26.5 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: Askari careysan oo bam-gacmeed ku weeraray maqaayad ku taal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu askari xanaaqsan oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dhacdadan ayaa Axadii ka dhacday Tarabuunka, kadib markii uu askariga bam gacmeed xilligii qadada ku tuuray maqaayadaas oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan.

Hooyo Cudbi oo iska leh maqaayadda ayaa Shabelle Tv uga warrantay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay in marar badan uu dil ugu hanjabay askarigaas oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Axmed Yuufuf oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

“Waxaa bambada igu soo tuuray nin la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Yuufuf Raage, kana mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo hadda kahor ii hanjabay oo i yiraahday deyn haddii aad ii diido waa dhimanee” ayay tiri hooyadan Soomaaliyeed.

Sidoo kale hooyo Cudbi ayaa faahfaahisay sida uu falkan u dhacay, waxayna sheegtay in askarigan ay isku qabteen bixinta lacagta qadada, kadibna sidaas ku qarxiyay maqaayada.

“Shalay wuxuu i yiraahday qado isii qado mahaayi lacag la’aan ah ayaa dhahay, wuu igu qayliyay wuxuu yiri qado iigur waxaan dhahay taleefoonka haddii uu dhawaaqo ayaan qado kusiin karaa ka fiirso iyo bambadana isku hal ayay aheyd,” ayay mar kale tiri hooyo Cudbi.

Waxa ay intaasi kusii dartay “Marka uu bambada tuuray wuu cararay wuxuu toos u galay isbitaalka Xoogga, aniga iyo ilmaheedana waa nala qaaday, waxaana nala geeyay Kalkaal”.

Sidoo kale waxa ay ka warbixisay khasaaraha ka dhashay falkan, waxaana ay dhaawacyo soo gaareen hooyada iyo laba gabdhood oo ay ayeeyo u tahay.

“Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo dhibane ah oo ilmaheedii dhaawac yihiin oo iyadu dhaawac ah, mana jirto wax naga soo war doonay” ayay sii raacisay.

Ugu dmabeyn waxa ay dalab culus u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay ugu baaqday inay cadaalad hesho, si loo soo qabto eedeysanaha.

 

Xogta Cabdulqaadir Ikrima – Hogaamiyaha xiriirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay xogta ninka xiriirka u ahay ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, wuxuuna caan ku yahay magaca (Ikrima).

Cabdulqaadir Ikrima waa Soomaali-Kenyaan, wuxuu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kenya, Mareykanka ayaa horay madaxiisa u dul dhigay lacag dhan $3 milyan oo dollar.

Sidoo kale Mareykanku sanadkii 2013-kii ayuu weerar toos ah ku qaaday ninkaan iyo saraakiil kale oo Shabaab ah, xilli ay ku sugnaayeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, balse howlgalkaasi ma guuleysan.

Da’da ninkaan waxaa lagu qiyaasay 40 sano, waxaana loo aqoonsaday mid ka mid ah argagixisada ugu khatarta badan caalamka, Ikrima waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay weerar badan oo argagixiso.

Weerarada la sheegay inuu abaabulay waxaa ku jira weerarkii cuslaa ee Suuqa Wasteget Mall ee magaalada Nairobi ay Shabaab ka geysteen, bishii October 2013-kii waxaa guul dareystay howlgal uu Mareykanku doonayey in lagu dilo ninkaas oo ka dhacay magaalada Baraawe ee Soomaaliya.

Qoyska Cabdulqaadir Ikrima ayaa intii ay Soomaaliya burburka ku jirtay u guuray magaalada Mumbasa ee dalka Kenya, wuxuu ahaa qoys ku jira dabaqada dhexe ee nolosha, kadib ay u guureen Nairobi, inta badan noloshiisa koriimada wuxuu ninkaasi ku qaatay gudaha Kenya.

Saaxiibadiis waxay sheegeen inuu ahaa nin aad u isticmaala balqada, qaadka iyo nooc ka mid ah Xashiishka ayey saaxiibadii Ikrima sheegeen inuu aad u isticmaali jiray.

Inta uusan ku biirin argagixisada sanadkii 2004 wuxuu ku guul dareystay inuu ogolaansho deganaasho ka helo dalka Norwey, sidoo kale waxaa la sheegay in muddo uu ku noolaa dalka Ingiriiska, kadibna uu ku soo laabtay Nairobi.

In kastoo aan la ogaan halka lagu tashiiliyey Cabdulqaadir Ikrima, hadana wuxuu ka mid ahaa xubnihii la jaan qaaday bilowgii argagixisada, Mareykanka, Kenya iyo dowlado kale muddo ku raad joogay ninkaan weli kuma guuleysan inay dilaan ama qabtaan.

Waxaa la xaqiijiyey in Cabdulqaadir Ikrima uu yahay ninka qaabilsan isku xirka ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waa labo ka mid ah argagixsada ugu khatarta badan caalamka, waxaana la sheegay in Ikrima uu ku nool yahay gobollada koofureed ee Soomaaliya.

COSOBLE oo sharaxay sababtii ka dambeysay inuu weerar ku qaado ABGAAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay weerarkii uu dhawaan ku qaaday beesha Abgaal.

Cosoble oo markaasi si weyn u dhaliilay duubabka dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee beesha, ayaa qoraal uu soo saaray maanta, waxa uu ku sheegay inay ka aheyd guubaabo, si beesha ay kaalinteeda u qaadato, taasi oo ay ka gaabiyeen, sida uu sheegay.

“Aniga waxaan aaminsanahay Abgaal iney dhanka Hawiyaha ku jiraan halka uu Majeerteen kaga jiro Daarood. Macnaha hadduu Majeerteen yahay hormuudka Daarood, annaga Hawiyaha ahna waxaa kaalintaa noogu jira Abgaal, waxaana ii muuqatay iney tolkey ka gaabinayaan kaalintii aan ka rabay.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble;

Waxaan u mahad celinayaa dadkii badnaa ee ra’yiga ka dhiibtay qoraalkeygii aan kaga hadlay arrimaha ka jira deggaanada dadka aan walaalaha nahay ee Abgaal.

Su’aal la is weydiin karo ayaa ah maxaan uga hadlay Abgaal? Maxaanse ka rabaa Abgaal?

Aniga waxaan aaminsanahay Abgaal iney dhanka Hawiyaha ku jiraan halka uu Majeerteen kaga jiro Daarood. Macnaha hadduu Majeerteen yahay hormuudka Daarood, annaga Hawiyaha ahna waxaa kaalintaa noogu jira Abgaal, waxaana ii muuqatay iney tolkey ka gaabinayaan kaalintii aan ka rabay.

Aniga Abgaal waxaan ka rabaa iney degaannadiisa noqdaan sida degaannada Majeerteenka oo ay ka muuqato dowladnimo, kala dambeyn oo uu amniga sugan yahay, ayaga dhexdooda ay welwel la’aan is dhex maraan.

Waxaan Abgaal ka rabaa iney degaannadiisa noqdaan kuwo muujinaya hormuudnimadiisa oo uu qofka Soomaaliga ah uu asagoo gaari wata oo keligii ah safar kaga bixi karo Xamar soconna karo ilaa iyo meesha ugu dambeysa ee uu Mudug ka dego, sida aan anigaba hadda ka hor anoo gacanteyda gaari ku wada aan ugu dhex safray Gaalkacyo ilaa Boosaaso.

Gaalkacyo ilaa Boosaaso waxaa dega hormuudka Daarood, iney hormuud yihiinna waxaa cadeyn u ah nidaamka iyo kala dambeynta ka jirta dhulkooda baaxadda weyn. (Kama hadlayo waqtigan lagu jiro xaalad doorasho. Xilliga doorashada Africa dhamaanteed waxaa ka aloosanta xaalad amni xumo).

Sidoo kalana hormuudka waxaan ka rabaa inuu tusaale fiican u noqdo ummadda inteeda kale. Hormuudka Daarood oo ah Majeerteen dhulkiisa waa amni, argagixisadana wuu ka sifeeyay, anigana hormuudkeyga oo ah Abgaal waxaan ka rabaa inuu dhulkiisa ka dhigo mid ka caagan argagixisada nabadna ah.

Wey i dhibeysaa inaan arko hormuudkeyga oo uu Shabab heysto iyo hormuudkeyga oo dhexdiisa is dilaya.

Waxaan rabaa hormuud aan ku faano kuna deydo oo marka la i yiraahdo hormuudka Daarood dhulkiisii waa nabad, inaan dhihi karo annagaba hormuudkeena dhulkiisa waxaa ka jira nabad iyo nidaam.

Waxaa la yiraahdaa meel aad madaxeeda tahay mijaheeda la iskama dhigo, Abgaalow Ilaahaa hormuud nooga kiin dhigay ee adinkana dhaqankeeda yeesha oo degaankiina xoreeya nabaddiisana suga. Wixii dhexdiina jira xalliya, dhulkana islaaxiya oo tusaale fiican oo aan ku dayano noo noqda.

Quluubtiina Allah is waafajiyo, dadaalkiinana Allah ka dhigo kii mira dhala oo ay ummadda idiinkaga dayato.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya inay maqlayeen rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka ka dhacay fariisin ku taalla koonaha deegaanka Jasiira oo ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamayweli  ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka howlgallo ka wada deegaanka Jasiira.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada ammaanka  ayku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya Muqdisho iyo agagaarkeeda, maadaama ay Al-Shabaab culeyskooda soo saareen gudaha caasimada.

Kooxda ayaa inta badan jab xoogan kala kulantay dagaallada tooska ah ee uga socda gobollada dalka, kaas oo looga qabsaday dhul ballaaran, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay shirka Isimada Puntland uga socda Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socda shirweyne ay leeyihiin Isimada Dhaqanka Puntland, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, ayada oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayada oo ay inta badan goobjoog yiihiin Isimada Puntland oo door weyn ku leh dhismaha maamulkaasi.

Inta badan waxaa shirka looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Saciid Deni.

Isimada ayaa wax iska weydiin doono khilaafka ka taagan doorashada, si looga gudbo xaaladda hubanti la’aanta ah ee hadda ka taagan dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa la filayaa in Isimadu ay kasoo saaraan go’aanno ku aadan sida loo wajahayo arrinta taagan, loona qaban lahaa doorasho ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay xal kasoo saari doonaan muranka ka taagan doorashada Puntland, isla-markaana ay si daacadnimo oo dhexdhexaad ah u falanqeyn doonaan arrimaha waa weyn ee la isku hayo.

Horay xubnahamucaaradka ayaa ugu baaqay Isimada in ay soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, si looga hortago qalalaase iyo gacan ka hadal ka dhaca Garoowe.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad cakiran, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya magaalada Garoowe oo ay ciidamo ku haystaan labada dhinac, maadaama ay horay ugu dagaalameen magaaladaas oo caasimada u ah maamul goboleedka Puntland.

Maxkamad xukun xabsi oo adag ku ridday gabadha uu dhalay Saddam Xuseen

Baghdad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.

Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.

Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003.

“Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh,” ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.”

Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.

Inta badan Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa.

AFP, VOA

Daawo: Cabdullahi Caabbi: 4 dhallinyaro Somali ah ayaa isku dilay magaaladeena…

Utrecht (Caasimada Online) – Ururka Bulsho ee ka dhisan magaalada Utrecht ee waddanka Holland ayaa xalay kulan ballaaran ugu qabtay magaaladaasi mushtamaca Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.

Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ay jaaliyadu isugu timaado, ayaa looga hadlayay xoojinta midnimada Soomaalida dhexdeeda iyo waxaana ka soo qeygalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan.

Cabdullaahi Caabbi, Bootaan iyo Cali oo ka mid ah hormuudka ururka Bulsho, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isu-imaatinkoodu  ka dhashay markii dhalinyaro Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4 ay is dileen.

“Waxaa hurdada naga soo kiciyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhacdooyin aad u xanuun badan, haddii aan nahay reer Utrecht waxaan iska wareysanay sidii aan isaga warqabi laheyn,” ayuu yiri Caabbi oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo ugu baaqay waalidiinta magaalada ku dhaqan in ay la soo xiriiraan ururka haddii ay u baahdaan in la caawiyo.

“Annagu waxaan diyaar u nahay inaan intii karaankeena ah qabano haddii waalidiintu nala soo xiriiraan, dhibaato kasta waxeey leedahay ka hortag, marka dhibku dhaco waxba kama qaban karno, waxaan se idiin balanqaadeynaa inaan idin ka caawino inta dhibaatooyinku cusub yihiin,” ayuu yiri Caabbi.

Platform for media, ka daawo hadaladii kulankaasi laga jeediyay.

Dib ugu laabashadii Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb kadib, maxaa socda?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii markale ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa halkaan deganaa labaddii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin labaddii asbuuc ee u dambeysay ayuu halkaan kasoo maqnaa, wuxuuna intaasi haleelaya laba shaqo oo muhiim u ah dagaalka, kuwaasi oo kala ah;

1. Ciidankii ku maqnaa Eritrea

Xasan Sheekh wuxuu dhowr iyo tobankii cisho ee lasoo dhaafay ee uu ka maqnaa Dhuusamareeb, kusoo guuleysatay inuu dalka kusoo celiyo ciidankii tababarka ugu maqnaa Eritrea.

Wallow ay jiraan ciidan weli ku harsan dagaalkaas oo tababar dheeraad ah uu u socdo, haddana ciidanka yimid ayaa muhiim u ah dib u curashada dagaalka.

Wuxuu madaxweynaha ciidankaas kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, wuxuuna u sheegay in laga sugayo fulinta ballantii ay u qaadeen qarankooda oo aheyd inay difaacan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaas siiyay hal bil oo fasax ah oo ay waalidkood ku booqdan, kahor inta ayna ka qeyb-galin la-dagaalanka argagixisada .

2. Sahminta wejiga labaad ee dagaalka

Midda labaad ee madaxweynaha soo qabtay intuu ka maqnaa Dhuusamareeb waa sahminta wejiga labaad ee dagaalka.

Wuxuu tegay Koonfur Galbeed, wallow siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ay u arkaan socdaalkaas mid uu ku dhimayay cadaadiska haysta Lafta-gareen, oo uu sharciyadiisa ku adkeynayay.

Haddana dhinaca kale kooxda madaxweynaha waxay sheegayaan in la sahmiyay Koonfur Galbeed iyo wejiga labaad ee dagaalka, taasina ay aheyd muhiimadda koowaad ee socdaalkii madaxweynaha ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

• Ku laabashada Xasan ee Dhuusamareeb

Ku noqoshada Xasan Sheekh ee magaalada Dhuusamareeb waxay kusoo aadeysa waqti xasaasi ah oo dadka Soomaaliyeed sugayaan dhameystirka wejiga koowaad ee la-dagaalanka argagixisada.

Halkaan intii uu madaxweynaha ka maqna wax dagaal ah lama qaadin, marka laga reebo hal mar oo ay argagixisada soo weerartay deegaanka Burujeed, taasi oo ka dhigan in dagaalka uusan dhaqaaqi karin haddii uusan Xasan dhaqaaqin.

Ciidan xooggan oo dowladda federaalka ah ayaa labaddii asbuuc ee lasoo dhaafay kusii qul-qulayay deegaanada Galmudug. Waxa kale oo dhamaad ah dib u habeyntii lagu waday ciidankii furimaha kasoo baxay, kuwii fasaxa ku maqna iyo kuwo cusub.

Diyaar garowga ciidan ee dhamaadka ah iyo xogaha laga helayo dhanka argagixisada oo dhaqaale la’aan iyo saad la’aan ay ku hayso deegaanada Galmudug ayaa dadka Soomaaliyeed galinaya rejo ah in wejiga koowaad ee dagaalka si fudud loo soo afjari karo markaan.

Khubarada amniga waxay sheegayaan inay jirto fursad dhowr jiho looga weerari karo kooxda, marka la eego dib u habeynta lagu sameeyay ciidanka dowladda iyo diyaar garowga cusub ee ciidamada deegaanka, tii oo dhinaca kale uu meel wanaagsan marayo qorshaha cusub ee dowladda ku diiwaan-gelinayso ciidanka Macawisleyda, kuwaasi oo sida la sheegay hadda loo bilaabay inay helaan xuquuq bille ah.

Hadda indhaha shacabka Soomaalida waxay u jeedaan dhanka Dhuusmareeb, Madaxweynuhuna wuxuu sida muuqata go’aansaday inuu halkaasi kusii shaqeeyo si uu u xaqiijiyo natiijada dagaalka.

Laba askari oo lagu toogtay BAYDHABA kadib markii…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta maamulkaa iyo Xogga dalka, kuwaas oo horay dilal u gaystay dilal.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba, waxaana goobjoog ahaa mas’uuliyiin, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo shacab.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ismaaciil Cabdullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo isna ka tirsanaa Xoogga dalka, waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Geedow ayaa horay u dilay Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buurhakaba, dilkaas ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedow huwiyay gaari caasi ah oo ka yimid Muqdisho.

Sidoo kale Cabdullahi Dhagey ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen, kana tirsanaa saldhigga Booliiska Rabdhuure, ayada oo saaka lagu filay dilkii qisaasta ee marxuumkii uu horay u dilay

Ehellada labada marxuumiinta ee horay loo dilay ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka toogashada ah ee horay usoo baxay, maadaama cadaaladda la marsiiyay labada askari ee saaka lagu dilay Baydhaba.

Waa toogashadii labaad oo maalmo gudahood ay fulineyso Koonfur Galbeed, ayada oo Sabtidii Baydhaba lagu dilay saddex askari oo iyguna horay dial u gaytay dilal, kuwaas oo kala ahaa Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga  Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliska Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Daawo: Xildhibaan Dhegaweyne oo si adag uga jawaabay eedeyntii HirShabeelle ee DF

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne oo ka tirsan baarlamaanka HIrShabeelle ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa si adag u weeraray madaxda madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka, hoggaaminta dagaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh, saluuga maamul ee dadka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle iyo hadaladii ugu dambeeyey ee ka soo yeeray madaxda sare ee HirShabeelle.

Xildhibaanka ayaa madaxda HirShabeelle ku dhaliilay hoggaamin la’aanta dagaalka Al-Shabaab inay ku darsadeen khilaaf ay ka dhex abuurayaan maamulka HirShabeelle iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyey in maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe ay beeshiisa Xawaadle ka qabgto saluug badan, isla markaana uu toos ula saftay beeshiisa, isagoo ah Xildhibaan HirShabeelle ah.

Wuxuu Xildhibaan Dhegaweyne farriin u diray siyaasiyiinta ka sook a soo jeeda beesha Xawaadle ee ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirrada, wuxuuna ka codsaday, in beeshooda aan loo adeegsan oo hadii aysan la safa karin ay shartooda ka nabad galaan.

Hadalka Xildhibaan Cabdulqaadir Dhegaweyne ayaa jawaab u ahaa hadal saacadihii lasoo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed oo si adag u weeraray dowladda federaalka, isagoo sheegay inay maamulkiisa ku hagratay dagaalka Al-Shabaab, marka loo fiiriyo doorkeeda ku aadan howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“La dirirka argagixisada bariga HirShabelle, waa lagala wada diriray, galbeedkana qaybyo noo yahay dowladdii Soomaaliyeed way nagu taageereysay waxyaabo badan oo nagu hagratay waa jireen mara iyadaha haddii ay nagu hagratay waxay nooga filneyd dee annaga shacabka HirShabelle ayaa nahay wixii waxaan ku hagran doonaa aan uga filanahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle.

Hoos ka daawo jawaabta Xildhibaanka

SHARIIF oo si adag hadlay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka soo yeeraya Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay colaadda beeleed ee ka soo cusboonaatay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shariif ayaa si adag u cambaareeyay colaadaasi u dhaxeysa dadka walaalaha ah, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo is-dilka, xilli ay meel sare gaartay colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno hoostaga gobolkaasi.

“Allah ha u naxariisto intii ku geeriyootay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno hoos taga gobolka Sh/dhexe. Waa wax aad looga xumaado in ay soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo is dilka dadka ehelka ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan, xilli dadaal lagu bixinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

“Waxaa nasiib darro wayn ah in la daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lagu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed.”

Madaxweynihii hore ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in deg deg sharciga loo horkeeno raggii xalay dadka shacabka ah ku laayay duuleedka deegaanka Xaaji Cali, iyada oo la raacayo baaqii Cadale ee sanadkii hore.

“Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022, waxaan sii laba jibbaari doonnaa dadaalladii aan horey u wadnay ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka, kamana daali doonno nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah.”

Hadalka Shariif ayaa imanaya kadib markii xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkaas ay waddada u galeen, islamarkaana ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, kuwaasi oo ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse weli waxba kama dhaqan-gelin, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaasi.

Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay odayaal loo haysto la-macaamilka Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland ayaa maanta la horkeenay odayaal dhaqameed ku eedeysan la tacaamulka kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday maxkamadda inay u ogolaato 60 cisho oo xabsi xalaaleyn ah, si loo dhameystiro baaritaanka kiiska ay ku eedeysan yihiin odayaal dhaqameedkan, kasoo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in odayaasha eedeysaneyaasha ah sii xirnaadaan muddo 2 bilood ah, si xafiiska xeer ilaalinta u dhamaystiro baaritaankiisa, iyada oo xilligaas kadib si rasmi ah loo furi doono garmaqalka kiiska.

Odayaashan oo gaaray illaa 11 xubnood, ayaa waxaa xusid mudan in haddii kiiskan lagu helo ay mari doonaan wadada odayaashii dhaqan ee kal hore dowladda federaalka ay ku xukuntay xabsi gaaraya illaa 15 sano, kadib markii ay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa horey uga digay la-macaamilka Al-Shabaab, si gaar ah odayaasha dhaqanka, iyada oo markaas uu maamulka sheegay in ciddii aqbasha awaamiirta kooxda ama heshiis la soo gasha in loo aqoonsanayo inay iyaga lamid yihiin.

Hoos ka aqriso magacayada odayaashan;

  1. Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim
  2. Ismaaciil Khaliif Ibraahim
  3. Shire Cismaan Maxamed
  4. Yuusuf Cabdullaahi Jaamac
  5. Cabdi Barre Maxamed
  6. Cumar Maxamuud Cilmi
  7. Cabdi Maxamed Xirsi
  8. Cabdullaahi Bile Siciid
  9. Axmed Maxamuud Xasan
  10. Salaad Cabdi Maxamuud
  11. Axmed Cabdi Keyd

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore soo saartay xeer dambi ka dhigaya la-macaamilka Al-Shabaab, kaasi oo dhigaya in si lamid ah loola dagaalamo cid kasta oo la tacaamusha kooxda, oo xilligaan guluf ka dhan ah uu ka socda dalka.

Xasan oo furrin cusub isku furay iyo ‘waxa la gudboon’ si dagaalka uusan u wiiqmin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha ku haminaya xukunka madaxtinimada Soomaaliya iyo inta isku safka ah ee la isku yiraahdo mucaaradka ayaa maalmo badan ka aamusna fagaaraha dowladnimada Soomaaliya.

Dowrka ugu weyn ee mucaaridnimada oo ah dheelitirka dowladda xukunka joogta ayay ka gaabsadeen, sababta waxay marwalba ku sheegi jireen inuu dalka dagaal ku jiro oo aanay awoodin inay la dhigtaan madaxweyne dagaal ku jira.

Inkasta oo qaar mucaaradka kamid ah lagu eedeeyay dhowr jeer inay si hoose iskugu dayeen inay dagaalka fashiliyaan, haddana inta badan mucaaradka dowladda federaalka ah ayaa laga waayay fagaarayaasha, iyaga oo muujinayay in madaxweynaha la siiyo fursad uu libin kaga keeno dagaalka.

Qof walba oo uu damac kaga jiro inuu Soomaaliya xil ka qabto waa ogyahay in aysan shaqadaas macno ku fadhin guulna aan laga keeni karin inta ay dalka joogto argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata shaqo la aqbalo karo ka qabtay dagaalka argagixisada tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska. Laakiin khudbadii Jimcihii ee masaajidka Madaxtooyada ayaa dib usoo nooleysay dooddaha siyaasiga ah ee Soomaalida.

Xubnaha mucaaradka qaarkood oo ku jiray qoraal cabasho iyo digniin ahaa oo Khamiistii loo diray madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa laga soo xiganaya in madaxweynaha uu furay saaxadii siyaasadda.

Xubnahan ayaa ku dooddaya in madaxweynaha uu dagaalkii ku garab furay dooddo taabanaya hab xukunka, doorashada soo aadan iyo dhismaha axsaabta siyaasadda, taasi oo soo toosisay qof walba oo damac ka leh xukunka dalka.

“Hadda wax nagula eedeeyo ma jiraan, oo madaxweynaha ayaa shaqo u abuuray mucaaradka,” ayay dooddooda ku kabayaan xubnaha mucaaradka qaarkooda.

Dad badan ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh u haboon tahay inuu dib u dhigto dooddaha siyaasiga ah iyo arrimaha taabanaya awood qeybsiga dalka, maadaama ay Soomaalida isku raacsan tahay in aan wax badan oo dowladnimo iyo horumar ah aan la gaari karin haddii aan argagixisada laga adkaanin.

Shacabka Soomaalida iyo dowladdooda waxay muujiyeen in laga adkaan karo argagixisada. Dagaalka waxa uu jooga meel laga xaqiijin karo hadafka guusha.

Laakiin in waqtigaan la aado dagaal siyaasadeed ayay dad badani qabaan inay dhaawac weyn ku noqon karto dagaalka lagula jiro argagixisada, oo ay dhinaca kale keeni karto in bulshadii ku mideysneyd la-dagaalanka argagixisada inay danaha siyaasadda kala riixaan.

Ma jirto cid sharaxaad fiican ka bixin karta sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u go’aansaday inuu dib u furo dooddo siyaasadeed oo loo arko inay majo xaabinayaan dagaalka, xilli uu isagu dhowr jeer oo hore ku doodday in aan laga shaqeyn karin wax siyaasad, doorasho iyo dowladnimo ah iyada oo aan la xaqiijin ammaanka dalka.

Maadaama ay mucaaradka bilaabeen wada-hadallo hoose iyo dooddo banaanka yaalla, dowladda waxaa u taalla sidii ay iskugu dhinac wadi laheyd la-dagaalanka argagixisada iyo maareynta hardanka siyaasadda ee ay dib u furtay iyadu.

Dadka qaar waxay ku tallinayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu hal sanno kale dib iskaga dhigo dooddaha siyaasadda oo uu xoogga saaro natiijada dagaalka argagixisada.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Xamas iyo Israel

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xalay duqeymo ba’an ka fulisay Gaza kadib markii ay ka digtay inay xoojinayso duqeymaha ka hor duullaanka dhulka, iyadoo dagaalka ka dhashay weerarka dhiigga badan uu ku daatay ee ay qaadday Xamaas uu Axadda maanta ah galay toddobaadkii saddexaad.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeymaha xalay ee Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, laguna burburiyay 30 guri, sida ay warisay AFP.

In ka badan 40 boqolkiiba dhammaan guryaha Gaza ayaa waxyeelo gaartay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay iyadoo soo xiganaysa saraakiisha deegaanka.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed halkaasi ay sheegtay in xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku qorsheynayeen “Weerar Argagixiso oo xilliga dhow ah” sida ay hadalka u dhigtay.

Wafa, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee maamulka Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay duqeynta, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dhismaha ka hooseeya Masjidka al-Ansar ee xerada qaxootiga Jenin.

Weerarkan cirka ah ee Israel ayaa ah ugu yaraan kii labaad ee maalmihii la soo dhaafay ay ka fulisay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaas oo ay ka socdeen rabshado u dhexeeya Yuhuuda la dejiyay iyo Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii bishan oo ay kooxda Xamaas ee ka soo jeeda Gaza weerartay Israa’iil.

Dhinaca kalena, Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Xalab.

Waxa ay sheegtay in weerarkaas uu ku dhintay hal qof, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiiyeen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsato.

Israa’iil ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Suuriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Xisbullah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin ee Iran, oo sidoo kale taageerta Xamaas.

Lubnaan-na, Xisbullah ayaa sheegtay in lix ka mid ah dagaal-yahannadeeda la dilay Sabtidii, iyadoo ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda, Sheikh Naim Kassem, uu ka digay in Israa’iil ay qiimo weyn ku bixin doonto haddii ay bilowdo weerar dhulka ah oo ay ku qaaddo Marinka Gaza.

Israa’iil ayaa duqeysay bartilmaameedyada Xisbullah subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah, iyadoo ka jawaabaysa gantaallo la soo riday, sida uu sheegay milateriga dalkaasi.

Saciid DENI oo digniin kama dambeys ah la siiyay xilli ay xiisadda kasii dareyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka ay u direen digniin u muuqata kama dambeys.

Laba xisbi oo kamid ah kuwa siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa markale Saciid Deni uga digay meel-marinta qorshaha uu ku adkeysanayo ee lagu sheegay doorasho qof iyo cod ah.

Ifiye iyo Sincad ayaa sidoo kale waxay shaaciyeen in ay qaadayaan tallaabo kasta oo looga hortagi karo damaca madaxweyne Saciid Deni.

“In aysan suurta-gal ahayn doorasho madaxweyne iyo ku-xigeen taasi oo ay shacabka toos usoo dooranayaan xilligaan kala guurka ah. Waa in la qabto doorasho ku dhacda wakhtigeeda.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Waa in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay u dhacdo si baarlamaani ah oo Xildhibaannada la soo doortey ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.”

Xisbiyadan ayaa waxa kale oo ay soo jeediyeen in musharaxiinta aan ku jirin xisbiyada siyaasadeed loo ogolaado inay si madax-bannaan uga qeyb-galaan doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

“Annaga oo ka duuleyna hirgelinta doorasho loo dhan yahay waa in fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada hadda jira, waana in loo ogolaado inay si madax-banaan uga qeyb qaadan karaan doorashada madaxtinimada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiyadan.

Labadan xisbi oo muddooyinkii dambe lagu tirinayay dhinaca Saciid Deni, oo isagu dhawaan kulan la qaatay, ayaa waxaa muuqaneysa in ay hadda soo mareen dhanka mucaaradka, kadib shirkii lagu middeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ee dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Farriimaha xilligaan kasoo baxaya mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale gacan ka hadal isku rogto xiisadda taagan ee ka dhalatay doorashooyinka maamulka, oo u dhaxeeya mucaaradka hubeysan iyo maamulka Deni, sida kal hore ka dhacay magaalada Garoowe.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay la-taliye sare oo uu maanta magacaabay Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliye sare.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir u magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Magacaabistan ayaa durba waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, maadaama ay jirto wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, sidoo kalena uu madaxweynaha uu leeyahay la-taliye arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Hoos ka aqriso sida looga fal-celiyay arrinkaan

Mukhtaar Cali: “La-taliyaasha ma dhamaato miyaa shaqadooda?.”

“Mahadsanid mudane ra’iisul wasaare shaqo wacan,” ayuu yiri Cumar Cali Bashkax.

Axmed Cali Cabdulle: “Ra’iisul Wasaaraha shaqadii wasaaradda haweenka miyuu ergay u magacawday Khadiija Diiriye reaction buuqiis wato ka filo.”

Xasan Macallim Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Aaway wasaaraddii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda?

“Hambalyo walaal Shamso Alle ha kugu asturo xilkaas muhiimka ah ee lagu magacaabay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Suldaan.

Cabdiwaaxid Maxamuud Cabdullaahi: “Ha la shaqeysto kuwo badan inoo keena. Soomaaliya ha noolaato hadda ayey sax tahay qof walba qofkiisa ha nooleysto waaye.”

“Wasaaradaha dhan maa la taliyayaal loo wada beddelo,” ayuu yiri Cabdullaahi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare.

Mukhtaar Sheekh Daahir: “Hambalyo Marwo Shamso waa qof aqoonyahan oo waayo arag ah, muddana kasoo shaqeeysay UN-ka, EU-da. Xilkaas Alllaha ku asturo.”

“Hambalyo Shamsa way ka soo bixi kartaa xilkaa loo magacaabay iyo mid ka sareeyaba guuleyso walaashey,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Kaar.

Lafta-gareen oo go’aan culus qaatay, kuna dhawaaqay…

0

Xudur (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Xudur ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa, isaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan Koonfur Galbeed ka bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo diyaar garoobay dagaalka wajigiisa labaad, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Siyaasadda dagaalka ee wajiga labaad waa la diyaariyay, waana qorsheysan tahay, waana bilaaban doontaa taas waa sugeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidanka Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Macawiisleyda, isaga oo ugu baaqay inay u dhaqaaqaan deegaanada Al-Shabaab.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa saraakiisha iyo ciidamada ugu baaqay in aysan dib usoo laaban oo ay horay usii socdaan, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

“Waa inaan sida aan hadda nahay wax ka beddalno, abaabulka inaan wax ka beddalno, howlgallada inaan wax ka beddalno, fadhiga inaan wax ka beddalno, jiifka waa inaan wax ka beddalno, kadibna aan socono” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalkan uu wax ka hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh marka uu kasoo dhamaado deegaanada Glamudug.

Daawo: CIIDAMADII ugu badnaa oo gaaray jiidda hore

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo kamid ah gobolkaasi, oo uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamo horleh oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay goordhow gaareen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada dhaca jiinka wabiga, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka socda halkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaal iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminaya taliyeyaasha Korneel Cabdullaahi Barre iyo Xasan Faarax Guuleed oo labaduna kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Hiiraan.

Sidoo kale waxaa saraakiishan & ciidamadaooda halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Faarax Kooshin iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan ka socda jiinka wabiga Shabelle oo ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Muddo todobaadyo ah ayaa howlgallo ay ka socdaan deegaanadaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerayabaal & Jicibow oo ku yaal halkaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujijayaan in dagaallo culus iyo duqeymo ay ka dhacaan dhulkaas oo ah mid hawd ah.

Ilhaan Cumar iyo qoyskeeda oo xaalad halis ah wajahaya

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta.

Ilhaan, oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xiriira inay cambaareeyeen dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee ayada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada.

“Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog.

“Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Maraykan ah.”

Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo wacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan ayada iyo caruurteeda.

Qofka soo wacay ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan cinwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News.

Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeereysa “Muslim argagixiso ah.”

Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo wacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan.

“Waxaan rajeynayaa in Israel ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yiri qofka soo wacay.

“Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Ilhaan.

“Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababtoo ah weligaa ma ogaan kartid.”

Bayaan ballaaran oo ay kasoo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas.

Sidaas oo ay tahay, iyada iyo xubnaha kale ee dhinaca bidix ee  ee Congress-ka ee dhalleeceeyay Israel waxay la kulmeen dhalleecayn, gaar ahaan kuwo kaga yimid Jamhuuriga midigta fog.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ay maanta ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalkan oo ah mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Saydhelow oo u dhow magaalada Baydhaba.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo ay dowladdu sheegtay inay khasaare culus gaarsiisay Al-Shabaab.

“Hawlgal guulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu qaarijiyey dhagar qabeyaal ka tirsan kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo watay mooto Fekon ah.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo furteen qoray AK47 ah iyo mootadii ay wateen xubnaha lagu dilay duleedka magaalada Baydhaba.

“Howlgalkaan ayaa lagu dilay laba dhagar qabe oo Khawaarij ah waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka dowladda.

Baydhaba iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada huwanta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab oo go’doomiyay afarta jiho ee magaaladaasi.