25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Sawirro: Odayaasha Koonfur Galbeed oo arrin muhiim ah ka ballan-qaaday Xasan Sheekh

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee HirShabeelle iyo Galmudug ay dhiiri-gelkin u tahay in la xoreeyo deegaano cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

Jim Jordan oo ku fashilmay codeyntii Congress-ka

0

Washington (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u sharaxan afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, Jim Jordan, ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay inuu helo codad ku filan, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Jim Jordan oo laga soo doorto gobolka Ohio ayaa taageera weyn u ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Codayn dhacday maalinimaddii Arbacada ayuu helay 199 mudane oo ka mida 433 xildhibaan ee joogay golaha.

Waxaa ka soo horjeestay 22 xildhibaan oo xisbigiisa ah. Jim Jordan ayaa u baahan inuu helo 217 mudane si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Musharaxa la tartamayey ee ka sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga, Hakeem Jeffries oo laga soo doorto gobolka New York ayaa helay dhammaan codadka xisbigiisa dimoqraadiga oo ah 212 mudane.

Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaanay wax shaqo ahi ka soconin muddo laba toddobaad ah, ka dib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore ee golahaas Kevin McCarthy oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga.

Golaha ayay horyaallaan shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin, inuu ansixiyo sharciyada lagaga hortegayo in xukuumaddu ay qayb ahaan xidhanto marka la gaadho bisha November 17-keeda iyo in goluhu ansixiyo taagero loo fidiyo Israa’iil oo saaxiib dhow la ah Maraykanka.

Sawirro: Ciidanka ATMIS oo faarujiyey saldhig kale iyagoo aan ka baxeyn dalka

0

Raagaceelle (Caasimada Online) – Ciidamada ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada RaagaCeelle ee Gobalka Sh/Dhaxe ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka, waxaana munaasabada wareejinta saldhigaas goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu yiri “Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah, si ay u xoojiyaan ammaanka, iyadoo la eegayo hakadka joojinta saddexda bilood ah ee ay dalbatay DFS.’’

Dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in muddo la hakiyo heshiiskii bixitaan ka ciidanka ATMIS oo meelaha qaar ka baxay bilihii lasoo dhaafay, taas ayaa keentay in ciidamada qaar loo raro saldhigyo kale, waxaana maanta lagu bilaabay kuwii joogay Raagaceelle.

Warqadd ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September.

“Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sababta ayaa waxa ay dowladdu xiligaas ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.

Xasan Sheekh iyo Laftagareen oo ku wajahan magaallo ay go’doomiyeen Al-Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan culus ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Xudur, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay diyaarad ka qaadan doonaan Baydhaba, kadibna ay ka dagi doonaan Xudur, maadaama ay magaaladaas ku hareereysan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, waxayna halkaas ka bilaabi doonaan kulamo gaar gaar ah.

Ujeedka ay halkaasi u tegayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa ah dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama la filayo in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxda ayaa la kulmi doonto saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Bakool.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad oo loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed la dhigay magaalada, si ay u sugaan amniga madaxda iyo wufuuda kala duwan ee tageyso halkaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isna ka baxay Muqdisho ayaa maanta magaalada Xudur, si uu qayb uga noqdo dadaallada ay madaxweyne Xasan iyo Lafgareen ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo ka dhashay muranka doorashooyinka guud ee maamulkaasi.

Xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay abaabulayay shirar ka dhan ah maamulka talada haya oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay diyaar garowga doorashada iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

NISA oo soo qabatay Abwaan kale oo bartiisa Facebook si weyn uga taageeray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ay caawa gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto.

Abwaanka ayaa Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Argagixisada iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Ciidamada Ereteriya la ga soo daabulayaa waxba ma soo kordhin doonaan. Sidii kuwii hore ayuun baa dabka la gu shubayaa. Xasan Sheekh waa naflacaari, timihiina waa ay ku baxeen oo hoofil buu yeeshay. Wax uu dirayaa farriin ah ‘way i ga dhan tahay ee miyaan is dhiibnaa mise nafta ayaan wada dul dhignaa?” Loo ma se jawaabin. Ciidamada ATMIS dhowaan way baxayaan, marka ay baxaanna Soomaaliya isbeddel weyn oo dhulgariir ah baa ka dhici doona,” ayuu Jeesto yiri maalin ka hor.

Maxamuud Jeesto oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada  magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, qoraal uu soo saaray maanta oo arrinta Falastiin uu kaga hadlay ayuu ku sheegay in dunidu u kala baxday muslim iyo gaalo, isla markaana muslimiinta Soomaaliya ay Shabaab yihiin.

Abwaan Jeesto wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyo fikirka xagjirka argagaxisada.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday kooxda Al-Shabaab.

“Shaqo ayaan ku jiray ee waa maxay duulkan xiiqsan ee i gu soo rawaxay? Sowtan caasimadihii la foolxumeeyay,” ayuu soo qoray lix saac ka hor oo ku began markii ay NISA ka qabatay gudaha Muqdisho.

Abwaan Nageeye ayaa la sheegay in uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray oo goor dambe la helay.

Sidoo kale gabayadiisii hore ayaa laga ogaaday in Nageeye ahaa xagjir is qari jiray, waxayna hadda sirdoonka Soomaaliya bilaabeen beegsiga dadka la aaminsan yahay in sida Nageeye ay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab.

Daawo: Mukhtaar Roobow oo shaaciyay saddex hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta ka qayb-galay munaasabadda daah-furka xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Roobow ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweynaha ee ku aadan dagaalka lala galay kooxda ee ku aadan dhanka milatariga iyo midka dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay iyadana qaadatay doorkeeda, isla-markaana ay abaabushay shirar ka dhan ah Al-Shabaab.

“Madaxweynaha markuu yiri, nimankaan waa la dagaalamayaa, dagaalka tooska ah, dagaalka dhinaca dhaqaalaha, iyo kan fekerkaba, XJF howl weyn bay iska saartay. Waxaa la qabtay shirweyn oo culimada Soomaaliyeed isugu yimaada, xukun bayna soo saareen kii baana lagu dhaqmaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa hooggaanka kooxdan ayaa soo bandhigay tallooyin saddex ah oo uu sheegay in lagu soo afjari karo Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku taliyay in lagu qaado dagaal toos ah, ama lala galo dood cilmiyeed ku aadan Diinta amaba in lala furo wada-hadal, si loo qanciyo.

“Fikirkan oo kale marka uu dalka ka dhaco saddex arrimood waa lagu soo afjaraa dagaal toos ah, dood ay culimadu la galaan nimankaas iyo wada-hadal lala furo si loo qanaciyo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Soomaaliya oo Itoobiya ka diiday inay wada-hadal kala gasho helitaanka BAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa toddobaadkii tegay ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo inaan dagaalanno.”

Waxa uu soo jeediyay in dawladdiisu ay saami ka bixin biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah. 

Eritrea ayaa ku tilmaantay hadalka ra’iisul wasaaraha mid “xad dhaaf ah” waxayna tiri “arrintu waxay wareerisay dhammaan kormeerayaasha ay khusayso.” 

Alexis Mohamed, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in mowqifka Abiy uu ahaa mid soo jireen ah, inkastoo hadda loo soo gudbiyey si muuqata..

“Jabuuti waxay sugi doontaa in Itoobiya ay soo jeediso hab nabadeed oo ay marin ugu hesho Badda Cas, iyadoo la aqoonsanayo in Jabuuti ay mar walba u furan tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyo gaar ahaan Itoobiya,” ayuu ku yiri khadka taleefanka.

Waxa uu xusay in Jabuuti ay mar hore fursad u siisay ciidamada badda ee Itoobiya inay helaan bad.

Sawirrro: Xasan Sheekh oo ka dagay Baydhaba + Ujeedka

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa gaaroonka diyaarada Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta qayb ka ahaa ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS, wasiiro, golayaasha maamulka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Baay, kan degmada Baydhaba saraakiisha hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa waxaana kadib loo galbiyay dhanka qasriga madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku bilaabayo kulamo xasaasi ah.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Socdaalka madaxweyne Xasan Shekh ayaa ah dardargelinta bilaabida wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga saarayo Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa madaxweyne Laftagareen iyo qayba kale ee maamulkaas kala hadli doono xiisadda siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulkaasi, si xal loogu gaaro, maadaama ay walaac muujinayaan xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda halkaasi.

Lama oga inta uu qaadan doono safarka madaxweynaha, waxaase loo badinayaa in dhowr cisho uu sii joogi doono Baydhaba, marka la fiiriyo culeyska ka taagan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan uun kasoo laabtay Galmudug, isaga oo muddo laba bilood ah soo joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagayay dagaalka Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu booqday degmooyin ka mid ah HirShabelle, sida Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u tegay Baydhaba, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May, hase yeeshee safarkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay Koonfur ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashada iyo mida dagaalka Al-Shabaab.

Xiisad horleh oo Beledweyn ka qaraxday kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay xilka qaadis ay HirShabelle ku sameysay taliyihii saldhigga booliska magaaladaasi Xidigle Axmed Cali Aadan.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa horyimid tallaabadaas oo uu qaaday taliyaha booliska maamulka HirShabelle Xasan Dhicisoow oo sheegay inuu xilkaas u magacaabay sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.

Sababta keentay xilka qaadista ayaa waxaa lagu sheegay in taliyuhu uu wax ka qaban waayay xaaladaha ka jira magaalada Beledweyne ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo kan Hiiraan State oo uu dhowaan ku dhawaaqay guddoomiye hore Cali Jayte Cismaan.

Xidigle Axmed Cali Aadan oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa ku doodaya in HirShabelle aysan xilka qaadi karin, isla-markaana uu yahay taliye federaal ah oo uu soo magacaabay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, haddana uu xilka ka qaadi karo isla isaga uun.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu yahay taliyaha booliska Beledweyne, maadaama uu sheegay in aysan soo gaarin warqad xilka looga qaaday oo ka timid Muqdisho.

“Aniga waxaan ahay Booliis Fedaraal waxaana halkaan ku imid magacaabis heer Fedaraal ah, xilna igama qaadi karto Hirshabeelle awoodna uma lahan sharcina maba ahan, mana arag warqad kasoo baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo sarkaalkaan lagu soo magacaabay ” ayuu yiri taliye Axmed Cali Aadan.

Arrintan ayaa keentay in maanta dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemo magaalada Beledweyne, taas oo u dhexeyso labada dhinac.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo madaxda sare ee HirShabelle oo ku aadan xiisadda ka dhalatay xilka qaadista taliyaha booliska degmada Beledweyne.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka digayaan inay arrintu faraha ka baxdo, haddii aan la heli cid kale oo soo kala dhex-gasha raggaasi.

Beledweyne ayaa waxaa horay ay ula daalaca dhexeyso daruufpo ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte oo isna ku dhawaaqay maamul la yiraahdo Hiiraan State.

Si kastaba, Llama oga sida ay waxa noqon doonaan, balse arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

DF oo war-saxaafadeed 27 qodob ah ka soo saartay xaaladda dalka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed 27 qodob ka kooban, kaas oo mid mid loogu dul-istaagay waxyaabihii dowladda u qabsoomay toddobaadkaan.

Bayaankaan oo toddobaadle ah oo Arbaco kasta ka soo baxa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ka akhriso hoos, isagoo dhameystiran:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aden Barre Duale oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyaad warbaahinta kala hadlayey ayaa ku baaqey in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Al Shabab, xilli la xusayo sannad guuradii 6aad ee ka soo wareegtay xasuuqi Khawaarijta Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Soobbe ee magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Sweden u fadhiyi doona Soomaaliya , Mudane Joachim Waern.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay aqoon is weydaarsi ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirada oo lagu lafa gurayey hirgelinta nidaamka dowladnimada casriga iyo hufnaanta maamulka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu soo tababarey dalka Eritrea, kulana dardaarmey inay gutaan waajibaadka ka saran dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka toddoobaadlaha ee Golaha Wasiirada, isla markaana ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo barnaamijyada kale ee siyaasadeed ee dalka horyaalla.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay olole dhiig loogu shubayo Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Masjidka Madaxtooyada ayaa amaanay doorka shacabka ee dagaalka Al Shabab, sharaxaadna ka bixiyay sida looga wada qeyb qaadanayo barnaamijka dib u habeynta siyaasadda dalka.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jarey laba waddo oo dib loo dayactiray oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si rasmi ah u furay Xarunta Tubsan ee la dagaalanka fikirka xagjirka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay oo khudbad ka jeediyay shirka jiheynta dowladnimada casriga ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirada xaqiijinta ahdaafta saldhigga u ah dowladnimada ee ay kow ka tahay isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan kula yeeshay Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Mudane Aden Barre Duale.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee dalka.

14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku began 12-ka October u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

15- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & Melinda Gates oundation Ahna Madaxa Guddiga La Socodka cudurka dabeysha, Dr Chris Elias.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay kulan farsamo oo ku saabsanaa amniga, caddaaladda iyo dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan barnaamijka qaran ee xasilinta.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada degaanka ee Khawaarijta ka saarey degaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kormeeray talisyada ciidanka dowladda ee koonfurta Mudug.

21- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada degaanka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Mudane Yusuuf Xuseen Jimcale  ka qeybgaley xus loo sameeyay shuhadadii ku naf waayey weerarkii 14 October.

23- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, oo ka dhacay dalka Morocco.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Cabdifataax Macallim Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

25- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Cadaaladda ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi  ayaa dalka Turkiga kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgali milateri oo ka dhan ah Khawaarijta  ka fuliyay degmooyinka Waajid, Rab-dhuure, Luuq Ganaane, iyo Yurkud

==============DHAMMAAD==============

Muxuu Xasan kala hadlay wasiir Aadan Barre + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu horkacayay wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Bare Ducaale oo saaka yimid Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Aadan Barre Ducaale kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku hayso labada waddan.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli dadaalka uu socda, uuna muhiim yahay in ciidamadu ay gaaraan dhulka ay weli maamulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka difaaca Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageerida halganka lagula dagaalamayo Shabaab.

Waxaa kale uu ballan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonaan dhanka ammaanka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda ee haatan ka socda gudaha dalka.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay dalkeeda ka fuliso weeraro.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay xarun muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan, taas oo muhiim ah la dagaallanka Shabaab.

Munaasabadda lagu daah-furayay xaruntan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale.

Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu daah-furayaya xaruntaan ayaa shaaca ka qaaday in la wiiqay awooddii kooxda Al-Shabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha ay uga been sheegayaan diinteenna suubban.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale usoo jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabisay Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-Shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda.

Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan oo dhowaan lasoo kordhiyay ayaa waxaa agaasime looga dhigay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horay usoo noqday wasiirka amniga gudaha iyo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada huwanta Soomaaliya.

DF oo bayaan culus kasoo saartay duqeymaha Israel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza.

Duqeyntan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.”

Bayaankan ayaa sidoo kale si cad loogu xusay in duqeyntaas ay fuliyeen ciidamada gumeystaha, ayna masuuliyadeeda leedahay Israel, oo ayadu durba billowday inay dafirto arrintaasi.

Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeynta xalay ay Israel la beegsatay Isbitaalka magaalada Gaza ee Al-Ahli Arab Hospital.

Fal-celinta arrintii uu shalay ku dhowaaqay Yuusuf Madaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay ku dhawaaqay in waddooyinka caasimadda Muqdisho loo bixinayo magacyo Soomaali ah.

“Waxaan rabnaa in waddooyinka magacyadooda badalno oo u bedelno Soomaali, dadkii halgamayaasha ahaa in aan u beddelno ayaa rabnaa haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Arrintaan ayaa waxaa si kala duwan uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay sheegeen in macno badan soo kordhineyn magac bedelka waddooyinka iyo kuwa cusub loo bixinayo.

Dadka aragti dambe qaba ayaa aaminsan in ay muhiimadda koowaad tahay in caasimadda hesho waddooyin ku fulin, halka kuwa cusub iyo kuwii hore la dayactirayo loo dhiso si tayo leh oo horumarsan.

Maamulka gobolka oo ugu horreeyo guddoomiye Madaale ayaa maalmihii u dambeeyay dhagax dhigay waddooyinka caasimadda qaarkood oo dib loo dayac-tirayo iyo kuwo cusub ah, halka qaarkood xariga laga jaray isla toddobaadkan gudihiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Hanad Axmed: “Walaalow waddanka meel biyo mareen u sameey waxa lamiga haleynayo wa biyaha meel walbo fariisanaya.”

“Guddoomiye dadka aad qandaraaska siinayso shaqadodo iyo waxay yaqaanan iska hubiya,” ayuu yiri Ridwaan Xaashi.

Cali Nadaara ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Meel biyuhu maraaan haloo sameeyo haddui larabo iney waarto.”

“Waddo tayo leh noo dhisa waxba soo kordhin mayso magac la badbadalo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdulqaadir Maxamed Baadi: “Guddoomiye magaca yaan la badalin taariikh ayuu xambaarsan yahay, sow dhibaato ma ahan hadaanan taariikhda aanan qoreynin, aana dumineyno badaleyno waxyaabihii qadiimiga.”

“Waddo ha dhisina fadlan hada biyo mareeno raacineyn dadku sidee biyo umareynayaan, biyaha meel u hela laamiya la is ka dhisaa an laheyn biyo mareen,” ayuu yiri Sharmaake Yare.

Sawirro: Wasiirka difaaca Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo iskaashiga amni ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa gali doona wada-tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta howl-galada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ee dhibaatada xoogan ku haya shucuubta gobolka.

Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka kooxda ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.




Halkee ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977

Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.

Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.

Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.

Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidamada Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaaliya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soomaaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridista, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diyaaradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysnaayeen.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diyaaradood kasoo riday Soomaaliya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cirka, qaybihii dambe ee dagaalka.

Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?

Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, “Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali.

“Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid.

Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan.

“Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sareeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cirka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaalka ayaa sidaasi yiri.

Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti dawladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan.

“Ganacsatada Soomaalida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu.

Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula sameeyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan.

Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka.

Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya.

Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso “in la dhiso ciidankii cirka”.

Billowgii xiriirkii Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.

Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.

Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada Soomaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xilligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed.

Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay, lana keenay koonfurta Soomaaliya.

July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.

Daawo: Indha-Cadde oo ka hadlay tarxiilka Zambia iyo metelaada Habargidir ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo galabta ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir ayaa aad u canaantay siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya ku metela beesha, isagoo soo jeediyey in hadii sidaan ay wax ka bedeli waayaan loo gacan qaado.

Jananka ayaa sheegay in xildhibaanada iyo wasiirrada beesha Habargidir ay taleefanada ka qaba diideen, isla markaana la keeni waayey shir ay waxgaradka beeshaas maanta ka yeesheen tarxiil ganacsatada Habargidir loogu geysto dalka Zambia.

Jeneraal Indhacadde ayaa odayaasha beesha Habargidir kula taliyey inay metelaada beesha kula xisaabtamaan xildhibaanada iyo wasiirrada ku metela dowladda Soomaaliya.

“Hadii aad weysaan ku weerara guryahooda, tuuryeeya oo gaadiidka ku dhagaxyeeya, anigaa raadiyey siyaasi kasta waana soo waayey, taleefanka ma qabtaan, ninka aniga taleefan iga qaba waayey odayaashaan wax kama maqlaayo,” ayuu yiri Indhacadde.

Sidoo kale Jananka oo ka aragti duwanaa odayaashii beesha ee kulankaas ka hadlay oo iyagu eedeeyey beesha Majeerteen oo ay sheegeen inay ka dambeyso tarxiilkaas, ayaa ku taliyey in arrinta aan la qabyaaladeyn, maadaama dalka Zambia uu leeyahay dowlad iyo kala dambeyn.

“Zambia waa dal madax-banaan, Majeerteen malaha, dowladda dowladda Soomaaliya ma laha, jawaabta wixii dhacay waxaan ka sugeynaa dowladeena, iyada ayaa ka masuul ah dadkaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa sheegay in Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Habargidir ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas uu la kulmay dhac, jir-dil iyo tarxiil, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ka soo jawaabto sababta keentay in Suldaanka dhibkaas loo geysto.

“Waxaan qabiil uma tiiri karno, hadii qabiil uu qabiil kale weeraro natiijo ma imaaneyso, waxaas horay ayey noo soo mareen, maanta in qabiil loo laabto sax maaha, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaan ka rabnaa cadeyn buuxda oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri.

Jeneraal Indhacadde ayaa beeshiisa Habargirdir aad uga codsaday in arrintaan aysan qabiil Soomaaliyeed uga aar-goosan, “Yaan ficil qabiil lala aadin arintaan, Zambia Majeerteen malaha, laakiin waa lagu kala awood badnaa karaa, dowladda ayaan ka rabnaa cadeynta sidii wax u dhaceen, hadii aan jawaab ka weyno dowladda, waxaan tallaabo ka qaadi doonaa siyaasiyiinta nagu metesha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde.

Hoos ka daawo

500 oo ku dhintay duqaynta Israel ee isbitaalka Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Gaza (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa habeenimadii Salaasada wuxuu gilgilay cusbitaalka Gaza, waxaana la xaqiijiyey inay halkaas ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo.

Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo ka mida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.”

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof.

Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”.

Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka, ayaa lagu sheegay “In ka dib wada-tashi uu la yeeshay boqorka Urdun King Cabdallaha labaad, islamarkaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa inuu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo madaxda Masar iyo Urdun.”

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in “Madaxweyne Biden uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii cusbitaalka Gaza, isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Madaxweyaha ayaa sii wadaya inuu si dhakhso ah madaxdan si fool ka fool ah ula tashado, isla markaana uu ula xidhiidho maalmaha soo socda.”

Danjiraha Falastiin u jooga Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa Salaasadii sheegay “Walaalahayaga Urdun, waxay yidhaahdeen, shir ma yeelanayno iyada oo xaaladdan lagu jiro … waxa keliya ee macne samayn kara ayaa ah – haddii [Biden] uu hirgelinayo xabbad-joojin, isla markaana uu odhanayo, waxaan halkan u imi inaan dhaqangeliyo” ayuu yidhi.

Xamaas ayaa bishan October 7-deedii waxay weerar argagixiso ku qaaday Israa’iil, kaas oo ay dileen illaa 1,400 oo qof, iyaga oo wakhti dheer diidanaa inay aqoonsadaan dawladda Yuhuudda

Madaxweyne BIDEN oo maanta tegaya Israel + Qorshaha

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacada maanta booqan doona Israel, sida uu ku warramay xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken, oo kulamo is-daba joogo ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel.

“Wuxuu halkan imanayaa waqti xasaasi u ah Israel, gobolka iyo dunida,” ayuu yiri Blinken.

Magaalada Washington, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Jonh Kirby ayaa u sheegay weriyayaasha in Biden uu booqan doono Tel Aviv, uuna usii gudbi doono Amman, Jordan, halkaasi oo uu kula kulmi doono Boqor Cabdallah, madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sisii iyo madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmoud Abbas.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu xoojin doono in Xamas aysan u taagneyn xuquuqda dadka Falastiin u leeyihiin sharaf iyo aayo ka tashigooda, uuna sidoo kale ka hadli doono baahida bani’aadannimo ee Gaza.

Blinken ayaa sheegay in xal suurta-gal ah laga gaaray in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Falastiiniyiinta ku go’doonsan Marinka Gaza kadib kulan socday toddoba saac iyo bar, oo uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Maanta, ayada oo la eegayo codsigeena, Mareykanka iyo Israel waxay ku heshiiyeen in ay horumariyaan qorshe suurta-gelinaya in gargaarka bani’aadannimo ee ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya iyo ururada caalamiga ah uu gaaro rayidka Gaza – iyo iyaga oo kaliya, oo ay ku jirto suurta-galnimada abuurista goobo gacan ka gaysanaya in dadka rayidka ah laga ilaaliyo dhibaatada,” ayuu Blinken ku yiri hadal kooban oo uu siiyay weriyayaasha.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in gargaarka uu sida ugu dhaqsaha badan ku gaaro Gaza, balse waxa uu walaac ka muujiyay in Xamas ay isku dayaan in ay la wareegaan saadka ama ay ka hortagaan qaybintooda.

Israel ayaa 300,000 oo askari soo dhuubtay xadka Gaza, kuwaas oo u diyaar garoobaya duulaan dhulka ah, iyadoo wacad ku martay inay baabi’in doonto Xamas.

Boqolaal kun oo reer Gaza ah ayaa u hoggaansamay amarrada Israel ee ah in waqooyiga Gaza looga guuro qeybta koonfureed ee Marinka ka hor weerarka la filayo.

Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo Shabaab ah

0

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta cadaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan.

Lacagtaan waxaa la siinayaa qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado, meelna lagu hubsado mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha guud ee Khawaarijta al-Shabaab.

Sannado badan wuxuu ninkaani soo ahaa madaxa milariga ee kooxda al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha oo ah dagaalyahanada weerarrada tooska ah fuliya.

Bishiin Jannaayo ee sannadkii 2018-kii, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku daray liiska argagixisada.

Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaalmarinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale Axmed Diiriye oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda iyo Mahad Karate oo ah nin khatar badan.

Maraykanka ayaa sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar, lacagtaas waxaa la siinaya qof kasta oo macluumaad dhameystiran ka keena xubnahaas.

Sannadkii 2008 ayuu Maraykanku uu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur aragagixiso oo halis ku ah xasiloonida caalamka.