25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Xuska 14-ka October ee qaraxii Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii, islamarkaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka, islamarkaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo daddaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar waa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag, kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxaha Khawaarijta, waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo kuwo ay ku hayeen kooxaha Khawaarijtu, haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, islamarkaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux, halka la waayey dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee uu geystay qaraxaasi, waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka, taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe, haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda khawaarijta waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha khawaarijtu ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda, sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

Sida cad, wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira, sidaa daraadeed waa muhiin in ciidan iyo shacab ay ka shaqeeyaan danta umadda, gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka, daryeelka bulshada, ka qeyb-galka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka .

Sidoo kale haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah, waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga, islamarkaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga, waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

SONNA

Ciidamada xoogga oo la wareegay Ruun-nirgood iyo xogta qorshaha dagaalka ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta oo Jimco aheyd gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada qaranka.

Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya Ruun-nirgood, waxaana ciidamada qeyb ka ah kuwo deegaanka ah oo laga abaabulay Muqdisho iyo deegaanada ay degto beesha iska leh degmadaas, kuwaas oo ku socda qorshe looga baaqsanayo in mar dambe dib looga soo baxo Ruun-nirgood.

Ciidamada huwanta ah wax iska caabin ah kalama aysan kulmin kooxda Al-Shabaab oo si nabad ah ayey ku galeen degmada Ruun-nirgood, kadibna waxay galabta magaaladaas ka sameysteen fariisimo.

Markii la xaqiijiyo amniga degmadaas, waxay saraakiishu noo sheegeen inay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee ka maqan gacanta dowladda, waxaana Ruun-nirgood sii difaaci doona ciidan u badan kuwa deegaanka oo lasoo abaabulay.

Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in aysan joogin dhamaan degmooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada dowladda, wixii ka dambeeyey markii uu dhacay weerarkii Cowsweyne, kooxda ayaa wixii maleeshiyaad ka joogay gobollada dhexe isugu geysay dalka ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sagootiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda geli doona degmooyinka aan ku jirin gacanta dowladda ee Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

In Shabaab aysan joogin deegaanadii laga soo baxay waxaa xaqiijiyey ciidamo maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, kuwaas oo safar dhulka ah ku tegay degmada Xarardheere.

Degmada Ceeldheer oo ugu weyn degmooyinkii laga soo baxay ayey sii mareen ciidamadaas, waxay joogeen maalin dhan, waxay ka fujiyeen calamadii ay derbiyada ku dhejisay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga sii gudbeen degmada Xarardheere oo ay markii hore u socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya qorshaha dagaal ee Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar uu dalka Eritrea ku tegay isagoo kormeeray ciidamada loo soo tababarayo dalka, wuxuu hadda ku soo laabtay Muqdisho, wuxuuna uga sii gudbi doonaa saldhigga uu dagaalka ka hoggaamiyo ee Dhuusamareeb.

Maalin ka hor Dhuusamareeb waxaa ka gudbay labo urur oo ciidanka Gor Gor ah, kuwaas oo Jimcihii maanta tegay degmada Baxdo, ciidankaas waxaa la sheegay inay xooji doonaan dagaalka ka socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo Shabaab-ka jooga gobollada dhexe uu awoodiisa isugu geeyey.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta laba xisbi kaliya looga dhisayo dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii uu jeediyey Jimcihii maanta qeyb ka mid ah wuxuu kaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada, kuwa federaalka iyo nidaamka kursiga Ra’iisul Wasaaraha loogu bedelayo Madaxweyne ku xigeen, markii la gaaro sanadka 2026-ka.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaad ku saabsan sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabaliga ah, isagoo dadka ku qanciyey heshiiskii ay gaareen golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

“Xisbiyo qabiil dalkeenu ma qaadi karo, labada xisbi waxaan ku dooranayo inaan qaadano, in qof kasta uu ku khasbanaado inuu raaco siyaasi aan ku heyb aheyn, si meesha looga saaro isbaheysiga qabiileysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guul-dareysatay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla dhameystaan muddo xileedkooda, isagoo sharaxay sida nidaamka madaxtooyada uu meesha uga saari karo khilaafaadkii looga bartay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxu sheegay in dowladii ugu rooneed ay yeelatay laba ra’iisul wasaare, tan iyo 1960, taas oo ka dhigan in aysan jirin hal madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihiisa oo muddo xileedkooda isla dhameystay.

“Dunidu waxay isku dayday inay dolwad noo dhisto, laakiin anagu wax aanaan qabsan nooma qabsoomayaan, Soomaali ayaa dowlad dhisan karta, waxaana ku gaareynaa jidka aan maanta heyno ee nala qaata,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiintii kuraasta boobtay xiligii dowladii Farmaajo ay qabaan in doorashadii oo kale aan loo laaba karin, isagoo sheegay in khasab ay tahay in sidii hore waxa laga bedelo.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay dood ku saabsan in madaxweynaha la soo doorto markii la qaato nidaamka hadda lagu heshiiyey uu awood badan uu yeelanayo, kaligiis taliyana uu noqon karo.

“Ma jirto cid xoog ku xukumi karta dalkaan, waan soo aragnay in Soomaalida aan la qasbi karin, marka waxaan dejinay qorshe looga gudbi karo is qabqabsi,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan oo jeediyey khudbad xasaasi ah kana hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, kadib salaadii Jimcaha, wuxuuna si qota dheer kaga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ka xunyahay dhibaatada heysata dadka reer Falastiin, isagoo xusay in dhibaato taas lamid ah ay Shabaab ku hayaan Soomaalida.

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday naqdinta ficillada guracan ee Khawaarijta, isagoo muujiyey rajo weyn oo uu ka qabo in dowladda uu hoggaamiyo ay soo afjari doonto kooxdaan.

“Waxaan ku jirnaa dagaal, hadii maalin aan guul-dareysano, macnaheedu maaha inaan dagaalka ku jabnay oo aan guul-dareysanay, jidka halganka waa mid qalqalooc badan dhexda ayaan maanta ka taaganahay, waxaana gaari doonaa guusha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in caalamka ay ka jirto xagjirnimadaan, balse Shabaab-ku ay ku tarmeen dowlad la’aantii ka jirtay dalkeena, “Sababta ay noogu bulaaleen waa in dalkeena aysan xiligaas dowladnimo ka jirin, waxaan inaan ka baxno waxaan ku gaari karnaa inaan dalkaan dowlad u dhisno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dowladnimadu u leedahay dadka Soomaaliyeed iyo dariiqa lagu gaari karo, “In dowlad aan yeelanayo waxay ugu horeyn muhiim u tahay ilaalinta diinta suuban ee Islaamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay u kala qeybsan tahay qabaa’il, balse ay ka dhaxeyso diinta islaamka, halkaas ayuu sheegay in Shabaab ay naga soo galeen, maadaama ay dadkaan Soomaaliyeed mideysay diinta suuban ee islaamka.

“Diinta hadii aan loo helin dowlad ilaalisa, maalin kasta mid xagjir ah ayaa noo imaanaya, daawada mushkiladaha na heysta waxay ku soo koomayaan dowlad la’aanta ee dowladnimada aan wada dhisano,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masjidka salaadii Jimcaha kadib.

Hoos ka daawo

Waa kuma Nageeye Khaliif oo la sheegay inuu aaday Al-Shabaab? + Qorshaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday sawirka iyo magaca Nageeye Cali Khaliif, oo ahaa macalin jaamacadeed iyo Abwaan aad loo yaqaano dalka, wuxuuna abuuray ninkaasi hadal heyn aad u weyn.

Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isaga qoray, waxaa sidoo kale la faafiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla jubooyinka oo kooxda Al-Shabaab ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Nageeye Cali Khaliif waa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, xarunteeda ugu weyn ee Muqdisho, waa Abwaan tiriyey suugan badan oo markii dib loo dhageystay laga dhex fahmay xagjirnimadiisa, wuxuu ahaa saxafi xirfad sare lahaa iyo qoraa keydiya suugaanta iyo taariikhda.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay war sheegaya in Nageeye uu ku biiray kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa dagaal la aaminsan yahay in mar dhow lagu soo afjari doono, aad ayuu Facebook wax ugu daabici jiray, balse weli sooma hadlin si uu u cadeeyo mowqifkiisa.

Nageeye Khaliif ayaa horay wareysiyo looga qaaday ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1992, ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuna soo barbaaray deegaanada Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku soo qaatay.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaas ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.

Shaahaadada 1-aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa.

Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada.

“Anigu waxaan tan iyo carruurnimadii ahaa dadka suugaanta jecel, weliba anigoo yar oo maqasha raaca. Hooyaday gabayada ay tiriso ayaan xifdi jiray,” ayuu yiri Nageeye.

Sannadihii 2011, 2012 iyo 2013 ayuu sheegay inuu suugaan samayn jiray, laakiin uusan dadka tusi jirin.

Dhowrkii sano ee u dambeysay wuxuu Nageeye Cali Khaliif ku noolaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa hormuudka kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Dadka yaqaanna Nageeye Cali Khaliif waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin hal adag oo mowqifkiisa aan beddelin ee ku adkaysta.

Bishii Disembar 2018 ayaa Nageeye wuxuu ka mid ah dad tartan u galay shaqooyin BBC ka banaanaa, laakiin ma uusan ka mid noqon dadkii shaqooyinkaas loo qaatay.

Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo xiligaas Tifaftire ka ahaa laanta af-Soomaailga ee BBC ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sababta aan Nageeye shaqada loogu qaadan.

“Inta aan madaxa ka ahaa BBC News Somali, Nageeye Cali Khaliif shaqo ayuu naga soo dalbaday, waana u qalmay. Balse wuxuu diiday inuu ballan qaado inuu joojin doono soo bandhigidda fikirkiisa siyaasadeed ee ku aaddan gooni isu taagga Somaliland. Wuxuu rabay inuu sii wato gabayadiisa looga soo horjeeday isagoo weriye madax banaan ah. Taasna waa ii cuntami weysay, maadaama aan dhexdhexaad ahayn. Laakiin waxaan u fahmay inuu yahay qof ku ad-adag waxa uu aaminsan yahay,” ayuu Cabdullaahi ku yiri qoraalkiisa.

Maamulka Jaamacadda Ummada iyo dowladda Soomaaliya waxay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan warka sheegaya in Nageeye Cali Khaliif uu Shabaab ku biiray, kadib xariiro aan la sameynay.

Caasimada Online waxay saraakiil ka tiran hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya ka heshay xog sheegeysa inay baaritaan ku waddaan halka uu ku dambeeyo Nageeye.

Waxay saraakiisha nala hadashay noo sheegeen inay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay sheegeen hay’addaha amniga ay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah, Axadii lasoo dhaafay ayaa Nageeye ugu dambeysay dadkiisii, sida aan ka helnay xogta ay hey’adaha ammaanku hayaan.

Waxaa hawada ka maqan taleefanadiisii, waxaana la aaminsan yahay inuu u goostay Al-Shabaab, arrinta Nageeye ayaa ka yaabisay dadka Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa nin bulshaawi ah, aqoonyahan ah, shaqooyin fiican heysta, lahaana taageerayaal badan oo ka helay suugaantiisa iyo xirfadiisa macalinimada.

Wareysi: Sheekh Bashiir oo shaaciyey go’aano culus oo culimadu ku gaartay Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay inay u istaagayaan dib heshiisiinta qabaa’ilka iyo xal u helidda colaadaha ka jira gobollada qaar.

Culimada shirtay ayaa bayaankooda ku sheegay inay u istaageen dardar galinta doorka ay wadaaddada diinta ku leeyihiin arrimaha dib u heshiisiinta.

Culimada ayaa sheegay in tallaabooyin badan ay qaadeen kadib markii ay kordheen dilalka ka dhasha colaadaha iyo aanooyinka qabiillada oo gaartay heer carruurta iyo arday jaamacadaha dhigta la iska dilo.

Colaadaha qabaa’illada ayaa ahaa kuwo muddo dheer kasoo jiray Soomaaliya dhexdeeda, haddaba maxaa keenay wadaaddada diinta inay xilligaan ku baraarugaan, waxaa la weydiiyey Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda VOA.

“Culimadu waxay go’aansatay in la dhiso hey’ad ka shaqeysa dib u heshiisiinta, dhismaha hey’adaas guddi ayaan u saarnay, waxyaabaha ay dadku isku qabsadaan oo inta badan gacan ka hadalka keena, waxaan ka samey doonaa wacyi gelin iyo talooyin dardaaran ah,” ayuu yiri.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah culimadii shirka ka qeyb-gashay ayaa ku jawaabay in hadda ay culimadu rumeysatay in dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah uu gacanta u galay hub badan, taasina ay sababi karto in colaaduhu sii kordhaan.

“Waxaa hadda meelo badan ka dhacaya dagaaladii qabaa’ilka Soomaalida u dhaxeeyey, markaan ogaanay in aanooyinkii qabiilka ay sii badanayaan waxaan isugu imaanay in wax la iska dhaho arrintaan, si aan gacan uga geysano joojinta dhiigga qubanaya,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waxaa soo dhordhay dhaqan aan Soomaalida looga baran, waxaa is gumaadaya beelihii Soomaalida, dadka in la wacdiyo ayaa naga go’an waana waajib na saaran, dad badan oo waxgarad ah ayaan la hadalnay, in cadaaladda la hor geeyo qofkii dhib geysta ayaan ku baraarujinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Bashiir.

Hoos ka dhageyso

Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Firdhiye iyo arrimaha laga wada-hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC-Khaatumo ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Firdhiye ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha la wadaagay aragtida, hiigsiga dadka deegaannada SSC iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalka ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii labaad ee madaxda sare ee dalka ay la qaatan hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, ayada oo kii hore lagu balamay inay sii socdaan kulamada labada dhinac, maadaama uu ahaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay si gaar ah ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan u muuqata mid muhiimad gaar ah siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

DF Somalia iyo saaxiibada caalamka oo shir uu uga furmay Ankara + Ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka socda shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkaan oo noqonaya kii afaraad ee noociisa ah ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa si gaar u dul istaagaya arrimaha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadannimada iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata gudaha Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa shirkaan ayaa shaaciyay “in shirka si weyn looga hadlayo dhimista ATMIS-ka iyo dadaallada la-dagaalanka argagixisada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Iyada oo ay ka soo qeyb-galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaalada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/Istaraatiijiyadda la-dagaalanka argagaxisada, kala-guurka ATMIS, xasilinta, iyo shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimadda uu kulankaan u leeyahay dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka, oo qiray inay garab taagan yihiin.

“Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amniga caalamiga ah.”

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdicasiis Bin-Saalax ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ay dowladdu ugu jirto wax ka qabashada arrimaha ammaanka.

“Qatar waxay diyaar u tahay in ay taageerto qorshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Bin-Saalax oo adkeeyay taageerada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhbut Bin-Nahyan ayaa markale ku celiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay Somaliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa horay u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, wuxuuna Imaaraadka xilligaan door muuqda ka qaata dhismaha ciidanka, gaar ahaan tababarada iyo kharashaadka ku baxa, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Israel oo amartay shacabka inay Magaalada Gaza uga baxaan 24 saac + Qorshaha

Gaza (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa Jimcihii ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Magaalada Gaza, oo gaaraya in ka badan 1 milyan, inay 24 saac ugu guuraan koonfurta, xilli ay taankiyo soo dhoobtay meel u dhow Marinka Gaza.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaalada.

“Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas Khamiistii yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeynayaan Gaza, ayaga oo sheegaya inay ka aargudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maalmaha soo socda, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego.

Bayaan uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa afhayeenka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri “IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftooda, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.”

“Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo laabataan magaalada Gaza kaliya marka ogeysiis kale oo fasaxaya la sameeyo. Ha u dhowaanina aagga xayndaabka ammaanka ee dawladda Israel,” ayuu yiri.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan suurta-gal aheyn in tallaabo noocaas ah ay dhacdo “ayada oo aysan ka dhalan cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.”

“Qaramada Midoobay waxay si adag u codsanaysaa amar kasta oo noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, in la laalo iyada oo laga fogaanayo wax xaalad musiibo ah u beddeli kara xaalad markii horeba silac aheyd,” waxaa sidaas yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

Safiirka Israel ee QM, Gilad Erdan ayaa jawaabta QM ee digniinta Israel ay siisay dadka degan Gaza ku qeexay “mid ceeb ah.”

Sarkaal ka tirsan Xamas ayaa sheegay in digniinta la xiriirta Gaza ay tahay “dacaayad been abuur ah,” waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan ku kadsoomin.

Israel ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii Sabtidii, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Warbaahinta dadweynaha Israel ee KAN ayaa sheegtay in dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,300 oo qof. Maamulka Gaza ayaa sheegay in la dilay in ka badan 1,500 oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan.

“Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC.

REUTERS, VOA

UK ‘oo sababo amni darteed’ u weecisay duulimaadka shirkadda Kenya Airways

London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa xaqiijiyey in duullimaad ay leedahay shirkadda dayaaradda dayaaradaha ee Kenya Airways oo ku sii jeedday garoonka dayaaradaha ee Heathrow ee London ayaa lagu amray in ay ku degto garoonka Stansted ee waqooyiga bari ee London.

Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira galabnimadii 12 Oktoobar.

Sababta leexinta waxaa lagu sheegay in ay tahay khatar amniga ku saabsan, ayadoo warbaahinta maxalliga ahna ay werinayeen in kooxaha bambooyinka ku takhasasusay la arkayey ayagoo halkaa iu sii degdegaya.

“Waxaan wakhtigan la tacaalaynaa xaalad ka taagan garoonka Stansted. Dayaarad ka timid Nair obi oo u socotay Heathrow ayaa loo leexiyey Stansted galabta (Khamiid 12 Oktoobar). Garoonka weli waa uu furan yahay” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska Essex soo dhigay barta X.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay jirtay khatar laga cabsi qabay oo keentay in duullimaadkaas la leexiyo.

Habeennimadii ayaa shirkadda Kenya Airways waxay soo saartay qoraal aan midkaas wax badan uga duwanayn.

“Maamulka KQ oo la shaqaynaya maamulayaasha amniga ee xukuumadda Kenya iyo UK ayaa qaaday qiimayn ballaaran oo ku saabsan khatarta. Shaqaalaha dayaaradda saarnaa waa la wargeliyey, waxaana la qaaday dhamaanba wixii talaabooyin ahaa ee la xiriiray si loo xaqiijiyo bedqabka shaqaalaheenna iyo rakaabka” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah hadalkaas qoraalka ah.

Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga hortegey dayaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ka dib markii degdeg loo wargeliyey. Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Faransiiska.

Wasaaradda difaaca afhayeen u hadlay ayaa yiri “Dayaarado ah nooca Typhoon oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee RAF ee saldhigoodu yahay Coningsby ayaa la diray si ka hor tag ahaan ah galabtan si ay u baaraan dayaarad rayid oo ku soo dhawaanaysay UK”.

“Dayaaradaas nooca rayidka ah ayaa xiriir la samaynaysay shaqaalaha hagidda dayaaradaha ee dhulka jooga, waxaana lo soo galbiyey garoonka dayaaradaha Stansted oo si bedqab leh ay uga soo degtay”.

Flightradar24 data oo ah bar lagala socdo dhaqdhaqaaqyada duullimaadyada caalamka ayaa isna sheegay in dayaaraddaas oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner ay ka soo duushay magaalada Nairobi saacaddu markii ay ahayd 09:18 subaxnimo, ka dib 13 daqiiqo oo ay dib u dhacday.

Dayaaradda ayaa ku dul haadaysay jog gaaraya 17,000 oo cagood kanaalka English Channel ka hor intii aysan soo dhaadhicin ayadoo ku sii socotay dhanka waqooyi eek u dhereran bariga xeebta Kent.

Dayaaraddu waxay sii waddaay daadegiddeeda ayadoo raacday xeebta xeebta badda waqooyi ka dibna Essex, waxayna fariisatay garoonka Stansted 4:45 galaabnimo saacadda Afrikada bari.

“Waxaa dhamaanteen na hareereeyey boolis. Dhamaantood waxay wateen qoryo, waxayna xirnaayeen dares madow, waxayna na weydiinayeen aqoonsi. Kabtanka waxba ma uusan dhihin” ayey tiri haweeney dayaaradda saarnayd.

Isniintii ayaa duullimaad kale oo ay leedahay Kenya Airways, isagana kala gooshayay Nairobi iyo Heathrow London waxaa uu dalabaday gargaar caafimaad oo degdeg ah ka dib markii mid ka mid ah rakaabka uu xanuunsaday sida ay shirkaddu sheegtay.

“Shaqaalaha dayaaradda oo ay taageerayeen laba dhakhtar iyo hal kalkaaliye ayaa caawiyey qofkii xanuunsanayey ayadoo loo fidiyey gargaar caafimaad, , kabtankana wuxuu ku dhawaaqay in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo baahan yahay isagoo la hadlayey qaybta hagidda dayaaradaha” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Isha: BBC SOMALI

Israel oo shuruud adag ku xirtay in ay go’doominta ka qaado Marinka Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa shalay ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa bartiisa X (ex-Twitter) ku sheegay in aan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, islamarkaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil.

Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga”

Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee ma sheegin xilli rasmi ah.

Waxay masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah, kuwaasi oo qorshuhu yahay inay fuliyaan howlgal dhulka ah.

Mareykanka ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay.

Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay.

Sawirro: Wasiir Alcadaala oo ku dhowaaqay in lasoo afjaray hawlgalkii sifeynta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al Shabaab si buuxda uga saaraan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaateeyaan HirShabelle iyo Galmudug, balse ay ciidanku maanta soo geba-gabeeyeen joogitaankoodii deegaankaasi.

“Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirshabelle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaahay mahadiis saakay ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen.

“Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u baxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidamaduna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan meesha ay taggaanba ay uga daba taggaan,” ayuu yiri Alcadaala oo VOA la hadlay.

Shabaabka ayaa ku dhawaad muddo afar toddobaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lahaayeen beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) illaa dhulka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga.

Shabaabka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, islamarkaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Shabaab oo laga cabsi qabo inay fuliso weeraro la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa Khamiistii ka digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo qaada weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.

Dalka ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza waxay saamaynaysaa ammaanka caalamka,” ayay lagu yiri war kasoo baxay waaxda La-dagaalanka argagaxisada ee Kenya oo lagu soo daabacay X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

“Kooxaha argagixsada sida Al-Shabaab waxay qaadi karaan weeraro iyagoo midno u muujinaya Xamaas. Kenyanku waa in ay feejignaadaan oo ay booliiska ku wargeliyaan falalka argagixisanimo si ay tallaabo uga qaadaan,” ayuu raaciyay qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii ku bogaadisay weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas fulisay dabayaaqadii todobaadkan.

Kenya ayaa ah dal gacan weyn ka geysta ciidamada Midowga Afrika ee taageera dowladda dhexe ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab, waxaana la kulantay weerarro aargoosi ah oo ay dad badan ku dhinteen.

Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay xustay sanadguuradii 10-aad ee kasoo wareegatay weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate ee caasimadda Nairobi sanadkii 2013-kii, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof.

Labo sano kadib Westgate dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasi oo ay ku dileen 148 qof oo ku dhowaa dhammaan ardaydii dhiganeysay.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Kenya, waxaana ka badan kaliya weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii oo ay ku dhinteen 213 qof.

Sannadkii 2019-kii, rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 21 qof ku dilay dhismaha hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Sannadkii 2002-dii, weerar ismiidaamin ah oo Al-Qaacida ay ku qaadday hoteel dalxiis oo ay Israa’iil leedahay oo u dhow magaalada xeebta ah ee Mombasa, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan saddex Israa’iili ah, halka diyaaradda Israa’iil ay si dirqi ah uga badbaaday weerar gantaal ah xilli ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Mombasa.

AFP, VOA

Dowladda Xasan Sheekh ‘oo tababartay’ 9,700 oo askri iyo 3,000 oo kale oo soo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda.

Kamaal Daahir Guutaale, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay tababartay 9,700 askari tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May 2022, ayna 3,000 oo dheeri ah ku tababartay Eritrea.

Waxa uu sheegay in weli ciidamo dheeraad ah lagu tababarayo dibedda.

Gutaale ayaa sheegay in dowladda ay ku kalsoon tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda kadib hakadka 90-ka maalmood ah iyo bixitaanka xiga ee June 2024 oo dalka ay ka tagi doonaan 5,000 oo askari oo ATMIS ah.

“Waa arrin aan si dhab ah u qaadaneyno, haddana waa mas’uuliyaddeena inaan buuxino firaaqa,” ayuu yiri.

Guutaale waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhabarka u riteen labo shaqo oo kala ah — la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qabsashada dhul ballaaran, halka sidoo kale la tababarayo ciidamo cusub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

Madaxda sare ee dalka oo shacabka u diray farriin ku aadan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadden xuska maalinta calanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka 12-ka Oktoobar sanadkii 1954-tii.

“Waxaan maanta u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa isaguna shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal ku saabsan xuska maalinta calanka, isaga oo tilmaamay muhiimada calanka uu leeyahay.

Waxa uu sheegay inuu yahay astaan ka turjumaysa jiritaanka Qarannimada dalka, midnimada iyo wadajirka shacabka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyay in la xusuusto maalintan qiimaha badan ee dalkeenna uu leeyahay.

Sawirro: Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole cusub, una shubay dhiig…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta bilaabay olole cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay olalahaasi oo dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dhiigga loo shubayo ciidanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo dhigayo bangiga keydka, waxaana kulankaan maanta soo abaabuulay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka cirib-tirka kooxaha Khawaarijta ah.

Dagaalka Shabaab ee dalka ka socda ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo askar, halka ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamada huwanta, wuxuuna ololahan door muhiim ah ka ciyaari doona badbaadinta dhaawaca ciidankeenna geesiyaasha.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa waxa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Xukunka waayeelkii Soomaaliya loogu dilay dhaxal aan lagu lahayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka Shabaab uu si gaar ah u ugaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas.

Fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa laba iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan kadib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Saddexdii bishaan.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn shalay ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Faah-faahinta dagaal xooggan oo ka dhacay DIINSOOR

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halka loo yaqaano xero koowaad, kadibna waxaas sidaas ku qarxay dagaalka.

Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda illaa iyo hadda inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana goobaha lagu dagaalanay ay weli ku sugan iyihiin ciidamada ammaanka.

Waxa kale oo ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha weerarka soo qaaday oo lasoo wariyay inay dib u laabteen.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli todobaad kawasiiro ka socda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay gaareen degmada Diinsoor, ayaga oo u tegay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse weerarkan ayaa hadda dhacay

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah la wadaagay golaha wasiirada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha golaha wasiirada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada, ayada oo looga hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha la wadaagay guulaha waa weyn ee laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab ee ka dhacay maamullada HirShabelle & Galmudug.

Sidoo kale waxa uu madaweynaha ka warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii kowaad ee hawlgallada Shabaab laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa kooxda, kuwaas oo ay dadka ku dhibaatayn jireen.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiirada  ku boorriyay in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaystirka Dastuurka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Al-Shabaab oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

Ugu dambeyn shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliyaayaa waxaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa muddo laba bilood ah ku maqnaa furinta hore ee dagaalka, isaga oo dagay Dhuusamareeb, si uu uga hago dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan la socday MAYD oo laga reebay diyaarad kusii jeeday Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya is hortaag maanta lagu sameeyay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed (Black) oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanka oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu warramayaa in laga reebay maydka diyaarad sidday marxuum ganacsade Maxamed Xasan Yuusuf (Maad Laamey) oo loo waday magaalada Baydhabo, si aas loogu sameeyo halkaasi.

Cabdullahi Black oo ay qaraabo yihiin marxuumka ayaa la sheegay in loo diiday inuu ka dago garoonka Shaati Gaduud, kadibna uu sidaas uga haray maydka uu la socday.

Wararka ayaa sheegaya in amarka loogu diiday in Baydhaba uu ka dago xildhibaanka uu kasoo baxay dhanka Koonfur Galbeed, waxaana loo sababeynayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Black ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Laftagareen, wuxuuna qayb ka yahay xubnaha dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada Muqdisho.

Dhanka kale, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, ahna Senator hore Ilyaas Cali Xasan ayaa ka hadlay dhacdadaan, isaga oo sheegay inuu cambaareynayo falka lagu dhaqaaqay xildhibaanka, xilli uu ka socday maydka ganacsado ay qaraabo yihiin.

“Waan cambaareynaayaa in Xildhibaan Abdulahi Adan Black oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, loo diido inuu tago Baydhabo, isasoo lasocdey Meydka ganacsade ay qaraabo ahaayeen” ayuu ku yiro qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Ilyaas Cali Xasan.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa hadda ka taagan jahwareer siyaasadeed, ayada oo si weyn doorashada ay isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Si kastaba, Arrinta ayaa faraha kasii baxaysa, ayada oo mucaaradka loo diiday inay tegaan Baydhaba, kadib go’aanno culus oo ka soo baxay maamul goboleedka Koonfur Galbeed.