26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha lagu tababarayo ciidamada DF ee dalka Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidamada uu tababarku uga socdo Erterea ayaa iskugu jira kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka, waxay ciidanka qaar tababarkaan qaadanayaan in ka badan shan sano.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee xeryaha ciidamada waxaa galabta ku wehliyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas, Yemane G. Meskel.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Etirrea uga mahadceliyey ‘sida walaalnimada ah oo ay uga qayb qaadatay nabadda Soomaaliya’.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababareysa Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii December ee sannadkii la soo dhaafay.

Ciidamada qaar, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda loo tababarayo waxay Eritrea ku sugan yihiin in ka badan shan sano, waxaana tababarka u dirtay dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab u joogay Dhuusamareeb muddo laba bilood ah ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, kadib hal habeen oo Dhuusamareeb uu ka soo maqnaa.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo laabto Eritrea wuxuu dib ugu laabanayaa Dhuusamareeb, sida ay ogaatay Caasimada Online, wuxuuna halkaas ka bilaabi doonaa dardar gelinta dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

 

Puntland oo qaaday tallaabo culus oo mucaaradka ka dhan ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaray tallaabo cusub oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ee imaanaya magaalada Garoowe ay amnigooda sugeyso dowladda, islamarkaana aysan hub lasoo geli karin caasimadda.

“Guddiga dhaqan-galinta amniga ayaa u xilsaaran amniga caasimada,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay guddiga nabad-gelyada gobolka Nugaal.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda, xilli mucaaradka uu wado diyaar-garowga shirweyne ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bishaan October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe.

Sida ay Caasimada Online hore u baahisay shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinaca saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo.

Si kastaba, go’aannadan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan gudaha magaalada Garoowe, taasi oo u dhaxeysa mucaaradka iyo kooxda Deni, islamarkaana salka ku haysa doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.

Sawirro: Uganda oo DF ku garab istaagtay ‘ka mira-dhalinta’ qorshe muddo socday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka John Mulimba.

Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Saalax ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isaga oo uga mahad-celiyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Riyada Soomaaliya ee ku biiritaanka suuqa iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa u muuqata inay rumoobeyso, sida ay kal hore shaacisay dowladda federaalka.

Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa dhawaan ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaas si weyn usoo dhaweysay tallaabadan, oo lagu tilmaamay guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalkeena.

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Khasaaraha isku dhac Hargeysa ku dhex-maray booliska iyo dadweyne careysan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Hargeysa qeybo kamid ah ka socda mudahaaradyo ay dhigayaan dadweyne cadheysan, kaasi oo sabab u noqday isku dhexmara boomiska iyo shacabka.

Isku dhaca ciidamada booliska iyo shacabka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhulka Laynka Booliska ee badhtamaha suuqa Hargaysa ay xukuumadu ka iibisay ganacsato, si looga dhiso dabaqyo dhaadheer.

Goobtan la amray in la baneeyo oo ay degan yihiin dad u badan qoysas boolis ah, ayaa diiday in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo la sheegay in xukuumadu ay u qorshaysay in loo raro goob kale, islamarkaana la siiyo guryo iyo qadar lacag ah.

Rabshadaha looga soo horjeedo go’aanka xukuumadda oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyada oo inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xabsiga loo taxaabay saraakiil boolis ah oo kamid ah dadwaynaha goobta dagan oo amarka lagu baneynayo diiday.

Go’aanka xukuumadda ay ku iibineyso dhulka danta guud ah ayaa sidoo kale waxaa si weyn u cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Xaaraan ayay noqonaysaa haddii waxaas umadu wada leedahay ee xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ay idinka iibiso oo xoolihiina aad ku iibsataan, waa jiriimo weyn oo umadda aad ka gasheen,” ayuu yiri Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis.

Xoghayaha xisbiga Waddani ayaa intaas kusii daray “La iskama hadhi doono, waa wax la iskaga daba iman doono.”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay arrintaan taagan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka xukuumadda ay ku iibineyso dhulkaan.

Waxa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in loo midoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka, laakiin aysan xilligaan ahayn in xukuumadda ku mashquusho iibka dhulka.

Si kastaba, dhulkaan ayaa sida la sheegay lagu iibinaya lacag badan, maadaama uu ku yaallo meel muhiim ah oo suuqii badhtankiisa ah, taasi oo keentay in dadkii deganaa qaarkood ay dalbadaan in lacagta loo qoondeeyay loo kordhiyay.

Xogta howl-gal Al-Shabaab looga qabtay gaari saanad u siday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka soo saartay howl-gal culus oo xalay ka dhacay gobolka Mudug.

Ciidamada deegaanka ee ka howl-galaya Xinlabi oo xalay howl-gal ka fuliyay meel u dhaw deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan gaari kooxda Al-Shabaab u sida Saanad.

Ciidamadaan oo fuliyay howl-gal dhabbo-gal ah ayaa gaariga kasoo qabtay meel 5 KM u jirta deegaankaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Howl-galkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa lagu qabtay gaariga, waxaana sidoo kale ciidamada shacabka hubeysan ay soo qabteen darawalkii gaariga oo isku dayay in uu baxsado.

“Tallaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Ciidamada deegaanka ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howl-gallada qorsheysan ee ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Shabaabka, taasi oo muujinaysa heerka dhiiranaanta ee geesiyasha deegaanka, iyaga oo ka faa’iidaysanaya wada-shaqaynta kala dhaxaysa shacabka iyo aqoonta ay u leeyihiin dhulka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Ciidamada ammaanka oo ka hortegay qaraxyo, kadibna dilay…

0

Janaale (Caasimada Online) – Waraka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada Janaale, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo lagu shaaciyay in lagu fashiliyay qaraxyo mooto lagu waday.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka sameeyay oo gaaray deegaanka Garilow ay soo dileen laba kamid ah xubnaha waday qaraxyadaasi.

“Labo ka mid ah Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay ka sameeyeen xalay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen raggaas iyo qaraxyada oo ahaa bambaanooyin la doonaayay in lagu weeraro ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

“Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen maleeshiyaadka la dilay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay Internet-ka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna inta badan kasoo abaabushaa qaraxyo iyo weeraro qorsheysan intaba.

Shiinaha oo jawaab aysan fileynin ISREAL ka bixiyey dagaalka ay kula jirto Xamas

Beijing (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka.

“Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

“Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing.

Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin.

Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel.

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israel xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X.

Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israel ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa.

Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xiriira, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israel, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israel ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha.

VOA

Hoobiye ku dhacay guriga xildhibaan BF Soomaaliya ka tirsan + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa hoobiye saaka aroortii hore ku dhacay guriga Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiye uu ku dhacay hoy uu xildhibaankan oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ku leeyahay xaafadda Dabaqiinka ee dgemadaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo qaaray qaar kamid ah carruurtiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innnoo sheegay in goobta uu ku geeriyooday wiil uu dhalay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirauy Maxamuud Maxamed Keerow, ayada oo uu dhaawac soo gaaray wiil kale oo uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa burbur xoog leh uu soo gaaray guriga xildhibaanka ee saaka lagu weeraray hoobiye, balse lama oga halka laga soo tuuray.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale innoo sheegay in guri kale oo daris la ah xildhibaanka uu ku dhacay hoobiye kale, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan hoobiyeyaashaasi khasaaraha dhaliyay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale hoobiyeyaal loogu garaacay xaafadda Taraabuushka ee degmada Wadajir, kuwaas oo ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.

Ilhan Cumar oo war lama filaan ah kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalk Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo galay maalintii 3-aad oo xiriir ah, isla-markaana geystay khasaare xoogleh.

Ilhan Cumar ayaa si lama filaan ah uga hadashay dagaalkan, ayada oo cambaareysay weerarka culus ee ay Xamaas ku qaadday Israel.

Sidoo kale waxa ay wax laga argagaxo ku tilmaamtay ‘in la laayo dadka aan hubeysneyn iyo afduub ay sheegtay inay gaysteen dagaalyahanada Xamaas.

Waxaa kale oo ay ugu baaqday in labada dhinac ay dejiyaan xaaladda, kadibna ay sameeyaan xabad-joojin, si loo joojiyo dagaalka iyo dumaha ka socda halkaasi.

Ilhan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in dhankeeda ay sii wadi doonto u dhaq-dhaqaadida nabada iyo cadaalada barriga dhexe.

Gabadhan xildhibaanada ah ee laga soo doorto Minnesota ayaa horey loogu eedeeyay Israel naceyb, iyada oo markaas loo arkayay nay taageerto Falastiiniyiinta, balse warkan ayaa dad badan layaab ku noqotay, maadaama ay ka hortimid guusha Ururka Xamaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhimashada dagaalka ay korortay, ayna gaartay dhanka Israle 700 oo qof, halka laga dhaawacay in ka badan 2,000 oo kale.

Waxaa sidoo kale nolosha lagu qabtay askar iyo saraakiil u dhashay Israel, ayada oo jiraan shacab badan oo u gacan galay kooxda Xamaas.

Falastiin ayaa dhankeeda dhimashada waxaa lagu qiyaasay 413 qof oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo ku dhintay duqeymo ay ciidamada Israel fuliyeen kadib weerarka lagu qaaday.

Xasan Sheekh ‘oo u deyriyay’ mucaaradka K/G iyo Lafta-gareen oo guul ka gaaray…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale magaalada Dhuusamareeb isku arkay mucaaradka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha Dhuusamareeb tegay waxaa ugu tun weynaa hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulankaan wuxuu ahaa midkii labaad oo ay isku arkaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnahaan asbuuc gudihiis. Labada kulan waxaa u dhaxeeyay kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen.

Xubnaha mucaaradka ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay ku dhaganaayeen in la fuliyo heshiiskii Baydhabo lagu gaaray horraantii bishii Febraayo ee sanadkaan. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in doorashada Koonfur Galbeed bilaabato bisha soo aadan ee November ee sanadkaan 2023.

Laakiin shalay waxay lasoo noqdeen go’aan aan ka fileyn madaxweyne Xasan Sheekh. Sida laga soo xiganayo mid kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed ee Jimcihii la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu madaxweynaha u sheegay mucaaradka in wax doorasho ah ka dhaceyn Koonfur Galbeed illaa la gaaro bisha November 2024, taas oo ka dhigan in Xasan Sheekh ku dhagan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May.

“Dalku dagaal ayuu ku jiraa haddana uma soo jeedo doorasho ee aan dagaalka ka wada shaqeyno,” ayuu nagu yiri madaxweynuhu ayaa laga soo xiganayaa mid kamid ah xubnihii madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed markay arkeen mowqifka madaxweynaha waxay iyaguna u sheegeen inay mowqifkoodii hore sii wadayaan oo ay u socdaan magaalada Baydhabo, maadaama ay tahay magaaladoodii.

Laakiin wuxuu Xasan Sheekh ka dalbaday in marka hore saxaafadda la hadlaan oo ay sheegaan inay aqbaleen in la sugo doorashada Koonfur Galbeed illaa November 2024, kadibna ay aadan Baydhabo, haddii ay taas diidaan wixii dhibaato ah oo ka dhasha socdaalkooda in uusan isagu masuul ka aheyn, waa sida uu hadalka u dhigay masuulkaasi kamid ahaa wafdigii madaxweynaha la kulmay.

Wuxuu intaas ku daray in iyaguna ka cudur daarteen inay taas aqbalaan oo ay saxaafada sidaas u sheegaan, iyaga oo ku dooday inay yihiin rag deegaankooda u socda, sidoo kalena aanay doorashada ka tanaasuli karin.

Kulankaan oo shan saacadood xiriir ah socday doodaha hareeyay waxaa kamid ah midda horeysa amniga iyo siyaasadda. Xubno kamid ah mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kala dooday madaxweynaha in marka hore laga heshiiyo siyaasadda kadibna looga gudbo ka wada shaqeynta amniga, laakiin madaxweynaha taas cagsigeeda ayuu qabay oo ah in aan dalka wax siyaasad ah iyo doorasho ah ka socon karin illaa laga adkaado argagixisada.

Gunaanadka kulanka markii arrintu dhinac u dhici weysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed inay kulan kale iskugu yimaadan magaalada Muqdisho isla asbuucan, wallow ay mucaaradka Koonfur Galbeed rejo xumo ka muujinayaan waxa iska beddeli kara mowqifka madaxweynaha.

Natiijada mucaaradka Koonfur Galbeed ay Dhuusamareeb kala soo noqdeen ayaa dhinaca kale waxay guul hordhac ah u tahay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo aan isagu rabin inuu doorasho qabto.

Xogta hooyo Soomaaliyeed iyo afar carruurteeda ah oo ku dhintay dalka Finland

Helsinki (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed iyo afar caruurteeda ah ayaa ku geeriyooday dab ku kacay gurigooda oo ku yaalla dalka Finland. Dabka ay ku geeriyoodeen hooyada iyo carruurteeda waxaa urka qiiqa dareemay oo ku soo baxay qoys daris la ah.

Sida booliska laga soo xigtay waxaa kaliya ka badbaaday dabka waa aabbaha qoyska oo la sheegay in ay u suuragashay in uu ka baxo.

Waxay boolisku sheegeen in hooyada iyo carruurta ay isla goobta ku dhinteen oo aan lagu gaarin iyagoo nool.

Saacadihii dambe ee habeenkii Axadda ayuu dabka bilowday. Carruuta ayaa la sheegay in da’oodu ay ka yared 10 sano. Aabbaha badbaaday ayaa isbitaalka looga daaweeyay dhaawacyo dabka ka soo gaaray.

Boolisku waxay shegeen in dhammaan qoyska ay u dhasheen Finland balse ay asalkooda ay ka soo jeedaan Soomaaliya.

Dabka siduu ku bilowday?

Dhismaha uu dabka ka kacay waxa uu ahaa guri dabaq ah, qoyskana waxay ka deganaayeen qeybta dhulka.

Sida uu dabka ku bilowday mar ay ka hadleen boolisku waxay sheegeen in uu ka bilowday qolka laysku kululeeyo (sauna) kaas oo laga dhigay meel wax lagu keydsado, waxaana yaalay alaabo dabka degdeg ku qabsankaro.

Qeybaha badbaadada ee gobolka Uusimaa waxay sheegeen in howsha badbaadada ay soo afjareen wax yar ka hor waabarigii. Ilaa 9 qeybood oo ayaa isugu yimid goobta.

Madaxa howlaha samatabixinta ee bartamaha gobolka Uusimaa, Jorma Alho, waxa uu u sheegay warbaahinta Iltalehti in dabka uu guriga wada burburiyay.

Qeybta dambi baristana Otkes waxay sheegeen in ay baarayaan dabka.

Magaalada Vantaa waxay ku taal gobolka Uusimaa ee Finland, waxaana la sheegay in ay ku nool yihiin dadka gaaraya 245,384, waxayna taasi ka dhigeysay in ay tahay magaalada afaraad ee ugu dadka badan dalkaas.

Dadkii yaqaannay qoyska wixii ay ka yiraahdeen

Daniela Vainio oo deggan dabaqa shanaad ee dhismaha ayaa sheegtay in ay ku toostay qiiqa dabka iyado mooday in dabka uu ka kacay gurigeeda.

Waxay kaloo sheegtay Daniela in qoyska dabka ku geeryoody ahaayeen dariskeeda ayna salaami jirtay marka ay iska horyimaadaan. “Si gaar ah isuma aqoon balse salaanta ayaa naga dhexeysay” ayey tiri

Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje oo ka mid ah madaxda ururada Soomaalida ee Finland qoyska musiibada ku geeriyoodayna qaraabo la ah ayaa BBC-a uga warramay sidii ay wax u dhaceen. Wuxuu noo sheegay in qoyska ay hurdayeen markii uu dabka kacay.

“Carruurta iyo hooyda waxaan u sababeynaa in ay u dhinteen qiiqa”.

Waxaan kaloo weydiinay xaaladda aabaha qoyska ee badbaaday. Qooje wuxuu yiri: “Kama sheekeyn karo aabaha xaaladiisa, nin qoyskiisa waqti kooban ku waayay , afar carruur ah iyo hooyadood waad garan kartaa sida uu u murugeysan yahay” ayuu yiri.

Soomaalida ku nool magaalada Vantaa iyo gobolka oo dhan ayaa isugu yimid si ay aabaha ugu tacsiyeeyaan iyagoo sheegay in ay la qeybsanayaan muragada.

Qooje ayaa ugu baaqay dhammaan Soomaalida in ay ka soo qeybgalaan marka la aasayo hooyada iyo carruurta qoyska ee dabka ku geeriyooday.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray Soomaalida dalka ku nool ee guryahooda leeyihiin Soonada.

“Waxaan dadka u sheegeynaa in ay hubiyaan oo ay damiyeen Soonada marka ay seexanayaan habeenki”, ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje

Warbaahinta gudaha dalka ayaa si weyn uga hadashay maanta qoyska Soomaaliyeed ee dabka ku dhintay.

DF oo shaacisay in 20 Shabaab ah ay ku dishay Shabeelow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, isla-markaana lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay hawdka deegaankaas, sida ay hadalka u dhigay.

Warsaaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loogu talagay, isla-markaana uu kusoo dhammaaday si guul ah.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay gawaarida siday xubno Shabaab ah, saanad, qaraxyo, cunto iyo daawo.

“Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu khaarijiyay ugu yaraan 20 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayey halkaasi

“Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe” ayaa la raaciyay.

Shabeelow ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala galaya dowladda iyo Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah.

 

Dagaal culus oo caawa ka dhacay aagga Budbud iyo dhagar culus oo laga hor-tegay

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ilaa caawa ka dhacay aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Dagaalkaas wuxuu ka dhacay deegaanada Ceelka-Jowle iyo Ceel Xasan Cali oo u dhow deegaanka Budbud ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa qarxay galabta casir-liiqii, kadib markii ciidamo Macawiisley deegaanka ah ay kooxda Al-Shabaab ku weerareen goobo ay iska soo abaabulayeen.

Sarkaal lagu magacaabo Hagar Barre Qanyare ayaa hoggaaminaya ciidanka weeraray kooxda Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen caawa fiidkii inay guuleysteen.

Saraakiisha ciidanka deegaanka ayaa sheegay inay soo afjareen kooxdii ay ku weerareen aagga deegaanka Budbud, isla markaana ay ka soo furteen hubkoodii.

Weerarkaas oo gaadmo ahaa ayaa kooxda Al-Shabaab ku noqday filan waa, kadib markii lagu weeraray dhul howd ah oo iyagu ay weerar ka soo abaabulayeen.

Xogta laga helay kooxdii Shabaab ee isku soo abaabuleysay halkaas waxay tilmaameysaa in kooxdu damacsaneed inay weerar cagmarin ah ku qaado ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Cali Axmed ee gobolka Sh/Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa talis weyn ku leh deegaanka Cali Axmed, waxaana laga gortegay dhagar loo soo maleegay taliskaas, ciidamada Macawiisley ee weeraray kooxda ayaa sheegay inay soo afjareen Shabaab-kii ay galabta ku weerareen aagga Budbud.

Maadaama ay tahay xili habeen ah, ilaa hadda lama soo bandhigin sawirro muujinaya maleeshiyaadka howlgalkaas looga laayey Al-Shabaab, balse saraakiishu waxay balan qaadeen inay saacadaha soo socda soo bandhigi doonaan sawirada Khawaarijtii ay laayeen.

Daawo: Qoor Qoor iyo wasiir Jaamac oo Guriceel kusoo bandhigay ciidan xoog leh

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ciidankaan ayaa kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, waxayna hadda u diyaarsan yihiin inay ku biiraan howlgalka ka dhanka Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo in ay Khawaarijta kala soo baxaan godadka ay dhuumanayaan.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad dhiiri-gelin ah i jeediyey ciidanka ayaa sheegay in balantu tahay in ay socodka dambe isku arkaan deegaano cusub oo cadowga laga xoreeyey.

Guutadaan oo lagu magacaabo Abuu-dujaana ayaa la isugu geeyey degmada Guriceel, waxaana la qorsheeyey inay Al-Shabaab kula dagaalamaan deegaanada ku aadan bariga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Galmudug waxaa ka socda dagaalka ugu culus ee lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qorshuhu yahay in maamulkaas uu noqdo kan ugu horeeya eek a xorooba Al-Shabaab.

In kastoo Xasan Sheekh uu ku maqan yahay safar dibadda ah oo dalka Eritrea oo ugu amba-baxay maanta, hadana waa hoggaamiyaha dagaalak Shabaab, wuxuuna saldhig ka sameystay Dhuusamareeb.

Hoos ka daawo Qoor Qoor

Daawo: Beesha Duduble oo hal arrin ka codsatay dadka uga sugan gudaha Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Beesha Duduble ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay shir uga socday shan maalmood, kaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo xoreyn lahaa deegaanada beesha ee bariga gobolka Galgaduud oo Shabaab ay heystaan.

Beesha ayaa soo saartay bayaan ka kooban sagaal qodob oo looga hadlay qorshaha xoreynta deegaanada beesha Duduble ay ka degaan Galgaduud.

Ugu horeyn war-saxaafadeedka beesha ayaa lagu sheegay in shirkaan lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb looga heshiiyey dhamaan wixii khilaafaad ahaa eek a jiray gudaha beesha.

“Intii uu shirkaan socday waxaa ‘looga tashaday aayaha, midnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa xoreynta deegaanada ay Shabaab ka heystaan beesha Duduble,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.

Senator-ka beesha Duduble, ahna wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban ayaa hoggaaminayey shirkaan, waxaana bayaanka ka soo baxay qodob ka mid ah farriin loogu diray dadka ka soo jeeda beesha Duduble ee ku sugan dhulka uu Shabaab joogo.

“Walaalaha ka dhashay beesha Duduble ee ku nool deegaanada ay Shabaab ku dhuumaaleystaan, waxaan ka codsaneynaa inay isaga fogaadaan Khawaarijta, maadaama dagaalka kooxda loo adeegsa doono cudud ciidan oo aad u culus,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka.

Beesha Duduble ayaa bayaankaan ku cadeysay inay ku heshiiyeen in la abaabulo ciidamo deegaanka ah, si ciidamada qaranka loogu garab siiyo dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha Duduble,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha kale ee beesha Duduble ka dhashay ee dagaalka aan soo gelin ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku soo biiraan halganka deegaanada beesha looga xoreynayo Al-Shabaab, sidoo kale waxaa bayaankaan loogu tacsiyeeyey ciidankii iyo masuuliyiintii beesha looga dilay dagaalkii Ceel-lahelay.

Hoos ka daawo

 

Weerarka Xamas ee Israel oo diraya 3 farriin oo culus

0

Gaza (Caasimada Online) – Weerarka Xamaas shalay ku qaadday degaannada ay Israa’iil ka haysto Falastiin oo ahaa kii ugu waynaa tan iyo dagaalkii Oktoobar ee ay Masar ku qaatay Israa’iil 1973 wuxuu dirayaa fariimo sedax ah;

1- In Sirdoonka Israa’iil oo lagu tiriyo kuwa dunida ugu xirfadda sareeya ay heli waayeen xogta weerarka, taasoo ka dhigan in awoodda sirdoon iyo hawlgal ee Xamaas ay aad u sarayso.

2- Sanadihii danbe waxaa socday daddaalo lagu go’doominayo Falastiin, iyadoo xoogga la saaray caadiyenta xiriirka dawladaha Carabta iyo kuwa Islaamka kala dhexeeya Israa’iil, waxaa kaloo shacabka Falastiin la saaray cunaqabatayn, gaar ahaan kuwa Gaza, iyadoo dhanka kale cadaadis la saaray dawladihii taageerayey, iyo kuwii marti geliyey madaxda Xamaas iyo ururada kale ee halganka ku jira. Weerarka wuxuu kala daadinayaa daddaaladaas oo idil.

3- Jawaabta laga bixiyey weerarka, gaar ahaan xukuumada Falastiin ee ay Fatax hoggaamiso waxay cadayn u tahay wada shaqaynta kooxaha Falastiin oo markii hore meel fog kala taagna iyo in dhinaca isku tashadeen, meelna iska dhigeen taageero iyo talo ay debada ka sugaan.

Dhanka Israa’iil ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka aloosnaa kala qaybsanaan, is nac iyo dhiilo siyaasadeed oo aad u wayn. Nathanyaho oo xagjir baxsad ka ah dacwad musuq oo loo haysto ayaa xukunka qabsaday, isagoo isbahaysi la galay kooxo diineed aad u mayal adag, kuwaasoo doonaya in birta laga aslo waxay ugu yeereen calmaaniyiinta libaaraalka ah, meeshana laga saaro kala saarida Diinta iyo dawlada iyo kala madax-banaynta hay’adaha seddaxda, si taasi u hirgashana garsoorka la hoos keeno laanta fulinta, diinta Yuhuuddana sideeda loo dabaqo, Carabtana laga sifeeyo siyaasadda Israa’iil, kooxaha Falastiina lugta la mariyo.

Haddaba, waxaa isku soo beegmay reer Falastiin oo derbiga lagu geeyey, naf iyo nolol loo diiday, albaabka rajadana laga xiray iyo Israa’iil oo si ba’an u qaybsan.

Weerarka Xamaas wuxuu wax wayn ka bedeli doonaa loollanka juqraafi siyaasadeed ee Bariga Dhexe, wuxuu gilgili doonaa siyaasdaha gudaha ee dawladaha carabta iyo ku qasbayaa in ay wax iska bedelaan siyaasada caalamka, gaar ahaan reer Galbeedka ee ku aaddan arrinta Falastiin iyo Israa’iil. Waxaa kaloo taa xoojinaya aalada warbaahinta bulshada oo xaqiiqooyin badan debada soo dhigtay, aragti kale ku kordhisay wacyiga bulshooyinka reer Galbeedka, iyo quus laga joogo xagjirka talada Israa’eel qabsaday oo daboolka ka qaaday hagardaamooyinkii daboolnaa.

Bal okorta, waxaad arki doontaa Alle qaadkii khawaarijtaa ahaa ee Soomaalida boqol boqolka u dili jiray oo farriin soo duubaya, iyagoo leh “Alaahu Akbar, walaalaheen Xamaas ayaa guulaystay, inaguna waan guulaysan doonaa.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cali Cosoble: Dagaalka Al-Shabaab waxaa aad uga muhiimsan dagaalka kuwa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday kuwo ka muhiimsan oo ay tahay in dowladda ka horeysiiso dagaalka ay ku jirto.

Cosoble ayaa qoladaas ku sheegay kuwa sida tooska ah ama dadban u xagal-daacinaya howl-galka ciidanka, si aan cadowga looga adkaan, uuna dagaalkana sameyn horumar lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab.

“La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u xagal-daaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo saaray, oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Waxaa jirta maah maah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.”

Cosoble ayaa soo jeediyay in cid alaala ciddii xogta ciidanka u gudbisa cadowga lagu maxkamadeeyo furinta, islamarkaana taliyeyaasha ciidanka iyo hoggaankooda loo siiyo amar buuxa arrinkaasi.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u hagaldaaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta ee ku jira dagaalka ama difaaca uga jira dhulka la qabto.

Waxaa jirta maahmaah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.

Sow tii xilliga lagu jiro difaaca askarigii qas ka sameeya furinta isla furinta lagu saari jiray maxkamad militari isla goobtana lagu toogan jiray?

Taliye wata ciidan kun nin ah oo furinta taagan oo aan tallaab ka qaadi karin basaas ku dhex jira ciidanka ama mid wax qasaya, muxuu taliye ka yahay?

Ciidankase sow ma aha iney fahamsan yihiin iney ku jiraan dagaal ay dalkooda ku xoreynayaan naftoodana ku waayi karaan, sidaa darteedna aan indhaha laga qabsaneyn, lana cafineyn basaas, qas wade iyo fuleyga cadawga dhabarka u jeediya?

Nidaamka, shuruucda iyo xeerarka ciidamada xilliga lagu jiro dagaalka wey ka duwan yihiin kuwa xilliga nabadda ee intaa ma ogin miyaa, mase ma awoodno inaan fulinno?

Sida keliya ee la xaqiijiyay dunida oo idil ee xilliga dagaalka waa sidaa.

Sawirro: DF oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku go’doomay colaadda dalka Sudan.

Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia, kadib markii dagaaladdu ka curteen dalkaasi Sudan.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Howl-wadeenada xafiiska ergeyga gaarka ah ee arrimaha soo-galootiga ayaa garoonka magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyay maanta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Tan iyo markaas dowladda ayaa marar kala duwan dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo laga dejiyay magaalada Muqdisho iyo Garoowe.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa inay ka go’an tahay dib-u-soo-celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaallada ka socda dalka Sudan.

Xasan iyo kooxdiisa oo kal dambe ku baraarugay halista bixitaanka ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo hore loo oran jiray AMISOM, haddana loo yaqaano ATMIS ayaa gacanta ku haya goobaha muhiimka ah ee dowladda.

Goobahan ayaa kamid ah garoonka diyaaradaha, Madaxtooyada, Dekedda Muqdisho iyo xeradda Xalane oo ay ku yaallan inta badan safaaradaha reer galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya iyo goobo kale.

Dhowr iyo tobankii sanno ee ay joogeen Soomaaliya waxay kaalin ka qaateen in Soomaaliya ka baxdo kumeel-gaarka ah, in madaxda adduunka usoo bareerto imaatinka Soomaaliya, in xukunka si nabad ah lagula kala wareego, in diyaraado caalami ah usoo bareeraan ka shaqeynta Soomaaliya iyo in argagixisada laga difaaco illaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay ku jirtay dib u dhis ciidan.

Joogista ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sidoo kale leh qeybo badan oo taban ayaa haddana weli lagu kala aragti duwan yahay xilliga ku habboon inay baxaan. Dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo la wareega masuuliyadda amniga ayaa socday tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiis ay dowladdii madaxweyne Farmaajo la gashay Midowga Afrika iyo dalalka kaalmeeya ciidanka ATMIS ayaa dhigaayay in ciidanka ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya daba-yaaqada 2024.

Iyada oo Farmaajo uusan si adag ula diririn argagixisada ayuu haddana dhinaca kale doortay inay baxaan ciidanka Midowga Afrika.

Dad badan ayaa weli raadinaya waxa qarsoon ee uu damacsanaa, wallow ay jiraan dad aaminsan inuu rabay in uu keensado ciidamo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan iskugu jira oo isaga toos uga amar qaata uuna ku fushan karo wixii uu doono oo siyaasad ah, maadaama ciidanka Midowga Afrika aan dano gaar ah loo adeegsan karin oo ay yihiin ciidan sharciyeysan oo ka amarqaata ururka Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu yimid xafiiska argagixisada oo ka xoog badan halkii uu kaga tagay iyo ATMIS oo lagula heshiiyay inay ka baxdo dalka. Wuxuu qaaday dagaal si uu guud ahaan dalka ula wareego inta aanay bixin ciidanka Midowga Afrika oo goobo badan gacanta ku haya.

Sida muuqata dagaalku weli waqti badan ayuu u baahan yahay, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya soo baraarugtay dagaalkii oo wejigii koowaad weli ku jira iyo ciidankii Midowga Afrika oo bixitaankii bilaabay, waana midda keentay in dhawaan codsadaan in bixitaanka dib loo dhigo inta ay dowladda Soomaaliya ka xaqiijineyso guusha dagaalka.

Dad badan ayaa qaba in aan weli la gaarin waqtigii saxda ku ahaa bixitaanka ciidanka Midowga Afrika, taas bedelkeedana loo baahan yahay in marka hore kaalin ka qaatan dagaalka socda iyo in argagixisada si buuxda loo wiiqo.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu dhawaan taageeray in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan ciidanka ATMIS. Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay TRT World in haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo xaaladda waxba iska beddelin oo aanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guullo wax ku ool ah ka gaadhin argagixisada inay dhici karto xaalad jahwareer ah oo lamid ah middii Afghanistan.

Labada waddan ee Kenya iyo Jabuuti ayaa hore u muujiyay walaaca waxa ka dhalan kara haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo Soomaalida diyaar aheyn, waxayna taas bedelkeeda ka fikirayaan inay Soomaaliya geeyaan ciidan ka baxsan ATMIS.

Sawirro: C/qaadir Firdhiye oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed (Firdhiye) oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Mudane Firdhiye ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA, ayada oo halkaas oo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta maamulkaas iyo ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilisan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay madaxda hay’addq SODMA.

Waxay uga mahad-celiyeen hoggaanka hay’adda SODMA gargaarkii ay kal hore gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaaday.

Intaas kadib hoggaamiye Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan deegannada SSC, isaga oo ka codsaday in hay’adda SODMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa wasiirka wasaaradda tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool.

Firdhiye oo Jimcihii soo gaaray Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib laba bil oo uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale qaddiyada SSC-Khaatumo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay dowladda dhexe taageera buuxda usiin laheyd SSC oo horay ugu dhawaaqday maamul ka madax-banaan Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay aagga magaalada Laascaanood.

Kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, maadaama uu yahay wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa madasha in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.