25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

CC Shakuur oo digniin kasoo saaray damaca ay Itoobiya ku rabto dekedda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo lalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka falciyay hadalka kasoo yeeray Itoobiya ee ku aadan inay xoog ama xeelad ku raadienso deked ay maalgashato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan aan la dheyalsan karin, isla-markaana loo baahan yahay in ka feedjignaadaan madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in ay il-gaara ku heyso damacaasi, si looga hortego qorshaha ay rabto Itoobiyaa.

“Lama dheyalsan karo farriimaha is daba-joogga ah ee ka imaanaya madaxda dawladda Itoobiya ee ku aaddan xaq u lahaanshaha in ay Itoobiya hesho meel ay Badda Cas ka gaarto” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa jawaab u ah warkii uu soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dhowaan sheegay in ay xeebaha Saylac kamid yihiin goobaha ay rabaan inay ka helaan deked.

Sida uu Abiy sheegay ciddii deked siisa ay maalgashadaan, waxay u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xoog iyo xeeladba ay isticmaali doonaan, si ay deked u helaan taasi oo uu kala kulmay dhaleecayn xoogan oo dibadda ah.

Si kastaba, lama oga sida ay arrintan ugu suurageleyso Itoobiya, balse waxaa isha lagu hayaa Somaliland oo xuduud la leh, sidoo kalena ay leeyihiin xiriir wanaagsan.

Gaas oo ka digay in PUNTLAND ay lamid noqoto SOMALILAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee Puntland, gaar ahaan muranka ka taagan doorashada maamulkaasi.

Gaas ayaa ka digay in Puntland lamid noqoto Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaatay xaaladda ka jirta maamulkaas ee ka dhalata muddo kororsiga madaxweyne Biixi.

Ninkan oo sidoo kale horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaPuntland, isaga oo sheegay inay tahay arrin laga haboon yahay.

“Hadii ay dhaafto waxa ay noqoneysaa sunno xun oo la jideeyo oo hadhow Saciid Cabdullaahi Deni kan kasii dambeeya ay isticmaalayaan, sida hadda Somaliland ka taagan oo ah in qof uu iska fadhiyo inta waqti ku darsado” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ugu baaqay in doorashada dhexda soo dhigo, kadibna uu ku qabto xilligeeda.

“Aniga taladeyda waxaa weeye in doorashadaasi la qabto oo waqtigeedii lagu qabto oo ah sideeda January” ayuu mar kale ku yiri wareysiga laga qaaday.

Waxaa kale uu shaaciyay xalka, isaga oo sheegay inuu jiro in doorashada loo wajaho hannaankii hore, isla-markaana ay beelaha soo xulaan xildhibaanada cusub ee Puntland.

“Sida kaliya ee ay ila tahay oo ay ku suurtageli kartaana waxaa weeye sidii weligeed soo caana maalay oo ah in lasoo xulo xildhibaanadii 66-da ahaa, beeluhuna ay soo xushaan, dabadeedna dowladda imaaneysaahi ay dimuquraadiyadda dhaqan geliyaan” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Garoowe uu ka taagan yahay is mari waa u dhexeeyo xukuumadda Deni iyo mucaaradka Puntland oo dhaq-dhaqaaq ka wada Garoowe.

Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda oo shaaciyay arrin keentay xilka qaadistiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Xasan Cumar Mahad Alle oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan waxa keenay xilka qaadistiisa.

Mahad Alle ayaa sababta xilka looga qaaday ku sheegay in ay ahayd dagaal uu kula jiray musuq-maasuq ka dhex jira jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday

Xilka qaadistiisa waxa uu tilmaamay inay ka dambeeyeen shaqsiyaad ku sugan gudaha iyo banaanka, isla-markaana ay kasoo horjeedeen dadaalka uu isagu waday ee musuqa.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda oo sameeyay wax isdaba marin, isla-markaana uu dacwadooda u gudbiyay hantidhowrka, si loogu sameeyo dabagal iyo baaritaano dheeraad ah.

“Dadkii aan kala dagaalamayay musuq maasuqa aan kala joogsiga lahayn, wallaahi waa joogaan, jaamacaddaasna iyagaa la dagaa dagaaya,” ayuu yiri Pro. Xasan Mahad Alle.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo ka tirsanaa Macallimiinta Jaamacadda Ummadda, balse u goostay dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi. “Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda.

Ninkan ayaa waxaa shalay cayriyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo kusoo aaday, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Daawo: R/W Xamza oo ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka guud ee madaxweynaha oo isaguna ku sugnaa madasha.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday inuu isbeddalay muuqaalka madaxweynaha, isla-markaana uu yeeshay suurad kale, sida uu u taagnaa jiidda hore ee dagaalka Al-Shabaab.

‘Arganay madaxweynaha khayr allaha siiyo xittaa suurad kale ayuu yeeshay sida uu Jiida hore iyo furinta u taagnaa” ayuu yiri Xamza Cabdi Barr.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in madaxweynuhu qaatay go’aan adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana uu toos u galay dagaalka ka socda dalka.

“In jiidaas iyo furinta uu madaxweynaha taagan yahay innagu ma la taaganahay, haddaa nanay xubnaha golaha wasiirada, waxayna daliil u tahay inayna saaka isku ekeyn isaga iyo annaga” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale uu raaciyay “Intaas aynu isku ekeyn ayay micnaheedu tahay in madaxwyenuhu uu naga horreeyo, laakiin inaanu annaga dagaalka ku jirin sida uu ugu jiro si lamid ah”

Horay madaxtooyada Soomaaliya ayaa uga hadashay arrintan oo si weyn u qabsatay baraha bulshada, kadib markii lagu baahiyay sawirrada madaxweynaha oo ay timaha ku baxeen.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Dige ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay is bedelka ku yimid madaxweyne Xasan Sheikh, isaga  ka hadlay is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka.

, “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”.

Sidoo kale wuxuu kusii daray  “Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan,”.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb ayaa muddo laba billood ah ku sugnaa furinta dagaalka, wuxuuse haatan kusoo laabtay magaalada Muqdisho

Jubbaland oo toogasho ku xukuntay nin dilay hooyadiis

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad ee sanadkan 2023 magaaladaas ku dilay hooyadiis, Xaliimo Maxamed Cumar.

Marxuumadda oo aheyd 61 sano jir ayaa dilkeeda wuxuu eedeysanaha u adeegsaday toorey, sida ay horay u shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland.

Edeysanaha ayaa sidoo kale maxkamadda kasoo muuqday isaga oo qiranaya inuu si ku talagal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta.

Xasan ayaa intii ay socotay dacwaddiisa maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Intaas kadib maxkamadda ayaa saaka soo saartay xukunka dil oo lagu riday Xasan Cabdullaahi Cabdi, kadib markii ay fadhiyo kala ka yeelatay kiiska ninkan oo ay si aad ah isha ugu hayeen dadka Soomaaliyeed.

“Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dabmiibe, Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 sano jir ah, ina Xaliimo Maxamed Cumar ku dhashay Baardheere, deggan Kismaayo oo wakiilu dacwo u yahay Maxamed Daahir Ibraahim dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Xailiimo Maxamed Cumar 61 jir ah ina Baar Cismaan Cabdi” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ” Qodobka 434. X.C.S. qof kastaa oo sababa dhimashada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa dil”.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ballan qaaday in xukunka dilka ah ee lagu ridday ninkan la fulin maalmaha soo socda.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ah waxaa horay usoo qzbtay ciidanka booliska Jubbaland, kadib markii uu geystay dilka Hooyadiis, isaga oo markaas isku dayey inuu baxsado.

Si kastaba, Kiiskan ayaa argagax ku abuuray reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna haatan dadku muujiyanaan inay ku faraxsan yihiin dilka lagu xukumay.

 

Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay hareeraha DIINSOOR

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta ciidamada Itoobiya ay madaafiic xoogan ku garaaceen hareeraha degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda lagu duqeeyay hareeraha degmada, ayna gaarayeen ku dhowaad lix hoobiye.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS ka gaysteen agagaarka magaalada Diinsoor.

Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab oo badanaa weeraro culus kusoo qaaday ciidamada ku sugan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicdaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobollada Baay iyo Bakool, waxaana marar kala duwan ay dagaallo la galeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha weeraro culus oo dhabagal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaado ciidamadan, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Baayl iyo Bakool.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xog cusub oo ku saabsan arrinta NAGEEYE + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay in dhowaan uu ku biiray kooxda Al-Shabaab kaas oo kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda, sidoo kalena ahaa Abwaan caan ah oo si weyn looga yaqiinay dalka.

Prof Mahad Alle ayaa marka hore sheegay in Nageeye uu ugu yimid Jaamacadda, isaga oo bare ah, wuxuuna tilmaamay inuu mar mara ugu imaan jiray xafiiskiisa.

“Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday Mahad Alle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Isaga wuxuu isaga kaa dhigaa nin qatar ahoo yacni leebal kaaga ah, aniga waxaas kuma jirin nin shaqo ayaan ahaa waa iknoor gareyn jiray , marka xiriir fiican ma laheyn aniga iyo isaga”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Abwaan Nageeye Cali Khaliif uu si weyn uga soo dhex muuqday jaamacadda, isla-markaana uu ka fursad badnaa macallinta kale.

“Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu raaciyay.

Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa sidoo kale qiray in ninkan lala shaqeynayay, isla-markaana uu qaadanayay mushaar ka badan midka ay qaataan ragga kale.

“Waxaan arkay laba mushaar oo isku xigta oo uu qaatay midna $1,800, midna 1,900, barane sida uu ku qaato lacagta noocaas waa adag tahay, marka shaki waxaa i galay in loo salaxaayay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Prof Xasan Cumar Mahad Alle.

Kiiska Abwaankan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxaana barasha bulshada qabsaday nuqul kamid ah buug uu dhammeystiray bishan October kaas oo uu ugu magac daray DIBAD-WAREEG, wuxuuna kusoo bandhigay qoraal muujinaya inuu hiil u yahay Al-Shabaab

Ciidan gurmad ah oo maanta gaaray BURUJEED iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Guriceel, kadib markii ay shalay soo weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal la galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Ciidamadan oo ka baxay aagga Dhuusamareeb ayaa gaaray furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan agagaarka magaalada Guriceel, si ay ugu biiraan howlgallada ka socda halkaasi.

Ujeedka ciidamadan cusub ee tagay Burujeed ayaa ah inay xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaas oo shalay dagaal adag la galay Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, kadibna ay ka warbixiyaan qorshahooda ku aadan dagaalka adag ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Labadan gobol oo hoostaga Galmudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Barujeed oo ay shalay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, balse la kulmay iska caabin ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira koonfurta Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaase lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo xoogleh ka wadaan halkaasi, si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Sawirro: Dib u soo celinta ciidankii jiray Eritrea iyo dibad-bax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa gabal-dhicii shalay ku soo bilowday diyaarado sida ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ilaa xalay saqdii dhexe soo degaayey.

Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen.

Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ilaa KM 4 waxaa xalay isugu soo baxay dadweyne aad u badan oo ku faraxsan dib u soo celinta ciidankii tababarka ugu maqnaa dadka Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago ehellada, waxaa banaan-baxaan xalay soo camiray dad badan oo ku faraxsan soo noqoshada ciidankaan u soo tababartay dalkooda.

Waxaa la xiray jidadka muhiimka ah ee degmooyinka xiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aan loo dhibaatey ciidamadaan cusub.

Ciidamadaan ayaa aad looga sugayey Soomaaliya, dalka ayaa ku jira waayo ay halgan adag lagula  jiro Khawaarijta, waxayna inta badan ciidamadaan ku biirayaan dagaalka ka socda gobollada dalka.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxaa maalin kasta Muqdisho imaa doona dowr diyaaradood oo sida ciidankaas, ilaa ay ka soo dhamaadaan ciidan ku dhow 8,000 oo dalka Eritrea tababar ku dhameystay.

Dhawaan Madaxweynaha ayaa ciidamadaan ku kormeeray xeryihii lagu siiyey tababarka, heshiisyo uu qeyb ka yahay soo celinta ciidankaan ayaa dhex maray Xasan Sheekh iyo Maxaxweynaha Eritrea, waxaana hadda bilowday fulinta heshiiskaas.

Wareysi: Al-Shabaab oo weeraray degaan uu joogay Daahir Jeesow + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay lagu qaaday weerar culus.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hogaaminayo ciidamo badan oo beeshiisa Gaaljecel ka soo kasoo jeeda, kuwaas oo u soo diyaar garoobay inay deegaanada beesha ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Jeesow ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xalay ku soo qaaday weerar culus, islamarkaana ay iska caabiyeen oo dagaalka ay ku jebiyeen kooxdii duulaanka ku soo qaaday fariisimahooda Yaaqbariweyne.

Meydadka badan ayuu sheegay in Shabaab ay uga carareen gudaha magaalada, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan meydadka kooxdaas.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaas, waxaana askartii dhaawacyadu soo gaareen ay isla xalay geeyeen saldhigga ciidamada Danab ee Ballidoogle, si loo daweeyo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay weerar toos ah, kaas oo socday ilaa ay ka jebiyeen kooxdii soo weerartay ee Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan magaalada Yaaqbariweyne oo dagaalkaasi uu ka dhacay, islamarkaana ay sii eryanayaan firxadka Shabaab-kii ku soo duulay.

Xildhibaanka oo in ka badan bil ku sugan magaaladaas ayaa la weydiiyey sababta uu u joogo halkaas, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo ay ku guuleysteen inay kooxda ka xoreeyaan dhowr deegaan oo hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka

Masar iyo Mareykanka oo isku raacay arrin la xiriirta dagaalka Marinka Gaza

0

Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in dib loo furi doono marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israa’iil iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan.

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadanimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo iyo weliba daad-guraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaalada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan.

Maraykanka ayaa Axaddii u magacaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bini’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

El-Sissi, madaxweynaha Masar ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israa’iil ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa.

“Falcelinta Israa’iil, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yiri madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda.

Xog: Xasan Sheekh oo si adag u canaantay wasiirrada qaar, una sheegay arrimo u qorsheysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu shirkii Khamiislaha ee golaha wasiirrada ka jeediyey hadallo xasaasi ah, kuwaas oo aan lagu soo darin qeybtii la baahiyey.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn golihiisa wasiirrada ku canaantay sida qaarkood ay ula jaan qaadi la’yihiin halganka uu hoggaaminayo ee Khawaarij iska xoreynta ah, isagoo ugu goodiyey in wasiirkii dagaalka soo geli waayo uu xilkiisa weynayo.

Wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan xitaa barahooda bulshada ku soo qorin guulaha dowladda iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan ku qanacsaneyn dagaalka oo abaabulkii loo baahnaa aysan ka sameyn deegaanada ay metelaan.

Sidoo kale wasiirrada xildhibaanada ah ayuu Madaxweynuhu ku canaantay in aysan difaacin danaha xukuumadda ay ka tirsan yihiin, isagoo si cad ugu sheegay in markii ay furmaan kulamada baarlamaanka uusan jirin wasiir xildhibaan ah oo dalka ka dhoofi kara, maadaama laga sugayo inuu guto waajibaadka ka saaran difaaca danaha xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa soo hadal-qaaday wadashaqeynta isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si cad ugu sheegay wasiirrada in muddo xileedkaan ay isla dhameysa doonaan isaga iyo saaxiibkiis Xamse, wuxuuna u digay wasiirada soo garab-mara Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad ugu sheegay wasiirada in shaqada looga dambeeyo oo amaradiisa ay fulaan Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka dhigan in Madaxweynuhu uu u caga-jugleeyey saaxiibadiisa golaha ku jira oo marar badan lasoo weriyey inay garab maraan Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dastuurka, isagoo wasiirrada u sheegay in markii uu furmo kalfadhiga baarlamaanka la hor geyn doono kulamada ugu soo horeeya si loo ansixiyo dastuurka dalka, wuxuuna wasiirrada faray inay si xooggan u difaacaan go’aannada xukuumadda ay ka tirsan yihiin.

Dastuurka dhawaan la hor geynayo baarlamaanka wuxuu Madaxweynuhu sheegay inuu dhameystiran yahay, isla markaana lagu cadeeyey nidaamka lagu hoggaami doono dalka, sida xisbiyada oo lagu soo koobayo laba kaliya, kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Qeybaha uu uga hadlay artimahaan waa laga jaray hadal jeedintii madaxweynaha ee kulankii golaha wasiirrada oo dhif ay tahay inuu shir guddoomiyo madaxweynuhu, balse Caasimada Online ayaa xogtaan ka heshay ilo goobjoog ahaa kulankaas oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay.

Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka – Warbixin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay magaalada Ankara ee xaruunta dalka Turkiye.

Waxaa sidaasi caddeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Türkiye, kaasi oo sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka socda dalka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada Shabaab-ka.

Shirkaasi oo ka dhacay magaalada madaxda dalka Turkiye ee Ankara ayaa madaxdii ka qeyb-gashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaab-ka iyo ka ciribtirkooda ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Mar haddii loo helay taageero heer caalami ah dagaalka xooggan ee lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa soo dhawaaday dhammaadka kooxda maleeshiyaadka ah ee Shabaab-ka, taasina waxaa caddeyn u ah mar haddiiba dowladihii waaweynaa ay xoog u taageereen dadaalka ay dowladdu ugu jirto ciribtirka Kooxaha xag-jirka ah ee ku dhuumaaleyta gudaha dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya oo ka hadlaayay howl-gallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan Khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.

“Kalluunku wuxuu ku noolaan yahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kalluunku ku nool yahay laga daadiyo biyaha, kalluunka kuma noolaan karo, Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhax nool yihiin waa shacabka, maantana Allah mahaddii Shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheyn kuwo ay sii xambaarsanaan karaan, wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

”Cadowgii na xasuuqay Oktoober 14-keedii naguna xasuuqay magaalo kasta, oo Soomaaliya ku taal iyo Hoteel kasta iyo Isgoys kasta ee ku yaal Muqdisho, wali way u soo malabsanayaan sii daadinta dhigga Dadaka Soomaaliyeed ee qaaliga ah, haddii ay fursad kale helayaanna gumaadkaasi oo ka xanun badan ayay weli nala maagan yihiin, nasiib wanaag Maanta halistu way ka yar tahay, balse ma aysan dhammaan,” ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad uu kaga hadlay 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo iyo kaalinta Ciidanka XDS, Culumada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalka Khawaarijta u jeediyay Xalay Shacabka Soomaaliyeed.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka.”

Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo goobaha dagaalada ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM dhanka Guriceel kaga began degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ay saaka ka hortagay weerar Khawaarijtu ku soo qaadday fariisimaha ciidanka xoogga ay ku leeyihin deegaankaasi.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin oo la hadlay Wakaaladda Waraka ee SONNA ayaa waxa uu xaqiijiyey in cadowgu dharbaaxo kulul kala kulmay weerarkii saaka, islamarkaana ay ciidamadu jabiyeen Khawaarijtii soo duulaan tegay.

Kooxda weerarka soo qaaday ee Khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay duulaankaasi ay soo qaadeen, waxaana ay goobta dagaalka uga carareen meydad ay haleeshay rasaasta geesiyaasha, ciidamada ayaana sidii caadiga aheyd ku sugan saldhigyadooda.

SONNA

Daawo: Xamza oo sheegay sida kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

Mudane Xamza oo ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in middaasi ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan-gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

“Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan cirib-tirka kooxaha argagixisada, deyn-cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

 

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.

Xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay guddoomiyaha Jaamacadda Umadda ayaa waxaa lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

“Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jsamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u rajeeyey sii-hayaha Guddoomiyaha cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.”

Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah, oo isagu maalmo kahor sameeyay isku shaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah.

Si kastaba, Xil ka qaadista guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Firdhiye oo raali-gelin siiyay reer K/Galbeed, uguna baaqay in ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa uu raali-gelin siiyay dadka reer Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa reer Koonfur Galbeed ka raali-geliyay gefkii ay kal hore kula kacday xukuumadda Somaliland, ee ay kasoo raaftay magaalada Laascaanood, iyada oo ku eedeysay amni darro xilligaasi ka jirtay halkaasi.

Hoggaamiyaha SSC ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed loogu geystay Somaliland.

“Maamulkaas (Somaliland) wuxuu dadkan usoo saaray dilalka qorshaysan iyaga ka dambeeya. Markii uu saaray oo uu musaafuriyay, dilalkii qorshaysnaa way sii labo jibaarmeen. Talo xumaa lagu saaray (reer Koonfur Galbeed) aanan waxba ku lahayn, dhibkii soo gaarayna waan ka xunnahay,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.

“Waan ka raali-gelinaynaa dadka reer Koonfur Galbeed sidii qasabka aheyd ee guryahoodii looga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC oo ka qeyb-galayay barnaamij dood ah oo su’aallo lagu weydiinayay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadkaasi inay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood, ayna dib uga billowdaan nolashooda, xilli ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidamada SSC.

“Waxaa dooneynaa in dadkaasi (reer Koonfur Galbeed) ay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood,” ayuu markale yiri hoggaamiye Firdhiye.

Sawirro: Xasan oo xariga ka jaray wadada cusub ee madaxweyne Cali Mahdi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray waddada cusub ee loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha oo uu wehlinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa isla maanta xariga ka jaray waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda.

Labadaan waddo ayaa waxaa si is-xilqaan ah ku dhisay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taasi oo ka tarjumeyso wada-jir iyo wax wada qabsi shacab.

Sidoo kale waxa uu qeybaha kala ee degmooyinka gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

Maamulka gobolka ayaa maalmo kahor dhagax dhigay dhismaha waddooyin kale oo cusub, oo ay kamid tahay waddo laga hirgalin doono suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda ee Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Dhismaha waddooyinka ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kalena qeyb ka qaadaneysa horumarka caasimada iyo bilicdeedaba.

Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan tallaabooyinka lagu horumarinaayo dib-u-dhiska iyo bilicda magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Cali Guudlaawe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaaday tallaabo dhalisay hadal heyn xoogan, kadib markii uu magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee maamul goboleedkaasi.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed oo ah wasiirka gargaarka dowlad goboleedka HirShabelle.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya aafooyinka ka dhalan kara fatahaadaha iyo duufaannada elnino ayaa Magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday HirShabelle.

Haddaba sidoo looga falceliyay arrintan uu sameeyay madaxweyne Cali Guudlaawe?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood ay su’aallo ka keeneen xilliga lagu soo aadiyay magacaabista guddigan, maadaama aysan weli dhicin fatahaad, halka kuwa kalena ay sheegeen in laga damacsan yahay arrintan mashruuc gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Cali Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa yiri “Guddi beel, fatahaado wax ka daran ayaa maalin walba taagan ee wax ka qabo”.

Ibraahim Cali Nuur ayaa su’aal ka keenay dhismaha guddigan, wuxuuna yiri “Fatahaad maba dhicinee maxaa waa guddigaan?”

Caydaruus ayaa isaguna yiri “Beeso raadis waayay Guudlaawe i aamina”

Shaafici Yuusuf ayaa ku jawaabay “Mashruuc cunistii miyaa billowdeen hadda? dagaallada qabaa’ilka mashruuc idiin ahaa xal waara allaha keeno”.

Maxamed Cumar ayaa isna yiri “Cali Guudlaawe ugu yaraan damiir dhaqaaqo ma lahan miyaa? sidaan maa waqtiga ku dhamaysahaa ilaahow adaa noo maqan”

Wasiir Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu xiray magaalada Muqdisho – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig Muqdisho loo gaystay Ibraahim Roobow Cali, oo ah walaalka ka yar Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ibraahim Roobow Cali ay soo xireen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, wuxuuna xalay ku hoyday C.I.D-da

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo soo xiray ninkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in haatan ay ku socoto baaris ku aadan adeeggii Xajka ee sanadkan, maadaama uu xoghaye u ahaa guddigii ay wasaaradda u xil saartay arrimaha Xajka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maalmihii u dambeeyay ay dowladda federaalka dabagal ku haysay mas’uuliyuin ka tirsan guddigii arrimaha Xajka oo la sheegay inuu xubno gaar ah oo awood leh uu ku dhax lahaa wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Ninka lasoo xiray ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale uu ahaa gacan yaraha wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah, waxaana uu wajahayaa eedeymo culus, ayadoo hal heyn xoogan ay ka dhalatay xarigiisa.

Sidoo kale ninkan ayaa mar kale kasoo muuqday guddi cusub oo uu 4 maalmood ka hor arrimaha Xajka u magacaabay wasiir Roobow, wuxuuna ku qornaa xoghayaha guddigaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan kiiska Ibraahim Roobow Cali, mana jirto eed cad oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday dagaal culus oo ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliiin dhowr ah oo qaarkood la maxkamadeeyay.

Sawirro: Wafdi ka socda DF oo gaaray Ciraaq + Ujeedka

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wafdiga gaaray Baqdaad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud.

Wafdigan ayaa waxay halkaasi uga qeyb-gelayaan meertada 39-aad ee golaha Cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Liibaan Maalin Guur, la-taliyaha koowad ee safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaalladda Ciraaq iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay wafdiga uu wasiir Xasan Macallim hoggaaminayo oo xalay goor dambe gaaray magaalada Baqdaad.

Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta oo furmaya maalinta berri ah ayaa looga hadlayaa arrima muhiim u ah ururka Jaamacadda Carabta iyo Caalamka, oo ay kamid tahay la-dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka wuxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb gelaya.