26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

R/W Xamza oo sii adkeeyay digniinta HALIS ku soo socota Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa inuu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo  fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Sidoo kale ra’uusul wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu warbixinno ka dhegeystay qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada Hey’adda SODMA, isagoo ku booriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in aan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo, isaga oo shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaaku booriyey hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalka in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga digayaa saameyn xoogleh oo ka dhalata roobab dabeylo wata oo kusoo wajahan koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo sii billowday, waxayna haatan kasii da’een magaalada Baydhaaba ee xarunta gobolka Baay.

Midowga Afrika oo go’aan ka gaaray codsigii Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa taageeray codsigi ay Soomaaliya u dirtay QM ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo yareynta ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, xilli ay jiraan dib u dhacyo militari.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in ATMIS ay si xooggan u taageereyso codsiga ah in la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari.

Bayaanka ayaa hoosta looga xariiqay in Midowga Afrika “uu ku garab taagan yahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hammigooda ku aadan nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, taasi oo faa’iido u leh gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. “

Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah in ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka in la xaqiijiyo taageerada maaliyadeed ee uu u baahan yahay howlgalka kala guurka ah.

Inkasta oo ATMIS iyo Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ay go’aansadeen hakinta bixitaanka, waxaa go’aanka kama dambeysta ah leh golaha guud ee ururka iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siiya Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.

Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in 3,000 oo nabad-ilaaliyeyaal ah dalka looga saaro, ayada oo horey ay dalka ugu baxeen 2,000.

Codsiga Muqdisho ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhashay baahida adag ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha waaweyn iyo saamaynta “qoto dheer” ee ku aaddan isbeddelka amniga ee Soomaaliya.

Dhacdooyinka lama filaanka ah ayaa ka dhashay “ciidankeena militariga oo yar, kuna baylahan furimaha hore ee dagaalka, waxaana ay lama huraan noqotay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo si loo xaqiijiyo inaan joogteyno dardarteena aan kaga hortagayno khatarta al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warqad ay Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya waa howlgal uu ansixiyey Midowga Afrika, islamarkaana sharciyeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna jiray tan iyo 2007. Waxaa horey loogu yaqiin AMISOM.

XAMAAS oo 5,000 oo gantaal ku ridday ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa weerar lama filaan ah waxay ku galeen koonfurta Israa’iil, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada ururka Xamaas ay saaka weerareen illaa sadex magaalo oo koofurta Israel ku taala.

Magaalooyinka la weeraray ayaa waxaa ka mid ah magaalada Ashkeloon oo sawiro laga soo qaaday ay ka muuqdaan in qeyb ka mid ah gubatay.

Milateriga Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay duqaynayaan bartilmaameedyo ku yaal marinka Qaza iyadoo lagu jiro “qiimayn xaaladeed”.

Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaaqo.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in kooxdu ay “bilaawday toogashada baasuukaha ee Marinka Gaza ee dhulka Israa’iil” iyo in maleeshiyaadku ay gudaha u galeen dhulka Israa’iil oo ay galeen“goobo kala duwan”.

Sidoo kale Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan “xaalad diyaar u ahaansho dagaal” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza. uga yimid

Dhankiisa wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ayaa ansixiyay in loogu yeero kaydadka militariga.

Ciidamada Israel ayaa haatan bilaabay inay duqeymo aargoosi ah ka fuliyaan marinka Qaza, waxayna ka digeen in Xamaas ay khasaare aad u culus la kulmi doonto.

Maareeye oo weeraray soo dhaweyntii hoggaamiyaha SSC, kuna tilmaamay inuu yahay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inuu la yaaban yahay sidii galabta Muqdisho loogu soo dhaweeyey hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabduqaadir Firdhiye.

Xildhibaan Maareeye ayaa hoggaamiyaha SSC ku tilmaamay guddoomiyaha degmada Laascaanood, isagoo sheegay inuu la yaabay sida nin guddoomiye degmo ah Muqdisho, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi,” ayuu yiri Maareeye.

Qoraalka Xildhibaan Maareeye ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka.”

Si u muuqata kaftan ayuu Maareeye qeybaha dambe ee qoraalkiisa ugu sheegay in degmada Caynaba ee gobolka Sool uu ka soo furanayo Somaliland, hadiiba sida hoggaamiya Cabdulqaadir Firdhiye loo maamuusi doono.

“Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka soo jeeda Somaliland, wuxuuna qoraalkaan ku muujiyey sida uu uga xun yahay in dowladda federaal ay maamuuso oo soo dhaweyso hoggaamiyaha Khaatumo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku casuumtay hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo galabta Muqdisho ka soo degay, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka reer Muqdisho iyo masuuliyiin uu horkacayey wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi.

Daawo: Muxuu Fiqi ka yiri imaashaha Muqdisho ee hoggaamiyaha Khaatumo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin uu hor kacayo ayaa galabta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye oo soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayuu casuumaad ka helay wafdigaan ka socda Khaatumo, sida uu goobtii soo dhaweynta ka shaaciyey guddoomiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye.

Wasiir Fiqi oo soo dhaweyntii kadib hadal kooban ka jeediyey ayaa yiri, “Sharaf bay inoo ahayd galabta in aan ku soo dhowayno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha SSC Khaatumo Md. Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo booqasho rasmi ah iyo casuumaad loo fidiyey ku yimid Muqdisho.”

Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa waxaan leeyahay ku soo dhowaada caasimadda dalkiina, joogitaan wanaagsan ayaan idin rajaynayaa.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wafdiga guddoomiyaha SSC ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dalka, isla markaana ay ka wada hadli doonaan waxyaabihii loogu yeeray.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku soo daray, “Kusoo dhawaada meel aad madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha aad ugala wada hadli doontaan mawaadiicdiin, dowladduna halgankiina halka wadiiqo ku soday way garab taagneyd.”

Soo dhaweyn kadib, waxaa warbaahinta garoonka kula hadlay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, isagoo shaaciyey inay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Muqdisho ku nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda Soomaaliya, magaalada waa hooyada Soomaaliya, SSC waxay ka mid tahay umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay caasimadda u tahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay xudunta umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay masuuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin madaxda dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo hadalkii Fiqi

Daawo: Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo soo gaaray Muqdisho, shaaciyeyna in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay madaxda dowladda federaalka.

Masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacab badan ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda Khaatumo.

Soo dhaweyn kadib, waxaa warbaahinta garoonka kula hadlay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, isagoo shaaciyey inay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Muqdisho ku nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda Soomaaliya, magaalada waa hooyada Soomaaliya, SSC waxay ka mid tahay umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay caasimadda u tahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay xudunta umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay masuuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray hoggaamiyaha Khaatumo.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.

Hoos ka daawo

Muqdisho: Wiil Dabaq isaga soo tuuray halis uu ka cararayey oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda koowaad ee Jeneraal Daa’uud waxaa saakay ka kacay dab xoog leh, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii deganaa hotelka ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dabaqa sare ee Hotelka, kadibna uu geeriyooday.

Dabka ka kacay Hotelkaas oo lagu magacaabo Himilo ayaa geystay kkasaare culus, markii laga soot ago dhimashada ninkaan, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadka qaar, halka alaabihii yaallay hotelka ay wada gubteen.

Wiilka geeriyooday ayaa isku dayey inuu naftiisa badbaadsado, markii uu sii xoogeystay dabku, balse jug culus ayaa ku dhacday, maadaama uu iska soo tuuray qeyb sare.

Nafta ayaa deg deg uga baxday marxuumka, waxaana la sheegay in la aqoonsa waayey ehelkiisa, banaanka Hotelka ayuu muddo yaalay meydka marxuumka.

Halgan adag kadib, markii la demiyey dabkaas waxaa la sheegay in dhaawacyadii ka dhashay iyo meydka wiilka iska soo tuuray Dabaqa loo qaaday isbitaalka Madiina.

Waa qofkii labaad oo aan la aqoonsan oo saakay ku geeriyooday Muqdisho, nin kale oo oday ah ayaa saakay markii waagu beryey meydkiisa lagu arkay xaafadda Bangala ee degmada Deyniile, isagoo daldalan oo geed ka lulanaya.

Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka.

Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isagu uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya.

Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile.

Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay.

Muxuu Mursal ugu diidan yahay Lafta-gareen muddo kororsigii uu Farmaajo siiyey?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa xoogeysanaya khilaafka ka taagan xilliga uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, waxaana is abaabulay mucaarad xoog leh oo doonaya in deg deg doorasho loo qabto.

Xubnaha mucaaradka deegaanada K/Galbeed waxaa hoggaaminaya guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale Madaxweyne ka soo noqday K/Galbeed.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyey BBC ayaa ku doodaya in sanadkii dheeraadka ahaa ee madaxweynaha hadda xilka haya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan 10-aad ee October.

Dhankooda xubnaha kale ee dowladda madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku doodaya in muddo xileedkoodu uu ku ekaanayo dhammaadka sanadka dambe ee 2024-ka.

Garabka Laftagareen ayaa soo xiganaya heshiis uusan baarlamaanka ansixin oo mideynayay doorashooyinka xeer federaal iyo heer gobolka ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la weydiiyay sababta ay ku diidan yihiin muddo kordhintaan oo lamid ah tii uu sameeyay, isla markaana uu hor boodayey xilligii dowladdii Farmaajo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobjoog ah ayaa lagu heshiiyey in doorashada la qabto dhamaadka sanadkaan iyo bisha ugu horeysa sanadka soo socda, heshiiskaas sidiisii ayuu u jiraa, mana burburin,” ayuu yiri Mursal.

Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu intaas ku sii daray in maalmo ka hor ay Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeen in Laftagareen uu ka baxay heshiiskii, maadaama uusan fulin qodobkii tilmaamayey in dagaal lagu qaado Al-Shabaab oo laga xoreeyo deegaanada K/Galbeed, si doorasho loogu qabto.

“Ma waxaan sugi karnaa sanad kale nin aan diyaar u aheyn inuu la dagaalamo Al-Shabaab? Madaxweynaha jamhuuriyaddu ma rabo inay wax qaldamaan, heshiiskii Baydhaba lagu gaarana waa sharci in la fuliyo,” ayuu yiri.

Mursal oo la weydiiyey wixii uu horay u sameeyey ayaa ku dooday in xiligii uu guddoomiyaha ahaa uusan muddo kordhin u sameyn Madaxweyne Farmaajo, balse uu ku adkeystay in baarlamaanka uu hoggaamiyo uu sii joogi doono ilaa inta laga soo dooranayo baarlamaanka kale.

Maxamed Mursal oo aad u taageersanaa Farmaajo, una sameeyey muddo kordhin u suurta geli weysay, weji gabax adagna kala kulmay, ayaa xiligaas kursi Xildhibaan ka soo qaatay Laftagareen oo taageerada Farmaajo ay ka mideysnaayeen, laakiin maanta waxay isku heystaan muddo kororsi uu Laftagareen quud-dareynayo.

 

 

Dhacdo argagax leh: Nin oday ahaa oo lagu daldalay degmada Deyniile + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool xaafadda Bangala ee degmada Deyniile ayaa saakay la kulmay dhacdo argagax leh, kadib markii ay arkeen nin oday ah oo ka lulanaya geed Qurac ah oo xaafadda ku dhex-yaalla.

Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka.

Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isago uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya.

Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile.

Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay.

Waa dhacdo xanuun badan oo dadka xaafadaas ku nool ay aad uga naxeen, maadaama ay subax kasta arki jireen ninkaan odaga ah oo xaafadda dhex lugeynaya ama ordaya, si uu jimicsi u sameeyo.

Boolisku weli sooma saarin natiijada baaritaanadii la sameeyey, sidoo kale ma jirin qof ehelkiisa ah oo yimid goobta, intii la dul dhoobnaa meydka.

In la arko meydka qof la daldalay ama is-daldalay kuma cusba Soomaaliya, dhowr goobood ayaana horay loogu arkay dhacdooyinka noocaan ah, balse inta badan dadku ayaga ayaa is dilay, kadib markii ay xamili waayaan mowjadaha duruufaha ku qabsada dunida.

Sir cusub oo laga helay dagaalkii 30 sano ka hor Muqdisho ku dhexmaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargayska New York Times ayaa maalmo kahor baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor, 3-dii October 1993 Muqdisho ku dhexmaray ciidanka Maraykanka iyo taageerayaasha AUN General Maxamed Faarax Caydiid.

Wargayska ayaa baahiyey in taliyihii guud ee ciidanka Maraykanka, Gen. Gordon Sullivan uu iska indha tiray qoraal sir ah oo uu Gen. David Meade 15 September oo ku beegneyd labo toddobaad ka hor dagaalka uga digay halista ku soo fool leh ciidanka Maraykanka iyo guud ahaan hawlgalka Qaramada Midoobay.

Gen. David oo ahaa mid ka mid ah labada taliye ee ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa ayaa qoraalka digniinta ah ku sheegay in Soomaaliya ay qarxi doonto, dagaalkuna khasaaro badan gaysan doono, ugu dambaynna Muqdisho ay Soomaalidu la wareegi doonaan.

Gen. David wuxuu warbixinta toos ugu diray taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka, isagoo ka booday nidaamka kala saraynta ciidamada maadaama uu u arkayay arrinta mid u baahan wax ka qabad deg-deg ah.

Gen. David wuxuu welwel xoog leh ka muujiyey kala fogaanshaha u dhexeeyey General Jonothan Haw oo ahaa madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay iyo Generaal Caydiid, dardarta iyo dhiiranaanta Caydiid, awoodda iyo abaabulka qabiilkiisa iyo degdegga uu ku heli karo ciidan naftooda u huraya difaaciisa iyo dagaalkaba.

Wuxuu ku taliyey in la soo kordhiyo ciidanka Komaandooska ah, la beddelo xeerka hawlgalka ciidanka (rule of engagement), bandow la soo rogo, aragtina lagu toogto qofkii qori lagu arko, haddii kale dagaalka fashal iyo foolxumo ku danbayn doono.

Madaxweynihii Maraykanka Bill Clinton ayaa amray in la soo xiro Generaal Caydiid oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in uu caqabad ku ahaa dhisamaha dawlad Soomaaliya ka dhalata. Clinton wuxuu soo diray ciidamada kumaandooska khaaska ah ee loo yaqaano (Task Force Ranger) kuwaasoo loo xilsaaray in ay ka taqalusaan Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidankiisa.

Ciidankaas waxaa taliye u ahaa Gen. Bill Garrison, waxayna beegsanayeen bartilmaameedyo u dhow General Caydiid iyagoo qaaday lix weerar oo ay qaar ka mid ah ku soo xireen taageeryaal iyo saraakiil u dhow dhow Jeneraalka.

Wargayska ayaa sheegay in mar kasta oo Maraykanku howlgal sameeyo uu sii xumaanayay xiriirka ay la leeyihiin Soomaalida, jawaabta ciidanka Caydiid ay ahayd mid ka dhaqso badan sidii hore.

“Caydiid wuxuu muujiyay in marka ay timaaddo dagaalka magaalada uu isagu dhulka u hari doono,” ayuu qoray General Meade.

03 October, 1993 General Garrison wuxuu amray weerarkii 7aad. Waxay qabteen labo sarkaal oo ka tirsan taageeryaashii Caydiid. In kastoo uusan Caydiid soo qaban, hadana Gen. Bill Garrison wuxuu aaminsanaa inuu horumar samaynayay, guulna laga gaari karo ka takhaluska Caydiid.

Rasaastii Ciidamada Caydiid ayaa haleeshay 4 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, labo waxaa u suura gashay in ay saldhiggooda ku laabtaan halka labadii kale ku dhaceen goobtii dagaalka iyadoo 18 saac oo dagaal ah kadib ay gurmad ahaan ugu tageen ciidamo ka socday Pakistan, Malaysia iyo ciidankii Gen. David si ay u badbaadiyaan ciidamada Maraykanka ee go’doomay.

Ka dib dhimashadii 18 askari oo Maraykan ah, iyo in ka badan 1000 Soomaali ah, General Garrison wuu is-casilay, Clintona wuxuu amray in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya.

Maraykanka xilligaa waxay ku soo guulaystay dagaalkii qaboobaa oo waxaa burburay Soofiyeetkii ay loollanka ku wada jireen, wuxuu kaloo ku soo guulaystay dagaalkii Duufaantii Saxaraha (Desert Storm) ee Sadam Xuseen looga saaray Kuwait. Ma xamili karin in lagu qab jebiyo Soomaaliya, sidaas darteed, Clinton oo looga jawaabi waayey sida ay ku dhacday in Maraykanka oo ciidankiisu dunida ugu awoodda badnaa sidaa loo galo, ayaa go’aasaday in ciidankiisa la baxo.

Wargayska ayaa ku soo gabogabeeyey warbixibtiisa in aan la ogaan karin waxa dhici lahaa haddii la qaadan lahaa talada Gen. David, dagaalka ka hor, ama lagu sii socon lahaa hawlgalka sida uu aaminsanaa Gen. Garrison, waxaase la ogyahay in bixitaankii Maraykanka iyo soo afmeeriddii hawlgalkii Qaramada Midoobay ay 30 sano Soomaaliya baylah uga dhigtay colaad sokeeye, burcad-badeed iyo argagexiso caalami ah.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hanti-dhawrka oo awaamiir culus kusoo rogay shirkadaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socda shirkado kala duwan oo ku howlan dhoofinta biraha duuga ah.

Hanti-dhawrka ayaa waxa uu faray guud ahaan shirkadaha dhoofiya biraha duugga ah in aysan marna fasax u haysan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadihii hore ee dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa.

Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay shirkadaha ku hawlan dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka iney si deg-deg ah u joojiyaan.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ogaaday in shirkado iyo shaqsiyaad ka ganacsada biraha duugga ah (Scrap) ay qodayaan dhulka xarumaha warshadaha kala duwan ee dalka qaarkood sida warshadda sifeynta batroolka ee ku taal duleedka Muqdisho ama ay dhoofinayaan agabka yaal xarumaha warshadaha iyo qalabka dhulka hoostiisa ku jira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka.

Waxa kale oo lagu yiri “Si waafaqsan Qodobka 5aad (Sharci Lr. 14 ee 10/09/2023) Xafiiska Hantidhowrka guud ee JFS waxa uu masuul ka yahay ilaalinta, baarista Hantidhowrka iyo kor joogteynta hantida Qaranka.”

Xafiiska Hanti-dhawrka oo gudanaya waajibkaas sharcigu saaray ayaa ku wargeliyay dhamaan shirkadahaas inay si deg-deg ah u joojiyaan arrimaha ay ku howlan yihiin ee kamid yihiin dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka.

“Shirkadahaas fasax uma haystaan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadaha dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa intaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri awaamiirta kasoo baxday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Putin oo ‘si yaab leh iskaga duway’ shilkii uu ku dhintay madaxii Wagner ku dhintay

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in bur-burka diyaaraddii uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin aysan kusoo dhicin fara-gelin dibadda ah.

Waxa uu ka dhawaajiyay inay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda, balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Putin ayaa ayaa sidoo kale xusay in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August.

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda, tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, oo u muuqda mid meesha ka saaraya sheegada Mareykanka oo rumeysan in diyaraadda lasoo riday.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku bur-burtay waqooyiga Moscow, waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August.

Putin ayaa markaas ballan-qaaday in baaritaan lagu sameynayo dhacdadaas, isaga oo Prigozhin ku qeexay ganacsade xirfadle ah oo uu garanayey tan iyo sagaashamaadkii. Sidoo kalena ku tilmaamay inuu ahaa nin khaladaad sameeyey balse “ku guuleysta natiijooyin la taaban karo.”

Si kastaba, Xaaladda shilkaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadkii ku dhowaa Prigozhin, ayaa markaas dhalisay hadal-hayn caro leh oo ku saabsan suurta-galnimada ah in khaarajiyey.

Wararkii ugu dambeeyey muranka doorashada maamulka Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan muran xooggan oo salka ku haya arrinta doorashada madaxnimo ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhexeeyaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee u hanqal taagay inay kursiga ka qaataan.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa raba in uu fulo heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, waxayna shalay ka baaqdeen safar la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa siyaasiyiinta markale ugu yeeray Dhuusamareeb, si wada-tashi loo yeesho, xilli halkaas uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Haddaba xalka khilaafkan doorasho muxuu yahay, maxaase la gudboon dhinacyada?

Prof. Liibaan Ciise oo daraasaadka sare ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xalka khilaafka taagan uu yahay in la wada-hadalo, islamarkaana la isla gaaro go’aanno ay labada dhinac ogol ka yihiin.

“Waxay u baahan tahay odayaashii arrintaan galay in ay dib u galaan, oo ugu mudan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xal ayaa lagu gaari karaa ama wax alaale wixii la isku ogyahay la sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu adkeeyay in sida ugu dhaqsaha badan wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, si markale uusan gacan ka hadal uga dhicin magaalada Baydhabo oo wajahaysa xaaladdo adag oo is-biirsaday.

“Dadka waxaa u dan ah nabadda oo aysan xabad dhicin, ayada oo la ogyahay daruufta maanta magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ka jira ee dhaqaale iyo amni, haddii loolan siyaasadeed iyo dagaal ku billowdo waa wax dhibaato u keenaya bulshada.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa aniga ila gudboon in arrintaas wada-hadal lagu dhameeyo oo wax la isla ogyahay oo heshiis lagu yahay aad loo qadariyo ayay u baahan tahay.”

How the Somalia Federal Government finally degraded Al-Shabaab

Today, the world is finally seeing in Somalia a blueprint for total victory against the Al-Shabaab terrorist movement. The unthinkable is now a reality: a Somalia without Al-Shabaab. This blueprint for total victory is emerging despite years of failed foreign military and political interventions. Many Somalia observers are asking how has this incredible reversal of Al-Shabaab ascendency and dominance in Somalia occurred in just one year under the Federal Government of Somalia ( which it should be recalled just a few years ago was merely an entity in name only without any effective power on the ground)?

Perhaps the answers to the recent success against Al-Shabaab lies in the combination of patient rebuilding of the Somali institutions by Turkey, Italy and the US, the maturing of the Somali National Army (SNA), the role of the US-trained Danab Commando Brigade, the restructuring of National Intelligence and Security Agency (NISA) under its current Commander Mahad Mohamed Salaad- all of this within the generalized Somali societal outrage and deep resentment against the Al Shabaab due to its incessant bloody massacres and usurpations of the dignity, culture and wealth of the Somali communities living under their control.

In August 2022, the President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mahmud declared a “total war” against the Al-Shabaab extremist movement in Somalia. At the time, like many seasoned Somalia observers I saw no indication that this declaration was anything but hollow political rhetoric.

It should be recalled that in the past 16 years, including Hassan Sheikh’s first presidential term 2012-2016 and previously under Sharif Sheikh Ahmed’s Transitional Federal Government (TFG) and recently under Mohamed Abdullahi Farmaajo’s administration, there was no meaningful long-term military, financial or socio-political actions taken against the Al-Shabaab. In fact, in Mogadishu the Shabaab flagrantly ran the court system and extortion networks openly from the nearby Afgoye District- despite the presence of thousands of African Union forces in the area.

Since 2009, the Al-Shabaab successfully utilized the inherently opportunistic and predatory “divide and rule” clan stratagem whereby the clan animosities, minority-majority clan dynamics and political rivalries between the Federal Government and regional entities would ensure that Al-Shabaab was the only fair arbiter of Somali affairs. Consequently, in 16 years, Al Shabaab managed to build a parallel quasi-state apparatus and in the process one that threatened to overrun Somalia. 

However, one year later, to the utter shock of the international community, neighboring countries and Somali watchers alike, the Somali Federal Government forces succeeded to degrade the Al-Shabaab threat, especially the National Intelligence and Security Agency (NISA) units. NISA, now more of a military intelligence unit with its own commandos and financial teams have successfully helped the Federal Government to dismantle the Al-Shabaab financial backbone which in turn allowed the Federal forces to re-take over 45% of previously controlled Al-Shabaab territories in Southern and Central Somalia.

The Mahad Salaad Factor

NISA under Mahad Salaad has arrested and assassinated countless Al-Shabaab activists, detained Al-Shabaab recruiters, financiers and extradited ideological supporters from Kenya. The most effective of all NISA actions under Mahad Salaad has been freezing millions of dollars of Al-Shabaab funds. By simply tracing the frozen Al-Shabaab funds and assets to their sources NISA dismantled illegal bomb- making facilities and trafficking networks and neutralized death squads in Mogadishu.  More interestingly, there are rumours that NISA chief Mahad Salaad has been using the Al-Shabaab frozen assets to recruit more Al-Shabaab operatives within the terrorist network as well as increasing the salaries of NISA operatives. By creating a loyal cadres of NISA agents, well-paid and loyal to him, Mahad Salaad has transformed NISA into a formidable intelligence force that has never been seen since perhaps the NSS of Siad Barre’s regime.

With the momentum on side of the Federal Government, the clandestine NISA units, along with the bulk of Somali National Army (SNA) and Danab Brigade Al- Shabaab is losing much of its previous strongholds. In fact, the SNA has encircled and besieged the Ceelbuur district and the coastal areas of Galmudug and Hirshabelle State.

 What is remarkable about this current “total war” is not just the scale of military coordination, financial, economic and social mobilization of the Somali population against the Al-Shabaab in one year but the sustainable gains in making sure the local clan population is included in every military and political campaign with the clear and measurable goal of dismantling the Al-Shabaab extortion and so called “judicial courts”.

Without the ability to freely extort the local population and no new funds coming and diminished legitimacy in the lack of the local population turning to the Shabaab courts, the Al-Shabaab leadership have found themselves in escalating crisis out of their control: the Al-Shabaab is being attacked by the Federal Government and US-EU drones while it is unable to sustain any large-scale military operations, symbolic mass attacks in Mogadishu and is unable to keep paying their operators to execute targeted assassinations.

The Shabaab Movement is not just losing territory to the Federal Government but the critical ability to project enduring power across the Theatre of War: the ability to intimidate the local population in the areas they governed. Without replenishing the frozen extortion funds now held by NISA under the cunning Mahad Salaad, the Al-Shabaab use of intimidation and mass violent attacks are diminishing in Mogadishu and throughout Southern and Central Somalia- the heartland that they have held onto for 16 years!

 Consequently, one can clearly see the contours of an effective blueprint in the fight against Al-Shabaab utilized by the Federal Government in 2023. Firstly, the Somali National Army (SNA), especially the US and Turkish trained Danab Commando Units and local clan paramilitaries methodically encircle, sweep and strike with overwhelming force into the Al-Shabaab-held districts. Before moving onto the next enemy held Al-Shabaab districts, the Federal Government through the elected clan Members of Parliament who are tasked with setting up local governing council composed of the local clans responsible for holding the territory and administering it. Once the local governance and security infrastructure agreed upon is set up by the Federal Government through the local clan Members of Parliament, the Italy managed Towards Peace and Stability in Somalia (TPSS) fund quickly releases the necessary rapid budgetary funds “cash on the spot” as Italian Ambassador Alberto Vecchi famously stated during the formally inauguration of the TPSS with Prime Minister Hamza Abdi Barre in September 2023.

The TPSS Fund is crucial for injecting the required immediate economic resources needed to make the newly freed district attractive to the civilian population which directly reduces the chances of Al-Shabaab infiltration, resumed attacks and imposition of extortion Zakat on the civilians.

Why is this important? In the past, the local clan communities in rural Somalia were not fully brought into the anti-Shabaab campaigns and planning for the post- Al-Shabaab transition administration. Predictably, the alienated clans and sub-clans began to collaborate with Al-Shabaab who were able to bribe them to allow for attacks on the Federal Government, sometimes for less than US $100.

Now, what the Federal Government has done by using the elected clan Members of Parliament and the Italian TPSS Fund is to bring all the local clans in the formation of local governance structures after the Al-Shabaab have been pushed out by the SNA, Danab and NISA units. This not only makes the local clans assume the added responsibility in holding the newly freed district but it degrades and eliminates the Al-Shabaab financial and quasi political structures from taking hold again. Militarily, this strategy also frees up the Federal Government forces to continue their uninterrupted advance into Al-Shabaab territory.

The Big Question of 2024 

The only question that remains answered so far is: will the Al-Shabaab now splinter into factions, some open to talks with the embolden Federal Government? If the Al-Shabaab Leadership do not negotiate out of the unprecedented sustained “Total War” being waged against them by the Federal Government, there is a real prospect of the Shabaab’s total defeat as a military and political player in Somalia. Ironically, the new scenario might very well become the Federal Government refusing to negotiate with a weakened Al-Shabaab that they are currently winning against and are confident of its imminent defeat!

Dr. M. Omar Hashi
[email protected] 

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Nin la dhashay SUFYAAN TAAKEEYE oo la dilay

0

Shabeelow (Caasimada Online) – Arbacadii wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka yimid shacabka iyo al-Shabaab.

Dagaalka oo dhawr jeer dhexmaray labada dhinac ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ‘ciidmaadu cagta mariyeen fariismo ay lahaayeen al Shabaab’.

Balse halkaas waxaa ku dhintay tiro ciidamada deegaanka ah, waxaana kamid ahaa nin ay walaalo yihiin Sufyaan Sheekh Axmed oo dhawaan ay gacanta ku dhigtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Waa kuma ninkaan?

Daahir Sheekh Axmed wuxuu sideetameeyadii ku dhashay baadiyaha magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, isaga oo ku soo barbaaray isla baadiyahaas.

Ma uusan helin waxbarasho marka laga yimaado Quraanka oo uu bartay markii uu yaraa, iyo kataabada diiniga ah, gaar fiqhiga oo ka bartamay masaajidda deegaanka Gidheys oo ku yaalla aaggaas.

Ma lahayn wax khibrad dagaal ah, sida ay noo sheegeen qaraabadiisu, sidoo kale dagaallo hore qayb ugama noqon.

Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u wareegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ayaa qabiilada dega gobolka laga aruuriyay tiro ciidamo ah, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah al Shabaab. Daahir wuxuu kamid ahaa ciidamadaas.

Sida uu sheegay walaalkiis, wuxuu aad u necbaa fikirka al Shabaab oo uu arkayay mid qaldan oo ay ku gumaadayaan dadka Shacabka ah.

Markii uu cabaar socday dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeeloow ayaa ciidamadii dad shacabka ah ka yimid u baahdeen gurmad, Daahir iyo koox kale oo ciidamo ah ayaa gurmad ahaan u gaaray furinta, isaga ayaana halkaas ku dhintay.

Daahir wuxuu ahaa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale wuxuu xanaaneynayay hooyadiis oo da’ ah, korna u dhaaftay sagaashan sano.

Dhanka kale walaalkiis Sufyaan ayaa todobaadkaan dawladda Soomaaliya waxay shaacisay inay gacanta ku dhigeen, iyaga oo ku tilmaamey taageere fikradaha xagjirka ah ee al Shabaab.

Sufyaan ayaa sida ay sheegeen sirdoonka Soomaaliya wajihi doona su’aalo waydiin la xiriirta taageerada uu u muujiyay fikradaha al Shabaab.

Waxay u muuqataa inay qaadeen labo waddo oo kala duwan, balse waxaa la is waydiinayaa maxaa sababay in laba walaalo ah ay sidaas u kala duwanaadaan.

Maxay qoyskiisu ka yiraahdeen Sufyaan?

Sida ay BBC u sheegeen qoyska Sufyaan, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo wax ku bartay gudaha Soomaaliya, firfircoon, kuna fiicnaa kubadda cagta.

“Marka uu kubadda ciyaarayo ayuu dadka garab ku dhufan jiray” ayuu yiri ina adeerkiis oo ka hadlayay sida ay ugu baxday naaneysta Taakeeye.

Kadib ayay sheegeen inuu aaday qurbaha, halkaas oo uu waxbarasho ka galay, jaamacadda heerka koobaad iyo kan labaad uu k aqaatay.

Waxay sheegeen qoysku inuusan waligiis ku biirin kooxaha xagjirka ah, balse uu si kafiirsasho la’aan ah uu u bilaabay taageeridda fikrado xagjir ah.

“Guri uu isagu leeyahay ayuu soo xirtay, wuxuuna yiri ‘Calanka Soomaaliya ayaan badalayaa, anoo shaqsi ah oo kaligey ah ah’ . iyadoo wixii lala yaaban yahay ayaa wuxuu ku xijiyay inuu yiraahdo ‘waxaan badalayaa dastuurka Soomaaliya’, hadana wuxuu ku sii xijiyay inuu dadkii dacniyo oo dawladdii Soomaaliya iyo masuuliyiintii uu qof kasta wax ka sheego”, ayuu yiri Cabdi Xuseyn oo ay walaalo yihiin.

Dawladda Soomaaliya oo shaacisay inay baaritaano ku sameyn doonto Sufyaan, ayaa dhawr maalin ka hor baahisay inay gacanta ku dhigeen.

Sufyaan ayaa dad badan barteen bartamihii sanadkii 2020 kii, xilligaas oo la soo muuqday afar haween ah oo uu sheegay inay xasaskiisa yihiin.

xilligaas kadib ayuu bilaabay inuu wareysiyo siiyo warbaahinta maxalliga ah kuwaas oo uga hadlayo afkaaro siyaasadeed.

mar dambe ayuu sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasi ah, kaas oo doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo shareecada Islaamka, sioo kalana doonaya inuu badalo calanka oo uu ku tilmaamay ‘astaan sheydaan’ iyo sidoo kale dastuurka.

Dhawaan ayuu sidoo kale baahiyay muuqaallo uu ku sheegayo dawladda Soomaaliya mid ‘gaalo ah’, dadka taageersanna ay yihiin ‘gaalo’.

Hadalka Sufyaan ayaa ku soo aaday xilli ay socdaan dagaallo ka dhan ah ururka al Shabaab, oo ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Isha: BBC

Ciidamada Mareykanka oo soo riday DIYAARAD uu Turkigu leeyahay + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK.

Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta.

Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara.

Ryder waxa uu yiri “Taliyayaasha Maraykanku waxa ay qiimeeyeen… diyaaradda, oo markan wax ka yar nus kiilomitir u jirta ciidamada Maraykanka, in ay tahay halis.”

“Kadib diyaarad Mareykan oo F-16 ah ayaa si is-difaac ah usoo ridday diyaaraddii drone-ka,” ayuu yiri.

Xoghayaha difaacca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii la hadlay dhiggiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ku booriyey “in la qaboojiyo xiisadda waqooyiga Syira, iyo muhiimadda in si adag loo ilaaliyo qawaaniinta isku dhacyada iyo isgaarsiinta iyada oo loo marayo hab milatari ka militari ah,” ayuu Ryder ku yiri war-saxaafadeed.

Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.”

Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

AFP, VOA

Sanad ka dib guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo ka qayb-galay dood ku sabaan dagaalka Al-Shabaab ayaa ka hadlay sanad ka dib waxa u qabsoomay, dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in la maquuniyay Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhacday awooddii ay laheyd kooxda sanad kahor, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in nidaam ahaan, ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay haatan u burbureen kooxda Al-Shabaab, kadib duulaanka culus ee lagu qaaday.

“Dagaalkaas Khawaarijta lagu qaaday wuxuu keenay in awooddii kooxdu sii muuqda aanay maanta u jirin laga soo bilaabo qaababkii ay u dhisnaayeen. Nidaamkii xukun ee u dhisnaa kooxda inuu burburay, haddii ay ahaan lahayd nidaamkii maamul, haddii ay ahaan lahayd nidaamkii maaliyadeed haddii ay ahaan laheyd nidaamkii ciidan” ayuu yiri Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intooda badan cagta la mariyay xarumihii ay ku adeegi jireen iyo kuwa ay ku tababari jireen dagaalyahanadooda.

“Goobihii ay ku adeegan jireen ama isbitaallo u ahaa,  ama meelo ay ciidamada ku tababaraan way baaba’een” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiir ku xigeenku.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale boggaadiyay doorka ay shacabka Soomaaliyeed haatan ka qaadanayaan dagaalka, taas oo kuu ku tilmaamay guul kale oo weyn.

“Arrinta kale ee guusha weyn waxaa waayay baraaruga dadka, sanad kahor Khawaarijta waxa ay joogeen bahdilaadda ay dadka Soomaaliyeed ku sameeyeen inay gaarsiiyeen in taleefan ay ku maamulaan oo waxa ay rabaan u sheegaan” ayuu mar kale yiri Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Sanad kadib waxaan joognaa in dadka Soomaaliyeed maanta inay ku tartamayaan wax ka sheegay Khawaarijta”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka, waxaana howlgallada dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

Sawirro: Ujeedka kulan caawa ka dhacay xarunta dowladda hoose XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay dardar-galinta horumarinta qaadashada adeega aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda, kaasi oo dhawaan ka billowday guud ahaan dalka.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ayaa Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle, Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil.

Sidoo kale waxaa goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin in si hufan loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed islamarkaana qaadashada Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid muhiim ah ah muwaadinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada.

Mucaaradka K/G oo safarkii Baydhaba ka baaqday kadib dalab uga yimid Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Mucaaradka Koonfur Galbeed oo maanta la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka baaqday kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha mucaaradka ah ee u sharaxan xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday inay dib u dhigaan safarkooda.

Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay tagayaan Dhuusamareeb, si halkaas kulamo wada-tashi kula yeeshaan madaxweynaha.

“Waxaan u baaqnay codsi nooga yimid madaxweyne Xasan oo la xariira kulamo wada-tashi oo uu codsaday madaxwynaha in aan Dhuusamareeb kula yeelano, marka Dhuusamarewb ayaan tageyna,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal oo ku hadlayay afka xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay ka soo dhamaadan kulamada wada-tashi ee u aadayaan Dhuusamareeb ay tagi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

“Kadib waxaan tageyna Baydhabo oo qorshaheenii waa sidiisa wax iska badalay malahan” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Mursal.

Xubnahaan mucaaradka ku ah madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxay isugu jiraan guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiintan ayaa dhamaantood u sharaxan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya in la fuliyo heshiis siyaasadeedkii hore loo gaaray, kaas oo qodob kamid ah uu tilmaamayay in doorashada maamulka la bilaabo horraanta bisha November 2023.

Muxuu Salaad Cali Jeelle ka yiri dagaalka Al-Shabaab?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn madaxda dowladda federaalka ugu boggaadiyay go’aanka ay qaateen ee ku aadan xoreynta dalka , si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dagaalkan uu kusoo aaday xilli loo baahnaan, isla-markaana uu yahay kid lagu soo celinayo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii nasiib wanaag waxa ay noqotay inaan helno madax dowladeed oo muhiimadda koowaad siinaayo la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan Khawaarijta oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka go’an tahay in arrintaasi shacabka Soomaaliyeed ay usoo celiyaan sharaftoodii, Argagixisana kaga caribtiro dalka ” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee isku garabsanaya dagaalka, isagoo sheegay inay kasoo baxeen doorkii laga filayay ee dagaalka.

“Waxaa aad iyo aad iyaguna mahadcelin leh oo runtii doorkooda qaatay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa iyaguna xusid mudan oo aan la iloobi karin shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada la baxay Macawiisleyda” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay duqeymaha ay iyaguna diyaaradaha dagaalka ka fuliyaan gobollada ay ka socdaan dalka, wuxuuna sheegay in cir iyo dhulka laga weeraray Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xubnaha weli ka barbar dagaalamaya kooxda, isaga oo ugu baaqay inay isku soo dhiibaan dowladda dhexe , maadaama ay fursad haystaan

“Adiga oo duqeyn kuugu socoto inaad god ugu jirto waa aqli darro, waa cawaanimo, waxaan ugu baaqaa marka inay naftooda wixii hadda haray haligine inay isa soo dhiiban ayaan ugu baaqayaa” ayuu mar kale wareysigaan ku yiro Danjire Salaad Cali Jeelle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah AShabaab, kuwaas oo xoogooda laga dareemayo Galmudug iyo HirShabelle.