25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Macallin dugsi qur’aan iyo xertiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeellaha Dhexe

0

Cadaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in dadkan ay waddada u galeen, isla-markaanta ay goobta ku dileen ugu yaraan 5 qof, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Guddoomiyaha oo la hadlay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday in dadka la laayay ay usoo socdeen deegaanka Xaaji Cali, balse jidka loo galay, kadibna la dilay.

“Xog ogaalka inta aan ogahay haddii aan ku sheego dadka dad iska socda ayay ahaayeen oo soo socday tuulada Xaaji Cali” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka la dilay ay ahaayeen Macallin dugsi qur’aan iyo xirtiisa, isla-markaana xilliga la dilayay ay kasoo laabteen Subac ay soo akhriyeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay ku raadjoogaan raggii gaystay falkaas oo baxsaday.

“Ciidan milatari ah iyo daraawiish waa joogaan waa ku raadjoogaan, wixii ay ka qaban karaan ayay sameyn doonaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxayna arrintan sii hurineysaa colaad beeleedka ka taagan aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka, balse ma jirto wax kasoo baxay, maadaama ay mar kale dib u qaraxday colaadda u dhexeysa beelaha ee ka taagan halkaas.

Yuusuf Dabageed: DF hagar daamo iyo dhibaato ayay ku heysaa HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dabageed ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku hagratay dagaalka Al-Shabaab, marka loo fiiriyo doorkeeda ku aadan howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“La dirirka argagixisada bariga HirShabelle, waa lagala wada diriray, galbeedkana qaybyo noo yahay dowladdii Soomaaliyeed way nagu taageereysay waxyaabo badan oo nagu hagratay waa jireen mara iyadaha haddii ay nagu hagratay waxay nooga filneyd dee annaga shacabka HirShabelle ayaa nahay wixii waxaan ku hagran doonaa aan uga filanahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu kusii daray Waxaa igala wanaagsan marka in iyagu na hagradaan ama annagu aan hagrano in wada shaqeyno oo dowlad kastaahu, kaalinteedu ay buuxiso”.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay sidaan wax ka beddasho, ayna buuxiso kaalinta ay uga baahan tahay HirShabelle.

“Dowladda Soomaaliyeed annaga meesha aan heyno waan ognahay, iyadana meesha ay heyo waan ognahay annaga meesha wanaagsan oo aan hayno inaan deyno yey nagu qasabin ee meesha xun ee naga heyso hanaga deyso kaalinta aan ku leenahay hanoo buuxiso” ayuu markale yiri Yuusuf Axmed Hargar (Dabagadeed).

Waxaa kale oo uu sii raaciyey in arrintan aysan kaftan aheyn ee dhab ka tahay HirShabelle, wuxuuna sheegaya in dalbanayaan inay helaan kaalintooda, si lamid ah maamullada dalke.

Hadalkaan hadal kaftan ah ma aha dhab ayuu naga yahay waxaana is leenahay waa la’idin dulminoowaa” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Yuusuf Dabageed ayaa hadalkan ayaa ka sheegay furitaanka kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka HirShabelle oo uu shalay ka jeediyay khudbad Xasaasi ah.

Xog ku saabsan safarka Sheekh Aadan Madoobe ee dalka Mareykanka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u dhoofay dalka Mareykanka, isaga oo kusii jeeda magaalada Washington ee dalkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde, ayada oo ay ka qayb qaateen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in isaga wafdigiisa ay casuumaad ka heleen Aqalka golaha wakiilada waa dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono horumarinta baarlamanka Soomaaliya iyo iskaashi toos ah oo ay yeesheen labada dhinac.

“Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka waxayna kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Waxa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda Mareykanka, si uu ugula hadlo arrimo quseeya Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo Mareykanka wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo kala hadli xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo horumarada laga gaaray.

Safarkan ayaa kusoo qaaday, xilli uu fasax ku jiro baarlamaanka Soomaaliya, maadaamasoo xirmay kaldhigooda, kadibna ay aadeen safaro gudaha iyo dibadda.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka dhaqaalaha intaba.

Daawo: Wasiirkii uu Qoor Qoor xilka ka qaaday oo shaaciyey ‘lacag la lunsaday’

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii Gaadiidka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud oo dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qabtay shir jaraa’id, wuxuuna shaaciyey musuq baahsan oo sababay inay isku dhacaan isaga iyo wasiirka maaliyadda Galmudug, kadibna isaga xilka laga qaado.

Inta badan khilaafka sababay in xilka laga qaado wasiir Cabdirisaaq wuxuu salka ku hayaa dhismaha garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo isticmaalka dekedda Hobyo.

Wasiirkaan xilka laga qaaday ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban uu leexsaday lacag hal milyan oo dollar ah oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu deeqay garoonka Dhuusamareeb, si loogu dhiso.

Hadda wuxuu sheegay in la helay mashruuc malaayiin dollar ah oo beesha caalamka ay dooneyso in lagu dhiso garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, balse uu cabsi weyn ka qabo in la musuq maasuqo, taasina ay horseedo in dib loo aamini waayo maamulka iyo dadka reer Galmudug.

Sidoo kale Wasiir Cabdirisaaq wuxuu sheegay in lacago badan ay wasaaradda maaliyadda Galmudug ku xujeysay ganacsato dooneysay inay badeeco kala soo degto dekedda Hobyo, isla markaana loo soo dacwooday wasaaradda gaadiidka Galmudug oo isagu uu hoggaaminayey.

“Nasiib darro ninkii intaas oo qalad ah ka galay dadka reer Galmudug waxaa lagu abaal mariyey Senator ka tirsan BFS, sidoo kale waxaa loo dhisay guriga ugu qaalisan Galmudug,” ayuu yiri wasiirkii gaadiidka Galmudug oo dhawaan xilka laga qaaday.

Ugu dambeyntii Wasiir hore Cabdirisaaq Maxamed ayaa Madaxweynaha Galmudug kula taliyey in maamulkiisa ragga burburinaya uu iska qabto, “Hadii Maxaxweyne aad rabto in dib laguu doorto meel aad ku soo noqoto sii dhiso,” ayuu yiri.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, in wasiirkaan xilka laga qaado waxaa Madaxweynaha ka codsaday wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Gaban, oo ah saaxiibka koowaad ee Qoor Qoor, maadaama ay isku qabteen mashaariic dhowr ah.

Hoos ka daawo

Xogta sarkaal Shabaab ah oo mar ay xirtay DF, hadana dagaal ka dhex furay kooxda

0

Guriceel (Caasimada Online) –Dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya deegaano u dhow tuulada Burujeed oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay weerar culus ku qaaday kooxdu, waxaana isisoo taraya xogaha laga helayo dhinacyada dagaalamaya.

Kooxaha dagaalamaya waxaa kala hoggaaminaya labo sarkaal oo u kala dhalatay beelaha Duduble iyo Cayr ee Habargidir, Caasimada Online waxay heshay xogta sarkaalka ka soo jeeda beesha Cayr oo isagu bilaabay dagaalka.

Cabdullahi Maxamed Xiirey oo caan ku ah magaca Cabdullahi Horeeye ayaa hoggaaminaya dhinac ka mid ah dagaalyahanada Shabaab ee ku dagaalamaya Galgaduud, ninkaan ayaa ka soo jeeda beesha Cayr, gaar ahaan jufada Habaraji oo dhawaan ay Shabaab ku weerareen deegaanka Burujeed.

Cabdullahi Horeeye waxaa horay u xirtay dowladda Soomaaliya, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, ninkaan oo lagu tuhmaayey Shabaab-nimada ayaa xiligaas laga qabtay xaafada Suuqaxoolaha ee degmada Heliwaa.

Muddo bil ah oo dowladda uu u xiraa kadib, waxaa la sheegay inay damiin ku soo daayeen odayaal ka soo jeeda beeshiisa, wuxuuna dib ugu laabtay kooxda Al-Shabaab.

Cabdullaahi Horeeye wuxuu ka mid yahay saraakiisha hoggaamisa Shabaab-ka ka dagaalmaya Galmudug, balse hadda wuxuu dagaal culus kala dhexeeyaa sarkaal kale oo ka soo jeeda beesha Duduble.

Dagaalkaan ayaa qarxay maalmo kadib markii ay kooxdu ka soo laabatay weerarkii Burujeed, kooxda ayaa fariisin ka sameysatay meel aan ka fogeyn deegaanka Burujeed, waxaana qorshaha ka socda aagaas ka soo horjeestay Cabdullahi Horeeye oo soo jeeda jufada Habaraji Cayr, kana tirsan saraakiisha Shabaab.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu diiday in Shabaab sii deganaado aagga Burujeed, waxaana qorshihiisa ka biyo diiday nin isaga ka sareeya oo ka soo jeeda beesha Duduble, halkaas ayuu ka bilowday dagaalku.

Kooxda ayaa aad isku leysay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa la sheegay in dagaalka ay kala hoggaaminayaan labadaan sarkaal, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa weerarkii ay Shabaab ku qaadeen beesha Cayr oo degan tuulada Burujeed.

 

Daawo: Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif si adag uga hadlay dagaalka ka socda Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa soo saaray baaq culus ku socda beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii uu maanta la hadlay TV-ga Dowladda.

Sheekh Maxamuud ayaa musiibo ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadkaan walaalaha ah, isagoo xusuusiyey carada Alle oo ay kala kulmi karaan daadinta dhiiggooda.

Sidoo kale Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka socda Soomaaliya aan lagu jooji karin hadal iyo wacyi gelin toona, balse loo baahan yahay ficil iyo in la helo awood u bareerta inay meel mariso wixii wanaagsan.

“Dadka sheydaan ayaan qaaday, dadka Soomaaliyeed waa is yaqaanaan cid dagaal wax ku qaadeysa ma jirto, dadka cidii gardaran garta hala saaro, si loo joojiyo musiibadaan,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Shiiqa ayaa sheegay in dadka is dilaaya ay wada dhasheen, “Sababta ay isku dilayaan waxaa waaye Ilaahey iyo Rasuulkiisa ayey ka furteen, hadii aan wax ka hor taga loo helin dhigga ay daadinayaan joogsa maayo,” ayuu yiri.

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laba arrin lagu xakamey karo dagaal beeleedkaas, 1- In shareecada islaamka lagu kala saaro dadka dagaalamaya, 2- Iyo in awood dowladeed lagu maquuniyo.

“Hadaan la helin labadaas maalin kasta waxaan arki doonaa qof qaraabadiisa dilaya, meesha hala tago waxaan hala suuliyo, musiibaa ka soo socota meeshaas, dadkaan waa naqaan waana ka dhalanay, waa in waxaan asalkooda laga dabatago,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud.

Dagaalkaan oo u dhaxeeya beesha uu ka dhashay Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa ka socda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, dadka dagaalamaya oo ehel wada dhashay ah ayaa iska gubaya guryaha, iska kufsanaya haweenka, aadna isku dilaya, waxaana guul dareystay dadaal kasta oo lagu dayey joojinta colaadaas.

Hoos ka daawo

Dowladda oo xayirtay shirkado la shaqeynayay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa warbixin kasoo saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu wajahayo kooxda, isla-markaana ay ku qaaday dagaal toos ah iyo mid dhaqaale.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isticmaali jireen dekedda Muqdisho, ayaga oo adeegsanayay shirkado, ganacsato iyo nootaayooyin, si ay usoo marsiistaan alaabtooda, waxaase uu tilmaamay in shabakadahaas ay soo afjareen ciidamada Nabad-Sugidda.

“Dekadda Muqdisho waxa ay ahayd meelaha ay Khawaarijta oo isticmaaleysa kooxaha aan soo sheegnay ay isku dayeen in ay soo marsiistaan waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed laakiin Sirdoonka Soomaaliya ee habeen iyo maalin u taagan in uu ka hortago shirqoollada Khawaarijta ayaa helay xogta Alaabaha ku socday Khawaarijta ka hor inta aysan soo gaarin Soomaali, waxaana dowladdu ku guuleystay in la qabto alaabta iyo shabakaddii ka shaqeyneysay fududeynteeda” ayuu shirkiisa ku yiri Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in la xayiray illaa saddex shirkadood oo shaqada laga joojiyay, kadib markii lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

‘Illaa saddex shirkadood oo dabagal lagu ogaaday ayaa shaqooyinkooda ku waayay kiiskaasi kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ka dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu mar kale wasiirka warfaafinta.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi sii raaciyay “Waxaa intaas dheereed in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta”.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in laga cuuryaamiyay ilihii ay ka heli jireen dhaqaalaha, sidoo kalena laga xayiray illaa 350 Akoon Bank iyo koontooyin kale.

“Xanuunka khawaarijta gaaray intaas kuma ekaanin ee waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Soomaaliya ayaa waxa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxda, kaas oo uu tilmaamay inay door weyn ku leedahay wasaaraddiisa.

Wasiirka ayaa xusay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cuuryaaminayo Al-Shabaab, laguna cunaqabeynteynayo ilaha ay ka hesho dhaqaalaha.

“Wasaaradda waxay qayb ka tahay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dhanka maaliyadda sidii loo xakameyn lahaa, loona cunqabeyn lahaa” ayuu yiri wasiir Biixi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la soconaa qaab kasta oo ay u maleegi karaan inay dadka Soomaaliyeed hantidooda iyo maaliyadooda ay culeys ku saaraan ama ay uga faa’ideystaan dadaaladaas runtii waas sidii wadi doonaa inta laga ciribtirayo argaxgixisada”.

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan casnhuurta, si ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna boggaadinayaa inay door weyn ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Marka aad canshuur bixiso ayaa adeeg heleysaa, anaga waxaa waajib nagu ah inaan u ilaalino waxooda, adeegyada ay muhiimka u yihiina loogu qabto”.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa kobac dhaqaale oo weyn, kaas oo ay si weyn ugu maanay hay’adda IMF, maadaama ay guul weyn ka gaartay barnaamijka deyn cafinta.

Daawo: Xog ku saabsan qaraxii Ceelasha Biyaha iyo halka uu ahaa bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka qaraxaas uu ahaa magaalada Muqdisho, si loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in markii ay u suuragelisay in Al-Shabaab ay qaraxaas soo geliyaa caasimada ay ku qarxiyeen saldhig ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi.

“Saaka abaare 05:30 AM ayeey Khawaarijtu sidii caadada u aheyd gaari ay soo maduufikeeyeen oo ay biro iyo qaraxyo ku soo rareen oo ay la rabeen in ay Caasimada soo galiyaan, ayaa markii ay fursad u waayeen si nafti halignimo ah ay ugu qarxiyeen fadhigii Ciidanka Sugida iyo Xoojinta Amniga Caasimada” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliska.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan, isaga oo tilmaamay inay ku dhintay 6 qof oo laba kamid ah ah ay yihiin shacab, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, balse warkan ayaa duwan sheegaashadii Al-Shabaab.

“Khasaaraha uu qaraxaasi reebay ayaa ah dhimashada 6 qofood (4 Ciidanka ah iyo 2 shacab ah) dhaawacyada ayaa ah 9 qofood (5 Ciidanka ah iyo 4 shacab ah)” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Gaarigaan ayaa ahaa kii 5-aad oo ay Khawaarijtu qarax ku soo rarely oo Ciidamada Amaanku ka hortagaan inuu caasimada soo galo, sida mid lagu qabtay Deegaanka Daarusalaam, mid lagu qarxiyay Degmada Dayniile, Degmada Kaxda iyi Degmada Wartanabada iyo kan saaka ClDwwgaanka Ceelasha biyaha oo ahaa kii 5-aad”.

Dhanka kale, goor sii horreysay kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkaan ayaa ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho iyo duleedkeeda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale.

Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

Goorta lagu dhawaaqayo go’aanka deyn cafinta Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku aaday dibadda ayaa war cusub kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan marayo dhamaad.

Ugu horreyn wasiirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixintii u dambeysay ee laga soo saaray deyn cafinta Soomaaliya oo ay IMF si weyn ugu boggaadisay dowladda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay sugayaan kaliya in lagu dhawaaqo go’aanka, isaga oo sheegay inuu soo bixi doona bisha December ee sanadkan 2023-ka.

“Waxaan rabnaa in deyn cafinta ay dhammaato bartamaha bisha December ee soo socota muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta” ayuu yiri wasiir Biixi Imaan Cige.

Bixii ayaa hadalkiisaraaciyay “Dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono”.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in arrinay ay ku timid dadaalka ay dowladda ka sameysay dakhliga gudaha oo uu xusay in 25% horumar ballaaran laga sameeyay

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la maareeyay canshuur dhaafka dalka oo markii hore dhibaato weyn ay ka jirtay, taasina ay keentay inuu sii horumaro dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka socda ay bixiyaan canshuuraha, si ay u helaan adeeg dadweyne oo muhiim ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna bozgaadinayaa inay door ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirku.

Thabit Cabdi oo farriin culus u diray madaxweyne Xasan kadib digniinti mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka.

Thaabit ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu horreyntii ku baaqay in shacabka iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan ku garab siiyaan masuuliyadaha dastuuriya ah ee ugu horreeyaan la-dagaalanka argagixisada iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan.

“Madaxweynaha JFS garab ha lagu siiyo mas’uuliyaddaha dastuuriga ee loo doortay, loona dhaariyay oo ay ugu horeeyaan la dagaallanka argagixisada khawaarijta iyo doorasho qof iyo cod ah ee nidaamka xisbiyada badan iyada oo loo marayo dariiq sharci ah, heshiis lagu yahay sida uu qabo dastuurka dalkeena oo Soomaali ku heshiisay,” ayuu yiri Thaabit Cabdi

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda dalka ee uu wax ku hoggaamiyo tallada umadda tuullo iyo magaalaba, maadaama uu ka arriminayo masiirkooda.

“Mudane Madaxweyne haddii aad mar labbaad fursad u heshay gurigii ummadda, waxaa lama huraan ah inaadan uga darin oo aad wax ku hoggaamisaa talada ummadda tuulo iyo magaalaba ileen waa masiirkoodee.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyay in siyaasiyiinta diyaar u yihiin in ay madaxweynaha wax la saxaan, sidaas darteedna ay tahay in uusan dhageysan kuwa ku hareersan ee tallada khaldan siinaya, sida uu ku yiri qoraalka.

“Dadka badankii wili waxay doonayaan inay wax kula saxaan ee kuwa talada khaldan yaysan ku gaarsiin meel in wax la saxo ay waajib noqon doonto.”

Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa imanaya xilli madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ay madaxweyne Xasan Sheekh uga digeen in khatar uu gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, uuna ka foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

Sida Itoobiya u qorshaynayso in ay SAYLAC u qabsato

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya waxay dhowaan shaacisay baahida ay u qabto inay xeeb yeelato. Seddex dal ayaa ku soo dhacay maskaxda dadka dhegeystay khudbad uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed jeediyay dhowaan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritreeya.

Seddexda dal Soomaaliya ayaa ugu taagdaran siyaasad iyo  gaashaandhig ahaan. Waa dal ciidammo ka socda Itoobiya ay ku joogaan ujeeddooyin nabad-ilaalineed, ka sokow ciidammadii dowladda Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Midowgii Maxkamadaha (2006-2009).

Itoobiya waxay indhaha ku haysaa degmada Saylac oo dhowaan meel aan ka fogeyn ay soo dhoobtay ciidaammo aad u tiro-badan, diyaaradaheeda dagaalkuna dhoollatus ku samaynayeen.

Su’aalaha gorfeeyayaashu is weyddiinayaan waxaa ka mid: Maxay cuskan kartaa Itoobiya si ay u qabsato Saylac? Xeeldheere arrimmaha istaraatijiyadda oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Itoobiya ka baaraandegayso cuskashada laba qoddob midkood:

1- In ay cuskato sababo amni kaddibna soo weerarto  Saylac.

2- Inay cuskato heshiis qarsoodi ah oo dowladdii EPRDF Somaliland la gashay Itoobiya 2013 kuna saabsanaa in Itoobiya difaaacdo Somaliland haddii la soo weeraro. Xeeldheeruhu wuxuu sheegay “in Itoobiya aad uga fiirsanayso sida labadaas qodob ay iskugu dhafi lahayd si ay Saylac u qabsto oo muddo dheer u joogto ama ugu qanciso Soomaaalida in degmadaas laga kireeyo Itoobiya.”

Sanadkii 2013 ayuu Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaaci doonto Somaliland haddii la soo weeraro, Waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo maamulkii Madaxweyne Siilaanyo la saxiixday madaxdii sarsare ee TPLF xillli xiriirka Tigreega iyo dowladda federaalku uu aad u xumaa taageeradii Itoobiya siinaysay hindisihii Jubaland lagu dhisayay oo dowladdii federaalku xilligaas ka biyo-diidday awgiis.

Waxa ugu weyn ay la taliyayaasha Abiy Ahmed rogrogayaan waa sida ay u adeegsan karaan heshiis Somaliland si qarsoodi ah ula gashay ururka TPLF oo uu dagaal dhexmaray ciidaanka difaaca Itoobiya ka hor heshiiskii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray. Abiy Ahmed wuu og yahay in Somaliland ay diiddan tahay  qarannimada Soomaaliya oo ah tan dowladda federaalku cuskan karto haddii dal ka tirsan Midowga Afrika uu qabsado dhul Soomaaliya ka mid ah.

Sheegashada Somaliland inay dal gaar ah tahay waa sabab ay Itoobiya ku soo weerari karto Saylac iyadoo ku doodaysa in dadka degmada deggani ay taageersan yihiin weerarka maadaama maamulka dhulka ka arrimiya diiddan yahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Himiladii Haile Sellassie oo ahayd in Waqooyiga (dhulkii loo yiqiin  British Somaliland ka hor 26 Juunyo 1960) ka mid noqdo Itoobiya  inay rumoobi karto ayay qabaan la taliyayaasha  Abiy Ahmed.

Dowladda maamulka Somaliland may ka hadlin hadalka Abiy Ahmed ku saabsan in Itoobiya xeeb u baahan tahay. Sanandkii 2018 Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Reuters u soo sheegay in dowladda Imaaraadka  looga baahanyahay inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. “Waxaannu u sheegaynaa DP World inay ka fiirsato heshiisyada gaar ahaan kan ku saabsan Dekedda Berbera maadaama Somaliland sheeganayso inay dal madaxbannaan tahay” ayuu yiri Cawad.

Barlamaankii Soomaaliya ee dowladdii hore ayaa sidoo kale diiday heshiiskii dhexmaray DP World iyo Somaliland, heshiiskaas oo dalka Itoobiya saami ka siinayay Dekedda Berbera. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabraxmaan Cirro oo keliya ayaa si toos ah uga hor yimid heshiiskaas. “Heshiisyada Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ka muuqda madmadow iyadoon dadka si cad loogu soo bandhigin heshiisyadaas,” ayuu Cirro yiri Maarso 2018.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa caddaanaysa in qarannimadu tahay asaaska difaaca danaha qaran leeyahay ka sokow  wax kasta oo dadka dalkaas isku maandhaafsan yihiin siyaasad ahaan. 32 sano kaddib markii Somaliland ku dhawaaqday  goonni-isu-taag aan sharci ahayn waxay Hargeysa ku baraaarugtay u nuglaanta in Itoobiya qabsato Saylac.

Isha: Puntland Post

Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ duleedka Ceelbuur + Khasaaraha

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii shalay uu dagala u dhexeeyay xubno ka wada tirsan Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Barujeed iyo degmada Ceelbuur.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa qaatay saacado badan, waxayna labada garab ee ka wada tirsan kooxda isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hub culus oo ay labadad hinac isku adeegsanayeen, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warbixinta dowladda oo ka hadashay dagaalkan ayaa shaaca ka qaaday inuu u dhexeeyay horjoogayaal ka wada tirsan kooxda, kuwaas oo soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ka dhashay dagaalkii maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Barujeed.

Sida ay dowladdu sheegtay horjoogihii xukumayay maleeshiyaadka weerarka qaaday oo kasoo jeedo magaalada Guriceel uu ka dhago adeegay amaro culus oo lasiiyey, kadibna lasoo xiray, taas oo keentay in dagaal uu ka dhex qarxo labada garab,

Ugu yaraan saddex sarkaal iyo dagaalyahanno kale ayaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli is horfadhiya, waxayna dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka lasoo wariyey inuu dhexdooda qarxay, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Ceelbuur.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Daawo: DF oo sheegtay in 2,000 laga dilay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si guud uga warbixiyay howlgallada sanadka qaatay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan khasaare xoogleh iyo jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga qabsaday dhul aad u ballaaran.

Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in howlgaladan qaatay mudada sanadka ah lagu dilay 1,700 oo 57 kamid ah ay yihiin horjoogayaal uu ku jiray dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir.

“Waxaa laga yabaa xittaa in tirada dhimashada ee aan ku sheegnay 1,700 ay ka badan karto intaasi oo ay soo uruuriyeen laamaha ammaanka,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cagta la mariyey illaa 73 saldhig oo ay kooxdu laheyd, halkaas oo lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta ayaa faahinfaahin ka bixiyay dhulka ay la wareegtay dowladda, isaga oo sheegay in Al-Shabaab laga saraay qiyaastii illaa kun kiilo mitir.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in 120 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn laga wareegay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla:

Gobolka Hiiraan 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Dhexe 21 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Galgaduud 20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Mudug 25 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin, Shabeelaha Hoose 10 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin iyo Jubbaland20 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn.

“Dhul ka badan illaa kun kiilo mitir ayaa sanad gudihiisa looga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaas dheer in 120 isugu jira deegaano iyo degmooyin laga saaray Al-Shabaab, welina waxaa socda baacisiga kooxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Daa’uud Aweys.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in guullo waa weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha iyo  baraha bulshada, ayna ku guulaysteen inay xayiraan akoono badan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabaab oo shaacisay khasaaraha ka dhashay QARAXII Ceelasha Biyaha

0

Muqdishom (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xoogan oo ay saaka ka fulisay saldhig ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday gaari kuwa aan xabadda karin (Bulet Proof), kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, laguna weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Kooxda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho & duleedkeeda.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay guud ahaan xerada oo ay yaaleen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo meesha ku gubatay, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay kooxda ku goodisay inay sii kordhin doonto weeraradeeda, ayna beegsan doonto xarumaha ciidamada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inta badan waxaa deegaankan weeraro culus kusoo qaada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo bartimaameedsada saldhigyada ciidamada.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

COSOBLE oo si yaab leh u weeraray ABGAAL “Ilaahow adigaan iga dhigin Abgaal”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar ku qaaday beesha Abgaal, xilli beelo ka tirsan uu ka dhex qarxay dagaal beeleed khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Cosoble ayaa ku dhaliilay duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha “in ay waxba ka qaban waayeen dagaallada soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah.”

“Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal. Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?,” ayuu Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Cosoble ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in uusan jirin naceyb gaar ah oo u qabo Abgaal, balse uu ka anfariirsan yahay sida ay dhexdooda isku dilayaan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble;

Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal.

Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?

Cid ka duub badan ma jirto, cid ka culumo badan ma jirto, cid ka madax badan ma jirto, cid ka ciidan badan ma jirto, cid ka aqoonyahan badan ma jirto, cid ka dhaqaale badanna ma jirto!

Duubab lagu khasaaray iga dheh!
Culumo lagu khasaaray iga dheh!
Madax lagu khasaaray iga dheh!
Ciidan lagu khasaaray iga dheh!
Aqoonyahan lagu khasaay iga dheh!
Dhaqaale lagu khasaaray iga dheh!

Abgaal anoo jecel ayaan ka cowdi bileystaa sidey dhexdooda isu dilaayaan.

Saddex askari oo toogasho lagu fuliyay kadib markii…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu toogtay saddex askari oo ka kala tiirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gudaha magaaladaasi.

Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga  Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliiska maamul goboleedka Koonfur Galbeed Sommaaliya.

Dhammaan saddexda askari ayaa saaka la geeyay tiirka, ayada oo duleedka Baydhaba looga oofiyay dambiyadii dilalka ahaa ee ay horay u gaysteen.

Askartan laba kamid ah ayaa horay beerta Qurun Jiis ku dhex Dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan, dilkaas oo bishii June ee sanadkii 2018-kii.

Sidoo kale askariga saddexaad oo ah Cabdullaahi Ibraahim ayaa isna horay u dilay Isgoowe Maxamed Aadan, dilkaas oo dhacay bishii  June eee sanadkan 2023-ka.

Marxuumka  ayaa ahaa farmashiiste sidoo kalena isku diyaarinayay aqal gal cusu laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

Goobta lagu toogtay askartan waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwa ka socday maxkamadda ciidamada iyo dadweyne kala duwan.

Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta  Baay.

Faah-faahin ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari aan xabadda karin ( Bulet Proof) oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, kaas oo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay jugta qaraxa, waxaana kadib xigay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Xerada la weeraray waxaa si wadajir ah u dagan ciidanada xaslilinta caasimada iyo kuwa NISA ee Duufaan

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhimashada ay gaareysi  ilaa 10 askari oo ay ku jiraan taliyayaal horin iyo kooxeed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inta badan waxaa deegaankan cirifka ku yaalla weeraro culus kusoo qaada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo bartimaameedsada ciidamada.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

Shirkii CAYR ee Dhuusamareeb oo laga soo saaray bayaan muhiim u ah dagaalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha beesha Ceyr oo maalmihii u dambeeyay ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo dagaalka dowladda ee Al-Shabaab ka dhanka ah.

Shirkaan oo ay iskugu yimaadeen Ugaaska, Nabadoonnada, Aqoon-yahanka, Saraakiisha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kale ee beesha, ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafa-guray dagaalka socda, iyo sidii dowladda dhexe iyo maamulka loogu garab istaagi lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Ceyre ayaa lagu shaaciyay in beesha ay si buuxda oo mug leh u kordhinayo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayna diyaar u tahay u hurista naf iyo maal.

“Beesha waxay caddeynaysaa in ay u midowday la-dagaalanka kooxda Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale waxay beesha dagaal ugu jirta furimo badan sida: Xarardheere, Burjeed, Waradhuumale iyo deegaano kale.”

Waxa kale oo lagu yiri bayaanka “Beeshu waxay naf iyo maal u hurtay una hureysa la-dagaalanka kooxda nabad-diidka ah.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in beesha isku raacday in ay isku raacday in beelaha deriska la ah ay si nabad ah ku wada noolaadan, iskana kaashadan dagaalka Al-Shabaab.

“Beesha waxay ka digaysaa in aan la siyaasadeyn la-dagaalanka kooxda Khawaarijta. Beeshu waxay ugu baaqeysa beelaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan cirib-tirka kooxda Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirweynaha beesha Ceyr.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad-celisay sida uu u doortay xarunta gobolka Mudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo billo dhowr ah uu ku sugnaa, iyo sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug.

Imaamka Mudulood oo farriin adag u diray Xasan Sheekh “Xasanow tolka ku soo laabo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf oo si adag uga hadlay dagaal beeleedka ka socda qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe ayaa farriin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn Imaamka ayaa xaraam ku tilmaamay dagaal beeleedka ka socda gudaha Abgaal, “In maanta ay is dileyso laftii uu Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ka dhashay ee Harti-Abgaal xaaraam waaye, weliba isagoo deegaankii jooga,” ayuu yiri Imaam Maxamed.

Wuxuu sheegay in wax kasta ay sameeyeen hadii ay yihiin dhaqanka guud ee Mudullood, balse ay ku guul-dareysteen inay xaliyaan colaada ka dhex taagan beesha Harti-Abgaal oo aad isku leyneysa maalmahaan.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa u qeylo dhaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kula taliyey in tolkiis uu kala dhiciyo oo colaadooda uu xal u raadiyo, maadaama dhaqankii beesha uu xali waayey colaadooda.

“Madaxweyne Xasanow soo jeeso, nin tolkiisa ka tagay oo soo tanaada la waaye, culimada, xildhibaanada iyo dhaqanka beesha lama tashatid, cidda odageeda ayaan ahaye maanta waxaan kugula talinayaa tolkaa u soo noqo, kaligiis duul ha noqone,” ayuu yiri Imaam Maxamed oo farriin u diray Madaxweynaha.

Imaamka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan sanadle ah oo duco ah oo beesha Moobileen ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho. “Abgaal maanta dadkii oo dhan ayaa la yaaban iyaga ayaa is dilayna, dalkiina waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu intaas ku sii daray in qof kasta uu leeyahay ‘Abgaal ayaa dalka ka taliya, hadana isagii ayaa is dilaya’ wuxuu sheegay in taas aan loo dul qaada karin, dhinacyada dagaalamaya ayuu ugu baaqay inay joogiyaan dhiiga daadanaya.

Sidoo kale Imaamka ayaa Sheekh Shariif uga mahad celiyey dadaalka uu sameeyey, isagoo ka codsaday inuu sii joogo deegaanka ilaa inta xal looga helayo colaada beeshiisa u dhaxeysa.

“Waxaan soo jeedinaya in Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo diinta islaamka dadkaas ku kala xugmisa deegaanka la geeyo, cidii shareecada islaamka diidana dowladdu gacan adag ku qabato, hadii kale dagaalkaan waa sii soconayaa,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Hoos ka daawo