26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday DF iyo HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa haatan bannaanka usoo baxay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedka HirShabelle iyo dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda SoDMA, kuwaas oo isku qabtay arimo la xiriira howlaha gargaarka ee ay fuliso hay’adda Maareynta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo marareynta musiibooyinka HirShabelle, Mudane Cumar Maxamed Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa shaaca ka qaaday in xiisaddan ay salka ku heyso gaabis ka jira dhanka gargaarka ee deegaanada HirShabelle.

Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha hay’adda SoDMA, isaga oo ku dhaliilay inay hay’addu ka gaabisay u gurmashada dadka ku dhibaateysan Shabeelaha Dhexe.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka howlaha ay ka waddo HirShabelle aad iyo aad ayaan u dhaliilaa, sababtoo ah ma aragno wax gargaar ah oo ay soo gaarsiiso gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan dadka ku dhaqan jinka wabiga oo ay fataahada saameeyeen, illaa iyo hadda ma aragno wax gagaar ah” ayuu yiri Wasir Cumar Maxamed.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in HirShabelle ay kamid ah tahay meelaha sida weyn looga digay, maadaama ay kusoo wajahan yihiin dabeylo xoogan fatahaado, balse waxa uu sheegay inay dowladda federaalka indhaha ka qabsato xaalada ka jiran Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“SoDMA waxaa leeyahay howlihii looga baahnaa inay ka qabato guud ahaan HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe, siiba meelaha hadda looga cabsi qabo ee digniinada laga bixinaayo ama dhibaatooyinka ay ka taagan yihiin wabiga jinkiisa waayay wax howl ah oo ay ka wadaana aniga illaa iyo hadda ma arag” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in qoysas badan oo daganaa hareeraha wabiga ay barakaceen, isla-markaanat ay gaareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

“Waxaa jira dad ka barakacay guryahooda qaar waxay u barakaceen dhanka Jalalaqsi, qaar kalena degmada Mahadaay, sidoo kale fatahaadda waxa ay saameyn ku yeelatay dalaga beeraha,” ayuu hadalkiisa kusoo gagabeeyay wasiir ku xigeenka gargaarka HirShabelle.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga digayaa inay ku dhufato duufaanta Elnino, maadaama la sheegay inay dalka kusoo food leediihiin roobab dabeylo wato iyo duufaano xoogleh.

Xog: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Firdhiye?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shlay kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib laba bil oo uu ku sugnaa Galmudug ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo isna Jimciii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale qaddiyada SSC-Khaatuma.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay dowladda dhexe taageera buuxda usiin laheyd SSC oo horay ugu dhawaaqday maamul ka madax banaan Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay aagga magaalada Laascaanood.

Sidoo kale hoggaamiyaha SSC ayaa madaxeeynaha la wadaagay warbixin ku aadan xaaladda guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan khasaaraha dagaalladii ka dhacay Laascaanood oo socday muddo 8bilood ah, isla-markaana sababay khasaare xoogan.

Kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, maadaama uu yahay wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wadahadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa madasha in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Eritrea + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka dagi doono magaalada Asmara, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu ka xiriiro xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka  ku qaadanaya gudaha dalkaas, kuwaas oo qarakood dhammeystay tababarka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea, Eritrea Isaias Afwerki kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana madaxweynaha uu safarkiisa kadib sii wadi doono howlgalka, hase ahaatee madaxweyne Qoor Qoor ayaa loo sii xilsaaray inuu dagaalka sii hoggaamiyo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka.

Waa booqashadii afaraad ee madaxweynaha uu ku tagayo Asmara, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022.

Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano.

Si kastaba, qaybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda haddii lasoo dhameystirayo ciidankaas.

Wararkii ugu dambeeyey Xamas oo ka dagaalameysa 22 furin oo gudaha Israel ah

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dagaalka ciidamada Israel iyo dagaal-yahannada Xamas ayaa sii socda saaka oo Axad ah, ayada oo boqolaal qof ay ka dhinteen kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Sabtidii lagu qaaday Yahuudda.

Kooxda Xamas ayaa ayaa weerar cirka dhulka iyo badda ah ku ekeysay Israel Sabtidii, ayada oo ciidamada Israel ay sheegeen in la dilay in ka badan 300 oo Israa’iiliyiin ah, islamarkaana 1,000 kale ay dhaawac yihiin.

Mas’uuliyiinta Gaza ayaa iyagana sheegay in duqeymaha Israel ay ku hayso magaalada ay ku dhinteen 232 qof oo shacab ah, islamarkaana in ka badan 1,700 ay dhaawac yihiin.

Dagaalka ayaa saaka oo Axad ah wuxuu ciidamada Israel iyo boqolaal dagaal-yahannada Xamas ah ku dhex-marayaa 22 goobood oo gudaha Israel ah, oo ay ku jiraan laba goob oo dagaal-yahannada reer Falastiin ay ku haystaan shacab Yahuud ah.

“Waxaa weli jira 22 goobood oo aan kula dagaalameyno argagixisada soo gashay Israel,” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Israel Richard Hecht.

Xamas ayaa baahisay muuqaallada dad badan oo Israeli ah oo ay afduubteen, waxaana ciidamada Israel ay xaqiijiyeen in dadka la afduubtay ay isugu jiraan askar iyo shacab.

Hetch ayaa sheegay in labada goobood ee dadka lagu haysto ay kala yihiin Beeri iyo Ofakim oo ah deegaanno Yahuuddu degan yihiin oo dhaca bariga Gaza.

“Waxaan guda galeynaa dagaal dheer oo adag oo uu nagu qasbay weerarka dhimashada badan ee Xamas,” ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidaas ku ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loogu yaqiin Twitter.

“Marxaladda koowaad waa dhammeynta waqtigan ayadoo la burburinayo inta badan ciidammada cadowga ah ee dhulkeenna soo galay.”

“Xilligan, waxaan billownay duullaan socon doono isaga oo aan xaddidaad iyo kala joogsi laheyn illaa aan uga guuleysano hadafyadeenna. Waxaan muwaadiniinta Israel usoo celin doonnaa amniga, waana guuleysan doonnaa,” ayuu yiri Netanyahu.

Dagaalka — oo yimid qarani kadib dagaalkii 1973-kii ee Israel iyo Carabta — ayaa horseeday in Israel ay korontada, shidaalka iyo sahayda cunto ka jarto Gaza, sida uu sheegay Netanyahu.

Ayada oo Golaha Ammaanka ee QM uu ku baaqay kulan deg deg ah Axadda maanta ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray “taageero adag oo xooggan” oo ay siin doonaan Israel, wuxuuna “uga digay cid kasta oo cadow ku ah Israel inay ka faa’iideysato xaaladda.”

Xamas ayaa weerarka ku magacowday “Howlgalka Daadka Al-Aqsa” waxayna ugu yeertay “dagaalyahannada iska caabinta ah ee ku sugan Daanta Galbeed” iyo sidoo kale “dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka” inay ku soo biiraan dagaalka.

Garabkeeda hubaysan ee Guutada Cizu Diin al-Qassam, ayaa sheegay inay rideen in ka badan 5,000 oo gantaal, halka Hecht uu sheegay in Israel ay tirisay in ka badan 3,000 oo gantaallo ah oo kusoo dhacay.

Faysal oo shaaciyey tallaabo ay qaadeyso SOMALILAND kadib safarkii FIRDHIYE

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa Jimcihii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaaray wafdi uu horkacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Hoggaamiyaha iyo wafdigii la socday ayaa si weyn loogusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka safarka wafdiga hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u fidiyay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Safarka hoggaamiyaha SSC ayaa waxaa ka dhashay falcelin dhinaca Somaliland ah iyo sidoo kale xildhibaannada gobollada waqooyi ku matala Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ka hadlay waxaa kamida guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa uga warramay sida uu arko safarka hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya aragtidiisa maamulka cusub ee SSC ayaa yiri, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel ka mid ah beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.

Gudoomiyaha Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha Somaliland uga aaddan Laascaanood isagoo yiri, “Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogusoo celinayaa gacanta Somaliland, waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale.”

Gudoomiye Waraabe oo tusaale usoo qaattay nidaamkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa yiri, “Somaliland waxa ay iska saartay oo diidday nidaamkii Maxamed Siyaad, maantana waa sidii oo kale magaalo Somaliland kamida cid aynaan u oggoleyn ku jiri meyso, waxaan arkeynaa dad ku dabbaal dagaya eek u sugan Laascaanood oo uu kamid yahay madaxweyne kuxigeenka Puntland, xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku badasho iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo Muqdisho uu kulamo kala duwan kula qaato madaxda dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’daha Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Maamulka GEDO oo war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax xoogan oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay degmada Beledxaawo.

Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay waddo laga soo galo magaalada, isla-markaana ay ku yaallaan goobo ganacsi, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedka uu ahaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi, kuwaas oo qarax miino loo dhigay

“Qaraxa wuxuu ka dhacay meel magaalada laga soo galo oo inta badan ciidamada maraan, waan meel waddo ah oo laga ganacsanaayay oo maqaayado ku yaallaan” ayuu yiri AlQaadi.

Sidoo kale wuxu intaasi ku daray in qaraxu haleelay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada dowladda, ayna ku dhinteen laba askari, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

“Gaari Saksuuko ah oo ay ciidamada qateen ayuu qaraxu haleelay, khasaaraha inta la xaqiijiyay waxaa ku shahiiday 2 askari iyo dhaawacyo yaryar” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii hadalkiisa sii raaciyay “Qaraxyadan waxay muujinayaan tabartooda oo yaraatay, maadaama ay sii baaba’ayaan”

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Beledxaawo iyo agagaarkeeda howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa darawiishta maamulka Jubbaland.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana weeraro kala duwan ay ka fuliayaan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi.

Gantaalo hor leh oo lagu weeraray Israa’iil iyo tirada dhimashada iyo dhaawacyada oo sare u kacday

0

Qudus (Caasimada Online) – Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Israa’iil kasoo gaaray weerarkii ay ku qaaday Xamaas ayaa sare u kacday, sida ay ku soo warameen weriyaal ku sugan Qudus.

Weriye Muhannad Tutanji oo ku sugan Qudus ayaa sheegay in tirada Israa’iil uga dhimatay weerarradaas ay gaartay 150 iyo dhaawac 1,000 qof oo kale.

Dadka ku dhaawacmay weerarada Xamaas ee ka soo jeeda Israa’iil waxaa ku jira kuwo uu xaalkoodu liito, waxaana la filan karaa in khasaaruhu sii kordho.

Weriyaha ka soo waramay Qudus ayaa intaas raaciyay in magaalada uu weerarkaasi ka dhacay ee Qudus ay dhibaato badan soo gaartay, kadib 150 gantaal oo looga soo ganay dhanka Gaza.

Weriyahaan ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dib u qabsadeen dhowr saldhig milatari oo ay saakay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Xamaas.

Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa labo weji.

Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinaha, rag hubeysan oo mootooyin wata ayaa gudaha u galay Israa’iil, waxayna warar ku ekeeyeen in ka badan 20 goobood.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in 35 askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay, balse maamulka Israa’iil waa ka gaabsaday arrinta afduubka la sheegay in ay Xamaas geysatay.

Daawo: Shuute oo hal arrin uga digay ciidamada qaranka

0

Baydhaba (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda darajda koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta Baydhaba uga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiray askar cusub ayaa hal arrin uga digay ciidamada.

Shuute ayaa ciidanka uga digay inay iibsadaan ama lumiyaan qoriga ay siiso dowladdu, isagoo u cadeeyey in halka qori ee dowladdu siiso hadii uu gacantiisa ka baxo uusan ku magi karin 10 qori oo kale.

Guddoomiye Shuute ayaa arrintaan ku macneeyey inay ka mid tahay dhaqanka ciidamada dowladda, si adag ayuu uga dardaarmay ilaalinta anshaxa iyo qaadashada amarka saraakiisha.

Wuxuu sheegay in qori kasta uu dowladda u leeyahay lambar ay ku aqoonsato, sidaas darteed halka qori ee dowladda u diiwaan gashay wuxuu sheegay inuu ka qaalisan yahay 10 qori oo cusub.

“Maanta tababarkii waa idiin dhamaaday, waxaa la idin siinayaa hub, ilaaliya hubka oo xafida, ha dayicin, hana lunsan hubka dowladda, dayac tiro iskuna ilaali, ku difaac dalka, diinta iyo dadka,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ciidanka ku war-geliyey inuu bilowday dagaal kama dambeys ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo ku amaanay go’aanka ay ku qorteen ciidamada qaranka.

Dhanka kale, markii ciidankaas tababarka loo soo xiray kadib Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Khawaarijta oo dhibaato ba’an ku haysa dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Shuute

 

Sawirro: Qoor Qoor oo wasiiradiisa la yeeshay SHIR deg deg ah iyo laba arrin oo ka soo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug.

Ugu horreyn shirka waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Maxamed Gaboobe.

Sidoo kale, kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan.

Golaha wasiirrada warbixinadii lasiiyey kadib dood dheer ka yeeshay odoroska miisaaniyadeed ee sanadka soo socda, waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka ee Galmudug.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Guddiyadaas ayaa ka howlgali doona aagagga dagaalka, sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda Galmudug ee 2024-ka.

Kulankaan waa kii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug, kadib muddo laba bilood ah oo ay hakad ku jireen kulamada caadiga ah ee golaha wasiirrada maamulkaas, xaaladda dagaal awgeed.

Sidoo kale kulankaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu markii ugu horeysay Muqdisho ku laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood deganaa Dhuusamareeb, sidoo kalena shir guddoon ka ahaa kulankii lagu hakiyey kulamada caadiga ah ee golaha wasiirada Galmudug, inta uu socdo dagaalka Al-Shabaab.

Falcelin xoogan oo ka dhalatay booqashada hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa Jimcihii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib casuumaad rasmi ah ii uu ka helay madaxda dowladda federaalka.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo keentay inay ka caroodaan xildhibaan kasoo jeeda Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Haddaba sidee looga faceliyay booqashada hoggaamiyaha SSC ee magaalada Muqdisho?

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay imaashaha hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ee magaalada Muqdisho, waxayna intooda badan soo dhaweeyeen in lagu casuumo gudaha caasimada.

Mid kamid ah waxgaradka Muqdisho oo ka falceiyay arrintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay SSC u aqoonsato maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

‘Waxaan leeyahay SSC-Khaatumo ma’ahn hal qabiil waa isbaheysi Soomaaliyeed, dowladda federaalka waxaan ugu baaqayaa in Khaatumo State maamul inay u aqoonsato, kana mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri nin oday oo la halday Five Somali Tv.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa  sii raaciyay “Walaalaha Soomaaliyeed ee Isaaq waxaan ugu baaqayaa in daris wanaag lagu wada noolaado, nabadna wala wada qaato”.

Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo isna la hadlay TV-ga ayaa soo dhaweeyay wadahadalka dowladda federaalka iyo SSC ee haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho.

“Waan soo dhaweynayaa arrinta ku saabsan wada-hadalka Khaatumo State oo Soomaaliya ugu yeertay magaalada Muqdisho, waana arrin mar hore loo baahnaa, sababtoo ah midnimada Soomaaliya waa mid u baahan in mar walba laga shaqeey” ayuu isna yiri.

Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu soo gaaro hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, si uu ula hadlo dowladda Soomaaliyeed.

“Aada iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, maadaama Laascaanood ay ka dhaceen dhibaatooyin badan shacab badana ay ku dhamaadeen” ayuu yiri wii kale.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Laftagareen? + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Onine) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhowaan ku laabtay Baydhaba, kadib safarkiisii magaalada Nairobo ayaa haatan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Madaxweynaha ayaa maanta guddoomiyaya shir ballaaran oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo iyo ciidamada ATMIS, kaas oo looga hadlayay ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka iyo Gudoomiyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo haatan ku sugan caasimada KMG ah ee Baydhaba.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga arrinsanayay u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, gaar ahaan gobollada maamulkaasi.

Laftgareen oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Al-Shabaab oo la aamisan yahay inay ku xoogan yihiin gobollada maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shalay ciidamo cusub tababar ugu soo xiray magaalada Baydhaba, kuwaas oo iyaguna loo diyaariyay amniga iyo la dagaallanka kooxda Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Koonfur Galbeed wajaheyso xiisad ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Muranka doorashada ayaa haatan sii xoogeystay, kadib markii ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Xogta kulanka R/W Xamza iyo hoggaamiyaha SSC + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha kMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhageystay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta magaalada Laascaabood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale Cabdulqaadir Firdhiye ayaa dowladda federaalka uga mahadceliyay casuumaada ay u fidisay iyo sida weyn ee loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamza oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka.

Shirarka ayaa sii socon doono, waxaa ujeedka kulanka maanta uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhaweyn, maadaama ay markii ugu horreysay tahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu soo gaaro caasimada dalka tan iyo markii lagu doortay gudaha magaalada Laascaanood.

Firdhiye ayaa horay ula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Booliiska iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqday inay tahay maamul madax-banaan.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

Xiisad cusub oo ka qaraxday Beledxaawo – Maxaa soo kordhay?

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad cusub ay haatan ka qarxay degmada Beledxaawo, taas oo ka dhalatay isbeddalka ay Jubland ku bilowday maamullada degmooyinka ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maanta isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay waddooyinka magaaladaas, taas oo keentay inay xaaladdu kasii dartay markii ay ciidamadu adeegsadeen rasaas xoogleh.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada rasaasta furay ay taabacsan yihiin guddoomiyaha maamulkaasi, balse ma jiro wax khasaare oo ka dhashay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya ciidamada iyo shacabka dibadbaxa ka waday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dhanka kale, xiisad tan lamid ah ayaa ka taagan degmada Garbahaarey, halkaas oo isna laga hor istaaga taliyaha booliska gobolka Gedo oo ay soo magacowday Jubbaland.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka oo ku aadan wararka isa soo taraya ee ka imaanaya degmooyinka Gedo.

Dhowaan ayay aheyd markii uu dhaqan isbeddal ay Jubbaland ku sameysay maamulkii degmada Luuqa, waxaana xilka la wareegay Daahir Muxumed Nuur (Caato) oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub, kadib xaflad todobaadkii hore ka dhacday degmadaasi.

Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa.

Weerar dhulka, badda iyo cirka oo lagu qaaday ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil.

Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag.

“Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza.

Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay gudaha Israa’iil.

Xamas ayaa mar danbe baahisay muuqaal muujinaya dagaallamayaasheeda oo saddex nin qabanaya.

Ka soo gudbista kooxaha hubeysan ee ka imanaya Gaza, oo ah magaalo sabool ah oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa ahayd mid adag tan iyo markii Xamas ay la wareegtay maamulka magaalada 2007-dii, taasi oo keentay in Israa’iil ay go’doomiso. Israa’iil ayaa Gaza go’doomisay iyadoo ciidan xooganna halkaasi dhigtay.

Gantaallada laga soo tuuray Gaza oo uu afhayeenka ciidamada Israa’iil ku sheegay ugu yaraan 2,200 ayaa baabuur ku gubay magaalada Ashkelon ee Israa’iil, oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xigta Gaza.

VOA + AFP

Daawo: BALCAD oo lagu qabtay gaari ku soo jeeday Muqdisho oo siday….

0

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gaari Layla Calaawi oo siday maandooriyaha Xashiiska, kaas oo kusii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo kasoo baxay deegaano dhaca jinka wabiga Shabelle ayaa lagu qabtay koontaroolka Balcad, ayada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay saddex nin oo la socotay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad, Xuseen Macallin Cabdulle oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qabtay gaariga iyo ragga waday, wuxuuna aad u boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ee sameeyay howlgalkaasi.

Xuseen Macallin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xashiishka lagu soo dhex qariyay khudaar, isla-markaana la doonayay inay loo soo gudbiyo gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaa ammaan mudan ciidankii howshan kasoo shaqeeyay oo ma hurdayaasha ahaa, waxaa xalay Xashiishkan lagu qabtay iyo saddexdaan rag ah degmada Balcad, waxay soo dhex-geliyeen Khudaar” ayuu yiri Taliyaha booliska Balcad Xuseen Macallin Cabdulle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee maamulka degmada Balcad Ismaaciil Barre Nuur oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Balcad aysan noqon doonin waddo Muqdisho loo soo mariyo maandooriyaha ama wax kasta oo halis ku ah bulshada.

Barre ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalka, isla-markaana la shaqeeyaan dadka shacabka ah, si la’isaga kaashado amniga.

“Ciidamada amniga waxaan leeyahay dadaalkiina sii laba jibaara, si uu amniga u sugnaado, Balcadna aysan noqon in maandooriyaha loo marsiiyo magaalada Muqdisho” ayuu isna yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagaal adag kula jirtay maandooriyaha, waxaana howlgallo culus ay ka socdeen Muqdisho iyo duleedkeeda.

Hoggaamiyaha SSC oo kulamo ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Firdhiye ayaa kulamo hordhac ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare XamXa Cabdi Barre, Taliyaha Booliiska, Xildhibaanno & mas’uuliyiin kale.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aadan ujeedka safarka uu shalay Muqdisho kusoo gaaray hoggaamiyaha SSC iyo xaaladaha ka taagan Laascaanood.

Sidoo kale labada dhinac ayaa is weydaarsaday xogo ku aadan sidii horay loogu dhaqaajin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, dowladduna ay u qaadan laheyd doorkeeda,

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatuma oo ku dhowaaqday inay tahay maamul madax-banaan.

Isaga oo ka hadlayay soo dhaweyntii Jimcihii shalay loogu sameeyay Xamar waxa uu tilmaamay in Muqdisho ay tahay xudunta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay mas’uuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladdu.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu ku yiri hadal kooban uu uu shalay jeediyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda iyo kuwa ammaanka Beledweyne ay ku dagaalameen gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka dhacay barkoontarool oo ku taalla agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa Taako, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada labada,

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in israsaaseynta labada dhinac uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macawiisleyda oo si weyn looga yaqiinay halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi (Xaad), waxaana maydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgallo baaritaano ah bilaabay ciidamada ammaanka, si loo ogaado waxa sababay isku dhaca labada ciidan.

Illaa iyo hadda ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah oo la sheegay in xiisad horleh ka abuurtay degmada.

Ammaanka Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay xumaaa, waxaana dilkan uu noqonayaa kii saddexaad ee todobaadyo gudahood ka dhaca magaaladaasi.

Dhowaan ayay aheyd markii la dilay haweeneyd magaceeda lagu soo kooban Caasho oo ganacsatado iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali.

Waxaa sidoo kale magaalada ka dhaca weeraro qaraxyo oo ah soo maleegayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo bartimaameed gaar ah ka dhigtay reer Hiiraan, maadaama uu gobolkan xudun u noqday kacdoonka ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabkeeda.

Daawo: Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay isbitaalka Martiini ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay qaybta ay daganaayeen Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira isbitaalkaasi, inkastoo mar dambe la damiyay.

Afhayeenka Naafada Xoogga dalka ee Isbitaalka Martiini, Cabdullaahi Maxamed Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gubteen guryihii ay ka daganaayeen isbitaalka Martiini, wuxuuna cod dheer baaq ugu diray dowladda dhexe iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa gubtay naafadii Martiinii ee Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybtii ay ku jireen, waxaan Umadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in nala soo gaaro” ayuu yiri Ducaale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dabkan uu ka dhashay koronto, isla-markaana ay hanti beeleen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa na gubay korontada BECO oo dhibaatadaan noo keentay, iyadaa gubtay guryaha, kuna soo fiirin maayaan, xaq siina malaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ka hadlay mid kamid ah dadka deegaanka oo xaqiijiyay in dabka uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, balse uu jiro mid hantiyeed oo baaxad leh.

“Khasaare nafeed ma jiro, laakin waxaa jiro khasaare hantiyeed alaabtii meesha taalay waa looga kala tegay nin walba nafsaddiisa ayuu la baxay” ayuu isna yiri mid kamid dadka deegaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka kaca dabka, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa shacabka Soomaaliyeed, haba ugu badnaadaanee ganacsatada.

September marks Somalia’s worst suicide bombings month

Mogadishu (Caasimada Online) – September 2023 marked a dark phase in Somalia’s history as it witnessed the highest number of suicide bombings in a single month since Al-Shabab began its deadly strategy in 2006.

At least 14 such attacks rattled the nation, marking the most significant surge of suicide bombers in Somalia within a span of seventeen years. These weren’t all successful—Somali officials admirably intervened to prevent three.

The blasts was mainly suicide vehicle-borne improvised explosive devices (SVBIEDs) with a rare use of explosive belts or vests.

This variety of assaults spanned from aiming at key officials to terrorizing civilians—a significant number centered in central Somalia, a region currently under intense conflict with Al-Shabab.

The majority of these bombings had specific targets: the Somali government, its officials, troops, or civilians. However, two focused against the Ethiopian forces, attacking separate convoys in southern Somalia.

A concerning fact is that the death toll from these bombings—estimated at 70—might be much higher. Somali and Ethiopian officials have been reticent, possibly downplaying the figures.

Why the sudden spike?

Two main factors can be discerned behind this sudden escalation. Firstly, despite intermittent skirmishes in central Somalia, the large-scale offensive against Al-Shabab seems to have lost steam.

This lull provides Al-Shabab with the much-needed leeway to regroup and deploy suicide bombers with greater frequency. They leverage this freedom to strike at those leading the offensive against them.

In September alone, Al-Shabab attempted to assassinate regional political heads and even the Somali President Hassan Sheikh Mohamud.

The second factor is tied to geopolitical movements. That month, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) commenced its second withdrawal phase. With an additional 3,000 troops set to depart, Al-Shabab is poised to capitalize on this perceived power vacuum.

In response, Somalia and other ATMIS nations are urging a halt to the drawdown—a call even the African Union endorses.

Al-Shabab’s persistent threat

For context, the FDD’s Long War Journal has meticulously recorded Al-Shabab’s suicide bombings since 2006. Data indicates that Al-Shabab has deployed over 411 suicide bombers in 341 distinct operations, including 36 foiled attempts.

Conservative estimates suggest that these bombers have claimed over 3,000 lives. The gravest of these was the October 14, 2017, attack in Mogadishu, which alone took 587 lives, marking it among the most horrific terrorist bombings globally.

Most of Al-Shabab’s terror exploits are within Somalia, although they’ve managed bombings in Uganda and Djibouti and faced foiled attempts in Ethiopia and Kenya.

Their tactics have evolved over the years, from assaults on military establishments to terrorizing civilians, predominantly employing SVBIEDs.

While the general gender of bombers remains unreported, it’s worth noting that women orchestrated at least nine bombings. Al-Shabab’s campaign is the most formidable among al-Qaeda’s global factions.

AU backs Somalia’s troops withdrawal delay request

Addis-Ababa (Caasimada Online) – The African Union (AU) has thrown its weight behind Somalia’s appeal to the UN Security Council for a three-month tactical delay in reducing the number of international troops battling the Al-Shabab terror faction in central Somalia. 

This development comes amid growing military challenges in the country amid intense fighting between the national army and Al-Shabab militants.

Issued from Mogadishu, Somalia’s capital, a statement from the African Union’s Peace and Security Council endorsing the postponement of the withdrawal of 3,000 uniformed personnel. 

The message echoes the union’s unwavering “solidarity with the people and the Federal Government of Somalia” in achieving lasting peace, security, stability, and prosperity that will elevate Somalia, the Horn of Africa, and the Continent. 

Furthermore, the council lauded the commitment shown by troop-contributing nations. Countries like Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti, and Uganda in collaborating with Somalia and its partners to garner the financial backing necessary for this pivotal transition mission.

Financial support needed 

Abdirisak Aden, the executive director of the Farsight Africa Research and Policy Studies Center in Mogadishu, said that although the transition mission and AU’s leadership have decided to stop the withdrawal, it’s up to the African Union and global allies to finance it.  

“Somalia needs just a portion of US and EU funding to Ukraine to combat Al-Shabab,” Aden highlighted, drawing attention to the scale of the challenge. 

This proposed second-phase drawdown from the African Union intends to remove 3,000 peacekeepers from Somalia. The mission has already withdrawn over 2,000 peacekeepers from the nation.  

So, why this urgent call to the UN? Mogadishu’s appeal stems from the urgent need to tackle significant obstacles and the deep-seated implications for Somalia’s security transition.

An official letter from Somalia to the UN Security Council elucidated further. The unexpected events have thinned their military forces, highlighting vulnerabilities. It’s crucial to re-strategize to maintain momentum against the Al-Shabab threat. 

The African Union Transition Mission in Somalia has been operational since 2007. Sanctioned by the AU and mandated by the UN Security Council, its primary goal is to bolster the Somali government’s war against Al-Shabab, an entity linked with the Al Qaeda terror faction.