26.5 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Mucaaradka PUNTLAND oo qaadacay go’aannadii guddiga doorashooyinka + Video

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland oo maanta shir deg-deg ah ku yeeshay magaalada Garoowe, kadib go’aannadii kasoo baxay guddiga doorashada maamulkaasi ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan jadwalka doorashada ee la shaaciyay.

Dallada mucaaradka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay inay horay uga digeen tallaabada la qaaday iyo muddo kororsiga Saciid Deni.

“Dalladu waxa ay horay uga digtay damaca madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo ah muddo kororsi aan sharci aheyn, ayada oo uu dhammaan baalmaray heshiisyadii bulsho ee dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka.

Mucaaradka ayaa gebi ahaan qaadacay go’aanada uu soo saaray guddiga doorashada PEC oo xalay ku dhawaaqay jadwal doorasho oo muran xoogan dhaliyay.

Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Dalladan ayaa waxa ay nasiib darro ku tilmaameen arrintan iyagoo shaaciyay in jadwalka uu dhaafsiisan yahay mudo xileedka madaxweynaha, uuna keeni karo muddo kororsi aan dhammaad laheyn, sida ay hadlaka u dhigeen.

“Waxay dalladu nasiib darro u aragtaa, iyadoon heshiis lagu ahayn doorasho la’isla ogol yahay in beeg uu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku dhisay si baalmarsan dastuurka dowladda Puntland ay soo saarto jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay dalladdu u aragto muddo kororsi aan dhammaad laheyn” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay Dallada Mucaaradka Puntland.

Sidoo kale waxa ay dalab culus u direen Isimada Puntland iyo waxgaradka deegaanka, iyaga oo ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan Deni, si looga hortago qorshihiisa.

“Haddaba Dalladu waxa ay ugu baaqeysaa Isimada Puntland iyo waxgaradka kale in meel looga soo wada jeesto madaxweynaha xilligiisa dhammaadka yahay ee Saciid Cabdullahi Deni oo doonaya in Puntland burburiyo kuna gorgortamo nabadda iyo xasiloonida ay dadka reer Puntland haystaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka mucaaradka.

Jawaabta mucaaradka ayaa timid, ayada oo xalay guddiga doorashada Puntland uu ku dhawaaqday jadwal xasaasiyad dhaliyay, kaas oo lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diideen mucaaradka.

Si kastaba, lama oga sida ay arrintu dhaqan doonto, waxaase haatan laga war dhowrayaa mowqifka Isimada Puntland oo iyaguna haatan shirweyne ku leh magaalada Garoowe.

Faah-faahinta dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugidda gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah.

Maleeshiyaadka oo qaab qabiil u abaabulna ayaa lagu soo waramaya inay ka careysnayeen dad ehelkooda ah oo saldhiga deegaankaasi lagu xiray, kuwaasi loo haysto arrimo la xariira dhac gaadiid.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar kusoo qaadeen saldhiga deegaanka, si ay u soo furtaan dadka ugu xirna halkaasi.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay odayaal iyo waxgarad ay ku soo baxeen shaqaaqadan, ayna kala dhex galeen labada dhinac ee saaka halkaasi ku dagaalamay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay deegaanada gobolka ay kusoo badanayeen kala dhaca gaadiidka, taasi oo hadda muuqata in ciidanka dowladda ay wax ka qabashadeeda soo fara-galiyeen.

Dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab oo saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho dadka waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, halka lacag malaayiin dollar ah oo ay argagixisada leedahay ay sanado badan kamid aheyd lacagaha wareega ee yaalla caasimada.

Kooxda ayaa ku jirtay ganacsiyada dhulka, dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, dhismayaasha dabayaqada casriga ah, kirada hoteellada, iibka gaadiidka iyo ganacsiyo kale.

Dowladda waxay sheegtay asbuucan in 150 Milyan dollar oo lacag ah laga xayiray argagixisada, iyada oo sidoo kale la xiray 350 akoon oo ay argagixisada ku laheyd bangiyada kala duwan ee dalka.

Lacagta 150 Milyan ee ay dowladda ka xayirtay argagixisada ama ka hor istaagtay waa inta la arkay, laakiin waxaa soo baxaya inay jiraan lacago intaan ka badan oo kooxda loogu shaqeynayay oo istaagay, markii dowladda ku qaaday dagaalka dhaqaale ee rasmiga ah.

Marka Muqdisho la eego markii 150 Milyan la xayiro, 150 kalena laga yaabo inay iyagu la cabsadeen oo ay joojiyeen ku shaqeynteeda ama ay baxsadeen kuwii ku shaqeynayay, waa wax la filan karey in la dareemo saameynta lacagtaasi xooggan ee wareegi jirtay in hal mar istaagtay ay ku yeelan karto suuqyada.

Waxay tani caddeyn u tahay sida argagixisada u dhex gashay dhiigga ganacsatada Muqdisho, kuwaasi oo lacagtii iyaga laga dhacay ama qaar saaxiibadood ah laga dishay dib loogu dhiibtay si ay ugu shaqeeyaan.

Kooxaha argagixisada waxaa la sheega inay dulsaar siin jirtay dadka ugu shaqeeya lacagaha ay ka dhaceen shacabka Soomaaliyeed.

Lacagta argagixisada ka dhacday shacabka Soomaaliyeed ee xayiran ama weli Xamar lagu dhex qarinayo waa inay dowladda u sameeysa qorshe gaar ah, dadka dhaqaalaha caasimadda maamullana waa inay isku diyaariyaan kobac dhaqaale oo ay argagixisada ka madhan tahay, ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya mawduucan.

Waa adag tahay in dalkaan halkiisi hore lagu sii hayo oo ay argagixisada sidii umadda caadiga ah saameyn weyn ugu yeelato ganacsiga dalka.

Sida ay hore u sheegeen laamaha amniga ee dowladda federaalka ah waxaa xiran xubno badan oo argagixisada lacago u kala wareejiyay, oo dadkaasi umadda Soomaaliyeed leynaya kala macaamilay wax dhaqaale ku saabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u soo saaray amar uu ku mamnuucayo in wax dhaqaale ah lagala macaamilo argagixisada.

Tan iyo xilligaas kooxda waxay wajahday dhaqaale xumadii ugu weyneyd tan iyo 2009-kii sida ay warinayaan dadka daraaseeya xaaladaha argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya.

Dadka Soomaalida ayaa badi si weyn u bogaadiyay burburinta dhaqaale ee ay dowladda ku wado argagixisada.

Dowladda federaalka ah waxaa sidoo kale laga rabaa inay abuurto jawi dib u kobciya suuqa oo wax ka beddela xaaladda ganacsiga iyo hal abuur dadku kaga soo kaban karaan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxaha argagixisada.

Waxa kale oo muhiim ah inay dowladda curiso qaab aanay markale argagixisada saameyn ugu yeelan karin ganacsiyada Muqdisho.

Yuusuf Isaaq iyo Boqol oo maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada booliska iyo xoogga dalka, kuwaasi oo horay dilal u gaystay.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaaba Yuusuf Isaaq Nuur Aadan iyo Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol), waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ex-Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meydkiisa.

Sidoo kale, Ex-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.

Dilka Sheekh Cali ayaa yimid kadib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Digniin horleh oo laga soo saaray halis kusoo wajahan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin horleh oo la xiriirta duufaanta El-Niño, taasi oo ku aadan waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaa weli socda digniinaha ay bixinayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa hay’adaha gargaarka ee ku saabsan roobabka xoogga leh ee la filayo inay dalka ka da’aan xilligan deyrta iyo weliba inay biyaha webiyada dalku kor u kacaan, islamarkaana keenaan fatahaado.

Agaasimaha Waaxda Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayaradka ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in roobabka la saadaaliyay qaarkood ay billowdeen, ayna sababeen fatahaado.

“Meelo fara badan oo webiyada ka fog waxaa ka dhacay fatahaado, aan marki hore la fileyn oo soo deg degay, sida magaalada Baydhabo oo uu roob xajmigiisa le’eg yahay ka da’ay 250mm, uuna sababay khasaare xoog leh. Sidoo kale magaalooyin ay kamid yihiin Luuq iyo Beledweyne ay ka dhaceen fatahaado aan aheyn kuwa webiyada balse ayay sababtay roobka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu muujiyay walaaca la xiriira khasaaraha roobab toddobaadyada kusoo food leh qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan ku jiheysan yihiin deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Deegaanada ku teedsan webiyada waxaa jiray barnaamij loo diyaariyay muddo hore oo laga sameeyo dhismayaal, waxaa kale oo jira u diyaargarow sidii looga faa’iideysan lahaayeen sidii dhismayaashaas u yareeyaan fatahaadaha webiyadda.”

Waxa uu sheegay in dadaallo kala duwan ay ugu jiraan sidii ay u yareyn lahaayeen khatarta roobabka la saadaalinayo, isaga oo bulshada deegaanadaasi faray inay ka fogaadan aagga webiyada iyo meelaha qatarta uga imaan karto.

“Dayrtan hadda ah waxaa saadaalinaynay muddo lix bil kahor in la heli doono roobab xajmiga loogu tala-galay ka badna ka di’i doonaan. Khatarta waxay iskugu jirta sare u kaca webiga oo sababeen roobabka ka yimid Itoobiya iyo sidoo kale roobab lixaad leh oo xajmigii uu ku di’i jiray ka badan uu ka da’ay gudaha Soomaaliya.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyaddii u dambeeyay ka digeysay dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taasi oo keentay isbadalka cimilada ee El-Niño, oo la saadaalinayo inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka.

XIJAAR oo shaaciyay qorshaha SSC-Khaatumo kadib aqoonsiga dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka siisay SSC-Khaatumo.

Xijaar oo wareysi siiyay Telefishanka Universal ayaa waxa uu tilmaamay in guushii ay ka gaareen dagaalka Somaliland ay uga muhiimsan tahay aqoonsiga ay SSC ka heshay dowladda federaalka.

“Aqoonsigii dowladda federaalka ah ma ahan aqoonsi SSC-Khaatumo kaliya ee waa aqoonsi Soomaaliyeed, aqoonsigii calanka iyo midnimadii oo xoogeysatay waaye,” ayuu yiri taliyihii hore ee ciidamada Booliska.

“Guushii milatari ahaan aan gaarnay waxaa ka weyn aqoonsiga dowladda federaalka ah. Waan uga mahad-celinaynaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirada, xildhibaannada iyo wasiir Fiqi.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo ay u mideysan yihiin maamulkooda, islamarkaana ay labada sano ee kumeel-gaar ah uga soo bixi lahaayeen wixii shaqo ah ee laga rabo, sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u noqon laheyd.

“Labadaas sano waa in wax walba lagu dhameeyo oo aan la deg degin. Waxaa rajeynayaa in ay kasoo bixi doonaan hoggaanka maamulka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xijaar.

Xijaar ayaa ka dhawaajiyay in shaqada ugu horreysa ee maamulka ay tahay dejinta canshuuraha deegaanada ay gacanta ku hayaan, si loo helo dhaqaale gudaha ah oo usoo xarooda SSC-Khaatumo.

“Waxaa la dejinayaa system-kii canshuuraha loo dejin lahaa, sida ka war haysaan Somaliland waxaa magaalada Laascaanood kasoo geli jiray dhaqaale badan oo Hargeysa iyo Burco loo qaadi jiray.”

Xijaar ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii qorshaha iyo talo-bixinta kulahaa guushii SSC-Khaatumo kasoo hoysay dagaalka Somaliland, taasi oo horseeday in maanta ay ka taliso inta badan deegaanadeeda oo sanado badan ka arrimin jirtay xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo markaas uu hareer taagna hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasi oo dhigayay in aysan ka tirsaneyn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii Isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laascaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, islamarkaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Wasiir Fiqi.

Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Xog: Madaxweyne Xasan oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshahiisa cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray magaalada Dhuusamareeb oo uu deganaa ku dhawaad seddax bilood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay 3 diyaaradood Dhuusamareeb uga soo rartay agabkiisii madaxtooyada iyo inta badan shaqaalaha iyo ciidankii ka joogay Dhuusamareeb.

Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ka joogta Dhuusamareeb waxay bixi doonaan maanta oo Talaado ah, hadaba muxuu yahay qorshaha Madaxweynaha.?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Khawaarita Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxtooyadu waxay qorsheysay in  Maxaxweynuhu uu Muqdisho sii deganaado muddo bil ah, iyadoo bil kadib uu dib ugu soo laaba doono Dhuusamareeb, sidoo kale waxaa suurtagal ah inuu dego magaalada Baydhaba, halkaas oo meeshii uu degi lahaa looga diyaariyey, si looga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee kooxda looga xoreynayo Galmudug, si Madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu soo laabto isagoo howlgalku gabagabo yahay ama soo dhamaaday.

Sidoo kale, inta uu joogo Muqdisho, Madaxweynuhu wuxuu qabsa doonaa howlo badan oo aan ka xusi karno qorsheynta wajiga labaad ee dagaalka oo kooxda looga xoreyn doono deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku maray Baydhaba iyo Xudur oo kala ah gobollada Bay iyo Bakool, wuxuu sahminayey hanaanka loo bilaabi karo wajiga labaad ee dagaalka, wuxuuna dagaalkaas ka hoggaami doonaa magaalada Baydhaba.

Madaxweyne Deni oo loo sameeyay muddo kororsi dadban – Sidee wax u dhaceen?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu shaaciyay in doorashada Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Puntland loo asteeyay inay qabsoomto 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2024-ka.

“Guddiga Madaxa-banana ee Doorashooyinka Puntland markuu la tashaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale waxa uu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la isa-saaro hal marna la wada qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka PEC.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono dhamaadka sanadkaan, gaar ahaan bisha December.

Qabashada liistada Musharaxiinta ayaa bilaaban doonta December illaa January. Halka ololaha doorashada uu bilaaban doono February 2024-ka, maalmo kahor un waqtiga uu guddiga doorashooyinka u asteeyay doorashada isa-saaran, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu saaray guddiga PEC

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay muddo xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024-ka

Sidoo kale waxa uu jadwalkaan imanaya xilli uu khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada ee maamulkaas.

Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in doorashada 2024-ka lagu qaban doono nidaamka qof iyo cod, hase yeeshe waxaa taasi ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu raba in doorashada lagu galo sidii hore.

Mucaaradka ayaa walaac ka qaba in Saciid Deni uu gacan bidixeeyo doorashada qof iyo cod ama ay u noqoto marmarsiyo uu ku sameysato muddo kororsi, sida maantaba ka muuqata jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland oo Deni u sameeyay muddo kororsi dadban.

Madaxweyne Guudlaawe oo u hanjabay kuwa beelaha…

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku goodiyay in maamulkiisu uu gacan adag ku maareyn doono dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo noqnoqday Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muddo saddex bilood ay meel u fadhiyeen, sidii loo soo afjari lahaa isku dhacyada beelaha deegaanka, balse ay xujo ku noqotay xal u helidda colaadda beelaha.

“Waxaad ogtihiin muddo ka badan saddex bilood ayaan meel u fadhinay, sidii beelo walaalo ah oo dagaalamay u heshiisiin lahayn, haddii aan meel ka dhamaynaba, meel kale ayay ka liicee,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culimada iyo odayaasha deegaanka ugu baaqay in ay dhexda u xirtaan wax ka qabashada isku dhacyada beelaha.

“Culima’udiinka iyo odayaasha ku nool deegaanada Hirshabelle inay u duubtaan dadka is dilaya, qof welibana wixii ay xaq u leedahay loo sheego, intaas ayaan ka codsanaynaa odayaasha iyo culimada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa carabka ku adkeeyay in hadda ka dib uu maamulkiisu sharciga u adeegsan doono kuwa dhibaatooyinka ka dhex abuuraya beelaha, qof kastana uu mudan doono waxa uu caddaaladda ka helo.

“Annaga dowlad ahaan waxaan ballanqaadaynaa in dowladnimo iyo sharciga aan ku dhaqno, garsoorkiina waan dhameystirnay, waxaana ballan ah in qof weliba sharciga wixii ay ka hesho aan marsiin doono, haddii Ilaahay raali ka noqdo,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo warkan ku sheegay muuqaal xalay lagu baahiyay barta Madaxtooyada HirShabelle.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Axmed ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dilalka aanooyinka qabaa’ilada ee ku soo badanaya deegaanada hoostagga degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabku ay hurinayaan isku dhacyada beelaha ee ka jira deegaanadii gobolka ee horaan laga saaray maleeshiyadaasi.

Shan qof ayaa habeen hore lagu dilay duleedka deegaanka Xaaji Cali oo hoostagga Degmada Cadale, kuwaa oo ay dileen kooxo hubeysan.

Dadkan oo isugu jiray macalin iyo ardaydiisii ayaa jidka loo galay, xilli ay ka soo laabteen dhisme cusub oo sida la sheegay ay Quraan ku soo akhrinayeen. Dhammaan dhibaneyaasha ayaa hal qoys ka soo wada jeeday.

Sawirro: DF iyo Shiinaha oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Kulankaan oo u jeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo ayaa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda bini’aadannimo ee dalka

Guddoomiyaha SODMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax-ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

SODMA ayaa xilligaan hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyo ilaa hal milyan oo qof oo ku nool dalka.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah, oo ay kamid tahay abuurista fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weliba sidii looga wada-shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Shiinaha ayaa sidoo kale dhawaan taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Daawo: Axmed Macallin FIQI: Dowladdu wax idin meerin mayso ee ha lala shirkoobo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay kaalin muhiim siisay bulshada rayidka.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay shirka adkeynta iskaashiga bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in kaalintii bulshada rayidka oo meesha ay ka saartay dowladdii hore himika dib loo soo celiyay, ayna dowladda diyaar u tahay in lala shirkoobo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii horey dowladdu u ahayd mid wax u meerisa dadka, maanta (dowladda Xasan) waxa ay ogoshahay in la shirkoobo oo la is kaashado, bulshada rayidka ah waa u muhiim dowladnimada,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhaqaale ka badan miisaaniyada dowladda ayay runtii maamulaan (bulshada rayidka), wuxuu u baahan yahay dhaqaalahaas in la nidaamiyo, ayada oo aan fara-gelin lagu sameynayn.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay bulshada rayidka u fududeyn doonto adeegyada dowladda, si labada dhinac ay u yeeshaan shuraako xooggan.

“Waxaa halkaan u badan ururada ka shaqeeya dowlad dhiska, kuwa ka shaqeeya nabadda iyo dib u heshiisiinta, kuwa ka shaqeeya soo dabaalida xasilinta, kuwa dowladaha hoose horumarka iyo hanaanka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka, intaas oo dhan ayaa halkan ku mideysan oo waxaana rabnaa wada-shaqeyn caafimaad qabta oo labada dhinac la is ixtiraamayo.”

Ururrada bulshada rayidka ayuu wasiirka tilmaamay in ay la kulmeen duruufo kala duwan sida, colaado, nabadgeylo-xumo, barakac, gaajo iyo quluubta bulshada oo kala durugtey, taasi oo sabab u noqotey is aaminaad daro cabsi iyo kala shaki saameyey dhamaan qeybaha bulshada iyo dowladnimada.

“Waxaa dhanka kale socdey dadaalo xoogan oo lama ilaawan ah oo ay hormuud u ahaayen jilaayayasha aan dowloga aheyn ‘ururada maxaliga ah iyo kuwa bulshada rayidka’ kuwaa oo door muuqda ka qaatey samata bixinta bulshada intii lagu jirey burburkii colaadihii sokeeye.”

“Hadaba Madashan curdunka ah ee maanta, ee dowlada iyo bulshada rayidka ah waxaa ay caddeyn u tahay niyadda Dowlada soomaaliya oo aan lee leexad iyo ka laba labeyn laheyn wadashaqeynta bulshada rayidka ah” ayaa ka mid ahaa khudbadda Wasiirka.”

Shirka ururrada bulshada rayidka iyo hay’adaha dowladda ee 2023 oo uu wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxa VOA SOMALI, Yabarow oo abaalmarin lagu guddoonsiiyey Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay shakhsiyaad uu ka mid ahaa, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxmaan Yabarow.

Yabarow, oo ah suxufi rug caddaa ah, ayaa abaalmarinta loogu magac-daray “Halyeyga” ku guddoomay xarunta ay munaasabadda ka dhacday oo ay xaadir ku ahaayeen boqollaal qof oo u badnaa Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

“Abaalmarintan waxay ka dhigan tahay oo ay qireysaa waxqabadkeygii inta aan kusoo jiray warbaahinta, iyo VOA-da oo ay dadka igu xasuustaan dhowr iyo tobanki sano ee u danbeeyay ee aan madaxda ka ahaa. Sidoo kale guushan waa mid u soo wada hoyatay dhammaan shaqaalaha VOA, kuwa jooga Washington iyo kuwa dunida daafaheeda ku baahsan,” ayuu yiri Cabdiraxman Yabarow.

Cabdiraxman Yabarow, oo warbaahinta kasoo billaabay Radio Muqdisho todobaatameeyadi, ayaa u guuray Mareykanka billowgii siddeetamaadki.

Marka laga yimaado tacliinta u ku qaatay Mareykanka, wuxuu door ka ciyaaray horumarinta saxaafadda Soomaaliya, isaga oo u soo shaqeeyay idaacadaha caalamiga ah ee kala ah BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga iyo Voice of America.

Wuxuu hormuud u ahaa saxafiyiintii lagu furay qeybta Soomaaliga ee VOA, oo uu marki danbana madax ka noqday sannadki 2009-ki.

Tan iyo xilligaasi, wuxuu VOA Somali gaarsiiyay in ay noqoto warbaahinta loogu dhageysiga badan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan dhulka ay Soomaalida degto ee Bariga Africa.

Sawirro: Madaxweyne Xasan iyo Taliska xoogga oo hal arrin ka codsaday Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo dowladda Soomaaliya u ah qorshaha koowaad.

Mareykanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen wajiga koowaad ee dagaalka ka socda Soomaaliya.

“Waxaan ognahay in gacanta argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri safiirka Mareykanka.

Madaxweyane Xasan Sheekh oo kulankan ay kala qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaad ku saabsan doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto  Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

Ugu dambeyntii intii kulankaasi socday wuxuu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah.

Daawo: Booliska DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu joojinayo colaada Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa galabta shaaciyey in ciidamo kala dhexgala loo diray beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalmaayey qeybo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo Daraawiish ah oo ka tirsan taliska booliska loo diray joojinta dagaal beeleedka ka socda Sh/Dhexe.

“Booliska federaalka iyo kan HirShabeelle ayaa ku baxay joojinta colaada gobolka Shabeellada Dhexe ka socota, waajibka naga saaran joojinta colaadaas waa in la kala dhex galo dadka dagaalamaya, waxaana ku guuleysanay inaan ciidamo kala dhex dhigno,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dib u heshiisiinta dadkaas waxaa u xil saaran dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta deegaanka, howshaasi waa socota, waxaana rajo ka qabnaa in lagu guuleysto xalinta colaadaas.”

Dagaal beeleedkii ugu cuslaa oo aad looga xumaaday dadka is dilaya oo xigto dhow ah ayaa maalmahaan ka socda aagga degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Beelaha dagaalamaya oo la yiraahdo ilma Caroone, ayaa ka dhashay Harti-Abgaal, waa labo jifo oo walaalo ah, waxayna isku geysteen gabood-fallo culus, dad badan ayey iska dileen, guryo iyo hanti kale ayey iska gubeen, sidoo kale meelaha qaar waxaa laga soo sheegay in gabdho lagu kufsaday.

Maalin ka hor Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhaqanka Mudullood ay ku adkaatay inay joojiyaan colaadaas, isagoo Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday inuu ka yimaado Galmudug oo kala celiyo tolkiis oo dagaalamaya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalabka dhaqanka Mudulood ka jawaabaya ayaa amray taliska booliska Soomaaliyeed in ciidan kala dhex gala loo diro dhinacyada dagaalamaya, maadaama ciidankii xoogga dalka uu dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo afhayeenka booliska

Sawirro: ATMIS oo heshay diyaarado cusub oo qeyb ka noqonaya dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ATMIS (ex-AMISOM), gaar ahaan kuwa dalka Burundi ee ku sugan Soomaaliya ayaa diyaarado Helicopter ah ka helay Qaramada Midoobay.

Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidankaas ku wareejiyay saddex diyaaradood oo nooca Helicopter ah, kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Bayaan kasoo baxay xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa lagu shaaciyay in diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca ay iskugu jiraan nooca Mi-8 iyo Bell 412.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu muujiyay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta howl-gallada ATMIS ee Soomaaliya, iyo weliba si gaar ahaaneed kaalmadood dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

“Waxay awood u siin doonaan qaadista ciidamada, si deg deg ah u soo celinta agabyada muhiimka ah iyo daad-gureynta agabka caafimaad ee loo daad-gureynayo jiidaha hore ee dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka UNSOS, oo ay ku baahisay barteeda shabakadda X (ex-Twitter).

Waxaa intaas lagu sii daray “UNSOS waxaa ka go’an bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyo fududaynta ATMIS, iyada oo wada-shaqeyn dhow la yeelaneysa ciifamada ammaanka Soomaaliya (SSF).”

Taageerada UNSOS ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay ka caawinayso in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda Soomaaliya, waxaana ay kusoo asdeysa ka gadaal markii Midowga Afrika uu aqbalay in sagaashan maalmood la hakiyo qorshaha bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ku jooga Soomaaliya ee ATMIS (ex-AMISOM).

“UNSOS waxay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah waxayna fududaynaysaa ATMIS si dhow iyo iskaashi wadajir ah oo ay la leedahay SSF si ay u fuliso waajibaadkeeda Soomaaliya.”

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya oo ku jirta dagaal Al-Shabaab ka dhan ah ay hore u heshay diyaaradaha Helicopter-ka ee Bell 412, si ay u kordhiso awoodda ciidanka xoogga dalka ee dagaalka ku jira.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Somaliland oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga dowladda ee SSC-Khatuumo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi oo wareysi siiyay telefishanka Sahan ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, hase yeeshe looga soo duulay qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay war-saxaafadeed kuna caddaysay mowqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli Suufi.

Waxa uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland.

“Waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ama tabasho gaar ah ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Suufi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay.

“Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula hadhin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo hadal qaaday qadiyadda wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda federaalka ay kula hadli karto oo kaliya fagaare caalami ah, oo loo dhan yahay.

“Wada-hadallada Muqdisho oo keliya ma aheyn ee beesha caalamka qeyb ayay ka aheyd. Siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi waa in madal loo dhan yahay oo ay joogaan dhex-dhexaadiyaasha, iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.”

Somaliland ayaa dhawaan ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

Sawirro: Wasiir Khadiija oo la guddoonsiiyey abaal-marinta ugu sarreysa JABUUTI

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah haweenka dalkaas ayaa wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyay ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.

Abaalmarintan ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahad-celisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.

“Wax weyn ayaa maanta dalkayga iyo dadkayga ku kordhay. Waan uga mahad-celinayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale waxaan uga mahadcelinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo aan hubo in ogolaanshihiisa la’aanteed abaalmarintaan qaran la bixiyeen.”

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maalmihii dambe howl shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Cudurka HIV Aids iyo Soomaaliya: Barro sida looga hortago cudurkaan

0

Sida ay daaha ka qaaday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Madaxa Mashruuca HIV_AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka Dr. Sacdiyo Cabdisamad Cabdilaahi oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka xanuunka, taasoo marka la eego xaddiga dalka ka dhigayso 0.1 boqolkiiba.

Haddaba si looga sii shaqeeyo yareynta cudurka, wariyaheena Cabaas Cali Xasan oo ah qoraa dhanka caafimaadka, gaar ahaan cudurkaan ayaa bulshada Soomaaliyeed usoo gudbinayo wabixin ku saabsan cudurkaan iyo qaabka looga hortagi karo. 

Astaamaha HIV AIDS

Marxaladaha hore, dad badan ma dareemaan wax calaamado ah oo HIV AIDS ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan astaamo u eg hargabka, sida qandho, madax-xanuun, iyo daal, kuwaas oo ku dhici kara 2-4 toddobaad gudahood ka dib marka uu la kulmo fayraska. Marka uu fayrasku sii socdo, calaamadaha waxaa ka mid noqon kara qanjidhada oo barara, miisaan lumis, shuban, iyo dhidid habeenkii. Marxaladaha dambe ee HIV, marka uu u gudbo AIDS-ka, calamadaha waxaa ka mid noqon kara qufac joogto ah, neefta oo ku dhegta, iyo qandho soo noqnoqda.

Dad badan oo uu ku dhaco HIV-ga waxaa laga yaabaa inaysan la kulmin wax calaamado ah marka hore. Horumarka infekshanka HIV wuxuu caadi ahaan maraa dhowr marxaladood:

Caabuqa HIV ee ba’an (Marxaladda 1): Marxaladani waxay soo baxdaa dhowr toddobaad ilaa bilo ka dib caabuqa waxaana ku jiri kara astaamo hargab u eg. Si kastaba ha ahaatee, calaamadahani inta badan waa kuwo fudud waxaana si fudud loogu khaldi karaa cuduro kale.

Caabuqa HIV ee raaga ama Asymptomatic (Marxaladda 2): Inta lagu jiro marxaladan, oo socon karta toban sano ama ka badan, shakhsiyaadka badanaa ma muujiyaan wax calaamado ah oo muuqda. Waxaa laga yaabaa inay dareemaan caafimaad buuxa, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado inay weli u gudbin karaan fayraska kuwa kale.

AIDS (Acquired Immunodeficiency Syndrome) (Marxaladda 3): Daawaynta la’aanteed, ku dhawaad dhammaan dadka qaba HIV waxay aakhirka u gudbaan AIDS. Qaar ayaa laga yaabaa inay si dhakhso ah u yeeshaan AIDS-ka ka dib caabuqa, halka kuwa kalena ay caafimaad ahaan karaan 10 ilaa 20 sano, oo loo yaqaanno horumar-wadeyaasha muddada-dheer.

Dadka qaba AIDS-ka waxaa si aad ah u daciifay habka difaaca jirka sababtoo ah dhaawaca uu keenay HIV. Nidaamka difaaca jirka ee daciifka ah ayaa keenaya halis sare oo ah in ay qaadaan caabuqyo aan caadi ahayn, oo loo yaqaan caabuqa fursadaha, kuwaas oo saameyn kara qaybaha kala duwan ee jirka. Caabuqyadan waxaa sababi kara bakteeriyada, fayrasyada, fungi, ama protozoa. Intaa waxaa dheer, shakhsiyaadka qaba AIDS waxay aad ugu nugul yihiin kansarka qaarkood, gaar ahaan lymphomas iyo kansarka maqaarka ee loo yaqaan Kaposi sarcoma.

Calaamadaha la xidhiidha HIV iyo AIDS way kala duwan yihiin iyadoo ku xidhan caabuqa fursada gaarka ah iyo qaybta jidhka ee ay saamaysay. Calaamadaha caanka ah waxaa ka mid ah:

Caabuqyada sambabada, badanaa waxay keenaan qufac, qandho, iyo neefsashada oo adkaata.

Caabuqyada mindhicirka, oo laga yaabo inay ka dhashaan shuban, calool xanuun, matag, iyo dhibaatooyinka liqidda.

Calaamadaha kale ee guud sida miisaanka oo yaraada, qandho, dhidid habeenkii, finan, iyo qanjidhada oo barara ayaa waliba laga yaabaa. 

Sababaha

HIV waxa lagu kala qaadaa marka la isweydaarsado dareerayaasha jidhka qaarkood, oo ay ku jiraan dhiigga, shahwada, dheecaanka siilka, iyo caanaha naaska. Habka ugu badan ee la isugu gudbiyo waa xiriir galmo, gaar ahaan galmo aan la ilaalin oo lala yeesho lammaane cudurka qaba. In lala wadaago irbado ama saliingado qof cudurka qaba, in dhiig lagu shubo ama xubin xubin laga beddelo qof cudurka qaba, hooyada iyo u gudbida ilmaha xilliga dhalmada ama naas nuujinta ayaa sidoo kale ah dariiqyo la isugu gudbiyo.

HIV laguma kala qaado habka ku-deeqidda dhiigga iyo xubnaha. Marka ay dadku ku deeqaan dhiigga ama xubnaha, si toos ah ulama xiriiraan dadka qaata. Intaa waxaa dheer, cirbadaha nadiifka ah iyo qalabka caafimaadka ayaa had iyo jeer la isticmaalaa inta lagu jiro hababkan.

Bangiyada dhiigga iyo barnaamijyada ku-deeqaha xubnaha waxay sameeyaan baaritaan dhamaystiran oo lagu sameeyo deeq-bixiyeyaasha, dhiigga, iyo unugyada. Sidaa darteed, fursada uu HIV kaga qaadi karo dhiig ku shubista, badeecooyinka dhiigga, ama xubinta taranka ama unugyada unugyada ayaa aad u hooseeya.

Waxyaalaha kordhinaya halista gudbinta HIV waxaa ka mid ah:

Ku lug yeelashada galmada futada ama siilka oo aan la ilaalin, iyadoo la aqbali karo galmada dabada ayaa ah tan ugu khatarta badan. Lahaanshaha lammaane badan oo galmo ah ayaa sidoo kale kor u qaadaya khatarta. Isticmaalka kondhomka cusub si sax ah inta lagu jiro dhaqdhaqaaqa galmo ayaa si weyn u yareynaya khatartan.

Isticmaalka mukhaadaraadka iyo wadaaga irbadaha ama saliingadaha, kuwaas oo dadka u soo bandhigi kara dhiigga wasakhaysan ama dheecaannada jidhka.

Lahaanshaha lammaane galmo leh oo qaba HIV oo aan qaadanayn dawooyinka HIV, maadaama ay tani kordhinayso suurtogalnimada gudbinta.

Qandaraaska cudurada galmada lagu kala qaado (STD), kaas oo fududayn kara gudbinta HIV. 

Daaweynta

Iyadoo aan dawo loo hayn HIV ama AIDS-ka, waxa jira daawaynta HIV AIDS-ka oo diyaar ah oo ka caawin karta maaraynta fayraska iyo ka hortagga u gudbidda AIDS-ka. Daaweynta Antiretroviral (ART) waa daawaynta caadiga ah ee HIV. ART waxay ku lug leedahay dawooyin isku dhafan oo xakameynaya fayraska, taas oo u oggolaanaysa habka difaaca inuu ka soo kabsado oo ka hortago u gudbidda AIDS-ka. ART ayaa la tusay in ay aad waxtar u leedahay, taas oo u oggolaanaysa dadka qaba HIV in ay ku noolaadaan nolol dheer oo caafimaad qabta.

Marka lagu daro ART, daawaynta kale ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto si loo maareeyo calaamadaha iyo dhibaatooyinka HIV iyo AIDS. Tusaale ahaan, daawooyinka si looga hortago loona daweeyo caabuqyada fursada ah, sida pneumonia iyo qaaxada, waa la qori karaa. Daryeelka taageerada, sida la-talinta iyo taageerada nafaqeynta, ayaa sidoo kale lagu talin karaa.

Waagii hore, dadka qaba HIV waxay caadi ahaan bilaabayaan daaweynta antiretroviral mar haddii tirada unugyada CD4 ay hoos u dhacdo ama marka ay la kulmaan dhibaatooyin la xiriira caabuqa HIV. Si kastaba ha ahaatee, maanta, habka lagu taliyay waa in la bilaabo daawaynta HIV ee dhammaan shakhsiyaadka laga helay HIV, xitaa haddii tirada unuggooda CD4 ay ku dhex jirto heerka caadiga ah.

Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo daawaynta HIV ah:

Daawooyinka Afka (Kiniinnada): Kuwaas waxaa loo qoraa shakhsiyaadka bilaabay daaweynta HIV.

Daawooyinka la isku duro Shakhsiyaadka qaarkood waxa laga yaabaa inay helaan dawooyin la isku duro haddii ay gaadheen culays fayras ah oo aan la ogaan karin (heerarka HIV ee dhiigga ku jira oo aad u hooseeya) ama ay sii wadaan xakamaynta fayraska ugu yaraan saddex bilood. Irbaadahan waxa la isku duri karaa bil kasta ama bil kasta.

Tijaabooyin dhiig oo joogto ah ayaa lama huraan u ah si loola socdo culeyska fayraska, kaasoo cabbiraya xaddiga fayraska HIV ee dhiigga ku jira. Hadafka daawaynta waa in la dhimo fayraska HIV ee dhiiga ku jira ilaa heer aad u hooseeya oo aan la ogaan karin marka la baarayo.

Marka daawaynta la bilaabo, gaar ahaan haddii tirada unugyada CD4 ay hore hoos ugu dhacday, tirada CD4 waxay caadi ahaan bilaabataa inay si tartiib tartiib ah u kacdo. Sida habka difaaca jirku u soo kabsado, dhibaatooyinka la xiriira infekshanka HIV inta badan way yaraataa ama baaba’aan.

Sida HIV u faafo

Si loo qaado HIV, waa in qofku taabto dhiigga buka, shahwada, ama dheecaannada siilka, kuwaas oo ku dhici kara siyaabo kala duwan:

Xiriirka Galmada: Caabuqa waxa uu ku dhici karaa galmada siilka, futada, ama afka oo lala yeesho lammaane qaba HIV. Fayrasku wuxuu jidhka ka geli karaa nabaro afka ah ama ilmo yar oo laga yaabo inay ka soo baxaan xilliga galmada.

Wadaagista Irbada: Wadaagista cirbadaha wasakhaysan ama saliingadaha lagu duro daroogada waxay keenaysaa khatar sare oo gudbinta HIV, iyo sidoo kale cudurada kale ee faafa sida cagaarshow.

Dhiig-qaadista: In kasta oo ay naadir ku tahay waddamada leh baadhista dhiigga adag, gudbinta HIV ee dhiig ku shubidda ayaa dhici karta. Khatartu aad ayay ugu badan tahay gobollada leh agab baadhiseed oo xaddidan.

U Gudbinta Hooyada iyo Ilmaha: Hooyooyinka cudurka qaba waxay u gudbin karaan fayraska ilmahooda xilliga uurka, dhalmada, ama naaska nuujinta. Daawaynta waqtiga ee uurka waxay si weyn u yarayn kartaa khatartan. 

1. Waa maxay faraqa u dhexeeya HIV iyo AIDS?

HIV-ga iyo AIDS-ku waxay ku kala duwan yihiin in HIV-gu yahay fayras hoos u dhigaya awoodda hab-dhiska difaacaaga, halka AIDS-ku yahay xaalad ku iman karta caabuqa HIV-ga marka habka difaacaagu si weyn u xumaado.

AIDS-ku ma dhici karo ilaa aad qabtid HIV. Nasiib wanaag, daawaynta hoos u dhigaysa saamaynta fayraska, ma aha dhammaan shakhsiyaadka qaba HIV inay qaadaan AIDS. Si kastaba ha noqotee, maqnaanshaha daawaynta, ku dhawaad dhammaan dadka qaba HIV waxay aakhirka u gudbi doonaan AIDS.

W/Q: Abas Ali Hassan

Dowladda oo ku dhowaaqday in dhaqaale loo aruurinayo dagaalka socda + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay barnaamij dhaqaale loogu aruurinayo dagaalka Al-Shabaab.

Barnaamijkan oo loogu magac daray “dalkaaga ugu hiili hal dollar” oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa daah-furkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ugu horreyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu akoonada loogu tala-galay taakuleynta ku wareejiyay taliska ciidanka, isaga oo bulshada ku wargeliyay in ay furan tahay taakulada ciidanka dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

“Maanta waxaa nala jooga taliskii oo rabnaa in aan ku wareejino akoonadii si ay ula wadaagan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, dalka gudihiisa joogana iyaguna ogaadan,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Waxaa leenahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo joogtan garabkiina, gacantiina, ducadiina iyo isgarab istaagiina ciidamada waa lagama maarman. Marwalba waa aaminsanahay in sidii shalay u garab istaageyseen in maantana u garab istaagi doontaan.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya Nabadda iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taakuleyntiisa waa furan tahay, oo naga dalbadeen qurbajoogta iyo gudaha, maanta ayaa halkan ugu soo bandhigeyna akoonadii, waxaana cadeynayna in akoonadaasi yihiin kuwa saxda ah, islamarkaana cid walba oo rabta inay taakuleyso ciidanka kalana qeyb qaadato dagaalka in ay kusoo hagaajiyaan oo ay gacan aamin ah ku dhici doonto.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee jecel in dadka iyo dalkooda laga dulqaado cadowga dul yaalla waxaa codsaneyna inay gacan siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya akoonadaan, waxaana loo isticmaali doona in dalka looga saaro Khawaarijta.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Puntland oo shaacisay in 75 qof usoo xirtay dil iyo kufsi loo geystay wiil 11 jir ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay tiradii ugu badneyd ee loo xiray kiiska  wiil 11 jir ah oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Booliska ayaa sheegay in 75 qof usoo xireen kiiskaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkaas foosha xun.

Taliyaha Saldhiga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in kiiskaan uu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka.

“Laamaha amniga waxay ku sameeyeen kiiskii baaritaan waxaana loo soo xiray dad badan oo gaaraya illaa 75 qof,” ayuu yiri Laba-xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lasoo xiray ay ku jiraan kuwii goobtaasi ka agdhawa, ayna soo bixi doonto xaqiiqada, maadaama durba baaritaanon lagu bilaabay eedeysanayaasha loo soo qabtay falkaan.

“Goobta dadkaas laga soo xiray oo aheyd kaam uu ku noola wiilka yarka ah, waxaana dadka ku jira kuwa tuhuno laga qabo, waxayna ku xiran yihiin saldhigga galbeed ee Gaalkacyo.”

Waxa uu sheegay in kiiskan ay hadda gacanta ku hayaan laanta baarista dambiyada, “Bulshada waxaa la socodsiinayna in si fiican kiiskaas loo soo bandhigi doono, eedeysanayaasha kiiskaas ku eedeysnaa way xiran yihiin.”

Hay’adaha amniga ayuu sheegay inay ka go’an tahay in lasoo qabto cid kasta oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo.

“Allaha u naxariisto wiilkaas, cadaalad Insha Allaha wuu heli doona, ciddii gashay kiiskaana waa la horkeeni doona cadaaladda. Howshaana wey dhamaan doonta.”