25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo maanta isku dhiibay ciidamada DF

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba kusoo bandhigay 14 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka, isla markaana uu ku socdo baaritaan ku saabsan waxa ay damacsan yihiin iyo in go’aanka soo goosashada uu dhab ka yahay.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaan ay ka tirsaneed qeybta ay Shabaab ugu yeeraan jabhadaha, kuwaas oo ah guutooyinka fuliya weerarada toos ka ah ee lagu qaado xeryaha ciidamada dowladda iuo kuwa ATMIS.

Raggaan oo maanta lagu soo bandhigay Baydhaba ayaa la weysiiyey sababta ku kaliftay inay halmar ka soo wada goostaan Al-Shabaab, waxayna sababta ku sheegeen inay soo wajahday cabsidii ugu badneed, nolol adag iyo cadaadis aad u badan oo kaga imaanayey hoggaamiyeyaasha kooxda.

Dhinaca kale, Ismaaciil Aadan Maxamed oo dhanka uruurinta canshuurta u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta iska dhiibtay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa la sheegay in kooxda uu masuul kaga ahaa canahuuraha deegaanka Bacaadweyne oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo horay u sii raacay kooxda markii laga saaray deegaanka.

Maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo baacsanayey kooxda Al-Shabaab waxay Ismaaciil ku qabteen deegaan lagu magacaabo Qoriley oo u dhow mahaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo iska kaashaday howlgalka lagu soo qabtay ninkaan ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay ciidamada, isla markaana uu u sheegay in markii la qabtay uu ku jiray socodkii uu isku soo dhiibi lahaa.

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb, kadib in ka badan toddobaad oo howlo shaqo uu uga maqnaa caasimadda Galmudug oo saldhig u aheyd labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa ka soo duulay Baydhaba oo xalay uu ku hoyday, safarka uu galabta ku tegay Dhuusamareeb wuxuu ka baaqday shalay galab isagoo jooga Xudur, sababo la xiriira cimilada, maadaama roob xoog leh uu ka da’ayey Dhuusamareeb, wuxuuna xalay u hoyaaday Baydhaba.

Xasan Sheekh ayaa maalmihii uu soo moogaa Dhuusamareeb wuxuu isku maray Muqdisho, Baydhaba, Xudur iyo dalka Eritrea, intaas wuxuu ka shaqeynayey arriimaha dagaalka Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Safarkiisii Eritrea, wuxuu fure u noqday soo daad-gureynta ciidankii ugu badnaa oo tababar sare ku soo qaatay dalkaas, wuxuuna Xasan Sheekh maalmo gudahood ciidankii uu ugu soo khudbeeyey Asmara, mar kale ugu khudbeeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa muhiimadda koowaad ee shaqadiisa ka dhigay dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tagaa goob kasta oo door kaga furan yahay dagaalka, sidoo kale wuxuu go’aansaday inuu kaashado koox ama qof kasta oo wax ka gala dagaalka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa shalay Xudur kaga dhawaaqay dagaalka kooxda, isagoo warbaahinta u sheegay inuu Koonfur Galbeed ugu tegay dad aad u abaabulan oo u baahan in lagu hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Xudur ka sheegay inuu ku laaba doono Dhuusamareeb, isla markaana maalmo kooban gudahood ay kooxda ku soo dhaafi doonaan galbeedka Hiiraan, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka oo lagu xorey doono K/Galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale xog ay Caasimada Online ka heleyso safarada qorsheysan ee Madaxweynaha waxay sheegeysaa in seddax maalmood kadib uu Yurub u safri doono, isla markaana uu toos mar kale ugu laaba doono Dhuusamareeb.

Saldhigga hoggaaminta dagaalka Gobollada Dhexe ayuu Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay Dhuusamareeb, dagaalka ugu adag ayaa kooxda uga furan Galmudug, koonfurta gobolka Mudug ayay ka gadaalamayaan maalmahaan, waxaana dowladda u qorsheysan in muddo kooban ay ku soo afjarto Shabaab-ka weli ka dagaalamaya Galmudug.

Saadaq Joon oo u jawaabay Farmaajo “Dadkaaga dhinac ka raac haddii kale…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa si adag uga jawaabay qoraalkii uu maanta soo saaray madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku muujinayay sida uu u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in wax ka bedelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan, oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Xildhibaan Saadaq Joon oo daba socda qoraalka Farmaajo, ayaa waxa uu sheegay in dalka ka dhaceyn hubanti la’aan ka dambeysa asaga, oo mar isku dayay muddo kororsi qalaalase horleh galiyay dalka.

“Farmaajoow xasillooni darro iyo hubanti la’aan adiga kaa danbayso dalkaan kama dhacayso Insha Allah,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku dhihi lahaa (Farmaajo) dadkaaga dhinac ka raac hadii kale damacaagii cadaymihiisa waan hayaa kumana nabad-galaysid la soco.”

Farmaajo ayaa ku biiray madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horyimid meel-marinta heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la dhacsan yahay, uuna gadaal ka riixayo dhaqan-galkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, isaga oo yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

Sawirro: Sahay u socotay Al-Shabaab oo lagu qabtay Galgaduud iyo xubno laga dilay

0

Gadoon (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ku sugay magaalada Gadoon ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii 40 KM bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku dhigay Shidaal, Saanad ciidan iyo Raashin loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online howlgalkaasi wuxuu ka dhacay banaanka magaalada Gadoon, kadib markii ciidamadu ay ogaadeen in gaadiidka Shabaab u sida saanadaas si qarsoodi ah kaga gudbayo deegaanka.

Markii ay Shabaab ogaadeen in la qabtay gaadiidkii sahayda u siday waxay soo qaadeen weerar culus, balse waa la jebiyey sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaal u hadlay ciidanka xoreynta deegaanka ee Macawiisley.

Ugu yaraan seddax Shabaab ah ayaa lagu dilay iska hor imaadkii dhacay markii gaariga xamuulka ah la qabtay kadib, waxaana goobta isaga cararay xubnihii kale ee Shabaab-ka ahaa.

Shabaab-ka weerarka soo qaaday ayaa qorsheynayey inay xoog ku furtaan gaariga laga qabtay, balse waxaa ka awood batay ciidankii deegaanka ee gacanta ku dhigay gaariga xamuulka ah ee sahayda u siday kooxda.

Gaariga siday sahaydaan oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa isku dayey inuu baxsado, waxayna saraakiisha ciidanka deegaanka noo xaqiijiyeen inay ku qabteen tuulo lagu magacaabo Docoley oo u dhaxeysa Gadoon iyo deegaanka Xiindheere.

Gaarigii xamuulka ahaa ee sahayda u siday kooxda Al-Shabaab ayaa hadda la geeyey degmada Gadoon ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidan badan oo kuwa deegaanka ah iyo ciidamo kale oo ka tirsan Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ee sahaydaasi ay u socotay, balse laga qabtay ayaa ku go’doonsan koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, waxaana ku socda dagaal culus oo ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, deegaano kooban ayay isku uruursadeen Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda laga saaro.

Sawirro: Banaanbax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin.

Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb-galay banaanbaxan oo sidoo kale muujinayay sida looga horjeedo duqeymaha diyaaradaha Isreal ka ka wadaan dhulka Falastiiniyiinta.

Sheekh Cabdul Xayi oo kamid Culimaddii halkaasi kula hadashay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Isreal ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin.

“Isku soo baxaan aan isku soo baxeyno waxaa iskugu soo baxnay in qadiyadda ay Israel gardaran tahay, oo dhulka Islaameed ay haysato in ay muujiso,” ayuu yiri Sheekh Cabdull Xayi.

Waxa uu sheegay in maadaama Muslim nahay ay tahay in aan garab istaag u muujino dadka reer Falastiin, si aan weliba ka ganbasho laheyn, “Waa la ogyahay cidda sidaas wax yeelaysa, waxaa garta siineyna Falastiin.”

Waxa uu intaas kusii daray “Hubka la isticmaalayo ducada ayaa ka khatarsan, maxaa yeelay ducada Ilaahay ayay u jeeda. Ilaahayow guulle (Falastiin) waa isku soo aruursadeene.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israel, iyada oo ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo markaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

Farmaajo oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray arrinta uu Xasan ku dhagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku muujinayo sida u diidan yahay dhaqan-gelinta heshiiskii golaha wadatashiga qaran, oo uu meel-marintiisa ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada ku aadan arrintaan, islamarkaana wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.”

Waxa uu sheegay in laga guuro hannaanka vaarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha hay’adaha dowladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Sidoo kale waxa uu garowshiyo ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka dowlad-goboleedka Puntland oo muddooyinkii dambe ka maqneyd Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu go’aamiyay arrimo masiiri ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan.

Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

Somaliland oo si kulul u cambaareysay aqoonsiga DF ee SSC, farriina u dirtay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ay si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga ay shalay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa SSC loogu yeeray “maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan magaaladda Laascaanood,” ayada oo aqoonsiga la siiyay maamulka KMG ah ay ku tilmaamtay mid khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.

“Tallaabadan (aqoonsiga DF bixisay) waa weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada-jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waana arrin khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

“Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”

Somaliland ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, ayna ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dowlad dimuqraadi ah.

“Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadda.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

“Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dowladdu sii wadi doonta dadaallada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.”

Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, sida lagu yiri qoraalka.

Xiisadda Puntland oo laga cabsi qabo in mar kale isku rogto gacan ka hadal

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalado kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan xubnaha musharixiinta ee la tartamaya Deni ayaa shalay shir ku yeesheen Garoowe oo ay kasoo saareen warsaxaafadeed waxa ay ku sheegeen in madaxweynaha uu abaabul dagaal ka wado gudaha magaalada Garoowe

Xubanaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu damacsan yahay inuu awood ku maquuniyo cid kasta oo kasoo horjeedo  qorshihiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay dallada ay ku mideysan yihiin mucaaradka Puntland lagu sheegay in Deni uu ka shaqeynayo iska hor imaad ka dhaca caasimada, si ay mar kale colaad uga dhacdo caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada gaarka ah ee PMPF loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiinta kasoo horjeedo madaxweynaha, iyaga oo sheegay in loo diyaarinayo dagaallo mar kale dhaca si lamid ah kuwii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso.

“Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga. Waxaan aad uga xunnahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Garowe iyo Bosaso, haddana loo diyaarinayo dagaal hor leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xubnaha mucaaradka maamulka Puntland.

Farriimaha kasoo baxaya mucaarada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee Puntland, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada.

Si kastaba, lama oga sida ay waxa noqon doonaan, maadaama labada garab ee is haya uu dhinac kasto ku adkeysanayo go’aankiisa iyo damaciisa siyaasadeed ee Puntland.

Amsterdam: Maxkamad mar kale xukun ka soo saartay dacwadii Masjidka Soomaalida

Amsterdam (Caasimada Online) – Dacwadii ka taagnayd masjidka Soomaalida ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland ayaa heer xasaasi ah mareysa kaddib go’aan ay shalay soo saartay maxkamadda dalkaasi oo markii 3-aad  u xukuntay Sheekh Suldaan Gasle inaan laga qaadi karin sharciyada ku qornaanshaha waxa loo yaqaan KVK (Diiwaanka sharciga ah) inuu isagu yahay Guddoomiyaha guddiga maamulka masjidka, iyada oo la filayo in bisha December maxkamaddu soo saarto mid ka mid ah go’aanadeeda kama dambeysta ah.

Tillaabadan, ayaa dharbaaxa ku noqoneysa ragga weli sii haya maamulka masaajidka, waxaana suurtagal ah in arrintani  saameyso mutamar loo madlan yahay in masjidka lagu qabto toddobaadka dambe, laguna wado in ay ka soo qeybgalaan mashaa’iq caan ah oo uu ku jiro Sheekh Mustafe Haaruun.

Khilaafka ka aloosan masjid Quba oo walaac badan ku dhaliyay Soomaalidu meel kasta oo ay joogto, wuxuu soo shaac-baxay horraantii sannadkii 2021 markii ay is qabteen saddexda xubnood ee ku qoran maamulka masjidka, oo 2 daraf kala noqday.

Iimaam-kii & guddoomiyihii maamulka masjidka Sheekh Suldaan Gasle oo bud-dhig u ahaa arrimaha dacwada Soomaalida dalka Holland muddo ku dhow 30 sanno oo dhinac ah & Guuleed Wayrax & Sheekh Ibraahim (Abuu-Khadiija) oo dhinaca kale ah.

Arrimaha la isku hayo ee uu khilaafkani ka dhashay waxaa weli ku dahaaran mugdi, iyada oo 2da dhinac aysan weli si waadix ah kaga hadlin ubucda waxa la isku hayo; marka laga tago eedeymo ku saabsan kala aragti duwanaan qaabka loo wajahayo dacwada.

Sheekh Suldaan Gasle, oo muddo ku dhow 2 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa, isaga oo ku doodaya inuu sharciyad u haysto inuu yahay Guddoomiyihii maamulka masjidka, balse si uu khilaaf uga fogaado uu doortay inuu banaanka ka joogo, ayaa wareysi  uu dhowaan bixiyay wuxuu  baaqay u diray culumaa’udiinka ka soo qeybgalaysa mutamarka la iclaamiyay inuu ka dhacayo masjidka Quba.

“Waxaan ogahay ducaada qaarkood oo masaajidkoodii lagu qabsaday in ay ciddiyaha ku dagaalami lahaayeen haddii ay ku dhici laheyd waxa anniga igu dhacay” Ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle, isaga oo intaasi sii raaciyay:

“U maleyn maayo inuu qaadan lahaa walaal ka mid ah culimada haddii ey ku dhici laheyd waxa aniga igu dhacay. Waxaan leeyahay walaalaheyga ducaada ah oo aan qadarinaayo ashqaastooda in  arrintaasi ka fiirsadaan haddeey xal u soo wadaana ahlan-wasahlan”.

Sheekh Suldaan Gasle, wuxuu  dhinaca kale nasiib darro ku tilmaamay in masjidkii uu aasaaskiisa  hormuudka u ahaa in lagu soo dhajiyay warqad isaga lagaga digayo in aanu  ku soo tukan karin.

Dhinaca kale, howlaha masjidka ayaa si habsami leh u socda, iyada oo ka sokow in masjidka ay ku cibaadeystaan kumanaan Soomaali ah, haddana lagu baro ubadka Soomaaliyeed culuunta islaamiga ah, waxaanna jira dad badan oo Soomaali ah oo nasiib darro u arka in iimaamkii masjidka, ahaana shaqsigii hormuudka u ahaa dhismaha & hirgelinta masjidka inuu bannaanka ka joogo.

Isku dayo ay saxaafadda ku dooneysay marar badan in ay la xiriirto ragga masjidka ku haray, si wax lagaga weydiiyo arrimaha ku saabsan khilaafka kala dhexeeya Sh. Suldaan ayaa gebi ahaanba hungo ku soo dhammaaday markii ay ku gacan seyreen raggaasi in  ay saxaafadda la hadlaan.

HOOS KA DAAWO VIDEOW LAGA DUUBAY QAAR KA MID AH WAXGARADKA JAALIYADA AMSTERDAM

Biden: Taageerada Israel iyo Ukraine waxay muhiim u tahay amniga Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office, taas oo ka dhigaysa inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

“Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo deg deg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda.

Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

Mareykanka oo digniin culus u diray muwaadiniintiisa + Sababta

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin naadir ah, taasi oo u diray muwaadiniinta Mareykanka.

Waaxda ayaa uga digeysa dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee dibedda ku nool inay “taxadar muujiyaan”, sida lagu sheegay qoraal ku soo baxay website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sababata digniintan ku tilmaantan xasadaha sare ee meelo kala duwan oo adduunka ah.

Waxay sidoo kale ka digtay “suurta-galnimada weeraro argagixiso mudaaharaadyo, ama falal rabshado ah oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka.”

Sida ay toddobaadkii hore sheegtay Waaxda Arrimaha Dibaddu, ilaa 20 muwaadin oo Mareykan ah ayaa loo maleynayaa inay ka mid yihiin dadka toddobadii bishan Xamaas ka afduubatay Israa’iil.

Mareykanka ayaa si cad u garab istaagay Israa’iil, xilli duqeyn ba’an ka wado Marinka Gaza, sidoo kalena ay xasuuq ba’an ka geysatay dhawaan Isbitaalkii magaalada oo ay ku dhinteen boqolaal ruux.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aankii DF ee SSC-Khaatumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareer taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasi oo dhigayay in aysan ka tirsaneyn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii Isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laascaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, islamarkaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Wasiir Fiqi.

Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Sakariye Sheekh Xuseen: “Reer SSC maanta waxay u tahay maalin weyn, fursadaan ha ka faa’iideystaan Wasiir Axmed Macallim Fiqi waa garab istaagay dadkaas.”

“Dowladda Soomaaliya Al-Shabaab iska nadiifiya dhaha, SSC waa Somaliland ee dariska fowdada,” ayuu tiri Fa’isa Cabdulqaadir Aadan.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed: “Hambylo Khaatumo State of Somalia hamblyo. Intaa baa cajiiba. Mamulka Khaatumo iyo mamulka Somaliland nabad ha ku wada noolaada maxabiistan ha sii daayaan.”

Cabdulqaadir X. Cali: “Somaliland iyo Puntland ha laga qariyo, xasaasiyad ayuu ku noqon doonaa.”

“Reer SSC wad soo dadaashen riyadii cali qalif galayr wad rumaysen gulaysta ayan idin lee yahay,” ayuu yiri Liibaan Cabdi Suudi.

“Waa guul usoo hoyatay SSC Khatumo, waxaan leeyahay hanbalyò hanbalyo,” ayuu yiri Saciid Ducaale.

Cabdullaahi Maxamed: “Somaliland haddey godkeeda biyo ugu soo galeen. Siduu dareemaya hadda Muuse Biixi?.”

Daawo: Madaxweyne Xasan oo XUDUR uga dhawaaqay qorshaha xoreynta K/G

0

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka, midka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xudur.

Kulamadaan oo madaxweynaha ay ku wehlinayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa looga hadlayey u diyaar garoowga bilaabida wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha ayaa halkaasi uga dhawaaqay qorshaha dagaalka ee maamulkaasi, kaasi oo looga sifeynaayo Al-Shabaab, iyadoo maamulka iyo bulshada ku dhaqan gobolka Bakool ay u xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin in kooxda ay ka xoreeyaan deeganadaan iyo guud ahaan dalka, islamarkaana ay garab taagan yihiin ciidanka xooga dalka.

“Dagaalkii dhinacaas waa kasoo dhamaaday, labadaan Dowlad-goboleed Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa rabnaa in aan xoojino oo isku imaano. Jubbaland ma tegi karno haddaan Koonfur Galbeed xoreyn, Xeebta Baraawe kasoo billow illaa Ceelbarde, in aan Koonfur Galbeed xoreyno waajib ayay nagu tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Si aan Jubbaland ay u xorowdo oo xoogeena u geyno waa in Koonfur Galbeed xoreyno oo kama tallaabsan karno. Waxaa rabnaa in annaga oo jidka ku socona oo qalabkeena wadana in aan tagno.”

Sidoo kale waxa uu faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

“Maamullada degmooyinkooda la haysto ee madaxdooda halkan joogo waxaan u sheegayna ha sii diyaar-garoobaan, sidii Shabaab looga nadiifin lahaa oo dadka deegaanka ah mashruuca Xasillinta ee imanaya loo kala hor marin lahaa.”

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

R/W Xamza oo kulankii u horreeyay la yeeshay Joacim Waern

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Joacim Waern.

Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda.

Mudane Xamza ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay taageerida arrimaha xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo gaarsiinta adeegyada sanadaha badan ka maqnaa.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Joacim Waern ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballan-qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Shalay ayay aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Joacim Waern.

Xasan ayaa markaas u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale.

Danjiraha ayaa isna soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Ciidamada DF oo cagta mariyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen BAKOOL

0

Tiyeeglow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay Al-Shabaab ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta.

Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka Al-Shabaab.

CC Shakuur oo sheegay in saddex arrin aan marnaba looga haybaysan doonin DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku socda dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda hadda jirta aan la yeeli doonin wixii lagu diiday dowladdii hore oo uu majaraha u hayay Maxamed Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa soo bandhigay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo uu tilmaamay haddii ay ku kacdo dowladda dhexe aan looga haybaysan doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu qaada dhigay waxa ay yihiin saddexda qodob ee lagu diiday Farmaajo, isla-markaana uu hadda uga digayo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah:-

1- In aan la xirin saaxada siyaasadda oo aan la diidin xoriyadda hadalka, safarka, kulanka, ku biirista xisbiyada iyo cabbirka fikirka siyaasadeed intaba.

2- In doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Gobol ay xilligooda ku dhacaan, muddo kororsina sharci dari yahay, horseedna u yahay xasilooni dari siyaasadeed.

3- In aan ciidanka loo adeegsan dan siyaasadeed iyo cabburin shacab.

Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin culus u diray kooxda Villa Soomaaliya, isaga oo uga digay inay ka baxaan arrimihii ay markii hore heshiiska ku wada ahaayeen, xilli ololaha doorashooyinkii soo dhammaaday.

“Waxaan ugu baaqayaa saaxibadii shalay mabaadi’daas nagula midaysnaa in aysan ka weecan, haddii kale aan la isku eedin” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Shakuur.

Sawirro: Xasan Sheekh, Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo isugu tegay Xudur + Ujeedka

0

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Baydhaba oo uu xalay ku hoyday, kadib markii uu shalay gaaray magaaladaas oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xudur kusoo dhaweeyay madaxweyne Lafta Gareen, guddoomiye Aadan Madoobe, wasiiro iyo xildhibaano maanta gaaray halkaasi.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qayb ka ahaa saraakiila tirsan ciidamada Xoogga dalka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriir dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama la filayo in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxda ayaa la kulmi doonto saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kala hadli doonaan gulufka dagaalka Al-Shabaab

Ammaanka ayaa sidoo kale aad oo loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed la dhigay magaalada, si ay u sugaan amniga madaxda iyo wufuuda kala duwan ee ku sugan halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo ka dhashay muranka doorashooyinka guud ee maamulkaasi.

Xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay abaabulayay shirar ka dhan ah maamulka talada haya oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay diyaar garowga doorashada iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Daawo: DF Soomaaliya oo aqoonsatay SSC-Khaatumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-KHHAATUMO oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareero taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhowaaqay go’aanka kasoo baxay dowladda.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaas oo sheegayay in aysan ka tirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

“DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland.

Si kastaba, go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid aad farxgelineyn Somaliland, waxaana in go’aankan uu sii kala fogeyn karaa labad dhinac oo uu wada-hadal usoo socday muddo aad u dheer, inkastoo sanadihii dambe ay hakad geleen.

Madaxdii hore oo digniin culus soo saaray kadib markii Xasan Sheekh uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore ayaa bayaan ay soo saareen waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiska golaha wadatashiga qaran, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

Mucaaradka oo daba socda hadalka Madaxweynaha ayaa bayaanka ay soo saareen waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweynaha uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaankan.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shacabka ku wargeliyeen in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo tallo ana loo dhameyn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.

“Haylka dowladnimada ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qeyb galo dhamaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay ka digeen in khatar la gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

“Madaxweynaha ma lahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa tallo loo dhan yahay oo la isla ogol yahay, waafaqsana shuruucda dalka u degsan.”

Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uu joojiyo fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo hay’adaha sharci dejinta dalka una madax baneeyo howsha loo igmaday, iyaga oo ku booriyayna Baarlamaanka in ay gutaan masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana ay dhowraan Dastuurka iyo shuruucada dalka.

Bayaanka Mucaaradka ayaa ugu dambeyntiina waxaa beesha caalamka loogu baaqay in ay isha ku hayso xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay.

Waxaa si wadajir ah u soo saaray bayaankan; Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, Cabdiweli Sheekh, Xasan Cali Kheyre, Ridwaan Xirsi Maxamed, Dr Cabdinuur Sheekh, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr Cabdinaasir Cabdulle.

Wiil SOOMAALI ah oo isku gubay Qubrus kadib markii…

Larnaca (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Wiilkan 23 jirka ah, magaciisana aan la sheegay, ayaa la sheegay inuu dhacdadan ku sameeyey dibedda Xafiiska Socdaalka iyo Ajaaniibta ee magaalada Larnaca, taasi oo dhalisay in qeybo ka mid ah jirkiisa uu gubto.

Saraakiisha booliska ayaa si deg deg ah usoo faro-geliyey arrintan islamarkaana damiyey dabka. Wiilka ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana la sheegay inuu si aad ah u gubtay, oo xaaladdiisa ay darran tahay.

Wararka ayaa sheegay inuu ka cabanayey go’aan loogu tarxiili lahaa Soomaaliya, kadib markii codsigiisa magan-galyo doon lagu gacan sayray.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in 24 jirkan uu codsiga magan-galyo doon gudbisaday 2021. Waxaa sidoo kale la sheegay in muddo aan la cayimin kahor uu codsaday inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisa.

Si kastaba Arbacadii, ninkan ayaa aaday xafiiska socdaalka, wuxuuna muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo ka hor inta uusan isku shubin shidaal uu ku watay oo dhalo, kadibna uu is-gubin.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa marar badan ku kacay falal naftooda ama kuwa dadka kale halis geliyey kadib markii ay sharciyo deganaansho ka waayeen qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayadoo qaarkood ay is-dileen.