25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Isbitalka Somali Sudanese oo markii 4-aad noqday kan ugu fiican + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Coddeeyn socotay Mudo 2 Bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka Aruurisay Bulashada Somaliyeed laguna qiimeeynaayey Isbita       alka ugu fiican, ayey Bulshadu ugu Aqoonsadeen isbitaalka Somali Sudanese Isbitaalka ugu weeyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay.

Wax yaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiimeynaayey Isbitaalada waxaa kamid ahaa

1.Tayada adeega Isbitaalka
2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala
3.Qalabka caafimaadka
4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka

Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Abaalgudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Africk, iyadoona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliyeed.

 

Ma ahan markii ugu horreysay ee isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay Abaalmarintaan oo kale saddex jeer oo hore sida Mogadishu Health Awards, sannadka 2020, Somali Health Awards sannadka 2021, iyo Somali Night Award sannadka 2022

Isbitaalka Somali Sudanese oo Bulshadu uga baratay Adeeg Tayeeysan iyo Dhaqaatiir Takhasusi ah waxaa ka hawlgala 125 dhaqtar oo 40 ka mid ah ay yihiin dhaqtaariir takhasusi ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta iyo qalliimada cudurada kala duwan.

Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan, Dhaqtarka

Cudurada Guud,
Qalliimada guud,
Dhaqtarka Lafaha,
Dhatarka maqaarka,
Dhaqtarka Beerka iyo uur kujirta (gastroenterology),
Dhaqtarka wadnaha (Gardiology),
Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT),
Dhaqtar haweenka,
Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).
Dhaqtarka Indhaha
Dhaqtarka Qaliimada Maqaarka iyo Qurxinta ( Pastic and Reconstructive )
Surgery
Dhaqtarka Xidida iyo Halboowlayasha (Vascular Surgery)
Dhaqtarka Lafaha iyo Dhaawacyada Ciyaaraha.

 

Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay mas’uuliyiin ku lug leh dagaalka Laascaanood

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ka hadlay xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood, halkaas oo ay muddo sideed bilood ah ku dagaalamayeen ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Warbixin kasoo baxday Golaha ayaa waxaa looga hadlay dagaalladii qararaa ee ka dhacay magaaladaasi, waxaana lagu sheegay in dambiyo dagaal laga gaystay Laascaanood.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in  loo gudbiyay shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo ku lug leh dagaalka dadka badan lagu dilay ee gobolka Sool, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen dambiyo dagaal isla-markaana ay tahay in lagula xisaabtamo.

Sidoo kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas la dhibaateeyay ay isugu jiraan dumar, carruur iyo dad da’ah, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallada.

Waxaa kale oo bayaankan lagu sheegay in duqeymo lala beegsaday xarunmaha bulshada, sida isbitaallada, goobaha waxbarshada, suuqyada iyo masaajidda ku yaalla magaalada.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda federaalka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa samafalka ugu baaqday inay gargaar bani’aadanimo la gaaraan qoysaska barakacay oo haatan wajahaya dhibaato nololeed, maadaama ay lasoo darseen xaalado adag.

QM ayaa horay uga hadashay dagaallada Laascaanood, waxayna kasoo saartay baaqyo deg-deg ah, si xaaladda loo dajiyo, kadibna loo wada-hadalo, balse ma suuragelin, waxaana sii socday dagaallada tooska ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagnayed, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay magaaladaasi.

Somaliland iyo SSC ayaa labaduba weli heegan ku jira, waxayna wadaan is uruursi ciidan oo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Sool ee aqooyiga Soomaaliya.

Shabaab oo shaacisay inay Xamas ka dhinac dagaalami…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee todobaadkan Xamaas ay ku qaaday Israel, kaas oo khasaare xoogleh uu kasoo gaaray ciidamada Israel, guulna ay ka gaareen Falastiiniyiinta.

Al-Shabaab ayaa si weyn u taageertay guusha Ururka Maxaas, ayada oo tilmaamtay inay fulisay weerar barakeysan oo lagu difaacayo dhulka Falastiin iyo Masjidka Al-Aqsa.

Bayaankan oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray reer Falastiin, waxayna Al-Shabaab sheegtay in guushooda ay tahay mid usoo hoyotay Muslimiinta.

“Weerarkan waxa uu banaanka soo dhigay daciifnimada Israel, sidoo kale wuxuu caalamka tusay in laga adkaan karo oo ay been noqotay awoodii ay ku faani jirtay” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Waxaa kale oo Al-Shabaab ay tilmaamtay in Muslimiinta oo dhan ay leeyihiin hal cadow oo u midoobay sidaas daraadeeda loo baahan in isagana meelo looga soo wada jeesto.

“Cadowgeena iyo cadowgaagu waa mid waxay isu uruursadeen inay ummadda Islaamka ka horyimaadaan, waxayna isu bahaysteen inay dhibaato u gaystaan ​​shucuubta Muslimiinta, bari, galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba.” ayaa bayaanka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale kooxda ayaa intaasi ku dartay, haddii ay heli laheyd waddo ay u marto Falastiin inay ku biiri lahayd dagaalka, ayna ka barbar dagaalami lahaydXamaas, balse waxa ay tilmaamtay in ayadu ay ka dagaalameyso bariga Afrika, iyaguna ay ka dirirayaan Falastiin.

“Haddii aan waddo idiin heli lahayn, idinkama dib dhici lahayn inaan adiin imaano, laakiin waxaad ku halgamaysaan dhulka Falastiin, anagana waxaana ka dagaallamaynaa dhulka Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Horay Al-Shabaab ayaa u taageertay reer Falastiin oo muddo 50 sanno ay dhibaato ku hayaan ciidamada Israel oo xoog uga qabsaday dhul ballaaran.

Sanadkii 2019-kii markii Trump u aqoonsaday Qudus caasimada Israel, Al-Shabaab ayaa weerar arintaas uga jawaabayso ku qaaday Dusit Hotel oo Nairobi ku yaalla, saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Manda Bay oo isla Kenya ka tirsan iyo Beledoogle sanadkii 2020.

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee mara degmadaasi,  gaar ahaan gagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo kuwa waddada marayay.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, ayada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad kale oo la dhigay qaar kamid ah sisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inay dad usoo qabqabyeen qaraxa.

Ma jiro willaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxa iyo baaritaanada xigay ee ay ka sameeyeen degmada Dharkenley.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha degmadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho  ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.

Taageero caalami ah oo loo dalbay dagaalka ciidamada Soomaaliya ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”

Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.

Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”

Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.

“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri. “Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”

Souef aya ka digay in la dhayalsado Al-Shabaab, oo uu sheegay inay sameyso tababar ballaaran, iskuna dayeyso inay awoodda qabsato.

Waxa uu sheegay in kooxda ay heleyso hub “ayna aad u qalabeysan tahay.”

“Maya, ma dhayalsaneyno Al-Shabaab, mana jirto cid dhayalsan karta Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Hore ayaan kaala hadlay wixii dhacay laba maalmood ka hor – Xamas waa koox hubaysan, waxaadna aragteen waxyeellada ay ka gaysteen Israel, halka Israel ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu ciidanka abaabulan uguna qalabaysan dhanka sirdoonka”.

Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sugayaan diyaarado helicopter ah oo ka imaanaya Burundi, oo ku xiran fasaxa dowladda Soomaaliya, si ay ugu daraan labadii diyaarad oo helicopter-ka ah oo ay horay uga heleen Uganda.

Isha, VOA

Duqeynta Gaza iyo qorshaha Falastiiniyiinta loogu rarayo dal kale – Maxaadan ogeyn?

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa duqeyn xooggan ka fulinayso Gaza kadib weerarkii ay Xamaas ka fuliyeen goobo ay Israa’iiliyiintu ka degan yihiin hareeraha magaalada Gaza horraantii todobaadkan.

Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Sida ay UN-ka sheegayaan in ka badan  200,000 ayaa ku barakacay gudaha Gaza kuwaas oo 10%  ka ah dadka ku nool Gaza oo gaaraya in ka badan labo milyan. Korontada, biyaha iyo cunnada ayaa gabaabsi ah, waxaana laga digayaa in ay ka dhabeeyaan sheegidda ah in ay lug ahaan kusoo weeraraan ay uga dari doonto xaaladda banii’aadnimo iyo waxyeellada rayidka.

Arrimahan dhacaya waxaa barbar socda dunida oo kala qeybsan, reer galbeedka oo leh Israeil waxaa ay ku jirtaa dagaal xaq ah, taasi oo sharciyad siinaysa wax walba oo ay ka sameeyaan iyo dalal bariga ah oo leh reer Gaza waxaay ay go’doon ahaayeen muddo dheer, in ay is difaacaana waa sharci. Laakin labadaasi ra’yi dhexdooda iyo Hamaaz oo ah jabhad hubeysan waxaa khatar galaya nolasha malaayiin rayid ah.

Khubarada Israel waxaa ay ku sheegeen in Tal aviv ay soo afjari doonto guud ahaan Hamaaz ayna gudaha u geli doonto magaalada Gaza, taasina waxaa ay keeneysaa in la isweydiiyo halka ay aadaan dadka halkaasi ku nool, waxaana soo ifbaxay in fursaddan ay tahay middii ay Israael sugaysay 60 sano ah oo ah in Falastiiniyiinta ay dal ka helaan bariga Webiga Urdun(Urdun) ama Sinaay(Masar).

Ra’yiga in Falastiiniyiinta loo raro Urdun: Urdun iyo Falastiin waxaa wada xukumayay boqorka Urdun wixii ka horeeyay sagaameeyadii qarnigii hore, iyada oo boqorka uu kala saaray laba maamul 1987, taasina ay u gogol xaartay mashruuca dowladda Farlastiin 1988.

Ariel Sharon ayaa fikraddan ma bilaabay 1882-dii isaga oo u sababeeyay in boqorka Urdun ka talin jiray labada daan ee webiga si toos ah inta u dhaxeysay 1950-1967, waxaa ayna firkadda ah in Falastiiniyiinta loo raadiyo dhul kale ay soo noqnoqotay muddo dheer.

Keliya qorshaha dhul  ama dal kale oo ay deefaan loogu raaciyo dadka Falastiiniyiinta ah kuma koobna Urdun, ee waxaa marar badan lagala hadlay madaxda Masar, weliba  ilaa saddex madaxweyne oo kala duwan.

Markii ugu horreysay Israel ayaa usoo jeediyay Masar in ay siiso ilaa 1,000 KM oo ka tirsan dhulka Siinaay, firkaddan oo ay hor dhigeen madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, waa uu iska diiday.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Morocco + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo haatan ku sugan dalka Morocco ayaa kulamo duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay dalkaasi.

Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha.

Waxaa kale oo uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la kulma dhiggiisa dalka Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed, waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh.

Sidoo kale wasiir Biixi Imaan Cige ayaa shirar kale oo muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxaana kamid Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan meel wanaagsan ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, sida lagu muujiyay warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday hay’adda lacagta ee IMF-ta.

Xog sirdoon: Israel oo ogeyd weerarkii Xamaas iyo dal Carbeed oo kusii wargeliyey

Tel Aviv (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay uga sii digtay israa’iil in uu ku soo socdo dagaal xoog leh seddex maalmood ka hor intii aysan Xamaas xudduudda ka soo gudbin oo aysan weerarka ku qaadin, sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka.

Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Michael McCaul ayaa warfidiyeenka uga warramay digniintaas. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wararkaas ku tilmaamay “Been cad”.

Waxaa sidoo kale aad isha loogu hayaa sirdoonka Israa’iil sidii ay ugu guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarkii ugudhimashada badnaa ee mintidiin Falastiiniyiin ah ku qaadaan Israa’iil muddo 75 sano ah.

“Waxaan ognahay in Masar ay u digtay Israa’iil seddex maalmood ka hor in dhacdadaas oo kale ay dhici karto” ayuu ku yiri McCaul saxaafadda ka dib shir arrimaha sirdoonka ku saabsan oo albaabadu u xirnaayeen oo sharci dejiyeyaashu ay ka yeesheen xiisadda bariga dhexe sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

“Ma doonayo in aan aad ugu dheeraado xogta sirta ah, laakinse diginin ayaa la bixiyey” ayuu yiri mudanahaas ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Texas. “Waxay ila tahay in su’aashu noqonayso ilaa heerkee gaarsiisnayd” ayuu sii raaciyey.

McCaul wuxuu intaa ku daray in laga yaabo weerarka in la sii abaabulay muddo lagu qiyaasi karo sannad ka hor. “Ma hubno sida ay noo seegtay. Ma hubo sida ay Israa’iil u seegtay” ayuu ku yiri warfidiyeenka.

Xukuumadda Masar si rasmi ah ugama aysan hadlin in ay diginin siisay Israa’iil, laakinse warbaahinta dalkaas oo xiriir dhow la leh sirdoonka ayaa qaar ka mid ah waxay qorayeen akhbaartaas Arbacadii.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masaarida ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in Qaahira in “wax weyn” laga soo abaabulayo Qasa.

“Waxaan uga dignay in xaalad qarax ah ay soo socoto oo ay goor dhacayso, ayna weyn tahay , laakin way fududaysteen digniintaas,” ayuu yiri sarkaalkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Sarkaalkaas wuxuu sheegay in saraakiisha Israa’iil ay iska indha tireen Qasa oo taa beddelkeeda ay diiradda saareen daanta galbeed.

Sida uu sheegayo wargayska the Financial Times oo soo xiganaya laba sarkaal oo aan magacooda la sheegin oo arrinta si fiican ula socda, ma jirin sirdoon aad u adag oo la xiriira weerar gooni ah inuu dhici doono.

Arbacadii ayaa Mr Netanyahu wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Israa’iil ay heshay digniin gaar ah ka hor intii uusan weerarku dhicin “gabi ahaanba war been abuur ah”.

“Warbixinta sheegaysa in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu goor hore farriin ka helay Masar waa mid gabi ahaanba been ah” ayaa lagu yiri qoraal baraha bulshada la soo dhigay.”

“Ma jirto Farriin goor hore Masar ka timid Masar, ra’iisul wasaarahana marnaba lama hadlin lamana kulmin madaxa sirdoonka Masar tan iyo markii xukuumadda la sameeyey, si toos ah ama si dadban.”

Masar oo koontaroosha cidda soohdinteeda uga soo gudbaysa Qasa ayaa inta badan waxay kaalin dhexdhexaadineed ka qaadataa Israa’iil iyo iyo Xamaas

Yaakov Admirov oo ah la taliyihii hore ee amniga qaranka ee Netanyahu ayaa ku tilmaamay “guul darro weyn”. “Hawlgalkan wuxuu banaanka soo dhigay in awoodda sirdoonka Israa’iil aysan fiicnayn” ayuu yiri.

Wuxuu ka gaabsaday inuu sharraxo guul darrada, wuxuuna sheegay in ay tahay in cashar laga barto marka hawlgalka milateriga uu ku guulaysto hadafyadiisa muhiimka ah.

Isha: BBC

PUNTLAND oo sharraxaad ka bixisay arrin buuq badan dhalisay kadib markii…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Musadaq Saadiq ayaa soo saaray war xasaasi ah oo buuq xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeneka ayaa qoraal uu soo saaray  ku yiri Fudeed Siyasadeed , Qofka Siyaasiga ah waa in uu miisaamaa Hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa  inuu  ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii lagaarin”

Hadalkan ayaa waxaa dad badan ay u fasirteen inuu ugu jawaabayo hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo isna ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland kadib markii uu shaaciyay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanada maamulkiisa.

Maxamed Musadaq Saadiq oo qoraal kale soo saaray ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka hadalkiisa wuxuuna sheegay inuu la hadlayay mucaaradka Puntland ee shalay shirka ku qabsaday magaalada Garoowe, kuwaas oo ku goodiyay inay burbureyso Puntland, haddii doorashada soo socota lagu qaban waayo xilligeeda.

Dadka Soomaaliyeed Fududaa war waxaan ka hadlayey Mucaaradka Puntland oo shalay ka hadlay Garowe Gaar ahaan Siyaasiyiinta Doonaya Xilka Madaxweyne oo Khudbadahooda u ekaayeen dagaal ogayaal” ayuu ku yiro sharraxaddiisa dambe wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay mucaaradka inay si dajiyaan, maadaama ay weli doorashada ka harsan tahay saddex bil.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Firdhiye uu yahay mas’uul sare oo maamulka maamulka Khaatuma, isla-markaana arrintan ay u taalla reer Puntland oo dhan.

“Firdhiye ma aha Siyaasi oo xil hayn ee waa Masuul Maamula Khaatumo ,Siyaasi waxa ladhahaa waa Qof aan Xil hayn , waxyaalaha aan waqtigeeda lagaarina waa Doorashada sababtoo ah Dawlada Mandate Sadex bilood ah ayey haysataa ee Hala isdajiyo , Arinta Khatumo Waxa ay U taal waa Reer Puntland oo dhan waana arin lagu xalin karo Wadatashi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana ugu sii darsantay arrinta SSC, maadaama go’aanka ay qaadatay uu sameynayo doorashadeeda.

Sawirro: Ciidamada DF oo soo bandhigay godad ay Shabaab ka dagaalamayeen mudo bil ah

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay la helay sawirrada goobihii ay ka dagaalamayeen Shabaab-kii soo galay deegaanka Ciid-Ciidka ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii maanta ay godadkii kooxda u daateen ciidamada xoogga dalka.

Waxaa la soo bandhigay sawirro muujinaya in Shabaab laga saaray godad waaweyn oo dhulka howdka ah ay ka qoteen, kadib dagaal socday muddo bil ka badan.

Dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsanaa oo tiradooda lagu sheegay boqolaal ayaa 6-dii bishii hore isku deyey inay ka gudbaan deegaanada dhaca jiinka wabiga ee u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxda ayaa dadka deegaanka kala kulantay dagaal culus, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa ku biiray dagaalka, waxaana Al-Shabaab ku bilowday dagaal cir iyo dhul ah oo maanta soo gaaray.

Kooxda oo qorsheyneysay inay u gudubto deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe ilaa Galgaduud oo xubno kale oo Shabaab ah ay ku go’doonsan yihiin ayaa ku gungowday qorshahaas.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa u suurta-geli weysay inay dib ugu laabtaan galbeedka wabiga Shabeelle oo markii hore ay ka yimaadeen, maadaama laga burburiyey doomihii ay ku yimaadeen.

Duqeymaha diyaaradaha ayaa sidoo kale kooxda u diiday inay ka baxaan difaacyadii iyo godadkii ay ku jireen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah kii ugu dheeraa oo socday bil iyo dhowr maalmood.

Markii laga reebo sawirrada la helay iyo jabka la sheegay inuu kooxda ku gaaray dagaaladii shalay iyo maanta, hadana ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in laga guuleystay oo lasoo afjaray Shabaab-kii ka dagaalamayey aagga Mahadaay.

DF oo xaaladda dalka ka soo saartay war-saxaafadeed xasaasi ah (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ka kooban 23 qodob oo lagu faahfaahiyey guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu ka gaartay dagaalka Al-Shabaab iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah, bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Hoos ka akhriso qodobadaan ka soo baxay DF:

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 11 October, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

==============DHAMMAAD==============

Bayaan culus oo laga soo saaray shirka mucaaradka DENI ee Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland uga socday magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob.

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka ayaa ugu horeyntii waxaa sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

“Wuxuu shirku go’aamiyay in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taasi oo aan ognahay wixii laga soo maray,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka mucaaradka Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.”

“Shirku wuxuu bogaadinayaan dagaalka lagula jiro argagixisad, kaasi oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu shirka bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-Khaatumo.”

Ugu dambeyntiina bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka kasoo horjeeda Saciid Deni ayaa lagu shaaciyay dhisadda Dallada Mucaaradka Puntland, oo ay qeyb ka yihiin Midowga Musharaxiinta Puntland, Madasha Siyaasadda ee Puntland, Madasha Samata-bixinta iyo Urur siyaasadeedka Mideeye.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka

Sawirro: NISA oo qabatay darawal Shabaab u gacan galiyay gaari dowladeed

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay laba nin oo ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab u geeyeen gaari dowladeed.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed ayaa sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47.

Sida ay sheegtay hay’adda, waxay labadaan nin markaas u dhaqaaqeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, si ay kooxda Al-Shabaab uga iibsadaan hantida dowladda ee lagu aaminay.

Cabdifataax iyo Xasan ayaa kula heshiiyay kooxda in la siiyo lacag dhan 20-kun dollar, kadib marka ay u gacan galiyaan gaariga ay iska laheyd wasaaradda biyaha iyo tamarta Jubbaland, hase yeeshe taasi ma dhicin, sida ay sheegtay hay’adda.

“Kahor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda.

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay ayaa waxay sheegtay NISA in hadda wax walbo ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.

“Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Hay’adda ma shaacin sida raggaan ugu soo gacan galeen ciidamada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka, hase yeeshe wararka qaar ayaa sheegaya in labadaan nin la soo qabtay kadib markii ay kasoo laabteen Jilib.

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweyne caalami ah

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa shir-gudoomiyay kulan weynaha 70-aad ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Shirkan oo ka dhacay caasimada Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeyb-galay madax kala duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo kuwa hay’adaha QM ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, iyada oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh.

Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sii amba-qaadi lahaa hiigsiga horumarinta caafimaadka, guud ahaan bariga iyo bartamaha, iyada oo la hubinayo gaarsiinta caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Soomaaliya ayaa madaxda ka qeyb-gashay shirkaan la wadaagtay walaaca ay ka qabto xaaladda ka taagan dhulka Falastiin, tan iyo Sabtidii markii ay Xamaas dagaal qorsheysan ku qaaday Israel.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarada laga sameeyay caafimaadka Soomaaliya, maadaama bulshada Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leedahay adeeg caafimaad oo tayo leh, “ayada oo la raacayo nidaamka hirgelinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.”

“Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka go’an helitaanka caafimaad dhamaystiran oo tayo leh, islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya”

Si kastaba, Kulan weynahan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kala duwan oo muhiim ah, waxaana la soo gaba-gabeyn doona maalinta Khamiista.

QM oo soo saartay dalab cusub oo la xiriira GAZA kadib markii Israel ay…

0

New York (Caasimada Online) – Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taasi oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan.

Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawl-gal degdeg ah oo ay doonayaan in cunto lagu gaadhsiiyo in ka badan 80,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, kuwaasi oo haatan aan haysan adeegyada aasaasiga ah, sida cuntada iyo biyaha.

WFP ayaa intaas ku dartay inay qaybiyeen cuntooyin diyaar ah, taasi oo ay gaadhsiiyeen illaa 73,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza.

WFP ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda cunto yaraanta ee ka jirta Gaza, iyada oo haatan ay gabaabsi yihiin, cuntooyinkii yaallay meheradaha ganacsigu, kadib markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso deegaankan.

Israa’iil ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadayso, si ay uga falceliso weerarkii Sabtidii.

Waxaa xidhan dhammaan xuduudaha iyo marinada u dhexeeya Gaza iyo Israa’iil, taasi oo ay WFP sheegtay inay sare u sii qaaday xannibaadaha dhinaca gargaarka bini’aadanimo.

Howlgallo iyo duqeymo culus oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo culus iyo duqeymo ay maanta ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ka sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolllada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgallo ay saameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya darawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee ciidanka Danab, Gaashaanle Carab Axmed Dheeg oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay ku beegsadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka hawdka ah ee gobolkaasi, ayna khasaare ku gaarsiiyeen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen, isla-markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya isla Jubbooyinka ayaa sheegaya in howlgalladan ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday Shabaabka ku sugan halkaasi.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu garaacay degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo deegaano kale oo hoostaga Jubbooyinka, isla-markaana ay joogaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeymaha lagu garaacay goobo uu shir uga socday Al-Shabaab iyo saldhigyo ay ku leeyihiin halkaasi, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray weerarkaasi dhanka cirka ah ee lagu qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo duqeymo diyaaradeed oo khasaarooyin gaysta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

DENI oo wasiirka amniga Puntland u magacaabay Ibraahim Xaaji Bikiin

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Deni ayaa xilka wasiirka amniga iyo DDRTA ee maamulka goboleedka Puntland u magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin), sida lagu sheegay wareegtada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la tashaday ku xigeenkiisa, sidoo kalena uu aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ku xusay wasiirka cusub ee amniga Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri wareegtada ay shaacisay madaxtooyadu.

Qoraalka ayaa intaasu kusii daraya “Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”.

Sidoo kale digreetadan ayaa waxaa  lagu xusay inay dhaqan-gashay isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu.

“Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa mar kale lagu yiri.

Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) ayaa beddalaya Cabdisamada Galand oo bishii June ee sanadkan 2023-ka xilka uu ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Magacaabista wasiirka cusub amniga Puntland ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xiisad xoogan oo ka dhalatay muranka doorashada ay ka taagan tahay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay hadda ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka oo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah madaxweyne Deni ka wada magaaladaasi.

Hogaamiyaha Khaatumo oo qaaday tallaabo ka dhan ah Puntland, kuna dhowaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada Khaatumo aysan ka dhicin doonin doorashada soo socota ee Puntland, taas oo haatan loo diyaar garoobayo.

Hoggaamiyaha SSC ayaa gebi ahaan ku gacan seeray doorashada Puntland, haddii ay noqon laheyd  qof iyo cod ama xittaa xulistii isimada noqotoba.

Sababta waxa uu ku sheegay in reer SSC-Khaatumo ay haatan yeesheen maamul cusub, isla-markaana ay go’aan ku gaareen inay ka tashadaan aayahooda iyo kan deegaankooda.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan darisnimada iyo nabad-gelyada kala dhexeysa Puntland, balse ay noqon doonaan hadda kadib laba maamul oo daris ah.

Maamulkaas aan wax ka dhisnay ee reer Puntland nabad-gelyadiisa, horumarkiisa iyo iskaashigiisa baanu diyaar u nahay, Waxaanu diyaar u nahay inaan ahaano laba maamul oo daris ah oo walaalo ah oo iskaashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC.

Arrintan ayaa ka dhigay in dadka reere SSC aysna soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa horraanta sanadka soo socda ee 2024-ka.

Si kastaba, arrintan ayaa abuuri karta xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhex dhacda Laascaanood iyo Garoowe, taas oo saameyn ku yeelata labada dhinac.

SSC oo dagaal adag la gashay Somaliland, isla-markaana garab uga heshay Puntland ayaa hadda dooneysa inay noqonto maamul goboleed madax bannaan, taas oo ay hadda kala macaamiliso dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama Muqdisho lagu casuumay

Saddex qof oo lagu dilay duleedka Cadale + Sababta

0

Cadaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen agagaarka magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loo gaystay ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumiinta la dilay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu kala kala magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, sida aaanu ku soo xignaay ehellada dadkaasi xalay lagu dilay duleedka degmada Cadale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga la laayay ay ahaayeen ganacsato kasoo jeeda deegaanka, waxaana dilkooda uu salka ku hayaa aano qabiil, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan aagga ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ee dilka gaystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle, kan degmada Cadale iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.

Dhacdadan ayaa sidoo kale cabsi ku beertay dadka deegaanka, maadaama ay dib usoo nooleyn karto colaaddii muddada ka taagnayd halkaas oo dhowaan uun xal laga gaaray.

Toogashada saddexdan qof ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmo kahor deegaanka Burka Dirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan ka hortagga colaaddaasi.

Si kastaba, horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo u booqday deegaankan, isaga oo ay wehlinayaan waxgaradka kasoo jeedda halkaas ayaa ku dhawaaqay in qof kastaa oo dil gaysta ama isbaara dhigta la toogto, si meesha looga saaro dhibaatada ka jirta Shabeelaha Dhexe ee saameynta ku yeelatay shacabka.

Muxuu salka ku hayaa ‘isbeddelka muuqaal’ ee madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad ayuu gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb oo isagoo markaas ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysnaa dhammeystirka dagaalka al-Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saarayay kormeerka furimaha dagaalka ee guud ahaan gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku dhawaad labo bilood degganaa magaaladaas ayaa dhowaan u safray dalka Eritrea halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, waxa ay si wadajir ah u kormeereen xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka ee Soomaaliya ee ku sugan dalkaas.

Hase yeeshee, sawirro laga qaaday madaxweynaha xilliga uu ku sugnaa xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada tababarka u jooga dalkaasi Eritrea ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaa muuqatay in dadku badanaa ay ka hadlayeen muuqaalka madaxweynaha oo lagu tilmaamay in uu is beddel ku yimid marka loo eego timaha, madaxa iyo garka oo ku batay iyo cirro soo buux dhaafisay.

Dad badan ayaa ku sifeeyay in madaxweynuhu galay nolol ka duwan tiisii hore, maddaama in muddo ah uu ku sugnaa furimaha dagaalka isagoo deegaan ka dhigtay Dhuusamareeb si loo xoojiyo dagaalka ay dowladda lagula jiro al-Shabaab.

Dadka qaar waxa ay ku sifeeyeen in xaalad caafimaad darro ay lasoo deristay madaxweynaha taas oo keentay in muuqaalkiisii uu is beddelo.

Borotakoolka habka labbiska iyo qurxinta madaxda caalamka

Marka loo eego madaxda kale ee caalamka, waxaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad si gaar ah ugu abaabulan madaxda kana shaqeeya labiskooda iyo si gaar ah in ula socoshada xaaladahooda gaarka ah.

Haddaba si aan wax uga ogaanno wararka la’isla dhex marayo ee la xiriira is bedelka muuqaalka madaxweynaha waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Dige, isagoo faahfaahin kooban ka bixiyay is bedelka ku yimid madaxweyne Xasan Sheikh.

Dige oo ka hadlaya is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka ayaa yiri, “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”.

“Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan,” ayuu sii raaciyay Dige.

Waxaa la rumeysanyahay in timaha madaxweynuhu ay ka badanyihiin sidii looga bartay kuwiisii hore, agaasimaha madaxtooyada oo ka hadlaya sababta madaxweynuhu uusan timaha u jaran ee ay ugu bateen ayaa yiri,

“Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay.”

Madaxweynaha marka uu ciidamada la cunteynayo iyo marka uu dhulka la fadhiyo ama teendhooyinka kula jiro ma weynin kursi qurux badan oo u uku fariisto, ujeedka guud ayaa sidaas ah, timaha madaxweynaha kaliya maahane waxaa jira waxyaabo badan oo is biirsaday sida n madaxweynuhu uu shaqeeyo waqti ka badan intii uu shaqeyn jiray ama in hurdadu ay ku yartahay”.

Marka loo eego caafimaadka madaxweynaha, dad badan ayaa rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay lasoo derseen xaalado caafimaad. Waxa uu sidoo kale ka hadlay saacadaha madaxweynaha ay u suura gasho in uu hurdo marka loo eego shaqadiisa.

Dige oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Madaxweynaha horta caafimaad ahaan, majiraan wax u daran caafimaadkiisa oo uu sameeyo marka loo eego talada dhakhaatiirta,ma jiraan wax kusoo kordhay caafimaadkiisa ama xaalado cusub oo lasoo dersay, laakiin waxa uu shaqeeyaa saacado kabadan intii uu shaqeyn jiray markii uu joogay Muqdisho, xilligaas uu joogay Xamar waxa uu xafiiska soo geli jiray subixii 8-dda ama labo saac illaa habeenkii 10-ka ama ilaa afar saac marmarna kabasii badan, haddana intaas iyo kabadan ayuu shaqeynayay”,

Si gaar ah madaxda caalamka qaarkood waxaa jira in xilliyada ay kasoo muuqanayaan shaashadaha loo mariyo qalabka is qurxinta ee loo yaqaano [Make-up] balse agaasimaha madaxtooyada waxa uu sheegay in madaxweynaha dalka uusan waqti badan ku bxinin howlahaas, balse waxa uu carrabka ku dhuftay in marka uu wareysiyo kaga qayb galayo talefishinnada caalamiga ah ay dhici karto in dad shaqaale ah oo ka howl gala xarumaha warbaahinta ay howlahaas fuliyaan.

Xaaladda amni ee uu ku noolaa madaxweynaha xilliyadii uu ku sugnaa furimaha ayaa ahayd mid su’aalo la iska weydiinyay xilli madaxweynaha laftiisu uu ka hadlay digniinno dhowr ah oo uu helay.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wararka la xiriira amnigiisa xilli uu la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa yiri, “Sidaan oo kale ayaan idiin garab taaganahay kaligiin dagaal idiinma direyno oo waan idinla soconnaa, xafiisyo qaboojiye yaal leh intaan fariisanno kaligiin idin soo diri meyno, maalin walba inta la’idiin sheego oo kale ayaa la ii sheegaa, baabuur qarax ah ayaa jidka kuugu jiro, waa lagu sumeyn rabaa, diyaaradaha helicopter-ka ee aad saarantahay waa lasoo ridaa, ha isku bixin, ha yeelin, farriintii ugu dambeysay ee xalay la iisoo diray haddaad aragtaan waad yaabeysaan, waxaan aaminsanahay in aysan shabaab i dili karin, Ilaahay ayaa Qur’aankiisa ku sheegay cidna saacaddiisa saacad looguma darayo”.

Isha: BBC