25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: Habargidir oo ka cabaneysa Majeerteen oo soo saartay 5 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Habargidir ayaa maanta shir gaar ah ku yeelatay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas laga soo saaray war-saxaafadeed farriin loogu diray dowladda Soomaaliya.

Habargidir ayaa ka cabaneysa tarxiil iyo dhac dad u dhashay beesha loogu geystay dalka Zambia, dadka u hadlay beesha ayaa eedeyn culus u jeediyey safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Waxgaradka beesha Habargidir ayaa maanta shirkaan wax iskaga weydiiyey waxyaabaha sababay in si gaar ah dadkooda looga soo tarxiilo dalka Zambia.

Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo lasoo tarxiilay ayaa maanta ka soo qeyb galay shirka ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir.

“Meesha waxaa ka jira hab qabiil oo abaabulan oo xiriir la leh hey’’adaha meesha ka jira, dowladda Soomaaliya ayaa wax ka qaban karta, hadii ay la xiriirto dowladda Zambia oo dadkeena loo adeegsanayo, ayuu yiri Suldaan Guutaale Axmed oo laga soo tarxiilay dalka Zambia.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Anigu waxaan ahay nin idinka dhashay oo la soo tarxiilay, kuwo aniga iga horeeyey oo idinka dhashay ayaa sidaan oo kale loo galay ee go’aan qaata.”

Odayaasha kale ee shirkaas markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay waxay si cad u sheegeen in beesha Majeerteen oo heysata safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ay dadka ka soo jeeda Habargidir u geysaneyso tarxiilkaan.

“Safaaradda Soomaaliya madaxda dowladeena u joogta ayaa naloo adeegsanayaan, safaaradaas dhamaan dadka jooga hala bedelo, meeshaas waa quruntay, in la xaaqo waaye dadka dowladda u jooga,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha hadlay.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug Axmed Falagle oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Anagu ma calaacalno, hadda ayaan ugu adagnahay intaan soo joognay adduunkaan, hadda ayaan guddi qabaneynaa, waana la aadayaa Zambia.”

Hoos ka daawo war-saxaafadeed shan qodob ah oo laga soo saaray shirkii maanta ee beesha Habargidir

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hal arrin faray Golaha Wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taasi oo ay ka qeyb qaateen khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Mudane Xamza ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa dhawaan qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

Madaxii ugu sareeyay Shabaab-ka GALCAD oo isku soo dhiibay dowladda + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Shabaab-kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

“Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.

Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay taageerada Xildhibaan Abiib ee damaca Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay hadal uu shalay ku taageeray Xildhibaanka Maxamed Abiib damaca Itoobiya ee dekedda Saylac.

Maxamed Abiib oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in dekeddaasi lasiiyo Itoobiya, si ay u maalgashato, kadibna faa’iido uga hesho Somaliland.

Hadalkaan ayaa dadka qaarkood si weyn ugu dhaliileen Xildhibaanka, oo isagu ku dooday in Itoobiya ay sifo sharci ah ku rabto dekedda Saylac, taasi oo sidoo kalena ay qabaan qaar kamid ah dadka ka fal-celiyay hadalkiisa.

“Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abiib.

Haddaba sidee looga fal-celiyay hadalka Xildhibaanka?

Cabdirasaaq Kayse: “Kan bari horaan ka hadhay waayo waxaanu garan karin hadalka ah ‘waa inaan deked helnaa xoog iyo xeelad midkood’. Maalgashiga maad yeelan ee waa lagu maal-siiyay.”

Cabdijibaar Maxamed Aadam ayuu yiri “War Ina Abiib inuu intaas ka aragti fog yahay ayaanba u haystee saw kaas isku jaray ee baahi gudabiirsigu qabo uun ka hadlay Ethiopia miyaa uu leeyahay waa soo dhaweynaa, war Ethiopia irsaaqad ka heli-mayside danta maanta waxa ka weyn tan mustaqbalka.”

“Inay maal-gashato waa sax hadaan laynaga qaadayn,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ismaaciil.

Cabdikariin Suleyman Cali ayuu sidoo kale yiri “Xildhibaankaan horay waan u taageeri jiray balse aad iyo aad baan ugaga soo hor jeedaa qodobkani.”

“Maxamed nin xun maaha laakiin aqoontiisa ma hadlo deg deg iyo ku soco weeyi,” ayuu yiri Mahdi Maxamed.

Maxamed Axmed Ibraahim: “Qaadasha iyo kiraynta way kala tahay. Ethiopia waxay rabta inay si toos uqaadato, arrinka yaan la ogolaanin.”

“Waan soo dhawaynaa sida Berbera in laga dhigo Saylac,” ayuu yiri Mawliid Siciid.

Saciid-Hanad Ciise: “Ninkani tolkii buu la rabaa in deked hesho oo ay ka maarmaan tan Berbera ee kama ahan wadan jacayl iyo dhibka iman kara Ethiopia.”

Suhayb Dugsiiye ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Waan kugu raacsanahay Xildhibaan.”

“Ethoipia hadhow yaa kaa dul kicin dhul horaa ku maqane,” ayuu yiri Axmed Cabdi.

Maxamud Cabdi Yuusuf: “Aragtida Xildhibaanka waan soo dhawayanayaa 100%.”

Maxay aheyd farriintii XAMAR ay u dirtay Shabaab maalin un kahor qaraxii xalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Halkani waa Muqdisho, sanadku waa 2023, dhalinyar aan dowladda dhex joogin ayaa la hadlaya argagixisada. Waxay farriintooda kusoo aadiyeen asbuucii ay argagixisada fulisay xasuuq wadareedkii Soobe.

“Guul ama Geeri, Guul. Cadowga ha jabto, Khawaarijta ha jabto,” ayay ku dhawaaqayeen dhalinyarada dibadbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho.

Dib u laabo dhowr sano, in aad aragto dhowr kun oo dhalinyaro reer Muqdisho ah oo cabsi la’aan u cabiraya dareenkooda argagixiso diidka ah waa adkeyd.

Goobta ay dhalinyaradan iskugu soo baxday ma ahan goob xidhan. Dadkaan lama soo baarin, ciidan gaar ah oo amnigooda qaabilsan looma diyaarin laakiin xaqiiqada ayaa halkaan soo gaartay oo cabsidii waa suushay ama si weyn ayay hoos ugu dhacday.

Waxaa lasoo gaaray marxalad ay dadka dhihi karaan argagixiso waqtigiina waa dhamaaday ee iska baxa ama hubka dhiga. Farriinta dadkani keliya ma ahan inuu amniga caasimadda isbeddalay ee dhinaca kale waa inay dadka badi garteen inay ka badbaadeen qorshah gumaadka ah ee argagixisada.

In fikir ajnabi oo laga soo iibsaday koonfur dhexe Eeshiya, oo kan soo iibsaday uusan ogeyn waxa uu dhali doono dhamaadka, in aad aqbashid in dalkaaga lagu talaalo oo lagu dilo waalidka, walaalaha, saaxiibada, caruurtada ama ugu dambeyn adiga, ma ahan wax caqliga fiyoobi haa dhihi karo.

Farriintan ka timid dhalinyarada reer Muqdisho ma farxad gelinayso argagixisada, waase ku qasban yihiin in waaqica aqbalaan. Waa dareen bulsho oo aan laga dhuuman karin. Waa cadeyn ku filan in dadka qaateen in aan la bixin fursad uu gumaadka kusii socdo.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho weli ma helin wixii ay u qalantay, inay heshana waxay ku xiran tahay inay ka adkaato argagixisada. Dareenka bulsho ee noocan ah waa cadeynta koowaad ee in la fahmay xaqiiqada iyo in la haayo dariiqi lagu soo afjari lahaa mashruuca argagixisada.

Wariye QEYS oo maanta lagu aasay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii TV-ga Somali Cable Muqdisho Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ay Al-Shabaab ka geysatay caasimada.

Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb-galay aaska marxuumka oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar kamid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb-galay jinaasada iyo aaska marxuum Qeys.

Qaraxa ayaa waqtigii uu dhacayay waxaa maqaayada Blue Sky ku sugnaa dad badan oo halkaasi ku caweynayay, kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal.

Marxuumka ayaa kamid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howl-gelayey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa kamid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah.

Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa Bar-Kontrol oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey.

Sawirro: Xamza oo maanta la kulmay ganacsatada + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla-jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay ra’iisul wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Xamza ayaa dhawaan sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamza oo markaas ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

“Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno (waddamada kale) waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.”

Madaxweyne Xasan: Maanta maalin ay guul nooga dhowdahay nama soo marin ee aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in maanta maalin ay guul uga dhowdahay dadka iyo dalka aysan soo marin, ayna tahay in la is raaciyo cadowga.

“Dadka Soomaaliyeed walaalayaal maanta maalin guul nooga dhowdahay ee aan is raacino cadowga. Dadaalkii aan ka billownay Xawaadle iyo agagaarka Xamar wuxuu sii marayaa maanta Xarardheere, Camaaro, Maxaas illaa Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgod,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu ka dhawaajiyay in maalintii la bilaabay howl-gallada socda illaa maanta laga adkaanayay kooxda Al-Shabaab oo lasii eryay, marwalbana god laga sii bixinayay illaa la isku furo qeybo badan oo dalka oo sanado badan ku sugneyd kooxda.

“Ilaahay intii Shabaab dileen Janno ha siiyo, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga-dhayo, Ilaahay wiilasheena iyo gabdhaheena hortaagan cadowgaas Ilaahay iyo Islaamkaba ka furtay guul ha siiyo.”

Waxa uu intaas sii raaciyay madaxweynaha “Umadda Soomaaliyeed Ilaahay boggooda burcad ha isku mariyo oo ha walaaloobeen, oo ha midoobeen, guul iyo gobonnimo dhameystiran Ilaahay idinkiis.”

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Damaca Khaatumo oo furre u noqon kara dooddaha Banaadir iyo Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho. Wuxuu la kulmay madaxda sare ee dowladda federaalka.

Dagaalkii ka dhacay Laascaanood wuxuu dhaliyay laba aragti, mid waa inay jirto fursad lagu sii ilaalin karo midnimada Soomaaliya, midna waa inay dadka deegaankaasi doonayaan in ay noqdaan maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland labadaba.

Tan iyo markii hoggaamiyaha Khaatumo uu yimid magaalada Muqdisho waxaa xoogeystay wararka la xiriira raadinta inay noqdaan maamul gaar u taagan oo aqoonsi ka haynta dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasi oo u baahan ogolanasho xukuumadeed iyo mid baarlamaan.

Kahor dagaalkii Laascaanood ayay dhowr jeer muujiyeen inay u baahan yihiin in ay noqdaan maamul goboleed gaar ah.

Si lamid ah Khaatumo, waxaa iyaguna waqtiyo kala duwan muujiyay sida ay u rabaan inay noqdaan maamul goboleed gaar ah Banaadir iyo Hiiraan.

Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Hiiraan ka dhigtay laba gobol. Waxaa jiray waqti fog kooxo u ololeeya dhismaha Banaadir State iyo Hiiraan State, kuwaasi oo kala jooga gudaha iyo dibadda.

Madaxdii iskaga dambeysay Villa Somalia ayaa dhowr jeer la horgeeyay labadaasi mashruuc, laakiin hoos ayay iskaga dhigeen. Marka laga hadlayo magaalada Muqdisho waxaa lagu ballamay in maqaamka Caasimadda lagu qeexo Dastuurka loo diyaarinayo dalka.

Laakiin ra’yi arruurin uu maamulka gobolka Banaadir ka sameeyay dhowr boqol kun oo qof oo kamid ah shacabka Caasimada daba-yaaqada sanadkii 2017 ayaa muujisay inay dadkeedu rabaan in Muqdisho noqoto caasimad ku dhex taalla maamul goboleed la yiraahdo Banaadir.

Muqdisho oo dadkeeda lagu sheego tiro afar milyan ka badan ayaa wax metalaad ah ku laheyn labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin midaasi waxaa dadkeeda uga muhiimsan inay noqoto maamul goboleed gaar ah oo u madax-banaan amni ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Hiiraan State waa dood kale oo iyaduna soo taxneed illaa 2010 xilligaas oo uu xukunka hayay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Magaalada Beledweyne oo xarun u ah Hiiraan waxay ku jirtaa lixda magaalo ee maanta ugu dadka badan Soomaaliya.

Dadka reer Hiiraan inkasta oo dhexdood waxyaabo badan isku diidan yihiin haddana aragtida ah inay noqdaan maamul goboleed gaar ah ayaa dhexdooda ka ah fikir caafimaad qaba.

Doodda Hiiraan State ayaa dhawaan la hordhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar uu tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Balse madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dalbaday in doodaha siyaasadda dib loogu dhigo oo taas lagu xurmeeyo, lagana wada-hadlo dagaalka oo kaliya.

Imaatinka hoggaamiyaha Khaatumo iyo damacooda maamul doonka ah ayay dad badan qabaan inay dib usoo cusbooneysiin doonto damaca reer Hiiraan iyo midka reer Banaadir ee waqtiga fog lagu raadinayo maamullada gaarka ah.

Waxaa dowladda dhexe ee Soomaaliya hortaalla inay kiisaskan isku il ku fiiriso maadaama saddexdaba ay waqti fog soo taagnayeen.

Xog ka cusub qaraxii xalay ee maqaayadda Blue Sky

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa xalay abaarro 9-kii Fiidnimo ka dhacay maqaayada Blue Sky ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waqtigii uu dhacayay waxaa maqaayada Blue Sky ku sugnaa dad badan oo halkaasi ku caweynayay, kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal.

Dadka qaraxa ku dhintay ee la xaqiijiyay ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimihii Taleefishanka Somali Cable Cabdifitaax Nuur Macallin (Qeys). Marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howlgelayey magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Burhaan Diini oo ah Agaasimaha Idaacada Kulmiye oo kamid ahaa goobjoogayaashii halkaasi ku sugnaa ayaa VOA u sheegay in ninkaasi uu soo dhex galay dadka, kadibna uu isku qarxiyay, islamarkaana uu jugtiisa cusleyd.

“Meesha waxaa ka dhacay indhaha uma dhameystiri karin, dadka wey daadsanayeen oo meydka iyo dhaawaca lama kala garan karin. Qaraxa gees illaa gees uu saameeyay,” ayuu yiri Burhaan Diini.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maqaayada uu xalay qaraxa ka dhacay uu marar horena uu sidan oo kale uga dhacay, islamarkaana ay illaa laba iyo saddex jeer bartilmaameedsadeen kooxaha argagixisada.

“Waxaa aniga iyo bahda radio Kulmiye aan murugada iyo tacsida la wadaageyna ehelka Nuur Macallin (agaasimihii Somali Cable Tv) iyo saaxiibada telefishanka Somali Cable.”

Dhinaca kale, Qoraal xalay ka soo baxay booliska Soomaaliya oo si hordhac ah loogu faah-faahiyay qaraxa ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo in afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa maqaayada Blue Sky.

Sidoo kale qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in weli ay baaritaano socdaan, ayna bulshada dib kala soo wadaagi doonaan wixii kusoo kordha arrinkaan.

Sida uu Caasimada Online u sheegay qof goobjoog ahaa, dadkii joogay maqaayadda ayaa ka shakiyey ninka markii uu soo dhex-fariistay, kadib waxay isku sheegeen ninka waana lagu kala cararay goobta.

Kala carar kadib, ninka is-miidaamiyey ayaa ka daba istaagay koox odayaal ah, waana is-qarxiyey, inta badan odayaashii waxaa la xaqiijiyey in waxaba aysan gaarin.

Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah.

Si kastaba, Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa Bar-Kontrol oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey.

Abaartii ugu darnayd muddo qarni ah oo ku dhufatay…

0

Manaus (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegay inay dalkaas soo foodsaartay abaar aad u daran, taas oo keentay inuu qalalo ama biyihiisii yaraadaan, webiga caanka ah ee Amazon ee dhexmara dalkaas.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee gobolka Amazon ayaa sheegtay in abaartani ay saamaysay in ka badan 481,000 oo qof.

Masuuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegaya in biyo yaraantan soo foodsaartay webiga Amazon inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta muddo ka badan 100 sannadood.

Waxaa hakad galay gadiidka badda oo adeegsan jiray webiga Amazon, iyada oo ay istaagtay sahaydii loo marsiin jiray dhinaca badda, tuulooyinka yaryar ee ku yaalla meelaha durugsan.

Sidoo kale heerkulka oo aad u sarreeya ayaa sababay inay dhintaan xayawaano badan oo ku noolaa webiga.

Arrintan ayaa timid, kadib muddo bilo ah oo aan la helin roobabkii halkaas ka di’i jiray.

Madaxweyne Muuse BIIXI oo magacaabay wasiir cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu xilka ka qaaday wasiirkii wasaaradda horumarinta reer miyiga Axmed Aadan Jaamac.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxaa wasaaradda horumarinta reer miyiga loogu magacaabay wasiir cusub.

Madaxweyne Biixi ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqda wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Somaliland.

Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland lagu xusin sababta rasmiga ee xilka looga qaaday Wasiir Jaamac, balse waxaa lagu xusay xilka qaadistiisa in ay tahay sunnada Siyaasadda

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Aadan Jaamac; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

DF Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo yeelanaya iskaashi nooc cusub ah

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Wasiir Xasan Macallim ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada Jaamacada Carabta.

Waxa uu dowladda Ciraaq uga mahad-celiyay marti-gelinta shirka, isaga oo qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xun tahay ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, ee ka socda dalka.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay in deegaanno badan oo laga xoreeyay kooxaha argagixisada la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, wuxuuna dhammaan wadamada uga mahad-celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Xuseen Macallim iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmo kahor Baqdaad u tegay ka qeyb-galka meertada 39-aad ee golaha Cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ayaa kalkan diirada lagu saaraya arrimo muhiim u ah ururka Jaamacadda Carabta iyo Caalamka, oo ay kamid tahay la-dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka wuxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb-gelaya.

Qoor-Qoor oo xilkii ka qaaday mid kamid ah G/Wasiirada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa wareegto uu soo saaray xilka qaadis ku sameeyay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilkan si KMG ah usii heyn doono wasiiru-dowlaha wasaaraddaasi, Liibaan Cabdi Maxamed.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud. Madaxweynaha ayaa faray Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Liibaan Cabdi Maxamed in uu sii wado howlaha wasaaradda” ayaa lagu yiri.

Laguma caddeyn qoraalka sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday Cabdirisaaq Maxamed Maxamud oo ahaa wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug.

Sidoo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka wasiirka la cariyay oo ku aadan xilka qaadista deg-degga ah ee lagu sameeyay.

Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdi Waayeel taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Khilaafka ayaa yimid, kadib markii uu Qoor-Qoor buriyay xilka qaadista madaxweyne ku-xigeenka, balse mar dambe ayaa heshiis laga gaaray khilaafkaas, waxaana dadaallo sameeyay madaxweynaha Soomaaliya oo markaas ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, xilka qaadistan ayaa kusoo aaday, xilli uu hadda Galmudug ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guulo ka soo hoyeen ciidamada Soomaaliya.

Booliska oo war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa si hordhac ah loogu faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa fiidkii ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla aagga taalada Xaawataako ee degmada Boondheere, halkaas oo nin naftiisa haligay uu isku qarxiyey.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay Agaasimihii TV-ga Somali Cable, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in weli ay baaritaano socdaan.

“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay taliska booliska.

Allaha u naxariistee waxaa caawa dadkii lagu dilay qaraxa Muqdisho ka dhacay ka mid noqday Agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur (Qeys), marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howlgelayey magaalada Muqdisho, sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah wiil ka shaqeynayey maqaayadda oo magaciisa lagu soo koobay Cabdixakiin Yare.

Nin naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dadkii ku sugnaa maqaayadda, khasaaraha ayaa u badnaa dhaawacyo, maadaama la fahmay ninka inta uusan qarxin.

Sida uu Caasimada Online u sheegay qof goobjoog ahaa, dadkii joogay maqaayadda ayaa ka shakiyey ninka markii uu soo dhex-fariistay, kadib waxay isku sheegeen ninka waana lagu kala cararay goobta.

Kala carar kadib, ninka is-miidaamiyey ayaa ka daba istaagay koox odayaal ah, waana is-qarxiyey, inta badan odayaashii waxaa la xaqiijiyey in waxaba aysan gaarin.

Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah.

Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey.

Agaasimihii TV-ga Somali Cable oo ka mid noqday dadkii caawa qaraxa lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dadkii lagu dilay qaraxa Muqdisho ka dhacay ka mid noqday Agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur (Qeys), marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee Muqdisho.

Nin naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo ku taalla aagga Hotel Xaawo-taako ee degmada Boondheere.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo ayaa soo gaaray dad shacab, shaqaale dowlo iyo askar isugu jira oo ku sugnaa maqaayadda, waxaana is qarxiyey nin soo dhex-fariistay dadkii joogay banaanka maqaayadda.

Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn.

Wasaaradda Warfaafinta oo tacsi ka soo saartay geerida Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa lagu yiri, “Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis Jama, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Iyo dhammaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan bahda saxaafadda, qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo ahaa Agaasimaha Television-ka Somali Cable ee xafiiska magaalada Muqdisho. Marxuumka waxaa uu ka mid noqday dadkii uu galaaftay qarax ka dhacay makhaayad ku taalla Muqdisho.”

Banaanka hore ee maqaayadda oo qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo ninkaan ka shakiyey inta uusan is-miidaamin.

Sida dad goobjoog ahaa ay u sheegeen Caasimada Online, ninka is-qarxiyey markii uu yimid maqaayadda wuxuu dhex-fariistay dadka, kadib waxaa u yimid askari ‘Soo istaag’ markii la yiri ayuu is-qarxiyey.

Intii ay ciidamadu muujinayeen shakiga laga qabo ninka is-qarxiyey waxaa goobta ka cararay dad tiro yar, sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha noo waramay.

Ilaa hadda majrto cid shaacisay tiro koob rasmi ah oo ku saabsan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Booliska Soomaaliya oo inta badan laga sugo xogta khasaaraha ayaa wada baaritaan iyo gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Faah-faahinta qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qof naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo ku taalla aagga Hotel Xaawo-taako ee degmada Boondheere.

Khasaare u badan dhaawacyo oo soo gaaray dad shacab, shaqaale dowlo iyo askar isugu jira ayaa ka dhashay qaraxaas, waxaana is qarxiyey nin soo dhex-fariistay dadkii joogay maqaayadda.

Banaanka hore ee maqaayadda oo qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo ninkaan ka shakiyey inta uusan is-miidaamin.

Sida dad goobjoog ahaa ay u sheegeen Caasimada Online, ninka is-qarxiyey markii uu yimid maqaayadda wuxuu dhex-fariistay dadka, kadib waxaa u yimid askari ‘Soo istaag’ markii la yiri ayuu is-qarxiyey.

Intii ay ciidamadu muujinayeen shakiga laga qabo ninka is-qarxiyey waxaa goobta ka cararay dad tiro yar, sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha noo waramay.

Ilaa hadda majrto cid shaacisay tiro koob rasmi ah ooo ku sameysay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Booliska Soomaaliya oo inta badan laga sugo xogta khasaaraha ayaa wada baaritaan iyo gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Xasan Sheekh oo ka hadlay muddo xileedkiisa: Sanad iyo bar waa baxay, sanadka u dambeeya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka khibrad iyo aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo maanta ka qabsoomay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedkiisa iyo hiigsiga Soomaaliya ee 2060.

Shirkann oo uu sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay haysato waqti kooban marka loo eego muddo xileedka 4 sanno ee loo doortay, isaga oo sheegay in waqtigu yahay mid gaaban, balse loo baahan yahay in wax badan la qabto.

“Afar Sano, sanad iyo bar waa baxay, sanadka u dambeeya waan garaneynaa maxaa noo haray? sanad iyo bar kale” ayuu yiri madaxweyne.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “War orodkeena waa gaaban yahay, waa soconaa, balse waa dalaaneynaa,”

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hiigsiga Soomaaliya ee ku aadan 2060, isaga oo sheegay in sanadkaan ay u doorteen in Soomaaliya ay xilligaas u dabaal dagi doono hal qarni oo dowladnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda ay tahay in sanadka 2060 ay Soomaaliya noqoto dal isku filan, sidoo kalena horumarsan.

“Sanadkan waxaan ka shaqeynownaa Vision la yiraahdo 2060, Soomaaliya noocee ah oo sidee u eg ayaan rabnaa 2060 marka la gaaro, waxaan u dooranay maalintaas waxaan u dabaal dageynaa qarni 100 sanno inaan dowladnahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray dhammaan xubnaha golaha wasiirada inay ka qayb qaataan fulinta qorshahan, si loo gaaro mustabaqlka ay hiigsaneyso Soomaaliya.

Xildhibaan Abiib oo si lama filaan ah uga hadlay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanka Maxamed Abiib oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dekedda Saylac oo la sheegay inay dooneyso dowladda Itoobiya, si ay u maalgashato dekeddaasi.

Abiib ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in dekeddaasi lasiiyo Itoobiya, si ay u maalgashato, kadibna faa’iido uga hesho Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Itoobiya aysan wadan xoog, balseay  sifo sharci ah ku rabto dekedda Saylac, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in heshiis lala galo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka la ballaariyo dekeddaha, maalgashiguna bato ay dan ugu jirtay reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay” ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka uusan aheyn in dekedda ay wada qaadaneyso Itoobiya, balse ay tahay maalgelin uun, si lamid ah Imaaraadka Carabta oo isagu gacanta ku haya dekedda weyn ee magaalada Berbera.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Itoobiya ay raadineyso deked ay maalgashato, maadaama aysan laheyn bad, si halkaas wax ugala soo degto.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ciddii deked siisa ay maalgashadaan, u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta, taasi ay noqon doonto fursad kale.

Sawirro: Xasan ‘oo dul istaagay’ hanaanka dib usoo celinta ciidankii jiray Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray xarunta ciidamada cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ka socoto dib u soo celinta ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay.

Waxa uu la wadaagay ciidanka rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo ku bogaadiyey taliska ciidamada xoogga dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban dhulka, cirka iyo badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Eritrea iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray.

Ciidamadan ayaa soo dhammeystirtay tababarkooda, si deg-deg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, intii ay ku sugnaayeen dalka Eritrea.

Sidoo kale waxay muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.