25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Daawo Asad Diyaano: Deni waa in la soo qabtaa oo la maxkamadeeyaa haddii…

Garoowe (Caasimada Online) – Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ugu miisaanka cuslus ayaa shalay khudbad uu ka jeediyey shirweynaha siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka ah ee Puntland.

Asad ayaa sheegay in Madaxweyne Deni looga fadhiyo in uu qabto doorashada xiligeedina ku qabto, oo ah 8-da bisha Janaayo ee 2024.

“Ururka Mideeye, waxaan ka qay-bgalney doorashadii goloyaasha deegaanka, waxaan sidaas u sameyney shacabka ayaa na khasbayey oo u arkay in dantu ku jirto, laakiin waxaan ogeyn in Siciid Cabdullaahi wax khaldayo, markii u xeerarkii oo dhan beddalay, dastuurii beddalay, wax kastana ka dhigay sida uu rabo waan isaga baxney,” ayuu yiri Asad Cismaan Cabdullaahi.

Jeneraal Asad ayaa ugu baaqey madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu doorashada xiligeedi qabto.

“…Madaxweyne Deni haddii uu doorashada qaban waayo 8-da Janaayo 2024 waa in tallaabo laga qaado oo la soo qabto, kadibna maxkamad la soo taago,” ayuu yiri.

Shirka siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka oo Talaadadii shalay aheyd ka furmey Garoowe ayaa socon doona laba maalmood, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed xal loogu raadinaayo siyaasadda cakiran ee Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa raadinaya go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin bilo kooban, islamarkaana lagu eedaynayo in uu muddo kororsi raadinayo.

Hoos ka daawo khudbadda Asad Diyaano 

Biden: Waxaan garab taagannahay ISRAEL

Washington (Caasimada Online)Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “waxaan garab taagannahay Israel,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiisadda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday.

Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israel ee ku aadan weerarada jawaabta u ah waxa uu ugu yeeray “xasuuq” ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Mareykan ah.

“Waqti xaadirkan, waa inaan si cad u qeexnaa: waanu garab taaganahay Israel,” ayuu yiri, isagoo ku celceliyey: “Waan garab taagannahay Israel. Waxaan hubin doonnaa inay haysato waxa ay u baahan tahay si ay u daryeesho muwaadiniinteeda, isu difaacdo oo ay uga jawaabto weerarkan. Ma jiro wax cudurdaar ah oo argagixisanimadu leedahay. Ma jiro cudurdaar.”

Biden, oo ay garab taagan yihiin madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinkii Sabtida, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen “ficillo aad u xun.”

“In ka badan 1,000 rayid ah ayaa la gowracay – lama dilin kaliya, waa la gowracay – gudaha Israel,” ayuu yiri. “Waxaa ka mid ah, ugu yaraan 14 muwaadiniin Mareykan ah ayaa la dilay. Waalidiin ayaa la gowracay ayagoo oo isku dayaya inay carruurtooda badbaadiyaan. Ilmo yar oo la dilay ayaa la soo sheegya, qoysas dhan ayaa la dilay.”

Wuxuu sheegay inuu weydiisan doono Congress-ka inay qaadaan “tallaabo deg-deg ah” laakiin ma uusan cayimin.

Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Jamhuuriga iminka ma lahan afhayeen, taasi oo oo ka hor-istaageysa Congress-ka inuu ansixiyo miisaaniyad cusub.

La-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Aqalka Cad uu ku boorin doono Congress-ka inuu sii wado hubka loo dirayo Israel.

Sullivan waxa uu intaas ku daray in Aqalka Cad uu rumaysan yahay inay jiraan 20 Maraykan ah, oo aan laga war hayn, balse waxa uu caddeeyey in dhammaantood laga yaabo inaan la haysan.

Biden wuxuu sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Talaadadii, taasi oo ah wada-hadalkoodii saddexaad tan iyo markii ay xasaraddu billaabatay – wuxuuna sheegay inuusan la yaabin jawaabta “deg degga ah, go’aanka iyo awooodda leh,” ee Israel.

Balse waxa uu intaa ku daray, “Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay sida dimoqraadiyadaha Israel iyo Maraykanka oo kale ah, ay u awood iyo hubanti badan yihiin marka aan u dhaqmayno sida uu qabo sharciga.”

Mukhtaar Roobow oo Xajka u magacaabay guddi cusub iyo 3 qodob oo loo xil-saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda 2024-ka, kaas oo ka kooban 9 xubnood.

Guddigaan ayaa loo magacaabay guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa xoghayaha guddiga cusub ee adeegga Xajka u magacaabay walaalkiis Ibraahim Roobow Cali.

Seddax qodob ayaa lagu soo koobay waajibaadka guddigaan cusub, kuwaas oo kala ah:

1 – Qabashada araajida tartamayaasha adeeggga Xajka.

2 – Kala saaridda shirkadaha, wakaaladaha iyo xamlooyinka tartamaya, si hufnaan iyo cadaalad ah.

3 – U soo gudbinta warbixinada iyo natiijooyinka tartamayaasha ee xafiiska Wasiirka.

“Mudanayaasha la magacaabay waxay yeela doonaan xuquuq shaqo oo gaar ah, sidaas awgeed, xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa inay ka howlgalaan ka shaqeynta iyo fududeynta howlaha loo igmaday si cadaalad ah,” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay 9-kaan xubnood.

Magacaabidda xubnaha guddigaan ayaa sidaan ku dhaqan gashay, wuxuuna Wasiir Mukhtaar Roobow digreetadaan ku sheegay in xulashada xubnahaan uu kala tashaday ku xigeenadiisa wasaaradda.

Hoos ka akhriso digreetada uu Roobow ku magacaabay guddiga:

Sheekh Suldaan Gasle: Masaajidkii aan aas-aasay ayaa waxaa iga taal warqad la leeyahay ma soo geli karo

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhexeeyay Guddigii maamulka Markaz QUBA oo ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, ayaa mar kale soo shaac-baxay kaddib markii uu shalay shir jaraaíd ku qabtay  Amsterdam Sheekh Suldaan Gasle oo ahaa iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka.

Sheekh Suldaan oo ay garbihiisa fadhiyeen waxgarad Soomaali ah, ayaa sheegay  inuu quus ka joogo waanwaan loogu kala dabqaadayay isaga iyo xubnihii kale ee guddiga maamulka kala tirsanaa, wuxuuna xusay inuu dedaal kasta u sameeyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddada dheer kala dhexeeyay xubnaha kale ee Masjidka.

Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay  ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka  Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax], waxaanna marxaladaha ay soo martay ka mid aheyd in iimaam-kii masjidka ay masaajidka boolis si qasab ah kaga saareen, iyada oo tillaabadaasi ay si weyn kaga caroodeen waxgaradkii Soomaaliyeed ee la socday dedaalkii uu Sheekh Suldaan ka soo maray dacwadda islaamiga ah.

Shirkan jaraaíd ee uu shalay qabtay Sheekh Suldaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado dabayaaqada bishan in ay masjidka muxaadarooyin 3 cisho soconaya ku qabtaan culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Mustafa Haaruun.

“Waxaan maanta halkan u soo fadhiistay inaan ogeysiiyo Jaaliyada iyo culimada lagu casuumay in ay yimaadaan mutamarka lagu iclaamiyay baraha bulshada inaan waxaan kala socda aysan jirin, anigoo sharciyadan ugu qoran sida ay maxkamadu xukuntay haddana waxaan goostay inta arrinta ay dhinac u dhaceyso anigoo xeerinaya maslaxda ay ummaddu ku qabaan masjidka,” ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle.

Somali Nederland TV, iyada oo ilaalineysaa nidaamka dhexdhexaadnimada waxeey la xiriirtay mid ka mid ah ragga masaajidka ku haray ee ay is hayaan Sheekh Suldaan, wuuna ka cudurdaartay inuu wax jawaab ah ka bixiyo hadalka uu soo saaray Sheekh Suldaan Gasle.

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE SHEEKH SULDAAN GASLE.

Daawo: Laftagareen oo ku dhawaaqay billowga dagaalka Al-Shabaab kadib markii…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ku amaanay sida ay isaga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa sheegay inay cashirro muhiim ah ka barteen dagaalka kooxda ee ka socda gobollada dhexe, isagoo sheegay inay hadda Koonfur Galbeed ka bilaabayaan wajiga labaad ee dagaalka.

Wuxuu sheegay in 90% laga xoreeyey dhulka maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle, taas oo sida uu sheegay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ku dhiirigelineysa inay deg deg u bilaabaan wajiga labaad ee dagaalka kooxda oo la qorsheeyey in laga xoreeyo deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobollada labadaas maamul.

“Maanta gaarigii Muqdisho ka baxa si nabad ah ayuu Hargeysa ku tegi karaa, dhulka Galmudug iyo HirShabeelle 90% Shabaab waa laga ciribtiray, inta yar ee hartayna hadda ayaa lagu howlan yahay in la xoreeyo,” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed oo sii faahfaahiyey sida uu u arko dagaalka ka socda gobollada dhexe ayaa sheegay in markii hore aysan jirin tuulo u gudbi karta tuulo kale.

Wuxuu sheegay in la gaaray go’aan qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo, kaas oo ah in caqabada yar ee dalkaan hortaagan la iska hor wareejiyo, taas oo ah kooxda Al-Shabaab.

“Shaqo aad u fiican ayaa ka socota HirShabeelle iyo Galmudug, inta hartay waxaan rajeyneynaa in Khawaarijta laga xoreeyo inta ka dhiman bishaan, labadaan gobol ee koonfurta oo ah Jubbaland iyo K/Galbeed waa diyaar garoobeen,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu sheegay in la dejiyey qorshe dagaalku hal mar uu uga wada bilaabanayo seddaxda gobol ee maamulka uu hoggaamiyo, “Cid kasta oo nagu garab sii karta dagaalkaas waan kaasha doonaa, waana ku dhaqaaqeynaa howlgalka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta,” ayuu Laftagareen ku sii daray hadalkiisa.

Hoos ka daawo

Daawo: Qoor Qoor iyo ciidan badan oo gaaray Camaara iyo qorshe culus oo socda

0

Camaara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Camaara ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, halkaas waxaa ka socda abaabul xoog leh.

Qoor Qoor waxaa safarkaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka, Wasiir Al-Cadaala, Senator Saciid Siyaad iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan waxaa wehliyey ciidamo xoog leh oo dowladda federaalka ay ku biirisay dagaalka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug, ciidankaas ayaa maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, waxayna safar dhulka ah ku tageen Camaara oo caawa ay ku hoyanayaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Camaara warbaahinta kula hadlay ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay dardar gelinayaan dagaalka kooxda, isagoo dadka deegaanadaas ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin dagaalka kooxda.

Sidoo kale Maxaxweynaha Galmudug ayaa dadka reer Camaara ku amaanay sida ay isku garab taageen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka xoreeeyey kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhowr toddobaad ka hor isku dayday inay ku disho deegaanka Laas-Gacamey, balse maanta ay joogaan deegaanka Camaara oo 40 KM u jira halkii uu weerarkaasi ka dhacay.

“Dhiiranaan hor leh ayaan ka qaadnay weerarkii doqonimada ahaa, waxay maalintaas isku howleen inay dib noo celiyaan, meeshii ay igu soo weerareen 40KM ayaan maanta u jirnaa, waxay heleen jawaabtii ay naga mudnaayeen, hadana waan sii dhaqaaqi doonaa, si aan u dhameystirno inta yar ee ka hartay xoreynta Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab aysan ku sii jiri karin dagaalkaan, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in laga guuleysa karo muddo aan dheereyn, isagoo balan-qaaday in maalmaha soo socda ay dagaalkii ugu adkaa ku qaadi doonaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa aagga Shabeelow, Caad iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awoodeeda isugu geysay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kula dagaalamayaan beelaha Saleebaan, Sacad, Saruur iyo Surre oo sameystay isbaheysi ka dhan ah kooxda.

Hoos ka daawo Qoor Qoor

“Haddii January 8 ay dhici weyso doorasho, Puntland waa burbureysaa,” waxaa yiri…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda maamul goboleedka Puntland, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi, Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada kusoo socota Puntland.

Musharrax Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu cad-cad musharixiinta mucaaradka ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada, isaga oo fariin u diray Isimada Puntland.

Xasan Shire Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay burburi doonto, haddii doorashada lagu qaban waayo xilligeeda oo ah sideeda January ee sanadka 2024-ka.

“Haddii aysan Isimadu xaaladdu inta ay taagan tahay wax ka qaban sideeda January waxa la’isla gaaraa waa dal burburay, dalkuna inuu burburo lama rabo” ayuu yiri Abagaal.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee mucaaradka in aan doorashada kaligiis lagu haleyn madaxweyne Deni ee ay qaataan doorkooda, si loo badbaadiyo Puntland.

“Waxaa la rabaa kaliya inaan ka shaqeyno sidii dalka doorasho loo gelin lahaa, 31-ka Novermber, haddii uusan madaxweynaha soo magacaabin guddigii xulista baarlamaanka waa la magacaabayaa, ma’aha in sideeda January la gaaro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo sheegay inuu khiyaameynayo Puntland, isla-markaana aan lagu aamini karin doorashada.

“Anigu waxaa qabaa in Saciid xitaa aan lagu aamini karin guddiga, waayo waad ogtihiin wixii uu Boosaaso la sameeyay” ayuu mar kale yiri Musharrax Xasan Shire Abgaal.

Si kastaba, Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay bilooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka.

Hantidhowrka oo shaaciyay magacyada mas’uuliyiin gaadiid kala baxsaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo maanta warbixin cusub soo saaray ayaa shaaciyay magacyada 18 mas’uuliyiin oo hore oo ay ku maqan yihiin gaadiid dowladeed oo ay leeyihiin hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah.

Hantidhowrka ayaa warbixintiisa kusoo bandhigay noocyada gaadiidka ee ku maqan gacanta shaqsiyaadkaasi iyo sidoo kale hay’adaha leh oo ay kamid yihiin xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaarado, hay’adda maareynta iyo guddiga madaxa banaan ee doorashada.

Xafiisku Hantidhowrku waxa uu sheegay in arrintaan uu ku ogaaday baaris qoto dheer oo uu sameeyay, taas oo lagu hubiyey hantida ka maqan dowladda, gaar ahaan gaadiidka.

“Baaris iyo hubin uu xafiiska Hantidhowrka sameeyay ayuu ku ogaaday inay jiraan gaadiid ku maqan gacanta mas’uuliyiinta ku xusan lifaaqa jaantuska hoose. Dhammaan gaadiidkaas waxaa hanti dowladeed oo ay tahay in dib loogu soo celiyo gacanta hay’adihii asal ahaanta u lahaa milkiyadooda” ayaa lagu yiri warbixinta Hantidhowrka Guud.

Waxaa kale oo uu Hantidhowrku muddo 15 cisho ah u qabtay mas’uuliyiinta magacyadooda la shaaciyay inay ku maqan yihiin gaadiidkaas, si ay ugu soo celiyaan dowladda dhexe.

“Haddaba Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu idin ku wargelinayaa in dhammaan gaadiidka ku jira gacantiina aad dib ugu celisaan hay’adaha dowladeed ee asalka u leh muddo 15 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa 10 Oktoobar, 2023, kuna eeg 25 Oktoobar, 2023, muddadaas kadib xafiiska Hantidhowrku wuxuu qaadayaa tallaabada xigta ee sharciga ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Guutaale.

Sidoo kale Hantidhowrka ayaa faray hay’adaha dowladda marka lagu soo celiyo gaadiidkaas ay ku diiwaangeliyaan magaca hay’adda, kadibna ay cadeynta lasoo wadaagaan xafiiskiisa.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka agu yiri “Waxa aan rajeyneynaa in aad si xilkasnimo leh u dhowrtaan muddada dib u celinta gaadiidka”.

Muddooyinkii dam eeyay Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa xoojiyey habraacyada lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, sidoo kalena kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

S/L oo qaaday tallaabo uga dareysa xiisadda Puntland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo aagga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas oo hada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan.

Xiisadda ayaa kasii dartay, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay Somaliland ay ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay magaaladaas, taas oo ay ka carootay Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka fadhigiisu yahay Garoowe, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka hadlay abaabulka ka socda Ceerigaabo ayaa farriin u diray Somaliland.

Ugu horreyn waxa u sheegay in ciidankaas laga soo qaaday aagga magaalada Oog, isla-markaana ujeedka uu yahay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Karaash ayaa ugu baaqay maamulka Hargeysa in ciidamada uu ka saaro koonfur magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

“Waxaan ugu baaqaynaa maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto baaqaas in ay qaadan doonaan masuuliyadda wixii dhibaatada ah ee dhalata arrintaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo dhawaan ay magaalada Ceerigaabo ka dhacday is rasaasayn dhex-martay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah.

Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha, walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.

Maamulka gobolka oo ka jawaabay canshuur laga qaaday masaajid iyo dugsiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, isaga oo ka jawaabay cabasho kasoo yeertay shacabka deggan inta u dhexeysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa shalay qaylo dhaan ka muujiyay rag ka tirsan dowladda oo bilaabay inay canshuur ka qaadaan masaajidda iyo dugsiyada qur’aanka ee ku yaalla halkaasi, taas oo dad badan layaab ku noqotay, kadib markii lasoo wariyay in rasaas loo adeegsaday mid kamid ah dugsiyada ku yaalla xaafadaas, taas oo dhalisay khasaare u badan dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo tegay xaafadda ay dhibaatada ka taagan tahay ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan wax ka ogeyn canshuur laga qaadayo goobaha lagu cibaadeysto iyo sidoo kale dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

Yabooh ayaa sidoo kle caddeeyay in xittaa File-ka dowladda hoose uusan ku jirin in lacag canshuur ah laga qaado goobahaasi, balse ay tahay in la kaalmeeyo.

“Masaajidda iyo dusgiyada nooma qorna in canshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda hoose, waana i maqlaayaan labadii maamul ee halkan ka jiray, amarkaas waa amar duq magaallo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Sideedaba masaajid iyo dugsi waa la kaalmeeyaa waa la garab isaataagaa, waxaa la rabaa inay nooga duwanaadaan waxa kale oo dhan”.

Guddoomiye Yabooh oo hadalkiisa sii wata ayaa raalli-gelin buuxda siiyay waxgaradka deegaanka, isaga oo ballan qaaday in arrintan ay wax badan ka qaban doonaan

“Lacag dowladeed sideedaba waa inay system ku timaadaa, systemna ay ku dhacdaa marka raalli ahaada odayaasha iyo dadka xaafadda oo dhan” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Arrintan aya markii ay soo baxday waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, ayada oo dadka isticmaala baraha bulshada ay si weyn uga falceliyeen in canshuur laga qaado masaajidda iyo dugsiyada qur’aanka kariimka ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka oo tegay degaan lagu go’doomiyey Al-Shabaab

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay deegaanka Ciid Ciida oo uu in muddo ah ka socdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu go’doomiyay halkaasi.

Taliyaha ayuaa dhiiragelin ugu tegay ciidamada ku kumaandooska ilaalo qaran ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Califooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horreyn taliyaha ciidankada dhulka ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ku sugan aagggaas, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud.

Dayax ayaa isna khudbad u jeediyay ciidamada ku sugan aaggaas, isaga oo ku bogaadiyay sida ay waajibkoodii  uga guteen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay deegaanadaasi, kuwaas oo markii dambe lagu qaaday weerar dhulka iyo cirka ah oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay.

Sidoo kale waxa xusay in ay tahay waxa ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah, talllaabada ay qaadeen iyo jawaabta ay ka bixiyeen isku daygii kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo kula dar daarmay ina y sii laba jibaaran halgankooda iyo dagaalka ay kula jiraan Shabaab, si looga hortago inay mar kale kusoo laabtaan goobaha la xoreeyay.

Maalmihii u dambeeyay taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka ayaa waday kormeeer guud oo ay ku bixinayaan furimaha hore ee dagaalka, si ay u dhiirageliyaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka & kuwa loo yaqaano Macawiisleyda.

Xujo ku horgudban XASAN ‘oo uusan ka boodi karin’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii usoo deyriyay xubno reer Koonfur Galbeed ah oo waayahan karkarinaayay in doorashada maamulka Koonfur Galbeed ay bilaabato bisha soo aadan ee November.

Xasan Sheekh ayaa u sheegay xubnahaas in doorashada maamulkaas laga wada-hadli doono marka la gaaro bisha November 2024. Inkasta oo kulan kale iskugu dhiman yahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, hadan waxaa jirta xujo xukun oo Xasan Sheekh dhinac taalla inta aan la gaadhin in doorasho lagu qasbo Lafta-gareen.

Tan waxaa la yiraahda Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe yaa horreeya

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka talinayay maamulka Jubbaland tan iyo markii ay maamul noqdeed. 15-kii May 2013 ayay ergo dooratay Axmed Madoobe kahor inta aan bisha August 2013 aqoonsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ka hadleyna inta uu jiro magaca Jubbaland, sanadkii 11 ayaa u socda Axmed Madoobe. Sida maamullada kale ee dalka marka laga reebo Puntland muddo xileedka hay’addaha la doortay ee Jubbaland waa afar sano.

Waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu xukunka haysto labo xilli doorasho iyo labo sano oo dheeraad ah. Marka laga hadlayo labada heer dowladeed ee Soomaaliya majiro qof ka xukun dheer Axmed Madoobe maanta.

Hadda waqtigii waa ka dhamaaday, dowladda federaalka ahna ma dhihin Axmed Madoobe doorasho qabo.

Isbarbardhiga Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe

Marka la isbarbardhigo Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen haddiiba ay dowladda federaalka Soomaaliya ay cid u direyso doorasho dadka waxay badi qabaan in Axmed Madoobe laga bilaabo ama labadoodaba la wada jiheeyo.

Xal u la’aanta dowladda dhexe ee Axmed Madoobe ayaa caawineysa Lafta-gareen, berrina caawin karta Qoor-Qoor.

Mucaaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay muujiyeen cadaadiskii ugu sareeyay ee xukun lagu raadin jiray, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza iyaga oo aan wax xal ah u hayn hoggaamiyaha muddada fog ku fadhiya ee Jubbaland waa adag tahay in go’aan deg deg ah ka gaaran Koonfur Galbeed.

Labada hoggaamiye waqtigii waa ka dhamaaday waxay ku darsadeen waqti dheeri ah, laakiin mid kamid ah ayaa muddo dheer ku fadhiya kursiga, waxaana xalkiisa looga fadhiya dowladda dhexe, iyada oo weliba si gaar ah ay isku dhari u yihiin ra’iisul wasaaraha hadda jooga Xamza Cabdi Barre.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu haystaa difaac uu waqtiga abuuray. Villa Somalia waxay aaminsan tahay in dhamaan maamullada ay doorasho gali doonaan bisha November 2024, taas oo iyaduna ku xirnaan doonta sida uu xaalku yahay maalinkaas.

Xarumihii keydka hubka Al-Shabaab ee gobolka Jubada Dhexe oo la weeraray

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen saldhigo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ay qaadeen howl-galladaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Al-Shabaab ee Bu’aale, Saakow iyo Jilib ee isla gobolka Jubbada Dhexe.

Saldhigyada la wareeray ayaa sidoo kale waxaa ku jiray kaydka hubka kooxda, sida ay sheegtay dowladda oo aan weli si rasmi ah u faah-faahin khasaaraha howl-galkaan.

Warar horudhac ah ee laga helayo weerarada lagu qaaday goobahaasi ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu kasoo gaaray khasaare weyn, maadaama weerarka cirka qaarkood lagu eekeeyay xarumaha hubka kooxda ee ku yaalla halkaasi.

Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.

Maalmo kahor ayey aheyd markii duqeymo lagu beegsaday degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen xarumo ay kasoo abaabulaan weerarada qorshaysan ee kooxda.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Taalibaan oo war soo saartay xili la sheegay inay dagaalka Xamas iyo Israel ku biireyso

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa beenisay warar ku saabsan inay isku dayayaan inay ku biiraan dagaal-yahannada Xamas, kadib markii qoraal been-abuur ah oo lasoo dhigay barta X lagu sheegay in kooxda reer Afghanistan ay dooneyso inay safarto si ay ugu biirto dagaalka.

Fallanqeeyayaasha ayaa sheegay in tani ay Taalibaan galisay xaalad adag oo ah in ay si cad uga laabtaan taageerada Xamas, lagana yaabo in ay ka careysiiyeen qaar ka mid ah xubnahooda.

Cinwaanka baraha bulshada ee Taliban Public Relations, oo markii dambe magaca u beddeshay #Free Palestine, ayaa Sabtidii soo qoray in Taliban ay la xiriirtay Iran, Iraq iyo Jordan kana codsatay marin ay ugula biiraan Xamas dagaalka socda ee ay kooxda kula jirto Israel.

Qoraalka oo la daawaday in ka badan 2.5 milyan oo jeer, ayaa waxaa sidoo kale qaatay qaar ka mid ah warbaahinta.

Madaxa xafiiska siyaasadda Taliban ee Doha, Mohammad Suhail Shaheen ayaa koox weriyayaal ah oo ku jiray group WhatsApp ah u sheegay in warkan uu yahay mid aan sax aheyn.

“Sax ma ahan,” ayuu qoray isaga oo ka jawaabaya su’aal, waxaana uu intaas ku daray “Waa warar ku-tiri ku-tayn ah, ma ahan war xaqiiq ah.”

Afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayaa u sheegay VOA in “wasaaradda arrimaha dibedda Taliban ay soo saartay war-saxaafadeed, islamarkaana mowqifkood uu weli sidiisa yahay.”

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Taliban oo lasoo saaray Sabtidii ayaa lagu sheegay “Inay si taxaddar leh isha ugu hayso dhacdooyinka Gaza.”

“Imaaradda Islaamiga waxay u aragtaa difaac kasta iyo iska caabin kasta oo shacabka Falastiin ay ku doonayaan xorriyadda dhulka iyo goobaha barakeysan inay tahay xuquuqdooda saxda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dagaalka Israel iyo Xamas ayaa billowday Sabtidii kadib markii dagaal-yahannada Xamas ay jebiyeen xeyndaabyada xuduudda Gaza, ayna galeen magaalooyinka koonfurta Israel.

Xamas ayaa aheyd mid ka mid ah kooxihii ugu horreeyey ee Taliban ugu hambalyeeyey inay la wareegtay awoodda Afghanistan 2021.

Labada koox ayaa kadib kulmay dhowr jeer wixii markaas ka dambeeyey.

VOA

Madaxweyne ERDOGAN oo loo diray codsi ku saabsan dagaalka Xamas iyo Israel

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Dowladda Turkiga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku booriyay in ay kala shaqeeyaan, sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhex oogan Falastiiniyiinta iyo Israel.

Madaxweyne Biden ayaa Turkiga weydiistay in uu gacan ka siiyo xal u helidda xiisadda Sabtidii ka dhex qaraxday labada dhinac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Madaxweyne Biden wuxuu sii raadinaya in Turkiga uu si joogto ah uga la shaqeeyo joojinta dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, oo khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sidoo kale ka codsaday in Ankara ay sii waddo ka qayb qaashada joojinta weerarada Xamaas.

“Mareykanku wuxuu dhankiisa diiradda saaraya, sidii Xamaas ay weerarada u joojin lahayd, loona sii deyn lahaa dhammaan la haysteyaasha,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Xoogaga Xamas ayaa la sheegay in ay weerarka ku qafaasheen kun qof, oo isugu jira Ciidamada Israel iyo weliba dad shacab ah.

Tirada dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay in ay sii caga-caganeyso in ka badan 1,500 qof, kuwaa 450 ka mida ay yihiin Falastiiniyiinta.

Israeliyiinta ayay naxdin ku noqotay weerarkan oo ay ku sheegeen kiisii ugu horreyay ee garabyada hubeysan ee reer Falastiin ka gaystaan dhulka la haysto.

DF Somalia oo soo saartay awaamiir cusub oo ku socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku socota dhamaan nootaayooyinka Muqdisho iyo mulkiilayaasha gaadiidka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku wargelisay qod kasta oo leh baabuur uusan iibin karin, kahor inta uusan soo marsiin habraaca kala wareejinta ee u dagsan wasaaradda gaadiidka iyp duulista hawada.

“Qofna ma yeelan karo noocyada kala gedisan ee gaadiidka sida ku xusan sharciga diiwaan-gelinta gaadiidka, haddii aanu ka diiwaan-gashaneyn wasaaradda gaadiidka si waafaqsan sharcigan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday wasaaradda.

Wareegtada kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ujeedkiisu ahaa dhaqan-gelinta habraaca kala wareejinta gaadiidka ayaa waxaa laamaha amniga lagu faray inay ka qeyb qaataan fulinta amarkaan kasoo baxay wasaaradda.

“Baabuurka aan la marin habraaca ee la arko waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana masuuliyadda arrintaas ka dhalata qaadaya milkiilaha gaday, isagoo marsiin kala wareejinta sharciga ah ee diiwaanka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.”

Go’aanka wasaaradda ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeelatay masuuliyiinta qaar kamid ah Nootaayooyinka, Wasaaradda Cadaallada iyo hay’addaha amniga iyo weliba ciidanka nabad-gelyada waddooyinka.

Sidoo kale waxaa awaamiirta cusub ee kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada wax ka og wasaaradda amniga iyo taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ku cad warqadda kasoo baxday wasaaradda oo uu ku saxiixna wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ragga, halka iyo sida loo qorsheeyey weerarkii ay Xamas uga yaabsatay Israel

Gaza (Caasimada Online) – Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn.

Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah milateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii Agoosto kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda.

Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah.

Xamaas waxay gacanta ku haysaa marinka Qasa, halka Xisbullah ay tahay koox siyaasadeed oo hubaysan oo shiica ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hussein Amir-Abdullah ayaa ka qayb galay labadii kulan ee u dambeeyey sida uu wargeyska the Wall street Journal qoray in laga soo xigtay xubno ka tirsan Xamaasa iyo Xisbullah.

Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado ayadoo dalku u muuqdo in uu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamoin Netanyahu. Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku garwadeenka ka yahay ee lagu caadiyeynayo xiriirka Sacuudiga iyoIsraa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta.

Qorshaha balaaran ee Iran wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furin oo israa’iil laga soo weeraro, ayadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Xamaasna ay ka soo qaadayaan Qasa iyo daanta galbeed.

Wargeysku wuxu kaloo qoray inIran ay meel iska dhigtay xiisadihii kale ee gobolka oo ay kujirto tan u dhaxaysa ayaga iyo Sacuudiga iyo Yemen, oo ay diiradda saartay inay isticmaasho IRGC ilaheeda ku wajahan dhaqaale ku bixinta iyo hubaynta ‘kooxaha argagixisada’ ee Xamaas iyo kooxaha kale si ay u weeraraan Israa’iil.

Laakinse markii wax laga weydiiyey Mahmoud Mirdawi oo ah sarkaal xamaas ka tirsan kulamada Iran lala yeeshay ee ka dhacay Beirut, wuxuu sheegay in ay ahaayeen “go’aannada Falastiiniyiinta iyo Xamaas”.

Afhayeen u hadlay ergada Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisa uu uu taageersan yahay ficillada Xamaas, wuxuuse sheegay in Iran aysan amrin.

“Go’aannada ay sameeyeen kooxaha wax iska caabinta ayaa ah kuwo madax banaan oo la jaanqaadaya danaha sharciyadeed ee shacabka Falastiiniyiinta” ayuu wargeyska the Wall Street Journal ka soo xigtay afhayeen codsaday in magaciisa la qariyo, wuxuuna intaa raaciyey “kuma lug lihin jawaabta Falastiiniyiinta bacdamaa ay falastiin ayada uun qaadatay”.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa aisna muujiyey taageerada uu hayo weerarkak Xamaas, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay qaaddo mas’uuliyadda ah in ay gobolka khatar galisay.

Afhayeenka Xamaas, Ghazi Hamad ayaa isna la weydiiyey bal inuu sheego inta ay le’eg tahay taageerada xamaas ay Iran ka heshay si ay weerarkan u qaaddo ayaa ku jawaabay “waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dalal badan oo na caawinaya. Iran way na caawisaa, dalal kalena way na caawiyaan, ha noqoto lacag, hub ama taageero siyaasadeed”.

Isaraa’iil waxay iminka kula dagaallamaysaa Xamaas todoba furimood oo dhulkeeda ah, waxayna u yeertay in ay hawlgalaan 100, 000 oo askari oo ah ciidanka kaydka ah.

Xamaas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaadday Israa’iil arooryadii sabtida, kaasoo la yaab ku noqday dunida sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey. Weerarkaas oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 1,100 qof.

Isha: BBC

Mucaaradka Puntland oo kusii qul-qulaya magaalada Garowe iyo qorshaha socda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa kusii qul-qulaya magaalada Garowe, xilli uu halkaasi ka furmayo shirweyne looga soo horjeedo madaxweyne Deni.

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmihii dambe waday qorshaha shirweyne lagu mideynayo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa culaysyo kala kulmaya laamaha amniga.

Puntland ayaa shalay mamnuucday in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub iyo ciidan lasoo galaan caasimada Puntland ee Garoowe, xilli lagu wado inay ku dhawaaqan isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasiyiintan ayaa diidan qorshaha uu Deni ka leeyahay doorashada qof iyo cod, waxayna rabaan in doorashada ku dhacdo hanaankii baarlamaaniga aheyd, halka Deni uu rabo in awoodda dadweynaha dib loogu celiyo, inkasta oo mucaaridka sheegeen in qorshahaas uu ku ladhan yahay damac muddo kororsi.

Shakhsiyaadka aadka uga dhex muuqda mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, kaasi oo shalay meel fagaare ah ka weeraray Deni, oo uu sheegay in uu ku fashilmay doorashadii nidaamka axsaabta badan.

“Deniyoow xilkii kaa dhamaa ee soo deg, Puntland waxaad gelisay xaalad adag, Boosaaso waxa ka taagan waad aragtaa, Gaalkacayo waa laysku dilayaa, Garoowe amnigii waa diciifay, xataa ciidankii PL ee sharafta badnaa waa dayacmay,” ayuu yiri Abgaal oo meel fagaare ah ku weeraray Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay imaan doonto waqti aan Deni waxba laga weydiin doonin masiirka Puntland, haddii uusan kahor dhamaadka muddo xileedkiisa ku dhawaaqin doorasho.

Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay billooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka.

QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalka Xamas iyo Israel iyo Guterres oo…

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Israa’iil, lana sii daayo dhammaan maxaabiista la qabsaday.

Sidoo kale wuxuu uga digay ciidamada Israa’iil inay qaadaan hawlgallo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

“Waxaan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, hase ahaatee qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada ah, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah” ayuu yidhi Guterres, isaga oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee Qaramada Midoobay, kadib kulan deg deg ah oo ay saraakiisha sare ee QM ay ka yeesheen xaaladda soo cusboonaatay.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray “Waxaan markale ku celinayaa, baaqayga ku aaddan, in si degdeg ah loo joojiyo weerarada isla markaana loo sii daayo maxaabiista.”

Subaxnimadii Sabtidii, waxaa dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ay weerar qorshaysan ku qaadeen Israa’iil, iyaga oo bartilmaameedsaday magaalooyin kala duwan, halkaas oo ay ka soo afduubteen boqollaal qof oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku jiraan dad ajaanib ah.

Xoghayaha Qarmada Midoobay ayaa si weyn uga xumaaday hadalada ka soo yeedhay xukuumadda Israa’iil ee ku aaddan, inay go’doon gelinayso marinka Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 2 million oo qof.

Israa’iil ayaa sheegtay inay marinka Gaza gelinayso go’doon dhamaystiran, isla markaana ay ogolaan doonin in la geeyo cunto ama shidaal ama inay helaan koronto.

Mareykanka oo shaaciyey tirada dad uga dhintay weerarka Israa’iil iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in sagaal ka mid ah muwaadiniinteeda lagu dilay gudaha dhulka Israa’iil, halkaas oo maalinkii seddaxaad uu ka socdo weerar uu qaaday ururka Xamaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhibanayaasha iyo qoysaska dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey, waxaana u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sii wadeynaa inaan si dhow ula socono xaaladda oo aan la xiriirno saaxiibadayada Israel, gaar ahaan maamulka maxalliga ah.”

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay safaaradda Israa’iil ayaa shabakadda wararka ee CBS u sheegay in tirada dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ay hadda marayso 900 oo qof.

Dhanka Qasa, tan iyo bilowgii weerarkii aargoosiga ahaa ee Israa’iil, waxay hadda dhimashadu maraysaa 600 oo qof, inta si rasmi ah loo xaqiijiyey.

Chancellor-ka Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in uu filayo in uu fiidnimada Isniinta uu kala hadli doono dhiggiisa UK, Faransiiska iyo Mareykanka colaadda Bariga Dhexe.

Scholz ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ka hor shir wadajir ah oo golaha wasiirada dalalkooda ay ku yeelan lahaayeen magaalada Hamburg.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay sida uu dalkiisa uga jawaabayo weerarka Xamaas ayaa sheegay in tani ay tahay billowga.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, saraakiil ka socotay koofurta Israa’iil ayuu u sheegay in “waxa ay Xamaas la kulmi doonto ay tahay wax adag oo xanuun badan”.

Netanyahu ayaa intaa raaciyay in tani ay “tahay billowga… waan idinla jirnaa dhammaan xoog ayaana uga reyn doonnaa, awood weyn”.