ama in la gaaro xabbad-joojin, si fursad loogu helo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan magaalada hareereysan ee Gaza.

Xilli ay wali sii socdaan duqeynta cirka ah ee ay ciidanka Israel ku hayaan Gaza, ayaa gelinki danbe ee shalay waxaa Gaza u gudbay illaa sideed baabuurta xammuulka ah oo waday cunto, biyo iyo dawo. Gaadiidkan ayaa ka gudbay Marinka Rafax ee ah kan kaliyah ee isku xira Gaza iyo Masar.

Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo Talaadadi shalay khadka telefoonka ku wada hadlay, ay isku raaceen “in la ballaariyo dadaalladda diblamaasiyadda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loogana hortago in rabshadaha ay sii faafaan.”

Ruushka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in xabad joojin aanan shuruud ku xirneyn si deg deg ah loo gaaro, halka Mareykanka uu Qaramada Midoobay geeyay qorshe dagaalka lagu hakinayo si dadka ku go’doonsan Gaza loo gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.

Dalalka Carabta ayaa iyaguna ku cadaadinaya QM in si deg deg ah colaadda Israel iyo Falastiin looga gaaro xabad-joojin deg deg ah.

Wasaaradda Caafimaadka Falastin ayaa Talaadadii sheegatay, in duqeynta Israel ee Gaza lagu dilay 5,791 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 2,360 carruur ah, tan iyo 7-di bishaan October.

VOA

QM oo xog culus ka bixisay awooda Shabaab iyo qulqulka hubka soo gala Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ka badan boqol bog, waxayna uga hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya.

Warbixintaan oo sanad kasta la soo saaro waxaa hadda looga hadlay dhinacyo badan, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, siyaasadda, musuqa, qul-qulka hubka iyo meelaha uu ka yimaado, sida loo maamulo hubka soo gala dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo xasaasi ah ayaa ku xusan warbixintaan.

Ugu horeyn sida ku cad warbixinta waxay guddigaan sheegeen in weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, waxay xustay inay weli geesa karaan weerarro halis ah.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in dowladda Soomaaliya, shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay hormar ka gaareen dagaalka ay ku wiiqayaan awooda Al-Shabaab oo aad loo dhimay hadda.

Waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in hub sharci darro ah uu weli soo galo Soomaaliya, kaas oo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena u gacan gala beelaha oo ku heysta gobollada dalka qaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay inay aad u xakameyso hubka ku jira gacanteeda, inkastoo ay ku dhiban tahay sidii ay dhanka hubka uga taageeri laheyd dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, sida ku xusan warbixinta.

Kooxda Daacish ayaa lagu soo qaatay qeyb ka mid ah warbixintaan, guddigaan waxay sheegeen in Daacish ay gobolka Bari ee Puntland ka wado dhaqdhaqaaq xoog leh, inkastoo ay aad u saameysay dhimashadii Bilaal Al-Suudaani oo laga dilay bishii Janaayo ee sanadkaan.

Qeyb ka mid ah warbixintaan waxaa looga haflay dagaalkii Laascaanood, kaas oo la sheegay inuu khatar geliyey nabadda Soomaaliya, isla markaana uu saameyn culus ku yeeshay dadkii ku noolaa magaaladaas iyo hareeraheeda.

Dagaaladii Laascaanood waxay guddigaan sheegeen inay fursad siiyeen Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kale arrimaha doorashooyinka ayaa looga hadlay warbixintaan.

Muddo kororsiga madaxda dowlad goboleedyada iyo doorashooyinka daaha ee federaalka ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin inuu saldhigto nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo, sidoo kale dhismaha hey’adaha dowliga ah ayaa la sheegay in Soomaalidu ay aad ugu dhib qabto.

Daawo: Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay metelaada uu gobolka Gedo ku leeyahay Jubaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aallo xasaasi ah oo laga waydiiyay arrinta Jubbaland, gaar ahaan waxa keenay in isaga iyo Axmed Madoobe ay muddo dheer hoggaamiyaan maamul goboleedka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dadka uu metelo ee dega gobolka Gedo ay baarlamaanka Jubbaland ka yihiin seddax u dhig hal meel, taasina ay ka dhigan tahay in wax xuquuq ah aysan uga maqneyn maamulka, isla markaana ay yihiin dad isisoo doorta oo ku qanacsan ka mid ahaanshaha Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay xoog ku heystaan Jubbaland, isla-markaana aysan ogoleyn tartan furan iyo doorasho.

“Horta xoog meel baa ku heysanaa wa dhammaaday xilliigii jabhadahaa soo marnay filimkaaas waa shaqeyn waayay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Cid meel xoog ku heysato ama ku qabsan karta waa la waayay taa waa laga quustay ninka hadda raadinayana waa nin wax aan jirin raadinaya”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in isaga iyo Axmed Madoobe ay ku joogaan rabitaan dadweyne, ayna labadii xilli ay u dambeysay ay soo doorteen xildhibaanada Jubbaland.

“Annaga waxaan ku joognaa rabitaanka dadka reer Jubbaland horta dadka afti lagama qaadin laakiin waxay sameysteen baarlamaan 75 xubnood ah oo dhammaan deegaanada Jubbaland metalo” ayuu mar kale wareysiha ku yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan muddo xileedkooda uu ku egyahay bisha August ee sanadka soo socda, balse aysan kaasi ku dhaqmi doonin maadaama la gaaray heshiis ku aadan doorashooyina maamul goboleedyada, si ay hal mar u wada dhacaan, wuxuuna sheegay in waqtiga rasmiga ah ee muddo xileedkooda uu noqionayo Novermber.

“Waqtigeena wuxuu ku egyahay August 24, laakiin waxaa jira heshiis ay madasha gaartay oo ah inay State-yada oo dhan hal mar doorasho ka dhacdo oo ah Novermber 2024 markaasna la mideeyo doorashada,” ayuu hadalkiis kusoo xiray Maxamuud Sayid Aadan.

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyay goob ay ku shirayeen Al-Shabaab

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo  ka gaysteen degmada Bu’aale ee gobolkaasi, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameed, isla-markaana lala eegtay xarun uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Shabaab ee ku shirayay halkaasi, balse ma cada inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi ka dhacday degmada Bu’aale.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala eegtay dad shacab ah, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaartay.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta lagu burburiyay guryo ay dagaanayeen dad rayid ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin karo.

Saddexdii bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab lagu duqeeyay Bu’aale, waxaana la beegsaday saddex goobood oo kal ah:- 1-Dhismaha xarunta degmada 2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa 3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.

Si kastaba, Duqeymaha dhanka cirka oo ay  inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.

Daawo: Dagaal culus oo ka socda duleedka Buuloburde

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa soo billowday abaare 9:00 subaxnimo ee saaka, wuxuuna soconayaa illaa iyo hadda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdp aagga deegaanka Jicibow oo hoosta degmada Buuloburde, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Dagaalka waxaa hoggaaminaya taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Janaraal Faarax Cali Waasuge (Kooshin) iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Hiiraan.

Ujeedka ayaa ah in xoogaga Al-Shabaab laga saaro deegaanada jinka wabiga Shabelle ee mara gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka, ayada oo gurmadyo ay sii gaarayaan aagga lagu dirirayo.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, kadib markii lagu bilaabay wajiga koowaad dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo DF iyo maamullada uga furmay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.

Shirkan oo ah kii shanaad ee caafimaadka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u furay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan.

Wuxuu shirku socon doonaan muddo laba cisho ah, ayada oo ay ka qayb-galayaan wasiiradda caafimaadka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaal iyo khuburo sare oo dhanka caafimaadka ah.

Mudada uu socda shirka ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa waxa ka dhaqangalay qodobadii horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo aas aas u ahaa horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaraddaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey daadejinta barnaamijka caafimaadka ee heer dowlad Goboleed.

Madasha waxaa ka hadlay madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay  in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta caafimaadka si ay bulshaada Soomaaliyeed u hesho caafimaad dhamaystiran iyadoo laga amba qaadayo geediga horey usoo socdey ee caafimaadka.

Dhankiisa wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedayada, si bulshada u gaaro adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mashaariicda horyaalla wasaarada caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha dowlad goboleedya,