25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankii ahaa in magaalada Gaza ay ka baxaan ilaa iyo hal milyan oo rayid ah oo reer Falastiin ah muddo 24 saac gudahood ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sii ballaariyay wada-hadallada mushkiladdan la xiriira ee uu u jooga Bariga Dhexe.

Blinken ayaa waxa uu horey u tagay Israel iyo Urdun, waxaa uuna haatan wada-hadaladiisa ku fidinayaa wadamada Khaliijka Carabta iyo Masar.

Israel ayaa waraaqo digniin ah ku daadisay gudaha Gaza, kuwaasi oo dadka rayidka ah ay ku fareyso in ay ka baxaan magaalada, haddii kale laga takhalusayo, sida uu sheegay mid kamid ah dadka rayidka ah.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaalada.

“Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeynayaan Gaza, ayaga oo sheegaya inay ka aargudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maalmaha soo socda, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego.

Bayaan uu soo dhigay barta X (ex-Twitter), ayaa afhayeenka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri “IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftooda, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.”

“Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo laabataan magaalada Gaza kaliya marka ogeysiis kale oo fasaxaya la sameeyo. Ha u dhowaanina aagga xayndaabka ammaanka ee dawladda Israel,” ayuu yiri.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan suurta-gal aheyn in tallaabo noocaas ah ay dhacdo “ayada oo aysan ka dhalan cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.”

“Qaramada Midoobay waxay si adag u codsanaysaa amar kasta oo noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, in la laalo iyada oo laga fogaanayo wax xaalad musiibo ah u beddeli kara xaalad markii horeba silac aheyd,” waxaa sidaas yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

Safiirka Israel ee QM, Gilad Erdan ayaa jawaabta QM ee digniinta Israel ay siisay dadka degan Gaza ku qeexay “mid ceeb ah.”
Sarkaal ka tirsan Xamas ayaa sheegay in digniinta la xiriirta Gaza ay tahay “dacaayad been abuur ah,” waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan ku kadsoomin.

Israel ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii Sabtidii, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Warbaahinta dadweynaha Israel ee KAN ayaa sheegtay in dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,300 oo qof. Maamulka Gaza ayaa sheegay in la dilay in ka badan 1,500 oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan.

“Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC.

Daawo: Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta mucaaradka ah hal ku amaanay, halna ka codsaday

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad dheer ayaa qeybtaan kula hadlay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo qaar u mahadceliyey, qaarna ka codsaday inay dagaalka ku garab istaagaan dowladda uu hoggaamiyo.

“Siyaasiyiinta Soomalaiyeed kuwa xilalka soo qabtay iyo kuwa hadda ku taamaya inay xil qabtaan, waxaan uga mahad celinayaa sida ay noola fahmeen dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Maxaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in cadowga umadda Soomaaliyeed uu yahay Al-Shabaab oo kaliya, “15-sano ayaan u afduubanahay oo dhiigga shacabka ayey jiqayaan oo baneysteen,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta qaar ku amaanay sida ay dowladda iyo shacabka ula garteen go’aanka ah in la is dhaafiyo Khawaarijta Al-Shabaab.

“Waxaa ku amaanayaa siyaasiyiinta nagu garab istaagtay halganka aan ku burburineyno fikirka xagjir ah ee arxan laawayaasha Khawaarijta ah ay ku baneysteen dhiigga shacabkeena muslimiinta ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale siyaasiyiinta iyo dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ka codsaday is ogol iyo wadajir inay ku jawahaan halganka dalka ka socda ee Khawaarij iska xoreynta ah.

“Wixii kala aragti duwanaan ah wada ogol ku xaliya, yaan marna la siyaasadeyn dagaalka Khawaarijta lagula jiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta aysan jirin maalin ay dadka Soomaaliyeed guuli uga dhowdahay, “Dagaalkii aan ka bilownay Xawaadley iyo daafaha Xamar, wuxuu sii marayaa Xarardheere iyo dhulka fog ee gobollada dalkeena,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero ka dalbaday shacabka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay mucaaradaan.

Khudbada Madaxweynaha oo ku soo aaday maalin la xusay xasuuqii Soobe ayaa gabagabadii hadalkiisa wuxuu Maxaxweynuhu ilaahey naxariistiisa uga baryey dadkii Soomaaliyeed ee ku shahiiday gacanta Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda duleedka GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka uu ka socdo agagaarka magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa sidaas ku billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada isbaheysanaya iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay kusii qul qulayaan ciidamada dheeraad ah, si ula dagaalamaan Al-Shabaabka weerarka soo qaadeen.

Guriceel iyo agagaarkeeda ayaa waxaa muddooyinkan lagu uruurinayay ciidamo loo diyaarinayay dagaalka Al-Shabaab, si u xoreenaa deegaanada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Maxaxweyne Xasan Sheekh oo codsi cusub u dirsaday culimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad dheer ayaa qeybtaan ku soo gudbiyey farriin ku socota culimada Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida ay dadkooda ugu iftiimiyeen xaqa, isla markaana ay ugu cadeeyeen in dagaalka Khawaarijta uu yahay jihaad.

“Ilaahey ha idinka abaal-mariyo, sida aad xaqa umadda Soomaaliyeed ugu cadeyseen, una tusteen in Khawaarijtu ay ka been sheegtay diinta Alle,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ka codsaday inay sii xoojiyaan dadaalkooda ay ku garab istaagayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ka codsanayaa culimada inay iska xaadiriyaan furimaha, dhiirigeliyaan ciidamada, sii xoojiyaan dadaalka oo ay ka shaqeeyaan taakuleynya ciidamada halganka ku jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa codsaday in meel la iska dhigo wax kasta oo khilaaf ah, sida kuwa siyaasadda iyo qabyaaladda, isagoo dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu gacan haatiyey dagaalka Al-Shabaab.

“Waa in wiilasha Soomaaliyeed ay iska barbar dagaalamaan iyagoo meel uga soo wada jeeda cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed oo ah Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka digay isku dhacyada ku saleysan siyaasadda iyo qabaa’ilka.

“Walaalayaal waxaan maanta Alle hortiisa idinkaga codsanayaa in dhiigga muwaadin Soomaaliyeed uusan nooga daadan wax ka sokeeya jihaadka aan dalkaan uga ciribtireyno Khawaarijta oo ah cadowga dalka, diinta iyo dadka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu.

Jubbaland oo ka hortegtay weeraro qaraxyo ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday gooba ay joogeen Shabaab.

Howlgallada oo ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa lagu fashiliyay qaraxyo miino oo ay Al-Shabaab ku aasayeen inta u dhexeysa Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab geliyeen waddada, kadib xog ay ka heleen ilo dhanka amniga ah.

“Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubada hoose ayaa ku guulaystay in ay soo saaran miinooyin ay kooxda argagixisada ah galiyeen inta u dhaxaysa deegaanadda Buulaguduud iyo Janaa Cabdalle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska Jubbaland.

Qoraalka ayaa waxaa lasii raaciyay “Ciidanka booliska Jubbaland oo ka war hellay dhagarta ay maleegayeen Kooxda Argigixisada ayaa ka hortagay dhagarta cadowga ay umaleegayaan shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa intaasi ku dareen in shaqadan ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Jubbaland ayaa xustay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobollada Jubbooyinka, si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo lagad dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland/

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraradeed la bartilmaameedsata ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo isaga kala goosha deegaanadaas oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo labo arrin oo muhiim ah ka balan-qaaday ciidamada ku jira dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa jeediyey khudbad dheer ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley, una sameeyey balan-qaad culus.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda gudo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed oo ku taamaya in dalka laga wada xoreeyo argagixisada.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee Macawiisley ka balan qaaday inay soo daba fariisi doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.

“Geesiyaal waxaan idinka balan-qaadayaa in dhamaan umadda Soomaaliyeed aan idin soo daba fariisiyo, si ay idinkugu noqdaan garab iyo wehel aad dugsataan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisu ay guuleysatay maalintii uu go’aansaday inuu dagaal ku qaado kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

“Maalintii aan go’aansanay inaan halgan galno oo dulliga ka dul-qaadno umadda ayaan guuleysanay, guusha ugu dambeysa waa noo muuqataa, waana xaqiiji doonaa, insha allaah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale oo halgankaan ay ku muteysa karaan.

Hoos ka daawo

CC Shakuur: Maalintii ugu madowga badneyd Somalia si aysan usoo laaban waa in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay xuska 14 October ee qaraxii Soobe, ayaa ku tilmaamay maalintii ugu madowga badnehd taariikhda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in ujeedka kooxaha argagixisada ay tahay siday inoo silac dili lahaayeen, na argagax geliyaan, na dulleeyaan, na bahdilan ilaa aan iskaga dhiibno xukunkooda.

“Argagexisadu ma aysan weerarin ciidan ama xarun dawladeed, waxay beegsadeen shacab, ma ku qaldameen? Maya sidaa ayey rabeen, horay ayey Hoteel Shaamow iyo Hargaha iyo Saamaha dad ugu xasuuqeen, dhowaanna Beledweyne baabuur kii Soobe oo kale ah ku qarxiyeen,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida kaliya ee maalintaas xanuunka badan noogu soo laaban markale ay tahay in dagaalka kooxaha argagixisada loo midoobo, lala yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe qeexan, hal abuur, wacyi iyo abaabul ummadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Maanta oo ay ku beegantahay 14 Oktoobar waa maalintii ugu madowga badnayd taariikhda Soomaaliya, waa 11 Sabteebartii Afrika. Waa maalinkii ay argagexisadu naga xasuuqeen ku dhowaad kun ruux oo Soomaali ah, intoo kalana dhaawaceen, hanti boqollaal malyan ah burburiyeen, dhaawac maskax iyo nafsad umadd gaysteen.

Waxay dileen arday Iskuul aadaysa iyo macalinkooda, hooyo iyo aabe xusul duub ugu jira biilka maalinlaha ah, inan iyo inan dalka dibaddiisa uga yimid in ay waalidkood ka ducaystaan, wiil waxbarasho soo dhamaystay oo abaal celi lahaa, ku kale oo kaba baaralshe ahaa iyo mid shaqadiisa iyo ganacsigiisa u soo baxay.

Waxay agoonteeyeen ubad badan, waxay rajo beel ku rideen jiil dhan oo maalintaa go’aansaday in ay magafe u gacan galaan, derbiyadana ka daataan, dibna u laabtaan kuwii dalka maalgashan lahaa oo ay hantidoodii Nairobi, Istanbul iyo Dubai u wareejiyeen

Waxaa dadka sii niyad jebiyey markii hoggaankii dalka uu sheegay in ay argagexisadu naga caqiido fiican yihiin, lagana guulaysan karin, sawirro dhiig la shubayo iyo dhaawac booqasho hawshoodii ku ekeetay.

Argagexisadu ma aysan weerarin ciidan ama xarun dawladeed, waxay beegsadeen shacab, ma ku qaldameen? Maya sidaa ayey rabeen, horay ayey Hoteel Shaamow iyo Hargaha iyo Saamaha dad ugu xasuuqeen, dhowaanna Beledweyne baabuur kii Soobe oo kale ah ku qarxiyeen.

Ujeedkooda ayaa ah in ay na silac dilaan, na argagax geliyaan, na dulleeyaan, na bahdilan ilaa aan iskaga dhiibno xukunkooda waxshiga ah. Aqri buugga uu mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda qoray ee la yiraahdo
‎”ادارة التوحش” Maaraynta Waxshinimadka.

Sida keli ah ee aan isaga dhicin karnaa waa midnimo, iyo wadajir, istiraatiijiyad iyo qorshe qeexan, hal abuur, wacyi iyo abaabul ummadeed.

Ciidankii ka baxay Muqdisho oo maanta tegay Wisil kuna dhawaaqay go’aan culus

0

Wisil (Caasimada Online) – Labo urur oo ka tirsan guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay Wisil ayaa sheegay inay ka dagaalami doonaan deegaanada ay Shabaab kaga hareen gobolka Mudug oo Shabeelow uu ugu horeeyo.

Labadaan urur oo kala ah 9-aad iyo 10-aad ayaa safar ay uga baxeen Muqdisho ku maray gobollada dhexe oo dhan, ugu dambeyntii waxay maanta gaareen degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidankaan ku soo dhaweeyey degmo kasta oo ay safarkaan ku mareen, hadda waxay qorsheynayaan inay u gudbaan Shabeelow oo godad waaweyn ay Shabaab ka qoteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laga saari waayey koonfurta gobolka Mudug, waxay ka qaateen dhufeysyo waaweyn, waxaana hadda halkaas ku hor fadhiya ciidamo isugu jira guutada Abuu-dujaana iyo xoogagga deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa dagaalka Al-Shabaab, ciidamada Gor Gor oo dhawaan fasax ka soo laabtay ayaa dib loogu celinayaa dagaalka, waxayna qaarkood kaabiga ku hayaan deegaanadii ay ka xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.

Ciidamo kale oo ka tirsan Gor Gor ayaa shalay gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, degmadaas ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii ay dib uga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidan ka soo jeeda dadka deegaanka ayaa la geeyey Ruun-nirgood, kuwaas oo aan dib uga soo laaba doonin, sida ay qorsheysay beesha degta Ruun-nirgood.

 

 

Sawirro: Wafdi ka socda DF iyo QM oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa waxaa ku wehlinaya ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna isku-duwaha arrimaha bini’aadannimada George Conway.

Masuuliyiin uu horkacaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey wafdigaan.

Waxay intaas kadib kulan la qateen madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyada oo looga warbixiyey xaalada Baledweyne, cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay qaraxyadii Beledweyne Al-Shabaab ka gaysatay.

Sidoo kale waxaa guddiga warbixin laga siiyay xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo u kuurgalida xaladaha bini’aadannimo ee gobolka ka jira, u diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño, taas oo wata fatahaado iyo daadad culus.

Wafdiga ayaa intaas kadib waxay kormeereen kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada, waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xog wareestay xaaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah iyo goobaha uu ka jilicsan yahay webiga markastana ka fataho.

Kadib dhawaaqii DENI, mucaaradka oo farriin u diray beesha caalamka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay bayaan deg deg ah oo ay uga jawaabeyso hadal jeedintii madaxweyne Saciid Deni ee ugu dhowaaqay in Puntland ka qabsoomeyso doorasho madaxtinimo oo qof iyo cod ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Saciid Deni u bareeray baalmarka masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana uu qaadayo waxkasta oo ka dhasha ku tumashada heshiiska bulsho ee uu ku dhaqaaqay, sida lagu yiri bayaanka.

Madasha ayaa sidoo kale waxay farriin u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in aysan taageerin kana qeyb noqon wax kasta oo keeni kara qalalaase amni iyo xasilooni la’aan soo wajahda dalka iyo dowladnimada Puntland.

“Madashu waxay nasiib darro iyo masuuliyad darro ku tilmaamaysaa baalmarka heshiiska bulsho ee uu bareeray Deni, taasi oo khatar ku ah midnimada iyo dowladnimada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

“Madasha waxay cadeynaysaa in aysan aqoonsaneyn wax ka badelkii Dastuurka Puntland iyo dhismihii PEC loo maray si aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarkii doorashooyinka Puntland, sidaas darteed wax kasta oo PEC soo saarto ay yihiin sharci darro.”

Mucaaradka ayaa markale waxay ugu baaqeen Isimidda, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland in ay wada-tashi isugu yimaadaan sidii dowladnimada Puntland iyo hanaanka sharci uusan u dumin una dhicin qalalaase amni iyo firaaq dastuuriya.

“Madasha waxay marar badan cod dheer ku sheegtay damaca Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay Md. Saciid Cabdullaahi Deni inuu yahay xukun maroorsi iyo waqti kororsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka dowladda Puntland, waana arrin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Puntland.”

Madaxweyne Saciid Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod, taasi oo xilligaan ay diidan yihiin mucaaradka.

Hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe, taasi oo kal hore isku rogtay gacan ka hadal dhexmaray ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa maamulka.

6-sano kadib maxay ku sugan yihiin raggii geystay xasuuqii Soobe? Warbixin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa 14-ka October, lix sano ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysan tahay maalin hal goob looga dilay tiro dhan 600 oo qof, ugu yaraan 1,000 kalena looga dhaawacay, wuxuu xasuuqaasi ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii October sanadkii 2017-kii, muxuu ahaa sawirka guud ee maalintaas, maxaase Soomaaliya ka socda maanta?

Aan ku hormaro sidii xaal ahaa maalintaas: Dowladda Soomaaliyeed waa tabar yareed, shacbigu waxay la daalaa-dhacayeen abaaro-baahsan iyo saboolnimo, waxaase u dheeraa gumaadka iyo baadda dhaqaale ee Khawaarijta ku heysay oo lagu asteyn karo in Soomaalida aysan abid soo marin tan oo kale, difaaca ugu weyn ee dalku lahaa wuxuu ahaa dhagax lagu jaray jidadka muhiimka ah ee caasimadda, ciidamo cusub ayaa badbaadinta qarankaan tababar ugu maqnaa, Khawaarijtu waxay ku sii naaxeysay dhiiga shacab ay heysteen duruufaha aan tilmaamay iyo in ka badan.

Maxaa socda maanta? Jawaabta oo kooban wax kasta ayaa is bedelay: waxaa kobocday awoodii dowladda, waxayna qaadatay doorkeeda, waxaa qaranka loo dhisay ciidamo ku filan difaaciisa, waxaa dhiiraday shacabkii u hoga jiray gumeysiga Khawaarijta, askarigii difaaca uga jiray jidka Maka Al-mukarama wuxuu maanta Khawaarijta ku baacsanayaa misaafada ugu dambeysa bar kasta oo dalkeena ay ka joogaan.

Dhiigii ka quban jiray shacabka Soomaaliyeed, wuxuu hadda maalin kasta ka qubtaa Khawaarijta, qaraxyadii gilgili jiray caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa bedelay duqeymo joogto ah oo haada ku quudiya hilbaha Khawaarijta.

Dhaqaale malaayiin dollar ah oo bil kasta ay ka dhici jireen ganacsatada Soomaaliyeed ayey dowladdu ku guuleysatay inay ka jarto Khawaarijta, taasi waxay sababtay in cadowgu ruux-baxo, shacabkuna dhiirado oo dowladiisa ku garab istaago soo afjaridda kooxdaan.

Lix sano kadib qaraxii Soobe, Muqdisho maanta waa nabad, dadkeedu cabsi kama qabaan qaraxyadii Khawaarijta iyo dilalkii qorsheysnaa, madaxdii qarankaan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ugu horeeyo ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka.

In shacbiga reer Muqdisho ay dhiiradeen oo yaqiinsadeen in Khawaarijtii gumeysay ay dowladdu jebisay, waxaa la rumeystay maalmihii uu caasimadda ka curtay kacdoonka ‘Guul ama Geeri’ oo halganka dowladda ee Khawaarij iska xoreynta loogu muujiyey garab istaag buuxa.

Maal, maskax iyo waqti waxay hadda dowladda Soomaliyeed isugu geysay sidii dalkaan loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, ajendaha hoggaaminta dalka ee madaxweynaha qaranka ayaa baalka hore looga qoray dagaalka Khawaarijta.

Si taas looga mira-dhaliyo wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh labo bilood ka hor ka guuray madaxtooyadii uu ku shaqeyn jiray ee caasimadda Muqdisho, wuxuu subax kasta xaadiraa xafiiska hoggaaminta dagaalka Khawaarijta oo laga dhex-furay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxay dowladda Madaxeyne Xasan Sheekh dejisay ajende qeexaya qorshe dagaal oo muddo kooban dalka looga ciribtirayo argagixiso oo dhan, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo xasilooni ay ku nagaadaan, waayo badana ay naawilayeen.

 

Faahfaahinta Qarax ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo boolis ah lagula eegtay xaafadda Waxar Cadde  oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la qarxiyay ay ahaayeen kuwa miino baarista ee loo yaqaabo K9, kuwaas oo inta badan howlgallo ka sameeya gudaha caasimada.

Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay, qaraxaan halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Maydadka askarta ku geeriyootay weerarkan ayaa la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee C.I.D, halka kuwa dhaawacyada ah la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday ciidanka dowladda.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo ay soo maleegaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Halka uu marayo howlgalka sifeynta isku milanka dowladda iyo Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay billowdeen howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa barbar socday howl-gal lagu sifeynayo isku milanka dowladda iyo kooxda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA oo baaris ku haysay arrintaan ayaa waxay usoo qab-qabatay la shaqeynta Al-Shabaab saraakiil iyo masuuliyiin dowladeed.

Isku milanka dowladda iyo kooxda ayaa sanadihii lasoo dhaafay gaaray heer aan la suureysan karin, ayada oo kooxda xubno kala duwan ku abuurtay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaasi oo qaarkood ay adkeyd in laga shakiyo kahor baarista lugaha la gashay.

Intii uu socday howl-galka sifeynta ah ee hay’adaha dowladda waxaa kooxda Al-Shabaab u baxsaday shaqsiyaad ugu dhex jiray dowladda, oo xogteeda u gudbin jiray kooxda, kadib markii ay soo galeen raad la xiriira howl-galka sifeynta ee waddo NISA.

Sida uu kal hore shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la shaqeynta Al-Shabaab loo soo xiray saraakiil, kuwaasi oo qaarkood loo haysto inay kooxda u fududeeyeen gaarista bartilmaameedka qaraxyada ay soo diyaariyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, islamarkaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhex-galay.

“Ciidanka Nabad-sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii, hadda dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxaa ugu dambeeyay shaqsiyaadka dhanka kooxda Al-Shabaab aaday Abwaan Nageeye Cali Khaliif, oo si aad ah uga agdhawaa qaar kamid ah madaxda sare ee dalka.

Ninkan ayaa ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda, islamarkaana aad looga yaqaano dalka, waxaana la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray.

Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Si kastaba, Howl-galka sifeynta ayaa loo arka mid laf-dhabar u ah dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab, maadaama ay adag tahay in laga adkaado koox aad dagaalsan tihiin oo xubno kugu dhex leh, oo xogtaada loo gudbinayo.

Biixi oo hanjabaaddii u dambeysay u diray SSC iyo PUNTLAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka looga adkaaday ee ka socda Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa hanjabaad culus u diray SSC-KHAATUMO iyo sidoo kale maamul goboleedka Puntland, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin cadowga Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in aysan aqbali doonin in taako kamid ah Somaliland lagu soo xadgudbo, isla-markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo soo tallaabta.

“Haddii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo, lana ogolaan in uu taako soo gudbo” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan ogolaanayn in maamul gooni laga dhiso gobollada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso saddexaas gobol.

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar culus ku qaaday Puntland, isaga oo ku eedeeyay inay waddo dhul ballaarsi, ayada oo adeegsaneysa  hab qabiileysan.

“Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somaliland.

Waa markii labaad ee uu madal kasoo muuqday madaxweyne Muuse Biixi, tan iyo wixii ka dambeeyay 25-kii August oo ciidankiisa lagu jabiyay dagaalka Laascaanood.

Si kastaba, xaaladda ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo is uruursi ciidan ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sool.

Askar iyo saraakiil ku geeriyooday duleedka Muqdisho, kadib markii…

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Carafaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay ka socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamullada degmooyinka Balcad iyo Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga rogmaday ayaa ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday dhanka degmasa Balcad, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed.

Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo kale oo la socday gaariga gadoomay oo ahaa nooca dagaalka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan shilkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa shilalka ay kusoo badanayeen laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho oo dhawaac lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana loo sababeynayaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiida marka ay isaga kala gooshaan labadaasi magaallo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, kuwaas oo sababa khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama aysan jirin isla xisaabtan dhab ah iyo shuruuc lagu hago gaadiidleyda dalka.

Xasan Shire Abgaal oo si yaab leh ugu jawaabay DENI “Iska hadlow Ina Igarre”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa ka jawaabay shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabaya hadalka Saciid Deni ayaa ku tilmaamay nin iska hadlay, xilli mucaaradka ay diidan yihiin hanaanka doorasho ee uu ku dhawaaqay Deni, kaasi oo ay sheegeen in uu ku ladhan yahay qorshe muddo kororsi ama xukun maroorsi.

Xasan ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri “Iska hadlow ina Igarre”.

Mucaaradka ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmi kahor shir ku qabsaday Garoowe ayaa isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe, taasi oo kal hore isku rogtay gacan ka hadal dhexmaray ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa dowladda.

Daawo: DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinta Abwaan NAGEEYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab, arrintaas oo dhalisay hadal hayn aad u weyn.

Ninkan oo sidoo kale ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadda Ummadda, isla-markaana aad looga yaqaano dalka ayaa waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray.

Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, MudaneAxmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Abwaan Nageeye, wuxuuna sheegay inay la yaab ku noqotay inuu ninkaas ku biiray Al-Shabaab.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma dadkaa wax dhageysan mise isagii ayaa haddda wixii soo daayay oo horaa looga duubay.”

Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkan uu isku qarxin karay madax badan, maadaama uu galaangal ku dhex lahaa dowladda, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartiisa.

“Alxamdulilaah, haddii uusan isku keyn qarxin ilaahey fadligiisa ayay aheyd intuu isku rakibo oo meeshaan oo kale uu yiraahdo gabay ayaan tirinayaa oo isku kaaya qarxin” ayuu ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa eedda ninkan dhabarka u saaray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sheegay in xilligaas aad la’iskuugu milmay, sida uu hadalka u dhigay.

“Eeddaas dowladdan ma lahanee fursad baa la siiyay dadka inay is dhexgalaan, dowladdii horaana bixisay,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, isla-markaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhexgalay.

“Ciidanka Nabad Sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii hadde dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Sucuudiga oo go’aan cusub ka qaatay xiriirka ISRAEL

0

Riyad (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israa’iil, ilo-wareed ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

“Sacuudi Carabiya ayaa go’aansatay in ay hakiso doodda la xiriirta suurtagalnimada in xiriirka caadi laga dhigo, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka,” ayaa AFP u sheegay qof la socda wadahadallada.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu Sabtida maanta ah la kulmay dhiggiisa Sacuudiga, taasi oo ah booqashadii ugu dambeysay oo uu ku marayo lix dal oo gobolka ah.

Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka ay ku yaalaan goobaha ugu barakeysan Islaamka ayaan waligeed aqqoonsanin Israel, kumana jirto heshiiskii Abraham ee uu 2020-kii Mareykanka dhexdhexaadiyey kaasi oo dalalka Khaliijka ee ay jaarka yihiin ee Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco ay xiriir rasmi ah la sameysteen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaasi oo kale.

Riyadh ayaa soo bandhigtay shuruudaha ay ku beddelanayso in ay caadiyeyso xiriirka Israel waxaana ka mid ah in Washingto ay siiso dammaanad qaad amni iyo in laga caawiyo horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee rayidka.

Wareysi uu siiyay Fox News bishii hore, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa yiri “maalin walba waan ku sii dhowaaneynaa” heshiis, inkastoo uu sidoo kale ku adkeystay in arrinta Falastiin ay “aad muhiim ugu tahay” Riyadh.

“Waxa aan u baahannahay in ay arrintaasi xallino. Waxa aan rabnaa in aan fududeyno nolosha dadka reer Falastiin,” ayu uku yiri wareysigaasi.

Heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga ayay khubaradu u arkayeen mid aan sahlanayn xittaa ka hor dagaalka ka dhex qarxay Israeli iyo Xamaas.

Jimcihii ayay Sacuudi Carabiya canbaareysay qixinta Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo weerarada “shacabka aan difaaca haysan” waana bayaan ku qornaa luqaddii ugu adkayd oo Israel lagu dhaleeceynayo ee ka soo baxa Sacuudiga tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa si lamid ah khasaaraha rayidka ka dib kulan uu maanta la yeeshay Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Waa xaalad murugo leh, waa xaalad aad u adag, waxaadna ogtihiin, dadka ugu horreeya ee xaaladdan ku dhacday waa rayidka, dadka rayidka ah ee labada dhinacba aad ayay u saameysay,” ayuu yiri.

“Mudnaanta hadda, waxaa loo baahan yahay in la joojiyo dhibaata dheeri ah oo rayidka gaarta, halkan waxaan u baahannahay in aan helno hab aan si degdeg ah u qaboojinno xaaladda, si degdeg ah loogu soo celiyo nabadda – ugu yaraan joojinta dagaalka – ka dibna ka shaqeyno wax ka qabashada caqabadaha ka jira xaaladda bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Blinken, ayaa dhankiisa muujiyay dadaallada lagu sameynayo “goobo nabdoon” oo ku yaalla Gaza iyo sidoo kale “jid si gargaarka bini’aadanimo uu u gaaro dadka u baahan,” ayuu yiri.

“Ma jiro qof naga mid ah oo doonaya in aan aragno dhibaatada soo gaaraysa dadka rayidka ah dhinac kasta, haddii ay tahay Israa’iil, hadday tahay Gaza, hadday tahay meel kale, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii aan u ilaalin lahayn,” ayuu yiri.

VOA + AFP

DENI oo si rasmi ah ugu dhowaaqay nooc doorasho oo ay diidan yihiin mucaaradka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in Puntland u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waqtigaan suurta-galnimadeeda shaki galiyeen mucaaradka, ayna ka horyimaadeen.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka uu ka shaqeyn doono guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

“Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bayaan ay shirkaas kasoo saareen isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.”

Xog: Xildhibaanadii uu kuraasta u soo boobay Laftagareen oo yeeshay kulan isaga ka dhan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho galabta waxaa lagu wabtay kulan xasaasi ah oo inta badan Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela Koonfur Galbeed ay isugu yimaadeen, kulankaas waxaa shir guddoomiye guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo shalay diyaarad u socotay Baydhaba amar ka yimid K/Galbeed looga reebay Xildhibaan Balaag oo siday meydka walaalkiis oo geeriyooday, lana doonayey in lagu aaso magaalada Baydhaba.

Inta badan Xildhibaanada laga soo doortay K/Galbeed ayaa ka quustay inay tagaan Baydhaba iyo deegaanada kale ee maamulkaas oo dib ay ugu laabtaan dadka ay metelaan, arrintaani waxay salka ku heysaa doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Laftagareen uu diidan yahay in la qabto hadda, maadaama uu sameystay muddo kororsi.

Xildhibaanada maanta ka shiray qorshaha Laftagareen, isaga ayaa soo siiyey kuraasta xiligii doorashada, wuxuuna ahaa hoggaamiyaha kaliya ee soo saartay xubno uu aaminsanaa inay si buuxda u taabacsan yihiin.

Hadda, Laftagareen waxaa garbihiisa baneeyey inta badan xubnihii uu kuraasta u soo boobay, waxaa ku hartay qiyaastii 10 xildhibaan oo weli wax ka maqasha, K/Galbeed waxaa laga soo doortaa xildhibaanada ugu badan, balse xubnaha uu Laftagareen soo siiyey kuraasta intooda badan uma aysan noqon sidii uu ka rabay.

Xildhibaanada Muqdisho ku shiray waxay gaareen go’aano adag, maadaama laga hor istaagay deegaanadii laga soo doortay, waxay Xildhibaanada qaar u sheegeen Caasimada Online inay sii badi doonaan tashiyada oo kulamo kale ay qaba doonaan saacadaha soo socda, markaas kadibna ay soo saari doonaan go’aankooda.

Kulanka xildhibaanada wuxuu ku soo aaday xili maanta uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in la mideynayo oo isku waqti la qabanayo doorashooyinka dalka heer federaal ilaa heer dowlad goboleed, hadalkaas ma farxad gelinayo siyaasiyiinta ka soo hor jeeda Madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo doonaya in doorashada maamulkaas lagu qabto waqtigii lagu heshiiyey oo ah bilowga sanadka soo socda iyo gabagabada sanadkaan.

Ugu yaraan labo mar ayey Dhuusamareeb ugu tageen madaxweynaha, balse kulamadii dhacay lama shaacin natiijadooda rasmiga ah, waxay isku dayeen si kasta oo Baydhaba ku tegi karaan, laakiin uma noqon, madaxweyane Xasan Sheekh oo ay u dacwoodeen wuxuu u muuqdaa nin meel iska dhigay muran doorasho oo muhiimadda shaqadiisa uu isugu geeyey dagaalka Khawaarijta.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay siyaasiyiinta K/Galbeed kulamo xasaasi ah ku qabtaan magaalada Muqdisho, kadibna cadeeyaan mowqifkooda doorashada iyo safarkooda suurta geli waayey ee Baydhaba.